Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Hay’adda FBI-da Maraykanka waxay sheegtay inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo ” In Ilhaan Cumar la dili doono “ FBI-da waxay sheegeen in qoraalka hanjabaadda lagu qoray derbiga suulli ku yaalla kaalin shidaal, isla markaana ay baaritaan ku hayaan nin lagu magacaabo Barayn Raynis oo lagu tuhunsan yahay inuu qoray farriintaasi. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran, Halkan hoose ka DAAWO khudbadii Madaxwynuhu ka jeediyay Source
  3. Sida aynu la wada socono Somaliland waxay soo jirtay wakhti ku siman ilaa 29 sanadood 1991 -2019. Waxaa iska soo bedelay shan madaxweyne oo uu ugu danbeeyay kan iminka jooga mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxay muwaadiniinta aan ka mid ahay is waydiinayaan halka uu marayo geedigi bulshadeenu ugu jirtay in ay gaadhaan horuumar oo ay heleen aqoonsi caalami ah oo aynu ka helo beesha caalamka. Hadaba, inta aanan ka jawaabin sida aan u arko iyo aragtidayda, aan idiin soo tebiyo iswaydiintii naftayda ee ahayd oo waa kuma ninka maanta hogaanka aynu u dhiibanay ee hawshan laga sugayaa ? Dee waa mujaahidkii Muuse ee afartii madaxweyne ee ina soo marayba kaladhka haystay ee ka laalaaday. Oo waxaynu filaynay in uu inoo dhaamayo ee ma kursiguu doonayay mise wax kale ayaa inoo dhiman oo uu weli inala maaganyahay? Dee malaha waxaan is leeyahay kursiga ayuun buu u haliilayay, oo hadana waxaan is waydiiyay, oo talow muxuu ku falayay kursiga? Waxaan isugu jawaabay malaha waxoogaa reerkooda ah in uu kuraas siiyo iyo in loo damaashaado oo durbaanka loo tumo kama badnayn. Waxaanu weli leeyahay waxbaan soo wadaa, waxaana dhamaaday sanad iyo badh! Nin baa laga sheegay “Waar toltolkaaga mooyaane bal hayga jeexjeexin” aniguna waxaaaban is waydiinayaa, talow armuu uga daraa! Bal hadaba aan eegno oo dhugano wakhtigaa uu talada hayay iyo halkee joognaa? Waxaa muuqata oo uu madaxweynuhu afkiisa ku cadeeyay in aynu dunidii go’doon kaga jiro, isagoo Safarkii bariga ku guda jira oo Burco ka khudbadaynaya wuxuu yidhi “waxaan diyaar u nahay in 30 kii sanadood ee erateriya go’doonka ku jirtay aanu go’doon ku jiro” waa yaabe muu saadaal ka wanaagsan inoo sameeyo! Mar labaad maalintii dhaweyd ee uu ka soo noqday Ethiopia wuxuu sheegay in Abi Axmed inoo badheedhay oo yidhi Somali-wayn la midooba. Waa yaabe ma raadkii arooryo ayaynu dib u raacaynaa. Dhaqaalihii hadaan eegayna waxaa dalkii ka baxaya qaylo oo waxa aan lagu kala baydhin in busaaradi ku habsatay oo sixir-bararkiina halkiisii ka soo degiwaayay. Waxaa iyaduna inugu cusbaa, dagaalo qabaa’il oo ay ku dhinteen dad ka badan 110 ruux Laascaanood iyo Ceel-afweyn, iyadoo weli qaar taagan yihiin oo aan Madaxweynaha ka dhegaystay markuu shirkii Kulmiye ka khudbadaynayay labo beelood oo isku horfadhiya galbeedka Somaliland, waar hayga hadho mujaahidiintii ayaa siyaasada gudaha fahmaya oo waa niman aad dhaqanka u yaqaan mar hadii Maxamed Kaahin oo Daakhiligii jooga ay baroortii haweeku damiwayday oo dadkeenii tarabtab isugu dhimanayo. Allaa kariim! Anigu eegay oo waxay ila tahay mudane Muuse Biixi waa Madaxweynihii ugu liitay intii Somaliland soo martay, waa Siyaasigii ugu hagardaamada badnaa ee madaxweyneyaashii hore caqabada ku ahaa ee ay talaabada ka rogi waayeen, maantaana himilidii iyo mustaqbalka Somaliland madaw badan ayaa isku gadaamay ee dalkii haloo feejignaado. Ibraahin Cabdi Maxamed yarea2146@gmail.com Source
  4. · Aniga oo ixtiraam weyn u haya ciidamada kala duwan ee Somaliland leedahay, una rejaynaya horumar baaxad leh, waxa aan is lahaa haddii aanu madaxwayne Biixi aqoon durugsan iyo cilmi baaxad leh u lahayn siyaasadaha arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo arimaha dhaqaalaha dalka, waxa aan filayey in uu aqoon u leeyahay maamulka ciidamada qalbka sida ee kala duwan. Waa kala laba in aad askarinimo soo martay iyo in aad aqoon u leedahay siyaasada hagida iyo maamulka ciidamada, wali dunida kama ay dhicin in darajada ciidan ee dal u saraysa laba sarkaal wada xidhan yihiin, labadeenan taliye ee ciidamada milatariga; Nuux Ismaaciil Taani iyo booliska; Cabdilaahi Fadal Iimaan waa isku derajo waxa ayna sitaan labaduba Sareeye Gaas. Inkasta oo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida yahay masuul madani ah oo labis shacab sita, bal xukuumada waxa aan weydiinayaa dalku haddii uu galo xaalad degdeg ah labadan taliye sida ay u kala amar qaadanayaan? Waxani arrimo ciidan maaha waa aqoon korodhsi ee la socda. Amb Ahmed Safiina X/X/D/C/I/W/I/ ee Xsbiga WADDANI Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Adeega gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye ayaa laga joojiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo aan shaqeyn maalmihii ugu dambeeyey. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in adeeggan uusan magaalada ka shaqeyn muddo hadda toddoba cisho ku dhow. Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta adeeggan, oo ka shaqeynaya magaalooyinka kale ee Soomaaliya, looga joojiyey magaalada Muqdisho kaliya iyo cidda joojisay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dowladda Soomaaliya joojisay kadib markii la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaas ay ka soo dageen, kuna baxsadeen ragii dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre. Xogtan ayaa sheegeysa in saraakiil ka tirsan wasaaradda amniga iyo taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay maamulka Shirkadda ku wargeliyeen in gaadiidkaan aysan Muqdisho ka shaqeyn karin ilaa ay keenaan dadkii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Boqorre oo bishii hore lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir. Si kastaba, xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in joojintan adeeggamn aysan shaqo ku lahayn dowladda, waxayna ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shabaabka ay adeeggan u joojiyeen sababo la xiriira xagga amnigooda, inkasta oo aysan shaacin sababahaas. Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Dhaweeye oo aan la xiriirnay waa ay diideen inay ka hadlaan sababta adeegga loo joojiyey, inkasta oo ay xaqiijiyeen inuu joogsaday balse ay ku gaabsadeen in dhowaan dib u howl-gali doono. Shirkadda Dhaweeye oo dhawaan ka shaqa bilaawday magaalada Muqdisho ayaa waxaa faa’idooyin badan ka helay dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey in ay si buuxda u barbar taagan yihiin Barnaamika shaqo Qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidamadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye guud Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadlay Faa’iidada Barnamijka shaqo qaran, waxaanu codsi u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomkiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa xukuumadda ku taageeray barnaamijka shaqo qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa uu hadal ka jeediyay madal lagu daah-furayay barnaamijka shaqo qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda UK u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka UK, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka UK ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda UK ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee UK u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday. D Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegay isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan, wasiir ku xigeenkiisa Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay isbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira isbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka isbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu danbayn madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey Kormeerka madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. “Maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 03 2019 waxaa isbitaalka weyn ee Caasimadda Garoowe nagu soo booqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Kormeerka Madaxweynaha ayaa muhiimaddiisu ahayd u kuurgalka xaaladda isbitaalka, runtii Kormeerkaasi si wanaagsan ayuu u qabsoomay, waxaanu cisbitaalka ugu tagnay shaqaale aad u dedaalaya” “Sida aad la socotaan isbitaalka Garoowe waxaa la hirgeliyey dhismihiisa xili hore, waxa uu u baahan yahay balaadhin iyo tayayn dhan-walba ah, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in si dhakhso ah loo balaadhiyo isbitaalka, Isla markaana loo dhammaystiro baahida qalab iyo mid dhismeba” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambayn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey dhakhaatiirta iyo maamulkaba inay masuuliyad gaara iska saaraan shacabka rayid ka ah ee u baahan daryeelidda xaaladdooda caafimaad. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo booqday isbitaalka weyn ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood. Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda Ingiriisku ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee Ingiriiska u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday. View the full article
  14. Fafaxdhuun (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay askari Soomaali ah ku dileen gobolkaas mid kalena ku dhaawacmeen. Askarta Kenyaanka ah oo saaka ka baxay degaan 25km u jira Faafaxdhuun ayaa la kulmay qarax, waxaana kaddib Ciidamada ay ka shakiyeen askari taleefan ku hadlayay oo Soomaali ah, sida ay qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida sheegeen. Rasaastii ay ku fureen Askariga ayuu u geeriyooday waxaana sidoo kale ku dhaawacmay mid kale oo la taagnaa. Qof ka mid ah goobjoogayaasha ku sugan degaanka ayaa xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay ka shakiyeen askariga Taleefanka ku hadlayay oo ay ku tuhmeen in uu qaraxa xogtiisa bixinayay, inkasta oo aysan jirin wax caddeynaya tuhunka ciidamada Kenya. Warar kale, ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya ay iska caabiyeen kuwa Kenya markii askariga ay dileen, islamarkaana askari Kenyan ah ay ayagana dhaawaceen. Ciidamada Kenya ayaa shalay isaga baxay degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo oo 80km dhinaca galbeed uga beegan Baardheere, waxaana halkaas la wareegay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dowladda Puntland ayaa amartay, in gebi ahaanba la xiro, marsada gaadiidka iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku dhexyaalla dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, oo la ogaysiiyay dhammaan laamaha dowladda ay khusayso, ayaa lagu amray ganacsatada kalluunka in ay isaga’ guuran, marsada iyo suuqa ganacsiga kalluunka ee ku yaalla gudaha dekedda Boosaaso, laga bilaabo 5-ta bishan Maarso ee ku beegan maalinta Taaladada. Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay, in nawaaxiga dekedda Boosaaso laga mamnuucay, dhammaan gaadiidkii kalluumeysiga ee ka shaqeyn jiray halkaasi, waxaana lagu wargeliyay in gaadiidka laga joojiyay aga’gaarka dekedda. Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay, si loo adkeeyo sugidda amniga dekedda, islamarkaana looga hortago wax kasta oo shaki gelin kara nabadgelyada, iyadoo la xasuustanyahay shilkii ka dhacay xarunta Necfish ee xaydaabka dekedda oo lagu dilay Paul Anthony Formosa madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Puntland oo xirtay marsadii iyo suuqii kalluunka dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Qaahira (SMN) – Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuubakar Isloow iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abubakar Isloow ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kaalinta hoggaamineed ee Masar ay ku leedahay qaaradda Afrika. Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso in ay ka faa’iideysto khibradda dalka Masar ee ku aaddan dhanka ciidmamada booliska. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Masar ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in ay laba-laabaan dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka iyo xasiloonida. Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan tababaridda Booliska. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay wada shaqeynta iyo inay laamaha amniga wadaagaan warbixinnada, si loo yareeyo dambiyada iyo falalka argagixisada. Labada wasiir ayaa kala saxiixday is-fahan la xiriira iskaashiga arrimaha amniga iyo is-dhaafsiga khibradaha. Kulanka waxaa goob jooga ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys iyo mas’uuliyiin kale. View the full article
  17. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa War-Saxaafadeed kasoo saartay xiisada ka dhalatay ciidamada ka tirsan NISA ee xalay la wareegay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado. War-Saxaafadeed kasoo baxay madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay in Galmudug aysan gorgortan ka galeyn amnigeeda iyo wadajirka deegannadeeda, islamarkaana Shacabka looga baahan inay garab istaagaan. Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay hubiyaan in taageerada ay Soomaaliya siiyaan loo adeegsan burburinta iyo colaad hurinta Soomaalida dhexdheeda waa sida hadalka loo dhigay.
  18. Balcad (SMN) – Dhacdadan ayaa timid, kadib markii nin ka mid ah dadka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe uu gowracay wiilkiisa oo todobo jir ahaa. Dilkan ayaa la sheegay in Aabuhu uu u adeegsaday Toorey, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay falkaasi,waxaana uu sheegay in ninka dilka geystay uu ka mid yahay koox diimeedka loo yaqaano Takfiir, kaas oo goobta isaga baxsaday. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay sameeyeen howlgal lagu soo qab qabtay ku dhawaad 10 qof. Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay shaqsi ka mid ah dadka deegaanka uu isku daldalay duleedka degmadaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Aadan ayaa ahaa 52 jir, waxaana uu uu bare ka ahaa iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Buurane ee gobolka Sh/ Dhexe. Illaa iyo hadda lama oga sababta uu isku dilay macalinkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Balse dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi ayaa aad uga murugooday falkan naxtinta leh. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Haayadda Barakacayaasha ee Somaliland ayaa ka markhaati kacay eedaymo ay xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID u jeediyay shirkii KULMIYE ee ka qabsoomay magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has left Mogadishu for Geneva, Switzerland on Sunday morning, two days after deadly triple car bombings killed 30 people in the capital. The PM and his delegation will attend an upcoming summit on human rights and youth unemployment in Geneva, according to a statement released by the office of the premier. He will address the Human Rights and High-Level Conference to share the challenges in the country towards human rights and unemployment, the statement read. During his stay in Geneva, Khaire will also hold bilateral meetings with his counterparts and some officials on the sidelines of the key meeting. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka M/Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka deegaankaasi, walow uu ka badbaaday qaraxaasi. C/laahi Cabdi Maxamed oo ah mas’uulka lala bartilmaameedsaday qaraxan ayaa Shabelle uga warbixiyay dhacdadaasi. Waxaana uu tilmaamay in Miinadu haleeshay gaarigiisa oo burbur xoogan ka soo gaaray. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi illaa 4 qof oo shacab ah oo ka agdhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliyay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COD-CADAANI-.mp3 View the full article