Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa sheegay in dadka degan Caasimadda ay bilaabi doonaan in ay joojiyaan waxyaabaha ay ku taageeraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, Maadaama aysan jirin wax loo qabto Shacabka. Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyin xooggan oo sababay in maalinwalba ay dhintaan dad shacab ah, oo ay haleelaan Qaraxyadda xilli ay bixiyaan Canshuurta ugu badan Soomaaliya. Waxa uu wacad ku maray in shacabka Muqdisho ay joojin doonaan Canshuurta ay bixiyaan, maadaama loo diiday dadka kunool gobolka Banaadir in ay yeeshaan Maqaam Siyaasadeed. “Haddii aan canshuurta na laga qaado waxba na looga qabaneyn, waxaa ballan ah inaan joojino, waana awoodnaa sababtoo ah dadka canshuurta laga qaado waa dakeena, igaarta canshuurta ururisana waa wiilasheena” ayuu yiri Cadde Xasan Cali Gaabow. Hadalka Cadde ayaa qeyb ka mid ah dadaallo iyo olole isa soo taraya oo ay dadka u dhashay Muqdisho uga hor-tagayaan dowladda federaalka ah ee ku dul nool ayada oo aan waxba u qaban una ogoleyn matalaad rasmi ah. Hoos ka dhageyso hadalka Cadde Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa wada-hadallo hoose kula jirta maamulka Somaliland, xilli ay xiisad ku saabsan badda Soomaaliya, kala dhaxeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo sheegay in wada-hadallada labada dhinac ay ku saabsan xiriirka waxa uu ugu yeeray “labada dal” Faratoon ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada cusub ay ku saabsan yihii sidii Kenya ay xafiis diblomaasiyeed uga furan lahayd magaalada Hargeysa. “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan” ayuu yiri Faratoon. Kenya ayaa muddo diidaneyd inay xafiis diblomaasiyeed ka furato magaalada Hargeysa, ayada oo diidan inay dhaawacdo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Si ka duwan Itoobiya, ma jiraan dad Kenyan ah oo ku sugan magaalada Hargeysa oo safaarad ama qunsuliyad Kenyan ah ay u adeegeyso, sidaas darteed xafiis kasta oo Kenya ay ka furato Hargeysa waxaa loo arki karaa mid arrimo siyaasadeed ay ka dambeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Dal walba waxaa si aad ah looga ixtiraamaa Haweenka waxey qabtaan jagooyin sar sare waxey qeyb ka yihiin go’aanada Masiiriga ah ee la gaaro, sidoo kale codkooda wuxuu gaaraa meelo fog fog. Hadii aan nahay Haweenka Soomaaliyeed runtii ma helno intaas iyo in u dhaw aad ayaan uga liidanaa ka qeyb galka Siyaasadda dalka, waxaana ugu wacan Bulshadeena Soomaaliyeed oo aamisan in Ragga kale dunida horumarin karaan. Dalal dhowr ah oo dhaca qaaradaha kala duwan ee Caalamka waxaa hogaanka u haya Dumar, xuuqdooda dumarkana iyaga ayaa si gaar ah u ilaaliya kuna matala hadba heerka uu yahay kursiga ay joogaan sidoo kale waxey ku difaacaan xuquuaha Haweenka. Annaga hadaan nahay Soomaali waxaan dalka ka heynaa xilal kala duwan sida Xildhibaan, Wasiir iyo jagooyin kale oo magic u yeel ah. Nasiib darro waxaa noogu filan in Haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku nool aan laga soo xulan dadka xilalkaasi haya, maxaa yeelay ma dareemi karaan dhibaatooyinka heesta haweenka, duruufaha adag ay ku noolyihiin iyo xuquuqdooda oo aysan u doodin. Wasiiradda Haweenka xukuumadda Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin waxey hoos u dhigtay dadaalkii aan u soo halganay ee heerba heer soo gaaray, waxey ilowday iney nagarab qabato, sidoo kalena ay nagala shaqeyso sidii aan u noqon laheyn haween horumarsan oo xuquuqdooda dhacsada. Wasaaradda ay mas’uulka ka tahay badi waxaa ka shaqeeya haween qurbo joog ah oo Soomaaliya waxba ka aqoon xitaa qaarkood kuma hadli karaan luuqadeena Hooyo iskadaa iney nala shaqeeyaan, sidoo kale waxaa la shaqeeya Rag uu ku fogaaday dumar naceybka kuwaa oo xili walba shirarka ku casuuma dad aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Marwo Deeqa waxey kaloo ku guuldareesatay iney sharciyadda xuquuqda haweenka u gudbiso Baarlamaanka Federalka tan iyo markii la magaacabay xitaa kama aysan hadlin arrimahaasi, kaliya waxey ka hadashaa arrimaha gudniinka gabdhaha oo hay’do qandaraas kula gashay. Haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa oo si weyn uga soo horjeestay Shir ay Waddo Wasiirka Haweenka Deeqa Yaasiin oo Berri ka furmaya magaalada Muqdisho, sababo badan aawadeed. Shirkaas oo haweenka dalka loogu talagay in looga hadlo aayahooda waxaa ka qeyb galaya dadka qurbo joog ah oo ka kala yimid Yurub iyo America una badan haween iyo dhowr Ragg ah oo aan shaqo ku laheyn arrimaha Haweenka. Wasiirada waxey iska indho tirtay dhamaan dumarka Soomaaliyeed ee gudaha kuwa ku nool deegaanada maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho, mana jirto cid berry shirkaas u mataleysa haweenka dalka. Wasiiradda oo lafteeda qurba joog ah ayaa lagu eedeeyay in ay xaqiraad ulakac ah ku sameysay gabdhihii Soomaaliyeed ee dalka xilliyadii adkaa u soo halgamay oo ay ka doordbiday qurbajoog aan dhaqanka Soomaaliyeed iyo halgankii adkaa ee ay gabdhuhu soo galeen waxba kala socon oo ay shirka baritoole ku casuuntay. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuula Shiikh Axmed Gaballe ayaa warbaahinta shalay u sheegtay in wasiiradda Haweenka Deeqa Yaasiin ay tiri “ Guriga Hooyooyinka igu soo wareeji bishiina lacag 5,000 oo doolar ah qaado. Marwo Batuulo wey iska diiday weyna ka xumaatay hadalka wasiiradda, bal kawaran hadii ay heshiin lahaayeen soo halgankii haweenka muu dhinteen? Xubnaha ururka haweenka gobolka ee gobolada dalka oo iyaguna shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in maanta kadib aaney wasiir Deeqa u aqoonsanyn Wasiir Haween . Waxa jirta qeyla dhaan kale oo aad u xooggan oo ka imaneysa dalka dibadiisa kuwaas oo iyaguna sheegay in berri ay qaban doonaan shirar ay uga horjeedaan Wasiiradda oo ay ku tilmaameen in Wasaaraddii ay ka dhigtay NGO-yadii ay la shaqeyn jirty. Wasiiradii hore ee haweenku waxey ka shaqeyn jireen midnimada Ivo walaaltinimada gabdhaha dalka jooga iyo kuwa dibadda jooga laakiin Wasiir Deeqa ay hadda colaad ka dhex abuureyso haweenka dhexdooda. Sidaas darteed haweenka Soomaaliyeed uma baahna in lakala dilo oo lakala qeybiyo waxaan rabnaa wadajir iyo midnimo inaan kuwada noolaano ee fadalan iscasil oo naga hor wareeg. W/Q: Naciima Hassan Gacal Naimahgacal@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Markii la faafiyey qoraalkii uu cinkwaankiisu ahaa FADHI KU DHEREG, rag iyo dumar badan oo Reer Jubbalaan ah ayaa waxa ay isugu direen baraha bulshada. Taasi waxa ay keentay in Xildhibaannada Jubalaan oo tiradooda 80 tameeyo tahay ay maanta u taagan yihiin 10000 (toban kun) oo musharrax. Sababtu waxaa weeye, waxaa la isla fahmay lacagta faraha badan ee musharrixiinta madaxweynuhu ay bixinayaan oo laga yaabo in Xildhibaankii uu uruursan karo ilaa 200, 000 kun oo Doolar oo uu hal mar fakhriga ku tuurayo. Qoraalka FADHI KU DHEREG ka sokow, dadku waa tol oo waxa ay inta la xiriireen ogaadeen lacagaha ay heleen xildhibaannadii Buutlaan iyo qasriyadii ay isla markiiba jeexdeen. Dhacdada yaabka leh ayaa ahayd, in Xildhibaan Jubbalaand oo reer ka dhaxeeyey oo ay u tartamayeen 40 musharrax, shalay lagu dhexdhexaadiyey in nin loo daayo, 39 kala ay qaybsadaan lacagta faraha badan ee codkaasi. Waxaa lagu heshiiyey in musharrax kasta lacagta laga qaado. Maadaama aamminkii uu yaraaday, waxaa la isku waafaqay in Xildhibaanka guri lagu hayo oo uusan iska bixi karin, marka musharrax soo wacana la raaco. Si ay ku dhacdaba, haddii uu dhuunto Xildhibaanku, waxa ay beeshu ku heshiisay in ay garaacaan 39 ka kale oo ay ka soo matajiyaan wixii uu la dhuuntay. Marka la raaco, musharruxu lama faqi karo Xildhibaanka, lacagtana iyaga oo dhan baa kala heshiinaya, markii loo tiriyana horay bay ka qaybsanayaan inta kale. Xildhibaanku iskuma heli karo lacagta iyo jagada. Kismaayo oo dhan baa maanta musharrax Xildhibaan ah, dabadaa la is haystaa, lana is fahan. REER GALMUDUG Galmudug xiisaheedu waa adag yahay. Dadka ugu lacagta badan Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya. Dhaqaalaha faraha ka batay ee Xamar yaalla (mid dawladeed iyo mid shacabba), dadka iska leh waa Reer Galmudug. Ganacsato, Wadajir, UPD iyo Nabad iyo Nolol iyo baloo dhan baa isku hardinaysa. Tuubboyin badan oo dibedda ah baa haddana ku soo burqan doonta. Waxa ay u badan tahay in qiimaha codadku ka sara maraan Jubbalaan. Ilaa 300, 000 Doolar baa la qiyaasayaa in Xildhibaankii dadaaala uu uruursan karo. Qofkii Galmudug Xildhibaan hela, fakhriga in uu tuurayo shaki kuma jiro. Halkaasina ha lagu yaaco. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal. Digniin: Galmudug dilku waa ka fudud yahay ee hadda ka sii feker sidii aad lacagtaasina ku xaabsan lahayd, naftaadana u badbaadsan lahayd. FG: Haddii aad doonayso in aad akhrisato qoraalka FADHI KU DHEREG, ka raadi Faysbuuggayga iyo Balooggayga. Akhri qoraalkaasi xog iyo qish badan baad ka helaysaaye. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-03032019.mp3 View the full article
  6. Haddii boqor buurmadow shalay doortay Gabiley isagoo Ceel-afwayn jooga , maantana uu yidhi Dirka degen Djabouti iyo diredhaba ayaan la bahoobayaa , Daaroodka degen Ceergaabo iyo Xuduna waan ka dul boodayaa , sidoo kale Suldaan Xasan isna lagga qoray inanka Gunbuur ee Cimraan dhashay abti baan u ahay , anigu sidoodaa boodi kari maayee, waxaan leeyahay , Geelasha kasoo arooray kamarooyaan , Bali-cabdale , Winiiq , Dekedda , Ananu ,iyo laku-qotomalay , ee ka wada cabaya Haradda Digeed sidaa ay u wada cabayaan ha u wada cabaan. Udubka Danood iyo xodayo caasha isku haya ee carro iyo ceelba wadaaga ee geelu isugu jiraana sidoodaada ha u wada yaalaan . Udubka cafuuflay iyo cawl ku dhal fadhiya iyo beelaha yoocaale na sidaa ay isugu dhaw yihiin ha isugu dhegenaadaan . Dirka la sheegsheegayana Deegaanka dal iyo duunyaba wadaaga ayaa ka dhawe , West Burco Clan iyo Arab , Ogaadeen ha isku duubnaadaan . Ahmed Guruje Qaran News
  7. Garowe (SMN) – Madaxwaynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u magacaabay taliye iyo taliye ku xigeenka cusub ciidamada ilaalada Madaxtooyadda dowlad goboleedkaasi. Hoos ka akhriso digreetadda View the full article
  8. Kashmir Waa ” Dhulkii Sacfaraanka” Waana “Janadii Arlada” Wakhtigii Gumeysiga Ingiriiska Ee Labadaasi Wadan India iyo Pakistan Meesha Loo Yaqaanay “Jammu Iyo Kashmir” Wuxuu Ahaa Dhul Ka Madax Banaan India iyo Pakistan . Kadib Markii Uu Ingiriisku Ka Baxayey india Iyo Pakistan Waxa Uu Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Ee Madaxa Banaanaa Uu Ka Iibiyey Siduu Ethiopia Uga Iibiyey Dhulkii Somali Galbeed, Boqortooyadii “Mahraja”Ee Uu Wakhtigaa Hogaanka U Hayey Boqor “ Hari Singh” 1947-Dii Ayaa Waxaa Ingiriiksu Siiyey India Xornimo Buuxda, Kadib India Waxay U Kala Jabtay Laba Wadan Pakistan Io Muslim U Badnaayeen, Iyo India Oo Hinduusam U Badnaayeen. Boqorkii Haystay Dhulkii Xorta ahaa’ Ee Jammu Iyo Kashmiir, Ee “ Hari Singh” Waxaa La Kala Dooransiiyey, Inuu Raaco India Ama Pakistan . Boqor “Hari Singh” Markii Uu Talo, Rog-Rogay Waxa U Soo Baxday Oo Aanu Qaatay Go’aan Ah’ Inuu Dalkiisa U Madax Banaanaado, Oo Aanu Labada Dhinac Midna Raacin Oo Dalkiisu Xor ahaado Dadkiisuna Madax Banaanaadaan. Hadaba Dadka Reer Jammu Iyo Kashmiir Ee Boqorkaasi Xukumayey 80% Waxay Ahaayeen Islaam, Waxaanay Qaadaceen Go’aankii Boqorka Ee Ahaa’ Inay Dhulkooda Labada Dhinac Aanay Dhinacna Raacin. dadkii Islaamka Ahaa Ayaa Kasoo Hor-jeestay Boqorkii Iyaga Oo Doonayay Inay Raacaan Kuna Biiraan Walaalohooda Islaamka ah’ Ee Reer Pakistan . Dagaalo Qadhaadh iyo Iska Hor Imaadyo Ayaa Ka Dhex Qarxay Boqortooyadii “Hari Singh” Xukumayey Ee “Mahraja” Iyo Dadkii Islaamka ahaa, Waxaana Dhacay Oo Dhex-Maray Dagaalo Lagu Hoobtay. Dagaaladii U dhexeeyey Boqortooyada Iyo Dadkii Islaamka Ahaa, Ee Reer Jamu Iyo Kashmiir, Ayaa Sii Fool-Adkaaday, Waxaana Dagaalkii Kusoo Biiray Beelo Usoo Hiilo Tagay Walaalohood Reer Jammu Iyo Kashmir Ee Boqorka Dagaalka Kula Jirey, India Beelahaas Waxay Ku Eedaysaa Inay Yihiin Kuwo Reer Pakistana Oo Ay Dawladaasi Soo Hubaysay, Halka Dawlada Pakistana Ay Ku Andacoonayso, Inay Dadkaasi Yihiin Kuwo U Dhashay Goobtaasi Jammu Iyo Kashmir, Se Xaqiiqada Ayaa Ah’ In In Pakistan Ay Hubayn Jirtay Qabaa’iladaasi. Gurmadkii Islaamka Ee Tirada Badnaa Iyo Gulufkii Dagaal Ugu Dambayn Waxaa Laga Xoog Roonaaday Oo Xukunkiisii Dambaska Laga Dhigay Boqor ‘“Hari Singh”, Waxa Uu Firxad Ku Galay Dalka India, Waxaanu U Sheegay India in Dhulkiisii Ay Ka Qaadeen, Muslimiin Ay Dabada Ka Riixayso Dawlada Pakistan . India Ayaa Kansho Ka Heshay Halkaasi, Waxaanay Boqorkii U Sheegeen Inay Garab-Buuxa Siinayaan, Laakiin se Isaguna Uu Kusoo Wareejiyo Si Shuruud La’aana Dawladiisii Jammu Iyo Kashmir, Boqor Hari Waxa Uu Si Shuruud La’aana U Saxeexay Heshiiskii, Ahaa In India Uu Ku daray “Jammu And Kashmir”, Waxaanay India Soo Qaaday Dagaal Kaasoo Ay Ku Difaacayso Dhulka Lagu Daray Ee Jammu Iyo Kashmir, Waxaanay Dagaalkaas Ka Bilowday Caasimada,Dalkaasi Ee “Srinagar”, Waxaanay Wiiqeen Ciidamadii India Awoodii Beelahii Is Bahaystay Ee Islaamka ahaa, Waxaana Laga Qabsaday Meelo Badan Oo Uu Ka Mid Ahaa, Airtportkii Caasimada Iyo Goobo Kale,Oo Muhiima. Pakistan Markii Ay Aragtay In Laga Awood Batay Beelihii, Ayaa Waxay Sameeyeen Baaq Kaasoo Ay Ku Iclaamiyeen Inaanay Suuro Gal Ahayn, In Dhulkaas Iyadoo Aan Dadkii Afti- Loo Qaadin In Boqorku Siiyo India . Pakistan Baaqeedii Cidi Uma Joojin Ee India Dhulkii Ayay Kusii Fiday Waxaanay Awoodeedii Ciidanba Isugu Gaysay Qabsashada Dhulkaasi Boqor Hari siiyey, Qabaa’ilkii Islaamka Ahaa Ee Pakistan Hubayn Jirtayna Dagaalkii Iyo Difaacay Ay Kula Jireen Ciidamadii India Way Sii Wadeen, Pakistaan Ayaa Yaqiinsatay Inaanay Qabaa’ilkani Iska Dhicin Karayn Quwad Dawladeed Oo Hor-leh, Waxaanay Pakistan Kasoo Baxday Daaha-Dabadiisii Iyadoo Si Toosa Dagaalkii Ugu Soo Biirtay, Kuna Anadcoonaysa Inay Xuduudaheeda Difaacanayso. dhanka Kale India Ayaa Iyana Diiday In Cod-Aftiya Loo Qaado Dadkaasi Maadaama Ay Pakistan Qayb Kamida Haysato Dhulkaasi. Markaas Xabad Joojin Ayaa Dhacday Waana La Dhex Galay, Laakiin India Ayaa Qabsatay Dhulka Ugu Badan, Ee Dalkii Jammu iyo Kashmir, Halka Pakistan Iyo Qabaa’ilkeedii Ay Qabsadeen Qayb Yar. Kadib Dagaalo Googoosa Oo Qadhaadh Ayaa Dhacay, Dhexmarayna Labada Dal, Dagaaladii Ugu Waaweynaa Es Sadexda Ahaa, Waxa Ay Dheceen, Sanadihii 1948-1965-1971, Dagaalkaa Dhacay 1971-dii Waxa Uu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Pakistan Ay Ka Goosteen Barigeedii, Waxaanu Ahaa Dagaalkii Ugu Adkaa Ee Labada Dal-Dhexmaray. Waxaana Samaysantay Xuduud U Dhaxaysa Labada Dal,Waxaana Lagu Magacaabaa “LOC” ( Line Of Control). Intii Labadan Dal Is Haysteen, Waxay Qasaareen Labadooba Qaybo Kamida Dhulkoodii. – India Intii Ay Dagaalkan Ku Jirtay Waxaa Ka Faa’iidaystay Fursadna Ka Heshah Dalka Shiinaha , Waxaanu Sanadkii 1962-Dii Ka Qabsaday Qayb Kamida Dhulkii Laysku Haystay, Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxaanu Qabsaday 20%, Qaybtii India , Shiinuhu Dhulkaa Ilaa Iyo Maanta Waa Uu Xukumaa Sidaas Ayaanu Ku Qaatay. – Pakistan , Waxay Qasaartay Oo Ka Go’day Sanadkii 1971-dii Dhulkeedii Bariga Pakistan Oo Hada Loo Yaqaan Bangladesh . Dhulkii Jammu Iyo Kashmiir Waxa Uu U Kala Qaybsamay, Sadex Qaybood, 1- India 45% 2- Pakistan 35% 3- China 20%. •— Qaybta India _____________________ Qaybta India Ee Jammu Iyo Kashmiir, Waxay U Samaysay Maamul U Gaara Gobolkaasi, Waxaanay U Kala Qaybisay Sadex Qaybood, Oo Ay Kala Sooceen Kala Maamulna Ka Dhigeen, Kuwaasoo Kala Ah’ 1- Jammu:- Qaybtan Jammu Dadka Degani 70% Waa Dad Haysta Diinta Hinduuga, Si Kasta Oo Ay Dhib Iyo Horumar La’aani U Haysato, Walow Aanay Dhibtu Ku Badnayn, Hadana Waxay Taageersanyihiin, Inay Kamid Ahaadaan India , Waxaana Degan Dad Lagu Qiyaaso Ilaa Laba Milyan “2M” 2- Ladakh:- Qaybtan Ladakh Waxaa Degan Dadka Haysta Diinta Budhiistaha, Waana Qaybta Dadka Ugu Yari Ku Nool yihiin 500,000 Oo Qof Ayaa Ku Nool, Waana Qayb Aanu Qaskeedu Badnayn Maadama Ay Dad Kooban Yihiin, Walow Ay Horumar La’aan Baahsani Ka Jirto’ Waana Ummad Baqda Oo Hindida Taabacsan Inay Kasii Mid Ahaadaan. 3- Kashmir:- Qaybtan Kashmiir Waa Qaybta Dadka Ugu Badani Ku Nool yihiin, Waxaana Ku Nool 4-Milyan Iyo Badh Ilaa 5-Milyan, Waana Dad Haysta 96% Diinta Islaamka, Waa Qaybta Ugu Qaska Iyo Qalalaasaha Badan, Waxaana Ka Jiray Jabhado Badan Oo Islaamiya, Isla markaana Doonaya Una Dagaalamay Inay Ku Biiraan, Dalkoodii Pakistan , Halka Qaarna Ay U Dirirayaan Una Dagaalamayaan Inay Helaan Gooni Isu Taag, Oo Ay Dalkoodii La Qaybsaday Soo Ceshadaan. Ilaa 15-Jabhadood Iyo Sideed Xisbi Siyaasadeed Oo Xora, Ayaa Ka Jira. Waxa Ay India Qaybtan Kashmiir Ka Samaysay Wershado Sameeya Maryahay Suufka Ah’ Ee Qaaliga Ah’ “ Pure Kashmir Wool” Iyo Sidoo Kale Goobo Waaweyn Oo Ay Yaalaan Makiinado Lacagta Lagu Sameeyo. Waxaana Ka Jira Oo Dastuurka Dalkaasi India Ku Qoran In Lagu Tacadiyi Karo Dadkaasi, Waxaa Jooga Ciidamo Si Khaasa Dawlada India Ugu Tababartay Oo Halkaasi Ka Geysta Dhibaatooyin, Kufsiyo, Caga juglayn, Xasuuqyo, iyo Xadhig, Waana Ciidan Dhan “1-Milyan” Oo Ciidana, Oo Si Gaara U Tababaran, Si Ay Dadka U Cabsi Geliyaan. •—Qaybta Pakistan ____________________________ Qaybtan Pakistan Maamusho, Waa Qayb Xor’ Ah Oo Maamul U Gaara leh’ Waxaana Lagu Magacaabaa “Azad Kashmir” ( Kashmiirtii Xort Ahayd) Waana Qayb Haaddi Ah Oo Degan, Walow Ay Woxoogaa Horumar La’aani Ay Ka jirto Hadana Waa Deegaan Xornimo Buuxda Haysta. Se Magac Ka Duwan Ayay U Yaqaanaan Hindudu Qaybta Ay Pakistaan Haysato, Waa Magaca “Pok” ( Pakistan Occupied Kashmir) Qaybta Kashmiir Ee Pakistan Xooga Ku Haysato. •—- Qaybta China ___________________________ Qaybtan Uu Shiinuhu Haysto Waa Dhul Buuralay Ah’ Waxaana Ku Nool Dad Aan Badnayn Waxaana Loo Yaqaanaa “Aksai Chin”, Waana Dhul Qurux Badan, Oo Dawlada Shiinuhu Aanay Xoriyad Siinin Dadka Tirad Yar Ee Halkaa Ku Nool, Waana Dad Haysta Diinta Budhiistaha Se Wax Cabudhin Ahi, Kama Jirto, Walow Aanu Horumar Badani Ka Jirin. Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dalalka Hindiya Iyo Shiinuhu Sanadihii 1993- 1996- “ Locc” ( Line Of Actual Control) Ayaa Ay Ku Heshiiyeen Inay Xuduudaas “Locc” Samaysteen, Xuduudaas Oo Aanay Isu Soo Dhaafi Karin, Labada Dal, Dadku Se Isu Tallaabi Karaan, Munaasibadaha Diimaha, Iyo Ganacsigaba, Wada Wadaagi Karaan, Waana Sababta Keenta Inaan India Iyo China Dagaal Ka dhex Dhacin Marnaba, Oo Heshiisyadaa Ayaa Dabraya, Halka Pakistan Iyo India’na Ay Dhex Maraan Dagaalo Iyo Colaado Joogta ahi’ Oo Ah’ Ta Maanta Ka Taagan. Kashmir Waxa Uu Islaamku Soo Gaadhay Dabayaaqadii Qarnigii Koowaad Ee Islaamka Ee Tirsi Taariikheedka Hijriyada, Waxaana, Qarnigii Sideedaad Ee Tirsiga Hijriyada, Waxaa Amiir Ka Noqday Kashmir, “Bel-Bel Shah”, Ugu Dambayn Waxay Ku Yeesheen Islaamkii Boqortooyo Xoog Badan. Dhulkan Ayaa Ah, Dhul Aad U Qurux Badan Joog Sare Ku Yaal, Lehna Buuro Aduunka Kaloo Dhan Ka Sareeya, Waa Dhul Aad U Udgoon Oo Udug, Waxaana Guud Ahaan Ka Ura Geedka Sacfaraanka Dhulkan Dhamaantii, Waana Dhul Barafley’ Ah, Taariikhyahanadu Waxay Ku Tilmaamaan “Janadii Arlada”. W/Q: Fadxi Garaad ciise Fadxi Greenford cont: Aqoonyahanfadxi@gmail.com or 63- 4001631 Qaran News
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa agaasime iyo agaasime ku xigeen cusub u magacaabay madaxtooyada Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa agaasimha guud ee madaxtooyada lagu magacaabay Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo ka soo shaqeeyay hay’adaha sama’falka gaar ahaanna hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children. Sidoo kale agaasimaha ku xigeenka madaxyooyada ayaa loo magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle oo isna ka soo shaqeeyay ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA. Dikreetooyin is xigay oo saacado kooban madaxeweynuhu soo saaray ayaa hoggaan cusub loogu magacaabay taliska ciidanka iyo agaasinka madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo agaasin cusub u magacaabay madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  10. Inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii been badane ee DPW. aniga oo weliba sii tixraacaya tixdii iyo tiraabtii laynoo laqimay sanadihii la soo dhaafay kuna bishilaaya hadal haynta maalmahan ee Berbera Corridor iyo hadaaqa bulshada bal aynu tooshka ugu yara ifino shacabkan lagu dhego barjeeyey beentii beentu saarneyd ee ay mikirifoonada kaga adimi jireen Xilwadeenadii Xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye mudooyinka hoos ku taariikheysan: Yaab ! Taariikh 9/05/2016 ilaa 8/9/2017 Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa $442 million.Laakiin waxaa Dekeda gelaaya $242 Million oo qudha Kuye Xaqal qalinku wuxuu noqday $15 million kaas $10 million uu caash ahaa, $5 Milliona aynu Dekeda ku kireynay sanad kasta Lay’e Shirkada DPW waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood iyo 10 kordhin ah = 40 sano Kuye’ Somaliland waxay Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekedeena oo ah 35% inta kalena oo ah 65% DPW ayaa leh. Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku qiimaysay qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya, Saldhigana mashaariic ayeynu dhaafsanay.. Kuy’e 65% Saamiga waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland Lay’e Gudida Maamuli doonta Dekadu waxay noqon doonaan 7 xubnood oo 5ni waa DPW 2na waa BPA Somaliland Kuye Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaceeda Berbera Port Operation Company ( BPOC) Kuye Dekedii hore ayaa laynoo qalabaynayaa Deked cusub oo 800M ahna waa laynoo dhisayaa – Goorma ? Kuye shirkadda macaash doonka ah ee DPW waxay Dekeda Berbera la wareegaysaa 1/3/2017 Kuye Shirkada cusub waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareynta Guud ee Dekeda. Lay’e Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba mar si ay ula tar-tanto Dekedaha dalalka deriska ah Lay’e xaga sharciga (Govering law ) hadii khilaaf yimaado, waxaa laysla adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka dawlada Ingiriiska Inaas oo qodob oo laynagu dhego barjeeyey waxay wada noqdeen waxaan jirin ! Taariikh 1/3/2018 – 25/11/2018 Boowe ! Heshiiskan gogol xaadhkiisii iyo maareyntisuba wuxuu la kowsaday hadalo is burinaaya oo indho sarcaad ah ! Kuye 1/3/2018 waxa heshiis sadex geesood ah kala saxeexday JSL, DPW iyo Dawlada itoobiya Kuye Saamiyada waxaa loo kala yeelanayaa 51% DPW, 30% SL, 19% dawlada itoobiya. Laye Gudida maamuli doonta maareynta Dekedu waxay noqonysaa 9 xubnood oo 3 xubnood ayaa Somaliland yeelanaysaa Ogow hada mar kasta sheeko xariirta waxay inoogu bilaabaan in DPW marsada Berbera ku maalgelinayso lacag dhan $442 Million Kuye wejiga hore waxay DPW inoo maamulaysaa mudo sanad ah, taasoo ay marka ay ka faai’daan lacag badan wejiga labaad bilaabi doona. Hadana Kuy’e maalgashiga dhabta ah ee DPW ku balaadhinayso dekeda Berbera wuxuu noqon doonaa lacag dhan $230 Million ! Kuy’e DPW waxay Suuqa xorta ( Free Zone ) u qoondeysay in ay ku baxdo lacag dhan $25 Million ! Lay’e Dawlada Itoobiya waxay ku maalgashanaysaa mashruuca berbera corridor lacag dhan $80 Milion! Laye Shirkada DPW waxay Berbera Corridor u qoondeysay maalgelin dhan $80 Million ? Kuye guud ahaan Kharajka ku baxaaya wada Berbera Corridor waa lacag dhan $240 Million? Lay’e Somaliland oo ilaahay xaalkeeda ogyahay waxay bixin doontaa qaybteeda oo dhan $14 million Lay’e Somaliland way ka cudur daaratay lacagtaa badan oo waxay awoodaa in ay bixiso $7 million oo qudha ? Kuy’e Heshiiskii hore ee DPW ay la gashay Somaliland ayuun buu Heshiiska cusub ee itoobiyana ku saleysan yahay. Sidee loo aaminayaa Shirkada Macaashdoonka ah ee DPW hadii aanay Hirgelineyn wixii hore loogu heshiiyey ? Taariikh 25/12/2018 – 28/2/2019 Kuye Dekeda Berbera Kiradeedii Miisaaniyada laguma darin Waayo waynu sii qadimanay oo busaarad iyo abaaro ayaa dalka ka dhacay. Kuye Shirkadan hada maamusha Dekeda Berbera waxaa loo bixiyey magaceeda DPWorld Berbera – oo tii hore meeday? Kuye Xubnaha boodhka ee Shirkada DPWorld Berbera waxay ka kooban yihiin imaaraati iyo Somaliland oo keliya oo itoobiyan kuma jiraan- Yaab ! Kuye Saldhiga Berbera maynu kireyn oo waxay ku bedelanay Madaar iyo Wadada Berbera Corridor- Wadadee dee ma kab-kabka ? Yaabka Yaabkii ! Laye ururka midowga yurub ayaa isna bixinaya lacag dhan $30 million oo wada Berbera Corridor lagu dhisi doono- Waar kab kabku lacag badanaa ? Kuye Dhismaha Wadada Berbera Corridor wuxuu bilaabmi doona 15/3/ 2019 Waxaana ay ku dhamaanayasaa mudo 22 bilood ah. Kuye Wadada Berbera Corridor dhererkoodu wuxuu noqon doona 250 Km oo keliya oo kab kab wadadeenii hore ah – Yaab !! Kuye hadana wadada Berbera Corridor dhererkeedu wuxuu noqon doonaa 245 Km , 21 Km oo bay baas ah iyo 7 biriish oo cusub. kala hadal badanaa duulku !! Kuye lacagta ku baxaysa Wadada Berbera Corridor waa $111 million oo $90 million uu imaaraatigu bixin doono $21 million ingiriiska ayaa bixin doona. Waxay inoogu soo khatimeen maanta in aanay jirin wax wado cusub ah oo la inoo dhisaayo ee wadadeenii hore la inoo kab kabaayo inta barwaaqadu bilaabmayso. Gebagebo : Muxuu hadal qiimo leeyahay! mar haddii kolba filim aynu hore u daawanay laynoo shidaayo oo aan badka la soo dhigayn wixii lagu heshiiyey oo dhameystiran oo Xaliiban oo qiime sugan wata kuna mudeysan waqtiga la bilaabayo, waqtiga uu dhamaanayo iyo cida masuuliyadeeda qaadatay intaas ayaa laga la’yahay Xukuumadan Kulmiye ee kala hadleysa. Hadii aan la hirgelin Wado cusub sidee baa loo aaminayaa looguna kal soonaanayaa Heshiiskii DPW iyo JSL wada galeen ?? Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa taliye iyo taliye ku-xigeen cusub u magacaabay ciidanka madaxyooyada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland ayaa taliyaha ciidanka madaxtooyada lagu magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/shaanle Mu’min Cabdi Shire. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo taliye iyo ku xigeen u magacaabay ciidanka madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
  12. Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea oo shir muhiim u ah gobolka ay ku yeelan doonaan. Labada mas’uul ayaa kasoo kicitamay Magaalada Addis Ababa, iyada oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu maalmahaan ku sugnaa Asdis Ababa, waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in saddexda mas’uul ay yeelan doonaan shir madaxeed looga hadlay arrimaha gobolka iyo sidii dalalkooda ay iskaashi u yeelan lahaayeen. Si kastaba, waxaa kulankan ka maqan oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Kulan madaxeedyadii hore oo ay ka maqnaayeen madaxda Kenya iyo Jabuuti, ayaa waxaa hadda muuqata in Kenya lagu soo daray, hase yeeshee ma cadda sababta Eritrea iyo Ethiopia ay iskaashi ula sameysanayaan Kenya keligood, maadaama iskaashigii hore ay Soomaaliya qeyb ka ahayd. Sidoo kale, kulamadan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay islamarkaana Kenya ay raadineyso dalal ay xulafaysato, si ay dagaalka diblomaasiyeed ee Soomaaliya ugu guuleysatay. Dadka fallan-qeeya arrintan ayaa rumeysan in tani astaan u tahay in Farmaajo markii horeba ku deg degay inuu saaxiib la dhigto oo uu iska aamino dalal Soomaaliya cadow ku ah, mudana ka shaqeynayey burburkeeda. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka maqnaanshaha Farmaajo ee kulamadan ku macneeyey siyaasadda arrimaha dibedda dalka oo aan fogaan arag ah. “Sedax Geesood kale. Siyaasada Arrimaha debeda fogaan arag, dheelitirnaan, xilkasnimo iyo dan xeerin ayey u baahan tahay” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale, Aqoonyahan la hadlay Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu farriin u yahay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo gooni oo riixayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika, Günter Nooke. Ugu horeyn, Günter ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka. Farmaajo iyo Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka. View the full article
  14. Waxaa baryahanba la abaabulaayay Shir lagu sheegay in Beel weynta Direed ee ku dhaqan Bariga Ethiopia ama Ethiopiàn Somali State shirkaas oo ka dhacay 28 02.2019 Adis Ababa, shirkaasi waxa kasoo muuqday ujeedooyin badan oo Siyaasadaysan oo lagu wiiqayo wada jirka iyo nabada Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kililka 5aad ee Itoobiya (Somali State). Shirkan waxa abaabulay ama qorshahiisa watay Siyaasiyiin aan u dhalan Gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo doonaya inay colaad iyo fadqalalo ka dhex abuuraan Bulshada Walaalaha ah ee ku dhaqan Deegaamada Somali State ee Dir iyo Daaroodba leh. Siyaasiyiintaasi waxay adeegsanayaan kuwii hore u kala dilay Ummada Walaalaha ee ku dhaqan Somaliland oo maanta wada noolaanshahii iyo is aaminaadii Ummadaasi ay marayso meeshii ugu hoosaysay ee ay abid gaadhay, Dal iyo Dibadbana laga dareemayo xanaftii iyo cuqdadii ay beertay hadaladii iyo isku dirkii ay Bulshada ku kala qaybinayeen Sulaadiinta afmiisharada ah ee ay adeegsanayeen Siyaasiyiinta bilaa damiirka ah ee Dal iyo Dadba silica baday. Ujeedka ugu wayn ee shirkan loo aabulay waxa ugu muhiimsan laba qodob oo aynu ka xusi karno. 1. In layska horkeeno Ummada Walaalaha ah ee Somali State ku dhaqan iyagoo Siyaasiyiinta barnaamijkan dhagaraysan wataa ay u arkayaan in culaysyada gudaha Somaliland ka haystaa ay ka khafiifanayaan oo lagu yareeyo dhawaaqyada Cadaalad doonka ah ee ay baryahanba dalbanayeen Beelo waaweyn oo Bariga iyo Galbeedka Somalilandba daga isla markaana deegaano balaadhana ka daga ismaamulka Somaalida Itoobiya, Saamayna ay ku yeelanayso Beelahaas (West Burco Clan iyo Awdal Clan), hadii xaalada amni iyo siyaasadeed ee Kililka Soomaalidu ay is badasho. 2. In Dowlada Federalka ee Itoobiya laga dhaadhiciyo in maamulka hadda jira lagu wiiqo karo hadii ummada Walalaha ah cunfi qabiil iyo shaki lagu dhex tuuro iyada oo aynu ognahay in khilaaf ka dhex oogan yahay xubno Dowlada dhexe ka tirsan iyo Maamulka Somali State. Waxa kale oo is waydiin mudan qaban qaabiyaasha shirkan dhagaraysan ee lagu sheegay shir Direed sida Suldaan Xasan iyo Buurmadow hadii ay wadaan dan Direed waxay uga bilaabi waayeen Gudaha Somaliland oo ayna isku sanbàanayn Beelaha Direed ee daga iyagoo ilaa hadda uu taagan yahan xanaftii iyo kala qaybintii ay ummada walalaha ah ay u gaysteen iyadoo imikana laba Beelood oo beesha Direedi uu muran dhuleed ka oogan yahay Gobolka Awdal ee Somaliland oo ilaa hadana aan la dhex galin oo ciidan beeloodyo is hor fadhiyaan, cida dabada ka riixaysana la ogyahay. Hadaba waxaanu usoo jeedinaÿnaa Maamulka Somali State iyo Ummada Deegaankaa Kililka 5aad dagtaba inay u dhug yeeshaan hagar daamada iyo dabinada loo soo maleegayo ee lagu soo dhex tuurayo Bulshadaa Walalaha ah, iyadoo loogu adeegayo cadowga iyo Siyaasiyiinta fashilmay ee dhagarta iyo khiyaamadu ay caadada u tahay. Alla Mahad Leh. Abdi Ismaîl Abib Antwerpen, Belgium Qaran News
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-03032019.mp3 View the full article
  16. Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir. Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda. Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, wasiir kuxigenka wasaaradda waxbarashadda Feysal Cumar Guuleed, iyo agaasimaha waaxda tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa goob joog ka ahaa kulanka. Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo. “Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre “Arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu intaasi ku daray wasiir Goodax. Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada waxaa markasta ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta. Puntland Post The post Amar lagu soo rogay Jaamacadaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Xaafad Taariikh Fac Leh Oo Ku Taalla Magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Jabuuti)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo waftidii uu hogaaminayey ee ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Jabuuti, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa samaynaya casho sharafeed balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayo horumarinta caasimadda Addis Ababa ee Itoobiya. Casho sharafta ayaa lagu martiqaaday bulsho badan. Warbaahinta BBC qaybteeda dunida la hadasha ayaa baahisay in casho sharaftaas uu qof kasta oo ka qayb galaa bixinayo $ 180,000 (Boqol iyo siddeetan kun oo dollar), taas oo uu macnaheedu yahay in qofkiiba uu bixinayo $ 180,000 si uu ula casheeyo Raysalwasaaraha. Lacagtan ayaa waxay u dhigantaa shan milyan oo birr oo lacagta Itoobiya ah in qofkiiba bixinayo habeenkaas. Waxa la filayaa in halkaas lagu ururiyo lacag gaadhaysa 1 bilyan oo dollarka Maraykanka ah siloogu caawiyo horumarint caasmadda Addis Ababa. Waxa la qorsheeyay inay cashada ka qayb galaan tujaarta, diblomaasiyiinta iyo weliba madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxaana ay Itoobiya sheegtay in talaabadan looga jeedo si loo xoojiyo in Itoobiya kelideed isku tashato halkii ay deeq shisheeye doonan lahayd. Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa ganacsatada, beesha caalamka iyo dadka caanka ah ugu baaqay inay ka qayb galaan cashadaas “Dhammaan ganacsatada, madaxda ururada caalamiga ah iyo xubnaha diblomaasiyiinta beesha caalamku waa inay ka qayb galaan casho sharaftaas.” Ayaa lagu yidhi qoraalka. BBC waxay sheegtayin Abiy Axmed uu dhawaan iibiyay saacadiisa oo uu siiyay $ 175,000 (Boqol iyo shan iyo toddobaatan kun oo dollar), mar uu ka qayb galay munaasibad loo qabtay mashruuca Ambo ee duleedka addis Ababa oo lagu ururiyay dhaqaale dhan 14 milyan dollar. Qorshahan waxa isticmaala oo caan ku ah siyaasiyiinta Maraykanka si ay murashaxnimadooda ugu urursadaan lacag ay kaga qayb galaan ololaha doorashada. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama casho noocan oo kale ah oo uu sameeyay wuxuu ku ururiyay lacag dhan 700 oo milyan oo dollar hal maalin ka dib markii uu sameeyo casho qaali ah oo qofkiiba laga qaadayay 30,000 ilaa 40,000 oo dollar (Soddon kun ilaa afartan kun oo dollar), waxaanu Raysalwasaare Abiy Axmed oo isbedelo badan oo yaab leh ka hirgeliyay Itoobiya u muuqdaa inuu doonayo inuu hoggaamin cusub oo dhinacyo badan ku soo kordhiyo qaaradda Afrika. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in Somaliland iyo Kenya ay u socdaan wada hadalo ku saabsan xidhiidhka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mashruuca la dhagax dhigay, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Mashruucani waa mashruuci aynu ka rajo qabnay inuu hirgalo, oo uu meel maro, alxamadulilahaa waa taas la dhagax dhigay, waxaanu rajaynaynaa in sidii loogu tagalay uu u dhammaado, waxaanu rajaynaynaa inuu wax badan ka bedelo dhaqaalaha iyo nolosha dadkaba”. Isagoo ka hadlaya wada hadalo u socda Somaliland iyo Kenya, wuxuu Wasiirku yidhi “Baryahanba Dawladda Kenya wada hadalo ayaa noo socda, in halkan Xafiis ka furtaan, in xidhiidhkayagu sii kordho, ayaanu rajaynaynaa, laakiin wax kama dambaysa ah oo la gaadhay oo aan hadda ku dhawaaqi karayaa ma jiraan, Kenya oo qudha maaha, Xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamku uu kordhayaa, aadna uu u kobcayaa, Wadamo badan xidhiidh fiican baa noo socda” Source
  21. Balcad (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe, aabe ayaa wiilkiisa ku gawracay Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Degmada Balcad ee Gobolkaasi. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in aabahan dilka wiilkiisa uu u adeegsaday Toorey uu heystay. Aabahan dilay wiilkiisa oo Sideed sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa koox diimeedka loo yaqaano Takfiir. Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey Cabdulle Macaan Adeerow, ayaa sheegay in Wiilka yar ee la dilay uu hilibka ka soo cunay goob lagu xusayay Ayeeyadiis oo dhimatay, isla markaana meydkiisa laga helay Wabiga dhexdiisa. Waxa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in Aabaha la dilay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen, sidoo kalena Dugsi Quraan iyo masjid ay ku sugnaayeen Jameecada Takfiir la burburiyey. Dhacdooyinkan la xiriira inay is dilaan dadka ehelka ah ayaa ku soo batay Somaliya, iyada oo falal nuucaan oo kale ah ay horey u dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkiisa . Waxa uu sheegay in ay [...] Source
  23. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je.Muxiidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in amniga magaalada Bosaaso uu yahay mid laysku haleynkaro kadib howlgaladii ay ka sameeyeen magaalada . [...] Source
  24. Wasiirada dekedaha iyo gaadiidka bada Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Wasiirka Kaluumaysiga iyo kheyraadka bada Puntland Faarax Maxamed Cawaash iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin [...] Source