-
Content Count
211,234 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Masar (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar, Sameh Shukri. Labada masuul ayaa waxaa kulankooda ku wehliyay xubno kale oo labada dowladood ka kala socday. Wadahadaladda ay yeeshaan labada wasiir ayaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka iyo iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyo badan. Soomaaliya iyo Masar ayaa wadaaga cilaaqaad soo jireen ah kaasoo ku saleysan danaha labada shacabka labada wadan. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee magaalada Nairobi. Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in wada-hadallada Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague. Kheyr ayaa sheegay in Farmaajo uu u caddeeyey Abiy Ahmed in kiiska maxkamadda uu yahay lama taabtaan oo uu sidiisa u socon doono, balse wixii kale ee ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha diblomaasiyadda lagu xaliyo wada-hadal. Kheyre ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin, islamarkaana ay dooneyso oo kaliya in lagu kala baxo go’aanka maxkamadda, islamarkaana mowqifka madaxweynaha uu kaas yahay. “Madaxweynaha wuxuu diyaar u yahay kaliya in arrimaha xiisadda diblomaasiyeed ee dhowaan dhacay wada-hadal lagu xaliyo, balse kiiska maxkamadda waa sidiisii” ayuu yiri Kheyr. Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in lasoo celiyo wada-shaqeynta labada dhinac iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya iyo wixii kasoo hara kiiska maxkamadda. Hoos ka dhageyso wasiir Kheyr https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cced60d7-aa21-44a7-a24e-451d381f59e3_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: The National Defence Forces Will Safeguard Our Borders Once again, the Puntland administration has infringed on Somaliland’s borders and once again they met with defeat. The Somaliland National Defence Forces will always safeguard and secure the borders of Somaliland. Somaliland is prepared to live with its neighbors in peace and harmony. All issues relating to the border disputes and land reform can be resolved through peaceful means, however, if Puntland continues to agitate for conflict, then the outcome will always the same, another defeat for their beleaguered militia. It was hoped that the Puntland administration under the urbane and educated, Saeed Abdillahi “Deni” would take a more peaceful approach, but it would seem that he is being advised and egged on by hardcore elements in his cabinet. There is also the usual instigation from the weak federal entity in Mogadishu. It is time that the opponents of Somaliland realize that we are more than capable of thwarting any incursions in to our borders, with devastating effect. However, we are always mindful of the consequences of war and its collateral damages to the innocent people living in the area. The Puntland administration must understand, if this kind of weak and cowardly attempts to attack Somaliland Forces going about their normal duties continues, it will be met with appropriate response. As we case recently in the eastern fringes of Sanaag and Sool. A peaceful resolution to all disputes is the only way forward, and we hope the new administration in Puntland comes to its senses, and soon. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ugu baxeen magaalada Nairobi. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook oo arrintaas ku saabsan, hoos ka aqriso. Waxaan rajaynaynaa in galbiska madaxweyne farmaajo uu Abiy Axmed u galbinayo Kenya saacadaha soo socda sida afhayeenkiisu sheegay uusan Soomaaliya ku keenin khasaare aysan ka soo kabsan iyo tanaasul aan laga fiirsan oo dhaxalkii umadda Soomaaliyeed laga sameeyo. Waxaanse soo dhowaynaynaa in khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee soo cusboonaaday bishii la soo dhaafay xal laga gaaro laguna soo celiyo halkiisii. Waxaan si dhow ula soconaynaa safarka umadda Soomaaliyeed laga qariyey ujeedadiisa ee Adisababa warkiisa laga soo dirayo, ayadoo umadda Soomaaliyeedna ay indhaha ku hayn doonto wadahdalka Nairobi ka dhici doona iyo xarunta madaxweynaha Kenya Uhuru ee u eg mid uu madaxweyne Farmaajo u hoyanayo Uhuru Kenyatta, haddii wadahadalku mid dhexdhexaadin uu yahay aniga qiyaastayda wuxuu ka dhici lahaa Adisababa. Si kastaba, waxaa jiray go’aamo tanaasul dawladaha deriska ah oo Farmaajo looga bartay sida kii Qalbi dhagax lagu dhiibay, ONLF-na lagu sheegay urur argagixiso, waxaan ku rajoweynahay inaan umadda loo celin doonin qalad kale oo taariikhda gala, lama aqbali doono qaladaad kale oo qaddiyadda umadda lagu dhabar-jabiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaweyd u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaweyd soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xidhiidhka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. Source
-
Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Sidoo kale, Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Itoobiya oo ku wajahan Caasimadda Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed. Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristaayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-05032019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin tiro badan warbaahinta u marinaayay labadii xukuumadood ee kala dambeeyay iyada oo uu muwadankan magaciisu yahay Sakariye Nuur Cabdillahi ayaa hore u sheegay in uu adeegii shaqo ee uu Dawlada Heshiiska kula jiray uu Wasiirka Wasaarada Gaadiidku si badheedh ah uga barbar samaysatay Madbacad sharci daro ah oo uu leeyahay wiil uu adeer u yahay iyada oo xukuumadu hore u shaacisay in mashruucan lagu wareejin doono Gacanta Dawlada (Madbacada Qaranka). Sakariye Nuur Cabdilahi ayaa Xuduudda Somaliland ka talaabay isaga oo rartay dhamaan Agabkii Mashruuca Liisamada uu ku daabici jiray isla markaasna la galay dhinacaa iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland. Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan oo shakabadda wargeyska FOORE helay waxa ay tibaaxayaan in Sakariye Nuur Cabdulaahi oo ahaa Guddoomiyihii shirkaddaasi oo wakhtigan ku sugan Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dalka cadho kaga baxay isaga oo xukuumadihii kala dambeeyay Siilaanyo & Muuse Biixi ka tirsanaya caddaalad darro ay kula kaceen iyaga oo dhinaca kalena sheegay in qandaraaskii ay xukuumaddii hore ku siisay adeegga soo saaridda liisamada ay dawlada Muuse Biixi shirkad kale oo gaar ah oo beeshiisu leedahay Xubno u dhawdhaw si gaar ah ula socda xaaladdan oo wargeyska Foore u warramay waxa ay sheegeen in wakhtigan Sakariye ku sugan yahay Magaalada Qardho isaga oo walaac weyn ka qaba xaaaladda ku dhacday shirkadooda aadna uga cabanaya xukuumadda Muuse Biixi. “Mishiinadii iyo dhammaan qalabkii ay shirkaddani ku hawl galaysay waxa ay ula guureen dhinacaa iyo magaalada Garoowe kadib markii cid kale loo xidhay adeeggii ay hore qandaraaska ugu heleen ee loo siiyay, taasi oo keentay in ay meelo kale ugu adeeg doontaan kadib markii ay dalkooda ka waayeen xuquuqdii ay lahaayeen ee lagu sameeyey caddaalad darro” hatana la filayo in uu isku dhiibo Jabhada Caare Cadaalad u dirirka ah ee fadhiisinkeedu yahay Qardho sidaa waxa wargeyska u sheegay masuul shirkadda ka tirsan. Source: Foore Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga reer Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya. Xubnaha weftiga ka socda midowga reer Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyargarowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahina la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.” Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku daray inay weftiga ka socda midowga reer Yufub kala hadleen isbeddelada geeska Afrika ka socda, isla markaana ay u sharraxeen kaalinta ay ka geli karaan, “Qodobka kale ee aannu ka wada-hadalnay, ayaa waxa kamid ah isbeddelka geeska iyo xidhiidhka aannu la leenahay dalalka jaarka sida Jabuuti iyo iyo Itoobiya, mawqifka aannu ka taagannahay iyo inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaadona waannu u sheegnay,” ayuu yidhi guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere. Source
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u amba-baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Labada hoggaamiye ayaa wada-hadallo la yeelan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Nairobi, waxaana wada-hadallada Uhuru iyo Farmaajo oo Abiy Ahmed uu goobjoog ka noqon doono ay furmi doonaan berri. Go’aankan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo dhex-dhexaadinaya labada dhinac. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in wada-hadalladii Abiy iyo Farmaajo dhex maray ay isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka. Qoraalka Villa Somalia ayaa sidoo kale lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.” Ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa sida aan xogta ku helnay kala hadlay Farmaajo inuu kala dhex-galo isaga iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo Abi weydiistay inuu uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal la gasho Kenya, si loo xaliyo xiisadda badda.. Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal. Agaasimada warfaafinta Villa Somalia oo ka hadlaya arrintan hoos ka daawo Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ay diiday in la soo qabto askari booliis ah, sidoo kalane darawal u ahaa Zakiya oo bilooyin ka hor qof shacab ah ku dilay Isgoyska degmada Howl-Wadaag ee Gobalka Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyar ah oo ka xeynayay Mooto Bajaaj, waxa uuna ifka uga tagay carruur iyo xaaskiisa oo uur leh. Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye ayaa waxay ilmo adeer yihiin marxuumka la dilay, wuxuuna ka mid ahaa dad isku dyaye inay Zakiya kala hadlaan inay soo dhiibto askariga dilka gaystay. Zakiya ayuu sheegay in dhowr jeer oo loo tagay in ay ka meer-meertay soo qabashada darawalkeeda oo dilka ka dambeeyay. Waalidiinta Marxuumka dhintay ayaa noo xaqiijiyay in markii dambe ay Zakiya amartay in aan loo soo deen karin cid dambe oo daba joogta dilkaasi. Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay dadka shacabka ah, dilkii ugu dambeeyay oo ay geesteen Booliiska Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay darawal. Ehellada ayaa waxa ay ka dalbadayn taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya weydiiyaan sababta ay u diiday in cadaaladda la marsiiyo darawalkeeda oo wiil Soomaaliyeed si bareer ah ugu dilay Magaalada Muqdisho. Booliiska waa ilaaliyaha Sharciga, hadii ay Booliiska ilaalin waayaan sharciga iyo kala dambeynta waxaa meesha ka bixi doona rajada dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale Booliiska waxa uu ka tirsan Hey’adaha garsoorka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-California)-Booliska magaalada San Diego ee Gobalka California ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka Haweeney Soomaali ah laga helay Dhismo ku yaalla Deegaanka ay Jaalliyadaha laga tiro badan yihiin ka deggaan yihiin Xaafadda City Heights ee magaaladaasi Shaki xooggan ayaana laga muujiyey qaabka loo dilay Marxuumadaasi oo la odhan jirey Muna Kuri oo 36-jir ahayd, waxayna dhawaacyo xooggan kaga yaalleen qeybaha sare ee jidhkeeda, iyadoo uu madaxeeda dhiig ka daadanayey. Warbaahinta nbcsandiego.com ayaa qortay in maydka haweeneydaasi shalay subax laga helay sarriir dhex taalla dhismaha. Haweeney la dhalatay Marxuumadda ayaa sheegtay inay tegtay guriga walaasheeda, isla markaana ay aragtay maydkeeda oo ay dhaawacyo xun ka muuqdeen. Marxuumadda ayaa la tebay, kadib, markii ay sida caadada u ahayd ay Qoyskeeda booqan jirtey maalmaha Sabtida iyo Axadda ee fasax ka ah dalkaasi. Qaar ka mid ah ehelka Marxuumadda ayaa isugu soo ururiyey hogeeda, iyadoo ay tiiraanyo ka muuqatay. Qaar ka mid ah dadkii jeclaa Marxuumadda oo la hadlay Telefishinka News 8 waxay magaca Marxuumadda ku soo koobeen Muna Kuri. Dhinaca kale, Saciid Cabdiyow oo ah Madaxa Jaalliyadda Soomaalida deggan Deegaanka ay Marxuumadda deganayd ayaa sheegay inay ahayd qof caan ka ah deggaanka. Waxa uu tilmaamay inay Marxuumadda Muna Kuri degganad magaalladda San Diego muddo dhowr sanno, oo ay ku lahayd goob ganacsi, kana shaqeyn jirtey Xaruun maalintii lagu hayo Carruurta. Si kastaba ha ahaatee, Baadhayaasha Boliska San Diego ayaa loogu baaqay inay eegaan wax kasta oo caddayn ah ee ku aadan Fal-dembiyeedka lagu dilay Marxuumadaasi. Source
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirka Warfaafinta maamul gobolleedka Puntland Cali Xassan Axmed Sabarey ayaa waxaa uu ka jawaabey eedeymo uga yimid Somaliland oo sheegaayey in Puntland ay ka dambeysay dagaal shalay ka dhacay deeganka Gambadha ee gobalka Sool oo 30 Km u jirta magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Addis-Ababa (caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shaaca ka qaaday afar qodob oo uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta booqasho ku tegay Addis-Ababa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayuu Abiy Ahmed shaaca uga qaaday in wada-hadalladii isaga iyo Farmaajo diiradda lagu saaray afarta qodob ee soo socda. 1 – Xoojinta nabadda gobolka ayada oo la eegayo heshiisyadii ay labada dhinaca horey u kala saxiixdeen. 2 – Xaqiijinta xalinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya 3 – Sii wadidda qorshaha horumarinta dekedaha [Labada dal oo si wada-jir ah u horumarinaya afar deked oo ku yaalla Soomaaliya, taas oo lagu heshiiyey markii Abiy Ahmed uu Muqdisho yimid] 4 – Xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka Ra’iisulk wasaare Abiy Ahmed ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan afarta qodoba ee uu Farmaajo kala hadlay. Sidoo kale, qeybta warbaahinta ee Villa Somalia, ayaan wax war ah ka bixin wixii laga wada hadlay. Itoobiya ayaa dhowaanahan dadaal ugu jirtay inay dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaa sidoo kale taas toddobaadkii tegay kusoo biiray in biy Ahmed uu doonayo inuu kala dhex-galo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, islamarkaana ay wada-hadal ku xaliyaan muranka ka dhex ooggan. Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal uu gadaal ka riixayo Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, kaasi oo ah in ururka IGAD uu ku qanciyo Soomaaliya inay wada-hadal ka gasho arrinta badda, oo kiiska maxkamadda ICJ la joojiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Boliska Cabdiraxman Liibaan Fooxle iyo Saraakiil ka tirsan Boliska iyo waaxda Bolice Reform ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xafiiskiisa kulana kula qaatay xubno ka socda haayada Midawga Yurub. Xunaha ka socda midawga yurub oo kala ahaa Thomas Kircher, oo ah Madaxa Dimoqraadiyadda (Head of Democratic Government), iyo Eva Atanassova oo iyana ah Maamulaha Barnaamijka Dimoqraadiyeynta (Democratization Programme Manager) kulankan ayaa lagaga wada hadlay taageerada Midowga Yurub uu siiyo wasaarada arrimaha gudaha iyo booliska, iyo Sidoo kale dib u habaynta, xuquuqda aadamaha iyo xeerka booliska. Midawga yurub ayaa inta badan Somaliland Ka Taageera Arrimaha doorashooyin iyo mashaariicda horumarineed ee dalka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayici) ayaa maanta ka qayb galay barnaamijka horumrinta cilmiga wajigiisii saddexaad oo maanta ka furmay magaaladda Hargaysa. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la tayeeyo, korna loo qaado waxbarashadda Somaliland, waxaanu kula dar-daarmay wasaaradda Waxbarashadda iyo Saynisku inay laban-laabto dadaaladda lagu doonaayo in tacliinta la gaadhsiiso guri kasta. Source