Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhimashada rasmiga ah ee ka dhalatay weerarkii maanta lagu qaadey laba Masjid oo ku yaal Magaalada Christchurch ee Dalka Newzealand xili laguda galayay Salaadii Jamce. [...] Source
  2. Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa iyo ciidamada Milateriga ee Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo Al-shabaab ay kula galeen deegaanka Baar Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose Sarkaal ka tirsan AMISOM ayaa sheegay in iska caabiyeen dagaal ay Al-shabaab ku soo qaadeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhaw magaalada Kismaayo. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dhaawaceen tiro kale oo intaasi ka badan. Sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale xusay in dagaalka ka dhacay Baar Sanguuni ay ku soo qabteen 9 dagaalyahano oo ka tirsan xarakada Al-shabaab Ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in ay xoojinayaan howl galada ay kula dagaalamayaan dagaalyahanada Al-shabaab. Deegaanka Baar Sanguuni ayaa waxaa horaantii sannadkan uu dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab. View the full article
  3. Kismaayo (SMN)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Maxamed Ilsaam Madoob ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiis Magaalada Kismaayo ku dhexmaray isaga iyo ra’iisal wasaaraha xukuumdda Soomaaliya)Xasan Cali Kheyre. Axmed Madoobe ayaa Shaaca ka qaaday in safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo in lagu dhameeyay khilaafkii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland,waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in labada dhinaca ay abuuraan kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Khilaafkaan siyaasadeed ee haatan u muuqdo in xal laga gaaray ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii 6dii bishii, 2017 kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in muranka khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin,Maadaamada saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay markaasi xiriirkii diblamaasiyadeed u jareen dalka Qadar, balse go’aankaas ma noqon mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, kuwaas oo badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen dowladda Qadar. View the full article
  4. Muqdisho (SMN)- Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga uu qabsoomayo imataxaanka qaran ee sanad dugsiyeedkan. Cabdulaahi Goodax Barre wasiirka waxbarshada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda dugsiga sare ee fasalka 12-aad ay ay imtaxaanaadka qaranka u fariisan doonaan 11-ka ama 16-ka bisha 5aad ee May 11,islamarkaana uu ka qabsoomi doono guud ahaan dalka. Wasiirka ayaa tilmaamay in tirada ardaydan sanadkan ee imtaxaanka u fariisaneysa ay gaareyso 45 kun,isla markaana ay aad kaga badanyihiin marka loo barbar dhigo tirade u fariisatay imtaxaanaadka qaranka sanadkii tagay. Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in tirada ardayda ee sanadkan ka qalin jabineysa dugsiga sare 100-kiiba 20 ay kor u kacday,sidaas darted imtaxaanaanka uu noqon doono mid ka duwan sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay. View the full article
  5. Wellington (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dashay weerar toogasho ah oo galinkii hore ee maanta lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka Newzealand. Raga weerarka fuliyay oo sadex ahaa ayaa la sheegay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud,waxayna durba rasaas ku fureen dad muslimiin ah oo Soomaali ay kamid ahaayeen oo ku jiray salaada jimcaha. Sadex ruux oo Soomaali ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkaasi toogashada ah ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch oo ah tan sadexaad ee ugu dadka badan dalka Newzealand. Lama shaacin magacyada sadexda ruux ee Soomaalida ah,balse masjidka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ajaanib ah. Laamaha amaanka ee dalkaasi iyo saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in mid kamid in weerarka toogashada ah lagu dilay in ka badan 40 ruux,isla markaana intaasi ay ka badanyihiin dhaawacyada weerarkaasi ka dhashay. Sadex ruux oo mid kamid ah ay haweeney tahay ayaa loo soo qabtay weerarkaasi,waxaana booliiska ay sheegeen in ay sameyn doonaan baaritaan ku aadan weerarkan. Inta badan dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkaasi lagu dilay tobanaanka ruux ee Soomaalida ay ku jiraan ee ka dhacay magaalada Christchurch ee dalkaasi Newzealand. View the full article
  6. Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Duhur-150319.mp3 View the full article
  7. Wellington (Caasimada Online) – Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida. Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka. “waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.” Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri “Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiiri-gelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed” “Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan. Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri “Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:” “Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin. War naxdin leh Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri “War naxdin leh ayaa caawa kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay” Ficil laga yaqsiyoodo Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri “Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo” Dambi arxan darro Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri “weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qoto-dheer u saameeyey dalkayga”. Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshadeena Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri “Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena” Isha: VOA
  8. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo. Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed. Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed. kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo. Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada, isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada. Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland Isla markaana uu guul ku dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland. Source: goobjoog.com
  10. Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo waraysi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in raga horkacaya malayshiyaadka Soomaalidiika ah ee ka soo [...] Source
  11. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo ayaa sheegay in joogitaanka deegaanada Puntland ee Korneel Caare ay tahay mid u muuqata in aysan dowladda Puntland siyaasada cad [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhismaha ciidamada Badda ee Ethiopia iyo amarkii dhawaan kasoo baxay guddoomiye Yariisow, kaasi oo ahaa in dhulkii ciidamada Badda laga dhigayo aag safaaradeed. Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Fiqi. Waa isku kay qaban weyday! Itoobiya ciidamo bad ayey dhisanaysaa waxaana arrintaas ka kaalmaynaya Faransiiska, dhulkii ciidamada badda Soomaaliyana safaarado ayaa la siinayaa waa isku kay qaban weyday!? Dalka Soomaaliya amnigiisa ayaa laga hadlayaa iyo xoojinta AMISOM, Soomaaliyana qeyb kama ahan arrintaas sida ay ku heshiiyeen madaxweynaha Faransiiska iyo kan Kenya ayana waa isku kay qaban weyday!? Ciidamada AMISOM dhaqaale haloo raadiyo oo aan wax dagaal ah kula jirin Alshabaab mudadii labada sano aheyd ee la soo gudbey, kuwii Soomaaliyana mushaar la’aan ayey ka cabanayaan ayana waa isku kay qaban weyday!? Qorshaha muuqda waa in baddii Soomaaliya ciidamo Itoobiya ay hogaaminayso oo hor leh in la dhigo, halka AMISOM oo ciidamo mileteri iyo Boolisba leh la doonayo in ay weli sii joogaan Soomaaliya, dhaqaalana loo raadinayo. Qorshaha dawladaha deriska ah ay wadaan wuxuu u muuqdaa mid Soomaaliya lagu qabsanayo laguna xalaalaysanayo dhulkeeda iyo baddeeda, ayadoo dawladaha qaarkood ay ka faa’idaysanayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka oo sii xumaanaya oo ay sabab u tahay habdhaqanka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya. Waxaa la joogaa xilligii la dhisi lahaa ciidamo qaran oo dalku yeesho, oo hanan kara amniga dalka, kana ilaalin kara khataraha dibadda, hadalka madaxweynaha Faransiisku wuxuu inkirayaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo madax-banaan, oo ay tahay in arrimaha asaga khuseeya lagala tashado, Soomaaliya taladeeduna gacanta uguma jirto Kenya iyo Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Bali-mataan ee koonfurta magaalada Hargeysa. Wasiirka oo aan la xidhiidhnay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo la saarna gaadhigaasi ay bad qabaan balse gaadhigu aad u burburay. “Waxaanu ka nimid saaka Oodweyne waxaanan ku soconay Bali-gubadle, gaadhi Land-Cruiser oo aan saarneyn ayaa waxa uu nagula rogmaday Bali-kaliil iyo Bali-mataan dhexdooda, waxaanan aheyn aniga iyo laba Agaasime iyo dilawarka, afartayadii gaadhiga saarneyn wax sidaa u buuran nama soo gaadhin waxase burbur weyn soo gaadhay gaadhigeygii” ayuu yidhi Wasiir Qambi isagoo u waramayay Caasimada Online. Wasiirka ayaa waxa gaadhiga la saarna agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaasi Maxamuud Maal, agaasimaha xidhiidhka gobolada iyo saxaafada Cabdiraxmaan Wirdaani iyo Darawalkiisa Sakariye Mustafe. Wasiirka ayaa kayimid degmada Oodweyne waxana ay kusii jeeden markii uu haleelay shilkani Magaalada Bali-gubadle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. London (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ruux hubeysan uu ka geystay Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashaa weerarka ay gaartay ku dhawaad 40 ruux oo ku sugnaa gudaha Masjidka weerarka uu ka dhacay, waxaana sidoo kale soo baxaya in masaajid kale uu weerar ka dhacay. Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dukanayay Masaajidka, waxaana la aqoonsaday ilaa iyo hadda Afar ruux oo Soomaaliya asal ahaan kasoo jeeda. Ciidamada amaanka ayaa bandow kusoo rogay xaafada weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baxnaaninta dadka dhaawacyada ay gaareen, kuwaasi oo la dhigay xarumo caafimaad oo magaalada ku yaala. Ciidamada amaanka ayaa durba shaaciyay in ku dhawaad afar ruux oo mid ay haweeney tahay loo qabtay weerarka ka dhacay Masaajidka Al Nuur, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u dhashay dalka Australia. Wali faahfaahin dhab ah lagama bixin guud ahaan khasaaraha weerarka ka dhashay, waxaana socdo baaritaan laamaha amaanka ay sameynayaan. New Zealand Mosque Shooting Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  15. Uguyaraan 40 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyoodeen Weerar ay kooxo xagjir ah ku qaadeen Masjid lagu tukanayay salaadii jamce maanta Dalka Newzealand. Ilaa [...] Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 40-qof oo Maanta salaaddii Jimcaha ku Tukanayay masjiddo ku dalka New Zealand ayaa lagu dilay toogasho, iyadoo weerarkaas lagu dhaawacay tiro kale oo dad ah. Nin hubeysna ayaa rasaas ku furay muslimiin ku ukanayay masaajiddo ku ku yaalla NZ, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay cagahooda uga baxsadeen rasaasta uu furayay ninka hubeysan. Warbaahinta dalka Australia ayaa waxay baahinaysaa in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso ah, iyadoo RW dalkaas ay sheegtay in afartan qof la dilay, lana dhaawacay tiro kale, kuwaasoo la dhigay isbitaallada si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray. Masjidka khasaaraha ugu badan ay ka dhasheen ayaa lagu magacaabaa Al-Nuur, wuxuuna ku yaalla artamaha magaalada Christchurch, iyadoo weerarkan noqonayo midkii ugu horreeyay oo muslimiinta New Zealand loogu geysto khasaare intaan le’eg. “Qofka weerarka naxdinta leh geystay wuxuu watay qori weyn oo kuwa daran-doorriga u dhaca ah, wuxuuna rasaas ku furay qof walba oo masjidka ku jiray. Maydadka dhawr qof oo dhulka yaalla ayaan arkay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii masjidka ku sugnaa. Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in falkan uu ahaa mid argagax leh oo aan marna la aqbali karin. “Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu madow ee dalka New Zealand, ayay tiri Ra’iisul Wasaare Jacinda Ardern. Dhanka kale, Taliyaha booliiska NZ, Mike Bush oo isagana warbaahinta kula hadlayay goobta uu weerarkan argagaxiso ka dhacay ayaa sheegay inay illaa afar qof ay xabsiga u taxaabeen, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ku weerarka ku lug lahaayeen, inkastoo aan la ogeyn inuu ku jiro ruuxii weerarkaan ka dambeeyay iyo in kale. Booliiska ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan masaajidda dalkaas ku yaalla, waxaa kaloo ciidammo ilaaliya la geeyay goobaha waxbarashada iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan. Ugu dambeyn, ma jirto cid sheetay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana la sheegay in afarta ee loo xiray ay isugu jiraan saddex rag ah iyo haweeney, kuwaasoo booliisku ay uga shakisan yihiin abaabulka weerarkan. PUNTLAND POST The post Muslimiin fara badan oo lagu Laayay Weerar lagu qaaday Masjido ku yaalla New Zealand appeared first on Puntland Post.
  17. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu horay u jiray mad-madow soo kala dhexgalay DF Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, balse tan iyo wixii ka dambeeyay xafladii Garoowe uu socday wadahadalo lagu xalinaayay. Axmed Madoobe wuxuu sheegay in safarkii RW Somalia uu Kismaayo ku tagay lagu dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, isla markaana wax walba si hoose xal looga gaaray. Sidoo kale, Dhawaan ayuu sheegay Axmed Madoobe inuu Muqdisho imaan si uu kulan ula qaato Madaxweynaha Somalia, Maxamed c/llaahi Farmaajo, isla markaana ka wada-hadlaan dhameystirka iyo xalinta mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland. “Waxaan garawsaday in Madaxweyne Farmaajo aan fadhigiisa ugu tago oo aan la hadalno, mar walba annaga ayaa Dowladda wadahadal ugu baaqi jiray, balse waxaa muhiim ah in la abuuro kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Kulankii aan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxaan ku heshiinay in qodob-qodob loo dhameeyo khilaafkii jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhanka kale, Safarkii uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali kheyre ku tagay Kismaayo dad u badan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay, kuwaasoo qaarkood sheegayay in RW Khayre uu wado olole siyaasadeed, halka qaarkood ay ka dalbadeen inuu cadeeyo mowqifka dowladda Somalia ee doorashada dhawaan ka dhacaysa Jubbaland. Ugu dambeyn, RW Somaila oo booqashadiisa uu gadaal uga biiray Taliye ku xigeenka nabad-sugidda Somalia, Fahad Yaasiin Xaaji Aadan ayaa si nabad ah kusoo dhamaatay, waxaana la dhawrayaa safarrada kale ee midkaan xigi doona. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/Axmed_Madoobe_DHAGEYSO.mp3 PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sharraxay dhameynta khilaafkii Dowladda Somalia iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  18. Weerar argagixiso koo kooxaha cadaanka ah ee Xagjirka ah ay ku qaadeen Masjid Salaadii jamce lagu tukanayay Dalka Newxealabd ayaa la xaqiijiyey in afar Soomaali [...] Source
  19. Ceel-waaq (SMN) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duleedka magaaladda Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Mandera ay ku qabtay rag hub sharci daro kasoo gelinayay dalkaasi xadka Soomaaliya. Taliyaha Booliska gobolka waqooyi Bari, Maxamed Biriq ayaa shaaciyay in raggaasi tiradoodu ay gaareyso afar ruux. Mr Biriq ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah ragga gacanta ay ku hayaan uu dhaawac kasoo gaarey is-rasaaseyn dhexmartay iyaga iyo Booliska. Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay baaritaan ku sameyn doonan qaabka ay raggaasi hubka sharci darada u soo gelin rabeen wadankaasi. Tan iyo markii horaantii sanadkaan weerar lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo dad badan lagu dilay, dowlada Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda si ay uga hortagaan weeraro kale. View the full article
  20. London (Caasimada Online)-Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex ruux oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka Masjidka Al Nuur. Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi. Waxaa sidoo kale dadka Waxyeelada soo gaartay kamid ah ruux magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay. Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce. Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 ruux inay Masaajidka ku dukanayeen. Ruuxa weerarka geystay ayaa LIve soo galay ka hor toogashada, waxaana uu u dhashay dalka Australia, sida wararka hordhaca ay lagu helayo. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle Gelle Xaaf ayaa la kulmay Saraakiisha Laanta Afaraad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee ka howlgala Deegaanada Galmudug. Xubanaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxa ay ka kala socdeen dhamaan DegmooyinkaGalmudug, waxaana hogaaminaya Agaasimaha Laanta afaraad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Sugaal Yuusuf. Saraakiisha ayaa uga warbixiyay Xaaf qaabka ay u shaqeeyaan iyo halka ay wax u marayaan Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay bulshada reer Galmudug ugu shaqeeyana uguna fududeeyaan baahiyaha ay qabaan hadii ay tahay helitaanka Passport-ka oo kolkii hore u soo doonan jireen caasimada dalka. View the full article
  22. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu safar ku tagi doono magaalada Muqdisho, kaasi oo kadambeeyay kadib kulankii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa safarkii magaalada Muqdisho wuxuu la xiriiraa sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhameeyo heshiis dhexmara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana uu sheegay inuu dhamaaday khilaafkii jiray. “Waxaa jira madmadow inta badan la sheegayay, waxaan u malaynayaa iscafis guud ayaa ka dhacay Garowe, oo madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay eray sax ayuuna ahaa, Safarka Kheyre uu ku tagay Kismaayana hoos u dhaqida madmadowga ayuu qeyb ka ahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya inuu tago Kismaayo inay ka qurux badan tahay in isaga uu yimaado magaalada Muqdisho. “Waxay noqoneynaa madaxweynaha inaan meeshiisa ugu tagno oo wax walbaa aan dhameyno, waxaana isla qaadanay in madaxweynaha inuu yimaado iyo in loo tago, inay ila wanaagsan tahay in loo tago, islamarkaana la dhameeyo waxii jiray, Kheyre wasiirada iyo xubnaha la socday anagaa dalbanay si wasaarad walbaa waxii aan ka tabaneyno loo dhameeyo”ayuu yiri Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa is qabtay sanadkii 2018, waxaana kadib dowladda ay heshiisyo la gashay maamulada qaar. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com