Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa safarka ku wehlinaya madaxweyne Geelle wasirro, xildhibaanno iyo fanaaniin, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) xubo ka tirsan Labada gole ee dowladda, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha dalka Jabuuti. Sidoo kale, madaxweyne Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu garaacay astaamada qaran ee Soomaaliya io Jabuuti. Waxa uu madaxweyne Geelle la kulmi doonaa madaxweyne Farmaajo oo arrimo dhowr ah ka wadahadli doonaan. Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa xarigga ka jari doona dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dhanka kale aadi doonaa magaalada B/weyne oo ay joogaan ciidamo ka socda dalkiisa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Kani waa sawir hore Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa degaanka Galgala ee gobolka Bari ayaa Sabtida saaka ah isaga soo baxay halkaasi. Ciidamadan oo ka kooban Booliis iyo Daraawiish ayaa gaaray tuulada Jimbac oo qiyaastii 28 km dhanka bari kaga beegan degaanka Afurur ee isla gobolkaasi Bari sida ay sheegeen goobjoogayaal. Sarkaal ciidan oo diiday in magaciisa la xigto ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay bixitaanka ciidamada waxaana uu sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan in mudda ah haysatay sida uu hadalka u dhigay. Wasaaradda amniga dowladda Puntland iyo saraakiisha ciidamada ayaan dhankooda weli ka hadlin bixitaanka ciidankaasi. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo isaga baxay Galgala appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan, abwaano iyo fanaaniin ayaa booqashadan ku wehlinaya madaxweynaha Jabuuti, taas oo qaadan doonto muddo labo cisho ah. Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xarigga ka jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho. Sidoo kale madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan wadamadaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ku jira xildhibaano wasiiro, ganacsato, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan madaxtooyada Jabuuti iyo Fanaaniin muddo aanan imaan Soomaaliya. Fanaaniinta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar oo sheegay in 30 sano uusan imaan magaalada Muqdisho, waxaana waqtigiisa ugu badnaa uu ku sugnaa dalka Jabuuti. Madaxweyne Geelle waxaa uu qorshaha yahay inuu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo noqoneyso safaaradda labaad ee ugu weyn ee ka dhisan magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa mashaariic dowladda Jabuuti ay ka hirgelineyso dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu qorshaha uu yahay inuu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan..
  5. Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo and prime minister on Friday joined with world leaders to express condolences and condemnation following the deadly attacks on mosques in New Zealand. In his cable, Farmajo condemned in the strongest possible terms the heinous crime in which many innocent people fell victim while safely and securely performing Friday prayer. “I condemn the terrorist attack on the mosques in Christchurch in the strongest possible terms and send my condolences on behalf of the people of Israel to the families of the victims, the injured, the government and the people of New Zealand,” said the President. Prime Minister Hassan Ali Khaire also condemned the attack, saying that “Somalia mourns the wanton murder of innocent worshippers in Christchurch and condemns the brazen act of terror in New Zealand.” The world leaders stressed the need for countering hatred and intolerance, affirming that compassion and coexistence among peoples are the lifeline for humanity from this imminent danger. New Zealand police said at least 49 people were killed Friday at two mosques in the picturesque South Island city of Christchurch. More than 20 were seriously wounded in what Prime Minister Jacinda Ardern called a “terrorist attack.” One man was arrested and charged with murder in what appeared to be a carefully planned racist attack. Police also defused explosive devices in a car. Two other people were being held in custody and police were trying to determine how they might be involved. View the full article
  6. Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in malayshiyaad hubaysan ay isku horfadhiyaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada. Malayshiyaadkan hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ayaaa la sheegaya in ay isku’ haystaan dhul bogcado bannaan ah oo dhinac walba sheeganayo lahaanshihiisa halkaas oo ay maalmahan isu’ hub uruursanayeen. Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Laascaanood ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada malayshiya-beeleed isku horfadhiya aga’gaarka garoonka diyaaradaha kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu kala qaado. Waxay sheegeen in haddii dagaal ka qarxo halkaas uu khatar gelin karo guud ahaan amniga garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya. Iska hor-imaadyada ka dhasha murannada dhulka ayaa ku soo badanaya magaalooyinka waa weyn ee dalka. Maalmo ka hor 6 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ku dhaawacantay malayshiyaad bogcada-bannaan ku dagaallamay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Malayshiyaad hubaysan oo isku horfadhiya magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Shaqaalaha Shirkadda DP World ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay xabsi xoogan 44 Maalin kadib dilkii magaalada Boosaaso loogu geystay madaxii shirkadda DP World ee magaalada Boosaaso. Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadooda ee kusugan magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ay soo wajahday cabsi xoogan. Madaxda Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo la hadlay wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya kadib markii cabsi ay sii wajahday. Wuxuu sheegay in shaqaalaha ajaaniibta ay soo wajahday cabsi xoogan kadib dilkii madaxii shirkadda DP world ee Boosaaso, waxaana uu cadeeyay inay taasi sababtay in shaqaalaha qaar ay baxaan. Mr Sultan, ayaa sheegay in shaqaalaha qaar loo hanjabay taasi oo keentay inay ka baxaan magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso, waxaana uu sheegay in taasi ay caqabad ku noqon karto shaqada ay ka wadaan Soomaaliya. Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu diley madaxii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World u qaabilsanaa dekadda magaalada Boosaaso oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa Bishii February. Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabaab oo sheegay inay ka jawaabeen cabasho ka timid shaqaalaha dekada Magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Christchurch (SMN) – Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand ee 49-ka qof lagu dilay ayaa maxkamad la horkeenay, waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil. Brenton Tarrant, oo 28 jir ah, una dhashay Australia ayaa ka soo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha, asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan. Waxaana la filayaa in lagusoo oogo dacwado dheeri ah. Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in Mr Tarrant uu haystay afar buntukh iyo rukhsad dhanka hubka ah, waxayna intaas raacisay in “sharciyada hubka wax laga baddali doono” Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay, mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay. Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5-ta April markale maxkamadda la horkeeno. Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980-kii. Wali lama sheegin wax la xiriira aqoonsiyada dadkii kale ee waxyeelladu soo gaartay. Dad gaaraya 48 qof ayaa lagu dhaawacay toogashada. Dadka la dhaawacay waxaa ku jira labo wiil oo yar yar oo 13 jirro ah, kow iyo toban kamid ah dad la dhaawacay ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Christchurch, xaaladooduna aad ayay u liidataa sida uu sheegay madaxa qalliinka ee cisbitaalkaas, Greg Robertson. Dalalka Bangladesh, India iyo Indonesia ayaa dhammaantood sheegay in qaar kamid ah muwaadiniintooda lagu dilay toogashada. Xigasho Bbc. View the full article
  9. Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaan gebi ahaanba maanta wax shaqo ah ka socon kadib markii ganacsatadii wax kala soo degi jiray ay joojiyeen. Ganacsatada ayaa la sheegayaa in ay ka cabanaya lacago dheeri ah oo ay ku kordhisay shirkadda DP World ee maamusha dekeddaasi. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadda DP World ay shaqaalaheeda kala baxayso dekedaha Berbera iyo Boosaaso arrima la xiriira dhinaca amniga sida laga soo xigtay mas’uul u hadlay shirkadda. 4-tii bishii Febraayo ee sannadkan 2019 ayaa magaalada Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O Ports Paul Anthony Formosa. P&O waa shirkad ay leedhay DP World taasi oo maamusha dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Shaqadii dekedda magaalada Berbera oo istaagtay appeared first on Puntland Post.
  10. Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartan cayaaraha Fudud ee lagu qabtay dalka Djibouti, waxayna kala soo hoyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan Tartankan cayaaraha Fudud ee Djibouti International Meeting oo da’yarta iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa Soomaaliya u tartamayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku XigeenkaXiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin. Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka. Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka. Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka. Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda maarta hanto. Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan. Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan. Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah Source-nocsom.so Source: goobjoog.com
  11. Soogalooti laga daabulayo Garoowe Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay dalkooda ku celisay soogalooti Ethiopian ah oo iskood u go’aansaday in ay laabtan. Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Sabtida saaka la celiyay dad iskood isu’ diiwaan-geliyay in ay dalkooda ku laabtan inkastoo aan la xusin tiradooda rasmiga ah. Dadkan oo ay dhanka safarka ka caawisay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa saaka laga daabulay kantaroolka galbeed ee magaalada Garoowe waxaana la geyn doona degaanka Tuurdibi oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug islamarkaana ku yaalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia. Puntland ayaa todobaadyadii u dambeeyay dalkooda ku celisay dad gaaraya 3000 kun oo soogalooti Ethiopian u badan Qowmiyadda Oromada kuwaasoo oo laga soo uruuriyay magaalada Boosaaso iyo tuulooyinka hoosyimaada ee ku teedsan xeebta badda Cas. PUNTLAND POST The post Puntland oo celisay soogalooti Ethiopian oo horleh appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan-ta Koofureed ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ku burburtay deegaanka Pagak oo ku yaala xuduuda labada dal. Qaramada Midoobay ayaanan wali ka hadlin burburka diyaaradda, lamana sheegin khasaaro ka dhashay diyaaradda ku burburtay deegaanka Pagak ee dalka Koofurta SUdan kuna dhow xuduuda Ethiopia. Diyaaradda ayaa ka duushay deegaanka Pagak waxaana la sheegay inay kusii jeeday magaalada Malakal ee Koofurta Sudan, iyadoo burburtay waxyar kadib markii ay duushay. Diyaaradda ayaa qeyb ka aheyd howlgalka Qaramada Midoobay ee Sudan, mana jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda howlgalka UN-ka ee Suudaanta Koofureed. La soco waxii kusoo kordhaa Burburka diyaarada.
  13. (SLT-Hargeysa)-Ganacsatada Somaliland ayaa joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta. DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland. Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda, waxaana guuldaraystay wada hadalo dhex maray ganacsatada iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan. Qaar ka mid ah guddiga ganacstada ee dalka, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in ganacsatada iyo madaxda rugta ganacsigu ay maanta Madaxweyne Biixi la yeelan doonaan kulan ay ugu gudbin doonaan cabasho ay ka qabaan isbedelka ay DP world ku samaysay sarrifka lacagaha oo ay aaminsanyihiin inuu ku yahay culays aanay qaadi Karin. Go’aankan ganacsatada ayaa waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay dakhiliga wasaaradda maaliyadda, iyadoo aanay wax lacag ahi u xaroonin kastamka Berbera. Waxa la wada sugayaa kulanka maanta dhex mari doona ganacstada iyo Madaxweyne Biixi, iyadoo ay dekedda Berbera la ciirciirayso badeecadaha ganacsatadu la soo degtay ee ay diideen inay la baxaan. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 15-03-2019 waxa uu kormeer ku soo maray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo uu madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay. Kormeerkaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu la caweeyey qaarka mida shacbiga ku dhaqan caasimada, kuwaasoo isugu jiray madaxda dhaqanka, culimo, dhallinyaro iyo aqoonyahan ku sugnaa wakhtigaasi Hotel Golden oo ka mida Huteellada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku yaalla. Waxaana madaxweynaha Kormeerka ku wehelinaayey Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo taliyaha ciidanka ilaaladda madaxtooyada, General Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  15. Kismaayo (SMN) – Ugaas Maxamed Weli Sheekh Nuur oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u warramay Shabelle ayaa soo dhaweeyay safarkii uu dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugaaska ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay isbedal dhab ah ku sameyso gabi ahaan hoggaanka Jubbaland. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka deegaanada maamulkaasi ay haatan baahi weyn u qabaan in isbedal uu ka dhaco Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-C.qani_.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah. Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi. Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Turkigu abaabulayo kulan la filayo inuu 19 bishan ka dhaco magaalada Accra ee dalka Gaana, oo lagu samayn doono guddi caalami ah oo kala dhex gasha Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkan u sheegay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay habeenimadii Khamiistu soo galaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu ka shaqaynayo sidii loo samayn lahaa bishan 19keeda guddi farsamo oo beesha caalamka ah Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi “Cisho dhawayto Turkiga ayaa waanigii meelo horena ka sheegee waxaanu ku nidhi waar keligaa ku abqlali maynee caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay Warqad ayaanu soo celiyay Ingiriiska, Maraykanka, Midowga Yurub, Sweden wuxuu ka codaday in la isugu yimaado 19ka bishan meesha la yidhaahdo Gaana; Accra, si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo soomaaliya kala dhex gala, waxa hubaal ah inay xamar iyo inta la joogtaaba ka dagaalamayaan.” Sidaas ayuu Madaxweyne Biixi yidhi. Hase yeeshee waxa hadalkaas Madaxweyne Biixi ka dib soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiiyay dalka Gaana ee uu Madaxweyne Biixi sheegay inuu martigelinayo kulankaas. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Turkigu abaabulayo kulankaas, haddana wuxuu sheegay inuu kulanku ka dhici doono magaalada Accra ee dalka Gaana, halkaasna waxa la iska weydiin karaa su’aal ah Turkigu muxuu dedaalkiisa iyo tacabkiisa kala doonayaa dalka Gaana? Turkiga ayaa ergey gaar ah oo weliba khabiir ku ah arrimaha Soomaalida wuxuu u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Turkigu u muuqdaa inuu doonayo inuu xoogga saaro sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Dad badan ayaa aaminsan inaanu jirin kulan qorshaysan inuu Somalialnd iyo Soomaaliya ku dhex maro dalka Gaana, laakiin ay u dhowdahay in la isku khalday labada magaalo ee Ankara oo Turkiga ah iyo Accra oo Gaana ah. Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii Khamiistii wuxuu shaaciyay inuu baaqday kulan la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomo, kulankaas oo gogal xaadh u noqon doona wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanu wargeysku sheegay in kulankaasi baaqday ka db markii ay ka qayb galkiisa ka cajo jiideen dalalka uu Madaxweyne Biixi sheegay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden. Rashiid Cabdi oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee ICG ee xasaradaha dunida oo fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa mawduucan ku soo hadal qaaday qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa twitterka, waxaanu sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo ka dhacaya Gaana, taas bedelkeedna uu jiro kulan ka dhacaya Ankara, Turkiga. Waxaanu Mr. Rashiid yidhi “Waxa la ii sheegay inaanu jirin kulan Gaana ka dhacayaa. Taas bedelkeed, Turkiga ayuu ka dhacayaa.” Ayuu yidhi Rashiid waxaanu intas raaciyay inay u muuqato in qof uu isku khalday labada magac ee Ankara iyo accra. Wargeyska Geeska Afrika wuxuu isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka kulanka magaalada Accra ee Gaana wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, wasiirkuna kama soo jawaabin farriin cod iyo qoraal ah oo uu Geeska Afrika u mariyay telefoonkiisa gacanta. Si kastaba ha ahaate, waxa 19 March kala cadaan doona in Somaliland iyo Soomaaliya uu shir gogol xaadh ahi ku dhex mari doono magaalada Accra ee Gaana iyo in Madaxweynuhu u jeeday magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo la qorsheeyay shirkaasi inuu ka furmo laakiin uu baaqday. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa Somaliland ku tilmaamay mid aan ka soconayn nidaamka qabyaalada oo aad dawladnimada u dhex xulay iyo muddo kordhinaha baarlamaanka ee dalka. Guddoomiye Faysal ayaa xusay In masuuliyiinta dawlada iyo maayarada fashilma haddii la’la xisaabtamo ama warbaahinta laga dhaliilo ay beelahoodu difaacayaan, waxaanu ku tilmaamay nidaamka dawladnimo ee Somaliland inuu u muuqdo in been laysugu sheekaynaayo. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad casho ah oo ay xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA u qabatay dhallinyaro baratay hoggaaminta, waxaanu Faysal yidhi “Dadkan ina dul fadhiya yaa u kordhiyay, guurtidan isku sharaxaysa yaa u kordhiyay sidaynu u badbaadaynaa haddii aynaan sharciga ilaalinayn, been ayaynu ku noolnahay, been ayaynu ku noolnahay waa in runta loo yimaadaa, in umudda kale been loo sheego maaha sidan ku socon mayno in shanta sanoba aynu iska daba laadlaadno, doorashadu marbay dhacdaa marka olloluhu jiro ayaa la’la xisaabtamaa waxaas ayaad qaladay, waxaas ayaad qaladay,inagu markiiba waynu isla fuulaynaa waayo waxa lumay isu dheelitirkii oo baarlamaankii ayaan shaqaynayn, haddii uu baarlamaanka UCID shaqaynaayo oo uu ku shaqaynaayo siyaasadii xisbiga anagu maanu hadalneen,iyaga ayaa noo hadli lahaa haddii maayarka aan soo doortay uu aniga iga amar qaadanaayo oo siyaasadayda uu ku soconaayo aniga ayaa ilaalin lahaa,madaxtooyada ayuu iska xaadirinayaa, waxa uu doono ayuu samaynayaa, Somaliland haddii aanay qabyaalada iska dayn, hadaanay tuugada iska dayn, qof kastaaba meesha uu joogo waa uu xadayaa, waxa uu inoo hayaa xil waa maayarkii iyo maayar ku xigeenkii way ka soo bixi waayeen shaqadooda qabiil ayaa lagu daafacayaa, Sheekh Aadan Siiro oo wali ka hadlaaya miyaad maqasheen maayarka Hargeysa, ma jirto, waayo waa qabiil, qabyaalad ayaa ina baabi’isay, Muuse imika hadaanu hadalno Facebook-ga ma galabee Sacad Muuse oo dhan ayaa qalinaaya, waa madaxweyne waa guddoomiye, aniga waa lay caayaa tolkayna ma hadlo oo bahasha ( qabyaalada) ayaan iska tuuray, bahasha iska tuura qofka xil noo haya waanu la xisaabtamaynaa haddaad doonaysaan in aan la caayin caaqil ka dhigta oo ha fadhiisto maqaaxiyaha, laakiin xil ayuu noo hayaa waanu la xisaabtamaynaa.” Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu baaqay inay soo af jaraan is marin-waagooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu u soo jeediyey inay ka heshiiyaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Xisbiyada “Ilaa hadda go’aan kama dambays ah iyo mawqif midaysan may qaadan Xisbiyada Qaranku, kala fogaanshaha iyo khilaafka Xisbiyadu dan maaha, ee mawqif qudha iyo go’aan kama dambays ha ku heshiiyaan, imikana inagu odhan mayno, waxaas iyo waxaas ayuu heshiiskoodu noqonayaa, ma garan karno siday wax u dhici doonaan, laakiin wada hadalka Xibiyada khayr inuu ku soo dhammaado, ayeynu ku rajo weynahay”. Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inagu Somaliland haddii aynu nahay inaga ayaa calanka ula tagnay Somaliya, waxaynu rabnay iyo waxaa inagaga soo baxayna waa laba waxyaabood oo aad u kala durugsan, cadaadis joogta ah, cabudhin, iyo cagta oo ay ina saareen, ayeynu kala kulanay Somaliya, maantana Somaliland 30 sanno ku dhawaad ayey tahay dal jira oo xor ah,maanta dalka waxaa ugu badani waa Dhalinyarada, Dhalinyaada Somaliland maanta maba taagaqano Somaliya, markaas haddii aynu Somaliya maanta wada hadalayno, waa inaynu ku wada hadalnaa sidii aynu u kala ahaan lahayn mar kasta laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhexeeyso, laakiin uma wada hadlayno isku soo laabasho iyo midaw dambe, waxaana Farmaajo leeyahay cadaadis dambe, cabudhin iyo cagta hoosteeda oo mar dambe nala galiyo diyaar uma nihin, ee jaarnimo wanaagsani ha inaga dhexeeyso, laba Wadan oo kala gaar ah ayeynu kala nahaye”. Source
  20. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ku soo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa saaka si aad ah looga dareemayaa guud ahaan gobolka Banaadir. Lama shaacin illaa iyo hadda waqtiga ay qaadabeysi booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo madaxweyne Gelle. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona ciidamada dheeraad ah lagu soo daadiyay waddooyinka Muqdisho. Sidoo kale ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan jidadka caasimadda , si ay u xaqiijiyaan amniga. Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ah wadamo daris ah, kuwaas oo uu ka dhaxeeyo xiriir fog oo ku dhisan isfaham, wada shaqeyn iyo walaalnimo. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaadh loogu sameeyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo diblomaasiyadeed. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilahan xogogaalka ahi, kulankan waxa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay Somaliland iyo Soomaaliya ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha. Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay sida uu warku sheegay ay dawladaha Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadaladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas. Waxyaabaha kale ee kulanka baajiyay waxa ka mid ah dawladda Soomaaliya oo u soo xulatay shirkaas inay uga qayb galaan niman dhallinyaro ah oo aan lahayn awood badan oo siyaasadeed oo ay go’aamo ku gaadhi karaan. Dawladda Somaliland ayuu warku sheegay inay qorshaysay inuu kulankaas uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon. Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan ugu jirta inay dalkeeda dib uga bilowdo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo dhawr goor oo kala duwan dalkeeda lagu qabtay, waxaanay doonaysaa inay doorkan qaadato kaalin dhexdhexaadiye oo ka culus kaalintii hore ee ay ciyaari jirtay oo ku koobnayd inay fududayso madasha uu kulanku ka dhacayo. Waxa iyaguna jira dawlado kale sida Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka oo danaynaya inay lug ku yeeshaan wada hadaladan, waxaanay dawladda Sweden doonaysaa inuu dalkeeda ka dhaco wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  22. (SLT-Madaxweyne Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday tallaabo uu aqalka Congress-ka dalkaasi ku diiday xaaladda degdegga ah ee uu Trump ku dhawaaqay, sababo la xidhiidha murankii xadka Mareykanka iyo Mexico. Xildhibaannada dalkaas, oo ay ku jiraan 12 xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, ayaa meel mariyay diidmada qaraarka. Congress-ka ayaa hadda u baahnaanaya saddex meelood labo meel oo codadka labada aqal ah, si ay meesha uga saaraan go`aanka Trump, taas oo aan la fileyn inay dhacdo. Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Trump adeegsado codka diidmada qayaxan tan iyo intii xilka madaxtinnimada Mareykanka loo doortay. Mr Trump ayaa ku celceliyay in muhaajiriin sharci darro ah oo ka imaanayay xadka koofureed ee dalkaasi ay badankood ahaayeen dembiilayaal Mareykanka soo gelinayay daroogo. Aqalka Wakiillada dalkaas oo ay xukumaan Dimuqraaddiga, ayaa bishii hore meel mariyay qaraarka meesha looga saarayo xaaladda degdegga ah, 12 xildhibaan oo Jamhuuriga ka tirsan ayaana la saftay xisbiga Dimuqraaddiga, 59 xildhibaan ayaana Khamiistii u codeeyay. Isla markii uu Aqalka Sare codeeyay, Mr Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray inuu adeegsaday codka diidmada qayaxan. Maxaa kaddib dhici doona? Kaddib codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday, qaraarka ayaa mar kale lagu celinayaa Aqalka Sare. Maaddaama ay Dimuqraaddiyiintu xukumaan Aqalka Sare, waxay u baahnaan doonaa 67 cod si ay meesha uga saaraan codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday. Sidaas daraaddeed, maaddaama keliya 12 ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ee 53-da ka kooban ay la safteen Dimuqraaddiyiinta, waxaa yar suurto-galnimada ah inay ku guuleystaan inay tuuraan codka diidmada qayaxan ee Trump. Source
  23. Mandheera (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay hub iyo dadkii waxay oo ciidamada Kenya ay ku qabteen deegano ku yaala xuduuda Somalia iyo Kenya. Maxamed Biriq oo ah isku duwaha Amniga ee Mandheera oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen afar ruux oo la dagaalamay ciidamada Kenya xili ay roondo ku jireen. Maxamed Biriq, ayaa sheegay in afarta ruux oo Soomaali ah lagu qabtay iyaga oo wada qoryo aan sharci aheyn iyo rasaas badan, isagoo tilmaamay in hadda lagu hayo xabsi ku yaala Mandheera. Dadka shacabka ah ayuu sheegay in ragga hubeysan ay xogtooda soo gudbiyeen, sidaasna ay ku qabteen ciidamada Amaanka xili ay ku raad joogeen xubno ka tirsan Al Shabaab. “Ciidamada markii ay jidka u galeen ayey afarta qof rasaas billaaabeen Ciidamada ayaana gacanta ku dhigay,xabsi ayey hadda ku jiraan, maxkamad ayaana la soo taagayaa”. ayuu yiri Maxamed Biriq. Maxamed Biriq ayaa ugu dambeyn sheegay in hubkaan loo malaynayo in loo waday Al Shabaab ama dadka burcadda ah ee xoolaha ka dhaca dadka reer Miyiga ah ee ku sugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu sidoo kale sheegay in mid ka mid ah afarta qof uu dhaawac soo gaaray laguna hayo Isbitaalka Deegaanka Ceelwaaq, waxaa uu sidoo kale intaas raaciyay in Ciidamada amaanka ee gobolka heegan sare ku jiraan. Caasimada Online Xafiiska Mandheera Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-16032019.mp3 View the full article
  25. (SLT-Muqdisho)-Waxaa saakay xidhan dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho iyada oo lagu soo waramayo in Muqdisho ay booqasho ku imaan doonaan wefdi heer sara ah oo ka socda dalka Jabuuti,iyada oo diyaar garowgaas si weyn looga dareemayo saaka. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saakay booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho,waxaana la xanibay isku socodka gaadiidka iyo dadka,waxaana la arkayay boqolaal shacab ah oo lugaynaya jidadka halbowlaha ah ee magaalada. Madaxweynaha dalka Jabuuti lama shaacin waqtiga ay qaadanayso booqashadiisa Muqdisho hase’ahaatee waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul-Wasaaraha Xukuumadda fedraalka Smalia. Source