Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Kenya ayaa qoraal shalay gelinkii dambe ay soo saartay ku joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. maanta wixii ka dambeeya Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho waxay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, halkaasi oo baaritaano lagula sameyn doono, intaasi kadibna ay Nairobi uga sii gudbi doonto. Wasiirka Duulista Hawada Somaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay ilaa hadda in Dowladda Kenya aysan cadeyn sababta talaabadan ay u qaaday, balse wuxuu tilmaamay in Dowladda Somaliya ay arrintan ku heyso baaritaan dhab ah. “Waa sax warkaasi war ay soo saartay Kenya ayay ku sheegtay Diyaaradaha ka duula Muqdisho inay sii mari doonaan Magaalada Wajeer, ilaa hadda sababta nalooma sheegin, balse wada hadal ayaa socda, Garoonkeena amnigiisa waa mid aad u sareeyo, ma dooneyno inaan ka hor dhacno, iyaga ayaan ka war sugeynaa”. ayuu yiri Wasiir Oomaar. Bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa jiray heshiis dhexmaray Dowladda Somaliya iyo Kenya, kaasi oo sahlay in Diyaarada ka duusha Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi xilli markii hore ay sii mari jireen Magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Boosaas (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa war kasoo saaray duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee ka fuliyeen Puntland, taasi oo laa eegtay fariisin kooxda Daacish leeyihiin. Duqeynta ayaa lala eegtay saldhigyo xubno Daacish ka tirsan ay ku sugnaayeen oo ku yaala Buuraha Golis ee Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, duqeyntaasi oo dhacday Labo maalin ka hor. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo buuraha ku dhuumaaleysanayay. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, islamarkaana lagu wiiqayo awooda kooxaha Al Shabaab iyo Daacish oo ka dagaalama Soomaaliya. “Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay13 ka tirsan dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayuu yiri Agaasimaha dhinaca sirdoonka u qaabilsan Africom ee Qaarada Afrika Admiral Heidi Berg. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah, isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay. Mareykanka ayaa kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah oo uu ka fuliyo deegaanada Puntland,waxaana duqeyn 14-kii bishii April ee sannadkan ka dhacday Gobolka Bari lagu dilay hoggaamiye kuxigeenkii kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Cabdixakiin Dhoqob. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  3. Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn. Heshiisyada ayaa diirrada saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano. “Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay 2 milyan oo euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Saadiq Warfaa. Wasiir Warfaa, oo u mahadceliyo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha. “Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay wasiir Saadiq Warfaa. Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ,Carlo Campanille ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada. Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dunida aynu ku noolnahay Tiknoolajiyaddu waxa ay uga jirtaa dhinac waliba oo nolosha aadamaha ah ayadoo marba marka ka danbeyso ay ku tilaabsaneyso horumar aan qiyaas laheyn. Gudaha wadanka way adkeyd in muddo ah inuu adduunka wax kula qeybsado horumarka laga gaaray dhanka Tiknoolajiyadda, sababta oo ah wadanka oo ah dalka kujira soo kabasho dagaalo sokeeye oo qasabtay in hardan loo galo in la badbaadiyo nolosha. Soomaaliya sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka yagleelmay Ganacsiyo, Talaabooyin iyo figrado ay saldhig u tahay Tiknoolajiyadda, bulshada Soomaaliyeedna ay fahmeen lana jaanqaadeen. Cawil Axmed oo ah maamulaha IRISEHUB oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegaya in dhalinyadu ay si aad ah ula qabsadeen fahamaka iyo ku shaqeynta Ganacsiyada ku dhisan Tiknoolajiyadda, waxa uuna xusay in asbuuc waliba dhalintu ay soo bandhigaan barnaamijyo cusub. ” Asbuuc waliba waxa aad social medi-yaha aad ku arkaysaa barnaamijyo cusub oo la soo kordhinaayo, waxa ay taas ku tusinaysaa in dhalintii aad u firfircoon yihiin fahmeena istmaalka iyo faaiidada Tiknoolajidda, runtii anaga waxaan ku shaqr=eynaa qaab online ah bulshadana ayagoo guryahooda jooga iney helaan waxa ay naga rabaan” Maxaa sababay in dadku fahmaan isticmaalka adeegyada ay Tiknoolajiyaddu laf dhabarka u tahay iyo in dadku ay ku dhiiradaan ku adeegashada qaabka onlinka ah, waxaa sharaxayo Maxamed Shiine oo ah aas-aasaha shirkadda Soomar oo ayadu qaab online ah wax ku iibisa. “ Aniga waxaan ahay aas- aasaha shirkadaan Soomar oo qaab online ah wax ku iibiso, dadka nala shaqeeyo waa dad aad ugu sareeyo isticmaalka Tiknoolajiyadda, waxaan u suura galinaa bulshada ayagoo guyahooda joogaan iney helaan alaabtooda,taasna waxa ay saamaxday in adeegeeno uu dad badan uu gaaro, runtii dadka hadda wax ku iibsadana aad ayeey u soo badanayaan” Inkastoo si aada ay uga muuqato isticmaalka Tiknoolajiyadda gudaha caasimadda Muqdisho shirkado caalamka laga yaqaano ay soo sal dhigteen, haddana waxaa jiro caqabado dhanka bulshada ah oo ku aadan aaminaada kalsoonida ay ku qabaan . Cabdi shakuur Fuje, waa aas-aasaha Shirkada Soomaali Deals oo ku shaqeysa qaab online ah waxa ayna iibisaa Dhulalka,Beeraha iyo kireenta Guryaha waxa uu sheegayaa wali inay yartahay kalsoonida bulshadu ay qabaan. “ Wali caqabado ayaa jiro caqabadaas oo ah in dadka markii ay arkaan warbinada aan soo galinay qadka in su,aalo badan ay naweydiiyaan, waliba waxaa u daran dadkii hore sababtoo ah ayaga maba ahan dad aad u fahamsan, lakiin dhanka kale bulshada hormar aad ah ayaa jiro,rajo aad uweyn ayaana ka qabnaa in caqabadahaan ay dhamanayaan , wax waliba oo la bilaabo waxaa jiroo caqabado ku hor gudban inay dhamaato ayaan rajaynaynaa oo maraan fogeeyn wax waliba lagu kala iibsado qaab online ah bulshaduna fahmaan” Sanadkii 2018ka Muqdisho waxaa lagu qabtay shir lagu soo bandhigayay laguna tartan siinayay shirkadaha Tiknoolajiyadda ku shaqeeya oo qaarkood ay dhalinyaro abuureen waxaana ka soo qeyb galay dad kabadan 4000 oo qof oo isu jiray Soomaali iyo Ajaanib taas oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay ugu hamuun qabaan iney ku talaabsadaan Horumar dhanka Tiknoolajiyadda, waa kanaa Cawil Axmed waxa uu ka mid ahaa dad qaban qaabiyay shirkaas waxa uu sharaxayaa ahmiyadda uu u lahaa dadka Soomaaliyeed. “ Shirkii 2018 waxaan aamin sanahay midka 2019ka uu ka casriyeeysnaan doono oo dad 4000 ahaa ka badan ay ka soo qeyb galin doonaan , shirkadaha aan uga qeyb galnay wuu yaraa hadda dadku faaiidada way arkeen waxaan rajaynaa inuu sanadkaan shirkado ay nagu soo biiri doonaan ka badan kuwii hore” Sadexdii sano ee la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka hana qaaday dhowr isku dayo oo lagu doonayay in lagu hirgaliyo ganacsiyo iyo shirkado si guud ku shaqeynaya Tiknoolajiyadda taas oo sawir guud ka bixinaysa sida wadanka uu ugu sii socdo inuu horumar uu ka gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadanaa duulimaadyada diyaaradaha isaga kala gudba magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Heshiiskaasi ayaa dhigayay in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u cago dhigtaan garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta, halkii markii hore ay mari jireen magaalada Wajeer, waxaana hadda dhamaan diyaaradaha ka baxa Muqdisho lagu sii baari doonaa magaalada Wajeer. Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib go’aanka dowladda Kenya waxay war kasoo saartay waxa ay kala socdaan go’aanka dowladda Kenya iyo dhankooda go’aanka ay qaadanayaan. Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warheyso go’aankaasi, islamarkaana aysan ogeyn sababta Kenya go’aankaasi u qaadatay. Wuxuu sheegay in amaan ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay garoomo badan, balse Go’aanka Kenya ayuu sheegay iney u malaynayaan inuu arimo kale a xiriiro. “Sida aad og thiin amaanka garoonkeena wuxuu ka sareeyaa amaanka garoomada kale, waxaan hubnaa inaysan sabab amni ay go’aankaasi u qaadan, waxyaabo kale ayaan fileynaa, waxaan sugeynaa xagooda”ayuu yiri Oomaar. “Dhamaan waxaan la xiriirnay diyaaraha toos u aadi jiray Nairobi, way heystaan aqbaarta, diyaaradaha labo nooc ayay u kala baxaan kuwo UN-ka oo mar walbaa sii mari jiray Wajeer iyo kuwa Rajaabka oo Nairobi ka dagi jiray” “Marka aan ogaano waxay doonayaan iyo sida ay howsha u joojinayaan ayaan annagana go’aan ka qaadan doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka gaadiidka iyo Duulista Hawada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. As Uber (UBER) gears up for its debut on the public markets on Friday, ride-hailing drivers’ grievances have come under heavy focus. Source: Hiiraan Online
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda Soomaaliya iyo madax goboleedyada, ayaa qarka u saaran bur-bur kadib markii shalay uu meel xun gaaray, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo oo ay isku rasaaseeyeen ciidamada Jubaland iyo kuwa musharax Cabdi Naasir Seeraar ay si xooggan u saameysay shirka. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aad uga carooday falkaas islamarkaana uu madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay soo direen Seeraar, si uu qal-qal uga abuuro Jubaland. Shirka oo shalay buuq ku dhammaaday ayaa qorshuhu ahaa in xalay afurka kadib la isku soo laabto, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya inuusan dhicin kadib markii Axmed Madoobe uu iman waayey. Xiisadda cusub ee Axmed Madoobe iyo dowladda ayaa uga sii dartay shirka oo markii horeba ay hareesay xiisadda madaxweynaha Galmudug iyo dowladda federaalka, oo maalmihii uu shirka uu socday oo dhan laga hadlayey. Waxaa la ballansan yahay in maanta mar kale la isku laabto, balse ma cadda sida wax noqon doonaan, waxaana la hubin in Axmed Madoobe shirka iman doono iyo in kale, taasi oo haddii ay dhacdo inuusan iman ay u badan tahay in mar kale shirka baaqdo. Cabdi Naasir Seeraar, oo horey ugu dhowaan jiray Axmed Madoobe, haddana musharax ah ayaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, taasi oo aad uga carreysiisay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  8. American airstrikes killed 13 militants affiliated with the Islamic State’s burgeoning Somalia faction, as Washington and its allies attempt to stamp out the terror group’s efforts to gain a wider foothold in North Africa. Source: Hiiraan Online
  9. In September 1888, the HMS Osprey serving in the Royal Navy’s anti-slave trade mission in the Red Sea, based in Aden, intercepted three dhows embarked from Rahayta and Tadjoura on the Ethiopia coast. Source: Hiiraan Online
  10. "The issue here is, people are being thrown to the streets in Mogadishu and we don't know what happened to them," said Yahya Hasheem with Winnipeg’s Somali Community Outreach Centre. “It's very scary." Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kadib loolan muddo adag socday. Muqdisho ayaa ku guuleysatay in lala mataaneeyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ee Mareykanka, kadib markii uu fashilmay dadaal ay wadeen jaaliyadda Puntland ee gobolka Minnesota, oo doonayey in Saint Paul lala mataaneeyo Garoowe. Muddo sanad ka badan ayaa waxaa dagaal xooggan galay oo mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul kasoo horjeeday jaaliyadda Puntland ee Minnesota, oo sameeyey mashruuc la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland. Bayaan ay soo saareen sanad ka hor oo ay werisay Caasimada Online, ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn” Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen. “Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe. Dagaalkan ayaa ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, waxaana Saint Paul ay garwaaqsat in Muqdisho oo ay ku nool yihiin laba milyan iyo ka badan aan lala meel dhigi karin Garoowe, oo xitaa aan dhameyn hal degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka. “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay” Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta . Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay xabsiga u dhigeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaan Maxamed Dhakool ayaa la sheegay inuu kamid ah xubnaha kasoo jeeda deegaanada gobolka Sool, waxaana gelinkii dambe ee shalay xabsiga dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland. Xidhibaanka ayaa la sheegay in loo xiray sabab yaab leh, waxaana ciidamada ay xabsiga dhigeen kadib markii uu maalinta 18 May ku tilmaamay inaysan Somaliland u aheyn maalin qaran. Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay iyadoo xasaanadda uu leeyahay lagu ixtiraamin, waxaana la ogeyn waxa ku xigi doona talaabada xeritaankiisa. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Saacadaha soo socda ay macquul tahay in Xildhibaan Dhakool loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dambi-baarista ee Soomaaliland,sida ay ku warameen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magalada Hargeysa. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay caburin u arkaan xariga xildhibaan Dhakool. Ma jiro war kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan sababaha xariga xildhibaanka iyo waxyaabaha laga yeelayo. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  13. MOGADISHU, May 9 (Xinhua) -- Some 400 police officers are to be recruited for the regional state South West State's police force to help secure main supply routes to enable free movement of humanitarian supplies, officials said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  14. The UN agency labour, International Labour Organisation (ILO), and the Italian Government signed a new cooperation agreement to promote decent employment, peace and resilience in building the capacity of trade unions in collaboration with the Federation of Somali Trade Unions (FESTU). Source: Hiiraan Online
  15. APO Group content is copyright free and can be republished at will. World Health Organization (WHO) PRESS RELEASE WHO denounces attack on health workers and ambulance in Libyan capital In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves GENEVA, Switzerland, May 9, 2019/ — The World Health Organization today condemned in the strongest terms an attack on an ambulance in Tripoli, Libya, on Wednesday 8 May, that left 3 health workers injured, one severely. “This attack on an ambulance with visible logos is a shocking and intolerable violation of international humanitarian law,” said Dr Syed Jaffar Hussain, WHO Representative in Libya. “Not only did this attack injure key personnel, but the ambulance itself was taken away, thereby depriving patients of future care.” Since the conflict in Libya escalated in early April, 11 additional ambulances have been impacted or suffered collateral damage. In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves. As the conflict continues into its second month, more than 400 people have died and over 2000 have been wounded. WHO has been supporting field hospitals and field ambulance teams in Libya since the beginning of the conflict. The Organization has also deployed emergency medical teams to key referral hospitals to perform surgeries in hospitals in and around Tripoli. WHO is also providing health facilities with medical supplies, including trauma kits with medicines for war injuries. “This flagrant breach of the basic rules of warfare could jeopardize the operations of field hospitals and ambulance teams, and deter dedicated health staff from performing their life-saving duties,” said Dr Ahmed Al-Mandhari, WHO’s Regional Director for the Eastern Mediterranean. “WHO cannot accept any actions that put health workers in harm’s way. Health staff in Libya are working to save lives and must be allowed to work without additional risk to their safety or well-being.” Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay qal-qal gelineyso ammaanka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo, islamarkaana ay ka waddoo faro-gelin. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii shalay ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday. Is-rasaaseyntaas ayaa waxay dhex-martay ciidamada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharax Cabdi Nasir Seeraar, oo ka mid ah musharaxiinta la loolameysa Axmed Madoobe. Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda musharaxiinta. “Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada JJubbalan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo ayaa sidoo kale la sheegay inay buuq ka abuurtay shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada, kadib markii Axmed Madoobe uu madaxda dowladda ku eedeeyey inay soo direen Seeraar. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuusan ka qeyb-galin kulankii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay Garoowe. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
  17. Abdirizak Ahmed Jama Xukuumadda iyo xisbiyada oo karaamadii ka xayuubiyey qaranka Somaliland. Laba professor oo waali cas u saaray xili aan loo fadhiyin iyo umadda oo isku ciil kaanbiyeysa halka tacabkoodii lala marayo. Waxaa hubaal ah in ay bulshada Somaliland maanta u muuqato in wadankii galay xaalad cakiran, oo ay lagama maarmaan tahay in laga wada arinsado. Aynu ku horeyno labada macalin ee waayahan wadanka dhexdiisa ka bilaabay, wax ay ugu yeedheen tabliiq siyaasi. Marka ugu horeysa labada macalin waxaa haysta dhibaato ama caado ku habsata macalimiinta- malaha qaarkood uun. Madaama ay macalimiintu inta badan wakhtigooda la qaataan dad aad ugu da’ yar ama aad uga aqoon iyo khibrad hooseeya, waxay dadka oo dhan moodaan in ay ardaydoodii yihiin, oo ay dadku ku qasban yihiin in ay iyaga dhegaystaan. Labadan macalin waxaa taa u sii dheer, in siyaasaddan ay leeyihiin dabliiq baanu ka nahay, ay iyada lafteeda ku saaqideen oo umaddu kawada war qabto waxay isla soo mareen. Waxaana la iswaydiin karaa qofku waxa uu damiin (saaqid) ku yahay, tabliiq maka noqon karaa! Waxay labaduba si wajigabax -nimo ah ugu guul daraysteen tan (siyaasadda) ay maanta ka tabliiqayaan. Iyadoo aanay jirin wax la taaban karo oo ay qarankan Somaliland ku soo darsadeen, dhib ay hore ugu geysteen mooyaane, ayey hadana waxaabay u hadlaan in midkooba Somaliland-ta dhan la miisaan yahay. Waxaad hadaladooda ku dhex arkaysaa (aniga iyo Somalilad). Cajiib! Goorma ayuu shaqsi inaga mid ahi, la miisaan noqday Somaliland-ta umadda oo dhami wada leedahay. Waxa weedhaha noocaas oo kale ah laga fili karaa qof isbidaya in uu tacab ka galay Somaliland. Inkastoo waxa aad u qabato dalkaaga ay iyaduba nusqaan ku tahay qofka sheegta ama ku faanfaana.Wixii umaddu kuu garato waa halkeeda. Labada maclin iyagu waxay Somaliland-ta taraan iska daayoo waxay umaddu ka war haysaa in aanay waxba ula hadhin sidii ay u curyaamin lahaayeen una daadifayn lahaayeen hamiga dadkooda. Wakhtigaa ay iyagu dagaalka kula jireen Somaliland, muwaadiniintii ka hortaagnaa ee Somaliland difaacayey, ayaan daro, sidooda roogag cas cas meel walba looma dhigin. Waxay ku ganacsan yihiin in ay umaddoodii wixii ay u qaban karayeen u qabteen. Intaas ayaa ku filan, waxaana kali ah ee ay rajaynayaan in ay Somaliland maalin uun dhaqaaqdo iyagoo nool. Macalimiintani wax ay inagu soo biiriyeen ma hayno. Waxa hubaal ah in lagu jiro wakhti aan waxba laga xishoon, lana xeerin.Waa wax runtii laga xishooda ah, in nin wayni umad hortood la soo istaaago aniga, aniga iyo aniga oo madhan. Sida warka lagu hayo waxay labada macalin wax kasoo barteen qaybo cilmiga dhaqaalaha ka mid ah, hadana Somaliland-taa la ciirciiraysa siday u maamulan lahayd dhaqaalaheeda yar ee ay hesho, ma aragno iyagoo leh waxaan u soo bandhigaynaa xal dhaqaale oo wadanka wax tar u leh. Muwaadin kasta oo reer Soamlaild ah, waxaa looga fadhiyaa in wxiii uu ku soo kordhin karo, waddankan cuna qabataynta noocyada badan ee dadban uu aduunwaynuhu saaray, uu ku soo kordhiyo. Umaddu waxay xusuusinaysaa labada macalin in dad badani ay garanayaan inta ay la hor tagtaan yihiin dhaliyarada Somaliland ee ay ugu yeedheen tabliiq siyaasad. Waxaa hubaal ah, oo la ogyahay in dad badani idinkaga fiican yihiin siyaasadda laakiin idinka macalinimada ayuun baa idin kilkilaynaysa. Waxaa umadda u muuqata in aad siyaasiyiin badan oo nooc walba leh aad la gasheen heshiisyo dhinacyo badan leh, kuwa gaara iyo qaar heer qaran ahba. Haddii siyaasiyiinta qaarkood ay awrtooda idinku kacsadeen, waa siyaasadan aad ku dawakhdeen iyo camaladeeda, ee ha u cadhoonina dadkiina. Wadankeenu meel fiican ayuu inoo marayaa, marka la eego itaalka shacabkeena, wax aad u badanina waa inoo hadhsan yihiin. Umaddu, Somaliland la wada leeyahay ayuu hamigoodu ka siman yahay. Waa la gaadhi hamigaa, waana lagu qasban yahay. Somaliland iyadoo aduunwaynaha xaqeedii ka baryeysa in ay iyada dhexdeedii xaquuq, cadaalad iyo sinaan iska duudsidaa ama iska baridaa, waa wax aan macno samaynayn. Caruurta ayaa bisaylkeeda gaadhay oo og manta, in aan cidina intay qof kale xaqeeda qaadato aanay ku ladayn. Hadafka ummadani leedahay waa mid ka fog halkan aynu maanta marayno. Waxaa suurto gal ah in xukuumadda maanta joogtaa ay la iman kari waydo ku dhac lagu saxayo wax kasta oo ay Somaliland kala tabanayso, laakiin mar ay ahaataba umaddan yoolkeedu waa in ay gaadho sinaan, cadaalad, walaaltino iyo qaran ul iyo diirkkeed ah. Sidaas darted, reer Somaliland meel uma hayaan, kamana mid noqon karaan, shaqsi, cid ama reerba laga yaabo in ay ku hamiyi karaan in ay inta kale xuqooda duudsiyaan. Labada macalin waa in ay fahmaan, tani (Somaliland) in ay wali tahay curdin aan gujo iyo hantaaqo xamili Karin. Iyadoo aduunwaynuhu cunaqatayn dadban ku hayo, ayey bulshowaynteeda oo u dhami ay hareeraha saf uga wada taagan yihiin, oo marka ay liicdo, ay ku noolaynayaan oo ku kabayaan maal gashi, cilmi gashi, caqli gashi iyo wax kastoo ay u heli karaan. Walaalayaal safka soo gala, waxaad wadankiina ku soo biirin kartaan, waa la idiinka fadhiyaa. Way muuqataa wakhtigan in ay jirto xukuumad tahli kari la’ in ay umadda midayso. Wakhtigan waxay umaddu guud ahaan, tabaysaa hogaan leh xirfad uu ku midayn karo shacabka walaalaha ah, si uu muwaadin kastaa danihiisa uga dhex arko wadankiisa. Wax, lagu tabco waxaa ugu qaalisan dadka oo la dhiso maskax ahaan. Waxaad moodaa, hogaanka talada hayaa in ayna u muuqan in ay taa tacab galiyaa. Balse iyagu ay horumarka u yaaqaanaan, daaro iyo dariiqyo la dhiso. Waxay umaddu u soo jeedinaysaa dawladdan sida habqanka ah hawlaheeda u gudata, in ay umadda wax waydiiyaan oo aanay talada dalka kaligood isku koobin. Waar, talada Somaliland qof iyo laba toona tunka uma ridan karaan. Waar, ma xamili kartaan miisaanka intaa leeg. Karti aad ku maarayn kartaan culayskaas bulshada uma muuqato. Waxay bulshada reer Somaliland ku soo tacabayeen wakhtiga dheer ee sideed iyo labaatanka sanadood qaatay, yeyna gacmihiina ku burburin. Xukuumadda, waxaa looga fadhiya in ay soo saarto umad isku duuban, isku jiidh ah, isku dareeen ah, iska raali ah, is ixtraamta oo qadarisa. Waxaa wax lala yaabo ah in xisbiyada qaranka iyo xukuumadu ay xal lagaga gudbo is marin waagan ay la iman kari la’ yihiin muddo labo sano ah. Waxay tani caalam siin kartaa fikrad ah, in aynaan tashan Karin, oo in aynu tashano karideeda aynaan lahayn. Qaranka Somaliland ma qabato in aad la soo horfadhidaan ma heshiin karno. Iyadoo ismarin waagan eediisu ay dhabarka u ridayaan xisbiyada iyo xukuumadduba, hadana waxuu xilka dhabta ahi saaran yahay xukuumadda. Umddu ma gaydo in garnaqsi iyo anaa gar leh lala soo hor taagnaado. Umaddu waxay xukuumadda manta joogta uga fadhidaa in ay qabsoonto doorashadu wakhtigii loo qabto. Waxa idiin yaala in aad milgaha dawladnimo ee la idiin dhiibtay aad sideeda umadda ugu ilaalisaan. Gaba gabo, Wadanku wuxuu manta taagan yahay xaalad cakiran oo u baahan in si mug leh looga wada arinsado. Meelaha wakhtigan xalka deg dega ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah: Xukuumadda iyo xisbiyadii oo wada shaqayntoodii istaagtay. Wada hadaladii xukuumadda iyo Khaatumo oo iyaguna istaagay. Dhamaan hay’adihii dawliga ahaa oo wakhtigoodii wada dhacay, Tan Madaxwaynaha ayuun baa xalaal ah, inta kale waa sahrci daro. Iyadoo hawlaha miisaankaa leh ay inoo yaalaan, in aynu ku meeraysano arimo yar-yar waa inoo doqonimo. Bulshada Somaliland waa inay toosaan oo ay ka feejignaadaan arimahan isbarkaday ee ilaa imika xal muuqda loo la’ yahay. Maanta, Somaliland muwaadiniinteeda hiil ayey uga baahan tahay. Xilka qaran, waa inuu diraa shaqsi kasta oo reer Somaliland ah. Somaliland ha la badbaadiyo maanta. Alahayoow, shacabkan Somaliland ee xariirta ah, samirkooda iyo dulqaadkooda u sii siyaadi. Aamiin. Abdirizak Ahmed Jama Calgary rizakj@yahoo.com Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kontoroolada Madaxtooyadda xayndaabkeeda ku yaalla, ayaa waxaa la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya, tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidankan oo aad u feejigan, islamarkaana Qoryaha la garwaaxsan ayaa lagu kordhiyay baraha Kontorool ee Sayidka, Ceel Gaabta iyo Tiyaatarka, halkaasi oo laga ilaaliyo Madaxtooyada. Gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku maraan Koontaroolada Madaxtooyadda ku dhaw in laga soo dago gaariga meel ka fog goobtii hore, kadibna qofka oo gacanta ku wata aqoonsiga uu u tago askarta. Saraakiisha Ciidanka Koofi Guduuda ayaa ciidanka amar ku siiyay inay rasaas ku furaan gaarigii soo dhaafa goobta ay taallo birta calaamada ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya sababta loo adkeeyay ammaanka aagga Madaxtooyada inay tahay weeraro laga cabsi qabo inay geystaan Mintidiinta Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Kooxda Al Shabaab ayaa sida caadada aheyd waxa ay bisha barakeysan ee Ramadaan kordhiyaan Qaraxyada, Weerarada tooska ah ee xarumaha dowladda iyo dilalka loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay arrin ay maamulka Soomaalida Itoobiya ka baahiyen Tv-ga dowladooda. Somaliland ayaa beenisay Rasaas tiro badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu sheegay in lagu qabtay Degmada Wajaale, in laga soo iibsaday Somaliland. Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac) oo maanta xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlayey ayaa waxa uu beeniyey in Rasaasta laga iibsaday gudaha Somaliland, isagoona sheegay inay tahay arrin been abuur ah oo laga dhex samaynayo Somaliland iyo Itoobiya. Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “War ka baxay Tv-ga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay Rasaas lagu qabtay Daanta Shishe ee Wajaale ee ay Maamusho Itoobiya, Rasaastasi oo ahayd 3,000-Xabo, taasi oo ay ku soo bandhigeen Tv-ga. Waraysi uu halkaa ka bixiyey kornaylka ka hadlayey Jigjiga, Dadkii lagu soo qabtayna waxay sheegeen buu yiri waxaanu ka soo iibsanay Wajaale, Daanta Somaliland”. “Annagu waxaanu mar walba ka shaqaynaynaa sidii loo ilaalin lahaa Nabad-galyada xuduudka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobya. Markii Rabshaduhu ka socdeen Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo hoggaanka kale ay wadeen hawlihii dib loogu soo celinayey Nabadgalyada deegaannada Soomaalida Itoobiya, Annagu qayb libaax ayaanu ka qaadanay haddaanu nahay Somaliland, annaga oo qabanay oo u celinay Lacag iyo Baabuur badan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Nama qabato in la yiraahdo Somaliland baa laga soo iibiyey rasaastaa, waxay ahayd Dawladuhu xog bay wadaagaane in Ciddii laga soo iibiyey iyo Ciddii gacanta ku haysay la helo ayay ahayd, laakiin waa laga qurux badan yahay in Idaacadda uun laga sheego. Annagu ma qabno in Somaliland ka timid Rasaastaasi, waxaanu qabnaa inay tahay been abuur laga samaynayo labada Waddan”. Dhowaan unbey aheyd markii Ciidammada Amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Telefishanka Maamulkooda ka sheegen in Rasaas gaareysa 3,000-Xabo oo laga soo gatay gudaha Somaliland lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan daanta Itoobiya Maamusho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Mahadnaqu Allah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena denbi-dhaaf, iyo tobanka danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta. Haddaba, 2016, Professor Yoshinori Ohsumi (Japan), waxaa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga Sayniska. Waxaana uu ku mutaystay xeeldheerida aqoonta fisiyoolojiga (physiology) ee lagu lafo-guro hawlgalka unugyada jidhka. Weliba isagoo ku sii talax tegay waaxda (Autophagy) ee “Isa-saxar-tirka Jidhka“. Billadda Nobel ee lagu ladho magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa tan ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugga lamaha kala duwan ee cilmiga. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadhaan heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigaan cilmi-baadhis qotto dheer, si ay u daah-furaan aqoon cusub oo waxtar ah. Sidaa awgeed, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu in uu jidhka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay, kuwa sadhoobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. Cilmi baadhistu waxaa ay soo bandhigtay qadoodiga ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa. Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub oo ibo-furtay qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jidhku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood. Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa, waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay, soomka bisha Ramadaan. Qofkii awoodaana in uu ku daro maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee sunnaha ah. Ugu danbeyntii, baadhista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jidhka bado wahsi, kuna keydiyo hadhaa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah. Prof. Yoshinori markii uu ka bogtay hidde-sidayaasha unugyada, kana faraxashay barashada jaan-tuska iyo qaabdhiskooda waxaa uu garowsaday qadoodigu in uu sal u yahay sida unugyadu isu nadiifiyaan. Sannadkii 1992 waxaa uu daabacay buug uu ku shaaciyay aqoonta uu dunida ku soo kordhiyay. Waxaana uu caddeeyay, “dadku in aanay tamar-dhigin xilliga ay afxidhan yahiin, balse, waxaa soomka uga sii kordha firfircooni dheeraad ah”. Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxar-tirka Jidhka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) in uu jidhku ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar. Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay. Durba waxaa xusuusteenna ku soo dhacaya xadiiskii Rasuulka (NNKHA) ee macnahiisu ahaa. “caloosha in saddex meelood loo qaybiyo, meel cuntada lagu rido, meelna cabidda, meelna loo dhaafo hawada si looga neefsado”. Soomka waxaa innoga horreeyay ummaddihii ay kutubtu ku soo degtay sida Tawraat (Yuhuud) iyo Injiil (Kiristaan). “Kuwa Xaqa Rumeeyow, Waxaa La Idinku Waajibiyey Soomka Sidii Loogu Waajibiyay Kuwii Idinka Horreeyey, Si Aad U Dhowrsataan.” Al Baqarah, aayadda 183. Sidoo kale, waxaa sooma dad badan oo haysta caqiidooyin anbad ah. Wadaadada Budhistaha (monks) wax cunto ah afka ma ay geliyaan inta u dhexaysa hadhimada ilaa waagu ka beryaayo. Sidaa darteed, ayay uga siman yahiin muuqaalka “firfircooni iyo weyd caafimaad qabta”. Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaadhka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.” “Caruurnimadii wax badan ayaan ku hammiyay abaalmarinta Nobel. Hase ahaatee, markii aan baadhista gudo galay, waxaa aan dib u laqay candhuuftaydii,” ayuu Yoshinori u sheegay warsidaha Guardian. “Markaan arkay yoolka loo tartamayo, ma filayn, in aan hanan karo, balse, waxaa iga go’nayd in aanan ka daalin baadhista”. Si kastaba ha ahaatee, aqoontu Allah ayay u sugnaatay Waxaana liibaanay qofkii u dheereeya fulinta waxii Allah uu faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Ogow, haddii ay soo xaqiijiso aqoonta gaaban ee aadamahu iyo haddii ay ka gaabisoba, wax kastoo diintu innagu waajibisay waxaa ku jirta danteenna, if iyo aakhiroba. Xassan Cumar Horri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID, waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania.
  21. Boorama (Caasimada Online) – Professor Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay in Somaliland la wada leeyahay iyo in kale. Prof. Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay, halka uu dhigiisa Prof. Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay. Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Somaliland waa la wada leeyahay, anniga jawaabtaydu markaa waxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .” Waxa intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee loogu dhawaaqay bishii June 26 1960-kii, afartii qof ee saxeexayna magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayey ka yimadeen afartii qof ee saxeexay, dhanka labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman, dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo mareen yeynaa sidaas noqonin Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo.” Dhanka kalene, Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno. “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi , waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin .” ayuu yiri Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano, distuurka maxaa ku yaal waar distoorku wax-yi maaha, aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano, distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro, haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin, distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .” Ugu dambeyn Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa kusoo afmaaray “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  22. Mean Moms Rule’ waa buug ay qortay Denise Schipani oo ay uga hadleyso aragtideeda hooyannimo iyo sida ugu fiican ee carruur adag lagu barbaari karo. Denise waxay ka doodeysaa “Yaa carruurta u wanaagsan hooyo kulkulul iyo hooyo miskiin ah?” waxayna aragtideeda ku xoojineysaa in ay ilmaha u fiicantahay hooyo kulkulul oo ay sheegtay in ay soo saareyso carruur leh shakhsiyad adag oo madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha nolosha. Denise Schipani oo buugaan hooyooyinka ku siineysaa talooyin dhowr ah, waxay leedahay: Hooyo, cunuggaada xor ka dhig, balse bar dhaqammada ka reebban. Noqo hooyo hal adag, kulkulul, oo nidaam-raac ah. Gurigaada ka deji sharci iyo kala-dambeyn, adiguna noqo awood sharciyaddaas meel-mariso, lmahaadana isla ogaada sharci kaste iyo ciqaabta ka dhalan karta haddii uu jebiyo. Cunuggii uu sharcigaasi qabtana ku qaad ciqaabta ka degsan, una ciqaab habka ugu fiican oo ah in aad u diiddo waxyaabaha uu jecelyahay. Ha dayicin naftaada, oo sida aad uga fikireyso carruurtaada uga fikir quruxdaada. Cunuggaada ha u noqan booyaas isaga kaliya u shaqeysa. Carruurtaada ka dhowr suuraha tirada badan, waayo waxay cunuggaada ka dhigeysaa doqon baac ah, oo aan dad kale la dhaqmi karin, waxna aan la qeybsan karin. Cunuggaada ha u sameynin wax kaste oo uu rabo. Ilmahaada bar erayga MAYA, kuna adadkoow go’aankaada oo haka aqbalin in uu ooyin kaaga qaato wixii uu rabo. Kana fogoow in aad gar iyo gardarraba garab ugu noqoto cunuggaada, oo aad dartiis isugu dhacdaan deriska, qaraabada iyo macallimiintiisa. Haku qeylin carruurtaada. Haddii aad rabto in aad wax u sheegto ama canaanato, adiga oo u dhoolla-caddeynayana si kalsooni leh ugu sheeg wixii aad rabto, si uu hadalkaada ugu arko in uu isaga dan u yahay oo uusan ciqaab aheyn, kuna tababbar in ay hadalkaada sidiisa u qaataan, una dhaqan-geliyaan. Ilmahaadaada bar xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibka saaran. Ku barbaari masuuliyad, oo mid kaste u dhiib shaqo uu qoyska ugu qeybsanyahay, una sameey jadwal, si uu u ogaado waqti kaste iyo waxa laga rabo, kuna barbaari in ay u kala dambeeyaan sida ay u kala weynyihiin, ayna isugu naxariistaan sida ay u kala yaryihiin. Hooyo, haddii aad sidaas noqoto ma tihid qof qalafsan ee waxaad tahay hooyo adag oo carruurteeda u horseedeysa mustaqbal fiican ayay Denise Schipani kusoo gebagabeyneysaa talooyinkeeda, waxayna ragga kula talineysaa in ay carruurtooda u xulaan hooyo nuucan ah, si ay aabbe ugu noqdaan carruur edebsan, nidaamsan oo in ay taliyaan iyo in loo taliyaba u sameysan, madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha adadag ee nolosha. Waxaa qoray: Hussein Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com
  23. Maamulka Jubbaland ayaa eedeeyn kulul u jeediyay dowlada Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay masuul ka aheyd shaqaaqad ka dhacday garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo oo u dhaxeeysay ciidamada Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ah Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax. Hoos ka aqriso qoraalka. Puntland Post The post Jubbaland oo eedeeyn u jeedisay dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Energy security is essential to the long-term economic and social development of communities in the world’s poorest regions. In Somaliland we are unlocking the potential of its renewable energy resources to improve access to affordable, reliable electricity. Opportunity Somaliland has substantial energy resources – especially wind and solar – but this potential is largely under-utilised. Energy consumption per capita in Somaliland is among the lowest in Sub-Saharan Africa due to the very high cost of electricity, which is a significant obstacle to economic growth. The Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) programme will improve access to affordable electricity for communities by diversifying energy sources through the promotion of renewables and the development of an appropriate policy and regulatory framework. Solution The ESRES programme is running a pilot with hybrid mini-grids supplied with renewable energy by independent power providers. Experience gained through the pilot is being used to create a funding platform to make investments in renewable energy less risky and increase adoption rates of renewable energy technologies within the private sector. We are responsible for the day-to-day management of the programme, developing regulatory standards and providing technical assistance to the Government of Somaliland. Outcome To date ESRES has supported the launch of six hybrid mini-grids that are expected to supply cheap electricity from renewable sources to more than 10,000 new consumers who previously could not afford it. Overall, Somaliland’s generating capacity will increase by 2MW while reduced reliance on diesel-powered generation will cut carbon emissions. The success of the programme will lead to increased investment in Somaliland’s green infrastructure, helping to alleviate poverty among its people while at the same time strengthening the country’s energy security. Energy planned Qaran News