Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,135
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. By Odindo Ayieko Somaliland’s recent signing of mega development deals with United Arab Emirates (UAE) and Ethiopia has left Somalia infuriated. Somaliland President Muse Bihi last month made visits to the United Arab Emirates and Ethiopia where he signed agreements to have the oil-rich Middle East state restore the Berbera Airport. The UAE, already expanding the port of Berbera key to maritime business in the Suez Canal linking the horn of Africa and the Middle East and also serve landlocked Ethiopia, will also set up an electricity plant in the city to power up to 25 megawatts. But Somalia is not happy with the business dealings Somaliland is engaging in and the fact that President Bihi was given red carpet reception in the UAE and Ethiopia where the Somaliland flag was hoisted and national anthem played. Somalia government has written to the UN Security council complaining about Somaliland’s engagements. Somaliland is a northern region of Somalia that self-declared independence from the latter in 1991 following a civil war. In their letter, Somalia says the engagements are a clear violation of its sovereignty. But Somaliland envoy to Kenya Omar Bashe stated that his country is free to engage with other countries officially. In a statement, Bashe said: “We as Somaliland wish to express our dissatisfaction at the recent complaint made by the Government of Somalia at the UN Security Council, about the recent trip by President Muse Bihi to the UAE. “I want to reiterate here that Somaliland is an independent country with internationally recognized borders and democratically elected governments that is well functioning. Somaliland is free to engage with other countries officially without the permission of Somalia as our union was voluntary so as was our exit from the union.” “We as Somaliland will continue to engage with the International community for the official recognition and Independence of our country.” “To our neighbours Somalia, we are willing to create a broad space for peaceful interaction and trade, but we will leave no room for any form of reunification activities.” Source: East Africa Business Week
  2. Wafti heer sare ah oo ka socda xukumadda Somaliland ayaa wararku sheegayaan in ay hada gaadheen dalka Israel, waftigani oo ayna ilaa hada ayana shaacinin xukumadda Somaliland iyo ta Israel toona, ayaa ay waraku sheegayaan in waftigaasi uu wada hadalo la yeelan doono xukuumada Israel. Hase ahaatee waxa warkaasi xaqiijiyay oo bartiisa Twitterka soo dhigay suxufiga caanka ah ee reer Israil Edy Cohin, isga oo warkaasi ku dhaafay oo qudhaata… War degdeg ah : Wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel. Waa markii u horaysay ee wafti ka socda Somaliland ay ka degaan dalka Israel tan iyo intii ay Somaliland la soo laabtay xoriyadeeda, dalka Israel-na waxa uu ahaa wadamadii Somaliland aqoonsaday xiligii ay xornimada ka qaadatay dawlada Ingriiska 1960-kii ka hor intii ayna Somaliland la midoobin Somaliya. Wixii war ah ee waftigaasi ka soo kordhana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe Qaran News
  3. (SLT-Hargaysa) Abwaan Daahir Ismaciil Weedhsame oo kamid ah Abwaanada caanka ah ee Somaliland ayaa ku baaqay in Hanti dhawr baadha la galiyo Wasaaradda Waxbarashada. Sidaana wuxuu ku Sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan. “Wasaaradda waxbarashadu Si kal iyo laab ah ayey u soo dhawaynaysaa Hanti-dhawrka. maalmihii u dambeeyey waxa la dareemayey diyaar-garawga soo dhawaynta hanti-dhawrka, iyadoo roogga guduudan lagu sii goglay barxada weyn ee Xarunta wasaaradda. “ KALSOONI BADAN BAA NAGA MUUQATA!!!! Weedhsame Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen. Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada. Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay mabda’ ahaan isku raaceen hase yeeshee waxaan weli la hayn qaabkii loo fulin lahaa. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in baarlamanku ansixinayaan iyo in kale marka madaxweynuhu ku dhowaaqo, maadaama dastuurka dhigayo inay qasab tahay in baarlamanku ansixiyo. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa lagu warramayaa in ka cabsi qabaan in qorshahan aysan xildhibaanada baarlamanka ogolaan doonin, taasi oo darteed aan weli qorshahan loogu dhowaaqin. Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qorshahan, taasi oo mar kale isku dhac ka dhex abuuri karta madaxda dowladda iyo beesha caalamka, oo horey ugu kala tagay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Madaxda dowladda ayaa la rumeysan yahay ina taageero hoose u raadi doonaan qorshahan ka hor inta aysan ku dhowaaqin, ayada oo laga yaabo inay ka tanaasulaan haddii aysan taageero ku filan u helin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Muqdisho)Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxweynaha soomaaliya inuu xilka amaanada ah dib ugu soo celiyo umada. Hogaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo si adag ugu dhaliilay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho oo ka sii daraysa, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray. Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha Dowladda iyo wadada Makka Al-mukaramah oo ay dowladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay. Al-shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay haddii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hoggaaminaya? Haddii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya? Haddii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dowladda oo dadkii ay halkaa ku laayeen. Haddii Taliska Nabadsugida aysan bilo badan Taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Haddii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu Taliye ka yahay Booliska Gobolka Banaadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi. Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, haddii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Haddii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagixisada iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagixisadu dad ku dhex leedahay ciidanka. Haddii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeenna iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid. Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagixisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyaddiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Haddii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummadda xilka iyo amaanada u soo celi. Source
  6. Magaalada Muqdisho oo ay kushaqeeyaan dhammaan golayaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa kataagan xasilooni la’aan iyo nabadgelyada oo sii xumaaneysa saddexdii bil ee ugu dambeysay kaddib weeraro iyo qaraxyo kadhacay degmooyinka caasimadda qaarkood. Bilaha January, February & March waxaa kadhacay magaalada Muqdisho inta la diiwaangeliyey 10 weerar oo loo adeegsaday Qaraxyo gaadiid lagu soo xiray iyo weeraro si toos ah loogu qaaday xarumaha Wasaarado iyo Hoteelo ganacsi, 10-kaas weerar waxaa ku dhintay inta la helay tirakoobkooda 66 qof, halka ay ku dhaawacmeen 166 kale iyada oo hanti iyo guryana ku burbureen, haddaba su’aasha lagayaabo in aad isweydiiso waa Sababta ay Xamar oo caasimaddii dalka ah u xasili la’adahay iyo waxyaabaha xagga dambe ka riixaya deganaansho la’aanta caasimadda iyada oo dowladdu ku doodeyso in ay nabadgelyada iyo ciidanka ku bixineyso sanadka 2019 lacag kabadan lacagtii ay ku bixisay sanadkii 2018. Raisal wasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar) 10-ka weerar ee dhacday saddexdaas bil xukuumaddu weli kama soosaarin wax xog iyo warbixin ah oo kusaabsan Khasaaraha iyo tirakoobka dhibaatada dhacday basle waxa ay madaxdu Isbitaalada ku booqdeen dhaawacyada waxa ayna tacsi ka bixiyeen dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ee gaaray shacabka. Tirakoob hordhac ah Haddaba waa maxay sababta ay nabadgelyadu u sii xumaaneyso? Waxa jira sababo loo qaateen ah oo kadambeeya nabadgelyada iyo amniga sii xumaanaya ee Muqdisho marka aad qiimeeyso dhaqanka xukuumadda iyo dhibaatada taagan, 10 qodob ayaa sabab u ah xasilooni la’aanta Xamar sida ay sheegeen Waaya-aragga Nabadgelyada iyo maamulka iyo madax katirsan dowladda Soomaaliya. Qodobadaas waxaa kamid ah: 1-Degganaansho la’aanta Siyaasadda Marka ay dhacdo xasilooni la’aan siyaasadeed oo dowladda dhexdeeda ah ama dowladda iyo kooxaha kasoo horjeed ah waxa ay madaxda kaladuwan ee dowladdu isku mashquuliyaan sidii ay u illaashan lahaayeen xilalka iyo kuraasta iyaga oo ka fogaanaya dhammaan wixii ay u arkayaan in ay sabab u noqon karaan luminta xilka, taasina waxa ay sababtaa in aan mas’uulna qaban iskuna howlin shaqadii loo xilsaaray, taas oo hoos u dhigta howlgalka fulineed ee dowladda 2-Xogta Dowladda oo u Furan kooxaha kasoo horjeeda Kooxaha ka horjeeda jiritaanka dowladda ama diiddan sida ay u falgeleyso waxa waaya-aragga nabadgelyadu muujiyeen in ay haystaan galaangal fiicanna u leeyihiin helidda xogta dowladda ee kusaabsan tusaale ahaan nabadgelyada, taas oo u sahasha in ay fuliyeen falal qalqalgelya deganaanshaha si xukuumadda loo cadaadaadiyo ama loo hakiyo howl ay fulin lahayd. Tusaale ahaan fadl-dembiyeed walba oo dhacaya waxa uu u baahan yahay in loo helo xog, xoolo iyo fuliyeyaal, waxaana ugu horreeya xogta oo qaarkeed laga heli karo dowladda, marka taas la fiiriyo waxaa suuragal ah in kooxaha fuliya weeraradu ay helaan xog muhiim ah oo loo adeegsado fulinta weerarada. 3- Hannaanka Howlfulinta ee dowladeed oo aan shaqaynayn Kulamada iyo fadhiyada madaxda dowladda waxaa ka soo baxa howlo ay tahay in si maangal ah loo fuliyo si arrin taagan wax looga qabto, balse hannaanka howl-fulinta ee xukuumaddu waa howlgab ama waxa uu ku maqan yahay meelo aan muhiim ahayn hadda marka la barbardhigo Nabadgelyada xarunta caasimadda, taasna waxaa suuragal ah in ay sabab u tahay qalfoofta qaabdhismeedka iyo kala sarreynta madaxda xukuumadda oo aan caddeyn ama raaciddiisa oo la sahashado. 4- Yaraanta Waaya-aragnimada & aqoonta mas’uuliyiinta Nabadgelyada Waaya-aragnimadu howl walba waa u muhiim iyo udub dhaxaad, ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysana waaba tiir-dhaxaadka uu ku taagan yahay howlgalka iyo kafalcelinta xaaladaha nabadgelyo ee ciidanka, degmooyinka oo sal u ah xasiloonida caasimadda waxaa saldhigyadooda maamula dhallinyaro firfircoon balse aan Sooyaalka nabadgelyada ee Muqdisho iyo nuuca weerarada ay tahay in laga jawaabo aan wax weyn kala socon laganayaabo in aanay xirfad iyo tababar ahaan u dhigmin cidda ay wajahayaan ee la rabo in ay ka guuleystaan, taasina waxa ay nugeyl badan u horseedday laamaha nabadgelyada ee dalka. 5-Xubnaha golayaasha dowladda oo aan dalka deganayn 26-ka Wasiir ee xukuumadda Soomaaliya ka kooban tahay waa qurbe-joog, waxa ay deggan yihiin Hoteelo iyo guryo lagu illaaliyo nabadgelyadooda taasna waxaa u dheer in qoysaskooda iyo carruurtooduna ay ku nool yihiin dibadda, sidaas awgeed mar haddii aanay xiriir deegaan iyo mid nololeed la lahayn nolosha caasimadda waxa adkaatay sida ay u wajihi karaan dhibaatada. 6-Kalsooni la’aanta Shacabka Kalsoonida Shacabku ku qabo ciidanka iyo hay’adaha nabadgelyada oo bud-dhig u ah lashaqeyntooda ayaa aad u hooseysa iyada oo muwaadiniintu ka cabsi qabaan in ay halis galaan nabadgelyo ahaan haddii ay xog nabadgelyo u gudbiyaan ciidanka iyo laamaha ammaanka, taasina waxa ay kalagoysay wadashaqeyn walba oo dhexmari lahayd labada dhinac, inta ay ka hagaageysana waa adag tahay in xasilooni dhacdo 7-Heerarka xogta Ammaanka oo jaha-wareersan Heerarka xogta nabadgelyada ee xukuumaddu waxa ay hoos uga dheceen meeshii ay ahayd in ay joogaan, waxaana suuragal ah in madaxda hay’adaha nabadgelyadu ay ku jahawareersan yihiin Saaxiibka iyo cadowga, heerarka xogtuna aanayba jirin sida Sir iyo Sir culus Dad badan oo kasoo goostay kooxaha kukacsan xukuumadda Soomaaliya ayaa xilal ka haya laamaha ammaanka iyo ciidanka dowladda sidaas awgeed waxa ay gacanta kudhigaan xog muhiim ah iyada oo aanay caddeyn cidda ay daacadda u yihiin 8- Musuqmaasuqa iyo laaluushka hay’adaha Nabadgelyada Musuqa iyo Laaluushka oo ay heysan karaan oo keli ah dad leh awood fulineed oo ciidanka ah ama ganacsato xiriir la leh madaxda iyo hoggaanada ciidanku waxa ay taagdarro ku rideen howlgal ciidanka, taasina waa sababta ay u taagan tahay xasaradda ciidanka xoogga dalka la xiriirrta ee sababtay in ciidamada qaarkood ka baxaan furimaha dagaalka. Tusaale ahaan Dadka fuliya weeraradu waxa ay intooda badan xiran yihiin dharka ciidanka gaar ahaan dharkii ugu dambeeyey, taasi waxa ay muujineysaa jiritaanka xiriir wadashaqeyneed oo u dhexeeya cid haysa awood sare oo kamid ah dowladda iyo kooxaha kahorjeeda dowladda, taas oo sahasha in dharkaasi ugu gudbo dhinaca kale wadashaqeyn ama ganacsi midkood 9-Caddaalad darrada maxkamdaha garsoorka Adeegyada dowladuhu siiyaan dadkooda waxaa ugu horreeye Garsoor caddaalad ah, waxa uu kahorreeyaa dhammaan adeegyada kale, sida ay madaxda maxkamadaha qaarkood ay sheegeen, waxaa jira muwaadiniin tirsada caddaalad xumo kaddibna caddaaladda u doonto cid kale oo kahorjeedda dowladda ama waxa uu u raadiyaa caddaaladdii hab aan sharci ahayn iyada oo lagayaabo in uu awood geliyo sidii ay xkuumaddu u guuldareysan lahay. 10-Hannaanka Kormeerka iyo xisaabinta laanta fulinta oo hoos u dhacay Xukuumdda oo ah awoodda fulinta ee dowladda mas’uulna ka ah nabadgelyada iyo jaangoynta tirada, tayada iyo taageerada hay’adaha ammaanka ee dowladdu cabsi kama qabto korjoogteyn iyo xisaabin wixii kadambeeyey mooshinkii siyaasadeed ee March-2018 lagu riday af-hayeenkii hore ee golaha shacabka, taasina waxa ay horseedday in Wasiirna loo gole joojin gaabiska iyo dhibaatada kadhalatay dayaca howshiisa. Xigasho: Radio Mustaqbal
  7. Muqdisho (SMN)- Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada,waxgarad,cuqaal,siyaasiyiin,waxaana munaasabadaasi lagu caleema saarayay suldaanka guud ee beesha Cusmaan Amiin oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka shabeelaha hoose. Qaar kamid ah waxgaradkii iyo cuqaashii ka qeyb galay munaasabadda ayaa kula dardaarmay suldaanka in uu ka shaqeeyo masiirka umadda Soomaaliyeed. Ugu danbeyn suldaanka guud ee beesha Cusmaan Amiin Suldaan Yuusuf Cabdoow,Suldaan Xaaji Cali Abiikar ayaa mahad celin kadib ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha horyaala ee u baahan in lala garab galo,si looga dhabeeyo hadafyadaasi. Beesha Cusmaan Amiin ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolka shabeelaha hoose,kuwaas oo taariikh fog ku leh deegaanada gobolka shabeelaha hoose. Daawo Sawirada Xafladda Caleema Saarka:- Dhageyso Warbixinta Xafladda Caleema Saarka:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warbixin-Mahad-Caleema-Saar.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay beenisay iskana fogeysay warar sheegayay inay lacag ka qaadato Xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay inay jirto cid magac dil ku sameynaysa oo la wareegaysa qoraalo ay ku sheegayaan inay kamid tahay xubno lacag ka qaata Xafiiska Kheyre. Xildhibaanada ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku beenisay wararkaas been abuurka ee lagu sheegay inay mushaar ka qaadato Xafiiska Kheyre, iyadoo ku tilmaamtay qoraaladaas kuwo lagu qoslo oo sal iyo raad-toona lahayn. Maalmihii dhowaa, ayaa waxaa baraha bulshada aad u wareegay liis ay ku qoran yihiin magacyada dhowr boqol oo qof oo la sheegay inay dowladda lacag uga qataan inay warbaahinta ka taageeraan, kuwaas oo Fowsiya ay ka mid ahayd. Ma jirto cid xaqiijin karta sax ahaanshaha liiskaas, oo dad badan oo magacyadooda lagu qoray ay beeniyeen halka qaar kalena ay isaga amauseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee hogaamiyo Muuse Biixi ayaa si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaasi oo ku saabsanaa Wada-hadalada Soomqaliya iyo Somaliland. Xukuumada Biixi ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay iyadu dhinaceeda caqabad ku tahay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay markasta wax ku hadasho iyada oo wax ka duwan hadalkaasna ku dhaqanta. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibeda oo xukuumada Biixi u wakiilatay inuu ka jawaab celiyo hadalkii Farmaajo, ayaa waxa uu yidhi: “Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya muddo badan bey soo jiitamayeen, wejiyo kala duwan ayey wada-hadaladaasi soo mareen, Ingiriiska ayey kasoo bilowdeen, Turkiga, Dubai-baa mararka qaarkood lagu shiray xitaa Jabuuti baa lagu shirey, Wada-hadaladii hore ee Somaliland iyo Somalia ka dhexeeyay, wixii kasoo baxay waxay ka hirgeli waayen dhanka Soomaaliya. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi, marwalba waxay diyaar u aheyd oo ku cel-celineysay inay diyaar utahay in wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dib u bilowdan, lana gaadho xal, si nabad-galyo lagu dhameeyo mushkilada ka dhaxeysa Somaliland iyo Somaliya. “Marar badan baa la isku dayey oo beeshu caalamku isku dayday in wada-hadaladaasi dib u bilowdan, marwalba wada-hadaladaasi dhinaca ay ka fashilmayeen waxa ay aheyd dhanka Soomaaliya. Himikana runtii aad baa xooga loo saaraya wada-hadalada, beesha caalamkuna u daneynaysaa, anaguna hadan nahay Somaliland diyaar baan marwalba unahay in wada-hadalaadasi dib u furmaan. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo hadii uu yidhi diyaar ban wada-hadaladaas unahay, marwalba anagu waa soo dhoweynayna, laakiin waxaan leenahay af-caashina iyo qowlkiinu ha is yeeshen, Soomaaliya marwalba waxbay ku hadasha xaga kalena wax ka duwan bey ka wadaa.” Dhinaca kale, Agaasimaha ayaa ganafka ku dhuftay dalab kasoo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, oo ku aadan midnimada Soomaaliya. “Runtii waa nasiib darro in maanta qof Soomaaliya ku nooli uu garan waayo wixii lasoo maray iyo wixii dhacayba, anigu ma odhanayo garan maayo laakiin waxan filayaa in uu is yeelyeelayo, wuuna ka dharagsanyahay xaqiiqada taala, Somaliland iyo Somaliya wey midooben, wixii ay ku midoowen waxa laga dhaxlay, iyagu wey ka dharagsanyihiin inaguna wan ka dharagsanahay, maanta wadada keliya ee inoo furan Waxa weeyi in si walaaltinimo ah oo nabadgelyo ah isagu nimaadno oo wixii naga dhaxeeya aynu ku dhameysano ayaa runtii inoo furan, anaguna diyaar ban unahay in miiska wada-hadalka soo wada-fadhiisano oo wixii Soomaaliya iyo Somaliland ka dhexeeya si nabadgelyo ah lagu kala baxo oo walaaltinimo ku dheehantahay, oo darisnimo ku dheehantahay lagu kala baxo diyaar ban unahay, iyaguna waxan rajeynaynaa inay diyaar sidaa si lamida unoqdan”. ayuu yidhi Agaasimuhu. Ugu dambeyntii Agaasimaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in muhiimad gaar ah laheyn meesha lagu qabanayo wada-hadalada, laakiinse ay muhiimadu tahay in meesha wada-hadaladaas lagu qabanayo ay tahay meel dhex-dhexaad ah oo labada dhinacba ku kalsoonyihiin, miiska wada-hadalkana ay la fadhido cid dhex-dhexaadisa oo Soomaaliya iyo Somaliland aysan isku kaliyeysan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Axmed Siciid Muuse duqa caasimadda Garoowe Guddoomiyaha golaha degaanka, ahna duqa caasimadda, Axmed Siciid Muuse, ayaa sida qorshaysan khudbad u jeedin doona, kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo furmaya Sabtida berriya. Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahin doona, waxqabadkiisi degmada Garoowe ee 6-dii bilood ee la soo dhaafa, iyo barnaamijka horumarineed ee u diyaarsan in uu fuliyo 6-da bilood ee soo socota. Duqa caasimadda oo la doortay 29-kii Agoosto 2018, ayaa tan iyo wakhtigaasi ku hawllanaa barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan horumarinta magaalada, gaar ahaanna bilicda iyo nadaafadda oo sida la sheegayo uu wax badan ka qabtay. Sidoo kale, mudada uu xilka hayay wax khilaaf ah kama dhex jirin, maamulka degmada iyo xildhibaannada golaha degaanka, si ka duwan maamulladii degmada soo maray. PUNTLAND POST The post kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo berri furmaya appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeeray goobaha ay ka socdaan Diiwaan gelinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si loo dardar galiyo diiwaan gelinta Ciidanka. Wasiir Beyle ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib u habeyn lagu sameeyo Ciidamada qalabka sida iyo Waaxyaha Amniga,taasi oo uu xusay in ay tahay mid lagu gaari karo Mustaqbal wanaagsan. “ Maanta Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargalin ku wada diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena, si aan ugu adeegno dalkeenna” ayuu yiri Wasiir Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa tilmaamay in Hannaanka diiwaan gelinta Ciidamada uu yahay dadaal wadajireed oo ay hoggaaminayaan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Wasaarado kala duwan. “Hannaanka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Si wadajir ah waa innaa ugu adeegnaa dadkeena” ayuu mar kale yiri Wasiir Beyle. View the full article
  12. New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa hadda gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari halkaasoo uu caawo ku hoyanayo sida qorshuhu yahay. Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo galabta ka carraabay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa markii uu gaaray Carwo waxaa ku soo dhoweeyay maamulka degmada saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska mas’uuliyiin ka socda golayaasha dowladda iyo bulshada qeybaheeda kale. Mudane Deni oo sida qorshuhu yahay caawa u hoyanaya degmada Carmo ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka iyo bulshada degmadaasi waxaana uu Sabtida berriya uga sii gudbi doonaa dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. PUNTLAND POST The post Siciid Deni oo caawa u hoyanaya degmada Carmo appeared first on Puntland Post.
  14. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada inuu noqdo ku-simaha ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada midoobay ee (UNSOM) isagoo sidoo kale ah isku-duwaha hawlaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Mr Conway ayaa beddelaya Peter de Clerk oo kasoo jeeda dalka Netherlands. Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyey de Clerk shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Soomaaliya intii uu joogay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Mr Conway oo hadda ah mas’uul ka tirsan hay’adda UNDP Soomaaliya ayaa ah nin waaya-aragnimo durugsan leh shaqooyin aad muhiim ahna kasoo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo qabtay xilalka la taliye xafiiska UNDP ee Africa, agaasime UNDP ka tirsan gaar ahaan dalka Koofurta Sudan iyo ku xigeenka madaxa barnaamijyada UNDP ee Koofurta Sudan. Mr Conway wuxuu dhashay sannadkii 1970 waana nin ka qaatay shaadaha Master of Arts jaamacadda Carleton iyo jaamacadda Western Ontario, sidoo kale wuxuu Bachelor of Arts ka qaatay jaamacadda Winnipeg. Source: goobjoog.com
  15. Thabit Cabdi, 9 bilood ayuu madax ka ahaa Muqdisho wuxuu inta badan qudbooyinkiisa ku codsan jiray in lagu soo wareejiyo amniga caasimada lagulana xisaabtamo wixii dhaca, laakiin madaxda sare midaa waa diideen. Madama xiligaan uu amnigu faraha ka baxay, xalay ayaan Teleefoonka kula hadlay isagoo jooga Nairobi. Waxaan ku iri dhowr jeer ayaad codsatay in amniga Muqdisho laguugu wareejiyo, isla xisaabtana aad ogashahay, maxaa mar walba u door-bideysay arrintaas, adigoo ujeeda sida uu xaalku yahay iyo halista taagan?. Wuxuu mudane Thabit Ab iigu jawabaay ” Hadii uusan amniga Muqdisho lahaanshiyo yeelan, oo heer gobal iyo isla xisaabtan aan la waafajin waxba ma hagaagayan, anigu amniga aragti ayaan kalahaa, inaan wax ka qaban karo ayaana ii muuqatay, wuxuu maamulkeygu diyaariyay qorshooyin iyo daraasado ka koobnaa 265 bog oo la xiriiray amniga Muqdisho, oo qubaro Soomaali iyo ajaanib ah ay wax ka diyaariyeen, sidaas ayaana u codsanay in amniga caasimada la hoos keeno maamulka gobalka Banaadir. Ma kula tahay in Thabit Cabdi lasoo celiyo oo markii ugu horeysay loo ogolaado inuu amniga caasimada maamulo, qorshihiisana ku dabaqo ? Waxaa Qoray Abdullahi Osman Farah
  16. Muqdisho (SMN)- Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar ku aadan dhowrista xuquuqda aadanaha iyo sharciga ban,aadinimada magaalada Muqdisho ugu soo gaba gabeeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya. Ujeedka tababarkaasi ayaa waxaa lagu sheegay sidii ciidamada dowladda Soomaaliya u dhowri lahaayeen xuquuqda shacabka xilliyada ay ku jiraan howlgalada. General Odawaa Yuusuf Raage oo ka tirsan saraakisha Milateriga Soomaaliya ayaa xusay in tababarkaasi u muhiim u yahay saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka. Waxaana uu intaasi ku daray in tababarkaasi ay ka faa,iideysteen dhamaan ka qayb galayaasha oo badankood ka tirsanaa Milateriga dowladda federalka ah ee Soomaaliya Tababarkaasi oo lagu qabtay xarunta General Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM. Howlgalka AMISOM ayaa wadada taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya oo la filayo in ay la wareegaan mas,uuliyada amniga dalka marka ay ciidamada midowga Africa ka baxaan Soomaaliya sannadka 2021. View the full article
  17. (SLT-Hargaysa)Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), ayaa dhaliilo culus oo u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in musuq-maasuqu caadi ka noqday dalka. Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay”Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah,oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey,mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa,mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey, waxay taasi ka dhigan tahay in musuq-maasuq noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”. Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi””Dadkan ILLAAHAY baa u maqan, ee Xukuumad gurmad u jeeda maaha,ee waxaan odhan lahaa oo qudha dadkani Somaliland ee masaakiinta ah ee danyarta ah haddii aydaan waxba u qabanayninsiigada iyo socodka badan ka daaya, maxaa yeelay dad masaakiin ah, aabayaal iyo hooyooyin masaakiin ah oo danyar ah, uma baahna in laga dul ciyaaro, uma baahna in been loo sheego, ee ILLAAHAY bay leeyihiin, ee beenta ka daaya, oo haddii aad daacad ka tihiin wax u qabta”. Source
  18. (SLT-Abudabi)Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay in dalalka Carabta ay gaareen “go’aan aad u qaldan” markii ay go’aansadeen inaysan xiriir rasmi ah la yeelan Israel. Anwar Gargash ayaa wargeyska Imaaraatka ee The National u sheegay in loo baahan yahay is-beddel ku yimaada xiriirka Carabta iyo Israel, si loogu guuleysto nabad laga dhex-dhaliyo Israel iyo Falastiin. “Sanado badan ka hor, markii Carabta go’aan ku gaareen inaysan xiriir la yeelan Israel, kaasi waxa uu ahaa go’aan aad u qaldan” ayuu Gargash si aan caadi ahayn u yidhi . Hadalkiisa ayaa yimid maalmo un kadib markii Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ay cambaareeyeen go’aanka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel. Israel ayaa waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Jordan. Gargash ayaa sheegay in iminka uu rajaynayo in xiriirka Carabta iyo Israel uu si tartiib ah u koro. “Waxaa loo baahan yahay is-beddel istaraatiijiyadeed si aan guul uga gaarno aagga nabadda” ayuu yiri. “Haddii ay xaaladda sidan kusii socoto, 15 sano kadib waxaan wajahaynaa marxalad aan ku qasbanaano inaan aqbalno hal dal oo xuquuqdiisa loo siman yahay” ayuu yiri Gargash. “Xalka laba dal oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel suurta-gal ma noqon karo, sababtoo ah dhulkii Falastiiin wuu sii yaraanaa oo waxaa kis kis u qaadaneysa Israel” ayuuu yiri Gargash. Wax auu ku taliyey in Carabta la heshiiso xiriirna la yeelato Israel. Source
  19. Ankara (SMN)- Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka dowladda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo saaxiibada dadkoodii ku waayay weerarkaasii,halka kuwa dhaawacmay loo rajeeyay soo kabasho degdeg ah. Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxiisi loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay uu ka dhacay isgooska dabka iyo hoteelka Wehliye ee magaalada muqdisho. Dowlada Turkiga ayaa shaacisyay in ay xoojineyso taageerada dhinaca amniga ee uu siiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya si ay xasilooni ugu soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaaalda Muqdisho. Xarakada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo sheegtay in ay ku dishay qarixii shalay in ka badan 10 qof oo u badan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale weerar ku qaaday madaxda ugu sarreysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu sii xumaanayo. Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada qaraxyada ay uga dhacayeen si maalinle ah, ayada oo mararka qaar ay dhowr qarax dhacayeen hal maalin. Mahad Salaad, oo soo qaatay xadiis laga weriyey suubanaha nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay lumiyeen amaanadii loo dhiibtay, taasi ay astaan u tahay in qiyaamaha uu dhow yahay, sida xadiisku sheegay. Mahad Salaad ayaa yiri “Rasuulkeena NNKH markii uu ka hadlayay astaamaha lagu garto saacadda qiyaame wuxuu yiri: Hadii amaanadu lunto suga maalinta qiyaame. Waxaa la waydiiyay RASUULKII ALLOW sidee ayay u lumaysaa: Wuxuu yiri markii qofka loo dhiibo mas’uuliyad uusan aqoonteeda lahayn suga maalinta qiyaame!” “Haddaba, waxaa iswaydiin mudan dadka noo haya mas’uuliyada amniga ma yihiin kuwii ku haboonaa marxalada maanta aan kujirno?!” ayuu yiri Mahad Salaad. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah xidlhibaanada sida ugu darran u mucaarado xukuumadda talada haysa, inta badanna ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Putland Saciid Cabdullaahi Dani oo booshaqo ku bixinaya deegaano iyo degmooyin katirsan putland gaar ahaan gobolka bari oo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi,ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka waxaa uu boqolaal shacab ah kula kulmay degaanka Waaciye. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in maamulkiisu uu Mudnaanta siin doonom arimo ay ka mid tahay amniga deegaanadaasi,dhaqaalaha iyo qorshaha tayeenta ciidamada maamulka Putland,waxaana uu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen bulshada deeganadaasi. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari ayaa madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. View the full article