-
Content Count
214,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha wasiirada Puntland oo shiraya 1 May 2019 Garoowe Shirkii golaha wasiirada Puntland ee todobaadlaha oo gelinkii dambe ee shalay ka qabsoomay caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay dhowr qodob oo kala ah: amniga, safarkii madaxweynaha ee dalka dibaddiisa, waxqabadkii xukuumadda ee todobaadkan iyo arrima kale. Madaxweynaha Puntland oo golaha warbixin ka siiyay safarkiisi dibadda, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrima u soo qabsoomay safarkiisa, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi. Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Kalluumeysiga, iyo Duulista hawada, Amniga iyo Warfaafinta ayaa iyagana shirka looga dhegaystay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda . Sidoo kale, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa golaha xukuumadda amray in si dhammaystiran ugu diyaar-garoban shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Garoowe lagu qabanayo. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Qodobada looga hadlay shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul . Gacanta kulul ee dawladnimo waxaa laggu tilmaamaa adeegsigga cudud ciidan , xayiraad dhaqaale iyo muquunin awoodeed , hassa yeeshee gacanta qabow ee dawladnimo waxa weeyaan ,adeegsigga xirib siyaasadeeed , farsamooyin aqooneed iyo horumarin bulsho . Xaaladda Gobolka Sanaag . Denbiyadda iyo aqoonta ku saabsan marka lagga hadlayo , waxaa jirra qaaciidooyin xisaabeed oo la isticmaalo , kuwaasoo laggu soo saaro heerka uu marayo denbigu iyo helista xalka ku haboon . Qaacidada koowaad , Tiradda denbiyadda dhacay ayaa loo qaybiyaa tiradda dadwaynaha , ka dibna waxaa laggu sameeyaa is barbar dhig . Dhinaca kale , helista sababaha keenaya denbigu waxay kusoo baxdaa , daarasadaynta iyo falanqaynta denbiyadda dhaca iyadoo lagga eegayo . – Dhinaca Deegaanka , -Bulshadda , – Dhaqaalaha , iyo Caafimaadka . Hadaba hadii aynu xalaadan Sanaag usoo noqono , sababaha keenaya korodhka denbiyaddu waxay soo gelyaan qodobadan aynu soo sheegnay oo dhan . Sanaag Deegaan ahaan waa degaan dib uga dhacsan wadanka intiisa kale , Dhaqaaluhu wuu liitaaa , Bulshadda heerkeeda aqooneed iyo tacliimeed ma horimarsana , Caafimaad ahaana , waxaa ku batay Goboladda Barri oo dhan oo Sanaagna ku jirto Mukhaadaraadka kala duwan . Sidaa markay tahay , Gobolka Sanaag wuxuu u baahan yahay in Dawladdu u adeegsato gacanteeda qabow ee dawladnimo ( Soft Power) , sidaa awgeedna aanay adeegsan gacanteeda adag ee dawladnimo ( Hard power) . Si arrintaas loo xaqiijiyana waxaa muhiima . 1- In la dejiyo Istaajiyadda dawladeed ee gacanta qabow ee dawladadeed oo isugu jirta waqtiga dhaw iyo waqtiga dheer . 2- In la xoojiyo horumarinta haayadaha Nabadgelyadda Gobolka , sidda Booliska , Sirdoonka , Jeelasha iyo Garsoorkana , madaxda hogaaminaysaana ay noqdaan kuwo aan gebe ahaanba u dhalanin gobolkaas . 3- In la xoojiyo maamulka dawliga ah ee goboladaas , dib u dhiskiisa iyo horumarintiisana loo xilsaaro xubno ka tirsan goleyaasha oo muddo halkaas fadhiista . 4- Galaangalka bulshadda , turxaansaarista iyo isu soo dhawaynta qabaa’ilka . 5- iyo isticmaalka wacyi gelinta bulshadda haday noqoto dhinaca Miidiyaha , Culimadda, shir-hawleedyadda iyo abaabulka bulshadda . 6- La dagaalanka mukhaadaraadka iyo maandooriyaha . 7- Ugu danbayn hadii la doonayo xakamaynta denbiyadda iyo yarayntooda ,waxaa lagama maarmaan ah in Dhaqaalaha iyo aqoonta deegaanaddaa kor loo soo qaado , horumarkana loo adeegsado la dagaalanka denbiyadda , maxaa yeelay denbiyaddu waxay ku bataan aduunka oo dhan meelaha dib u dhacay . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
-
“Niyad-jabka shaqada laga qaado, dhiig-karka iyo hurda xumadu waxay keenaan dhimashada kediska ah”, Cilmi-baadhe Jarmal ah ayaa soo weriyey. Cilmi baadhistan waxaa lagu sameeyey ‘2000’ laba kun oo qof. Kuwaas oo horay u qabay dhiig-karka nooca heerkiisu sarreeyo. Sidoo kale, dadkaasi waxay hayeen shaqooyin niyad-jab iyo hurdo xumo ay ka qaadeen. Cilmi baadhsitu waxay cadaysay, “Saddex laab dadkaasi waxay u leedmeen wadno xanuun marka loo eego dadkii haayey shaqooyinka fudud horena u seexan jiray”. “Ugu badnaan 50% boqolkiiba konton, dadka waaweyni waxay qabeen dhiig-kar”, sidan waxaa yidhi, Dr. Gregg Fonarow, oo ka ah bare sare qaybta wadnaha ee jaamacadda California, Los Angeles. Shaqooyinka niyad-jabka keena, dhiig-karka iyo hurda xumado waxay xidhiidh la leeyihiin in ay keenaan wadna xanuunka, faaliga, wadna-is-staagga iyo kelyaha oo fadhiista (kidney failure), waxa sii raaciyey Dr. Fonaraw. Dr. Karl Heinz Ladwig, waa bare sare kana tirsan qaybta caafimaadka deegaanka ee jaamacadda Technical university for Munich. Waxa uu yidhi, “Hurdada waa in wakhti la siiyaa si’ jidhku u kaydsado tamar ku filan is-kagana saaro welwelka kasoo gaadhay shaqada adag, taas beddelkeeda hurdo la’aantu waxay keentaa in jidhku heliwaayo tamar-kaydsan(stored energy)”. Sidoo kale waxa uu raaciyey, “Daraasado badan oo kale waxay xaqiijiyeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo shaqada aan nafsadda loo hayn, hurdo yaridda iyo wadna xanuunka, daraasadahanina may qeexin sida ay hurdo la’aantu u sababto xanuunada wadnaha”. Marka la eego daraasaddan, cilmi baadhayaashu waxay sheegeen in shaqada karaahiyada ah ee shaqaaluhu ka cabanayaan ay keento in shaqaaluhu uu dalbado waxyaabo ka maqan, laakiinse, loo shaqeeyuhu uu uga garaabi waayo; isaga oo cadaadis badan ku haaya inta badan shaqaalaha. Taasina ay dhaxalsiiso in shaqaaluhu uu dareemo dhiirrigelin la’aan uu kale kulmo booskiisa aakhirkana ay shaqadaasi keento stress joogta ah. Mika Kivimaki, waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda University College London, qaybta daraasadaynta xanuunada faafa (epidemiology), waxa uu walaac ka muujiyey halista caafimaad ee ay samayso shaqada adagi. Waxa uu yidhi, “Cilmibaadhisihii hore waxay xoogga saarayeen dhibaatada ay leedahay shaqada culayska ahi” Ugu danbayn waxaynu ka faa’iidaysanaynaa daraasaddan in aynu ka feejignaano isku buuqa tira-beelka ah iyo hurdo la’aanta joogtada ah inaga oo caafimaadkeena eeganayna. Sadam Osman kaabashFekerka aqoonyahanka:Hargeisa, SomalilandDegmada: Maxamed mooge. sadamkabash99@gmail.com Source
-
Soo dhoweyntii Daahir Maxamuud Geelle sagootin waa u ekayd!
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Aniga iyo Xasan Cali Geeseey ayaa Talaadadii shalay 9:00am waxa aan u tagnay Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo maanta xilkii wasiirnimo kategey . Waxa aan ugu tagnay qaybta hoyga u ah oo kudhextaal wasaaradda Warfaafinta, si wanaagsan ayuu noo soo dhoweeyey, maaddaama aan u tagnay isaga oo aan weli shaqada soo gelin waxa aan wada fariisanay qolkiisa fadhiga, wax lacabo ayuu noo dalbay kaddibna howshii aan u soconay ayaan u sheegnay waana naga aqbalay, kaddibna sheeko u muuqatay sagootis oo aad u macaan ayuu noo billaabay! Lebbis aan Rasmi ahayn ayuu xirnaa, si kalsooni badan ku dheehan tahay ayuu wax badan oo kusaabsan Siyaasadda iyo saxaafadda noogu sheegay, hadallada wasiirka waxa aan ka fahmay qof ahaan in uu aad uga walaacsan yahay heerka ay wax marayaan iyo sida uu qof ahaan doonayo in xukuumaddu u shaqeyso. “Koobka haddii biyo lagu shubo oo uu nus yahay kawarrama haddii qof ku yiraahdo:-Nus ayuu soo dhaafi waayey! Qof kalana ku yiraahdo Nus ayuu soo gaaray?, Malaha waxa fiican qofka kuyiraahda waxa uu soo gaaray Nus, Suldada ama dowladdu waxa ay jeceshahay qofka yiraahda dowladduu howshii laga rabay Nus ayay qabatay balse ma jecla qofka yiraahda howshii laga rabay waxa ay soo dhaafi weysay Nus“. Su’aashaas ayuu ninba mar weydiiyey Xasan iyo Aniga, balse waxa naga yaabiyey sida uu u bayaamiyey mashaakilka iyo waxa taagan iyo sida xal kagaariddu u tahay gaabis, waxa uu nagala hadlay Wrabaahinta gaarka ah iyo waxa ay ugu fadhiso dhismaha dowladda Soomaaliyeed, waxa ay qaban karto iyo waxa warbaahinta dowladdu fulin karto balse lagayaabo in ay ku adkaadaan warbaahinta madaxa bannaan. Miis yar oo horyiil waxaa u saarnaa Nuqulka Buugga Fire and Fury oo Af carabi ku qoran, buuggaas waxaa qoray Michael Wolff, Fire and Fury waa Dab iyo Caro, taas ayaa aad iiga yaabisay, aniga oo dhiniciisa xigay ayaan soo qabtay buuggaas oo soo baxay 2018, markii uu arkay in aan isha la raacayo ayuu wax xoogaa faahfaahin iga siiyey, kaddibna waxa uu ku laabtay faahfaahin kusaabsan Warbaahinta iyo Siyaasadda. Waxa uu nooga sheekeeyey Warbaahinta Dadweynaha (Public Broadcast) iyo sida aanay suuragalba u ahayn in maanta dowladdu Radio Muqdisho ama Telefeshinka u rogto Warbaahin guud xilliga lagu jiro iyo xaaladda. Wax kale oo aad iiga yaabiyey qof ahaan ayuu nooga sheekeeyey waxaa kamid ahaa habka laga rabo xisbiga ama kooxda xukunka haya in ay u dhaqmaan kaas oo ah iskuwad iyo isku hayn, waxa uu tusaale u soo qaatay Oday reer u ahaa Nabaddoon oo maalin soo istaagay in uusan nabaddoon u ahayn Jufo kamid ah Beesha sidaas awgeedna ay tahay in Jufadaasi iska tagto oo reerka kabaxdo, Qabiilkii ayaa fariistay oo iskudayey in ay Nabaddoonka qanciyaan una sheegaan in uu reerka isku hayo iskuna wado balse waa diiday, waxa uuna ku adkeystay in uusan marna Jufadaas u ahaan doonin Nabaddoon! Odayaashii ayaa qaatay shir gaar ah waxa ayna go’aan ku gaareen in Nabaddoonka iyo Jufada uu diiddan yahay sinneyn haddii mid baxayana ay tahay in Nabaddoonku baxo maaddaama waxa xilka yimid ay isaga yihiin. Waa loo yeeray nabaddoonkii waxaana loo sheegay si wadajir ah in isaga xilka loo dhiibay iyada oo Jufada uu diiddan yahay ay beesha kamid tahay, sidaas awgeedna haddii uusan iskuwad iyo iskuhayn lahayn in isaga xilkii Nabaddoonnimo laga qaaday ayna tahay in uu raadsado cid uu qayb eryo qaybna nabaddoon u noqdo. Waxa uu Daahir noogu soo xiray in Dowladdu tahay iskuwad iyo isku hayn haddii ay taas weydana cidda tegi doonta ee fudud ay tahay iyada! Halkaas markuu marsiinayo ayaa qof la ballansanaa u yimid, kaddibna inta istaagay oo nasoo dhoweeyey ayuu na macasalaameeyey. Soo dhoweynta iyo hadalka Daahir Maxamuud Geelle waxa aan u fahamnay sagootin si aan u weydiinana waa garan weynay WQ: Axmed C. Guutaale Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid -
(SLT-Hargaysa) Cabdillaaji Jaamac oo kamid ah Haldoorka iyo ganacsatada Somaliland ayaa tilmaamay in aanay cadaaladda iyo sharciga midna ku haboonayn xaalada deg dega ah ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay Gobolka Sanaag. Sidaana wuxuu ku Sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga kaas oo u dhignaa sidan . COLLECTIVE PUNISHMENT In qofkii Dembi galay la soo qabto wixii ku caddaada ee uu mutaystana Sharciga hortiisa lagaga gooyo waa KOW. in Ciddii xumaanta taageeraysa ama Gacan siinaysa ama si uun uga qayb qaadanaysa laga horjoogsado sida ugu munaasibsan iyana waa LABA. Laakiin in Gobol iyo Degmooyin idil oo cid waliba (Sheikh iyo Shariif) ku nooshahay la yidhaahdo waxa lagu soo rogay Xukun Milatery ( MARTIAL LAW ) waxaan u arkaa arrin aan Cadaalad iyo Sharci midna ku qotomin, waa arrin u muuqan kara Ciqaab Wadareed ama COLLECTIVE PUNISHMENT, العقاب الجماعي kaas oo Xaaraan ku ah Sharciga Islaamka iyo Qaanuunka Caalamiga ah labadaba. Waar ha laga fiirsado wax aynu maqalnay uun oo aynaan cidhibtooda dambe mahadin doonin Abdulahi Jama Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xog ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, uu maanta si dhuumasho ah uga baxay caasimada gobolkii uu ka talinayay. Guddoomiyaha ayaa waxa soo food-saartay cabsi balaadhan, kadib markii bulshada reer Awdal ay ka gadoodeen dil loo geystay Saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland oo deegaan ahaan ka soo jeeday Gobolka Awdal. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Shaqaale ka tirsan Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal, Guddoomiyaha ayaa saaka aroortii si dhuumasha ah uga baxay magaalada Boorama, isagoo u baqoolay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa. Saaka ayaa waxa magaalada Boorama ka bilaabmay mudaharaado balaadhan oo looga soo hor-jeedo dilkii gobolka Sanaag loogu geystay Saraakiil katirsan Ciidanka Somaliland oo kasoo jeeday deegaan ahaan Gobolka Awdal. Guddoomiyaha gobolka Awdal ayaa waxa uu ka soo jeeda deegaan ahaan bariga Burco, kaasi oo saaka door-bidey inuu ka cararo gobolkii uu ka talinayay, intii uu wax ka qaban lahaa tabashooyinka iyo mudahaarada gil-gilay magaalada Borama. Xaalada amni ee magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal ayaa hadda ah mid degan, inkastoo laga cabsi qabo inay ka dhacaan falal amni daro. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhame ayaa ka hadlay xaalada deg dega ah ee madaxweyne Muuse Biixi ku soo rogay sadex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag. Gudoomiye Dhame ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray shalay ayaa ugu baaqay shacabka gobolaka Sanaag inay ka horyimaadaan amarka madaxweynaha, waxaanu Muuse Biixi u soo jeediyey inuu is casilo. Qoraalkaasi oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan. “Kibirka iyo kalitalisnimada Muuse Biixi Gobollada Bari yaanay aqbalin, suuragal maaha bandooda iyo cabudhinta Millatari ee Saddexda bilood la dul-dhigay. Xilka qaranka KULMIYE ayaa dayacay, aminga, dawladimada, caddaalada iyo sinnaanta shacabka iyagaa ku fashilmay hays casilaan, Muuse Biixi khibrad aan ahayn qabayaald, qoqob, dumin iyo dagaallo sokeeye ma hayo! Waa in heeryada dulmiga layska rogaa oo bulshada Somailand baraarugtaa. Qaran News
-
Somaliland: Information Minister Verbally Attacks Waddani’s Cirro Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Information minister, Mohamed Muse Dirie, taking a page from his predecessor, Abdirahman Abdillahi “Guri’Barwaqo” gave an interview in which he verbally attacked the chair of Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” in language rarely heard from a senior official. The new minister, formerly from the Home Office, accused the chair of Waddani “of still being sore about losing the last presidential elections by 80 thousands votes, whilst former president Ahmed Mohamed Mohamud “Silanyo” accepted a loss on less than 80 votes”. The minister also stated that the “parliamentary and local elections will take place and if Waddani candidates want to take part, they should do so under the umbrella of either Kulmiye and UCID”. The administration of President Muse Bihi Abdi has seen the post of information minister occupied by two men, who are close the president, and are not known for their discretion, deftness and verbal control, traits which are essential for a post which seriously influences the national mood. In other parts of the world, the post of information minister is given to educated and articulate people in order to get your message across, it is not currently the case in Somaliland. The last Somaliland minister of this post who gave a good account of himself or herself, was Abdillahi Mohamed Duale from the Dahir Rayale Kahin administration. Qaran News
-
Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa maanta shaacin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomalia 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay. Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan. Laga soo bilaabo sanadkii 1990 ilaa iyo hadda waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen. wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ahaa agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada. Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada Eng. Cabullahi Cali Xasan waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah. Enjineer Abdullahi ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday. Waa aqoonyahan qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan yahay bulshada rayidka ah. Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas. Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah. Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka. W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Muxiyaddiin@hotmail.com
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho shan xisbi oo ka mid ah xisbiyada ugu miisaanka culus dalka ayaa waxay kasoo saareen baaq wadajir ah, kaasoo ay, kaasoo ku aadanaa arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka. Xisbiyada baaqa wadajirka ah soo saaray ayaa waxay kala ahaayeen; UPD, Himilo, Wadajir, NDP iyo Ilays, waxaana war-saxaafadeedkooda oo dhawr qodob ka kooban ay diiradda ku saareen arrimaha amniga dalka, iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed oo meel aan la filayn gaartay. Sidoo kale, Bayaanka ayaa looga dalbaday dowladda Somalia inaysan dhicin wax muddo kororsi ah, isla markaana doorashada madaxtinimada Somalia ay ku dhacdo waqtigeeda oo aysan ka dib dhicin. Dhanka kale, Arrimaha Amniga mar ay ka hadleen ayay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada uga dalbadeen inay si wadajir ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-sShabaab, isla markaana ay sameeyaan ciidammo suga amniga dalka. Ugu dambeyn, Xisbiyada dalka ayaa waxay dhawaan isugu yimaadeen kulan uu qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyagoo si aad ah u dhaliilay dowladda, kana dalbaday inay wax qabato ammaanka, isla markaana ay caddeyso nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonta. Haddaba, AKHRISO; Bayaanka ay wadajirka u soo saareen xisbiyada siyaasadeed ee dalka PUNTLAND POST The post Xibiyada siyaasadeed ee dalka ka jira oo soo saaray Maanta War-murtiyeed Wadajir ah appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan hambeyeynayaa Shaqaale weynaha Soomaalilaand meelkasta oo ay joogaan waxaanan ku hambalyeynayaa Maalinta shaqaalaha Adduunka 1may 2019 , sanado badan ku gaadha caafimaad iyo cimri dherer. Shaqaaluhu waa dhiiga dhaqaajiya shaqada, waa Wajiga shaqada, waa quruxda shaqada, waanna Lafdhabarta hawlaha shaqada, sida loo daryeelo ayuunbay shaqada iyo waxqabadkoodu ku xidhan yahay waxaan soo jeedin lahaa in shirkadkasta oo waddanka ka shaqaysa iyo dawladuba ay shaqaalahooda u Gargaaraan oo ay siiyaan Adeegyadda qofka shaqaalaha ahi xaqa u leeyahay sida Caafimaadka , Fasaxa, Wakhtiyadda Dheeraadka ah ee ay Shaqeeyaan kana ilaaliyaan Waxkasta oo ka mamnuuca qofka shaqaalaha ah sidoo kalena siiyaan waxkasta oo sharciga shaqaalaha ee heer caalami uu xuquuq u siiyey kana reebaan waxkasta oo sharcigu u diiday. Waxaan in badan arkayay Shaqaale weynaha soomaaliland oo aan lahayn Urur ay ku midaysan yihiin dhammaantood insha Allah waan se rajeynayaa in la sammayn doonno waxaanan in badan qorsheeyay inaan ku dhawaaqo se wali waxba iima suura galin Caqabado jira awgood, waanse waddayaa ilaa intaan arkaayo urur ay ku midaysan yihiin, muhiimaddu waa in shaqaale kasta hello xuquuqdiisa iyo waxa ka maqan iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay si dhinackastaa xaqiisa iyo xuquuqdiisa u hello. Haddaba adigu haddii aad shaqaale tahay Maxaa kaaga meel yaalla midawga shaqaale weynaha? Sanadguuro wanaagsan dhammmaantiin. Gmail: Farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Qaran News
-
Hargeisa, (Qaran news)-The Chief of the Somaliland Defence Forces, Major-General Nuuh Ismail Tani and the Commissioner of the Somaliland Police Force, Major-General Abdillahi Iman Fadal gave a joint press conference in Hargeisa to talk about the imposition of Emergency Law in the three towns Erigavo, El-Afwein and Garadag. Speaking to the gathered press, the Generals gave a briefing over the tragic events of the last few days which led to the death of two Somaliland officers from Police and Custodial Corps. The two offers were slain in an ambush by unknown assailants. The two generals outlined the nature of the Emergency Law, which according to them will leave the administrations of the three towns in their hands of the Military, Police and other branches of the security services. The Generals appealed for the residents of the three towns and all Somalilanders to work with the security services to maintain law and order and strengthen the peace in the country. The Generals also appealed for the Somaliland media to be more accurate in their reports and to inflame the situations with unconfirmed news. However, it is worth noting that despite the appeal from the two commanders, it is precisely because of the lack of disclosure from the administration that leads to speculations and supposition on behalf of the media. If the administration and the armed forces were more forthcoming by issuing clarification and press briefings it would be easier for the media to be more accurate in their reports. The last few years has seen continues conflict in that part of Somaliland between neighboring communities which has severely tested the administration and armed forces to the limit. Sadly, before the tragic murder of the two officers, thanks in part to extensive negotiations led by the government, community elders and activist, the situation appeared to be taken a turn for the better. Unfortunately, the recent tragic events have now spread the tentacles of the conflict across Somaliland. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa sheegay in sababta ay u xidheen Maxamed Siddiiq Dhamme oo ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI ay tahay ka dib markii uu ka hor yimid amarkii madaxweynaha, isla markaana uu dadweynaha gobolka Sanaag uu ku dhiirrigaliyay kicin-dadweyne. Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in sifo sharci ah loo maray xadhiga sarkaalkaas mucaaridka ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxaa maanta xabsiga loo taxaabey ku dhawaad 30 hooyooyin ah, kuwaasi oo dawladda Somaliland ka codsaday in laga caawiyo sidii ubadkooda oo uu haysto Magafaha Liibiya loogu soo dayn lahaa. Hooyooyinka xabsiga loo taxaabey ayaa iskugu yimid mid ka mid ah waddooyinka suuqa Hargeysa, iyagoo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin; “Waxaan ka codsanaynaa dawladda sharafta leh inay wax nagala qabtaan sidii aan uga soo saari lahayn dhalinyarada godka madow ee Liibiya ku jirta” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda gobalka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu ka hadley xaalada deg deg ah ee madaxweyne Muuse Biixi shalay ku soo rogay magaalada deegano ka tirsan gobalka Sanaag . Xildhibaanka oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aanay sax aheyn xaalada deg deg ah ee gobalka Sanaag lagu soo rogay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maanta oo taariikhdu tahay 1da May 2019, waxa magaalada Muqdishu ku kulmay hogaamiyayaasha xisbiyada NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Xisbiyadu waxay si qoto dheer diiradda u saareen amniga qaranka, dhamaystirka dastuurka, doorashooyinka 2020, nidaamka xisbiyada badan, iyo ilaalinta xoriyadaha dastuuriga ah. Xisbiyadu waxay ku baaqayaan: Amniga In dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay isla fahmaan istiraatiijiyad iyo qorshe amni qaran oo dalka lagu xasilinayo, laguna dhisayo ciidamo qaran oo awood u yeesha in ay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan. In dawladda dhexe ay gacan ka siiso dawlad goboleedyada xoraynta dhulka kooxaha argagixisada ah gacantooda ku jira lagana siiyo qoondooyin saanadda iyo hubka dawladda dhexe loogu deeqo. In maqaamka caasimadda sida ugu dhaqasaha badan go’aan laga gaaro, gobolka Banaadirna loo dhiso maamul dadkiisu soo doortaan oo la wareega sugida amaanka gobolka. In amniga dalka iskaashi buuxa ay ka yeeshaan dawladda dhexe, dawlad goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga. Dastuurka a. In sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero waxyaalaha u baahan in go’aan siyaasadeed iyo wadaxaajood ay ka gaaraan saamileyda siyaasadeed sida maamul goboleedyada, dawlada dhexe iyo xisbiyaddu. In ka qeybgalka wadatashiga dastuurka kaalin muhiim ah laga siiyo xisbiyadda siyaasadeed ee heer qaran si taasi u horseeddo xoojinta nidaam dimoqraadi ah oo ku dhisan axsaabta badan. In dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu ka heshiiyaan waxyaalaha muhiimka u ah dhameystirka dastuurka sida qeybsiga kheyraadka iyo federaalaynta nidaamka maamulka maaliyada. iwm. In laga dheeraado in dastuurka laga dhigo mid cid ama shakhsiyaad dano gaar ah leh ay ku jaangooyaan damacooda iyo danahooda gaarka ah. In dib loo billaabo wadahadalka Somaliland iyo Dawladda Dhexe maadaama ay tani muhiim u tahay dhammaystirka dastuurka iyo midnimada dalka. Doorashada In doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyay lagana fogaado muddo kordhin ama wax kasta oo sababi kara in uu dib u dhac ku yimaado geedi -socodka dimoqraadiyada dalka. In doorashooyinka ay ku tartamaan xisbiyo qaran oo dhiirigeliya loolan ku dhisan afkaar xor ah & barnaamijyo siyaasadeed. In xisbiyadu xafiisyo ka furtaan deegaan doorasho kasta oo ay si xor ah u cabbiraan afkaartooda mar kasta iyo meel kasta si waafqasan dastuuraka iyo shuruucda dalka u yaal. In la dhamaystiro shuruucda ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka si loo hubiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. In sida ugu dhaqsaha badan looga heshiiyo nooca doorashada la geli doono 2020/2021 si looga baaqsado mugdi ku yimaada hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka ayadoo xisbiyada qaran ay qeyb ka yihiin go’aan gaaridda. In mudnaan la siiyo muhimmadda ay leedahay dhexdhexaadnimada Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kartidooda ku aadan qabashada doorasho hufan oo ay xisbiyo badan ku tartamaan. Xisbiyada Siyaasadda In golayaasha go’aanada masiiriga ah ee dalka iyo dadka taabanaya lagu gaarayo ay qeyb ka ahaadaan xisbiyada qaran oo kaalin muhiim ah kaga jira xoogagga siyaasadeed ee dalka. In Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) sida ugu dhaqsaha badan ay u guda-galaan diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyada soo buuxiya shuruudaha diiwaangelinta rasmiga ah. In dib loo eego Sharciga Xisbiyada Siyaasadda si loo waafajiyo Sharciga Doorashooyinka ee xukuumadda laga sugayo in ay Baarlamaanka hor keento. Xorriyadaha Dastuuriga Ah In loo hogaansamo sareynta sharciga lana dhowrro damaanad qaadka dastuuriga ah ee ku aadan xoriyadaha iyo xuquuqda aadamaha. In saaxada siyaasadda Soomaaliya la furfuro oo laga dheeraado caburinta siyaasiyiinta fikirkooda ka dhiibanaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka. In loo ogolaado bulshada rayidka ah in ay si madaxbanaan u gutaan waajibaadkooda ku aadan toosinta iyo talo bixinta xaaladda dalka. In saxaafada loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aadan in ay ummada usoo tebiyaan dhacdooyinka siyaasadeed iyo kala duwanaanshaha fikirka dadka ku loolamaya saaxadda siyaasada. In la xurmeeyo lana hubiyo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin cabbirida rayigooda iyo in ay isu imaan karaan, geli karaan una ololeyn karaan xisbi, qadiyad ama fakar siyaasadeed oo waafaqsan shuruucda dalka. Kulanka Garowe Xisbiyaddu waxay dhiiri gelinayaan qabsoomidda kulanka Garowe ee dhex mari doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada. Xisbiyaddu waxay rajeynayaan in kulanka ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ka tara geedi socodka dimoqraadiyadda dalka iyo xasilinta dawladinimada Soomaaliya. DHAMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana kadib ay qodobo kasoo saareen xaaladda dalka. Waxaa kulanka ka qeyb-galay Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Sheekh Maxamuud, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo madax ka ah xisbiyada kulanka kala qeyb-galay ee kala ah; NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa, doorashooyinka 2020 iyo sharuudaha doorashooyinka oo dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in meel mariso. Kadib dhammaadkii kulanka, ayaa hogaamiyaasha Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen dowladda Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali Armed Forces on Wednesday morning captured the strategic town of Barire in Lower Shabelle. During the 7:30 am operation, the brave Somali forces successfully liberated the town from the terrorist group, ending their ruthless control of the town. Barire is a key town and its liberation serves as a big blow to the terrorist group who operated illegal checkpoints where they extorted and harassed passengers on public transportation plying the route which links Mogadishu and parts of the region. In his congratulatory message, the Chief of Defense General Dahir Adan Elmi Forces said; “I would like to take this opportunity to congratulate the Armed Forces on the liberation of Barire and for a job well done.” The CDF reassured the Somali public that the national forces were committed to defeating terrorism and restoring peace and the rule of law across the country. While maintaining their offensive against the enemy, the gallant Somali forces also continue to help local citizens in liberated areas by providing them with food, water medicine and other necessary stuff, raising optimism and hope among the locals. The liberation of Barire comes in the wake of the seizure of Sabiid, another key town in the Lower Shabelle region. The ongoing offensive in Lower Shabelle is part of the government’s commitment to liberate areas that remain under the control of the terrorist group, and to restore law and order in the country.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay go’aankii uu maanta isku casilay wasiirkii warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Fiqi ayaa sheegay in Daahir Geelle uu tusaaleeyey in xukuumadda Nabad iyo Nolol aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu soo dhigay facebook. Wasiir Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu ka mid ahaa wasiirada fara ku tiriska ah ee dawladnimada iyo dimuqraadiyaynta dalka aragtida ka leh. Waxaan ugu hambalyaynayaa In uu gartay mudane Daahir Geelle ka sii mid ahaanshihiisa xerada xukuumadda xadrada In aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, wuxuu tusaaleeyey waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed. Waxaan hubaa In Mustaqbal ka weyn baytul cankabuudkii uu kaa horeeyo oo aad dalka iyo dadka ugu shaqayn karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta loo magacaabey wasiirka warfaafinta, Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade. Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi. 2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, maanta ayaa markii 3aad loo magacaabey wasiirka warfaafinta. Eng. Cabdullahi Xasan, wasiirka cusub ee ganacsiga: waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1964-tii, waxaa uu Jaamacadda umadda ka qaatey BSC degree ee Civil Engineering November 15, 1984, waxaa uu sidoo kale 1990-kii dhameeyay Master-ka. Shaqooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa isagoo macalin dugsi sare ka noqdey 1985-tii, isaga oo bare ka ahaa Jaamacadda Umadda 1986-1990-kii. Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay hey’ado caalami ah iyo kuwa gudaha ah sida Daryeel BulshoGuud, Eng. Cabdullahi Xasan Cali 25-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ku dhexjiray bulshada rayidka ah iyo howlaha banii’aadnimada, waxaa uu wax badan caawiyey lana shaqeeyay ilaa 44 hey’ad oo waxbarasho oo Iskuulo iyo Jaamacado isugu jira. Eng. Cabdullahi hadda waa aasaasaha iyo madaxa Center for Education and Development (CED) Xogtan Waxaa Leh Goobjoog News, Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistan ayaa timid, kadib markii uu maanta is casilay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, taasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle. Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga oo dhawaan xilkaan loo dhiibay. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdullaahi Cali Xasan. Waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli saacado uun ay kasoo wareegtay markii uu xilka iska casiley Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay xilkaan mar horey u soo qabtay,waxaana hadda uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Daahir Maxamuud Geelle oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao. Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
