Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah, waxaana arrintaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Maayirka Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Dugsiyadda salaama oo dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay ka shaqaynayay Somaliland gaar ahaana caasimada Hargeysa oo ay asaaseen dad aqoonyahan, waxaanu ka kooban yahay laamo kala duwan, sida laba dugsi sare oo u hablaha u gaar ah iyo dugsi sare oo inamada gaar u ah, dugsi hoose dhexe, iyo dugsi barbaarinta carruurta ah. Dhan kale dugsiga Salaama waxa uu leeyahay qaybta lagu barto luuqadaha kala duwan ee dunida lagag hadlo. Dugsi Salaama oo dhawrkii sanno ee u dambeeyay imtixaanaadkaga kaga jiray kaalmaha ugu horreeya, sidoo kale dugsiga Salaama waxa uu soo saaraa ardayda ugu tayada fiican ardayda reer Somaliland. Dhan kale dugsi Salaama waxa uu caan ku yahay inay ka hawl-galaan macallimiin xul ah oo ay ka mahad sheegtaan waalidiinta ay ubadkoodu dhigtaan dugsiyadaasi. Source
  3. Somaliland: President Muse Bihi Sacks Ministers Accused Of Alleged Corruption The Somaliland President, Muse Bihi Abdi has replaced two ministers who had been allegedly accused of corruption in a major reshuffle. The two ministers, Abdirahman Abdillahi Farah “Guri Barwaaqo” formerly of Information ministry and Isse Ahmed Yusuf, ex-defense minister, who were recently indicted by the Attorney General on alleged charges of corruption have been sacked. However, as of now there has not been a case brought before court and neither man has been placed under arrest. Abdirahman Abdillahi “Guri Barwaaqo” has been a controversial minister who during his brief tenure had managed to alienate most of the independent media in Somaliland, the staff of the ministry and members of the Somaliland communities with his book “Sooyaal”. A no nonsense character with strong views who had enjoyed the support of President Muse Bihi, has, it would seem, run out of luck. On the other hand, Isse Ahmed Yusuf Abdulle, the ex-defense minister was a newcomer to the Somaliland political arena, and during his tenure has managed to improve the stature of the ministry, including the historic visit my the UK Defence Secretary, Gavin Williamson. However, despite several adept and victorious maneuvers on the eastern border of Somaliland during his tenure, the formation of the rag-tag militia led by the turncoat, Carre in Qardho, seems to have put paid to his time in office. It would not be a surprise to see this capable minister back in government once the allegations of corruption are resolved. Other notable moves, include Liban Yusuf Osman & Shermarke Gelle from the Foreign ministry & the Civil Service Commission respectively. Liban Yusuf had been very active in the Foreign Office, and was recently on a visit to Egypt. So, his move to the Health ministry would seem to be a possible promotion to replace the current minister, Dr. Hassan Ismail, who is in poor health and recently had a mini-stroke. Shermarke Gelle did a splendid job at the Civil Service Commission, so it would it seem his promotion to Deputy Representative in Kenya, is to gain international experience. A notable departure, is Ayanle Salad Dirie, formerly of the Somaliland Liaison Office in Addis Ababa and Nairobi. Ayanle was a always a competent and welcome face of Somaliland during his time in Ethiopia. One notable return, Farhan Haybe former Aviation minister as the new Civil Service chair. President Muse Bihi Abdi also made some recent changes to the Military and Security positions. A new Custodial Corps chief, a new Army Chief of Staff, a new Presidential Guard chief, and an old head back at the Security Service. Finally, the error prone and naive Somaliland representative in the United Arab Emirates, Hasan Hirad Yasin, has been relieved of his duties. Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab iyo ilaaladiisa gaarka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl-gasha gobolka Shabeellada hoose, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda. Xubnahaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa hogaamiyihii Alshabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo Aadan Geeddi oo la sheegay in loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibrahim. Sidda laga soo xigtay wakaalada wararka Qaranka, Ibrahim iyo Aadan ayaa ku sababeeyaykasoo bixitaankooda xarakadda Al-Shabaab markii uu isbedalay fekerkii uu kooxda ka haystay markii uu ku biirayay. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah. Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socdka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Kheyre ayaa ciidamadan kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa.
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah. Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan. Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Habeen-30032019.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Qorsheel ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay inuu ka mid yahay siyaasiyiin dowladdu siiso lacago, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas. Saciid Qoorsheel oo ah Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in warqadaas lagu qoray baraha bulshada ay tahay mid been ah. Saciid ayaa xusay inuu yahay Mas’uul huwan magaca Guddoomiye kuxigeenka Talo Soo Jeedinta Soomaaliyeed aysan macquul aheyn inuu lacag ka qaato Dowladda. Wuxuu xusay in hey’adda uu madaxda ka yahay ay tahay mid xaqiiqda sheegto isla markaasna mar kasta ka hadasho jidadka Xiran iyo in lala xisaabtamo wasiirada. Saciid ayaa xusay inuu yahay shakhsi kusoo koray dowladnimada oo uu aabihiis Boosliska Soomaaliyeed ka ahaa Kabtan isagana uu xilal dowladeed soo qabtay. Qoorsheel ayaa Mucaaradka Dowladda u sheegay inaysan suurta gal aheyn in qofkii dowladda aan waxba ka sheegin lagu tilmaamayo inuu yahay mid lacag qaato. Warqado maalmihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka soo muuqday magacyo siyaasiyiin, culumaa’udiin, odayaal dhaqameedyo iyo dad isticmaala Facebook oo la leeyahay lacago ayay dowladda ku siisaa taageerada iyo in aanay ka hadlin xaaladaha dalka ka jira. Halkaan hoose ka daawo hadalka kasoo yeeray Qorsheel  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Rooda Axmed Yaasiin Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Ramaax, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Dastuurka Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Uu Safar Ku Tagay Israa’iil, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo darawalkiisii ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl gasha gobolka Shabeellada hoose. Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka soo tago Al-Shabaab, ka dib markii sida uu sheegay uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed. Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isaga hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay kooxdu kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan. “Waxaan hoggaaminayay maleeshiyaad tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow, horjoogihii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Shabellada Hoose. Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in kooxdu sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah. Horjoogahan ka soo goostay Al-Shabaab, ayaa dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada u dagaallanta kooxda Shabaab in ay ka soo tagaan maleeshiyadan oo uu sheegay in ay baal marsan tahay Islaamnimada. Bitow ayaa cafis weydiistay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna codsaday in lagu garab siiyo sidii uu qeyb uga noqon lahaa la dagaallanka Alshabaab oo uu tilmaamay in ay yihiin cadow naxariis daran. “Waxaan dowladda ka codsanayaa in ay ii kaashato la dagaallanka A-Shabaab, oo aan si fiican u isu naqaan, si dhibkooda ummadda looga dulqaado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ibraahim Maxamed oo ahaa horjoogihii maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhinaca kale Aadan Geeddi oo loo yaqaanno Aadan Dheere oo ahaa darawalka Ibraahim Bitow, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay duufsadeen isagoo 11 jir ah, ayna ka faa’iideysteen carruurnimadiisa. Aadan ayaa sheegay in hadda oo garaadkiisu ku filnaaday ay u cuntami weysay in uu ka sii mid ahaado kooxdan oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayso shacabka, ayna diinta ka saareyso ciddii aan iyada la dhacsaneyn. Ibraaahim Maxamed iyo Aadan Dheere, ayaa tilmaamay in ay jiraan boqollaal maleeshiyada Al-Shabaab ah oo ay ka go’an tahay in ay isaga soo tagaan kooxdan argagixisada, waxa ayna dowladda ugu baaqeen in ay dhallinyaradaas ku caawiso sidii ay isu soo dhiibi lahaayeen.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa Xaadda amniga ee Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceeyn qaraxyo iyo dilal qorsheysan,waxaana goobjoog ka ah inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda. Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Warar hoose aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka sidoo kale looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amniga ee dalka,waxaana shir Guddoomiyaha Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheryre. Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo todobobaadkii ugu dambeeyay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana aad loo dhaliilay amniga Caasimadda. Sidoo kale Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aaday xilli Maanta Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka. Mr Jeesow ayaa sheegay in aan la aqbali doonin Wasiiro Xildhibaano ah inay ka maqnaadaan fadhiga Baarlamaanka, isagoo ugu goodiyay inay ridi doonaan. “Waxaa balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. What is required to get AMISOM out of Somalia? Does that question sound strange to you? But, why do you contemplate keeping these foreign troops in a sovereign country for more than a short period of time? Who is keeping them in the country, is it us or them, who is responsible for keeping them here? Why do you unknowingly compel our East African queens to seek alternative love and marriage against their inner cultural feelings? The answer to these questions is fundamentally very simple. Stop fighting among themselves. If you do, AMISOM have no reason to stay in Somalia. Period. They will get out within days, which means we were keeping them here in the first place and that is because of our own stupidity to figure out that simple solution to most of our existential threats. Alshabab and other extremist elements hold the primary responsibility to keep AMISOM here. They say they are fighting for AMISOM expulsion, but their actions keep AMISOM needed in Mogadishu. Is that difficult to figure out? Likewise, AMISOM is very much interested in insuring and helping Alshabab keep fighting to justify their stay in Somalia. It is simple business consideration. It is an unofficial, mutually beneficial and transactional business. How else would you describe this undeclared mutual business relationship? Freeze this undocumented business contract and AMISOM would find its troops outside the gate. Once that happens, there will be no need for their presence within the borders of Somalia. You would say, it is easier said than done. Ask Alshabab to stop the urban warfare and bomb blasts in towns and see what would happen to AMISOM and Ethiopian presence in parts of the country. If you don’t want these foreign troops out, then carry on what you have been doing. The status quo pays you and AMISOM handsomely. Then why do you hypocritically blame and complain about the presence of foreign soldiers in the country to falsely justify your unpatriotic and distorted political position and wrong-headed course of action. By Ismail Haji Warsame Former Chief of Staff Puntland State of Somalia The post How to send AMISOM home appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq John ayaa lagu wareejiyay ku dhawaad 10 Askari oo katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo hubkii ay watayn kuwaas oo weeraray xarunta Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askartaan Booliiska ah kadib markii ay soo eryeen Ciidamada ilaalada Telefishinka Universal kadibna ku soo dhacay rugta kontaroolka tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Saadaq John ayaa si deg deg ah u yimid goobta ay wax ka dhaceen kadibna waxaa loo gacan geliyay raggii la qabtay iyo hubkoodii iyadoo la sheegayo in la baari doono sababta ay weerarka ugu qaadeen xarunta Universal Tv. Raga weerarka qaaday ayaa ka hor inta aysan dagaalka la gelin waxay dalbadeen in ay galaan xarunta TV-ga kadibna waxaa u soo baxay Agaasimaha Tv-ga, isagoo ka dalbaday in ay u sheegaan Taliyaha soo diray si loola hadlo, balse markii uu la soo baxay Mobilka ayey dharbaaxsho ku dhufteen iyadoo markaasi uu bilaawday dagaalka dhaxmaray Ciidamada Ilaalada Tv-ga iyo Booliiskii soo weeraray. Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka socdeen qaybta Canshuuraha ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya balse uu jiro shaki ah in aysan ka tirsaneen Ciidamada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN)- Isbedel ayaa lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, taasi oo loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga. waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. View the full article
  16. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay ilaa 14 mas’uul oo isugu jira wasiirro, wasiirro-ku xigeenno, agaasimayaal, guddoomiyaal iyo wakiilo Somaliland u fadhiisanaya dalalka debadda. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi, ayaa wasiirro cusub loogu magacaabay wasaaradaha, Warfaafinta, Gaashandhiga iyo Caddaaladda, waxaa sidoo kale wasiirro- ku xigeenno cusub loo magacaabay, caafimaadka, Warfaafinta iyo Arrimaha dibadda. Mudane Biixi ayaa sidoo kale agaasimayaal guud u magacaabay wasaaradaha, Dastuurka, Biyaha, Warfaafinta iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, halka uu guddoomiye cusub u magacaabay hay’adda Shaqaalaha dowladda. Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer iyo laba wakiil oo Somaliland u kala fadhiisan doona dalalka Ken iyo Imaaraadka Carabta. Shaxdan hoose ka eeg PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay 14 mas’uul cusub appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Majaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu sheegay in nabada Somaliland ay u furi tahay doorashooyinki haddii la qaban waayana ay nabadu gilgilmi doonto, Halkan Hoose ka DAAWO Source
  18. Hargeysa (SMN) – Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilalkii looga qaaday wasiiro, agaasimeyaal iyo wakiilo ka tirsanaa maamulkaasi. Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay in xilalkii looga qaaday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) oo ahaa wasiirkii Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Maxamed Muuse Abees oo ahaa wasiir ku-xigeenkii hore ee Warfaafinta Somaliland. Qaar ka mid ah xubanahani ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq. Dhanka kale isla wareegtadani ayaa lagu macaabay wasiiro cusub, kuwaas oo kala ah: Cabdiqani Maxamuud Caateeye wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Muuse Diiriye Wacays wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax wasiirka wasaaradda cadaaladda, LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka. Sidoo kale wareegtada ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha Gaashaandhigga, dhallinyarada, xiriirka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, iyadoona kuwa cusub loo magacaabay wasaaradahaasi. Malamihii la soo dhaafay Somaliland waxaa ka socday isbedal dhinaca maamulka ah oo uu wadan madaxweyne haatan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa sheegtay in ay soo qabteen laba Libaax oo dhal ah isla markaasina sifo sharci-darro ah dalka lagaga saarayay. Mas’uuliyiin u hadlay wasaaraddaasi waxay sheegeen in Libaaxyadan dhasha ah iyo mid ka mid ah dadkii wattay ka soo qabteen deegaanka Aleybaday oo ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Afgooye (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee Injineer Diini Barre oo caan ka ahaa ku degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay gudaha degmadaasi, waxaana dilkiisa fuliyey dhalinyaro bastoolado ku hubeysan. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoobar, waxa uuna ku sugnaa maqaayad markii uu dilkiisa dhacay sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka. Marxuumka la dilay ayaa ahaa Injineer dhisa Guryaha, waxa uu sidoo kale Afgooye ka ahaa oday dhaqameed ka qayb qaata xalinta dagaalada iyo isku dhacyada sida ay noo sheegayn dadka degaanka. Dilkiisa ayaa naxdin ku noqday Shacabka Afgooye, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka. Shacabka Afgooye ayaa sheegay in amni darro xoog leh ay ka jirto degmada Afgooye oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dilal ka dhacayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Jawaabay Dacwad Uu Ka Gudbiyay Garyaqaan Guuleed Dafac Iyo Eedaymo Uu U Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo ka wada halkaasi. Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ayaa ah waxa uu la qaatay qeybaha bulashada iyo saraakiisha amniga ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadan ayaa diirada lagu saaray xoojinta amniga iyo sidoo kale arrimaha dib u heshiisiinta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyos Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/war-cali-gaab-xaaf-iyo-maanta.mp3 View the full article
  23. Isbaddelkaan oo lagu sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay dar dar-gelinta Howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta. Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com