-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka si qarsoodi ah loogu iibinayaa su’aalaha imtixaanka dowladda ee ardayda dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019. Ardayda ayaa su’aalaha hela 24 saac ka hor inta aysan u fariisan imtixaanka, waxayna class-ka imtixaanka lagu galayo ay tagaan iyagoo wata su’aalaha iyo jawaabaha oo ay guryahooda uga soo shaqeesteen. Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in imtixaanka suuqa yaalla uu yahay mid been abuur ah, hase yeeshee ardayda ayaa sheegay inuu yahay mid sax ah. Ardayda qaar ayaa kuu sheegaya in su’aalaha laga soo siiyay xafiisyada iskuuladooda halka qaarkoodna ay ka heleen internet-ka oo la soo dhigay, waxaana arintaan fududeeyay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga imtixaanaadka qaranka ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare. Maamulada iskuulada ayaa la sheegay in imtixaaanka helitaankiisa ay ku bixiyeen lacag badan, si aysan u dhicin ardayda iskuulkooda ka socota ee ka qayb galaya imtixaanka qaranka. Haddii ay ardayda dhacaan waxay saameen ganacsi ku yeelanaysaa iskuullada ay ardaydaasi ka socdaan, maadaama lagu baahinayo baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan. Macalimiin iyo maamulo iskuul oo gaashaan ka ah in ardaydooda dhacdo ayaa la sheegay in ay lacag badan u hureen sidii ay ku heli lahaayeen su’aalaha imtixaanka, kadibna ay u qaybiyeen ardaydooda sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. Goobaha waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho hada waa mid kamid ah ganacsiyada ugu wanaagsan ee dalka ka jira, waxaana laga sameeyaa malaayiin dollar iyadoo ay aad u hoosayso tayada waxbarashada. Si lamid ah sanad walba oo ay dowladda Soomaaliya qabaneyso imtixaanka dugsiyada sare ayaa la musuq maasuqaa, waxaana la sheegaa in guddiga su’aalo diyaarinta ay kumanaan lacag ah ka helaan bixinta qishka imtixaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii Ugu horaysay si dadban uga hadlay xadhiga Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada, kaas oo aan Dastuurka loo marin xadhiiga. Madaxweyne Muuse Biixi oo xalay afurkii ka hadlaayay kulan Madaxtooyada ka dhacay ayaa yidhi. “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.”Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta dalka ku yimid safar shaqo. Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dal. Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo dawladda Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku. Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa soo jeediyey goob uu sheegay inay mudan tahay in loogu magac daro alle haw naxariistee marxuun Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe). Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal soo saaray waxa uu ku soo jeediyey in kulliyada nabada iyo xalinta khilaafaadka ee jaamacada Hargeysa loogu magac daro marxuun Xaaji Cabdi Waraabe. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan:- Fikrad soo jeedin: Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies – Hargeisa University. Anigu waxaan soo jeedin lahaa in lagu bilaabo Oo magacaa loo bixiyo qaybta lagu barto nabadda iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa. Xaajigu Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee maadama uu ahaa qof xagga nabadda ku xeel dheer, kuna suntan islamarkaana tacab badan geliyey waxa lama huraan ah in loogu magac daro goob muhiim ah Oo ay Bulshadu qadariso. Sidoo kale dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacadda Harvard university waxaa jira school ka mid ah Oo arrimaha dawladda iyo siyaasadda lagu barto Oo loogu magac daray madaxweynihii Maraykankee John F Kennedy, waxaana iskuulkaasi la yidhaa; ” John F Kennedy School of Goverment at Harvard University”. Sidoo kale inaguna waxaynu odhan karnaa; ” Haji Abdi Warabe Institute for Peace and Conflict Studies at Hargeisa University. Goob keliyana uma qalmee 2 iyo 3 ba wuu u qalmaa. Fikradaha laysla dhex marayo ee halkii lagu maamuusi lahaa ayaan aniguna ku soo dhex tuuraya fikradaasi haddii Eebbe yidhaa. Bal aniguna soo jeedintaydaasi diiwaanka ii geliya inshallah. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Sadex Dab-Demis iyo booyad kagala wareegaysay shirkadda isgaarsiinta Golis. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda. “Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska demin oo colaadda iska demin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini’aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada jeesan, ogaada dad gaar ah wax ma gaarayaan ee bulshadoo dhan ayay gaarayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Sidoo kale Madaxweyenaha dowladda Puntland ayaa shirkadaha kala duwan ee Puntland ka howl gala ku booriyay inay xoojiyaan adeegyada ay ku horumarinayaan bulshadooda. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dhowaan lasoo bandhigi doono qorshe dowladdeed oo ku aadan dhinaca horumarinta, kaas oo in muddo ah laga shaqaynaayey, isla markaana arrimo badan lagu iftiimin doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay munaasabad degmada Garoowe dab-demisyo kula wareegaysay appeared first on Puntland Post.
-
Roob laxaadleh oo la da’ay magaalada Burco Iyo nawaaxigeeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay kullan ballaaran oo ay isugu imaadeen Xubno sare sare ee xisbiga Amni iyo Cadaalad iyo Odiyaasha Guurtida dhaqanka Digil iyo Mirifle, waxaana laga soo saaray qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xirnaanshaha Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda Soomaaliya u xiran muddo 150 Maalin ah. Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 3 ah, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay diidan tahay soo deynta Roobow. Sidoo kale waxaa Dowladda laga codsaday in Roobow si deg deg ah loo soo daayo si loo wada hadlo isagoo xor ah. Qaar ka tirsan Odayaasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu Farmaajo diiday soo deynta Roobow isla markaasna uu ku xiray laba shardi oo kala ah: Inuu Roobow soo wareejiyo ciidamada iyo hubka uu heysto iyo inuu isaga tago dalka oo uu iska dhiibo Qadar ama Turkiga Odayaashaas ayaa sheegay inuu Roobow diiday qodobadaas isla markaasna uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu caburinayo isaga uusana dalka uga tagi doonin amar ay dowladda bixisay. Sidoo kale Odayaasha ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha inuu Roobow kasoo jeedo Beel isla markaasna uu isna beel kasoo jeedo, haddii uu kusoo deyn waayo muddo 15 maalin ah ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Beesha uu Madaxweynaha kasoo jeedo isla markaasna ay kasoo afduuban doonaan badalka Roobow inkastoo ay sheegeyn inaysan beeshaas aan laga heli doonin qof u dhigno isaga sida ay hadalka u dhigeyn Halkaan hoose ka akhriso qodobadii laga soo saaray kulanka: WAR SAXAAFADEED MAANTA KA SOO BAXAY XISBIGA AMNI IYO CADAALAD. Xisbiga Amni & Cadaalad wuxuu canbaaraynayaaa xariga 150 maalmood jirsadey ee uu ku xiran yahay Sheikh Muktar Roobow Ali, kaasoo weli helin xaquuq insaani ah. Taasina aan loo dulqaadan Karin. Xisbiga wuxuu soo dhowaynayaa go’aankii ay ka qaateen odeyaashii dhaqanka ahaaa oo ku hawlanaa Wadahadalkii xalka loogu raadinaayey dhibaatooyinkii ka dhashey xarigiii sharci darada ahaa ee ciidanka AMISOM-Ethiopian – Sector 3 ugeysteen musharax Mukhtar Roobow 13-kii December 2018. Odeyaasha waxay af-ka waayeen Madaxwaynaha Dowada Federaalka, Mohamed Abdullahi farmaajo kaas oo go’aansadey in uu sii huriyo dhibaatada reer KGS balse taasi aysan udhici doonin sida uu rabo. Waayo waxaanu oganahy in Dowlada Federalka iyo tan Koonfur Galbeed labaduba in ay dhibaato ka hurinayaan deegaanada Koonfurgalbeed, taasina ay keeni karto dhibaato horleh iyo Amni xumo horleh. Xisbiga wuxu ku baaqayaa: 1= in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo daayo, xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Ali si wadahadal loola galo asagoo xur ah, welina uu hogaamiyo wadahadalada dib uheshiisiinta reer KGS. 2= Sidoo kale, Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dowlada federralka iyo dowlad koonfur galbeedba in aysan ka been abuurin xaqiiqada jirta kana waantoobaan burburinta dastuurka, taasoo u keeni-karta burburka hanaanka geedi socodka dib u heshiisiinta ummaddan walaalaha ah. 3= Xisbiga, wuxuu kaloo codsi usoo jeedinayaaa ummada soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo qarashkooda lagu dhibaataynaayo dadka reer Koonfurgalbeed in ay soo farageliyaan arintan KGS inta aysan faraha kasii bixin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Doorashadu Waa habab iyo hay’ado suuragal ka dhigayo in dadweynuhu ka qeybqaataan sameynta go’aannada siyaasadda iyadoo la marayo hab ku dhisan tartan codbixin oo xor ah. Doorashadu waa xaq dastuuri ah uu leeyahay muwaadinka Somaaliyeed, sida ku cad qodobka22aad faqradiisa 2aad dastuurka KMG ee la ansixiyay 01/8/2012. Xaqa doorashada si loo nidaamiyo waxaa qasab ah in la helo sharci u gaar ah doorashooyinka, oo ujeeddadiisu tahay helidda habraac laysla og yahay, laguna nidaamiyo xaqaas, suurta-galna ka dhigaya in muwaadiniintu tartan codbixin oo xor ah ku doortaan cidda ay u arkaan in ay talada dalka qabato, sharci kasta oo nidaaminaya xaqa doorashada waa in aanu saameyn ku yeelan rabitaanka dadka wax dooranaya lakiin kaalintiisu ku koobnaato nidaamin. Iyada oo taa laga duulayo Xukuumadda Soomaaliya, waxa ay 02/05/2019 meelmarisay hindiso sharciyeedka doorashooyinka iyadoo wax ka badashay nuqul ay diyaariyeen Guddi Wasaaradda arrimaha gudaha u xilsaartay diyaarinta hindiso sharciyeedka doorashooyinka. Haddaba hindiso sharciyeedka ay ogolaatay xukuumadda mayahay mid u adeegaya xaqiijinta xaqa ku xusan qodobka 22aad faqradiisa 2 aadee dastuurka KMG ah?, kaalintiisuna ma ku kooban tahay nidaaminta xaqa doorashada, mise waxaa jira qodobo saameyn ku yeelan kara in la gaaro ujeedada loo unkayo sharciga? Si aan uga sal gaarno waxaan is dultaagaynaa hindiso sharciyeedka annaga oo diiradda saari doonna dhinacyadan : Sarreynta Dastuurka Madax banaannida iyo dhexdhexaadnimada GMDQ Xadeeynta ku tagri falka awoodaha ee GMDQ Doorashada oo qabsoonta xilligii loogu talagalay Dhaliilaha nidaamka matalaadda isku dheeli tiran Sarreynta Dastuurka iyo hindisa sharciyeedka: Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliyana isaga ayaa ugu sareeya shuruucada Dalka, isaga ayayna tahay in ay u hoggaansanaato Xukuumadda, hagana dhamaan go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dowladda, si waafaqsan qodobka 4aad faqradiisa 1aad ee DKMG, sharci kasta oo la soo saararyo waa in uu la jaanqaado dastuurka. Qodabka 12aad ee ka hadlaya Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidan ayuu u qoran yahay (1- Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga hela kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka ayaa ku guulaystay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Haddii Xisbiga ku guulaysta aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigu ay gaari waayaan aqlabiyadda hal dheergia ah (50+1) ee Baarlamaanka, waxa ay isbahaysi la samaysanayaan Xisbi ama Xisbiyada kale si ay u meel marto Shuruucda iyo Siyaasadaha Xisbiga aqlabiyadda Baarlamaanku. Haddii laba xisbi sinmaan waxay isbahaysi ka raadsanayaan Xisbiyada kale si midkood ugu guuleysto jagada Madaxweynaha.) Qodabkani waxa uu ka hor imaanaya dastuurka KMG, qodobkiisa 89aad ee sheegaya in Baarlamaanka labadiisa gole ay dooranayaan madaxweynaha, iyada taas laga anbaqaadayo waxa ay tahay in ay Xukuumadda dib u eegis ku sameeyso qodobka 12aad ee hindiso sharciyeedka doorashooyinka inta aanay u gudbin Barlamaanka maadama aanu laheyn sal sharci ah, dastuurkana uu sheegayo sharci kasta ee khilaafsan in uu yahay waxaba kama jiraan, si waafaqsan qodobka 4aad dastuurka. Dhanka kale waxa haboon maadaama lagu saleeyay doorashada nidaamka xisbiyada, in Madaxweynahu aanu xubin ka noqon xisbiyada siyaasadda ku hardamayo, si uu qayb uga noqdo isku soo dhaweeynta xisbiyada siyaasadda iyo dhisida Xukuumadda, taana waxa suuragal ka dhigi kara in Barlamaanka labdiisa gole si wada jira u doortaan Madaxweynaha loona maro habraaca ku xusan qodobka 89 DKMG, iyada oo shardi laga dhigayo in qofka u tartamayo jagada Madaxwaynaha aanu xubin ka ahayn xisbiyada siyaasaadda. Qodobkaan faqradiisa 2 aad waxa uu u qoranyahay sidan (……ay gaari waayaan aqlabiyadda hal dheergia ah (50+1) ee Baarlamaanka….) waxa haboon in loo qoro sidan (….. ay heli wayaan aqlabiyada (50+1) tirade guud ee Golaha Shacabka ) sababtoo ah Baarlamaanku waxa uu koobanayahay labada gole, Xukuumaduna waxa ay u baahantahay kalsoonida Golaha shacabka oo kaliya. Qodabka 12aad waxa uu sheegayaa xisbigi hela kuraasta ugu badan Baarlamaanka inu uu ku guuleysanayo jagada madaxweynaha, xitaa haddii aanu helin kalsoonida xildhibaanno gaaraya( 50+1), taas oo ka dhigan in sharcigu aanu tixgalin siin rabitaanka codbixyayaasha intooda badan. Tusaale hadii xisbiga aqlabiyada uu helo 55 kursi oo u dhiganta 20% codka codbixiyayaasha, kuna guul dareeysto in uu sameeyo isbaheeysi lagu xaqiijiyo (50+1), waxa ay ka dhigan tahay in aan dan iyo heelo laga laheeyn 80% ee kamid ah codbixiyayaasha. haddaba su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay waa maxay faa’iidada doorasho qof iyo cod haddii aan la tixgalin rabitaanka dadka codeeyay? Dhanka kale haddii xisbiyada soo baxay ee helay 80% Xildhibaanada la doortay ay diidaan in ay isbahaysi la galaan xisbiga guuleystay axaa xiga oo tillaabo? hindisa sharciyeedku jawaab nagama siin is weydiintaas. Waxa iyana muhim ah in la caddeeyo waxa dhacayo haddii xisbi heli waayo aqlabiyad, kuna uuldareystaan axsaabta ka mid noqday Baarlmaanka in ay la samaystaan isbahaysi keena xukuumad wadaag ah, ma doorasho cusub ayaa la galayaa?, ma Madaxwaynaha xisbigiisu aqlabiyada helay ayaa iska magacaabaya Wasiirka kowaad? Ma la sugayaa Inta ay iska fahmayaan Xisbiyada guulaystay ? wada hadalada yaa garwadeen ka noqonaya haddii Madaxwaynuhu xubin ka yahay mid ka mid ah xisbiyada is fahmi la’a. Madax banaanida iyo dhexdhexadnimada GMDQ. Guddiga doorashooyinka waa in uu ka madxabnaanaado waaxda fulinta, uuna noqdaa mid dhexdhexaad ah si waafaqsan qodobka 111G ee Dastuurka KMG iyo lifaaqa 1aadaad qodobkiisa 1 aad A, ee sharciga Dhisda Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyin 02/04/2015. Qodobka 14aad waxa uu leeyahay: (1- Doorashooyinka dalka waxaa la qabanayaa afartii sanaba mar si waafaqsan qodobka 60aad ee Dastuurka, bil ka hor dhammaadka mudda xileedka Baarlamaanka. 2- Maalinta doorashooyinka la qabanayo waxaa cayimaya GMDQ, ka dib marka ay la tashadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya. Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraaya maalinta doorashada ee ay Guddigu soo jeediyeen. GMDQ waa in ay cayimaan taariikhda doorashada, ugu yaraan sagaashan (90)maalmood ka hor wakhtiga ay codbixintu qabsoomayso.) Qodobkani waxa uu sicad u sheegayaa in GMDQ Madaxwaynaha kala tashado xadidaada maalinta doorashada, Madaxweynuhuna digreeto ku soo saaro tashiga kadib, Tani waxa ay ka dhigan tahay Madaxweynaha “oo ay suurta gal tahay in uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan tartanka doorashada” in la siiyay awood u gaar ah uu kaga duwan yahay murashaxiinta xisbiyada kale, taas oo ka dhigan in meel looga dhacay madaxbanaanidi GMDQ, isla markaana meesha ka saareysa dhexdhexaadnimadooda. Awooddaan lagu gaaryeelay Madaxweynaha waxa ka dhalan kara haddii uu arko in aanu doorashada ku guuleysanayn in uu diido digreetada lagu cayimayo maalinta doorashada, si uu u sameysto muddo ororsi, taas oo dhalin karta qalalaase siyaasadeed. Qodobka 18aad faqradihiisa 1 aad iyo 2 aad waxa ay u qoran yihiinn sidan : (1-GMDQ, inta aan la baahin ama la ogeysiin waqtiga la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo muddada ay soconeyso, waxay wargelinayaan madaxda Qaranka. 2-Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraaya bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka dib marka uu dhagaysto islamarkaana uu derso soojeedinta sababaysan ee GMDQ muddo lixdan (60) maalmood ah ka hor maalinta ay diiwaangelintu bilaabmayso). shardiga ah in lagu war-galiyao madaxda qaranka iyo in soo jeedin loo sameeyo Madaxweeynaha, kadib uu digreeto ku soo saaro muddo 60 casho ah xiliga ay is diiwaan galintu bilaabaneeyso, waxa ay dhaawac ku tahay madaxbanaanida GMDQ iyo waliba dhexdhaxaadnimadiisa si taas looga badbaado waa in Guddiga loo madax baneeyo xaddidaada goorta la diiwaangalinayo codbixiyayaasha iyo xilliga codeynta ay billaabaneyso. Xadeynta ku tagri-fal awoodaha GMDQ Maamulidda doorashada waa waajib saaran GMDQ, xubnaha Guddiga, howlwadeenadiisa iyo dhamaan shaqaalaha waxa ay qayb ka yihiin dadka doorashada loo qabanayo, waxana shaki la’aan ah in ay ku saamoobayaan tartanka doorashada si taas looga hortago, loogana fogaado ku takri-fal awoodeed, waxa habboon sharciga ay ku shaqeeynayaan in uu caddaado kana taxaddaro dulduleelo keeni kara ku takri-fal iyo amar ku taakleeyn. Qodobka 17aad faqrada 1aad, waxa ay shegeysaa (Doorashooyinka Soomaaliya ee heer federaal waxaa ka codayn kara oo kaliya codbixiyeyaasha isku diiwaangeliyay in ay codkooda dhiibtaan). Faqradaan waxa ay ku xadiday cidda codeyn karta xilliga doorashada, in ay tahay ciddi isku diiwaan-galisay in ay codkeeda dhiibatao, halka faqradda 4 aad ay u qorantahay sidan (Faqradda 1aad ee qodobkan waxaa la dabaqayaa xaaladaha caadiga ah laakin haddii duruufo kale yimaadaan waxaa u banaan Guddiga in ay si kasta oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u hirgalin karaan u qabtaan) Faqradaan waxa ay sheegee in la dhaqan galinayo faqradda 1 aad xaaladaha caadiga ah oo kaliya, laakiin haddii duruuf timaado Guddiga ayaa go’aan ka gaarayo cidda codeeynaysa, duruufaha iman kara waxa ay yihiin lama sheegin, hindiso sharciyeedku ma qeexin waxa loola jeedo duruuf taas oo ah awood dheeraad ee Guddiga la siiyay keeni kartana in loo adeegsado si khaldan ay ka dhalan karto in la aqoonsan waayo cidda xaqa u leh codeeynta, waana mid sahli karta in sidii la doono laga sameysto liiska codbixiyayaasha. Qodobkaan faqradiisa 5 aad waxa ay leedahay(Qof kasta oo isku diiwaan-geliya codbixiye si sharcigan waafaqsan wuxuu marayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga qofka (Unique Biometric identification) ). Faqradaan waxa ay xaddiday habka loo marayo diiwaan galinta codbixiyaasha, iyada oo lagu sheegay in ay noqoneyso“Unique Biometric identification” lakiin faqrada 6 aad oo u qoran (Haddii ay suurta-gali weydo habka diiwaan-gelinta ku xusan faqrada (5) ee qodobkan, GMDQ ayaa go’aan ka gaaraya habka diiwaangelinta.) waxa ay awood u siiyay GMDQ go’aan ka gaarista habka diiwaan galinta, taas oo ka dhigan in GMDQ ay samayn karaan ku takri-fal awoodeed. Qodobka 32aad faqradihiisa 3aad iyo 4aad waxa ay u qoran yihiin sidan ( 3-Waxaareebban haddalada xanafta leh ee bulshada Soomaaliyeed kala fogaynaya waxna u dhimaya dhaqanka, diinta, nabadgalyada iyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed. 4- Waxaa ka reebban xisbiyadda in ay ku ololeeyaan arrimo qabiil, kuwo diimeed iyo arrimo gobolaysi ah) . Labadaan faqro eray bixinnada la adeegsaday habka loo dhigay waxa ay noqon karaan kuwo sidii ladoono loo fasiran karo, ayna ka dhalan karto in xisbi kamida xisbiyada tartamayo laga saaro diiwaanka xisbiyada, si arinkaas looga hortago waxa habboon in lagu daro erayada hindisa sharciyeedku ku qeexayo qodobka 3aad ama meesha laga saaro si aan looga dhigan marmarsiimo tartanka looga reebo xisbiyada qaar, taas oo dhici karta haddii labada faqro aan kor ku xusnay lala aqriyo qodobka 19 aad faqradiisa 1aad xarafka f sharica Xisbiyada Soomaalia 2016, ee sheegaya haddii xisbi la yimaado xadgudubyo ka hor imanaya sharciga doorashooyinka in Xafiiska diiwaangeliyuhu ka saarayo liiska diiwaanada xisbiyada siyaasadeed. Qodobka 20aad faqradiisa 4aad ee u qoran sidan (Codbixiyaha uu ka xumaado kaarku wuxuu xaq u leeyahay in loo beddelo marka uu keeno kaarkii ka lumay ama ka xumaaday soddon cisho (30) ka hor maalinta codbixinta). Faqradaan waxaa muuqata in qaab qoraalkeeda wax ka qaldanyihiin, iyadoo shardi ka dhigaysa qofka kaarku ka lumo In uu keeno kaarkii lumay si loogu baddalo! Khaladka ka muuqda faqradaan waa mid ku kooban sida muuqata qoraalka la qalday, waxa haboon in dib loo qaabeeyaa hab qoraalkeeda iyada oo lagu caddeeynayo habraaca uu marayo qofka uu ka lumo kaarka codbixinta. Qodobka 35aad faqraddiisa 2 aad waxa ay u qoran tahay (Agabka doorasho ee ku xusan faqrada (1) ee qodobkan, GMDQ waxay ku bixin karaan qandaraas furan oo loo simanyahay loona maamulay si daah-furnaan iyo caddaalad ah, oo waafaqsanna Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka) adeegsiga erayga “ku bixin karaan” maahan mid munaasib ah, iibinta Agabka loo adeegsanayo doorashooyinka waa mid xasaasi ah, waxaana ka mid ah systemka lagu diiwaan galinayo codbixiyayaasha sidaas darteed waa In uu ahaado mid ku dhisan daahfurnaan erayga ah “ku bixin karaan” lagu badalo “ku bixinayaan”. Qodobka 38aad faqraddiisa 1aad xarafka B waxa ay uqoron tahayay sidan: ( Hubinayaa in ay wakiillada xisbiyadda tartamayaa goob-joog yihiin) halka ,faqrada 2aad ee isla qodobka aan sare ku xusnay lagu sheegay (Ma bannaana oo waa mamnuuc in qof aan goobta ku qornayn oo aan ahayn shaqaalaha iyo hawlwadeennada doorashooyinka uu goob-joog ahaado marka la fulinayo waajibaadka ku xusan faqrada (1) ee qodobkan). Qodobkaan faqradiisa 1 aad xarafka (B) waxaa lagu dalbay in wakiilada xisbiyadu goob-joog ahadan, halka faqrada 2 aad isla qodobki lagu sheegay mamanuuc in ay tahay goob-joog in ay ahaadan cid ka baxsan shaqaalaha iyo howl-wadeenada goobta taas oo u muuqata in ay iska hor-imaanyaan Labada faqro, sidii la doonana loo fasiran karo. Qodobka 44aad waxa uu uqoran yahay (1. Wixii cabashooyin ah ee ay qabaan wakiillada xisbiyadu waa in ay qoraal ugu gudbiyaan Maamulaha goobta. Maamulaha goobtu waa in uu qaraar ka soo saaro cabashooyinka loo soo gudbiyay iyo wixii muran ah ee ka dhashay hawsha doorashooyinka. Cabashooyinka goobta ee qoraal ahaan loo soo gudbiyay ama loo soo jeediyay waa in qoraal lagu diwaangaliyaa si xafiisyada sare ee GMDQ loola socodsiiyo). qodobkaan waxa lagu sheegay haddii wakiilka xisbigu cabasho qabo in uu maamulaha goobta qorayo warqad lagu cadeeynayo cabashada wakiilku qabo, caqli ahaan siday suuragal ku tahay in qof laga cabanayo qoro cabasho isaga khuseeysa, anagoo og in mararka qaar cabashadu sal u noqon karta faldanbiyeed ay ciqaabi ka dhalan karto, gaar ahaan haddii ay cabashadu la xariirto xaaladaha ku xusan qodobka 54 aad . dhanka kale qodobku kama hadal haddii maamulaha goobtu diiddo in uu qoro cabashada cidda ay tahay in uu la xariiro wakiilka xisbigu iyo habraaca uu marayo. Si qodobku u cadaado Waxaa habboon in habraaca lamarayo lagu xuso. Qodobada kala ah: 13 aad faqrada 5 aad , 15 aad faqrada 4 aad , 17 aad faqrada 9 aad , 24aad faqrada 4 aad , iyo 31 aad faqrada 1 aad, dhamaan qodobadaan aan soo xusnay waxa lagu sheegay in GMDQ uu soo saarayo Xeer-nidaamiyeyaal, waxa haboon xeernidaamiyada lifaaq looga dhigo sharciga doorashooyinka oo aan lagu deeyn in Guddigu sameeyso wixi uu ku shaqeeyn lahaa. Doorashada oo qabsoonta xilligii loogu talagay Qodobka56aad faqradiisa 1aad waxa ay sheegee (Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso). Qodobkaan Faqradiisa 1 aad waxa ay si cad u dhiira-galineysaa in doorashadu aysan ku qabsoomin xilligii loogu talagalay, Xildhibaanada Baarlamaanka in badan oo ka mid ah ma hubaan in ay soo laabanayaan sidaas darteed waxa ay soo dhaweeynayaan wax kasta oo suuragal ka dhigaya muddo kororsi, haddii hindiso sharciyeedka sidaan loogu geeyo waxa la arkaa in ay u codeeyaan. Qodobkaan Faqrada 2 aad waxa ay u qoran tahay (Duruufaha adag ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxaa ka mid ah nabadgalyo darro baahsan oo dalka oo dhan ka dhacda, aafooyinka dabiiciga ah sida dhul gariirka iyo cudurrada faafa, abaaro baahsan iyo fatahaadaha webiyada iyo duufaanta iyo wax kasta oo lagu tilmaami karo musiibo Qaran). duruufaha adag ee lagu xusay qodobkaan waxa ka mid xaalad amni oo baahsan taasoo haddaba ka jirta wadanka, sababna u noqon karta in aan doorasho qof iyo cod ah lagu fakirin, sidaa awgeed waxa haboon in meesha laga saaro duruufaha ku xusan faqradan. Qodobkaan Faqradiisa 7aad waxa ay u qoran tahay sidan (Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday ) qodobkaan waxa uu fursad u siisay Madaxweynaha in uu muddo xileedkiisa kororsan karo, isaga oo ah cidda ugu horeeysa ee lagala tashanayo dib u dhaca doorashada si waafqsan faqrada 3aad ee qodbkaan. Guud ahaan haddii lala aqriyo qodobka 56 aad qodobada 14aadiyo 18aadwaxaa kuu muuqanaya in aanay doorashadu ku qabsoomi Karin muddadii loo xadeeyo. Dhaliilaha nidaamka matalaadda isku dheeli tiran Qodobka 11aad (1. Habka doorashooyinka dalku wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isudheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – closed List). Liisaska xisbi waliba waa in aysan ka badnaan laban-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo. Doorashada Madaxweynaha JFS waxaa maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka.) Qodobkaan waxaa lagu caddeeyay in nidaamka doorasho ee dalka uu yahay nidaamka matalaadda isku dheeli tiran ee liiska xiran. Nidaamka matalaadda isku dheellitiran waxaa loola jeeda in xisbi kasta ee ka qayb qaata doorashada uu helayo kuraas u dhiganta cododka uu helay. Nidaamkan markii ugu hooraysay 1855 waxaa laga dhaqan galiyay Denmark. Mataalada isku dheeli tiran ee liiska xiran waxaa loola jeedaa in codbixiyuhu marka uu codka dhiibanayo uu doorto mid ka mid ah liisaska xisbiyada tartamaya isaga oo aan kala reebin, wax ka badalin, nidaaminin, kala soocin magacyada liiska ku qoran ee uu uqaadanayo sida ay tahay. Nidaamakani waxa uu leeyahay dul duleelo Waxa laga yabaa in uu abuuro daganaashiyo la’aan xagga Xukuumadda ah, haddii xisbi heli waayo (50+1), taas oo abuuri karta xasillooni darro siyaasadeed oo saameyn ku yeelata horumarka dalka iyo dadka . Waa nidaam ay adag tahay in la fahmo gaar ahaan arinta la xariirta qaybinta kuraasta, kuma sii jirto haddii loo shardiyo 4.5. Waxa uu yareeynayaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanada la doortay iyo dadkii ay matalayeen. Waxa uu awoodda gacanta u galinayaa hoggaanka xisbiga oo ah iyagu cidda go’aanka ka gaaraya dadka ka mid noqonaya liiska murashaxiinta, waana tan keeneysa in kuwa la doortay ay mar walba u dhawadaan una dhago nugladaan rabitaanka hogaanka xisbiga xitaa haddii ay ka hor-imaanayso danaha qaranka. Qodobka 13aad faqradiisa 6aad waxa uu shardinayaa in xisbigu helo 7% si uu uga mid noqdo Baarlamaanka, waa tiro aad ubadan oo u dhiganta 20 xildhiaan, taasina waxa ay keeneysaa in dad aan codod ku iman ay galaan Baarlamaanka, innaga oo og in bulashadeeynnu u qaabeysan tahay qaab beelo ku dhisan, mar walbana ay fiirsanayaan guddoomiyaha ama murashaxa xisbiga waana mid keeni karta in cododku qaybsamaan. Tusaale haddii ay xisbiyo badani oo tartamay gaari wayaan7%, taana waxa ay ka dhigan tahay in la qasaarinayo codod badan oo laga yaabo in ay gaari karaan ama kor u dhaafaan50% muwaadiniinti cododkooda dhiibtay, taas waxa ay kadhigan tahay in meesha si dadban uga baxeyso ujeeddadii laga lahaa qof iyo cod. Codbixiyuhu awood uma lahan in uu doorto hal murashax , waxa uuna ku qasbayaa mararka qaar in uu u codeeyo murashaxiin aanu u arkin in ay leyihiin karti keenaysa in la doorto. Ugu danbeeyn tilaabo kasta oo noo dhaweynaysa in la gaaro doorasho qof iyo cod ah waxa ay mudan tahay bogaadin, hindiso sharciyeedka Xukuumadu ogolaatay waxa jira wax yaabo badan uu ku amaanan yahay lakin waxaan diiradda saarayay dulduleelada iiga muuqday oo ku dhisan aragtideeyda, tan ugu muhiimsan ay masuuliyadi ka saaran tahay cid kasta oo saameyn ku leh go’aan ka gaarista sharciga doorashooyinka ayaa ah, in muddo kabadan nus qarni sharcigi ugu horeeyay ee doorasho aanu noqon mid talada gacanta u galiyay dad aan ku imaan rabitaanka codbixiyayaasha. W/Q: Caadil Cali Maxamed Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Ceelwaaq (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Ceelwaaq ayaa kulamo ka wada gudaha degmadaasi. Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu la qaadanayaa saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi. Ujeedka ayaa ah sidii ay Jubbaland u xalin laheyd khilaaf u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuweeda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay fashil uu ku soo dhammaadeen kulamadaasi, islamarkaana Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ka biyo diideedn in ay la shaqeeyaan kuwa maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Kenya uu Maxamuud Sayid Aadan kala hadlay arrimo la xariira howlgallada ka socda gobolka Gedo. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe khilaaf xoogan uu ka dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala K/Soomaaliya. View the full article
-
Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo caawa ku baratamaya Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa 7-aadayaa waxaa laguda gali doonaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Group-kan ayaa waxaa ku wada jira degmooyin xul ah, sida Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isaga hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jabjab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa horay taariikh uga sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka ama kama dambeysta tartanka, C/casiis ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad iyo halka labaad ay ku guuleystay degmada Xamar Jajab. Waa sanad kadib oo ay labaduba caawa mar kale ku kulmayaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada dadaal xoogan. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca Cola. View the full article -
Muqdisho (SMN) -Odayaal iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda deegaanada K/ Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay ka warbixiyeen meesha ay marayaan dadaallada la doonayo in lagu soodaayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Waxgaradkan iyo siyaasiyiinta ayaa sheegay in haatan meel wanaagsan ay marayaan wada hadallada lagu doonayo in lagu soo daayo wadaadkaasi. Sidoo kale waxa ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ay ka dalbadeen in muddo 15 cisho gudahood xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Roobow. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo ka mid ahaa Musharraxiinta u taagneyd hoggaanka maamulka K/ Galbeed ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maalmahii lasoo dhaafay waxaa si awood leh barta twitter-ka looga hadal hayay in la la’yahay madaxweynaha dalka Kenya, balse eedaymahii halkaas looga soo jeediyay waxaa ugu dambeyn kasoo jawaabay xafiiska madaxweynaha. Gabadha afhayeenka u ah Madaxweynaha ee Kanze Dena ayaa qoraalo badan ku shaacisay iney aad ula yaabtay waxa lagu daabacayo twitter-ka, iyadoo aysan jirin dhibaato jirta, sidoo kalana madaxweynaha uu ku guda jiro hawlahiisa shaqo. Wax cajiib ah ayey noqotay markii twitter-ka lagu soo qoray sheekooyin layaab leh oo muujinaya inuu maqan yahay madaxweyne Uhuru, waxeyna sameeyeen qoraal is afgarada ah oo u dhignaa sidan: #whereisuhuru and #findpresidentuhuru, taasoo macno ahaan u dhigan: “#aaway uhuru iyo #raadiya uhuru” Madaxweynaha lama arag tan iyo 23-kii April markaas uu u dhoofay dalka China, ujeedadiisuna waxey aheyd inuu ka raadsado deyn ay ku dhistaan qad tareen oo la sheegay iney qiyaastii ku baxeyso lacag malaayiin doolar ah. Dadka u dhashay wadanka ayaana qiray ineysan arkin madaxweynaha tan iyo markaas, taasna waa midda keentay hadal heynta baraha bulshada. Sidoo kale gabadha afhayeenka ah waxey sheegtay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Uhuru ugu safray China si uu deymo u weydiisto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo uu haatan kulan uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka doodaya xeerka saxaafadda oo wax ka bedal lagu sameeyay iyo sidoo kale xisaab xirka miisaaniyadii diowladda ee 2017-kii. Kulankan oo qeyb ka ah kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka aya waxaa shir guddoominaya ku simaha guddoomiyaha golaha shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/weli Sheekh Ibraahim Muudey,waxaana goob joog ah illaa iyo 143 Mudane. Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay wasiirka cusub ee waasaradda ganacsiga warashada Soomaaliya Mudane C/laahi Cali Xasan,kas oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiirkan ayaa bedalaya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo loo wareejiyay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-130519-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Militeriga Uganda ayaa sheegay inuu baarayo shaqaaqo maalin kahor ka dhacday gudaha Xerada Xalane ee magaaladda Muqdisho, taas oo lagu dilay afar askari oo midkooda taliye sare ahaa. Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsan AMISOM uu dilay taliyihiisa, kadibna isaga is-dilay kahor inta aan gacanta lagu dhigin. Illo wareedyo ku sugan Xalane ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegay in toogashada ay ku dhinteen illaa 4 askari, kuwaas oo dhamaantooda ka soo jeeda dalka Uganda, qeybna ka ahaa howlgalka AMISOM. “Dilkan weli ma cadda sababta ka dambeysa, waxaan dooneynaa in aan ogaanno in Askariga dhmirka looga jiray iyo in uu caafimaad qabay”. ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire. AMISOM weli ma aysan shaacin magacyada askarta isku dhex dishay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee laga xukumo ciidamada Midowga Africa ee howlgalka ka wada Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo askari ka tirsan AMISOM uu saaxiibadiisa ku toogto Soomaaliya, tan iyo intii uu howlgalka billowday sanadkii 2007. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has toured the police headquarters in Mogadishu to hold talks with the police commissioners. During the meeting with the police officials, the premier lauded that the law enforcement agencies an essential role in improving the security of the city. The officials briefed the prime minister about the improvement gained in terms of the interactions between the law enforcement agencies and the public since the introduction of the hotline 991 to contact. Khaire has stressed the need to provide the best possible security to the public and dissuade would-be criminals with the deployment of uniformed and plain-clothed police officers. He commended the security officers for their commitments to beef up the security of the city. The prime minister also toured several checkpoints in the city to inspect the security condition. The tour of the prime minister comes as the government intensifying its security operations in and around Mogadishu. Somali Police Force and African Union Mission in Somalia (AMISOM) Police have been conducting joint patrols since the beginning of Ramadan, aiming at improving the security in the capital city, Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayaa isbaheysiga cusub ee hadda ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland oo hadda kusoo biirtay isbaheysiga. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii ay dhankooda usoo wada mari lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, balse waxaa caqabad adag ay kala kulmeen madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug. Kadib markii lagu kala tagay shirkii magaalada Garowe, waxaa kulamo gaar gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Puntland, HirShabeelle iyo Koofur Galbeed. Kulamadaasi ayaa looga arinsanayay arimo dhowr ah, waxaana kulanka ugu muhiimsan uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland, kaasi oo keenay isbadal weyn keenay. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa u muuqda mid wax badan ku badashay mowqifkii hore uu taagnaa, waxaana uu kamid noqday isbaheysi cusub oo ay yeesheen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland. Isbaheysiga cusub ayaanan la ogeyn waxa uu ka badali doono xaaladaha culeeska ee saaran dhanka dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa isbaheysigan cusub wuxuu kaga dhigan yahay inuu ka yaraan doono culeeska ugu badan ee kaga imaanayay dhanka maamul goboleedyada, waxaana kaliya usoo haray Jubbaland iyo Galmudug. Axmed Madoobe iyo Xaaf waxaa dhankooda heysta culeesyo doorashooyinka kusoo fool leh la xiriira, waxaana ay guul aan badneyd kaga dhigan tahay dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Future of Power Whitepaper takes center stage at Africa Utility Week / PowerGEN 2019 Conference As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa CAPE TOWN, South Africa, May 13, 2019/ — Whitepaper highlights the future gamechangers in the energy landscape in Sub- Saharan Africa; Discusses the factors contributing to energy transformation and the enabling environment; Outlines the market’s response through region-specific case studies and the path forward. Global and regional energy industry trends are continuously shifting and stakeholders need to stay constantly informed to better understand the key drivers of change. As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE (NYSE: GE) (www.GE.com/Power) unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa (https://invent.ge/2VyUJF7). This paper, developed by the Strategic Marketing unit of GE in Sub-Saharan Africa focuses on the changing trends and future direction of the energy industry as it explores the relevance and impact of key drivers both regionally and globally. Key themes discussed in the paper include decarbonization, decentralization and digitization as well as how they affect the current and future energy transformations in the region. The paper also sheds light on the rise of renewables including solar, wind and hydro and the place of geothermal in Sub Saharan Africa’s energy mix. The whitepaper also discusses energy sector management, financing and regulatory frameworks that create an enabling environment for the sector. Sub-Saharan Africa needs power and there is seemingly an over-dependence on governments to resolve this energy dilemma. Governments are faced with investment, policy and regulatory framework challenges that oftentimes hinder their ability to fulfill the responsibility of providing affordable and reliable power. With increasingly diverse funding from public and private sources, including innovative partnerships with private investors and independent power producers (IPPs), the current narrative that two out of three people in the region needs access to electricity is expected to change. “To solve Africa’s energy deficit and improve energy access, there is a clear need for solutions that foster collaboration through partnerships with governments, technology providers and the private sector” said Elisee Sezan, CEO for GE’s Gas Power business in Sub-Saharan Africa. “GE has been at the forefront of driving this collaboration which has resulted in significant milestone projects and solid partnerships that have successfully added more megawatts to the grid. We are delighted to lead this changing narrative on powering Africa forward and are committed to supporting energy initiatives to accelerate its progress” he added. Africa Utility Week brings together utilities, financiers and energy leaders from across the region to discuss and develop technical knowledge in the field of electricity generation, transmission and distribution. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo weftigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weftiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqeen in Puntland diyaar u tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah oo sadexgeesood ah, kaasi oo dhexmara Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo hadiyado guddoonsiiyay Waare iyo Lafta-gareen appeared first on Puntland Post.
