-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baladweyne (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle ee ka soo jeeda gobolkaasi ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan maamulkiisa. Dabageed ayaa ku nuux nuuxsaday in Xildhibaadaasi mar walba ay cadaadis ku saaraan Madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa, sidii loo kala diri lahaa xubnaha gobolkaasi. Hadalkan ayuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ka jeediyay munaasabad shalay lagu soo dhaweynayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka HirShabelle Canab Axmed Ciise oo booqasho ku tagtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. View the full article
-
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa cabasho waxa ay ka yihiin lacag canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay. Waxay sheegeen in dowladda hoose ee Garoowe kusoo rogtay gaadiidka iska-rogaha ah lacag dhan $2 maalintii, taasi oo ay sheegeen in culeys weyn ay ku tahay. Qaarkood darawallada gaadiidkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan shaqeyn doonin inta wax laga bedalayo go’aankaasi. “Annaga culeys ayeey nagu tahay, mana shaqeyn doonno inta wax laga bedalayo, $2 ma bixin karno, waayo waxaa ka badan lacagaha kale ee ay dowladda naga qaaddo” Dowladda hoose ee Garoowe weli wax jawaab ah kama aanay bixin cabashadan kasoo yeereysa gaadiidleydan. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa dib loo helay Ilmo yar oo Jimcihii la soo dhaafay laga xaday Isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho. Baaritaano qaatay muddo labo cisho ah ayey ku suuragashay in la helo cunugaasi oo la sheegay lagu hayay degmada Hodan ee G/Banaadir. Cabduqaadir Ibraahim Cali oo ah adeerka Wiilkaasi yar ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen. Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Ibraahim Tuulax ayaa ka hadlay dhacdadaasi. Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in illaa 4 Qof oo ay ku jirto Haweeneydii soo xaday cunugaasi loo soo xiray kiiskan. Halkan hoose ka dhageyso Codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/ilamaha-la-xaday-.mp3 View the full article
-
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qarashaad ku bixineyso sidii ay ku dumin lahayd dowlad goboleedyada. Caalim ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanay marmarsiyo u noqoneyn in dhaqaalo xumi darteed aysan ula dagaallami karin Al-shabaab. Lacagaha lagu bixinayo in lagu dumiyo dowlad goboleedyada ayuu sheegay in dowladda ay kula dagaallami karto Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-220419.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle ay ka wada maqan yihiin magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle. Guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ka maqan magaalada Jowhar, waana markii ugu horeysay oo dhamaantood laga waayo magaalada, iyadoo la filayay in baarlamaanka kulamo ku yeeshaan magaalada Jowhar. Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana xubnaha baarlamaanka iyo guddoonkooda ay ku wada sugan yihiin inta badan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa oo inta badan leh awooda Hirshabeelle ayaa golaha wasiirada ka wada dhigay xildhibaano si aan loola xisaabtamin. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa arintaasi ku eedeeyay masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle, maadaama waxba ka qaban baaqashada kulamada baarlamaanka. Xildhibaan Ismaaciil Cirfiid ayaa shaaciyay in xeer Hoosaadka baarlamaanka Hirhabeelle uusan ogolaaneyn in dhamaan xubnaha guddoonka ay ka maqnaadaan caasimada maamulka, balse taasi ay hadda dhacday. “Kulanka Golaha Baarlamanka Hirshabelle Baqashadiisa waxaa sabab u ah Xukumada. 3Gudoon ee Baarlamankana Waa ay kamaqanyihiin Caasimada. Xeer Hoosaadka Baarlamanka Maqorayo in Gudoonka Baarlamanka Ay ka maqnaadaan Caasimada. “Qofkaste Sharciga ayaa ka Weyn Masuul kastena Gambarkiisa ayaa lagu fadhisindoona”ayuu yiri xildhibaan Ismaaciil Cirfiid. Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa furan, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysa in guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ka maqnaadaan magaalada Jowhar, iyadoo kulamada caadiga ah socdaan. Ma jiro wax horumar ah oo madaxda talada haysa ay gaarsiiyeen deegaanada maamulka, waxaana Al Shabaab ay joojiyeen mashaariic ka socotay magaalada Jowhar, iyadoo taasi ka dhigan inaysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo madaxda maamulkaasi ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamuud Macalim Koronto oo ahaa Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa dhawaan weerar afka ah ku qaaday madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiin caan ah oo taageera hogaanka Villa Somalia. General Koronto ayaa Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi iyo Salaad Cali Jeelle ku tilmaamay rag aan lahayn taariikh wanaagsan ayna u hadli karin dadka ku nool magaalada Muqdisho. Sidoo kale qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay in ay Fekarka Xagjirnimada ah ay ku shubeen dhalinyarada u dagaalanta Al-shabaab maantana ay la safanyihiin Dowladda Soomaaliya islamarkaana aysan cidna u wadin dacwo sax ah sida uu hadalka u dhigay. Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya maxaa ka dhaxeeya Dowladda iyo General Koronto ? Maxamuud Macalim Koronto waxaa uu Ciidanka Soomaaliya katirsanaa waqti aad u fow waxayna dowladii dhexe ay bur burtay isagoo ah Gaashaanle Sare ah waxa uuna kadib kamid noqday u qaxday dalka Maraykanka. Muddo dheer kadib ayuu dalka ku soo laabtay Koronto waxa uuna qabtay xilal kala duwan oo dhanka Ciidanka ah. Markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Taliyaha qaybta 27aad ee Xoogga dalka waxaana xilkaas laga qaaday muddo bilooyin ah iyadoo ay dhalisay dood badan. Koronto waxaa khilaaf adag kala dhaxeeyay maamulka HirShabelle, taas oo sababtay in dhowr ay jeer ay murmeen waxaana markii dambe khilaafkooda gaaray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda u qoray Warqad ka timid HirShabeelle oo muujineysa in aysan la shaqayn karin Gen Koronto, waxa uuna cadeeyay codsigooda ah in laga badalo Koronto iyadoo ay aqbashay Dowladda Soomaaliya waxaana lagu badalay Generaal Tareedisho. Koronto ayaa markaas kadib isku beddelay mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda dowladda. General Koronto oo heesta Baasaboor Ameerikaan ah ayaa sidaan oo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu talada dalka haayay taas oo markii dambe sababtay in lagu heshiisiiyo Madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Saraakiil caafimaaad oo ku sugan magaalada Khartoum ee waddanka Sudan, ayaa laga soo xigtay in madaxweynihii la casilay ee dalkaasi, Omar Hassan al-Bashir lagu arkay astaamo u eg cudurka Faalliga ee xanniba xididada dhiiga qaada ee maskaxda. Mid kamid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya xaaladdiisa oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u sheegay in uu al-Bashir ku arkay astaamo muujinaya in ay xirmeen qaar kamid ah xididada maskaxda ee dhiigga qaada, balse weli ay baaritaan ku hayaan xaaladdiisa caafimaad. Sidoo kale, dhaqtarka ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee al-Bashir ka sii darayso, kadib markii uu cuntada diiday, nafaqada jirkiisana ay aad hoos ugu dhacday, isagoo xusay in xataa uusan daawooyina si toos ah u qaadan Karin wakhti xaadirkan. Omar al-Bashir ayaa haatan ku xiran xabsiga si weyn loo ilaaliyo ee loo yaqaan Kobar, kadib markii laga soo wareejiyay guriga martida ee magaalada Khartoum oo uu hore ugu xirnaa, waxaana laga qaaday taleefonkiisa gacanta ee khaaska ah. Mudane al-Bashir ayaa militarigu xilka ka qaadeen 11 bishan April kadib mudda ku dhow 4 bilood oo dalkaasi ay ka socdeen dibad-baxyo xiriira oo lagu dalbanayey in uu xilka ka dego. PUNTLAND POST The post Al-Bashir oo cuntada ka soomay iyo caafimaadkiisa oo laga deyrinayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wali Jahwareer iyo faham waa ayaa ka taagan Tubaha Qaranka oo ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Afarta Tub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa hey’adaha Dowladda ka abuurtay is bar bar yaac, doodo iyo sidoo kale in aysan xubno badan wali fahmin arintaan ayna dhaqaaqi la’dahay muddo dhowr bilood ah. Mid kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradaha ku midaysan Tubta amniga iyo Cadaaladda ayaa Caasimada Online u sheegay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu Khamiistii canaan kala dul dhacay Wasiiro iyo Agaasimiyaal kuwaas oo kulan la qaatay Raysal Wasaaraha. Xubnaha uu Raysal Wasaaraha ku xanaaqay ayaa la sheegay in ay fulin waayeen qodobo quseeyo amniga, qaarkood waxay ka cabanayeen is hortaag lagu sameeyay, qaarna waxaysan fahamsaneen shaqada loo diray sida uu noo sheegay Sarkaal aan la hadalnay. “Waxaan ka xumahay in aan maalin walba idin sharaxo, idin fahamsiiyo shaqada aan ka rabo Tubtaan misane aadnan ku guulaysan in aad keentaan” ayuu ku yiri Raysal Wasaare Kheyrre xubnihii uu la kulmay sida uu noo sheegay Agaasime katirsan dadkaasi. “Aniga halkaan uma imaanin inaa cashir bixiyo, kaligiinna maahan ee tubaha dhanba waxaa ii muuqata in aanan la fahmin, war sidee idinla dhaqmaaa” ayuu yiri Kheyrre oo la hadlay Wasiiro iyo xubno kale. Xaqiiqda jirta ayaa in aysan socon shaqo marka laga reebo kulamo aan dhamaanin iyo isbar bar yaac joogto ah sida ay noo xaqiijiyeen Xubno badan. Wasiiro badan iyo Agaasimiyaal ayaa is weydiiya Su’aashaan (Tubaha Kheyrre ma fahamtay) waxa uuna mid kasta kuu sheegayaa in aysan aheyn wax soconaya qorshahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed kasoo gaarta weerarada Al Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in loo baahan in heshiis laga helo Al Shabaab si loo badbaadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan u geysatay Al Shabaab, islamarkaana dhankooda Al Shabaab ay dhibaato u geysteen Shacabka, taasina loo baahan yahay in laga gudbo. Wuxuu su’aalo ka keenay ilaa waqtiga ay sii socon karaan dhibaatada dadka shacabka loo geysanayo, maadaama labada dhinac ay dad Soomaaliyeed dhexdooda ku dhimanayaan. “Al-shabaab waa in hishiis laga keenaa maxaa yeelay, iyaga wan laaynay, anagana wey na`laayeen, dad Soomaali unbaana dhimanaya, ilaa goormeen wadeyna isdilka, mucaaradkana shisheeye ayey nooga dacwoonayaan “ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu balan qaaday in muddo labo sano ah ku soo Afjari doono dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana labo sano kadib muuqataa in loo awood waayay Al Shabaab. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii Xasan Sheikh Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa horey u sheegay inay wadahadal la fureen Al Shabaab, islamarkaana ducement ku saabsan wadahadalkaasi ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay Shaacisay in ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa Muran badan oo ku aadan halka ay ka howlgali doonaan Ciidanka Badda Itoobiya, Maadaama aysan la heyn wax bad ah, waxaana Soomaali badan ka walaacsan tahay inay usoo socdaan badda Soomaaliya. Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo ah Taliyaha Ciidanka badda Itoobiya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku howlan tahay sidi ay u dhisasan lahayd ciidamo bad oo adag. Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneyso waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada. “Waa inaan muujinnaa sameynta siyaasadeed ee ay Itoobiya ku leedahay dhinaca badda. Waddama badan ayaa meela fogfog ka imanaya si ay badaha dariska nala ah ay saameyn ugu yeeshaan oo saldhigyo ka sameeysto. Annagu waxaan nahay waddan facweyn oo ay ku nool yihiin shacab ka badan 100 milyan. Marka ma jiri karto sabab aan bad la’aan u noqon karno” ayuu yiri. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukumada Muuse Biixi oo Xayiraad dul-dhigtay laba Professor oo caan ka ah Dalalka lagaga hadlo Af-somaliga Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay warbaahinta u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland. Qaran News
-
Fadeexad Uguba:Kaadiriinta Xisbiyada Mucaaridka Oo u Kala Dhuumanaya Muuse Biixi Hadh-cad Xisbiyada Mucaaridka oo markii horeba tayadooda bulshadu dhaliilaysay ayaa markale shaashadaha Ka Soo muuqday iyagoo qiimo jaban ugu kala dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi . Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Cali Cantar oo isagu marar badan ku dhaliilay Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan inay Xukuumadda u duseen ayaa isagu saaka hiirti waabari u kalahay soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Imaraadka ka soo laabtay, kumuu tagin siyaasadda Xisbigiisa, waxayse u muuqata inuu qiimo jaban ugu hayaamay marxabaysiinta Madaxweyne Muuse Biixi oo aan safarkiisa bulshada u sharxin. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo marka horeba Xisbigiisu darafu dawle aha ayaa isna ka socday Xisbiga UCID . Si kastaba ha ahaaye kaalintii Mucaaridnimo ayay bulshadu mudda dheertabaysay ilaa haddana ma muuqato. Qaran News
-
Abiy Ahmed iyo kacdoonkii guuleystay ee ay shucuubta Itoobiya uga taqaluseen Xisbigii TPLF oo 27 sano muquunin dalkaas ku haystay waa sanad jirsaday. Mudaddii sanadkaas ahayd waxaa dhacay is bedello badi la mahadiyey sida; nabadeynta xadka Ethio-Eritrea, sii deynta maxaabiistii siyaasadda u xirnaa, soo dhaweynta jabhadihii dibad joogga ahaa, siyaasad arrimo dibadeed oo saaxiibtinmo ku dhisan iyo bilowga hirgalinta dhaqaale xor ah! Hayeeshee, tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaaday Raisul Wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed waa mid TUHUN dhalinaysa iyo in dib ay sheekadu ugu laabaneyso meeshii hore (Square One) balse ay is bedeleen wajiyada uun. Maxaa dhacay? Sida ay warbaahinta dalkaas lagu xaqiijiyey Abiy Ahmed waxa uu is bedel ku sameeyey Golihiisa Wasiirada isaga oo magacaabay laba shaqsi oo udub dhexaad u ahaa kacdoonkii uu ku yimi. Labadaas shaqsi mid waa Madaxweynihii is maamulka Oromia Lemma Megersa oo uu geeyey Wasaaradda Gaashaandhigga kan kale waa Madaxweynihii ismamaulka Ahmara ee Gedu Andargachew oo uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Dibedda. Ujeedka labadaas shaqsi loogu magacaabay jagooyinkaas Maamulka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed ee iminka majaraha u haya Itoobiya waxaa ka go’an in ay talada dalkaas si buuxda gacanta ugu dhigaan oo ay gebi’ahanba meesha ka saaraan reerka Tigreega loo yaqaan ee tirada yar balse 27 sano awoodda haystay. Taas oo jirta, Tigeeraga qolo kaliya meesha si fudud ugama saarteen oo waxaa is bahaysi DANI ku bidday ah sameystay Oromada iyo Amxaarada kuwaas oo wali isla socda! Yeelkeede, saaxiibtinimada labadaas qolo faro ayaa ku go’adan waxa ayna weydiimo saran yihiin ilaa iyo inta ay isla sidii jaan qaadi karaan! Waxaa taas tusaale u ah labada xi lee uu Abiy hadda u kala dhiibay! Oromada, siiba shaqsigii sababteeda lahaa in uu Ra’isul Wasaare noqdo Abiy Ahmed, Lemma Megersa oo ah Oromo waxa uu u dhiibay Wasaaradda Difaaca, ujeedka waa in qoymiyadaas oo boqolaal sano guumeysi iyo dacadiyo kala kulmeysay Ahxaarada iyo Tigreega oo la’isku yiraahdo ‘Abyssinian Stock” ay awood ku yeelato ciidama iyo dhammaan laamaha ammaanka! Amxaarada oo ay hadda kula jiraan is xulufeysi DANI ku bidday ah waxaa loo dhiibay Wasaaradda Arrimaha Dibadda! SAAMEYNTA AY SOOMAALIDA KU YEELAN KARTO Is beddeladan cusub ee uu Abiy Ahmed la yimi waa kuwo wata saameyntooda dhinac walba ha ahaatee, waxaa loo baahan yahay in Soomaalida ay ka feejignaadaan haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Itoobiya ka tirsan, Jibuuti iyo Soomaaliya. Hadaan soo qaadanno Wasaaradda Difaaca ee loo dhiibay Lemma Megersa oo ah shaqsi qowmiyaddaas uga awood badan Abiy Ahmed-ka Raiusl Wasaaraha ah, ciidamada dalkaas iyo laamaha ammaanka oo ay Oromo gacanta ku dhigto waxa ay halis ku tahay Soomaalida ay dagaalada kala dhexeeyaan Oromada, Is maamulka Soomaalida waxaa looga baahan yahay in ay soo jeedaan oo aysan ku dagnaan dhagarta uga imaan karta halkaas. Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda, caadiyan Qowmiyadda Ahxaarada waxa ay aaminsan yihiin in dhulka Soomaaliyeed ka tirsan yahay Itoobiya oo aysanba jirin wax la yiraahdo Soomaaliya! Hase yeeshee, waxaa iyadana lagama maarmaan ah in Jibuuti iyo Soomaaliya Wasaaradahooda Arrimaha Dibedda ah taas maanka ku hayyaan oo ay il dheer ku hayyaan heshiisyada ay hadda kaddib la galayaan Itoobiya! Gunaanad, Is bedeladda Itoobiya ilaa iyo hadda ka socda waa sida doon aan wali gaarin jihadi ay u socotay, dalkaas waa ka caadi in is bedel awoodeed oo qowmi ah ka dhaco balse waxaa habboon in Soomaalida ay ugu yaraan daristo oo ay la timaado istaraatiijiyad qowmi ah oo ay ugu babac dhigi karaan halis walba oo uga imaan karta. W/Q: Mohammed Kaafi Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadashay qorshe ay rabto in Alaabooyinka laga soo dejiyo dekeda Berbera ay kusii gaadhsiin laheyd Bariga Afrika. DP World ayaa sidoo kale sheegtay inay gabo-gabo ku dhowdahay daraasad ay ku wadey xarun ganacsi oo ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, taasi oo dalalka Bariga Afrika loogu qeybin doono alaabta laga soo dejiyo dekada Berbera. Suhayl Al-Banna oo ah madaxa shirkada DP World ee B/dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda lasoo gabo-gabeyn doono qorshaha ay ku rabaan in magaalada Diridhaba u noqoto xarunta bariga Afrika looga qeybiyo alaabooyinka dekadda Berbera laga soo dejiyo. Mr Suhayl ayaa sidoo sheegay in wax-badan laga qabtay dekadda Berbera intii ay gacanta ku haysay DP World, isagoona ka dhawaajiyey inay dekeda Berbera la doonayan inay noqoto xudunta G/Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa kale oo uu sheegay Mr Suhayl in shirkada DP World ay wado daraasad ku aadan sidii la iskugu xidhi lahaa xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekadda Berbera oo badda cas ilaa yurub iyo bariga fog isku xidheysa. Shirkada DP World ayaa u aragta haddii qorshahan uu hirgelo, mid wax-badan kusoo kordhin doono dekadda Berbera, kaasi oo saro u qaadi doona suuqa dekadda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE African Energy Chamber and Oil Industry Investors Welcome South Sudan Investment Drive in South Africa The Chamber believes South Sudan’s leadership also has an obligation to creating an enabling environment of investors to put more money into the country JOHANNESBURG, South Africa, April 21, 2019/ — South African and African private sector participants have an amazing opportunity to invest in South Sudans’ peace and make huge profits. This week the African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org) will join Hon. Nhial Deng Nhial, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation and Hon. Salvatore Garang Mabiordit, Minister of Finance and Planning, South Sudan’s global investment drive is arriving in Johannesburg this week. South Sudanese Cabinet Ministers and business leaders will meet with the African Energy Chamber and other investors at the Sandton Convention Centre in Johannesburg on April 24th from 9am to 5pm, hereby closing a 4-city global investment drive that previously took them to Washington, New York and Dubai. The delegation is notably made up of Agriculture and Food Security Minister Hon. Onyoti Adigo Nyikwec, Mining Minister Hon. Gabriel Thokuj Deng, South Sudan Investment Authority Secretary General Dr. Abraham Maliet Mamer, Nilepet Managing Director Dr. Chol Thon Abel, and South Sudan Petroleum Commission Chairman Amb. Ceasar Marko. The African Energy Chamber commends Afrexim Bank for providing a $500m financing facility to fund power transmission, infrastructure and agricultural projects. We also commend President Cyril Ramaphosa and his Energy Minister the Hon. Jeff Radebe for committing 1 billion US dollars in oil and gas an infrastructure projects in South Sudan. These bankable deals should be closed quickly as it will create opportunities for both the South African and South Sudanese people. “We are hopeful that the arrival of the South Sudanese delegation to South Africa will result in even more investment deals being announced,” declared Centurion Law Group CEO and AEC Executive Chairman NJ Ayuk. “Johannesburg is the financial capital of Africa and I am bullish that we will be able to raise more money to secure and promote lasting peace and investment in South Sudan”. The Chamber believes South Sudan’s leadership also has an obligation to creating an enabling environment of investors to put more money into the country. To achieve these great benefits, South Sudan needs to safely open up new oil blocks to exploration especially to African investors. It’s time to build refineries, pipelines, urea, ammonia, fertilizer plants, power plants, large agricultural fields and set up technology hubs. Recent discussions between The African Energy Chamber, South Sudan President Salva Kiir and his cabinet agreed that Economic growth must be front and center of the peace and recovery efforts of South Sudan. The African Energy Chamber believes that securing investments is not the problem. “Investors need an enabling environment and we are spending a lot of money to help South Sudan achieve that. It is business that creates jobs and hope. Economic revival and business are the solution; not aid. Our leaders in government need to understand this. We cannot afford smallness in our drive for peace, Investment and stability when what South Sudan and most of Africa really need are big pragmatic common sense solutions” added Mr Ayuk. The AEC will proudly and vigorously support South Sudan and it’s people, but we will reject narrow agendas wherever they come from and put the country first. We call upon all of African Energy Investors and corporate leaders to do the same. The Chamber will stand squarely with those who do. As a strong partner of South Sudan’s economic revival, the African Energy Chamber encourages all partners and interested parties, especially African entrepreneurs, to attend the investment drive and seal business deals with South Sudanese public and private sector leaders who will be present at the Sandton Convention Centre in Johannesburg on April 24, 2019. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. View multimedia content SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
The United Nations has resumed making refunds for Kenya troops in Somalia with a Sh3.75 billion pay in March, boosting Treasury’s cash reserves at the end of the third quarter of the current financial year ending June. Latest document on exchequer transactions by Treasury secretary Henry Rotich shows refunds from African Union Mission to Somalia (Amisom) stood at Sh3.757 billion as of March 29. The Treasury had only received Sh10.20 million in the seven months to February for a refund meant to be paid quarterly, drawing concerns from Nairobi. The March compensation by UN represents 44.2 percent of the Sh8.5 billion the Treasury has budgeted for the current year, which has two and a half months to run. The amount released in the three quarters is Sh922.87 million less than Sh4.68 billion in the same period in 2018. Kenya is demanding more compensation this year from the UN than Sh6.1 billion it has budgeted for in the last four years. The UN has, however, been facing a record cash crunch, which its boss Antonio Guterres warned July last year would affect the delivery of its mandate if not expeditiously addressed. “Our cash flow has never been this low so early in the calendar year, and the broader trend is also concerning: we are running out of cash sooner and staying in the red longer,” Mr Guterres warned in a letter to staff, appealing to member states to timely pay their assessments in full. He also pledged austerity measures for non-staff expenditures. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,728) for each soldier per month. Their respective governments then deduct about $200 (Sh20,180) for administrative costs, meaning the soldiers take home about $800 (Sh80,722). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. Source: Business Daily Africa
-
(SLT-Hargaysa) Hoggaamiyeyaasha kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda dalka Suudaan ayaa waxa ay wahadallo fool ka fool ah la yeesheen maamulka milateriga ee ay doonayaan in ay xilka kala wareegaan. Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir. Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah. Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin. Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray. Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay. Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha. Sidoo kale tallaabooyinka ayaa ah kuwo muhiim ah balse waxay u muuqataa in aysan soo afjari doonin dibadbaxyada isbadalka lagu dalbanayo. Arrintan ayaa imaameysa iyadoo shalay dacwad oogaha dalka Suudaan uu sheegay in uu billaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir, kaasi oo loo haysto eedo ah inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad. Guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay goblaha milateriga ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar. Lacagtaasi ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan. Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday. Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas Source