Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla heshiiska wadaaga khayraadka dabiiciga ah, si loo ansixiyo. Heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga oo ay saxiixeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kana dhacay Baydhabo June 5, 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo qeybsanayo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka dabiiciga ah. Akhriso, Heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah: Shidaalka Badda: Sida ku qoran heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga, dawladda federaalku waxay heli doontaa 55% dakhliga shidaalka laga soo saaro badda halka dowlad goboleedka ay heleyso 45%, dakhliga dambe waxaa qeybsan doona dowlad goboleedyada shidaalka soo saara iyo kuwa aan soo saarin, sidaasi waxaa lagu xusay heshiiskii qeybsiga kheyraadka ee Baydhabo oo haatan horyaalla golaha shacabka. Heshiiska waxaa ku jira in dowlad goboleedka shidaalka soo saarta ay dakhli ahaan heli-doonto 25% halka degmada ama gobolka sida gaar ah ay ugu yaallaan ceelasha saliidda ay helaan 10%. 10% kale ayaa waxaa nasiib u heli-doona dowlad goboleedyada aan shidaalka soo saarin. Dhinaca kale, shidaalka laga soo saaro dhulka ama berriga waxaa loo qeybsan doonaa, dowladda federaalka waxaa loo qoondeeyey dakhliga 30% halka dowlad goboleedka laga soo saaray shidaalka iyo gobolka sida gaar ah looga saaray ay kala qaadan-doonaan 30% iyo 20% siday u kala horreeyaan, halka dowlad goboleedyada aan soo saarin shidaalka ay xiso ahaan dakhliga heli-doonaan 20% . Haddii dhulka laga qodayo gaar loo leeyahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka waxaa ay kala helayaa 40-40% halka degmada soo daarta ay heleyso 10% iyo dowlad goboleedyada aan soo saarin oo ah 10%. Dakhliga Bixinta Laysinada ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada u qeybsan-doonaan 50-50 SPA: Shirkadda Somali Petroleum Authority (SPA) ayaa ka mas’uul ah bixinta laysinnada, la socodka iyo dhaqan-gelinta shuruucda shariga shidaalka iyo arrimo kale. Idaacadda Goobjoog
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif, ayaa kusoo biirey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiga Waddani. Guddoomiye Xinif oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa, ayaa waxa uu si adag uga jawaabay eedeymo ay xukuumada u jeedeyiin Mas’uuliyiin ka tirsan Xibsiga mucaaridka ah ee Waddani, wuxuuna yiri “Rag badan oo shalay halkaa ka hadlayey, markay Kulmiye joogeen iyaguna ma xumayn, Kulmiye-na xumayn, waxa imika u muuqdaa xilalka markay hayeen umay muuqanin, laakiin markaas ayaa laga rabay inay yidhaahdaan ‘Waxaasi wuu innaga khaldan yahay’ Marka aan xukuumadda ka tirsan-nahayna aan amaano oo khaladkeedu ii muuqan waayo, markaan dibedda ka joogana ii noqoto abaar, Ceeb bay ku tahay dadnimada”. “Raggaa waxa ka mid ahaa Rag lahaa Muuse Biixi haddaanu talin garanayn Anaga ha noo yeero, xitaa Madaxweyne ma odhanin, hadalkaa qosol ayuun baan kaga jawaabi karayaa”. Wuxuuna intaas kusii daray Xinif “Cabdiraxmaan-cirro inuu Waddanka Madaxweyne ka noqdo Mar uun, laakiin Waddadii ma hayaan, waddadii isna ma hayo, kuwan la joogana ku duwi waaye, Waddo kale ayay hayaan. Xaq buu u leeyahay, waanu la jecel nahay, iinsha-allaah wuu noqon doonaa, laakiin Waddadii ma hayo, markaa waxaan leeyahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Waddada ku soo baydh”. Guddoomiye Xinif ayaa ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Siyaasintii hore uga tirsanaa Xukuumadihii Kulmiye ee maanta ka tirsan xisbiga Waddani, inaysan waxba ku soo kordhin doonin xisbigaas oo ay dumin doonan. Muddooyinkii u dambeeyay waxa sii xoogeysanayey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo warbaahinta isku marinayay hadalo kulul iyo eedeymo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu xirmay gabi ahaanba garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayaa xirmay kadib markii roobab xoogan ay ka da’een gobolka Hiiraan, kaasi oo biyo dhigay garoonka diyaaradaha oo caro madow (Dhoobo) ah. Sanad walbaa xiligaan oo kale waxaa xirma garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, waxaana keenaya inaan xiliga Roobab aysan jirin diyaar garoow, islamarkaana wax dhismo ah lagu sameyn. “Runtii roobkii Guga daadad uu watay iyo Carro ayaa xiray Garoonka diyaaradaha Baladweyne maalmahaan ma aheyn mid Shaqeeya,qofkii Xamar u socda Gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu Diyaarad uga soo raaco” ayuu yiri qof ka mid ah dadka reer Baladweyne. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka doonaya inay kasoo baxaan magaalada Beledweyne inay tagaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay diyaarad kasoo raacaan. Amaanka wadada dhulka ay ee xiriirisa Muqdisho iyo Beledweyne ayaanan wanaagsaneyn, taasi oo keentay in dadka deegaanka ay diyaarad ku yimaadaan magaalada Muqdisho. Labo sano kadib maamulka Hirshabeelle ayaanan ku guuleysan inay dhistaan garoon diyaaradeed oo caalami ah, iyadoo kaliya ay Jaay (Dhagxaan) ku shubeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar. Caasimada Online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com
  4. Madaxweyne Deni shir jaraa’id Garoowe 14 May 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka warbixiyey Shirkii Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS. “Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweynaha Puntland. Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa xusay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. “Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”. “Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”. Madaxweynaha ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah. “Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadkay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed. “Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”.Ayuu Yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mahadnaqay dhammaan shacab weynaha Puntland, gaar ahaan shakhsiyaadkii ka qayb qaatay soo dhoweynta wafuuddii kala duwanayd ee soo gaaray Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in mar waliba la ilaaliyo jiritaanka iyo nidaamkii Puntland lagu aas aasay. Halkan ka daawo shirka jaraa’id oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo si faahfaahsan iga hadlay arrimaha fashiliyay shirkii Garoowe appeared first on Puntland Post.
  5. There have been substantial discoveries of oil and gas in East Africa and the Indian Ocean in the last decade, but the full potential of the region has yet to be realised, as Tom Collins reports. Source: Hiiraan Online
  6. Sheffield’s first Muslim Lord Mayor has revealed he kept a hate-box in his chambers due to receiving dozens of hateful abusive messages. Source: Hiiraan Online
  7. A Londoner is set to become the first Miss Universe Great Britain contestant to wear a headscarf in the competition. Source: Hiiraan Online
  8. Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the issue of jihadist violence directed at Muslims in a newly released audio message. Shabaab’s propaganda arm, Al Kata’ib Media, produced the recording, which is accompanied by English subtitles. Warsame alternates between Arabic and Somali throughout his lecture, which is peppered with references to Islamic texts. Source: Hiiraan Online
  9. Two months after Ethiopian Airlines Flight 302 crashed, killing all 157 people on board, the CEO of the airline said his crews and passengers have lost confidence in the Boeing 737-MAX and he wants the company to conduct a more thorough review of the plane. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha Xukumadiisa ayaa markale indho indhayn socdaal ah ku maray dhulka Roobabku wax yeeleeyeen Magaaladda Hargaysa. Sannadkii hore ayuunbay ahayd markii Dad daadad ku qaadeen Hargaysa dhexdeeda uu Madaxweynuhu indho indhayn ugu tagay, waxaana kamid ah qoys caruur uu kala tagay Dadku, xaafadda Daami oo dhaamkeedu Dad liqay iyo goobo kale. Isla Caawa waxaa magaaladda Hargaysa ka da-ay roob keenay dhimasho iyo dhaawac sidii caada ahayd Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiisha Ciidanka ayaa Soo indho indheeyay, waxaana muuqata awood darrada Xukuumadda Muuse Biixi oo sannadkii labaad dhacdooyin isku mid Ah isku Si u wajahaysa. Source
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo caawo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha Soomaaliya. Arrinta ugu muhiimsan [...] Source
  12. (SLT-Hargaysa) Roob xoogan oo mahiigan ah oo Caawa Fiidkii Wakhtiga xiligii Afurada ka da’ay Magaaladda Hargaysa ayay ka dhasheen Khasare xoogan. Inta la hubo ilaa 5-Ruux ayaa u geeriyooday waxyeelada Roobka, halka tiro kalena dhaawacyo soo gadhwen, Sidoo kale waxa khaasare ku yimi Dhismayaal isugu jira Huteelo iyo Guryo . Wakhtiga Oo goor habeen ah awgeed waa suurto gal in Khasaaruhu intaas ka badnaado. Dhibaatada Ugu daran ee Magaaladda Hargaysa haysata ayaa ah dhulkii biyo marrenada oo xidhmay iyo Magaaladda Oo aan lahayn wax diriinij ah amma meel biyuhu ka baxaan oo maraan taas oo khasaaraha ugu badan ka dhasho. Geesta kale shirkasaha Laydhka oo iyana aan habays nayn ayay mar kasta oo Roob yimaado Dad ku dhintaan. Source
  13. Imtixaankii Digsiyda Sare ee Muqdisho oo la kansalay kafib markii waraaqihii Imtixaanka ay suuqa galeen maalmo ka hor maalintii loo balan sanaa in imtixaanka la [...] Source
  14. Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown. Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X . Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle Waaxda War Faafinta ee xisbiga WADDANI Hargysa.Somaliland Source
  15. (SLT-Hargaysa)Qoysas danyar oo ku nool xaafad ka mid ah Hargeysa ayaa sheegay in nin madaxweynaha Somaliland ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cumar Biixi Cabdi iyo wiil uu abti u yahay ay ku haystaan dhulka ay deggan yihiin. Madaxweynaha Somaliland ayay ka codsadeen in uu ka qabto xubnahan ka tirsan qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay dulminayaan. Ninka ay walaalaha yihiin madaxweynaha ayay sheegeen in uu Qurbaha uga yimi si uu dhulkooda u qaato. Dhinaca la eedeeyay ilaa hadda kama jawaabin. Dhawaan ayuunbay ahayd markii buuq ilaa hadda taagani ka dhashay dhul Madaxweynuhu Sheegay in Madaxtooyo cusub laga dhisaayo taas oo Haween maato ah tacadi badan loogu gaystay. Source
  16. When I worked in Somalia from 2016 to 2018 supporting provision of military assistance to forces combating al-Shabaab, most discussions with international partners acknowledged that our efforts could not ultimately defeat the jihadist group. As part of the plan for transitioning security Source: Hiiraan Online
  17. Garoowe, May 13, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb-galay munaasabad ay degmada Garoowe Kula Wareegaysay Sadex Dab-Damis iyo booyad biyo [...] Source
  18. Munaasibada doorashada iskaashatada kaluunka ee Bosaaso ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada,waxaana doorashadan qabatay wasaarada [...] Source
  19. Wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare. Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka soo muuqday warbaahinta dowlada ayaa ku dhawaaqay in imtixaanka la joojiyay. Wasiirka ayaa sheegay in la arkay imtixaankii lagu kala gadanayo suuqyada islamarkaasina ardaydu ay sii heeystaan qishka maadooyinka ay galayaan. 27-ka bishaan ayuu iclaamiyay wasiirka in intixaanka dib loogali doono. Waxa uu sheegay in la xakameeyn doono imtixaanka islamarkaasinna inta uu imtixaanku socdo hawada laga saari doono Baraha ay bulshadu ku xariirto. Sabtidii la soo dhaafay ayeey u fadhiisteen in ka badan 30 kun oo arday ah imtixaanka shahaadiga dugsiga sare. Hoos ka daawo Muuqaalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo joojisay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
  20. Somaliland: Afar Shaqsi oo sitay dhalasho dalka Kanada baa Somaliland soo gaadhay, laba shaqsi waxay ixtiraameen dhaqanka iyo sharciga Somaliland, oo wayba ku aqal galeen, Qaran News