Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia oo maanta ka hadlay furitaankii kal-fadhigii afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay in looga baahan yahay muwaadin walba oo Soomaaliyeedd inuu muddo 2-saac iyo bar ah u shaqeeyo qarankiisa maalin walba oo jimco ah. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna xusay in tallaabooyinkan oo kale lagu dhisayo waddamo badan oo caalamka ku yaalla, gaar ahaan Afrika. “Qof walba oo Somali ah, Waxaa looga baahan yahay malain walba oo Jimco ah inuu muddo 2-saac iyo bar ah uu u shaqeeyo Qarankiisa, si dalka dib loogu dhisho,” ayuu yiri Farmaajo oo intaas ku daray in dalal oo colaado soo maray in tallaabadan oo kale lagu dhisay. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in haddii la isku kaashado dib u dhiska dalka in muddo kooban dalka oo dhan lagu dhisi doono, isagoo xusay in la doonayo in 32-xarumood lagu dhiso hannaanka is-xil-qaan. “Waxaan doonaynaa inaan 32-goobood oo ay ku jiraan jardiinooyinka iyo golaha kale sida Garoonka Kubadda Cagta lagu dhiso hab is-xil-qaan ah oo qof walba uu ka qayb-qaato,” ayuu hadalkisa ku daray. Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen Garoonka Stadium Muqdisho, halkaasoo muddo 7-sano ah u ahayd fariisin ciidan, Dowladduna ay ballanqaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto. Ugu dambeyn, Madaxweynuhu ma sheegin xilliga uu qorshahan dalka loogu shaqeynayo uu billaaban doono, iyadoo Farmaajo uu noqonayo mas’uulkii ugu horreeyay oo ku dhawaaqa tallaabadan oo kale. PUNTLAND POST The post FARMAAJO: Qof kasta oo Soomaali ah waa in uu Jimco walba Saacado u shaqeeyo Dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) – At least 10 people have been killed in a suicide car bomb rammed into a local government office in Somalia’s capital Mogadishu. The blast claimed by al Qaeda-linked al Shabaab destroyed Mogadishu’s Hodan district headquarters, according to a tea-seller, Faisa Mohamed. Mohamed says huge clouds of smoke could be seen in the skyline, shortly after the explosion. Amin Ambulance service said its rescue workers had taken at least 16 people, who were injured in Monday’s suicide explosion. The Al Qaeda linked Al Shabaab claimed the responsibility for the blast through its website. Al Shabaab – which is fighting to topple the government and establish its own rule based on its interpretation of Islamic law – said it was behind the attack. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. The Islamist militant group has frequently carry out attacks in the capital and other areas since the army, backed by African peacekeepers, pushed it out of the capital in 2011.. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since dictator Mohamed Siad Barre was toppled in 1991. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali army forces launched an offensive against Al Qaeda linked Al Shabaab group in south of Somalia. The military offensive was conducted in small areas between Afgoye and Bal’ad towns, some 30km south of Somali capital Mogadishu. Somali military claimed to have rescued unarmed civilians from detention center runs by Al Shabaab, according to SONNA News Agency. Agency reported that the military forces had taken weapons from the group’s fighters. There was no comment from Al Shabaab over the claims. The al Shabaab militia, linked to al Qaeda, is fighting to topple the U.N.-backed Somali government and establish its own rule based on a strict interpretation of Islam’s sharia law. Somalia has been plagued by conflict since the early 1990s, when clan-based warlords overthrew authoritarian ruler Mohamed Siad Barre then turned on each other. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  4. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose oo ay maamulayeen Al-shabaab. Ciidamadan oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaasi kadib markii halkaasi isaga baxeen Al-shabaab. Deegaannada ay Ciidamada dowladda ay la wareegeen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seeraar Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka kala beyr oo markii ay hore ay Maamuli jireen dagaalyahanno ka tirsanaa Alshabaab. Ciidamada la wareegay deegannadan ayaa waxaa ay ka mid yihiin ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya waxaa ayna ka ambabaxeen saakay degmada Afgooye oo ay ku sugnaayee. Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaannadan ka tirsan Shabellaha hoose kadib markii ay maqleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowladda. Todobaadyadii dambe ayaa ciidamada dowladda waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Shabellaha hoose kuwaasi oo ay ku doonayaan in gacanta ku soo dhigaan deegaannada ka maqan gacantooda oo ay maamulaan dagaalyahanadda Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka kalfhigga baarlamanka Soomaaliya ee maanta uusan noqon sidii la filayey, ayada oo xubnaha Aqalka Sare ay diideen, kuwa Aqalka Hoose-na ay waxyar ka yimaadeen. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xarunta ka dhacday dhacdo ugu ah, oo ah in dad laga soo ururiyey degmooyinka gobolka Banaadir oo u badan haween lagu soo buuxiyey xarunta. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. Halkaan waa Akadeemiyada Booliska Jeneraal Kaahiye (Scuola Polizia). Saakay waxaa lagu balansanaa in uu ka furmo kalfadhiga Goleyaasha Barlamaanka Federaalka labadiisa Aqal (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare). Xildhibaanada Aqalka Sare ma imaanin xarunta saakay. Waana diideen in ay ka qayb noqdaan furitaanka Kalfadhiga. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee madasha xoo xaadiray aad ayay u yaraayeen marka la barbardhigo furitaanadii midkaan ka horeeyay! Sidoo kale waxaa hoolka soo buuxdhaafiyay dhowr boqol oo haween ah oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir oo wata sawirada Madaxweynaha iyo calamada Gobolka Banaadir. Taasoo ah dhacdo ugub ku ah furitaanada kalfadhiyada Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya! Waxay arimahaani kusoo aadayaan iyada oo maanta magaalada Mogadishu uu ka dhacay qarax aad u xoog badan dhimasho iyo dhaawacna geystay. Sidoo kalena uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo gaaray heerkii ugu sareeyay. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. The President of the Federal Republic of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) is expected to officially open the fourth session of the House of the People (Federal Parliament), Monday. Source: Hiiraan Online
  7. Maamulka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu hormarinayo garoomada kubadda cagta ee Magaaladaasi. Duqa Magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax ayaa sheegay in garoomada B/weyne ay dib u habeyn ku sameynayaan dhawaan,si dhallinyarada ciyaara kubbada cagta ay u helaan garoomo wanaagsan oo lamid ah kuwa caalamka. Cali C/qaadir waxaa uu sheegay in garoomada kubadda cagta ee Beledweyne ay hareeyeen dayac iyaga oo aan heysan cid dayactir ku sameysa garoomada, waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin hagaajinta garoomada si dhallinyarada ay ugu soo bandhigaan xirafadahooda la xiriira kubadda cagta. “Garoonka weyne ee magaalada waa uu xiranyahay waan tagay waxaan arkay isaga oo ay geedo ka baxeen, waxaan rajeynayaa in todobaadkan aan hagaajin doonno,waxaan diyaar u nahay in aan dib u soo celinno goroomadii kubadda cagta ee B/weyne”. Garoomada kubadda cagta ee B/weyne ayaa ah kuwo ay ka muuqdan dayac badan mana aysan helin dhallinyarada xiiseysa meel ay ku soo bandhigaan xirfadahooda ciyaareed balse hadda waxaa jira dhaqdhaqaaq uu sameynayo Maamulka B/weyne oo lagu doonayo in dib u dayactir logu sameeyo garoomada kubadda cagta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla ayaa maanta dhowr saacad ku xanibnaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo loo diiday inuu ka dhoofo, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay. Cabdalla Cabdalla ayaa wararku sheegayaan in loo diiday inuu ku safro baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya ee uu haystay, loomana sheegin wax sabab ah. Dood dheer kadib ayaa la sheegay in Cabdalla Cabdalla loo ogolaaday inuu garoonka ka baxo, isaga oo ku safray baasbaoorka dalka Jabuuti oo uu haystya. Weli dowladda arrintan wax war kama soo saarin. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xayiraaddiisa anaay la xiririin amar ka dhan ah inuu ka baxo dalka, balse ay ahayd in loo diidanaa kaliya baasaboorka diblomaasiga. Waxaan caddeyn sababta dowladda aysan baasaboorka uga nasakhin haddii aysan dooneyn inuu adeegsado, oo ay ula sugtay illaa uu garoonka ka yimaado. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kalfadhiga 4aad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare. Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhiga Aqalka Hoose , kaasoo ay horyaalaan Ajandayaal kala duwan. Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 54 xubin, ayaa wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse dhanka saameynta siyaasadda waxaa uga xoog badan gollaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan wuxuu shir ugu soo xirmay magaalada Kismaayo. Shirkaas qodobadii kasoo baxay waxaa ugu muhiimsanaa inay maamulada joojeyn wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Dhexe kadib markii ay dowladda ku eedeeyeen inay fulin weysay heshiisyadii horey loo galay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Shan qodob oo laga bartay Shirkii Maamul Goboleedyada ugu soo dhamaaday Kismaayo iyo war murtiyeedkii laga soo saaray: 1) Heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka DF iyo Maamulada War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday wuxuu caddeyn buuxda u yahay inuu meel sare gaaray khilaafkii uu dhaxeeya maamulada iyo dowladda Dhexe. Khilaafka ayaa gaaray heer ay maamulada yeeshaan Seddex kulan iyadoo la xasuusto in kulankii koowaad ee ka dhacay Kismaayo kadib ay wada fadhiisteen dowladda dhexe iyo Maamulada isla markaasna aan wax natiijo ah laga gaarin khilaafkaas iyadoo ugu dambeyn xiriirka la isku jaray. 2) Dowladda ma xakameyn karto Maamul Goboleedyada: Shirka Kismaayo waxaa laga fahmay inaysan dowladda xakameyn karin maamul Goboleedyada, xataa aysan awood u laheyn inay soo xiro gashato ugu yaraan laba maamul Goboleed. Dowladda ayaa suuqa lasoo gashay Istaraatiijiyad dardar ah oo ku saleysan in si deg deg ah meesha looga saaro Madaxda Maamul Goboleedyada maadaama aysan diyaar u aheyn inay ku shaqeeyaan siyaasadda dowladda Dhexe. 4) Kursiga Maamul Goboleedyada oo culeys soo fuulay Maadaama ay 3 kamid ah Maamul Goboleedyada oo kala ah: Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay wajahayaan doorashoyiiin waxaa muuqato in dowladda dhexe uu culeys badan kaga imaanayo isla markaasna ay dowladda wadato musharixiin ay dooneyso inay boosaskaas geysato taasoo kentay inay maamul Goboleedyada difaac xirtaa isla markaasna ay qaab kasta uga hor imaadaan hamiga ku jiro dowladda dhexe. Federalism-ka suurtagel uma ahan Somalia Shirka Maamul Goboleedyada iyo midowga ay sameysteen wuxuu caddeyn buuxda u yahay in lagu qaldoomay nimdaamka Federtalism-ka ah ee laga hirgeliyey Soomaaliya. Soomaaliya oo dhibaato weyn kasoo kabaneyso xilligaan macquul uma ahan inay u dulqaato xukunka 6 Madaxweyne oo mid kasta wato qorsho iyo ujeedo gaar ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay hal madax weyne oo dalka kusoo celiyo dowladnimada iyo kala dambeynta balse waxaa moodaa inuu Federalism-ka kasoo hormaray waqtigiisa. 5) Isku xirnaanta Madaxda Maamul Goboleedyada Seddexdii shir oo ay Maamul Goboleedyada ku yeesheen Kismaayo iyo Baydhabo waxay si cad u muujiyeen in Maamul Goboleedyada ay isku xiran yihiin isla markaasna ay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga hortagaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay wadaan Madaxda Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay talaabadii ay maamul goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda dhexe ay la lahaayeen. Xildhibaanka oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay yihiin kuwa aan dooneyn jirintaanka dowladnimada Soomaaliya dano gaar ahna ka leh dowladda sida uu sheegay. Waxa uu ugu baaqay iney ilaaliyaan sharciga kana shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa dalka sidoo kalena aan hada loo baahneyn khilaaf, wuxuu kaloo tilmaamay in dowladda dhexe ay leedahay awood ay dalka oo dhan ku maamusho, dowlad goboleedyadana looga baahan yahay iney shaqooyinka ugu dambeeyaan dowlad dhexe. “Sida aan aniga hada u jeedo waxay ku heshiiyeen maamul goboleedyada inay dumiyaan qaranka, nimankan sidoodaba waxaa ka go’an in dowladda dhexe ay lugta qabtaan, si ay u gaaraan dano gaar ah oo ay leeyihiin, maxay wax uga qaban waayeen amniga goobaha ay joogaan, waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan sharciga”. Ayuu yiri xildhibaan C/laahi. Madaxda maamul goboleedyada oo Sabtidii uu shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen inay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe, ilaa laga xaliyo tabashada ay qabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Six people were killed and another 16 injured when a car bomb exploded outside a local government office in Mogadishu on Monday, Somali police and rescue workers said. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo tagay xarunta degmada Hodan ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasoo maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan. Gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay gaariga qarxay in uu xoog kusoo jiiray Barkontarool ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo degmada ka dibna uu gudaha u galay xarunta degmada. Waxaa uu sheegay in ay hadda ku jiraan gurmad loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado gaartay,islamarkaana Qaraxa uu sababay dhimasho, Burbur iyo dhaawacyo, inkasoo gudoomiye yariisow uu shaacin tiradda waxyeelado soo gaartay. Ilo Madax banaan ayaa xaqiijiyay ku dhawaad 7 qof in ay dhinteen, kuwaasoo isugu jira Askar iyo Shacab. Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo uu waday qof Naftii halige ah. Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa badqaba, waxaana hadda uu ku jiraa dadka gurmadka u sameynaya dadka ay waxyeelado gaartay , inkastoo ay jiraan xubno maamulka ka tirsan oo dhaawacyo ay soo gaareen. Mudo toban Maalmood gudahood ah waa Xaruntii labaad oo weerar ismiidaamin ah lagu qaado,iyada oo todobaadkii hore la weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-wadag ee Gobolkan Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Dhallinyaro badan oo ku nool Caasimadda ayaa sheegaya in nolashooda uu saameyn ku yeeshay qiima korarka ku yimid kalluunka waqtiga bad xiranka. Kalluunka laga soo jalaabto xeebaha Muqdisho waxaa nolashooda ku maareyn jiray dad badan,hadii ay ahaan lahaayeen,kuwa soo jilaabta, iyo kuwa kasii ganacsada ,maadama waqtiga bad xiranka ay yartahay in kalluun si sahal ah lagu helo. Mowliid C/laahi Aweys waxaa uu iibiyaa Kalluunka waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Kalluunka la keeno Suuqa uu yahay mid aad u yar waxaa uuna ku sheegay sababta in lagu jiro xilliga bad xiranka. Maxamed Nuur Muxidiin isna waxaa uu ka mid yahay Kalluumeysatada waxaa uu sheegay in ku dhowaad labo bil uusan helin wax jilaabasho ah Maadaama lagu jiray xilliga bad xiranka oo hadda uu Waqtigiisa uu sii dhamaanayo. Markii uu yaraado Jillaabashada Kalluunka waxaa ciriiriga ugu badan la kulma Macaamiisha iibsata Mallayga iyaga oo sidoo kale lagu kordhiyo qiimaha. Maxamed Xeydar iyo Daadir waxaa ka mid yihiin Ganacstada Kalluunka iibiya waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in ay aaminsanyihiin in badda uu ka jiro Mallaay yari jirto taasina ay keeneyso qiimo koror ku yimaada qiimaha Kalluunka . Marka lagu jiro bad xiranka waxaa aad u badan Khasaaraha ka dhasha kaasi oo is kugu jira naf iyo Maalba waxaana Kalluumeysatada soo gaaro dhibaato badan oo ay kala kulmaan badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Afgooye (Caasimadda Online) – Hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos-taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo dhexe ayay kula wareegeen deegaanada Basra iyo Baqdaadi. Hawlgalkaas ayaa lagu soo furtay dad shacab ah oo u xirnaa Maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo hadda dib ula midoobaya ehelkooda. Ciidanka ayaa deegaanadaas ka wada hawlgallo nabadgalyada lagu xoojinayo, islamarkaana miinooyinka looga saarayo jidadka ay maleeshiyadu gooysay, sida uu SONNA u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan xoogga dalka. Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana looga furtay saanad ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa dhaliyay burbur xooggan oo gaaray dhismaha xarunta maamulka degmada Hodon. Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gaarigiisa ku qarxiyay bartamaha xarunta degmada Hodon ee bartilmaameedka ku aheyd. “Al-Shabaab istish-haadi ah ayaa gaari ku beegsaday xarunta Kooxda degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, camaliyadda ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur xooggan oo gaaray dhismaha”ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Dhimashada ka dhalatay qaraxan ayaa tobaneeyo gaaraya balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo. Goobta weerarku ka dhacay ayaa ah xasaasi waxaana ammaankeeda si aad ah u ilaaliya ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska. 2-dii Bishaan September ayay aheyd markii weerar midkan lamid ah lagu burburiyay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana isla weerarkaas mas’uuliyaddiisa sheegatay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (Caasimada Online) – A loud blast followed by gunfire was heard in Somalia’s capital Mogadishu. Huge clouds of smoke could be seen above the Hodan district headquarters in the capital. The blast went off after car laden with explosives rammed into the headquarters, killing at least 7 people. There was no immediate claim of responsibility for the explosion. But, such attacks are often carried out by Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. The group has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  18. Muqdiaho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala Fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kal fadhiga ka qeybgalkiisa ay diideen Xildhibaanada ayaa hadda Munaasabadiisa ay ka socota xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye. Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay furitaanka kalafadhiga Aqalka Sare, islamarkaana maalinta Berri ah furi doonaan. Sidoo kale, Xildhibaanada waxa ay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn furitaanka maanta ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ee dugsiga Generaal Kaahiye. Docda kale, Sanoterada weli masheegin sababta rasmiga ah oo ay u qaadaceen furitaanka Kulanka Baarlamaanka labada aqal oo Maanta lagu waday in si wadajir ah u furmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen Qarax culus oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay oo maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodan ee Xamar. Qaraxan oo ahaa mid laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha xarunta degmada, isla mrakaana loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Puntland Post in Qarax uu geystay khasaare aad u xooggan ayna burburtay inta badan xaruntii degmada Hodan, iyagoo ku dray intaas inay jiraan khasaarooyin aad u fara badan. “Waxaan arkay maydadka lix qof oo goobta ku naf-waayay, dhaawacyo ayaa sidoo kale waxaa goobta ka qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri Goobjooge ku sugan agagaarka halka uu qarxu ka dhacay. Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa isagana u sheegay warbaahinta in gaariga uu ku qarxay gudaha xarunta degmada oo ay shaqo maalmeedkii caadiga ahaa ka socotay, khasaare badan ayaana ka dhashay. “Baaritaanno ayaa weli socda, waxaase hordhac ahaa u sheegi karinaa inay dhinteen lix qof, toab ruux in ka badanna ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan booliiska oo diiday inuu magaciisa sheego. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qarax ku weerartay xarunta Degmada Hodan ee Muqdisho, ayna tani qayb ka tahay dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka Somalia, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Axaddii aynu kasoo gudubna ay sidan oo kale Al-shabaab qarax ula beegsatay xaruntii degmada Howl-wadaag, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo aad u fara badan. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Khasaarihii ka dhashay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka laga galo Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir. Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga maqlay jugta qaraxa,iyada oo ay xigtay rasaas farabadan oo aan weli la shaacin cida rideysa. Inta badan waxaa bur buray Xarunta Maamulka degmada Hodan ee qaraxa lagu weeraray,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Wariyeyaal ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ay arkayeen khasaaraha dhimasho ee qaraxasi ka dhacay,sial amrkaana ay jiraan dhaawacyo ay qaadayaan Gawaarida gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano ambalaasta.
  21. Weerar ismiidaamina oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Xiliga uu Qaraxa ka dhacaayay xarunta ayaa waxaa halkaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo halkaa howl uga soctay. Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay sheegeen. Dad ku sugnaa albaabka dhismaha xarunta ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxa waxaana sidoo kale kamid ahaa ciidamo ka tirsan kuwa degmada. Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.
  22. At least four people are dead after a suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle at the gate of a district headquarters in Mogadishu, a Somali police officer said Monday. Source: Hiiraan Online
  23. A suicide car bomb rammed into a local government office in Somalia’s capital Mogadishu on Monday causing casualties, a police officer told Reuters. Source: Hiiraan Online
  24. Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari, kaasi oo lagu weeraray xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in burbur xooggan uu soo gaaray guud ahaan xarunta degmadaasi, waxaana sidoo kale burbur xooggan uu soo gaaray dhammaan guryihii ku dhowaa halkaasi. In ka badan 10 qof ayaa dhaawac uu soo gaaray, iyadoo weli aan la hayn tiro sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxan. Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka ah, waxaana la daabulayaa dadka waxyeelladu soo gaartay. Xilliga qaraxan uu dhacayey waxaa degmada Hodon ka socday shaqooyinkii caadiga ahaa, iyadoo gaarigan lama filaan halkaasi ugu qarxay. Ma jirto cid ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qaraxan, iyadoo weli gurmadka uu socdo. 2-adii bishan ayeey ahayd markii qarax Ismiidaamin ah oo xooggan sidan oo kale loogu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Aqalka Sare ee baarlamaanka 10aad ayaa qaadhacay ka qeyb-galka kulanka lagu furayey kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka federaalka ah. Senatarro la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aan aqalka sare aan la furi-doonin maanta, oo furitaanka uu dib ugu dhacay maalinta berri ah. Senatarrada ayaa ka gaabsaday inay nala wadaagaan faah-faahin intaasi dhaafsan. Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com