-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – War murtiyeed kasoo baxay Qaramada Midoobay Midowga Africa, Dowladda Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Mareykanka ayey si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen qorshaha ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu dib u habeynta ugu sameynayo ciidanka xooga dalka, si looga dhabeeyo qorshaha dowladda ee horumarka amaanka. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dhiiro-galinayaan sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay horumar laga gaaro dhanka amaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna balan qaadeen in ay kordhin doonaan taageerada kala duwan ay siiyaan Soomaaliya. War murtiyeedka ayey ku sheegeen sidoo kale xaaladda Soomaaliya ay kala hadli doonaan ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo bangiga aduunka shir qabsoomi doona bisha April ee soo aadan,si Soomaaliya looga cafiyo qeyb kamid ah deymaha lagu leeyahay. “Waxaan rajeeneynaa in go’aano dhaxal gal ah aan ka gaarno sida aan u kordhin laheyn taageerada howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo guud ahaan amaanka dalka dhawaan ku wareeji doona ciidanka dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka ka soo baxa dhinacyadan taageera Soomaaliya. Ugu danbeyn, war murtiyeedka ayaa lagu xusay in dhamaan taageeradaasi ay umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka u horseedi doonto xasilooni iyo barwaaqo, waxayna deeq bixiyayaasha caalamka ugu baaqeen in ay garab istaagaan dedaadalada ay wado dowladda Soomaaliya, si looga dhabeeyo qorshayaasha horumarinta qaranka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay oo isniin aheyd kormeer ku tagay dugsiga Janaraal Goordon iyo taliska guud ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey isaga fogeeyey guul-darrada fulinta ballan-qaadkiisa ahaa inuu laba sano dalka uga xoreynayo Al-Shabaab. Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waan xusuustaa, qaarkiinna waxaa laga yaabaa in aad xusuusataan, waxa aan ku wada hadalnay, oo waxaad ii sheegteen dhibaatooyinka iyo duruufaha jira, duruufahaas haddii la xalinaya muddo 2 sano ah in dalka Shababaab looga xureynayo, anna waxbaad i farteen in aan ka soo baxo, anna wax ayaan idiin faray, meeshaas waxaan ku kala qaadannay ballamo”. Madaxweynaha ayaa sii faah-faahiyey waxa ay ku wada hadleen “Waxaa tiraahdeen ciidankan waa duruufeysan yahay muddo dheer mushaar ma qaadan, dhibaatooyin badan buu qabaa, maxaa ku iraahdaa rasaas la’aan iyo hub la’aan ayaa jirta haddii intaas la xaliyo, oo duruufaheenna, waajibaadkeenna waa gudaneynaa.” Isaga oo intaas raaciyey “Halkan waxaan idiin kugu imid in aan is wareysanno, oo is xog wareysanno’, annaga wixii aad noo dirteen oo ahaa duruufihiinna in aan meel saarno oo ay kow ka aheyd mushaaraadka, raashiinka oo taxane ah, oo aanan aheyn sida aan taqaaneen wax talan-taalli ah ama bil dhaaf aanan aheyn, oo aad noqotaan saraakiil suga ama ciidan suga mushaarkooda, xuquuqdooda, waqtigii loogu talo-galayna ay qaataan, waajibaadkaas ayaad na saarteen, oo waxaa tiraahdeen, innagana waan ka soo baxeynaa in aan cadawga ummada Soomaaliyeed ka dulqaadno, intaas ma xusuusataan? (Ciidamada “Haaa”), Farmaajo waxaa uu soo qaatay sheeko dhex martay isaga iyo saraakiisha 2011-kii “Weliba saraakiishii markaas joogtay waxaan u sheegay, waxaan la wadaagay khibradeyda 7 sano ka hor markii aan ra’isul wasaare noqday, oo Shabaabka madaxtooyada hoosteeda iyo baar bulsho ay joogeen in duruufahaan aad sheegteen oo ay qabeen, oo markaas taliyeyaashii aan u yeeray iyo AMISOM, oo weliba ay sheegeen, in aad sheegteen oo ah in haddii duruufahaas la xalliyo in muddo 3 bilood ah ay Xamar kaga saaraayaan Al-Shabaab, ilaahayey waa noo fududeeyeen waxaan xaqiijiyey bil walbo iyada oo aan horay loo arag in ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha xuquuqdooda helaan bil walba, waqtogooda ay helaan iyo raashinkooda iyagana waajibaadkooda waa guteen, waana ka adkaadeen Shabaab, magaalada Muqdishana waa ka xureeyeen”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadda, markii aan balanta kala qaadaneynay waxaan idiinku iri, labo sano armey idiinki yar tahay? Waxaa igu tiraahdeen dareeska qaado iclaami dagaal, 2 sano dalka waan ku xureyneynaa, haddii aad ka soo baxdo waajibaadkaada, maanta waxaan halkan la taaganahay marka, labadii sano marka laga reebo 3dii bilood oo howlo kale ay bilowdeen si joogta ah ma heleyseen raashinkiinna iyo mushaaraadkiina? Ciidanka: Haa.”. Isaga oo su’aalo weydiinaya waxaa uu yiri “Ciidamada qalabka sida oo aad taliyeyaasha u tihiin bil walba ma u helayeen? Ciidanka: Haa. “Haddee ogaada, wax horay loo arkey ma aheyn, waana waxa aad iga fileyseen aniga..laakin waxaan ku guuleysannay balantii dhankeenna in aan fulinno, aan idiin weydiiyo marka; Labadii sano adinka Shabaab maka xureyseen dalka?! Ciidanka: Aamusnaan! Farmaajo: Maka Xureyseen?! Ciidanka: Maya. Farmaajo: Marka ma la oran karaa taliyeyaashii waagaas joogay(2011-kii ula jeedaa” ayaa idiinka balan fiicnaa, oo wagaas Xamar ka xureeyey, oo igu yiri, 3 bil ayaan ku xureyneynaa, ma idiinka balan fiicnaayeen? Ciidanka: Haa. Hoos ka daawo madaxweynaha oo hadlaya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A car explosion has happened in Mogadishu today. The vehicles detonated around KM-4 junction in Makkah Al-Mukaramah road. One person was reported dead in the car that detonated at KM-4 junction. A vehicle that was behind the car too caught fire as a result of the explosion. The police found their way into the scene moments later. They blocked try road at that moment and later opened. A man was killed a week ago at the same junction a week ago. The man was killed by the explosion as he was driving across the junction. View the full article
-
Dowladda Sacuudiga ayaa war qoraal ah ka soo saartay tallaabada uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in buuraha Golan Heights yihiin dhul ay Israel leedahay. Shalay oo Isniin aheyd ayuu madaxweyne Trump u aqoonsaday, uguna saxiixay xilli ay wada joogeen r/wasaaraha Israel in buurahaasi ay qeyb ka yihiin dhulka Israel, walow Qaramada Midoobay eysan arrinkaasi ku raacsaneyn. Donald Trump ayaa maalmo ka hor sheegay in la gaaray wakhtigii Maraykanku uu u aqoonsan lahaa in Israa’iil ay u madaxbannaantahay buuraha Golan Heights, kuwaas oo ay uga qabsatay Suuriya dagaalkii lixda maalmood socday ee sannadkii 1967-dii. Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu taariikh sameeyay. Mr. Trump ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray qoraal uu ku taageerayo falkan, waxaana uu ku yiri: ” – Waxaa la gaaray 52 sano kadib xilligii dowladda Mareykanka ay si buuxda ugu aqoonsan laheyn in buulaha Golan Heights ay qeyb ka yihiin dhulka Israel”. Dhulkan ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa dalka Suuriya, balse waxaa xoog ku qabsatay sannadkii 1967-dii Israel oo xilligaas taageero ka heshay Mareykanka, Ingriiska iyo dowlado kale. Horay ayaa waxaa uu madaxweyne Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Jerusalem caasimadda Israel iyadoona la wada ogyahay in ay xoog uga qabsatay dadka falastiiniyiinta ah. Qaran News
-
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cali Xassan Axmed (Sabareey) ayaa kulan deg deg ku wargeliyay, xubnaha guddiga sare ee saxaafadda Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka, ayaa guddiga sare ee saxaafadda Puntland lagu wargeliyay, in ay kulan deg deg ah u yimaadan xarunta wasaaradda maalinta Arbacada ah ee ku beegan 3/04/2019. Kulanka ayaa sida qoraalka ku xusan looga arrinsanayaa, dardar-gelinta shaqooyinka guddiga saxaafadda Puntland. Halkan ka akhriso PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dowladda Puntland oo kulan deg deg ah isugu yeertay guddiga saxaafadda appeared first on Puntland Post.
-
Hal qof ayaa ku dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Taleex, agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho. Darawalka gaari Noah ayaa halkaasi ku dhintay, waxaana loogu xiray gaariga, sidaasi waxaa xaqiijiyey hey’adaha gargaarka. Kooxda gargaarka ee Aamin Ambulance ayaa xaqiijiyey geeriga iyaga oo intaasi raaciyey in labo kale ay ku dhaawacmeen.. Todobaadkii hore isla KM4 waxaa ka dhacay qarax midkan la mid ah waxaana ku geeriyooday muwaadin engineer ahaa oo ka yimid Bakistaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal ay maanta soo saartay shaaca uga qaadday inay si buuxda u taageereyso is-beddelada amni ee ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan hindisaha uu ra’iisul wasaare Kheyre usoo bandhigay saaxiibada ee is-beddelada dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah inay sii waddo hormarinta amniga. “Waxaa na dhiir-geliyey go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo bisha April lagu qabanayo Kulanka Soomaaliya ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka. “Waxaan sidoo kale sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada Amisom, oo mas’uuliyadda amniag Soomaaliya ku wareejineysa ciidamada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Soomaaliya inay taageeraan oo ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddelada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Rabat (SMN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada iyo isku xidhanka Qaaradda Afrika si looga fogaado dhaq dhaqaaqyada gooni isku taagga ee isku dayaya inay abuuraan kala qeybsanaan dhibaato ku ah midnimada qaran ee dalal kala duwan. Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shirka heerka wasiir Afrikaan ee taageerrada Midowga Afrika ee hab siyaasadeedka Qaramada Midoobey ee Muran goboleedka Saxaraha oo ku qabsoomay shalay oo Isniin ahayd (25 Maarso) Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu leeyahay sharciyo iyo siyaasad joogto ah oo ku suntan muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo bedqabka dowladaha iyo dhowridda awoodda dadyowga qaaradda. Shirku wuxuu soo saarey war murtiyeed taas oo dhammaan wadamada ka qaybqaatay ay ku heshiiyeen. Intii lagu guda jiray shirka, Mudane Danjire Axmed Cawad waxaa uu kulamo docoleed la yeeshay dhiggagiisa, Wasiirrada iyo wakiillo diblomaasiyadeed ka socday dhowr dal oo Afrikaan ah. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax xooggan ayaa goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan. Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka aargada KM4, iyadoo gaadhiga qarxay uu marayay wadada. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ku xidhnaa gaadhiga, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qofka saarnaa gaadhiga qarxay. Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay qaraxa dhacay inay ku dhinteen afar ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dadkii watay gaadhiga qarxay. Qaraxyada lagu xidho gaadiidka ayaa ka mid noqday bartilmaameedyada ugu fudud ee lagu Khaarijiyo shaqsiyaadka wata gaadiidka raaxada. Source
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay isgoyska Taleex ee M/Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa mid gaari lagu xiray,waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal qof ayaa ku dhinta, iyadoona ay ku dhaawacmen illaa labo kale. Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa waxaa saarnaa Wiil iyo Aabihii,waxaana dad goobjoogayaal ah ay Shabelle u xaqiijiyeen in wiilku uu ku geeriyooday, halka uu dhaawac fudud uu soo gaaray Aabaha iyo qof kale waddada marayay. Ciidamo ka tirsan ku ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jirto cid sheegatatay mas’uulliyadda qaraxaasi oo ka mid noqonaya falal amni darro oo muddooyinkii dambey ka dhacayay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa bookhasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Masar. Ujeedka bookhashada ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho xidhiidhka Masar iyo Somaliland. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf ayaa u mahadceliyay dawladda Masar “Waxaanu si aad ah ugu mahadcelinayna dawladda iyo dadka Masar sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen,” Ayuu yidhi Mudane Liibaan oo qoraal socdaalkan ku saabsan ku baahiyay boggiisa Twitter-ka. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu kulan la qaatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika qaabilsan, kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee amuuraha Afrika iyo masuul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas ku daray in ujeedka socdaalkoodu yahay dardar gelinta xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee dhinacyada iskaashiga: Waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo ammaanka. sidoo kalena ay si weyn u falanqeeyeen doorka dawladda Masar ka ciyaarayso Geeska Afrika. Source
-
Imtixaanka shahaadiga Puntland 2018 Garoowe Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa mar kale shaacisay in la beddelay, jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in mar kale la beddelay, jadwalkii imtixaanka shahaadiga ah, kadib markii cabashooyin la xiriira heer-kulka bisha May ay ka yimaadeen qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada Puntland ee ku yaalla gacanka Cadmeed. “Ka dib markii cabsho ugu timi madaxda dugsiyada ku yaal gacanka cadmeed ee puntland, cabshadaas oo ku saabsanayd heerkulka bisha Maay, Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ,waxay garowsadeen xaalada heerkul ee magaalooyinka ku yaal gacanka cadmeed kulan ayeesheen ka dib, waxay soo saareen go’aan ku saabsan xilliga la qaadaayo imtixaanka caamka ah ee Puntland” ayaa qoraalka lagu yiri. Jadwalka imtixaanka Shahaadiga ah, oo wasaaraddu hore u shaacisay in uu bilaabanayo 25 May uuna ku egyahay 30 May, ayaa hadda loo qorsheeyay in uu bilowdo 18 May, islamarkaana uu dhammaado 23 isla May 2019,taasi oo u dhigan in asbuuc laga jaray wakhtiga jadwalkii hore. “Xilliga imtixaan qaadistu: 18-23 May 2019, hadaba waxaa lagu warelinayaa hawlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada ee ka hawlgal dhammaan goobaha waxbarashada ee dawlada Puntlaan inay ku dhaqmaan go’aankaan sare ku xusan,iyagoo tixgelinayaa dhammaystirka Muqararka waxbarasho, qaadista imtixaannada naqliga ah iyo diyaarinta goobaha imtixaanka caamka lagu qaadayo” ayaa qoraalku raaciyay. Wasaaradda ayaa xustay in sannadkaan la adkeeyay imtixaanka maaddooyinka cilmiga Computer-ka iyo siyaasadda,si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqarrarkii loo dejiyay, waxaana macallimiinta iyo ardayda lagu amray in ay maaddooyinkaas xoojiyaan. “Maaddooyinka ICT iyo Government and Politics wax wayn ayaa laga bedelay imtixaankooda waana la xoojiyay si ay u buuxiyaan shuruudaha qiimaynta muqararkii la dejiyay. haddaba waxaa la farayaa aradayda iyo macallimiintaba in ay maadooyinkaas ula dhaqmaan sida maadooyinka kale”. Dowladda Puntland ayaa sannad walba imtixaan midaysan ka qaadda, ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare guud ahaan degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Wakhtiga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo la beddelay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Qaramada midoobay iyo ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabooyin wax ku ool ah ay ka qaadeen dhalinyarada ka Tahriibta qaar ka mid ah dalalka ku yaala geeska Afrika. IOM ayaa sheegtay in sannadkii tagay in ka badan 2,500 Tahriibayaal Itoobiyaan ah ka caawisay in ay dalkooda dib ugu soo celiso, iyadoo qaar ka mid Muhaajiriintaasi loo sameeyay barnaamijyo wacyo gelin ah. Qaar ka mid ah Muhaajiriinta dib loo soo celiyey ayaa helay adeegyo caafimaad oo lagu sameeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. QM iyo Midowga Yurub ayaa hoosta xariiqay in fursado ay u abuureen qaar ka mid ah dhalinyarada u Tahriibta dalalka ku yaalla qaaradda Yurub oo ay kala kulmaan dhibaatooyin badan. Inta badan Muhaajiriinta geeska Afrika ayaa ka soo jeeda dalalka Itoobiya,Sudan,Soomaaliya iyo Jabuuti oo la sheego in qaar badan oo ka mid ay waxyeelo ka soo gaarto safarka halista ah ee dhinaca badda. Ugu dambeyn Julia Hartlieb oo ka tirsan saraakiisha hay,adda Muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in u jeedka loo sameeyay barnaamijkaasi uu yahay badbaadinta nolosha dhalinyaro badan oo ka soo jeeda dalalka geeska Afrika. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka banaadir, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga qarxay uu yahay nooca ay Soomaalida u taqaano Sarufta. Gaariga qarxay ayaa socday waddada u dhow Km4, halka looga laabto isgoyska Taleex, waxaana qaraxa lagu xiray oo ahaa mid xoog leh uu dhaliyey inuu dab qabsado gaariga, isla markaana uu waxyeello gaarsiiyo dhowr gaari oo wadadda marayey oo uu ka mid yahay Gaari Caasi (Mini-Bus) oo aad ugu dhowaa gaariga qarxay. Dabka ayaa cirka isku shareeray iyadoo dadweynaha goobta ka dhowaa ay u gurmadeen dadkii gawaarida ku xayirantay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah. Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa darawalkii waday inuu ku dhintay, waxaa kale oo dad shacab ay ku dhinteen gaari Homy ah oo wadada maraayay. Saraakiil ka tirsan Hay,addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay qaraxa dhacay inay ku dhinteen afar ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dadkii watay gaariga qarxay. Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa sida la xaqiijiyey darawalkii waday gaariga Homy-da ah iyo qaar ka tirsan shacabkii gaariga saarnaa. Gaariga qarxay ayaa waxaa waday Wiil dhallinyaro ah oo ku dhintay Qaraxa, waxaana sidoo kale la saarnaa nin awoowe u ahaa oo la sheegay inuu dhaawacmay.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta kulan albaabadu u xidhnayeen Xafiiskiisa Kula Qaatay Siyaasiinta xilalka ka haya Somaliland ay isku beesha yihiin. Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, isagoo ka ladlayay kulan maanta aqalka baarlamaanka Somaliland ku dhex maray, guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax, wasiirka gaashaandhigga Ciise Axmed Xawar, wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koorre, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Garoowe (SMN)- Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa gaaray Magaalada Garoowe, waxaana magaaladaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin Katirsan Wasaaradda qorsheynta Puntland. Wasiir Jamaal oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garowe r ayaa sheegey in uu u tagey Garowe sidii ay dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka Soomaaliya uga wada shaqeyn lahaayeen arrimaha qorsheynta qaranka “. Mudada Kooban ee uu wasiirka sii joogi doono magalaada Garowe waxa uu kulamo Kala duwan la qaadan doonaa madaxda wasaarada qorsheynta Puntland iyagoo kawada arinsan doona Sida ugu haboon ee loo dardargalin karo arrimaha qorsheynta qaranka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa xukuumadda Dhexe iyo maamul goboledyadda. View the full article
-
Magaalada Doxa ee dalka Qatar waxaa ku kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya Xasan Cafif Yaxya (Faraska Cad) Bashir Fox Mohamed iyo safiirkii hore Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Kenya iminkana ah gudoomiyaha xisbiga isbaheysiga Somaliyeed Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) kana mid ah xubin ka tirsan xariirka ciyaaraha Golf-ka. Maalmihii lasoo dhaafay ciyaaryahankii hore xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed Xasan Cafiif Yaxya (Faraska Cad) waxa uu Magaalada Doxa kula kulmayay mas’uuliyeen iyo siyaasiyiin ka socota Soomaaliya,iyagoo dhambaal hambalyo iyo bogaadin gaarsiiinayay isaga iyo wiilkaasa Akram Cafiif ka dib markii uu wadanka Qadar uu la hantay koobka qaramada qaarada Asia 2019. 02-Febraayo 2019-Akram Cafiif ayaa xulka kubadda cagta dalka Qatar kula guulaystay Koobka Qaramada Asia Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan safka Qatar, isaga baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobkii ka dhacay wadanka Imaaraadka Carabta laacib Akram waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki. “Waxaan kaaga mahad celinaynaa adiga iyo qoyskaaga guushii taariikhiga aheyd uu wiilkaaga la gaaray wadanka Qatar qof walba oo Soomaali ayaa ku farxay horomarkaas muuqda uu gaaray waxaan idin rajaynayaa in aad iftiin u noqotaan qoysaska kasoo jeeda Isboortiga Soomaaliya”Waxaa Goobjoog Sports u sheegay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko). 28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo howlo shaqo u joogay Magaalada Doxa ee dalka Qadar waxa uu kula kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya ee kala ahaa Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaaho waxa uu Xasan Cafif iyo wiilkiisa Akram Cafiif uga Mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magaca Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka qaramada Aasia ee ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta. “Bilooyin ka hor ayaan la shaqeeyay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waa shaqsi aad u jecel dhiiri gelintada ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee dheela nuucyada kala gedisan isboortig waxaan lee yahay Mahadsanid Mudane” waxaa sidaas goorsii horeesay Goobjoog Sports ugu waramay agaasimaha Astaan Sports Maxamed Cabdi Muudey. Maxamed Farmaajo ayaa bishii April 2018 casuumada u diray ciyaartoydii hore dalka ee kala ahaa Maxamed Ismaaciil,Bashiir Jeenyo iyo Xasan Cafiif yoolkaa safarkaa si ay ugu qeyb galaan una dhiiri gelinayaan xidigihii Da’yarta 17-jira ee kaalinta ka galay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay Magaalada Bujunbura ee wadanka Burundi. “Waxaa uu inoo ahaa socdaal taariikh ah madaxweyne Farmaajo waxa uu ina soo xasuusiyay waqtiyadii aan anaga u ciyaaraynay xulka,runtii wixii ka dhacay Burundi waxa ay inoo aheyd waxa aan marna iloobin waxaana ku mahadsan cid Walbo oo kasoo shaqaysay da’yarteena meeshaas ina gaarsiiyay gaar ahaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta” Waxaan Goobjoog Sports ugu waramay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ahaa xulka qaranka Somalia. Si kastaba Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar sannadii 1996-dii wuxuuna iminka ka mid yahay xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanka Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo Xasan Cafiif W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (SMN)- Ha’yadda qaramada midoobay u qaabilsan dhinaca muhaajiriinta ee IOM ayaa maamulka magaalada Kismaayo ku wareejiyay xarun wax lagu barto,ceel biyood iyo meel ay ku shiraan dadka deegaanka. Mashaariicdan horumarined oo ay hirgalisay ha’yadda IOM ayaa waxaa dhaqaale badan ku taageeray ururka midowga yurub iyo dowladda Japan. Munaasabad kooban oo xariga looga jaray xarumahaasi waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda arrimaha gudaha,iyo madaxda magaalada Kismaayo oo bogaadiyaya mashaariicda ha’yadda IOM. Iskuulka xariga laga jaray ayaa lagu magacabaa Tayo,waxaana horay uu dhimsihiisa uga koobnaa laba qol,laakiin ha’yadda IOM ayaa balaarisay iskuulkaasi,si ay boqolaal arday ah uga faaideystaan Ugu danbeyn Ha’yadda IOM ayaa inta badan mashaariic horumarineed ka sameysa deegaanada maamulka Jubbaland,waxaana maanta ay daah fureen xarumo muhiim u ah maamulka degmada Kismaayo. Dhageyso codka:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Mutawakil-Hay-Adda-I-OM.mp3 View the full article
-
Qarax ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho,walina ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo bexeysa. Qaraxa ayaa ahaa mid gaari lagu xiray,waxaana hada halkaasi ku gubanaya gaariga qarxay. Wadooyinka soo gala halka ay wax ka dhaceen ayaa la xiray,waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya. Halkan kala soco faahfaahinta qaraxaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan. Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari marayey meel u dhow isgoyska Taleex, gaar ahaan kasoo horjeedka Xaruntii hore ee Premier Bank ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro naf iyo maal leh. Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey gaariga lagu xiray qaraxa ayaa gubanayo, sidoo kalana waxaa Meesha ku gubanayo gaari kale oo marayey halka uu Qaraxa ka dhacay. Goobjooge ku sugan meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegayo inuu indhihiisa ku arkay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad kale oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa. Waxaa illaa hadda gubanayo laba Baabuur oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa oo uu mid kamid ah yahay midkii Qaraxa lagu xiray lamana ogo ilaa hadda qofka wadatay. Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii waday Gaariga Qaraxa lagu xiray, mana aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa iyo Shaqadiisa. Magaalada Muqdisho waxaxa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey Qaraxyada dadka loogu xirayo Gawaarida, waxayna arrintaan keentay inay dadka intooda badan iska dhigaan gawaarida gaarka loo leeyahay. Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxa Muqdisho ka dhacay kala soco Caasimadda Online. Caasimada Onlien Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa Dhuuamareeb uu yahay sidii kulamo uu ula qaadan lahaa madaxda Galmudug,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka. Inta uu ku guda jiro booqashadiisa caasimadda Galmudug wasiir Sabriye ayaa la kulmi doona madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan. Ugu danbeyn kulamada dhexmari doona wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa inta badan looga hadli doonaa doorashooyinka maamulkaasi iyo goorta ay qabsoomi doonaan. Dhinaca kale amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana inta badan wadooyinka waawyn ee magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo amaanka xaqiijinaya. View the full article