Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hadiyad ahaan u siiyey Madaxweynaha hadda hayo talada Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan diyaarad qaali ah oo nooceedu yahay Boeing 747-8 sida lagu daabacay Maanta Warbaahinada Dowladda Turkiga. Haddiyadaan la siiyey madaxweynaha dalka Turkiga ayaa loogu magac daray “ Thani’s Love for Erdoğan” oo ujeedadeedu tahay haddiyadii uu Boqorka Qatar Al-Thani lasoo jeclaaday Erdoğan. Wararka ayaa intaas ku darayo in diyaaradaan loo hibeeyey Erdoğan laga sameeyey qalab dhameystiran oo VIP ah. Diyaaradaan Boeing 747-8 ayaa waxaa ku baxday Adduun lacageed oo gaarayo ilaa 400 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah. Sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inay qaado 400 oo qof balse diyaaradaan sida gaarka ah loogu hibeeyey Erdoğan ayaa waxaa loo sameeyey nashqad ay kaliya ku qaadi karto 70 qof. Diyaaradaan ayaa waxay soo caga dhigatay garoonka Diyaaradaha Sabiha Gökçen International Airport waxaana lagu xareeyey qeybta la dhigo diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Hadiyadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli Boqorka dalka Qatar uu Bishii hore booqday Magaalada Ankara halkaas oo uu kaga dhawaaqay in dalkiisa uu Turkiga ku maalgelin doono 15 Bilyan oo lacagta Mareykanka ah.
  2. Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay tuulooyin hoos taga Buuraleyda Galgala ee Puntland. Al-Shabaabka galay tuulooyinkasi oo aan horay loogu arag ayaa wata gaadiid dagaal waxa ayna arrintani qalqal galisay dadka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in ay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dil u geystaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro iyaga iyo ciidamada maamulka. Maleeshiyaadkan ayaa ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana aad looga cabsi qabaa inay weeraro ku qaadan xarumaha maamulka ee halkaa ku dhow dhow. Ciidamada maamulka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan kawada qeybo kamid ah Gobolka Bari. Amaanka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona laga cabsi qabo weeraro ay Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan. Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegaya in ay howlgalo ka sameeyen deegaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay heleen xogo ku aadan weeraro ay qorsheynayaan Shabaab iyo Daacish. Docda kale, Cabsida ugu badan ayaa ah in maleeshiyaadka ay maamulka kala wareegan deegaano iyo xarumo hor leh oo uu ku shaqeeyo maamulka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta aanu dhamaystirin xilkiisa oo ah madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa xoogaa waqti ku bixiyay inuu dib u eego sannadihii u adeegayay iyo aragtida mustaqbalka uu ka qabo dalka ku yaalla Geeska Afrika. Mudane Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015. Keating oo wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay dadka Soomaalida iyo dhaqankooda ayaa bixiyey jawaabta hoose: “Dhab ahaantii waan ka helaa la shaqeynta Soomaalida. Wax badan baan ka bartay. Waa dad aad siyaasiyiin u ah waxayna dareen weyn u leeyihiin kaftanka. Waxay leeyihiin wax inta waayo aragnimadayda ah aan ka dhicin meelo kale: waana in muran kulul idin dhexmari karo Soomaalida haddana aad saaxiibo ahaataan. Qof baad dood weyn ka yeelanaysaan arrin ama mid kale oo ka jirta qaar ka mid ah dalalkii aan ka soo shaqeeyay taasina waxaa dhici karta inay dhaliso 10 sanno oo aadan la hadlin qofkii. Taasi oo kale Soomaaliya kama dhacdo! Qof baad muran weyn la yeelanaysaa [Soomaaliya] ka dibna waxaa dhacda inaad wada qadeysaan maalinta xigta. Waxaan sidoo kale ogaaday sida ay Soomaalidu dadka uga duwan tahay. Soomaaliya waxay ka mid tahay Jaamacadda Carabta, laakiin Soomaalidu dhab ahaantii Carab ma aha. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Midowga Afrika, laakiin aad bay dhaqan ahaan uga duwan tahay Afrikada inteeda kale. Waa dhaqan aad iyo aad uga duwan kuwa kale – waa dhaqan oraah ah oo aan la qorin. Waxay ila tahay mararka qaar aad baan uga fikirnaa in wax kasta qorno, laakiin runtii Soomaaliya waxaa ayaa muhim ka ah waxa ay dadku isu sheegaan iyo sida ay isula xiriiraan, iyo xiriirka ka dhexdooda. Waxaana u maleynayaa in taasi ay tahay waxa aan ka helay, oo ah asaasan inaan barto in badan oo Soomaali ah. Isha: UNSOM
  4. Warbixin uu bangiga caalamiga uu ka soo saaray Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inuu dhaqaalaha dalka uu kor u kaca uu sameeyey. Wuxuuna dhaqaalaha dalku xoogaha sare u kacay inta u dhaxeysay sannadihii 2013-kii ilaa iyo 2017-kii, iyadoo kororka dhaqaale ee sannadlaha ah laga dareemay kobac dhan 2.5% , sida ay muujisay warbixin cusub oo laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya. Sare u kacaan dhaqaale ayaa loo sababeynayaa inuu kaalin weyn ka qaatay adeega lacagaha la isugu diro taleefannada oo aad loo isticmaalo. War bixintaan oo ah tii saddexaad ee laga soo saaro kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hoosta looga xariiqay iney jireen horumarro la taaban karo oo jiray sannadkii 2017-kii, kuwaasoo ay ku jirto dhaqan galintii canshuuraha khaaska ah ee ay soo rogtay dowladda federaalka. Sida loogu taliyay war bixintii horeba, waxaa la kordhiyay canshuurta adeegyada taleefannada ee ay shacabka isticmaalaan, miisaaniyadda ayaa si wanaagsan loo jaan gooyay waxaana yaraaday lacagihii miisaaniyadda ee la khasaarin jiray. “Horumarradaan waxay Soomaaliya u sahlayaan iney dhisto nidaamyo kale oo canshuuro ah, taasoo dowladda u suurta galineysa iney billowdo sidii ay adeegyo wax ku ool ah ugu fulin lahayd shacabka,” ayuu yiri John Randa, oo ah dhaqaale yahan sare oo ka tirsan bangiga adduunta isla markaana hogaaminayay warbixinta daraasadda ee laga sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya. In kastoo uu jiro kobac dhaqaale, hadana war bixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan kobacaas ku filneyn yareynta saboolnimada, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu wali yahay mid aan waxba looga qaban karin dhibaatooyinka isugu jira abaaraha, fatahaadaha iyo bara kaca. Warbixintan laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in horumarro laga sameeyo dhinaca beeraha ay saameyn ballaaran ku yeelan karto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayna horseedi karto in loo adeegsado yareynta faqriga. Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysay shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee daba galka lacagaha, waxay sii wadday dadaalkeeda ku aadan soo rogitaanka canshuurta, sidii loo dhaqan galin lahaa iyo sidii looga hor tagi lahaa khasaarinta qarash gareynta lacagaha. Arrintaas ayaa sababtay, sida lagu sheegay war bixinta, in canshuurihii dowladda u soo xarooday ay sare u kaceen, kuwaasoo sannadkii 2016-ki ahaa $113 million balse sannadkii 2017-kii noqday $143 million, halka bilihii ugu horreeyay ee sannadkan 2018-kana ay noqdeen $42 million. Waxay war bixintani ku talisay in halkaas laga sii amba qaado horumarka ku aaddan canshuur uruurinta iyo maareynta kharash gareynta labadaba, taasoo sahleysa in sare loo qaado adeegyada ay helaan shacabka iyo sare u kaca kobaca dhaqaalahaba. Waxaa si gaar ah loogu xusay war bixintaan adeegga lacagaha taleefannada la isugu diro, oo ka mid ah ganacsiyada ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana si khaas ah ay ugu talisay war bixintu in la sii shaac bixiyo shuruucda ku aadan adeeggaas iyo fulintiisaba. Talooyinka kale waxaa ka mid ah: •In shacabka isticmaala loo abuuro waxyaabo lagu sugayo ammaanka adeegaas isla markaana la xaqiijiyo sida la isugu halleyn karo. •In la hir galiyo hannaan horumar u sii horseedi kara adeeggaas, sii ballaarintiisa, maareynta halista iyo in la yareeyo fursadaha ay heli karaan dadka sida been abuurka ah wakiillada uga noqda ama waxyeello kasta oo ka dhalan kartaba. •In la ilaaliyo macluumaadka shacabka isticmaala adeegga iyo iney si sahlan u adeegsan karaan. •In la xoojiyo ka war qabidda hab sami u socdkiisa iyo cabashada dadweynaha, si looga hor tago hakad ku yimaada adeegga taleefanka, wax kasta oo sabab u noqdaba “Caqabadda heysata dadka hannaanka u dajinaya ama sharciga u sameynaya adeegga taleefannada waa sidii ay ku dhaqan galin lahaayeen shuruucda loo sameeyay maadaama adeeggaan horay loo isticmaali jiray isagoo aan wax sharci ah loo raaci jirin,” ayuu yiri Randa. War bixintan la soo saaray ayaa ku talineysa in si toos ah loo wajaho sharciyeynta adeegga lacagaha la isugu gudbiyo taleefannada, iyadoo la ilaalinayo amaanka lacagta ay leeyihiin dadka isticmaalaya iyo in la xaqiijiyo sidii uusan adeeggaas u istaagi lahayn.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”, kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood. Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan” uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo. waxa uu ku qotomaa mabaadii’da aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta. Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda Islaamnimo ee muwaaddin-nimo. Waa maxay Is-xilqaan? Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed ee isku-tashiga, isku-tiirsanaanta iyo is- gargaaridda heer walba ah. Waa Barnaamij gogol-xaadh u ah soo bandhigidda wax-qabad taabbo gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed. Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba. Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona sameeyo barnaamijka ”Is-xilqaan” ee u diyaargarawga 60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si ay dalkooda iyagu u dhistaan isuguna xisaabtamaan. Sidee loo fulinayaa? Waxaa la abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada. Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca kasta la shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:- La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo, la iskuna abaalmariyo In barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo dalka si ballaaran looga wada qayb-galo xoog, fikar iyo dhaqaaleba. Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Xubnaha Guddida: Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir. Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku tabarrucaayo dalkiisana ugu deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa la furi doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in uu wax ku darsado, iyada oo la dejinayo nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta iyo macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka. In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca ay dariska la yihiin, una hiigsadaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray. Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda, si dib loogu soo nooleeyo hay’adihii Dowladda ee qaybta weyn ku lahaa horumarka iyo xadaaradda dalka. Sidaa awgeed, iyada oo la muunaynayo sanad-guurada 60aad ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadan 2020-ga, lagana amba-qaadayo talooyinka iyo tilmaaha ay bixiyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa lagama-maarman ah in dib loo dayactiro, loona haw-galiyo; wajiga koowaad ee Barnaamijka ls-xilqaanna lagu bilaabo hay’adaha iyo Dhismayaasha kala ah:- Matxafka Qarahka. Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha. Maktabadda Qaranka. Xaruntii Dhexe ee Xisbiga. Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu Stadium). Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal Benaadir). Taalooyinka Taariikhiga. Hir-gelinta Barnaamijka Bar ama Baro. Isku filnaansha xagga quudka. Abuuritaanka Tuulooyin Kalluumaysi. Dayactirka Buundooyinka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Ka dib is baddelada gobolka ka dhacay, ayaa Eritrea si lama filaan ah waxay u noqotay waddan u furmay waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, marka laga reebo Jabuuti, oo aysan weli gaarin heshiis rasmi ah. Inkasta oo dib u dhac uu ku yimid, ku soo laabashada Eritrea ee xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in uu todobaadkan dhaco, sida uu qorshuhu ahaa, haddana waxaa hubaal ah inay wax weyn iska baddeleen sida gobolka looga arki jiray Eritrea. Haddaba qormadan waxaan ku eegeynaa, taariikhda is qab-qabsiga ee Eritrea iyo urur goboleedka IGAD, oo ay u muuqato in danaha waddamada gobolka ay ka lahaayeen Soomaaliya ay ahayd sababta markeedi horeba keentay isku dhaca Eritrea iyo IGAD. Taariikhda markay ahayd 22 April 2007, ayay Eritrea ku dhawaaqday inay ka baxday urur Goboleedka IGAD, ka dib shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayay oo si weyn ay isugu maandhaafeen Ethiopia iyo Eritrea. Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibeda ee waddamada ku bohoobay IGAD waxaa uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka kenya, waxayna wasiirrada u bateen, marka laga reebo Eritrea, inay Itoobiya ku taageereen ciidamada ay gelisay soomaaliya. Wasiirkii Warfaafinta ee Eritrea ee xilligaasi Cali Cabdu ayaa sheegay markaasi “in ka bixitaanku uu yahay mid ku meel-gaar ah. Waxaan dareemeynaa in ay mas’uuliyad darro tahay in aan qeyb ka sii ahaanno urur goboleed qaadanayo go’aanno aan la aqbali karin marka laga eego dhanka sharciga” ayuu yiri. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ururka uu noqday “mid ay ku adeegtaan xoogag shisheeye”, isagoo si aan toos ahayn farta ugu muuqay dowladda Maraykanka. Dadaalladii xigey ee dib-u-soo laabashada Eritrea Sanad ka dib markii ay Eritrea ka baxday urur Goboleedka , ayaa bishii Agoosto 2008-da, wafdi ay hor kacayeen wasiirada arrimaha dibadda ee Kenya iyo Sudan waxay ka codsadeen Eritrea inay dib ugu soo laabato bahda IGAD. Wafuudda iyo xoghaynta IGAD oo la socotay ayaa waxay la kulmeen Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxayna kala hadleen in Eritrea ay dib uga laabato go’aankii ay qaadatay Eritrea waxay ku eedeysay xubnaha kale ee IGAD inay ku tunteen xeerka u dejisan ururka oo ay taageereen in waddan uu ku duulo waddan kale oo madaxbanaan kana tirsan ururka. Eritrea ayaa gelitaankii Itoobiya ee Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah. Eritrea xilligaasi waxay dalbatay in la baddelo xeerka u yaallay IGAD, oo wafdigii wasiirrada ay ballanqaadeen inay eegi doonaan. Danaha waddamada IGAD ee Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea waxay xilligaasi kala taageerayeen dowladdi Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo mucaaradkii xaruntoodu ahayd magaalada Asmara. Arrintaasi ayaana sii kala fogeysay waddamada IGAD, waxaana xilligaasi labada dal lagu eedeynayay inay si dadban ay ugu dagaallamayeen Soomaaliya. Eedeymo culus Sanadkii 2009-ka, ayay Qaramada Midoobey soo saartay go’aan ay cunaqabateyn xagga hubka ah ku saarayso Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay taageerto ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo inay diidday inay ka baxdo dhul ay Jabuuti ka qabsatay sannad ka hor xilligaasi. Eritrea ayaa xilligaasi sheegtay in eedeymahaasi ay ahaayeen “beenabuur” ay “dhoodhoobeen” Maraykanka iyo Itoobiya. Codsiga Eritrea ee IGAD Sannadkii 2011-ka ayay Eritrea markii ugu horreysay codsatay inay dib ugu soo laabato urur goboleedka IGAD. Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa wareysi uu BBC-da siiyay codsigaas ka dib sheegay inay ka fiirsanayaan arrintaasi, oo Eritrea ay wajaheyso eedeymo culus oo ay ka mid yihiin inay taageerto argagixiso. Dhowr sano oo cunaqabateyn iyo go’doon ah ka dib, Eritrea waxay u muuqatay inay liidatay, oo ay dooneysay inay xubinnimada urur goboleedka u adeegsato inay khafiifiso go’doonka haystay, balse way ku guuldareysatay arrintaasi. Caqabadda hartay Maanta xaalka waa uu ka duwan yahay sida uu ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, balse waxaa Eritrea hor taagan hal caqabad oo ah tan Jabuuti. In kastoo wafdi wasiirro ah ay dhawaan gaareen Jabuuti, oo ay muuqato yididiillo ah in la heshiinayo, ayaa haddana waxaan weli si rasmi ah heshiis u gaarin jabuuti iyo Eritrea, oo murakooda uu ku qotomo jasiiradda Dumeria ee ay laba dhinac ku muransan yihiin, imminkana ku jirta gacanta Eritrea.
  7. Somaliland ma ku sii Jiri doontaa musuq-maasuq iyo maal-urursiga xadhkaha goostay, balan qaad been ah iyo khiyaamo joogto ah . Waa in dawladnimadu shaqeysaa oo la helaa cid loo maxkamadeeyo cidii lunsatay lacagtan tirada badan ee hoos ku taxan. Lacagtani may marin nidaam xisaabadeed dawladeed oo hufan, lagumana bixin shuruuc maaliyadeed iyo xeerarka qandaraasyada qaranka ee dhawaan la ansixiyey. 1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqaday JSL lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar si biyaha loo fidiyo 2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii JSL ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4-ta magaalo ee waaweyn oo Caasimada Hargeysi ugu horeyso. 3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii inoogu deeqay $64 Million doolar si loogu horemariyo 9 mashruuc oo mashruuca ugu balaadhnaa uu ahaa $8.5 Million dollar loona qoondeeyey biyo balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa 4- Waxaa iyana isla Sanadkaa qorshe howleedkii higsiga qaranka ( Somaliland Development plan 1) ee 2012-2016 biyo balaadhinta biyaha dalka loo qoondeeyey lacag dhan $28 Million oo dollar oo biyo fidinta caasimadu ugu horeyso. 5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargiesa ku deeqday $ 23 Million oo dollar 6- Shirkada Coca Cola waxay ku deeqday biyo fidinta Caasimada Hargeisa $5 Million oo dollar 7- Baanka Aduunku wuxuu ku bixiyey biyo gelinta caasimada Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar 8- Sanduuqa Somaliland ee SDF waxaa Biyo fidinta Caasimada hargeisa loogu soo riday $ 10.5 Million dollar 9- Markii sedexaad dhawaan midowga yurub ( EU ) markuu ka yaabay mashruucan aan dhamaaneyn wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameystirka biyo fidinta mashruuca xunbo weyne si Caasimadu ay mar uun biyo ku filan uhesho. 10- Hayada African Water Facility oo loo soo gaabiyo (AWF) ayaa iyna ku deeqday 3 Million Euro 11- Baanka Horumarinta Africa oo loo soo gaabiyo ( AFDB) ayaa isna biyo gelinta JSL ku bixiyey lacag dhan $ 8.5 Million dollar. Total ka lacagtaas kor ku taxan ayaa noqonaysa $165 Million oo Dollar taas oo loo qoondeeyey in ay soo af jarto lacagtaasi Qorshe hawleedyadii horumarinta biyaha Somaliland ee 5-ta sanadood (2012-2016 ) Waxaana Mashaariicdan mar kasta laga fuudhyeelaayey dib u habeynta iyo fidinta biyaha Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda oo ilaa iyo maanta biyo la’aan badani ka jirto taa soo ay shacabka reer Hargeisa is weydiinayaa meesha ay martay lacagtaa Malaayinka Dollar ka ahi iyo cidii lunsatay? Maxay ka tidhi Mashruucan Fashilmay Xukuumada Cusubi ? 1- Kut’e mashruuca 1aad ee magaciisa la yidhaa (HUWSUP ) waxay EU ku maalgelisay lacag dhan $15 million Euro ah. Waxaa sanduuqa horumarinta ee SDF isna mashruucan ku maalgelisay lacag dhan $11 million dollar waxaana mashruucaa fulintiisa loo xil saartay markii la kala shakiyey hayada UN Habitat waxaana shaqada mashruucaa si aan loo musuqmaasuqin dusha ka ilaalinaaya Shirkad Jarmal ah oo la yidhaa (FITCHNER ) hadaba shacabka reer Somaliland waxay is weydiinayaa meesha uu mashruucani ku danbeeyey ? Mise wuxuu isna noqday aan ka fuudee alow fiihaa … !! 2- Lay’e mashuuca 2aad oo isna Hargeisa Gudaheeda ka socda waxaa lacag gaadhaysa 23,500,000 Million oo Euro ku bixiyey Banka Horumarinta Dawlada Jarmalka waxaana shaqada mashuruucan gancanta ku haya shirkad Jarmal oo la yidhaahdo CES? Hadaba su’aashu waxay tahay xaguu marayaa mashruucaasi? oo isna mudadiisii dhaafay ? Goorma ayaa Hargeysi biyo ka helaysaa ? 3- Kuy’e Shirkada Coca Cola international waxay iyana ku deeqday biyo balaadhinta lacag dhan $5 Million oo dollar waxaana ay gacanta u gelisay shirkad Talyaani ah oo la yidhaa TS shirkadaa oo magaalada dhexdeeda kawada taangiyo dhaadheer? ilaa iyo maanta ummadda uma cada meesha ay howshaasi marayso iyo goobta iyo goorta ay biyo ka heli doonaan reer Hargeysa. 4- Mashruuca Xunbo-weyne waxaa maalgelisay hayada UAE u qaabilsan Horumarinta ee loo yaqaan Khalifa Foundation waxaana howshaa u qabilsanaa nin la yidhaahdo Mr Falaax Al-Axbaabi, waxaana mashruucaasi loo qaybiyey laba weji oo kala ah: A) in Ceelasha la qodo. B) In baraagaha la qodo oo beebabka la dhigo. Waxaa markiiba fashilmay wejigii kowaad ee ahaa in Ceelasha la qodo. Hadaba su’aashu waxay tahay yaa loo raacayaa oo loo soo qabtay mashuuracan baaxada leh ee fashilmay? ma Khawaajigii Al-Axbaabi ayaa laga dabo tegayaa oo loo maxkamadeynayaa? Mise xaalku wuxuu ahaa qaado aan qaatee !! 5- Mashruuca 2-aad ee Biyo balaadhinta Caasimada Hargiesa wuxuu ahaa Mashruuca ka socda Geed-deebleh iyo Hori-haatley. Waxaa mashruucan ku midoobay World Bank, German Bank, SDF, EU iyo Shirkada Coca-Colla. waxaana mashruucan lagu maalgeliyey lacag dhan $79 Million dollar. mashruucan waxaa hawshiisa wada hayada UN-habitat waxaana ay aheyd in uu mashruucani uu isna dhamaado Bisha Janaayo ee sanadkan 2018 ilaa iyo hadana muu dhamaan xukuumaduna kama ay jawaabin mashaariicdan hantida badani ku baxday halkii ay ku danbeeyeen iyo cida lunsatay lacagihii loo qoondeeyey ee lagu dhameystiri lahaa. Guntii iyo Gebo gebadii qormadan : Anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso -Mashruucan baaxada leh ee musuqa badan dugsanayaa hawshiisu waxay u taalaa xukuumada talada haysa ,gaar ahaan Hanti dhowrka guud ee qaranku in uu baadhis dhameystiran geliyo oo uu hawshiisa dastuuriga ah ka guto. Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  8. Magaalada Borama oo ka taagan yahay jahwareerkii ugu waynaa abid ee Magaaladaasi soo mara kadib markii Gudoomiyaha Awdal Cabdiraxman Axmad Cali iyo xoghayaha Dawlada hoose ee Borama Xasan Yusuf Riiraash ay godkii qashinka Magaaladu ku daadin jirtay dhul ahaan ugu wareejiyeen una sharciyeeyeen willka Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ee Kamaal Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici. Dhacdadani ayaa ka yaabisay shacabka Borama oo qaadan waa kunoqotay isla markaana waxaa bilaabmay hadalhaynta iibinta dhulkii danta Guud ee qashinka oo shacabka Borama ka warheleen. Qaylada iyo buuqa iibinta godkaasi markii uu isqabsaday Magaalada Borama ayuu kawarhelay Madaxwayne ku xigeenka Saylici oo markii horeba diiday inuu wiilkiisa ka qabto boobka danta guud ee goobta qashinka.Cabdiraxman Saylici ayaa lacadeeyay inuu wiilkiisa amray inuu iibiyo godkii qashinka ee uu waraaqaha ugu sameeyeen Xoghayaha dawlada hoose iyo badhasaabka Awdal Cabdiraxman Axmad Cali,talada Saylici wuu maqlay wiilkiisu wuxuuna isla markiiba ku wareejiyay nin ay isku jufo hoose yihiin oo lagu magacaabo Cabdiraxman Araweelo kana soo wadajeedaan beesha Bahabarceli ee Saylici waxaana uu Kamaal Saylici ka qaatay lacag 35000 (Shan iyo sodon kun oo dolar ah). Magaalada Borama maanta mahaysato goob qashinka lagu daadiyo waxaana si gaar ah u leh qoyska beesha Saylici ayay tidhi hooyo caasho cumar oo qashin ku daadinaysay goobtaasi waxayna sheegtay in maalin dhaw qoyska Saylici dayr u samaysanayaan godka qashinka ilaa imika lama hayo goob dan guud ah oo qashinka lagu daadiyo. Iyadoo godkii qashinku taagan yahay ayaa haddana asbuucii ku xigay laga warhelay kawaankii hore ee xoolaha lagu qalijiray oo xaaska Saylici cagaf galisay burburina ku bilowday taasi oo rasaas kala hortageen qoyskii dantaasi guud markii horeba bixiyay oo laga yaqaano deegaankaasi,qoyskaasi oo la yidhaahdo ilma Ciye ayaa iska difaacay boobka Xaaska Saylici Raxma Xaaji Muxumed Suldaan oo iyadna wiilkaaga kadib boob ku bilowday dhul danta guud ah balse nasiib wanaag waxaa karitay shacabkii deegaanka oo imika ilaalo gaar ah kahaya deegaankaasi. Xukuumada Muuse Biixi oo bilowday diiwaangalinta danta guud ayaa haddana waxaa Borama ay qoyska Saylici ku hayaan boob aan loo aabo dayin oo Saylici,Caruurtiisa Iyo haweenayda Xaaskiisa ah ee Raxma Xaaji Muxumed ka bilaabeen Magaalada Borama gaar ahaan danta guud.Shacabka Borama ayaa iswaydiinaya Saylici iyo qoyskiisu inay iloobeen aakhiro isla markaana xaaraanta lagu gubto oo cidhib dambeedka qoyskaasi la arki doono iyagoo inkaarta shacabkaasi ku hafsatay. Cumar Qarshi Qarannews Borama Qaran News
  9. Ra’iisul wasaare Kheyre oo sagootinaya Michael Keating Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo hadda wakhtigiisii soo gaba-gaboobay ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee Tukaraq iyo doorkii ay ka qaateen. Keating ayaa sheegay in colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay tahay mid wali aad u kacsan oo ay dhici karto in ay gacanta ka baxdo. Keating wuxuu xusay in muddo lix bilood ah Qaramada Midoobay iyo saaxiibada la howlgala sida IGAD iyo kuwa kale ay gacan ka geysteen in laga hortago inay gacanta ka baxdo oo la xakameyn waayo colaadda Tukaraq. “Xaaladda colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq, ee u dhexeysa Puntland iyo Somaliland, ayaa weli ah mid aad u kacsan, oo dhici karta inay gacanta ka baxdo. Laakiin muddo lix bilood ah, anagoo la shaqeyna saaxiibada aan isla hawlgalno sida IGAD iyo kuwo kale, waxaan gacan ka geysanay in la hortago inay gacanta ka baxdo oo la xakameyn waayo. Colaadaha qaar ayaa ku fiican in lagu xalliyo in Dowladda laga qaybgeliyo, qaar sidaa ma aha, qaarna waxay dadka qaar u arkaan inay u wanaagsan tahay in beesha caalamka laga qaybgeliyo, qaar kale waxay arkaan inay wanaagsan tahay in beesha caalamku ka joogto oo aan ku lug yeelan, qaar ka mid ahna waa in lagu xalliyo iyadoo loo marayo haweenka ama bulshada ganacsatada ah”. sidaas waxaa yiri Macheal Keating oo ka hadlayay xaaladda Tukaraq. Michael Keating ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay wixii u qabsoomay iyo wixii uu la kulmay mudadii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in beesha caalamku waxba ka qaban wayday colaadda Tukaraq. Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa muddo siddeed bilood ah isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale ka dhex-qarxa. PUNTLAND POST The post Keating oo ka dayriyay xaaladda Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  10. Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga ayaa marti-qaad u diray ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki, kuwaas oo lagu wado inay tagaan dalkaas maalinta axadda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxdan loogu yeeray shir saddex geesood ah oo dhex-maraya, Sacuudiga, Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo qeyb ka ah saamaynta Sacuudiga doonayo inuu ku yeesho geeska Afrika. Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in lagu xoojiyo laguna saxiixo heshiisyo cusub oo xoojinaya heshiiska ay wada-galeen labada dal ee ku yaalla Geeska Afrika, waxaana goobjoog ka ahaan doona Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiskii taariikhiiga ahaa ee lagu soo afjaray colaaddii labaatanka sano ka dhaxeysay Eritrea iyo Ethiopia. Sacuudiga ayaa sidoo kale ka dambeeyey isu soo dhowaanshaha Eritrea iyo Jabuuti, sida uu wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti sheegay. Dowladda Soomaaliya oo qeyb ka ah isu soo dhowaanshaha dalalka Geeska Afrika, islamarkaana heshiis saddex geesood ahaa Asmara kula saxiixatay Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea, ayaan lagu casuumin shirkan, waxaana loo sababeynayaa xiisadda kala dhaxeysa xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay diiday inay kala safato dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. A 22-year-old Somali man was grievously injured during an argument that took place in St Julian’s on Thursday morning, the police said. Source: Hiiraan Online
  12. Shortly after U.N., IGAD, and U.K. defused a potential armed conflict between Somaliland and Puntland in Sool province of Somaliland, Puntland vows to reignite the violence, undermining the International community’s mediation efforts. And the Somaliland officials are now baffled about Puntland’s unpredictable behavior. However, as war gathers momentum, the outcome of a final showdown between the defending Somaliland troops and the invading Puntland’s clan militias is predictable. But the conflict is a prelude to a brewing proxy war between Qatar, Iran and the Houthi rebel group on one side, and the UEA, Saudi Arabia, Bahrain and Egypt on the other. Hence, the Middle East power struggle plays out on a new stage that is already volatile. First, Puntland’s imminent war rhetoric catches the Somaliland leaders off guard. More so, Hargeisa, Somaliland capital, faces a dilemma. On one hand, Somaliland wants to honor the International community’s mediation, and in fact, it withdrew its security forces from the contested area of Tukaraq village. On the other, Somaliland cannot sit idle while Puntland gears up for violence. Amazingly, the current Somaliland President, Muse Bihi Abdi, a former army commander who led successful battles against the deposed Somali tyrant, Gen. Mohammed Siad Barre in late 90s, appeals for peace and dialogue while the Puntland leader, Dr. Abdiweli Mohamed Ali “Gas” remains belligerent and provocative. In Puntland, the so-called war committee members never mince their words either. Nor do they utter war rhetoric without the tacit approval of their boss, Puntland’s top leader, Dr. Ali. On August 19, 2018, the committee beats the war drums again, “U.N and IGAD visited Puntland twice to mediate Somaliland and Puntland, but we reject their efforts and the war will continue…I swear in the name of God, there will be a war…it is going to happen…Puntland people, get ready for war…”, states Puntland’s Interior Minister, Abdullahi Timma-Adde. Evidently, the war committee members are none other than the government ministers and Member of the Parliament who should be held accountable for their tireless effort to instigate violence. Most of them, including Dr. Ali, have foreign passports and assets abroad. At a minimum, the International community should advocate for revoking their passports and freezing their assets if they opt-in waging violence against Somaliland. But as Puntland ratchets up its threat to attack Somaliland security forces, Somaliland army commanders prepare for a deceive battle that will render the invading Puntland clan militias ineffective. If violence erupts in the region, the Somaliland army plans to set up a chokepoint at the highway between Puntland’s capital, Garowe, and its commercial city, Bosaso—splitting Puntland into two isolated regions. Additionally, Somaliland may place its heavy artillery within a striking distance of Garowe, targeting Puntland military bases on the outskirts of the city. Furthermore, establishing a new administration called the Nugaal State of Somalia (NSS), independent from Puntland, where Garowe will be its new capital, lingers in the minds of the Somaliland army commanders. The NSS enclave may be controlled and administered by the Sool clan clans who are part of Puntland and Somaliland. It is worth noting that the disfranchised Dhulbhante clans are happy with neither Somaliland nor Puntland. Historically, they lost much of the Nugaal region to the Puntlandersten clans of Puntland. Currently, a battle between the Sool clan and the Puntlandersten clans rages in Nugaal region. Reclaiming the NSS region and the Nugaal Valley onshore blocks may be the begging of the end for Puntland. So, why Puntland leaders’ are eager to wage a suicidal war? Of course, they are not naïve. But their strategy can backfire, as they continue miscalculating. Doubtless, they face two formidable challenges. For one thing, they have mobilized enormous resources for the war cause from the local clans and the Diaspora community. And now they are accused of emblazing the funds and their daily war bluffs—huffing and hissing from a distance—are no longer taken seriously. For another, Puntland’s top leader desperately wants to cling on to power and delay the upcoming Puntland’s presidential elections, in January 2019. As the election approaches, Dr. Ali gears up for war, rather than campaign for his re-election. And as Puntland’s Interior Minister, Abdullahi Timma-Adde echoed, violence will flare up again. Predictably, two to three months before the election date, Dr. Ali will strike Somaliland. Therefore, by the ballot or the bullet, he is determined to remain in power. Meanwhile, the Somali regime in Mogadishu seems to engage a different war with Somaliland. Qatari and Iranian money at its disposal, Somalia is obsessed with undermining the agreement between Somaliland and UAE to develop port Berbera and build a military base in there, as well. After ranting about the port deal for several months, Mogadishu realizes that it can hardly do anything, legally, politically or militarily, to hinder the project much less nullify it. Alternatively, Somalia uses Puntland as the stepping-stone to embroil Somaliland into a full-scale war to at least impede the UAE’s initiatives. In contrast, Somaliland considers Puntland as the obnoxious child of Somalia. And just as the German shepherd dogs ignore Chihuahuas’ bluffs, Somaliland rarely dignifies an answer with Puntland’s raves. For Somalia, however, its nauseating child is now a useful tool. Moreover, the Iranians are funneling huge resources to Mogadishu through Qatar to stop the construction of the military base in Berbera, where the UAE plans to launch military strikes against the pro-Iranian Houthi rebels in Yemen. As Somalia disbands UAE’s military training program, Iran and Qatar fill the vacuum, ramping up their support for Mogadishu. Already, weapons stolen from the UAE training facility in Somalia remain awash in Puntland. Without a doubt, the looted military hardware will be used against Somaliland security forces—a problem, inadvertently, created by the UAE. Now, if the UAE fails to shore up support for Somaliland, Hargeisa may succumb to the overwhelming Qatari and Iranian financial support pouring into Mogadishu, Houthi rebels’ threats against Berbera—and more dangerously, the large quantities of the UAE’s weapons reaching Puntland. Similarly, the Houthi rebels, in their efforts to prevent the UAE’s building a military base in Berbera, are arming Puntland. Unabatedly, Puntland receives boatloads of weapons from Yemen. According to the British-based Conflict Armament Research (Car) group, “The “weapon pipeline” outlined by the report flows from Iran to a number of small transshipment ports in the semi-autonomous Puntland region of the Somali coast, on the tip of the Horn of Africa. The coastal region is largely ungoverned by Somali authorities, and a former Puntland ports minister told Reuters that last year 160 Iranian boats were reported illegally entering Somali waters.” To make matters worse, recently Djibouti expels DP World from its territory and seizes the Doraleh container port from the DP World. Now, Djibouti is not only locked a legal battle with DP World, but it also opposes the port Berbera development. And to show that its willingness to undermine DP World and Somaliland, Djibouti now openly supplies weapons to Puntland. According to EEX Africa report, illegal weapons from Djibouti are now pouring into Puntland. Somaliland is clearly overwhelmed as it faces Djibouti, Somalia, Puntland, Iran, Qatar, and Houthi rebels. And Somaliland officials grow worrisome about the UAE’s ability to train and equip Somaliland troops, as UAE may be accused of violating the U.N’s arms embargo against Somaliland and Somalia. Nonetheless, a war may be unavoidable. As I have outlined in my article entitled, “Somaliland: U.N., IGAD and International Community Failed to Restrain Puntland” if Mogadishu and Garowe push Hargeisa to the limit, Somaliland may react swiftly and decisively. Hargeisa’ patience with Mogadishu and Garowe is wearing too thin. And Puntland’s obsession with replacing colonial borders with clan-based boundaries remains the root-cause of the current conflict—a looming disaster, indeed. Therefore, the International community should quit kowtowing to the bellicose Puntland leader. Dr. Ali should be reported to the FBI and the U.S. Homeland Security because he is a U.S. citizen fomenting violence towards Somaliland. Likewise, UAE and Ethiopia, 51% and 19% of the port investment owners, should warn Dr. Ali against sabotaging their interests. Furthermore, the newly appointed Somaliland ambassador to the United States, Dr. Bashir Goth should formally request that the FBI and the U.S. Homeland Security scrutinize Dr. Ali’s clandestine operation against Somaliland and dissuade him using Tukaraq as a smokescreen. Using Puntland as an attack dog, Somalia remains on a collision course with Somaliland. And the longer that Somalia keeps Somaliland as a hostage, derailing the divorce process between the two nations, the likelihood of a military showdown between the two nations. Indisputably, Somalia, Djibouti, Qatar, Iran and the Houthi rebels all oppose the UAE efforts to expand port Berbera and the construction of the military base for different reasons. And attacking Somaliland directly will attract the International community’s attention, so using Puntland as the launch pad is more logical. Incontrovertibly, the imminent war between Somaliland and Puntland is not about controlling the destitute village of Tukaraq, as it is about waging a proxy war and having access to the lucrative port Berbera. Dalmar Kaahin dalmar_k@yahoo.com Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga hadleen siyaasadda dawladda ee hantida qaranka iyo hannaanka saxiixyada heshiisyada caalamiga ah. Shirka golaha wasiirrada ayaa ugu horayn looga dooday siyaasadda hantida qaranka, waxaana falanqayn dheer kadib la isku raacay in guddi qaran oo heer wasiirro ah loo saaro tirakoobka iyo diiwan gelinta hantida qaranka si ay warbixin dhamaytiran uga keenaan hantida ay dawladdu leedahay. Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka. Kulanka golaha oo uu guddoominayay Ra’isul wasaare Xasan Cali khayre ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore. Waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo ra’iisul wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay bedelka lagu sameeyay calanka maamulo hoostaga dowlada iyo suuragalnimada xitaa in la bedelo calanka Ethiopia. Abiy Axmed, waxa uu sheegay in bedelka calanka DDSI iyo kuwo kale uu yahay mid ku imaaday wadatashi iyo in baarlamaanka maamulka horay loogu gudbiyay calanka hadda uu qaatay maamulka. Waxa uu tilmaamay in wax weyn uusan aheyn calan lagu sameeyo bedel, waxa uuna carab ***** in wax waliba lagu bedeli karo keliya wadatashi iyo wanaajin. Wuuu sheegay in calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan. Muwaadiniinta dalka Ethiopia waxa ay bannaan baxyada ay sameeynayeen bilihii ugu danbeeyay u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah. Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay. Abiy Axmed, waxa uu sheegay in wax weyn uusan aheyn calanka, wuxuuna tusaale usoo qaatay in la bedeli karo xitaa calanka Ethiopia. Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka. “Mareykankaba calankiisa wuxuu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa, waa ineynu ka fikirnaa oo keli sidi dalka aan horumar u gaarsiin laheen noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen” “Ma aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”. Ayuu yiri Abiy Ahmed. Haddalka Abiy Axmed ayaa imaanaya xili maamulada hoostaga dalkaasi ay isku dayayaan in bedel lagu sameeyo calamada lagu aqoonsado, halka xisbiyada mucaaradka iyo qowmiyaduhun ay yihiin kuwo isku haya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Cupertino (Caasimada Online) – Shirkadda Apple ee samaysa taleefonka loogu jecel yahay dunida ee iPhone ayaa xarunteeda Cupertino ee gobolka California shalay shaaca uga qaaday saddex taleefon iPhone cusub, oo dhowaan suuqyada caalamka soo geli doono. Saddexda Taleefon ee Apple ay ku dhawaaqyda ayaa kala ah iPhone XS oo cabirka shaashaddiisu yahay 5.8 inch, iPhone XS Max, oo cabirka shaashaddiisu yahay 6.5 inch iyo iPhone XR oo leh cabir shaashad oo ah 6.1 inch. Xarafka X ayaa u taagan 10. iPhone XS, oo ah kan ugu yar saddexda ayaa dalka Mareykanka laga iibin doonaa 999 dollar ka hor lacagta canshuurta oo ku dhowaad 100 dollar oo dheeri ah ku dari doonta, ayada oo ay ku xiran tahay gobolka qofka uu ku nool yahay. iPhone XS wuxuu beddeli doonaa iPhone X oo soo baxay sanadkii tagey. Taleefonka iPhone XS Max ayaa isna ku fariisan doona lacag dhan 1099 dollar ka hor canshuurta, halka iPhone XR uu noqo doono 749 dollar. iPhone XR ayaa ka raqiisan labada kale, sababo la xiriira shaashada muraayadda oo ka tayo liidata kuwa kale, iyo isaga oo aan lahayn laba kaamiro. Shirkadda Apple ayaa ugu talo-gashay midkan inay iibsadaan dadka ka cararaya qiimaha sare.
  16. Muqdisho (PP) ─ Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyagoo kaga hadlay arrimo kala duwan. Inta badan kulanka ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinkii hor-yaalla Golaha Shacabka iyo siddii loo hormarin lahaa, Waxaana xubnaha guddiga ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aaddan sida loo wajahi karo hawlaha horyaalla golaha shacabka iyo kala hor-marintooda. Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia, ayaa isku raacay in si dar-dar leh loo shaqeeyo, maadaama waqtiga uu yar yahay shaqadana ay badan tahay. Sidoo kale, Waxay ka doodeen sida loo kala hormarin karo shuruucda hadda hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo heerar kala duwan maraya sida hindise sharciyeedayada xukuumadda ay soo gudbisay oo aan weli golaha shacabka la hor-geyn iyo hindise sharciyeedyo maray akhrinta koowaad iyo labaad. Guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in kal-fadhigaan shaqooyin badan la doonayo in la qabto, isaggoo xildhibaannada kula dardaarmay inay u soo diyaar-garoobaan gudashada masuuliyada saaran. “Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa hor-yaala hawlo fara badan inta uu socdo kal-fadhigan afaraad, kuwaasoo ay ugu horreeyaan miisaaniyadda, anisxinta hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Muudeey. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Jadwalka uu Golaha Shacabka ku shaqeyn doono kalfadhiga afraad oo socon doona tan iyo inta uu ka dhammaanayo sannadkan. PUNTLAND POST The post Jadwalka shaqo ee Kal-fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lasoo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku suganaa Muqdisho, waxaase kasoo horjeestay xil-ka-qaadista Casir oo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Kulanka xilka looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug, iyadoo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo shir-guddoominayay kulanka uu sheegay in 146-xildhibaan ay isku raaceen in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka, hal xildhibaannada uu diiday. “Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa 147-xildhibaan, waxaana 146-xildhibaan ay isku raaceen in xilka laga qaado guddoomiye Casir, hal xildhibaan ayaana kasoo horjeestay, sidaasd darteed codeyntu waa mid ansax ah,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo codeynta kaddib la hadlay wrabaahinta. Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, inkastoo uusan sheegin xilliga rasmi ahaan ay ugu dhawaaqayaan guddiga. Intaas kaddib, waxaa isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn. “Kooxda sheegtay inay xilka iga qaadeen uma aqoonsani xildhibaanno inay yihiin; waxaana dhici karaa waa xubnihii Ahlusunna ee la doonayay in lagu daro baarlamaanka Galmudug iyo shacab lasoo ururiyay,” ayuu hadalkiisa ku yiri guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday. Dhanka kale, Casir ayaa sheegay in dhawaan ay xildhibaannada Galmudug ka hadli doonaan dhawaan wixii maanta ka dhacay Galmudug, ayna sidaas ku caddaan doonto in kooxaha shiray aysan xildhibaanno ahayn. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xilliyadii lasoo dhaafay ay jireen muranno ka taagan maamul-goboleedyada, kuwaas oo uu ku baaqay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya in la joojiyo si xal looga gaaro. PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay Xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  18. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda maaliyadda Puntland. Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa Saynab Ugaas Yaasiin loogu magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa dhawaan iska casilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo u tartamayay duqa Boosaaso, oo markii dambe uu ku guuleystay. Marwo Saynab Ugaas Yaasiin ayaa xilal badan ka soo qabatay Puntland waxaana kamid ahaa Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo Haweenka. Hoos ka akhriso Digreetada Xeer Madaxweyne Lr. 121 September 13, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markay tixgeliyey: Aqoonteeda iyo khibradeeda shaqo Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Waxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Saynab Ugaas Yaasiin loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu bangiga adduunka todobaadkan ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku sheegay 2 khatar oo haddii aanu maamulka Farmaajo wax ka qaban laga dhaxli-doono cawaaqib xumo. Lacagta Mobilka: Bishiina waxaa lagu qiimeeyey lacagaha taleefonada gacanta la isugu gudbiyo ee Soomaaliya $2.7 bilyan oo ka dhigan in 155 Milyan jeer ay dadka lacag isu direen. Qiyaasta 36% dakhliga guud ee wadanka ayaa mara hanaanka lacagaha la isugu diro taleefoonada, 73% ayaa adeegsada hanaanka taleefoonada lacagah ala isugu diro. Lacagaha taleefoonada la isugu diro waa kuwa ugu balaaran ee hadda habka kala gudbinta lacagta loo isticmaalo, iyadoo loo adeegsanayo qof qof iyo ganacsiba gudaha Soomaaliya. Khatarta: Lacagaha taleefonada ee soo gala bangiga ayaa ka badan kuwa ka baxa, sidaasi darted waxaa dhici karta inay shirkadda bangiga ama adeegga isla leh ku dhiirato inay lacagtaas iska isticmaalaan, oo maal-geshi ku sameystaan, halkaasina ay khatar ka dhalato. Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay lama oga in bangiga ay taallo lacagta qiimo ahaan u dhigma midka ay dadka ku shubaan ama isu wareejiyaan. Ma jirto hufnaan lacag isu diris ah, waayo qofka aad lacag u dirto, isla lacagtii ayuu kuu soo celin ama qof kale u dirayaa lacagaha wareego waa tii ay dadka dhigteen, halka hantidii uu bangiga lahaa sidoo kale ay dhul iyo maalgeshi ku sameystaan. Sidaa darted, ku tiirsanaanta sare ee lacagaha taleefoonada la isugu diro waxay kordhisay dayacnaanta ku timid maqnaanshaha hanaan sharciyeed oo rasmiya. Oo haddii uu bangigaas burburo ama dhibaato ku timaado, waxaa hanti beelaha inta badan dadka Soomaalida ah. Cafinta Deymaha: Dhinaka kale, Bangiga Adduunka waxaa uu ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya. “Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka bangiga.
  20. MOGADISHU (Caasimada Online) — Ahead of the completion of his assignment at the top UN official in Somalia, Michael Keating took some time out to look back on his years of service and the outlook for the Horn of Africa country. Mr. Keating’s appointment as the Secretary-General’s Special Representative for Somalia and head of the UN Assistance Mission for Somalia (UNSOM) was announced in November 2015. His service coincided with some crucial developments in Somalia’s development, including elections and a major drought, as well as challenging security conditions. He came to the job with extensive experience in supporting political and peacebuilding transitions, as well as leading complex humanitarian and recovery programmes, in Afghanistan, the Middle East and Africa. ************* Q. Serving as a Special Representative of the Secretary-General (SRSG) is no walk in the park, especially in a challenging environment like Somalia. What drew you to this job? A. I think it was the opportunity to work in a country and with people that I’ve had a long relationship with because I spent some time in Somalia as a child and then came back at the height of the civil war, briefly, in 1992. To be given an opportunity to contribute to the reemergence of Somalia was irresistible – partly because it was also an opportunity to use some of the experience and skills that I’ve gained in my career, both on the humanitarian side and in human rights and development, but also political – it’s a great privilege to be an SRSG. When I was asked if I would be interested in applying for the job, I jumped at it. And I’m really thrilled I did so. Q. After almost It’s often said that the public perception of Somalia differs greatly and the reality of Somalia? A. The image of a country is shaped by what the nationals of that country say, and also how the international media portrays the country. Somalia has a huge diaspora all around the world, particularly in Europe and North America, as well as in the Middle East and Kenya. A lot of diaspora left in the 90s, at the height of the civil war, and they have very raw memories of that experience. The good news is that some are coming back, but most are still outside the country – they are often very skeptical about the country’s challenges on the basis of the violence and chaos they experienced. The international media, for obvious reasons, is not really present in any substantial numbers in Somalia. They tend not to be able to come here, because of the expense and the insurance, unless there’s a big story and those big stories tend to be related to hunger and drought or violence and bombs – which means that if something goes wrong lots of people turn up, do the reporting, disappear, and then if you google Somalia, much of the reporting is on the negative stuff. But, in fact, if you live here – I’m based in a compound but I get around a lot – you see a different reality. Even in the three years I’ve been here, at the most superficial level, let alone more profound levels, there has been a positive change. Mogadishu is much more dynamic. There are a lot more people in the streets. There’s more stuff going on in the evening. There’s a lot more construction. It’s still quite bashed up compared to how it was in the 1970s and 1980s when there was a beautiful ocean-side city – we’re not back at that stage, but it’s changed, also in places like Baidoa or Kismayo or Garowe. I am not saying Somalia doesn’t continue to face huge problems with so many people poor and vulnerable. But there are positive things going on, and it’s more difficult to report those stories. The one that from my perspective that I think is very important is how there wasn’t a famine in 2017, and reporting something that didn’t happen is slightly more difficult than reporting something that did happen, but that’s a great success story. Similarly, even though there continue to be these very high-profile incidents of violence – the most terrible of which was October 14th, 2017 – actually, by a number of measures, security for many people is gradually improving, and that’s also borne out through opinion polls and focus groups. Q. During your service here, what has been the biggest development on the political front? A. The peaceful transition of presidential power in February 2017. It followed a parliamentary electoral process, and it was a tumultuous affair – complicated, imperfect, with many, many problems associated with it, but it delivered a result that was received as legitimate both by the international community and by nearly all Somalis. Al-Shabaab, of course didn’t welcome it, but everybody else did it. It was a cause for great celebration. As President Kenyatta [of Kenya] said, when he came to the inauguration of President Farmajo, the rest of Africa is jealous that there’d been such a peaceful transition in Somalia, ironically, because many other countries have very fraught electoral processes. Of course, it was very limited, partly because of the security situation, and because the electoral infrastructure such as voter registration and voter education, the electoral law and political party law were not in place. So, while the electoral process was good, the challenge that leaves is preparing for an electoral process in 2020-2021. That has to happen now, and the unfinished business is passing the electoral law and mobilizing the funds both from Somali sources and international sources to build an electoral machine through the National Independent Electoral Commission, as well as focus on voter education and reaching political agreement as the basis of how candidates will be chosen, who’s going to vote, where they’re going to vote, all these kinds of things. Q. What about the biggest development on the humanitarian front? A. The prevention of famine in 2017. I think the peaceful transition of presidential power contributed to the success of that. The first thing the president did when he was elected was say ‘I want a national campaign to deal with this,’ involving the diaspora and business community, as well as the international community. The humanitarian organizations were much better prepared than they were 2011-2012 when a quarter of a million people died. They had much deeper access; people in 2011-2012 sometimes had to move hundreds of kilometres for safety and to receive assistance – that was not the case in 2017. There was also much smarter use of the private sector which helped keep prices down. There was a scope card system whereby beneficiaries could redeem items that they needed – food and water – from stores all around the country that had signed up to the programme. That was a success. And then international partners gave money, real money, and early. One of the dramas of 2011-2012 was that the money came late; it did not allow humanitarian actors and the government to respond. That is not to say that there are millions of people still living in desperate conditions. 2017 resulted in the generation of many IDPs [internally displaced persons]. We think the total IDP population is something like 2.6-2.7 million people, maybe 20 per cent of the population, and a good 60-70 per cent of that stemming from last year. So, what you’re seeing all around Somalia is pop-up cities of people having had to move from agricultural, mostly nomadic pastoralist areas into towns. And that speaks to the challenge of how can Somalia reduce its vulnerability to a combination of climate change, environmental degradation, conflict and, in a way, systemic marginalization of groups, sub-clans or minorities. That’s a big agenda. It’s a tough one because there is money for humanitarian assistance and the money for development tends to be for infrastructure and big projects, and this stuff falls in the middle – where does helping IDPs fit in and how can you get to a point where IDPs are seen as an opportunity for urbanization, for changing the economic basis upon which the country operates, for getting the government to work with landowners to encourage investment Instead, we’re faced with lots of evictions and friction, and IDPs who already had a terrible time find themselves again subject to all sorts of problems. Q. The biggest advances for Somalia in terms of development? A. There’s something that’s happened in the last couple of years where I think this government can take a lot of credit, which is essentially the insight that unless Somalia can start generating its own resources, it’s going to be eternally dependent on handouts from the international community. It’s signed up to an IMF Staff Monitored Programme, a financial and economic reform programme, with the World Bank being very supportive and the UN from a political angle being a cheerleader for this. The Prime Minister is very serious about this, and what we’ve seen over the last 18 months is an increase in domestic revenues from customs and from tax. It’s a real improvement in the ability of the government to manage money and allocate money. For example, you’ve got things like soldiers being paid, they have to be bio-metrically registered and have bank accounts, and you’ve got a process to review the civil service and how people are paid there. So, there’s generally a real tightening up of the government’s ability to manage resources. That also needs to be rolled out to the Federal Member States. But the prospect is not only of increased domestic revenues – which like any individual or family, is always great when you’ve got your own money rather than from other people – but raises the prospect of arrears clearance and debt relief, perhaps in a year, two years, but not in the distant future. It’s a real prospect if these reforms can continue. That will be a massive green light to the international community, both private sector investors as well as the World Bank, the IMF and all the big donors to invest in Somalia. Q. Security is another key area for Somalia – how has that progressed? A. There’s been some progress, with a big breakthrough being political agreement among Somalis about what the country’s security architecture should look like. For 30 years there’s been no real agreement on that, and last year, in 2017, they reached an agreement and it was signed off on with the international community at the London Conference. The challenge of course is implementing it. It covers the army, the police, the intelligence agencies, maritime forces – but what’s good about it is recognizing that security isn’t just about weapons and kit and training. It’s about building institutions but also about addressing the issues which cause insecurity in the first place. These include lack of justice, lack of policing, lack of basic local governance, and so on. There’s also a strong community rehabilitation and local governance dimension to it – what some call stabilization. There’s a long way to go, and these political agreements are going to take time to translate themselves into real investment. There are lots of practical challenges. For example: how do you get uniform training of the army when you have so many different actors, including international actors, such as the EU, the US, Turkey, the UK, the UN and many others involved in this area. If Somalis can have a coherent approach to security then that’s one of the things the Comprehensive Approach to Security will try and bring coherence to this. This isn’t to say that Al-Shabaab doesn’t remain a massive threat and insecurity is a perennial problem, but at least there’s progress in figuring out how to do it. Q. And how about progress in the area of peace and reconciliation? A. In the area of peace and reconciliation and local conflict resolution, there’s a long way to go. Al-Shabaab remains very violent. It changes shape all the time. It’s now using IEDs and targeted assassinations rather than big operations, although in some areas of the country it’s still carrying out swarming attacks [on military bases/locations], but in cities it’s changed its tactics. It’s also a threat to the whole federal project because I don’t think they believe in parliamentary or presidential governance; they have their own vision of what governance is, and they are a serious threat. But the point is they succeed partly because of the inability to address the other dynamics of conflict, which include disputes which actually have nothing to do with Al-Shabaab. They’re disputes over land, disputes over water, disputes over revenues, historic grievances, a sense of injustice, of a clan feeling that it is being unfairly treated, and so on. So, one of the things that we’ve been very much doing is supporting the government to develop a reconciliation framework, and also getting involved in conflict resolution in places like Galkayo, Galmadug, Merka and elsewhere, and encouraging conflict prevention. The situation in Tukaraq, between Puntland and Somaliland, remains very tense and could get out of control. But for six months, working with partners like IGAD and others, we’ve helped prevent that from getting out of control. Certain conflicts are best helped by the involvement of the government and some aren’t, and for some it’s great to have international involvement and for some to have the internationals stay away. And some of them should be sorted out through women or the business community. Q. How do you see the outlook for Somalia? A. I think that depends upon the degree to which Somali leaders – whether they’re in business, politics or civil society – are willing to work together to achieve a common benefit. Sometimes, the analogy I like to use is that for 20-30 years there’s been intense competition for power and influence and control, including for resources and revenues, over a pie that big. If they work together – having 25 per cent of a pie that big is actually much less interesting than having five per cent of a pie that’s 100 times bigger! Grow the pie would be my advice to Somalis. And the only way you can grow the pie is by improving security, creating an environment in which people can invest, can get jobs, that education and health services improve, and the same in other areas, ranging from energy development to fishery licensing. It’s in Somalis’ hands. It’s not up to the UN, or the international community or particular partners, to sort out Somalia’s problems. They’re willing to help but unity among Somalis and a determination to get things done is the thing that can transform the situation and bring benefits to the people, and there hasn’t been enough of that. Things are getting better but politics in this country tends to sometimes be of a sort of zero-sum dimension to it – people think ‘if I don’t get it, someone else will get it’ rather than ‘how do we work together, both of us, with a bit of compromise, to get what we want.’ The key constituencies – and I’m not talking about women, youth and minorities, although they’re very important and have to be involved in key decisions – need to agree to work together rather than try and bash each other up. They include the business sector, the parliamentarians, because parliamentarians represent many clan interests, they include the diaspora, the Federal Member States and the international community. Q. Over the years, have you seen signs of donor fatigue from the international community? What can be done to combat it? A. Ironically, as things gradually get better in Somalia, the challenge is to keep Somalia on the radar screen as often the attention of the international community goes to the places which are most high-profile – which tends to be the places where there’s most drama. My message to the international community is that progress is being made but it is reversible. Until Somalia has the ability to pay its own way and manage its own security, it needs sustained and coherent international support. Do not walk away now. At a time when so many things are going wrong in the world, the idea that there is a country where things may be coming together – albeit in a non-linear way, still marked by many incidents of security and with problems with corruption and other issues – where things are gradually improving. I don’t want to be rhetorical about this, you’ve got to underpin that with some factual information, and that ultimately is going to be measured in terms by the number of young people who get an education, by access to health services, by business confidence, in terms of security, which you can measure. I think the indicators are showing that things are improving. For example, five years ago we didn’t have a Federal Member State structure, we didn’t have an upper house of parliament, we didn’t have a National Independent Electoral Commission. There are really very big changes. Q. In the years to come, what do you think you’ll back at as a personal highlight of your time as the UN envoy to Somalia? A. I really enjoy working with Somalis. I’ve learned a lot from them. They’re immensely political and they’ve got a great sense of humour. They’ve got something that in my experience doesn’t prevail everywhere: which is that you can have furious rows with Somalis and then be friends. You have a massive argument about something or other in some of the countries where I’ve worked and that would probably result in 10 years of not talking to someone. Doesn’t happen in Somalia! You have that massive row and then you end up having lunch the next day. I’ve also discovered how unique the Somalis are. Somalia is part of the Arab League, but they’re not really Arabs. It’s a member of the Africa Union, but it’s very distinct culturally from the rest of Africa. It’s a very, very unique culture – it’s an oral culture. I think sometimes we assume too much about putting things in writing, but in fact it’s what people say to each other and how they interact with each other, and their relationships with each other that matter in Somalia. And I think that’s what I’ve enjoyed, basically, getting to know lots of Somalis. SOURCES: UN mission in Somalia (UNSOM)
  21. Mubarak (Caasimadda Online) – Xoogagga Mareykanka ayaa iyagoo taageeraya kuwa Soomaaliya waxa ay 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyeen xaafadda Mubaarak, oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa is difaacid lagu dilay labo ka mid ah Al-Shabaab mid kalena lagu dhaawacay. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay weerarka deg deg u qaadeen, si ay u difaacaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar culus la kulmay. Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ee ka qeybgalayay howlgalka aysan wax khasaare ah soo gaarin hayeeshee Ciidanka gaarka ee Soomaaliya oo uu Askari uga dhintay howlgalka labo kalena uga dhaawacantay. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ay oggolaanshaha uga heystaan dowladd federaalka ah ee Soomaaliya,lana shaqeyn doonaan howlgalka AMISOM. Mareykanku waxaa uu sheegay in uu baaritaan ku hayo in weerarkaas uu khasaare ka soo gaaray Dad Rayid ah intii uu socday. Halkaan hoose ka akhriso warbixinta lasoo dhigay Twitterka U.S. Conducts Airstrike in Support of the Federal Government of Somalia – https://t.co/FvCJKMS1UO pic.twitter.com/3bRWphnUTK — US AFRICOM (@USAfricaCommand) September 13, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha “xilka laga qaaday” ee baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay xildhibaanno ka qaadeen xilkiisa. Isagoo BBC la hadlayey ayuu Cali Gacal yiri “Xildhibaanno la aqoonsan yahay ma aha waa fowdo, dad shacab ah ayaa meesha lagu soo uruuriyey, aad ayaana uga xumahay, xildhibaannadii dhabta ahaa ee reer Galmudugna way joogaan”. Dadka uusan aqoonsanayn ee uu sheegay in ay codeeyeen ayuu Cali Gacal Casir ku tilmaamay “raggii aan lagu heshiinin ee sad bursiga ahaa ee la qorayey waayadii dhoweyd ee ka tirsanaa Ahlusunna, ee loogu tala agalay in Galmudug lagu biiriyo, mana la isku afgaran, sababtoo ah khaladaad aad u badan ayaa jiray, lamana aqoonsan. Marka waa raggaas iyo shacab la isku soo daray” ayuu yiri Cali Gacal casir. Mar uu ka hadlayey hadalka uu sheegay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ee ah in kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka loo tartami doono ayuu Cali Gacal yiri “hadaan sharciga la ilaalinayn cid walba waxay rabto ayey samayn kartaa, waxa soconaya jawaabtooda waa la bixin doonaa, xildhibaannada Galmudug ayaana ka jawaabi doona” ayuu ku gaabsaday. Hadalka Cali Gacal ayaa yimid markii uu maanta guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed, uu ku dhawaaqay in “146 xildhibaan oo ka mid ah 147 xildhibaan oo codeeyey ay xilka ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, sida darteedna loo tartami doono jagadaas”. Maamulka Galmudug ayaa u muuqda inuu qas siyaasadeed oo xagga hogaanka ah lugaha la galay, kaasoo si muuqata dibadda ugu soo baxay wixii ka dambeeyey markii ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. U.S. and Somali forces came under attack during an operation against the al-Qaeda affiliated group al-Shabaab in central Somalia, U.S. Africa Command said. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) has welcomed a peace deal signed by South Sudan’s President Salva Kiir and his main rebel leader Riek Machar, in a bid to end a five-year war left tens of thousands dead. Mr. Mohamed says he witnessed the signatory to the South Sudan peace agreement in Ethiopia’s capital, Addis Ababa. “I am hopeful that this pact will be implemented by all South Sudanese sides”, he said. He says Somalia will work closely with all partners in the pursuit of lasting peace, stability and development in the region. “Somalia welcomes the signing of the peace pact between South Sudanese sides. We are hopeful that this ends the conflict permanently”. Somalia’s President urged South Sudan’s President Salva Kiir and his main rebel leader Riek Machar to work hard to build a lasting peace in South Sudan as “it is a key priority for regional stability and economic development”. The deal reinstated Machar in his former role as vice president and comes two weeks after a peace deal was officially agreed upon between the government and rebel groups. South Sudan descended into civil war in 2013, shortly after independence in 2011, after Kiir accused Machar, then his deputy, of plotting a coup. The war has uprooted one-quarter of South Sudan’s population of 12 million, ruined the country’s agriculture sector, and battered its economy. South Sudan resumed pumping 20,000 barrels a day of crude oil from the Toma South oilfield last month, where production had been suspended since 2013 because of the civil war. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  25. Qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigoodu ahaa Dhuusamareeb ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey guddoomiye Cali Gacal Casir. Doodda mooshinka looga qaadayo oo ilaa shalay socotay waxaa soo xaadiray 147, codeynta dhacday waxaa in Cali Gacal Casir la tuuro ogolaatay 146, hal Xildhibaan ayaa aamusay. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa warbaahinta u sheegay in 146 Xildhibaan ay isku raaceen xil ka qaadista Guddoomiye Cali Gacal, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Tirada uu hadda u taagan yahay baarlamaanka Galmudug waa isku darka: 89 ka timid baarlamaankii Galmudug iyo 106 ka imaaneysa maamulka Ahlu-sunna, iyada oo tirada guud noqotay 195 Xildhibaan. Dood dheer oo lagu kala tagay ayaa halkaas ka jirtay. Go’aanka qeyb ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo weliba fadhiyey magaalo aan fadhigooda rasmiga aheyn ay shaqada uga joojiyeen guddoomiye Cali Casir waxaa ay soo afjareysaa dadaallo dhex-dhexaadin ah oo ay wadeen aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanno ka tirsan Galmudug ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Cadaado halkaas oo baarlamaanka xarun ah sida ku xusan heshiiskii Djibouti, taas oo keeni karta in fasiraad badan laga bixiyo sababta xilka looga qaadey guuddoomiyaha goob aan baarlamaanka fadhigiisu aheyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com