-
Content Count
211,184 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaacbis Maareeye-xigeenka Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Dhuusa- Mareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa si rasmi ah uga hadlay waxyaabihii looga wada hadlay kulamadii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Galmudug kadib socdaalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Di u heshiisiinta iyo Federaalka Sabriye. “Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka kasoo baxay. Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday” Gamudug ayaa sheegtay in wasiirku in ay u gudbiyeen dhankooda cabashada ay qabaan ”Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug. Wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa”. “Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug, wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa” ayaa lagu xiri war saxaafadeedka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis laga gaaro khilaaf ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamulka Galmudug ee la xiriira qabashada doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha in kulamadaas ay kasoo baxeen isku-soo dhawaansho iyo in xal loo helo khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug,isla markaana jawi wanaagsan ay kusoo dhamaadeen. “Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la wadaaagi doonaa waxyaabihii aan ka soo wada hadalnay Madaxda Galmudug,”ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug Caasimada Online Xafiiska Dhuusa Mareeb Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019, ku magacaabay Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay:Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay:In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala wadada mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama ee Muqdisho. In ka badab 15 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhawacmeen qaraxaasi. Dadka dhintay ayaa waxa ay ahaayeen dadkii ku sugnaa goobta maqaaxida ah iyo dad wadada bajaaj ku marayay iyo dad lugeeynayay. Ciidamada amaanka ayaa xeray halkii qaraxa uu ka dhacay. Puntland Post The post Faah Faahin: Qasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye, waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka. Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay goob maqaahi ah, waxaana halkaasi waxyeello ka soo gaartay dadkii goobta joogay iyo qaar kale oo la kulmay. Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah oo ka yimid dhinaca Isgoyska Debka uu ku qarxay maqaayado iska soo horjeeda kuna dhaggan hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale gaadiid badan ayaa halkaasi ku bur buray. Khasaaraha ayaa waxaa badiyay goobta oo aheyd maqaayad iyo sidoo kale wado ay aad u isticmaalaan gaaiidka Bajaajta iyo kuwa kale ee raaxada ah. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay DF-ka Soomaaliya oo qaraxaan ku aadan. Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo shalay iyo xalay baraha bulshada ee Internet-ka lagu soo qorayay digniino amni oo la sheegay in ay ka soo baxday hey’adaha ajnabiga ah ee dalka ku sugan. Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan marti u noqotay qaraxyada Al-Shabaab iyo weerada Qorsheysan, waxaana muuqato inaysan jirin Istaraatiijiyad Amniga wax looga qabanayo. Muddo todobaad ah ku-dhowaad 10 qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhintayn dad badan oo shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (SMN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada aminga maamulka Hirshabelle Geele Isaaq Warsame oo ka hadlayay arimo laxariira amniga deegaanada maamulkaasi ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in ay gacan ka geystaan Sugida Nabadgalyada deegaanada Maamulkaasi. Geele Isaaq ayaa waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in aysan dhexdhexaad ka noqonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda deegaanada Maamulka hirshabelle. Alshabab ayaa wali ku xoogan Deegaano dhaca gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee uu ka arimiyo Maamulka hirshabelle,waxaana inta badan weeraro ay ku qaadaan fariisimaha AMISOM iyo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaanada Hirshabelle. Dhawaan ayey aheyd markii kun askari oo ka tirsanaa howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya laga saaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe,taas oo madaxweynaha Hirshabelle uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto howlaha maamulkiisa. View the full article
-
New York (SMN)- Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa mudo kordhin dheeraad ah u sameeyay howl galka qaramada midoobay ee Somaliya ee UNSOM sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golahaasi. Mudo kordhintaasi ayaa waxaa xubnaha golaha ay isku raaceen in ay noqot mudo hal sanno ah kadib kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee xarunta qaramada midoobay. Golaha ammaanka ayaa howlgalka UNSOM ugu baaqay inuu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya si loogu gudbo caqabado badan oo ka taagan dalka. Sidoo kale ayaa waxa goluhu uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka dalbaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan xafiiska UNSOM iyo ururada kale. War qoraal ah oo ka soo baxay kadib kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay dowladda federaalka ah looga dalbaday in mas’uuliyad weyn iska saarto hanaanka doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in ay bilawdaan sannadka 2020. Qaramada midoobay ayaa dhinaca kale howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika iyo dowladda Soomaliya ugu baaqay in xoojiyaan ammaanka dalka si doorashada dalka ay ugu dhacdo si xasilooni ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa beeniyey in ciidamadooda ay baneeyeen saldhigyo ay ku leeyihiin koofurta Soomaaliya. Midowga A frika ayaa sheegay in qorshaha dhaqdhaqaaqa ciidamadooda aysan ahayn in ay ka baxeen saldhigyadooda balse tahay istaraatiijiyad ay doonayaan in ay Al-shabaab kaga saaraan deegaano dhowr ah. War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay in muhiimada ugu weyn ay tahay in ciidamada amisom ay ku wiiqaan awooda Al-shabaab isla markaana ay sugaan amniga shacabka. Qoraalka AMISOM ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ka baxeen deegaano ku yaala gobalka Gedo ee koofurta Soomaliya. Howlgalka AMISOM ayaa xusay in dhaqdhaqaaqyada ciidamadooda ay kaga baxeen deegaanada Busar,ceelcade iyo baardheere ay tahay xeelada dagaal. Midowga Afrika ayaa wada qorshe ay doonayaan in ciidamada soomaaliya ay ugu gacan geliyaan deegaanada ay ku sugan yihiin si ay ula wareegaan mas’uuliyada amniga dalka. View the full article
-
At least 11 people died when a bomb exploded on a busy street and ripped into a nearby restaurant in Somalia’s capital Mogadishu on Thursday, medics said. “The death toll we have confirmed so far is 11 people, with 16 others wounded,” said Abdulkadir Abdirahman Adan, director of the Aamin Ambulance service, adding that the toll could still rise. “There could be more losses.” Witnesses described scenes of devastation, with several people wounded as they were eating lunch. There was no immediate claim of responsibility for the bombing. However, Mogadishu is regularly targeted by the Al-Qaeda affiliated Al-Shabaab insurgents, who have been fighting for over a decade to topple the government. The attack took place on the busy Maka Al-Mukarama road, once of the main highways through the seaside capital, an area busy with businesses and travellers. Witnesses said several cars and three-wheeler motorbikes were destroyed by the force of the blast. The bombing is the latest in a recent string of blasts in the capital, which has been hit regularly by Shabaab attacks. Shabaab fighters fled fixed positions they once held in Mogadishu in 2011, and have since lost many of their strongholds. But they retain control of large rural swathes of the country, and continue to wage a guerrilla war against the authorities. View the full article
-
Dhoobleey (SMN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dagallamo oo katirsan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu bilaawday xili ay howlgalo amni xaqiiijin ah ay ciidamada Jubaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ka war heleen in Al-shabab ku sugan yihiin agagaarka deegaanka Dagallamo,halkaasna uu ka dhacay dagaal xoogan. Saraakiil katirsan ciidamada Jubaland oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaasi,hayeeshee waxa ay cadeeyeen in wali deegaankaasi ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabab. Xaalada deegaanka Dagallamo ee hoostagta degmada dhoobleey ee gobolka Jubada hoose ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Ciise Xawar oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Daljir ee fadhigeedu yahay Garoowe ayaa sheegay in uu Dacaayada yahay Warka Sheegay in Loo hasto Musuq-maasuq Waxaana uu sheegay inaan arrintaa waxba ka jirin. Waxa uu sheegay in aanu Hanti-dhawrku lahayn eedayn musuqmaasuq laakiin, uu leeyahay soo jeedin arrintaasina ahayd dacaayad la buunbuuniyay haddana ay iska dhammaatay. Axmed Ciise Xawar ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo Badan oo ka mid ah Ciidamada gaadhey sanaag oo uu sheegay in ay joogaan Dhulkoodii. Arimaha waxqabadka Gobolka Sanaag oo uu ka soo jeedo ayuu sheegay in uu raali ka haya Cidkasta oo Wax u Qabaneysa, Wax Wasiir Xawar uu soo Dhoweyey Dhismaha wadda Ceeldaahir Ceerigaabo oo uu sheegay in Somaliland Gacan ka geeysan Doonto. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Nairobi (SMN)- Ha’yadd u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka hor imaatay go’aanka dowladda Kenya ku dooneyso in ay albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee ugu balaaran aduunka ee Dhadhaab. Ha’yadda ayaa sheegtay sidoo kale in hadii xukuumadda Nairobi ay ku adkeysto go’aanka ka dhanka xeryaha Dhadhaab ay halis galin doonto nolosha qaxooti gaaraya 250 kun oo Soomaali ay ku jiraan. Bishii Febraayo ee sanadkan dowladda Kenya oo sababo amni u cuskaneysa xiritaanka xeryaha Dhadhaab ayaa qoraal ay u gudbisay qaramada midoobay waxay ku sheegtay in bisha August ee sanadkan ay qorsheeneyso in ay xirto xeryaha Dhadhaab. Qoraalo qarsoodi ah oo la helay ayaa lagu ogaaday in laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNCHR ay intii u dhexeysay 2014 iyo 2018 kumanaan Soomaali ah si bilaash ah dib ugu soo celisay gudaha Soomaaliya. Inta badan qaxootiga UNCHR ay dib ugu soo celisay Soomaaliya sanadihii 2016 iyo 2017 ay ka soo carareen abaarihii dalka ku dhuftay sanadkii 2011. Sanadkii 2016 dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay xiri doonto xeryaha Dhadhaab,laakiin go’aankaasi ayaa waxaa ka soo horjeestay maxkamadda sare ee dalkaasi iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha. Hadalka ha’yadda Human Rights Watch ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii ha’yadda u dooda xuquuqda aadanaha ay si xoogan u dhaliisay qorshaha xukuumadda ay ka damacsantahay xeryaha Dhadhaab oo in ka badan 20 ay daganaayeen kumanaan qaxooti Soomaali ah. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN)- Wafdi balaaran uu hogaaminyo madaxwenaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa ayaa si balaaran garoonka diyaaradaha ee maagaalada Gaalkacyo waxaa ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo Gaalkacyo madaxweyne Xaaf ayaa kulamo la qaadan doona odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uu kala hadli doono xaaladda Galmudug iyo qorshaha dib u heshiisiinta. Madax ka tirsan maamulka Galmudug oo la socday wafdiga madaxweyne Xaaf ayaa Shabelle u sheegay in madaxweynaha dhowr cisho uu joogi doono magaalada Gaalkacyo. Safarka madaxwyne Xaaf ee Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xili maamulkaasi uu ka dhex jiro khilaaf xoogan oo sababay in uu maamulkaasi u qeybsamo labo garab oo kala ah Cadaado iyo Dhuusa Mareeb. View the full article
-
Inta la xaqiijiey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye, waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho. Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo ah caalim iyo guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay goob maqaahi ah, waxaana halkaasi waxyeello ka soo gaartay dadkii goobta joogay iyo qaar kale oo la kulmay. Hanti ay ku jiraan guryo, goobo ganacsi iyo gawaarida dadweynaha ayaa u badan bubrurka, weliba lama shaacin khasaaraha guud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Itoobiya (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil la sheegay in laba ruux oo shacab uu u geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho. Xildhibaanka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Bashiir Diiriye,waxaana dilkaasi uu ka dhacay gobolka Jarati ee dalka Itoobiya. Dilka ayaa imaadaya kadib muran dhuleed soo kala dhex galay labada marxuun iyo xildhibaanka oo la sheegay in dhulkaasi uu horay ugu wareejiyay maamulkii hore ee gobolka Jaraati. Gudoomiyaha gobolka Jaraati Saafi Diiriye ayaa sheegay in muran dhuleedkaasi uu soo jiitamay mudo fara badan,isla markaan marar badan ay isku dayeen ka maamul ahaan in ay xaliyaan,balse arintan ay ka war heleen. Sidoo kale gudoomiyaha gudoomiye Saafi ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay xildhibaanka dilka geystay,isla markaana cadaaladda la hor keeni doono. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaadhi oo daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Weheliye ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen ku dhawaad 10 qof oo meyd ah iyaga oo sheegay inay dhaawacyadu intaas ka badan yihiin, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa makhaayadaha la weeraray. Bur-bur xooggan ayaa soo gaadhay dhismayaasha makhaayadaha la weeraray, dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, hay’adaha amniguna waxa war ah kama soo saarin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaallaan ganacsi kala duwan. Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray. Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa la sheegay inay Maqaayadda aheyd mid aad u mashquulsan isla markaasna ay ku sugnaayeen dad badan maadaama ay aheyd xilligii Qadada. Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.
-
Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho,gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama. Sida ay soo sheegayaan goob joogayaal qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida Filsan oo ku taalla agagaarka hotelka Wehliye. Gaariga qarxay ayaa la dhigay afaafka hore ee maqaaxida Filsan,waxaana laga soo buuxiyay walxaha qarxa, Wadooyinka soo gala halka uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray,waxaana joogsaday isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha,iyadoo goobta ay soo gaareen ciidanka dowladda Soomaaliya. Halkan kala socoto faahfaahinta:- View the full article
-
Dhageyso: Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay maqaayadda Filsan oo ku dhow Hotelka wehliye ee magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in gaariga qarax ka buuxa lala eegtay maqaayaddan, waxaana goobta ku sugnaa xilligaasi dad badan oo rayid ah. Wariyaheenna Cali Aadan Muumin ayaa soo sheegaya in khasaare badan uu ka dhashay qaraxan, islamarkaana waxaa socda gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/CALI-AADAN-MUUMIN-QARAXA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com -
sawir hore booyado biyaa Xukuumadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan daran ka jirto inkastoo aysan magacaabin degaannadaasi. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ka warbixiyay shirkii Khamiista maanta ee golaha wasiirada Puntland oo uu guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan darani ka jirto. Sabareey wuxuu intaasi raaciyay in guddiga abaaraha Puntland oo uu guddoomiye u yahay maadxweyne ku xigeenka loo xil saaray in ay booyadaha biyaha gaarsiiyan meelaha loogu tala galay ee abaartu sida ba’an u saamaysay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Puntland: Xukuumadda oo ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday meelaha ugu daran abaarta appeared first on Puntland Post.
-
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay maqaayad ku dhow Hotelka Wehliye oo kaabiga ku haya isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray shacab halkaasi ku sugnaa, hase ahaatee lama oga inta uu la egyahay khasaarahaasi. Goobta waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah oo wada u gurmashada shacabka dhaawaca ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com