Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia has made progress in addressing some of its problems but continues to experience "profound insecurity" and a dysfunctional political system, a United Nations official told the Security Council on Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. Bosaso (HOL) - Two young men have been shot dead in Bosaso on Tuesday near the town's main market. Source: Hiiraan Online
  3. Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen Labo wiil dhallinyaro ah kuwaasi oo kamid ahaa dhallinyarada waxbaratay ee magaaladaasi. Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in ragga wax diley ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kalena la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka. Lama oga sababta ka dambeysay in la dilo dhallinyaradan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo fal sidan ah uu ka dhaco Boosaaso. Ciidamada Puntland ayaa waxay sameeyeen howlgallo aan weli wax natiijo ah laga sheegin. Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal iyo sidoo kale qaraxyo, waana magaalada Ganacsiga ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somali ee uu xilka ka dhamaaday Michael Keating, ayaa si adag uga hadlay cadaalad daro uu sheegay inay ka jirto Somali. Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay ragaadisay cadaalad daro ka jirta dhanka sharciga, waxa uuna tilmaamay in aad ay u hooseyso cadaalada. Waxa uu tilmaamay in awooda Sharciga Somalia uu yahay mid aad u liita taasina xiliyada qaar ay sababto in uu dhaco musuq-maasuq badan. Michael Keating, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ka dayrinayo hanaanka Caddaaladda Somalia oo uu carab ***** in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu hooseeyay. Waxa uu sheegay in hoos u dhaca cadaalada Somalia ay sabab u noqotay in dadka shacabka ah ay fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale oo ay kamid tahay Shabaab. Waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay mid muhiim ah, hase yeeshee markii laga waayay dowlada Somalia ay shacabku ku dhiiradeen inay u raadsadan dhinacyo ay kamid yihiin Al-Shabaabka. “Waa arrin xaqiiq ah uma baahna in qaab kale loo dhigo xeerka sharciga Somalia waa mid daciif ah oo aad u hooseeya, Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in uu istaago oo loo waayo dad loogu shaqeeyo” “Awooda ayaa weli ah mid xadidan, dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo, Inta badan, dadku waxay u jeedaan dhanka Al-Shabaab , halka ay ka aadi lahaayeen dhanka dowladda” “Marka la’eego dhanka cadaalada waxa ay shacabku dowlada kaga kalsooni badan yihiin Al-Shabaab waayo waxan jirin cadaalad loogu shaqeeyo shacabka” Michael Keating, waxa uu sheegay in musuq maasuq daran uu ka jiro Somalia, taasina ay saameyn doonto dadka aan la heyn awoodaha ee Saboolka ah. “Musuqa ka jira dhanka cadaalada Somalia waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dadka saboolka ah oo aan heysan dhaqaalihii lagu iibsan lahaa cadaalada, waxa ay doorbidayan cadaalada Al-Shabaab” Bilihii lasoo dhaafay dowladda Somalia ayaa waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay gaar ahaan kan ka dhex jira cadaalada iyo xafiisyada dowlada, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga loo dhigay musuqa. Geesta kale, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan isbedel ku sameeyay Maxkamadaha dalka si loo helo cadaalad ka duwan mida laga cawanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkada Cargil ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bixineysa lacago magdhaw ah oo la sheegay inay siin doonto dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo kamid ahaa shaqaalaheeda. Shirkada oo shaqaalahaasi ka hor istaagtay Dukashada Salaada ayaa lagu xukumay bixinta lacag dhan $1.5 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah. Dhalinyarada Soomaali Mareykanka ayaa la sheegay in cadaadis wakhti qaatay kadib ay shaqada ka tageen si ay usii wataan salaadahooda waxaana dacwad ka gudbiyay Soomaalida. Shaqaalaha ayaa dacweeyay shirkada waxaana lagu ganaaxay bixinta lacagta $1,5 Milyan oo magdhow ah kadib markii lagu helay in ay ku xadgudubtay xuquuqda dadka rayidka ah. Shirkadani lagu xakumay magdhawga ayaa waxa ay xarunteeda ku taalla Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka taa oo sameysa Hilibka. Shaqaalaha sida joogtada ah uga howlgala shirkada ayaa tiradooda lagu sheegay 138 shaqaale kuwaa oo ka howlgali jiray baceynta iyo Baakadeynta Hilibka Warshadeysan. Sidoo kale, madaxa Sharikadda Cargil, Brian Sikes, ayaa sheegay in ay u hoggaansameen xukunka Maxkamadda sidoo kalena shaqaalaha ku soo laabanayaan shaqada iyada oo la siinayo waqtiyada salaadda ee ay u baahanyihiin. Inta badan shirkadaha reer Galbeedka ayaa shaqaalahooda muslimka ah ku cadaadisa inay ka tagaan salaadahooda si ay uga sii shaqeeyan shirkada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagi doono 10 nin oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in raggan lasoo qabtay iyaga oo maleegayey falal amniga wax u dhimaya. Waxa uu tilmaamay wasiirka in ragga la hayo loo haysto falal la xiriira qaraxyo dhacay, kuwo ay qorsheynayeen iyo dilal ka dhacay magaaladaasi. “Ciidamada waxay soo qabteen 10 nin oo amni darri wadday, qaarkood qaraxyo ayeey magaalada ka fuliyeen kuwana dilal qorsheysan, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamadda si cadaaladda loo waafajiyo” ayuu yiri Kaliil. Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay howlgallo amni ka wadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay Goobjoog News heleyso waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen xaafadda Buulo Foolyo ee degmadaasi, halkaasi oo fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo socday ku dhowaad saacad. Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan inta dagaalka uu socday. Ma jirto wax war ah oo ay soo kala saareen dhinacyada ku dagaallamay degmadaasi. Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weerar ugu qaadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa habbeenimadii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa uu aad u xooganaa ayaa waxaa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Gaari gacan laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in gudaha loo soo galiyo magaalada. Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay meel ku dhow Xawaalada Amal Suuqa bakaaraha waxaana ka dhashay burbur iyo khasaaro hantiyeed. Saraakiisha iyo ciidamada amaanka ayaa ku sugnaa goobta waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhacay wakhti danbe oo xalay aheyd. Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Qaraxa mana la oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa noocaas ah ee loo adeegsaday gaari gacan ayaa noqonaaya kii labaad oo lagu soo xiro gaari waxa uuna kii koowaad uu ka dhacay suuqa siinaay asbuucii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. VIENNA/ROME (Reuters) - Italian far-right leader and Deputy Prime Minister Matteo Salvini likened African immigrants to slaves at a European conference on Thursday, drawing an angry response from Luxembourg’s foreign minister, who cursed at him in frustration. Source: Hiiraan Online
  10. The county government of Garissa has allocated Sh450 million towards skills training , entrepreneurship and home industries to empower youth and women. Source: Hiiraan Online
  11. Somali-American public health advocate promotes appreciation of dark skin. Source: Hiiraan Online
  12. Suspected Al-Shabaab militants allegedly killed two people on Friday morning after ambushing a bus heading to Garissa town. Source: Hiiraan Online
  13. Despite some gains, female politicians face an uphill battle in reaching the country’s 30% quota. By Omar Mahmood Source: Hiiraan Online
  14. In an article on Hiiran Online on 17 August 2018, I called on Eritrea, Ethiopia and Somalia who were working to bury the decade old enmity (Ethiopia and Eritrea) and the renewal of the strong ties that existed between Somalia and Eritrea Source: Hiiraan Online
  15. Although some say it was too late, the government of Dr. Abiye should be commended for decisive action it has taken against criminals who have wreaked havoc in Jijiga. Many are happy to see Abdi Iley and his murderous gang behind bars for the crimes they have committed against the law abiding citizens of the country. Source: Hiiraan Online
  16. Uganda is the most physically active nation in the world, according to a recent report by the World Health Organization. The BBC's Patience Atuhaire went to find out why. Source: Hiiraan Online
  17. In early September, the Somali regional leaders met in Kismayo. It was a meeting where the President Mohamed Farmajo was not present, but yet his big portrait was so visible that it covered the pictures of the five regional leaders. Source: Hiiraan Online
  18. Kenyans in border towns are now forced to import affordable fuel from Somalia after local prices hit the roof. Source: Hiiraan Online
  19. Jannaale (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa 4-tii bishan weerar ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle. Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay in uu dardaaran xooggan ka bixiyey madaxweyne Aadan Cadde. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay boorsada ayaa xitaa qoyska aanay aqoon waxa ku dhex jiray. Boorsada ayaa la sheegay in markii ay Soomaaliya ka qarxeen dagaalalda sokeeye sanaddii 1991-kii ay guriga Aadan Cadde uga tageen qoys qax ahaa, oo uu madaxweynihii hore soo dhoweeyey, kuwaas oo hilmaamay markii ay sii baxayeen. Madaxweyne Aadan Cadde ayaa la sheegay inuu didiay in boorsadaas la furo, maadaama aysan fasax ka haysan dadkii lahaa. Wuxuu sidoo kale ku amray qoyskiisa inaysan marnaba furin illaa dadkii lahaa ay ka yimaadaan oo ayaga qaataan. Boorsada ayaa illaa iyo xilligaas taalay guriga, mana jirin cid furtay ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha, waxaase nasiib darro qaatay ciidamadii guriga soo weeraray, lamana yaqaan halka ay geeyeen iyo waxa ay ku sameeyeen. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaalia Xassan Cali Kheyre ayaa raali-galin ka siiyey qoyska Aadan Cadde, weerarka lagu qaaday gurigooda, balse sooma hadal qaadin boorsada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad u dhaliilay qoraalkii shalay kasoo baxay madaxda maamul goboleedyada ee ay shuruudaha ugu xireen wada-hadal ay la galaan madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli khilaafka labada dhinac uu kasii darayo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Mahad Salaad ku sheegay in aad looga wanaagsanaa in madaxda maamullada ay u gacan haatiyaan shisheeye, oo ay ka dalbadaan inay dhexdhexaadiyaan ayaga iyo dowadda, islamarkaana yiraahdaan “ma aamini karno dowladda” “War-Murtiyeedka kasoo baxay Dowlad Goboleedyada in ay codsadaan in gacan sadexaad dhex-dhexaadiso iyaga iyo Dowlada Federaalka ah waa wax la fahmi karo, inkastoo laga fiicnaa oo sida meesha ka muuqata ay u gacan haatinayaan faragelin shisheeye, kuna kalsoonaan waayeen hay’adihii Dowlada Federaalka” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraalkiisa. Mahad Salaad waxa uu sidoo kale sheegay in shuruudaha ay soo bandhigeen madaxda maamul goboleedyada iyo hadalkooda ah inaysan amniga ku aamini karin dowladda dhexe ay tahay mid dhaawaceysa dowladnimada Soomaaliya oo aan la aqbali karin. “In wada hadalka Dowlada Federaalka ay shuruud ku xiraan. Sharciyada dowlada dhexena ay shaki geliyaan. Amnigana kuma aamini karno dowlada ay dhahaan waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada Soomaaliya. Mana ahan wax la aqbali karo” ayuu yiri Mahad Salad.
  21. Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ee Cabdi Weli Gaas, ayaa war kasoo sartey go’aankii dowladda Jarmalka ay ku joojisay Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, qaybtiisa u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Mashruucii oo mudo dood ka taagnayd qaabka loo hirgelinayo ayaa gebi ahaanba dowladda Jarmalka isaga baxday mashruuca, kadib markii maamulka Madaxweyne Gaas fulin waayay qodobadii iyo shuruudihii Heshiiska, sida ay sheegeen Jarmalka. Hay’adda GIZ, oo dowladda Jarmalka u qaabilsan dhanka horumarinta, islamarkaana usoo xil-saartey fulinta mashruuca dhisamah wadada Xarfo iyo Jalam oo ah mid hawlbowle u ah Puntland ayaa ka baxdey dalka. War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland kaasoo lagaga jawaabayo go’aankii dalka Jarmalka oo wakiil ka ah wadamadii bixiyey dhaqalahan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mowqifkaan mid qoomamo iyo shaleyto uu ka muujinayo maamulkaan, iyagoo dalbaday in wadahadal laga sameeyo waxa keenay joojinta. Sida ku xusan War-saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa Jarmalka ku tilmaamay dal kaalin yar ku lahaa maal-gelinta dhismaha jidka Xarfo iyo Jalam, waxaana uu amaan kala dul-dhacay Midowga Yurub oo dhameystir uga raadinayo mashruuca. Jarmalka ayaa sabab uga dhigay go’aanka hufnaan la’aan iyo inaysan ku qancin sida howsha loo fulinayay, oo mad-madow iyo musuq-maasuq badan uu ka jiray, sida la sheegay taasoo keentay inay kusoo wadi waayaan mashruuca. Qoraalkaan Puntland kasoo baxey xilli Madaxweyne Gaas shir aan caadi aheyn oo golihiisa Wasiirda la qaatey todobaadkan, kaasoo kaga warbixiyey go’aankii maamulada xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegey in wadadaan uu maamulkiisa dhisayo, iyadoo aysan waxba yeeleyn joojinta mashruuca ee dowlada Jarmalka. Gaas ayaa ku sii darey hadalkiisa In tageero dhaqaale dhismaaha jidkaan uga raadin doono bangiga hurumarinta Africa. Dalka Jarmalka iyo Farnsiisaka ayaa dalalka midowga Yurub waxay ku hogaamiyaan awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waana kuwa ugu tunka weyn dhan walba. Dhinaca kale, sida lagu arkey baraha bulshada sawiro ay soo dhigeen tageeraysaha Madaxweyne Gaas In 40-KM oo kamid ah 80km wadada isku xirta tuulooyinka Jalam iyo Xarfo lagu bilaabey in la saaro laami madow, oo aan tayo badan lahayn. Xigasho: Garowe Online
  22. Afgooye (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa aroornimadii saakay weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo dhanka kalena aan la garanayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Shabaabka ayaa weerarkan soo qaaday, xilli dadka reer Afgooye ay isu diyaarinayeen Salaadda Subax, oo waqtigeeda ay ku soo beegeen weerarka. Maleeshiyada Shabaabka ayaa beegsaday saldhiga ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin aagga Buulo Fooliyo. Waxaana la sheegay maleeshiyada weerarka soo qaaday in ay ka timid dhanka Awdheegle. Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) oo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, iminkana ay xaaladdu degan tahay. Cumar Carabey ayaa intaa ku daray inaanu jirin waxyeelo dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, sidoo kalena aanay garanayn khasaaraha Shabaabka lagu gaarsiiyay. Dhanka kale Shabaabka ayaa Maqribnimadii xalay weeraray Deegaanada Tixsiile, Garas-bandiiro iyo Warmaxan, oo ku yaala wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn. Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabaabku ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta Tixsiile, intii ay haysteena ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada Militariga Somaliya. Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayan Degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku xeeran, waxaana muuqata inaanay weli dowladdu diyaarin qorshe ay kaga hortageyso weeraradaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Halkan ka aqri qeybihii hore. Xilligaas nidaamka Asiyaas Afawarqe waxa uu ahaa mid aad u danaynayay isu soo dhowaanshaha Maraykanka, waxa uuna wax gashaday in uu shaqaaleeyo loobiyada culays saarka, sida shikadda qarreenada ee Greenberg Traoreg ee ku xidhnayd xilligaa hogaamiyaha kongarayska Tom DeLay si loogu ololeeyo in Eratariya ay marti galiso saldhig millateri oo Maraykan ah si uu uga faa’iidaysto bugcada istiraatiijiga ah duulaanka soo ifbaxaya ee Ciraaq lagu qaadayay, iyada oo Maraykan kuna ay ka hor imaanayso mucaaradad xoog badan ee ka soo horjeeda dagaalka Ciraaq badankeeduna ay ka imaanaysay dowladaha daris ka la ah, xitaa Dowladda Jabuuti oo hadda martigalisay saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay Afrika. Afawarqe kama uusan guulaysanin shukaansigiisii Washington oo iyada siyaasadeedu ahayd dayrinta Eratariya, taas oo meeshii ugu saraysay gaadhay sanadkii 2009-kii markii ay ku guulaysatay safiiraddii Maraykanka u fadhiday Qaramada Midoobay “Suzan Rice” in Golaha Ammaanku uu ku soo rogo Eratariya cunaqabataynno iyada oo ay ugu wacan tahay taageerada ay siiso Eratariya argagixisada Soomaaliya, mowqifkaas oo uu wali Maraykanku ku taagan yahay xitaa bilo yar kahor markii ay daldaloollo ka soo baxeen xiriirka Maraykanka iyo Jabuuti cabsida uu Maraykanku ka qabo dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee saa’idka ah ee qaaradda Afrika. Wali way jirtaa cabsida uu millatariga Maraykanku ka qabo isballaarinta Shiinaha, taas oo keentay in Maraykanku uu isbadal qoto dheer ku sameeyo kharriidadda kala horraynta istiraatiijiga ah ee uu ka leeyahay Afrika, isaga oo istiraatiijiyaddiisa cusub ee difaaca qaranka meel sare ka galiyay Shiinaha iyo Ruushka, istiraatiijiyaddaas oo uu shaaca ka qaaday sanadkii 2018-kii, waana calaamaddii ugu dambaysay oo muujinaysa in uu badalay muhiimadihiisa in ka badan 15 sano kaddib oo uu xoogga saarayay la dagaalanka argagixisada. Markii uu soo bandhigayay istiraatiijiyadda cusub ee uu ku xadidayay kala horraynta Pentagon-ka ee sanadaha soo socda, waxa uu ku tilmaamay wasiirka gaashaandhigga Jim Matis Shiinaha iyo Ruushka in ay yihiin dib u socodka ugu wayn oo ka shaqaynaya in ay abuuraan duni sidooda oo kale kali talis ah, inkasta oo Matis uu ku dadaalay in uu adkeeyo in la dagaalan ka argagixisadu uu ugu horreeya ajandaha Maraykanka, haddana waxa uu adkeeyay in suldada iyo awooddu ay yihiin waxa ugu horeeya ajandaha Maraykanka. Xilligaas Washington cabsi wayn ayay ka dareemaysay in Jabuuti xaruntii konteenarrada ee Dooraale ay ku wareejisay shirkado Shiinays ah, kaddib markii ay ka soo ceshatay shirkadda Dakadaha Dubay, gaar ahaan markii ay Jabuuti la gashay heshiis dakad ballaarin ah shirka laga leeyahay Singabuur oo shirko la ah shirkado badan oo dowladda Shiinuhu leedahay, oo ay ugu muhiimsan tahay kooxda ganacdata Shiinayska ah oo runtii leh qaybta ugu badan ee dakadda. Maraykankuna wuxuu si cad uga digay in qabsashada Shiinaha ee dakadda ay khatar ku tahay amniga qoowmiga Maraykanka, inkasta oo madaxda Jabuuti ay gaarsiinayeen Washington in aysan marna niyaysnayn in ay dakadda ku wareejiyaan Shiinaha, haddana Washington waxa ay ka walwalsan tahay in daymaha ku batay Jabuuti ay ku khasbi doonaan in ay ugu dambayn dakaddaasi ku wareejin doonto Bakiin, waana arrinta keentay in dadka qaar ay dhahaan Maraykanka waxaa u fiican in saldhiggiisa Afrika uu u raro waddan kale. Si sahal ahna waxaa loo dhihi karaa in Eratariya ay noqon karto waddanka ugu horreeya ee ku guulaysan kara ajandaha cusub ee Maraykanka, Jabuutina ay noqon karto cidda ugu horraysa ee ku khasaartay, dhaqan galka heshiiska Itoobiya iyo Eratariya ayaa u ekaysiinaya Xukuumadda Geelle in ay kado ku noqotay isbahaysiyada goboleed ee cusub kuwaas oo Jabuuti ku haya cabsi ah in ay waydo lacagihii canshuuraha ahaa ee ay ka heli jirtay ganacsiga, iyo sidoo kale in dib u habayntan cusub ay saamayn ku yeelan karto kaalintii muuqatay ee dakadda Jabuuti ay ku lahayd Geeska Afrika. Sanado badan ayay Jabuuti tartan la’aan ku haysatay, iyada oo ay ugu wacnayd colaadda ka dhexaysay Itoobiya iyo Eratariya iyo go’doonka uu adduunku galiyay midda dambe, waana midda keentay in Itoobiya iyo Jabuuti ay lahaadaan xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo xooggan, gaar ahaan markii dagaal dhanka xuduudda ah uu ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eratariya 1998 dii, Itoobiyana ay wayday dakadda Eratariya, taas oo abuurtay dhibaato su’aal gelisay jiritaanka Itoobiya khasabna kaga dhigtay in ay gabi ahaanba ku tiirsanaato Jabuuti. Waddan ay dadkiisu ka yar yihiin hal malyan oo ruux, in uu sanad walba ka helo $1,500, 000,000 waxyaabaha ay soo dajisanayso ama ay dhoofsanayso dowladda ay dariska ay yihiin ayaa ah qaybta ugu badan ee dakhliga ajnabiga ah ee Jabuuti soo gala. Laakiiin dakadaha Jabuuti waxa ay wajihi doonaan tartan xoog leh oo uga imaan doona dakadaha Eratariya oo qaarkood ay ku yaalaan meelo aad u fiican kuwaas oo lahaanna kara wax aysan lahayn Jabuuti. Intaana waxaa sii dheer diyaar garoowga wayn ee ay muujisay Abuu Dabay ee ah in ay maal galinayso kaabayaal cusub oo isku xira Itoobiya iyo dakadaha Eratariya iyo Soomaaliya si ay ugu dhigmaan mashaariicda waawayn ee horay loogu dhisay si ay isugu xiraan Adis Ababa iyo dakadda Jabuuti, oo uu ugu horreeyo mashruuca khadka tareenka ee isku xira Adis Ababa iyo dakadda Jabuuti oo uu Shiinuhu ku maal galinayo $3,500,000,000, tuubada shidaalka qaadda ee ay maal galinayso Imaaraadku iskuna xiri doonta Casab iyo Adis Ababa ayaa noqonaya musbaarkii ugu dambeeyay ee lagu dhufto naxashka Jabuuti. Sidoo kale waxaa suurtagal ah in soo jiidashadii Jabuuti ee ciidamada ajnabiga ah ee uu maal gashaday nidaamka Geelle muddo dheer su’aal iyo shaki galiso dib u habayntan cusub ee gobolka ka socota, iyada oo la eegayo xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Washington iyo Eratariya, Eratariya aad ayay usoo dhowayn doontaa saldhig Maraykan oo badal ka ah kan uu ku leeyahay Jabuuti ee u dhow kan Shiinaha. Waxaana suurtagal ah in Washington ay ka faa’iidaysato mowqica istiraatiijiga ah ee Eratariya oo leh xeeb dhan 700 oo mayl oo saaran badda cas, intaana waxaa sii dheer in dowladda Imaaraadka oo olog dhow la ah Washington ay ciidan ahaan u joogto Eratariya. Sidaa darteed, dib u heshiisiinta Adis Ababa iyo Eratariya ma aha oo kaliya heshiis nabadeed oo caadi ah, waxa ay dhaqaaq dhaqaale oo cusub ka abuuraysaa Geeska Afrika waxa ayna dib u habaynaysaa xirirkii dowladaha, kuwo ayaa soo bixi doona kuwana dib ayay u guran doonaan. Jabuuti kuma khaldana in ay u aragto dib u heshiisiinta dhex martay Itoobiya iyo Eratariya mid aysan waxba ula hari doonin waloow aysan wax badan ka qaban karin, maxaa yeelay mar kasta oo uu xawli ku socdo heshiisiintoodu iyada oo ay waddo dowladda Imaaraadka Maraykankuna uu gadaal ka riixayo waxaa meesha ka baxaysa waxyaabihii istiraatiijiga ahaa ee Jabuuti ka dhigay mid muhim u ah loollanka. Xiriir xumada dowladdan yar (Jabuuti) kala dhexeeya dowladaha waawayn ee wada dib u qaabaynta cusub waxa ay muujinaysaa in dheeshii Ismaaciil Cumar Geelle ay gaba-gabo ku dhowdahay, ooggii (iftiin) Jabuutina uu u dhacayo si ka dag-dag badan sidii ay la ahayd dadka intiisa badan. DHAMAAD…. Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur, Falanqeeye Siyaasadeed
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) ayaa daboolka ka qaaday in dhaqaale xoogan ay ku baxdo Matoorada dabka siiya Garoonka Muqdisho. Wasiir Oomar, ayaa sheegay in dhaqaalaha Bil waliba ku baxa Matoorada Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay $11,000. Oomaar, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO ka dalbaday in xal loo helo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka matoorro ay hay’addu maamusho oo dab siiya garoonka. Waxa uu sheegay Wasiirku inay muhiim tahay in dowladu ay iyadu soo iibsato Matoorro si qarashaadkaasi u baaqdan, waxa uuna tilmaamay inay sii kordhi karto dhaqaalaha. Waxa uu intaa raaciyay in dowlada Somalia aysan ka maarmi karin inay milkiso matooro u gaara oo dabka siiya Garoonka, halka ay ku tashan lahaayen Matooro kale. Dowladda Somalia ayaa ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Oomaar ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Montréal kula qaatay madax ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal u dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladaasi. Wadahadalka dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa gaaray heerkii ugu wanaagsanaa waxaana wali qabyo ah qodobada isku soo dhaweyn lahaa labada dhan. Afhayeenka ONLF Cadaani Hiirmooge ayaa sheegay in qaabka uu u socdo wadahadalka uu yahay mid wanaagsan isla markaana ay ka filayaan natiijooyin wanaagsan. Cadaani oo u waramaayay Idaacada BBC ayaa sheegay in wadahadalka kala dhexeeya dowlada Ethiopia uu yahay mid waxbadan ka duwan kuwii hore, waxa uuna cadeeyay in labada dhan ay ku qanacsan yihiin sida uu u socdo wadahadalka. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Anaga iyo Ethiopia waxaanu isla garanay inaan wadahadal ay daacadnimo ku jirto ka yeelano arrimaha na kala fogeeyay waana isku afgaranay” “Waxaanu u sheegnay inay muhiim tahay in laga wadahadlo tabashooyinka Soomaalida iyo waxa ku kalifaaya inay u dagaalaman waxa ka maqan dabcan way soo dhaweeyen balse waxaa wali qabyo noo ah wadahadalka” Cadaani, waxa uu sheegay in iminka ay is furfurtay Ethiopia isla markaana laga soo gudbay waxyaabihii hore ee caqabada ku ahaa wadahadalka labada dhinac, sida uu haddalka u dhigay. Waxa uu Cadaani tilmaamay in dowlada Ethiopia xitaa ay diyaar u tahay in dib loogu laabto dastuurka dalka si loo saxo khaladaadka jira waxa uuna aad usoo dhaweeyay qaabka uu u socdo wadahadalka. Waxa uu carab ***** in Ethiopia ay qaadatay in lagu laabto qodobada dastuurka gaar ahaan kuwa dhigaya aayo ka talinta, qodobka awood qeybsiga, qodobka xuquuqul insaanka iyo wixii la halmaala. Docda kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalka socda ay kasoo bixi doonaan natiijooyin maslaxad u ah labada dhan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com