Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,165
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Ivanka Trump ayaa xaqiijisay in ay diiday qabashada xilka madaxa bangiga aduunka ka dib markii uu aabaheed u soo bandhigay. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii Donald Trump uu u sheegay wargayska The Atlantic in uu gabadhiisa waydiiyay inay doonayso xilka ugu sareeya ee Bangiga aduunka “sababtoo ah waxa ay ku wanaagsan tahay xisaabta “.ayuu yidhi. Markii la waydiiyay ayaa waxa uu sheegay madaxwayne Trump in ay u sheegtay”in ay ku faraxsan tahay shaqada ay imika hayso ee la taliyaha aqalka cad. Ivanka Trump ayaa ku lug lahayd soo xulista madaxa bangiga aduunka oo loo soo xulay dhaqaalayahanka u dhashay Mareykanka David Malpass. Mrs Ivanka oo la hadashay wakaalada wararka ee AP xilli ay safar ku joogtay Ivory Coast, ayaa waxay sheegtay in aabaheed uu u soo bandhigay shaqadaasi “uuna su’aal ahaan u waydiiyay “, balse ay diiday codsigaasi. Waxa ay intaa ku dartay in Mr Malpass uu qaban karo “shaqo wanaagsan”. Mar wax laga waydiiyay in madaxwaynaha uu u soo bandhigay shaqooyiin kale oo muhim ah waxa ay ku jawaabtay “taasi waa mid sir ah oo inaga dhaxeysa aniga iyo isaga. Wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay Mr Trump ayuu ku sheegay in dhowr xil oo muhim ah oo uu ka mid yahay xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay uu la damcay gabadhiisa sababtoo ah buu yiri “waxaan rumaysanahay in ay leedahay dublamaasiyad dabiici ah”. Balse waxa uu sheegay in looga digay in uu soo magacaabo sababtoo ah”waxay igu dhaheen waa eex, iyada oo aysan jirin wax eex ah”.. Ivanka Trump ayaa imika booqasho ku maraysa qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika halkaasi oo ay u ololeynayso hormarinta dumarka. Source
  2. Tan iyo shalay waxaa Muqdisho ka socdey Abaabulo iska soo horjeeda oo lagu Abaabulayay Mudaharaad iyo Ciidamadii ka hortagi lahaa Mudaharaadka. Goor dhaweyd waxaa bilowdey [...] Source
  3. (SLT-Birmingham)-Maxkamadda magaalada Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad. Eedeysanaha oo 41 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey. Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood Source
  4. (SLT-Berlin)-Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhi Bas ah oo siday uu shil galay. Baska oo siday dalxiisayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa ku rogmaday Madeira. 27 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Caniço. Darawalkii waday gaadhiga Baska ayaa la sheegay in uu koontaroolku ka lumay ka dib na uu waddada ka baxay. “Ma hayo erayo aan ku cabiro waxa dhacay,ma qiyaasi karo dhibaatada dadkan soo gaartay,” waxaa sidaasi sheegay duqa deegaankaasi Filipe Sousa. Dhamaan dalxiisayaashii saarnaa gaadhiga Baska ah ayaa u dhashay dalka Jarmalka, balse waxaa ka mid noqon kara dad maxali ah. 11 ka mid dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa ahaa rag halka 17 ay dumar ahaayeen. Baska ayaa la sheegay in uu siday 55 qof, darawalkii iyo dadkii hagayay dalxiisayaasha. Goobta uu shilka ka dhacay ayaa la xiray islamarkana dhaawacyada ayaa isbataalada loo qaaday. Source
  5. (SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga ee haya Talada dalkaasi waxay xidheen 2 nin oo la dhashay Madaxweynihii tallada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir. Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xidhay Cabdillaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir. Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum. Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15 maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo kamid ah siyaasiyiinta taageera dowladda Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Cali Maxamed Geedi,ayaa sheegay in Al Shabaab ay kaliya ka dambeeyaan qaraxyada ismiidaaminta ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, balse waxii kasoo haraa inay yihiin kuwo dad kale ay abaabulaan. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wajiyo badan yihiin, isagoo taasi kala jeeday in Al Shabaab kaliya aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho. Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn Al-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh oo ka horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Al-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan, laakiin gaadiidka la dhigo goobaha ganacsiga ayuu sheegay in dano kale laga leeyahay. Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan Al-shabaab shaqo ku lahayn. Hadalka Cali Geedi ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay labo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Shir wadatashi oo ay Muqdisho isugu yimaadeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa laga soo saarey qodobo muhiim ah Waxaa Ka Mid aH: Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan: 1.Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah. 2.Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey. 3.Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka. 4.Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran. 5.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta. 6.Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed. 7.In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka. 8.In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 19ka Maajo 2019. 9.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda. 10.In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca. 11.In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka. 12.In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada. 13.In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Pyongyang)-Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda loo soo gaabiyo KCNA ayaa faahfaahin kooban bixisay, balse waxay sheegtay in hubkan cusub ay ku xiran yihiin “madaxyo gantaallo oo awood badan”. Arrintan ayaa noqonaysa markii koobaad ee si rasmi ah loo shaaciyo gantaal la tijaabiyay tan iyo markii uu is afgarad la’aan ku dhammaaday wadahadalkii ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo hoggaamiyaha Maraykanka Donald Trump. Kuuriyada Waqooyi ayaa sidan oo kale samaysay sannadkii hore, dadka arrimahan indhaindheeyana waxay u arkaan in ay tahay isku day ay Kuuriyada Waqooyi ku doonayso in ay caddaadis ku saarto Maraykanka. Toddobaadkii hore Kim wuxuu sheegay in Trump looga baahan yahay in uu “wanaajiyo qaabka uu arrinta u wajahayo” si ay wadahadalladu u sii socdaan, ka dib markii uu isfaham la’aan ku soo dhamaaday shirkii ay bishii Feebaraayo yeesheen. Maxay Kuuriyada Waqooyi sheegtay? Sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee KCNA tijaabadan u dambaysay waxaa kormeeray oo indhihiisa kula socday hoggaamiye Kim laftirkiisa. Hubkan ayaa ahaa “nooc gaar ah oo la hagi karo” sida ay ku warrantay KCNA, waxayna intaas ku sii dartay in tijaabadan “lagu sameeyay noocyo kala duwan oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan”. Kim wuxuu sheegay in horumarkani uu yahay “mid miisaan u soo kordhinaya awoodda difaaca ciidanka umadda”. Faahfaahin kale lagama bixin, oo xataa lama sheegin in uu gantaal ahaa. Balse erayga xeeladaysi oo loo isticmaalay hubkan la tijaabiyay ayaa tilmaamaysa in uu yahay hub riddo gaaban, isla markaasna uusan u muuqan in uu yahay gantaallada riddada dheer ee afka qalaad lagu yiraahdo ballistic, kuwaas oo Maraykanku u arko in ay halis ku yihiin. Sawirro dhanka saterlaytka ah oo laga qaaday goobka ugu wayn ee hubka nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujiyay in dhaqdhaqaaq ka jiray, kuwaas oo tilmaamay in dalku uu shucaac u badalayo shidaalka bambada loo adeegsado. Sannadkii horana hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in uu dalkiisu joojinayo tijaabinta gantaallada qaaradaha isaga kala goosha, maadaama oo la “hubiyay” awooda nukliyeerka ee Pyongyang. Dalkaas ayaa sheegtay in uu sameeyay bam nukliyeer oo yar kaas oo galaya gantaallada riddada dheer iyo gantaallada kale ee ballistic loo yaqaanno ee u muuqda in uu gaari karo gudaha dalka Maraykanka. Ankit Panda oo ka faalooda arrimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ku dhawaaqiddan cusub ay dabo socoto dhoolatuska ay ciidammada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed wada samaynayaan, wuxuuna ku tilmaamay aarsi. Source
  9. Puntland is a state twenty years old with people as old as the Pharaohs of Ancient Egypt, but have no strategic plan towards Somalia or how to deal with the rest of Somalia. An Amazing story to tell, you would say. Puntland successive governments had never thought of its urgent need and constitutional mandate to work out a permanent state strategic plan good for the thinking and operations of every Puntlander in Somalia and worldwide to follow and keep in mind for generations to come: be it a member of the Federal Institutions or Puntland officials attached to a foreign or international entities or an individual living or working in a global village. It is really a common sense to do so if she cares about the well-being and progress of the state, her people and position in Somalia and beyond. Do the federal officials and MPs representing Puntland in Mogadishu have a strategic plan to follow on Somalia and Puntland issues? How does Puntland government expect them to operate, under which guidelines other than the constitutions and their individual gut feelings do they carry out their mission, tasks and responsibilities? “Sending Puntland Representatives to Mogadishu without a plan of action, thinking or guidelines is like sending Puntland Football Team to Mogadishu without a coach”, to use my friend Abdi’s football analogy. “It is like sending a team of untrained Puntland camel boys to play ball in Mogadishu”. Moreover, Puntland State is also a mother having kids there, who has properties and interests in other regional states of Somalia. How would our representatives in Mogadishu, Kismayo, Baydhaba and Dusa-Mareb takle with issues of common and Puntland interest? What are the Puntland channels of communication with those supposed to be looking after her interests in those regions? Is Puntland operating blindly in the dark, or she has no idea of what I am talking about? On the internal affairs, you would say, there is nothing wrong with Puntland State except it is caught up and locked in bad governance that prevents her from moving foward in building strong state institutions, not to mention about her playing a leading role in Somalia’s reconstruction efforts. That is good as long as you think that good governance includes elimination of corruption and changing the permanent perception by some of its constituent regions that it is a state dominated by a few privileged clans, doing away its persisting vulnerability to insecurity and lack of economic expansion and business investment, low and poor quality of education and skills training, absence of constructive engagement with the leaders of fedgling Federal Government. Reasonable Puntlanders are OK with this thinking. But, is that all Puntland State and her people could do to build a bright future for her next generations? I would say with confidence that Puntland State is frozen in time and space. Let me give you some examples. Puntland Government has the same salary scale for its personnel as we started 20 years ago. Puntland Government uses the same clan/regional power-sharing arrangements for the selection of members of the House of Representatives as we launched it 20 years ago. Puntland Government fell back to rely on clan militia forces for its security, which we had moved away 20 years ago. 20 years ago Puntland had an independent judiciary, independent parliament, independent auditor-general and independent accountant-general. None of above Puntland institutions of government are independent today. It is a big deal and alarming facts to ignore. This is a critical factor, among many, that Puntland President has absolute executive powers in the absence of checks and balance (Madax-ka-Nool). What to do about the situation? Good question! Let us debate objectively without any attempt to spin. Let me start with my take of things here with a by-line from Garowe. First of all, let us find out areas we can begin work right away: 1. To fight corruption and maintain law and order, restore the independence of those institutions cited above. 2. Have a competent, transparent and independent public service commission right away. 3. Establish state strategic advisory board or commission that act as government think tank or experts on working out strategic plan for Puntland. 4. Puntland regional clan power-sharing arrangements for indirect selection/election had hit dead-end. Let us begin democratization process right away, starting.with local elections first. 5. Streamline state departments to eliminate redundancy, duplications and inefficiency. Make a smaller government by cutting down cumbersome bureaucracy. 6. Know that the Finance and security sectors are the Achelles Heels of Puntland State. The current Administration of President Said Abdullahi Deni is on the spot and hot seat to deliver on his election promises to avoid the bad legacy of his predecessor. People of Puntland have no alternative but to rise up against corruption and mal-administration of their public affairs. They have to meet the challenges of the moment. Finally, it was said by others before us, who too had been there that people get the leaders they deserve. This insight and wisdom is still true as it was then. People may give their leaders initially the benefit of the doubt, but not a free hand to a politician to do whatever he wishes to without making sure that he or she must be held accountable to the people individually and collectively. One good thing about the people of Puntland is that they never give a 2nd chance to their leader, let alone a bad one. If President Said Abdullahi Deni wants to come back to power in Puntland, he could so by popular vote through democratization process starting right now. By Ismail Haji Warsame Former Chief of Staff Puntland State of Somalia The post PUNTLAND REPRESENTIVES ARE FOOTBALL TEAM WITHOUT COACH appeared first on Puntland Post.
  10. Waxaa saaka isgoysyada magaalada Muqdisho lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo afka ka xiran, kuwaas oo aad u hubeysan. Arrintan ayaa imaaneysa xilli la filayo in uu magaalada ka dhacdo dibad-bax weyn oo la sheegay in lagu cabirayo cabashooyin badan. Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyo la hadal hayay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale culimo iyo shakhsiyaad taageera dowladda ayaa iyagana ka digay dibad-baxan aan la ogeyn cidda abaabuleysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka caadi ah dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ay adeegsanayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Balse ciidamada dowladda ayaa feejignaan muujinaya, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan banaanbaxyo la hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacaan magaalada Muqdisho. Cabsi Xoogan ayaa xalay la geliyay qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho, waxaana dadka ay aamisanaayeen inay maanta dhacayaan banaanbaxyo laga digayay maalmihii ugu dambeeyay inay ka dhacayaan magaalada Muqdisho. Gaadiidka qaar ee Bajaajta ay kamid tahay ayaa dhalinyaradii waday waxay sameeyeen shaqo joojin, iyaga oo ka baqayay inuu saameeyo banaanbaxa la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbaxyada ay noqdeen kuwo lamid ah midkii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada Booliska iyo maamulka degmada Howlwadaag ayaa wali xabsiga ku haya 45 Bajaajlayaal ahaa oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwaasi oo kamid ahaa dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Muqdisho. Waxaana gacanta dowladda ka maqan askarigii uu ka bilowday banaanbixii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo wali aysan cadaalad helin wiilkii dhalinyarada ahaa iyo abtigiis. Dowladda ayaa xalay soo fariisisay TV-ga qaranka Culumaaudiin iyo siyaasiyiin taageero, kuwaasi oo ka horjeeday in shacabka Muqdisho ay dareenkooda ku muujiyaan banaanbaxyo nabdoon. Cabsi weyn ayaa wali ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo in banaanbax magaalada dhan is qabsada uu ka dhaco caasimada Soomaaliya, balse Jawiga ayaa hadda ah mid degen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Kulan u dhexeeya dowladda hoose ee degmada Garoowe iyo dadweynaha ku nool caasimadda oo su’aalo lagu weydiinyay mas’uuliyiinta degmada, ayaa xalay ka qabsoomay hoteelka New Rays ee magaalada Garoowe. Kulankan ayaa waxa ka soo qeyb-galay, maamulka degmada Garoowe, xildhibaannada golaha degaanka, mas’uuliyiinta hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, aqoon-yahanno, waxgarad, culimo ganacsato iyo dadweyne isaga yimid xaafadaha magaalada Garoowe. Su’aalaha ay kulanka dadweynuhu ku weydiinayeen mas’uuliyiinta degmada Garoowe, ayaa la xiriiray isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta qorshaha iyo miisaaniyadda ay dowladda hoose u diyaarisay horumarinta caasimadda Garoowe. Ugu horrayn, Cabdiraxmaan Bin-Diiriye oo ka tirsan xildhibaannada golaha degaanka Garoowe, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, isagoo sheegay in hindisahan ka dhashay kalfahdigii 26 aad ee u soo xirmay golaha degaanka, si dadweynaha caasimadda fursad loogu siiyo in ay su’aalo weydiiyan mas’uuliyiinta degmada, islamarkaana ra’yigooda ku darsadaan qorshaha horumarinta caasimadda. Nuur Shire Cismaan oo isna ku hadlayey magaca hay’adda KAALO oo taageeraysay barnaamijkan, ayaa sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyay oo noociisa ee lagu qabto guud ahaan Soomaaliya, maadaama su’aalo lagu weydiinayo mas’uuliyiin dowladeed oo u diyaarsan isla’xisaabtan iyo daah-furnaan. Sidoo kale, maamulka dowladda hoose ayuu ku ammaanay in ay hormuud u yihiin dowladaha hoose ee ka jira magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaan ay dhiirri-gelin iyo tusaale u yihiin isla’xisaabtanka iyo daah-furnaanta hay’adaha kale ee dowladda Puntland. Dhankooda mas’uuliyiinta degmada Garoowe ayaa si faahfaahsan dadweynaha ugu soo bandhigay waxqabadkoodii mudada ay xilka hayeen, qorshaha wakhtigan u diyaarsan iyo miisaaniyadda u qoondaysan ee ku baxaysa horumarinta caasimadda. Ugu dambeyntii duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda hoose ayaa kulanka lagu weydiiyay su’aalo ku saabsan horumarinta caasimadda ee dhinacyada amniga, bilicda&nadaafadda, dhismaha waddooyinka, arrimaha bulshada, qorshaha nidaaminta magaalada, habka maamulka lacagaha, shaqaaleysiinta iyo arrimo kale oo la xiriira shaqadooda. Duqa iyo mas’uuliyiintii kale ee degmada ayaana si furan oo faahfaahsan uga jawaabayey su’aalaha, iyagoo dhinaca kale talooyin ku aaddan horumarinta degmada ka dhegaysanayey dadweynaha, ballana-qaaday in ay qorshaha ku darsan doonaan talooyinka muhiimka ah ee loo jeediyay. halkaan ka eeg sawirrada PUNTLAND POST The post Isla’xisaabtan: Kulanka dadweynaha iyo dowladda hoose ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  13. Burco (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen Wariye C/maalik Muuse Coldoon. Ciidamada ayaa qabtay Cabdi Maalik xili la sheegay inuu gaarigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xariga wariyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada. Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono. Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye C/Maalik Muuse. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey. Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta loo wareejiyay magaalada Hargeysa, si halkaasi loogu maxkamadeeyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Smaliland Caasimada@live.com
  14. Ciidamo aad u hubeeysan oo katirsan kuwa Booliska ayaa saakay la soo dhigay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Wadooyinka Makka Al Mukarama wadnaha iyo sodonka ayaa lagu arkayaa ciidamadaan oo aad u hubeeysan oo wata gaadiidka dagaalka. Ciidamadaan ayaa si feejigan uula socdo dhaq dhaqaaqa dadka xili maanta laga cabsi qabo in ay dibad baxyo dhacaan. Qaar kamid ah wadooyinkaasi oo aan soo maray majirin xanibaad isku socodka gaadiidka iyo dadka marka laga reebo wadooyinkii hore xirnaa oo wali sidoodii u xiran. Baraha bulshada ayaa waxaa ka soconayay iclaaminta dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamo aad u hubeeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku guul dareestay in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in isku daygii ugu dambeeyay ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ahaa dhowr maalmood ka hor, waxaana ka hortaagan Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug. Xubno Xildhibaano ah oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in khilaaf ka dhashay awoodii maamul ee Dowladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ku wajahneed dhismaha Galmudug ay sabab u tahay in Mahad Salaad uu tagi waayo Dhuusamareeb. Ahlusunna ayaa u aragta in cadaadis badan uu saaray Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kaa shanayay mas’uuliyiin uu ugu waynaa Xildhibaan Mahad Salaad oo markaas wasiir ahaa, sidoo kalane saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh Maxamuud. Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha Maamulka Ahlusunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo dhowr jeer la fariistay Mahad Salaad xiligaasi ayaa isku fahmi waayay arrimo la xariira Ahlusunna, waxaana markaasi bilaawday colaad oo taagan ilaa xiligaan. Qaar kamid ah dhalinyarada degaanka gaar ahaan kuwa aad uga agdhow Mahad Salaad ayaa Caasimada Online u sheegay in Xildhibaanka uu u cadeeyay in muran uu kala dhaxeeyo Macalim Maxamuud iyo Sheekh Shaakir. Mahad Salaad oo maalmihii dambe bilaabay kulamo wadatashi ah uu la qaadanayo dhalinyarada iyo Odayaasha ayaa wajahaya Cadaadis adag. Kulamada uu wado ayaa u muuqda kuwa uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu hada bilaabay Shirar wadatashi ah oo arintaasi ku aadan. Mahad Salaad waa Xildhibaan degaanka ah, waana xaalad aan wanaagsaneen in degaanka laga hor istaago balse waxaa jira kulamo aan wayneen oo ay wadaan Ganacsato ku heeb ah iyagoo doonaya in ay xaliyaa Khilaafka u dhaxeeya Macalim Maxamuud iyo Xildhihaab Mahad Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo la ceyriyey markii uu taageeray in Soomaaliya ay xiriir la yeelato Israel, ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka cararay isaga oo naftiisa u baqaya. Wareysi uu siiyey wargeyska Times of Israel ayuu ku sheegay in weli uu aaminsan yahay xiriir dhex mara Soomaaliya iyo Israel, wuxuuna dalbaday in dowladda Soomaaliya ay cudur-daar ka bixiso cayrintiisa. “Waxaan aad u taageerayaa in dalkayga uu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israel. Waxaan ogahay in dad badan ay sidoo kale arrintan ila qabaan. Waxay sidoo oo kale is-weydiinayaan waxa ay waqti badan u qaadatay” ayuu Cabdullaahi Dool ku yiri wareysiga uu siiyey wargeyska kasoo baxa Israel. Wareysigan ayaa sida la sheegay lagu qaaday WhatsApp iyo Email ayada oo aan la sheegin halka uu joogo Cabdullaahi Dool, sababo amni dartood. “Israel waxay saameyn weyn ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri Cabdullaahi Dool, oo ahaan jiray agaasimada wasaaradda arrimaha dibedda. “Waxaan rumeysanahay in xiriir lala yeesho Israel ay dan u tahay labada dal. Mid ka mid ah sababaha aan u doonayo in xiriir uu na dhex-maro anaga iyo Israel ayaa ah inay naga caawin karto la-dagaalanka argagixisada” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxay ahayd arrin soo daahday. Aas-aaska xiriir diblomaasi oo dhex mara labada dhinac, cidna dhib uma gaysanayso, balse waxay sare u qaadaysaa nabadda iyo wada-shaqeynta” ayuu yiri Cabdullaahi Dool. “Waxaan rumeysanahay in Israel ay naga caawin karto dhameynta rabshdaha dalkeena ka socda, Israel waxay noo furi kartaa albaabo badan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay dunida. Waxaan aaminsanahay in xiriir aan la yeelano Israel ay ahayd in mar hore la aas-aaso” ayuu yiri. Soomaaliya iyo Israel weligood xiriir ma yeelan. Villa Somalia ayaa markii la eryey Cabdullaahi Dool sheegtay inay Sooomaaliya iyo Israel uusan marnaba xiriir dhex-mari doonin inta Israel ay haysato dhulka Falastiiniyiinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Mareykanka oo soo saaray go’aan uu Farmaajo ku weyn karo dhalashadiisa USA Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halis ugu jiro inuu waayo Dhalashada dhanka Mareykanka kadib go’aan xasaasi ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay amar xasaasi ah oo ku socdo muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee wadamada kale ka hayo xilalka Siyaasadeed ee saameynta leh. Amarka kasoo baxay Wasaaradda ayaa ah mid lagu caddeynayo Shuruucda dalkaas u taal, waxayna wasaaradda sheegtay inay macquul tahay in qofkaas lumiyo Dhalashada dalka Mareykanka. Amarkaan ayaa qabanaya muwaadiniinta Mareykanka ee u tartamay ama loo dhaariyey xilal kale oo ay ka qabtaan Wadamo kale. Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamatay In muwaadiniinteeda ay u tartamaan xilal wadamo kale ay tahay mid sharci darro ah oo aan marnaba waafaqsaneyn shuruucda u taal dalka Mareykanka. “ Sharciyo Caalami ah ayaa ka dhallan doono arrimaha la xidhiidha Dadka Mareykanka u dhashay ee waqtigaan madaxweynaha ka ah dal kale ama hayo xil Wasiir Arrimo debadeed, waxayna taas keeni doontaa Su’aalo adag, waxayna Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka u eegi doontaa si gooni ah” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Bogga rasmiga ah. Sharcigaan ayaan qaban doonin muwadiniinta u dhashay Mareykanka ee Shaqooyinka u raadsado wadamada kale sida ay sheegtay Wasaaradda balse dadka uu sharcigaan qabanayo ayaa ah kuwa xilalka siyaasadeed ee saameynta leh ka qabto wadamo kale. “Haddii muwaadiniin Maraykan ah loo shaqaaleysiiyo jagooyin sare oo siyaasadeed, wasaaradda arramaha dibedda waxay weydiin doontaa muwaadiniintaas inay doonayaan in jinsiyadda Maraykanka ay sii haystaan iyo in kale, marka ay dadka noocaas ah aqbalayaan inay jagooyin muhiim ah ka qabtaan waddamo kale. Qofku haddii uu doonayo in uu sii haysto jinsiyadda Maraykanka waa inuu sidaa u caddeeyaa wasaaradda arrimaha dibedda. Qofka haddii uu doonayo inuu ka noqdo muwaadinimadiisa Maraykanka waa in uu raacaa tallaabooyinka laga doonayo”. Ayaa la raaciyay. Dadka uu Sharcigaan qabanayo waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo heysto Dhalashada dalka Mareykanka waana hoggaamiyaha talada u hayo Soomaaliya. Arrintaan ayaa qaban doonta Madaxweyne Farmaajo haddii uu doonayo inuu tago dalka Mareykanka maadaama uu heysto Dhalashada Dalka Mareykanka. “Qofka haddii uu dal kale ka hayo jagada madaxweynaha ama wasiirka arrimaha dibedda, waxay saameyn ku yeelan doontaa xasaanadda uu Maraykanka siiyo dadka haysto labada dhalasho.”Ayay sii raacisay dowladda Mareykanka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii sano ee uu hayay xilka waxaa uu ka baaqsaday in uu tago Mareykanka, waxaana jira dad ku doodaya in haddii madaxweynaha uu tago Mareykanka ay dhici karto in loo qaabilo si ka duwan madaxweyne qaran, maadaama wali uu haysto basaboorka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa dhawr kulan oo ka dhacay Mareykanka wuxuu u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre inkastoo ay madaxtooyada ku doodeyso inuu madaxweynaha ku mashquulsanaa shaqooyin kale. Qaran News
  18. Kampala (Caasimadda Online) – Uganda waxay ka baaran degeysa in magangelyo ay siiso madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Uganda Henry Okello Oryem. Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan. Waxaa uu sheegay in Al Bashiir uu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta dalka deriska la ah ee South Sudan. “Haddii laga codsado inay magangelyo u fidiyaan Al Bashiir, waa arrin u baahan inay eegaan hoggaanka ugu sarreyso dalka” ayaa laga soo xigtay xilli uu u warramayay wakaaladda wararka ee AFP. Wasiirka wuxuu ugu baaqay hoggaanka militariga Suudaan inay qaddariyaan codsiga shacabka isla markaasna ay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah. Dhinaca kale, Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaalladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Fadeexad: Mashruuc & Wershad Saylaci dhagaxdhigay Dhowaan oo La Sheegay Inay Sifeynayso Shidaalka oo Noqotay Mid Bug ah Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaa uu 10kii bishan April, ka dhagax-dhigay magaalada Berbera warshed uu sheegay in ay sifeynayso shidaalka qaydhin oo Somaliland la keeni doono. Saylici iyo mas’uuliyiintii kale ee la socdayba waxay ku tilmaameen mashruucan, kii ugu ballaadhnaa ee abid laga fuliyo Somaliland. Shirkadda mashruucan ballaadhan fulineysa oo la yidhaahdo “Singapore New Silk Energy PTE LTD” ayaa cimrigoodu uu dhan yahay hal sano, iyadoo laga aas-aasay dalka Singapore bishii March ee 2018kii. Lama yaqaanno meel ay shirkaddani horey shaqo uga soo qabatay. Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, ayaa sannadkii hore heshiis hal bilyan oo doollar ah la gashay baanki ay sheegtay in laga leeyahay dalka China, balse markii dambe noqday Bangi aan jirin. Hoos ka daalaco Macluumaadka Shirkada Saylaci:- Qaran News
  20. Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aan ku bilaabo’e hogaamiyaha maamulka Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi lasocday, ayaa bishan Abriil 15-keedii kulan dalka Imaaratka kula qaatay madaxda shirkadda DP-World, oo uu hogaaminayey maamulaha shirkada: Sultan Ahmed Bin Sulayem. Waxaa kulanka looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai duulimaadyo uga sameyn lahayd garoomada Puntland. Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulankey la qaateen “Madaxweynaha” Puntland, uu yahay “Mid muhiimad gaara u leh”, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan “Toos isugu xirka” Puntland iyo Imaaraadka. Dhinaca kale; Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday, inay dedejin doonto dhammaan hawlaha la xiriira dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas, ee lagu horumarinaayo xiriirka ganacsi, wada-dhalasho, siyaasadeed iyo kan soo jireenka ah ee Puntland iyo Imaaraadka. Waayaabe! Dowladda Imaaraadka Carabta soow ma aha dowladan xiriirka xumi uu dal ahaan inagala dhexeeyo, oo illaa UN-ta iyo Jaamacada Carabta aan ku dacweeyney? Heshiis-kusheegaa eey la gashay maamulada Somaliland, iyo Puntland-na, soow baarlamaanka Soomaaliya sharci-darro kuma tilmaamin, walibana “Dalka” kama mamnuucin Shirkadda DP World? Yaab! Sideedaba maadada taariikhda (History) Aduunka muhiimad gaar ah ayey uleedahay, maxaa yeelay dhaqankii, iyo dhacdooyinkii hore, waxaa looga qiyaasqaataa, ama lagusii odorosaa waxa dhicikara mustaqbalka, sidaa daraadeed dhaqankan foosha xune maamulka Puntland, ma aha wax cusub, ee waa dhaqan soojireen ah, waxa kaliya ee isbadalayey waa hogaamiyeyaasha maamulka. Waxa kaliga ee maamulka Puntland, iyo Dowlada dhexe kuheshiin karaan, waa in dowlada dhexe uyeesho maamulka Puntland sida uu rabo, oo ah marna ineey dowlada dhexe katirsanaato, markeey doontana udhaqanto sidii dalka Soomaaliya ka madax bannaan, iyadoon kudhawaaqin, ama kabasiidarane, dowlada dhaxoo dhan la hoosgeeyo maamulka Puntland, sida mararka qaar dowladihii hore ugu dhicijirtay. Akhristoow mudo laga joogo kudhawaad 5-sano (Monday 21 July 2014) ayaan maamul-Beeleedyada ka qoray maqaal ciwaankiisu ahaa: Maamul-beeleedyadu waa siriqda Soomaali loosii milqay. Dabcan sida maqaalkaba aad ka dheehankarto, xilligaa maamul-Beeleedyadu intan weey ka badnaayeen, balse waxaan waxba iska badalin, danihii uu kalahaa cadowgii federal/fadaro-Aalka shirkii Mbagathi, ugu soodhiibay hogaamiye-kooxeedyadii xilligaa, taasoo aheyd, in lahelo Soomaaliya oo lakala qeybiyey, ama lakala googooyay (Balkanization of Somalia), taasoo aan dib unoqon dal mideeysanoo, doowlad xoogna leh, iyo waliba hal wadoo loogu hagaagikaro. Kasooqaadashadii Melez Zenawi-gii Itoobiya qandaraaska Federal/Fadaro-Aalka, oo xilligaa madaxweynenimo looga badashay, fulintiisii xiligaa, iyo udoodidiisa markastaba, waxaa hormood ka ahaa, hadana ka ah siyaasiyiin kasoo wada jeeda maamulka Puntland. Macquul ma aha maamul katirsan dal, inuu xiriir dibadeed layeesho dalkale, oo dalkii maamulkaa kadirsanaa eey isku kacsan yihiin. Bal kawaran, hadii maamul (State) Mareeykanka ah, xiriir toos ah lasameeyo wadamada Mareeykanku isku kacsan yihiin, sida: Iiraan, Kuuba iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo heer dal wali dhibka kadhexeeya aan wax xal ah lagagarin? Jawaabtu waa: Wax dhicikara maaha. Waxa maamulka Puntland sameeynayo, ma aha wax caadi ah. Waa foowdo. Waxeey fadeexo kutahay siyaasada arimaha dibada ee dalkeena Soomaaliya. Waxa madaxda maamulka Puntland sameeynayaana waa khaa’inul-wadannimo (Treason). Nasiibdarrase! Waxeey maamulka Puntland iyo madaxdiisaba taaganyihiin, hadaan sikastoo fool xun, oo fadeexo qaranka ummada Soomaaliyeed ku ah u dhaqanno, maxeey dowladan dhexee dalkoo dhan gacanta ugu jirin inaga qaadikartaa? Waxeey sidoo kale taagan yihiin: Soow Somaliland kama caqli, iyo farsamo badinin, mar hadii markaan doonana aan udhaqmeeyno, dowlad kamadax bannaan Soomaaliya, innagoon arintaa kudhawaaqin, dhanka kalana, markaan doono kudhexjirna Soomaaliya. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, maxaa dowlada dhexe uladagaashey Xaaf iyo maamulka Gal-Mudug, markii Xaaf “isaga qaraab tagay” Imaaraatka, kadib markuu kaligii maamulkii Gal-Mudug boorsada isagasii qaatay, mar hadii maanta waxa maamulka Puntland sameeynayo, dowlada dhexe isaga aamusan tahay? Illeen wuxu waa lama maamuloo dowlada dhexe kawada tirsan, ficilka eey sameeyeenna waa isku mide, maxeey tahay farqiga ka muuqda ficilka doowlada dhexe, oo midna si dhab ah uga fal-celisay, illaa uu ka gilgilmay jiritaankii maamulka Gal-Mudug, kaasoo illaa maanta uu kasoo kaban la’yahay, halka dhaqanka maamulka Puntland, ee kaa Gal-Mudug la midka ahna, dowlada dhex wali uga falcelin sidii uu mudnaa, waliba iyadoo wasiirka arimaha dibadee dowlada dhexe, uu deegaan ahaan kasoojeedo maamulka Puntland? Gabagabo iyo gunaaanad Waxa Maamulka Puntland sameeynayo ma aha wax caalamka kadhaca, ma aha wax uu ogolyahay nidaamka Federaalka/Fadaro-Aalka. Ma aha wax midnimada, iyo isku duubnida dalka u adeegaya. Waa foowdo cad, oo aan cidi inkiri karin. Waa dhaqankii hogaamiye-Kooxeedyada Itoobiya midkii eey rabtaba uyeeran jirtay, una isticmaali jirtay danaheeda guracan, ee ka dhanka ah dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Waa qas iyo qalalaaso loogu dhiiranayo oo kaliya, maadaama dowlada dhexe aan dalkoo dhan gacanta ugu jirin. Dowlada dhexe waa ineey arintan foosha xun si aan kala har laheyn uga dhiidhisaa, sideey hore uga dhiidhiseyba markii maamullada qaar hore ugu dhaqaaqeen. Waa dhaqan hadii dowlada dhexe ogolaato, sidii dowladihii ka horeeyey u ogolaan jireenba, dhigidoona meeshii dowladihiii hore uu dhigay. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed abdulkadirphd@hotmail.com, Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa maanta ka hadashay halkii ay ku dambeeyen dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Gaashaandhiga Axmed Xawar iyo Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo. Xeer ilaalinta guud ayaa sidoo kale sheegtay in Hanti-dhawrka guud ee Somaliland ay dib ugu celisay dacwadihii musuq ee loo haystay Wasiiradii hore ee Xukuumada Muuse Biixi. Kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud Mowliid Cabdi Maax, oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay in aan ilaa hadda lahayn Mas’uuliyiin u xidhnaa arimo musuq-maasuq oo maxkamaduhu kusii daayeen damaanad. “Waxaanu doonaynaa runtii inaanu maanta halkan kaga hadalno caqabad balaadhan oo naga haysata maxkamadaha, maxkamadan gobalka Maroodi-jeex waxa jiray eedaysanayaal loo haystay inay ku tagri-faleen hanti qaran, oo ay dhaceen baanka Berbera oo muddo dheer ay dacwadoodu socotay oo marka horena ay maxkamaduhu damaanad ka qaadeen ilaa maxkamada sare, kiiskii markuu dhaqaaqi waayeyna in guddoomiyha gobalka Maroodi-jeex uu dammaanadii kala noqday, dhinicii eedaysanayaashu waxay dureen gudoomiyaha waxaana loo wareejiyay garsoore Idirs Maxamed Maxamuud, anagu xafiis ahaan markii kiiskaas aanu si fiican u dhaqaajinay ee aanu cadaymihii markhaatiyadii, faylalkii aanu maxkamada hordhignay ayaa markii la arkay inay dacwadaasi soo gabo-gaboobayso oo cadaymaha aanu maxkamada keenayna la arkay inay yihiin kuwo xoog badan in nimankii damaanad laga qaado, taas oo aanu anagu dareen ahaan qabno inay yihiin niman lagala ordaayo falkaas ay galeen, maadaama oo ay hanti faro-badan oo si cad looga dhacay bangiga Berbera oo uu dhibane ka yahay bangiga dhaxe, kuwaas oo isugu jiray shaqaale bangiga ah iyo niman sariflayaal ah oo ay leeyihiin gacan saar”. ayuu yiri Mowliid Maax. Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud ayaa sidoo kale sheegay in xeerka musuq-maasuqu aanu u ogolaaneyn in la damiinto qofka ku eedaysan arrimo musuq, oo aan loo iibin karin xariga, xitaa kama faa’iideysan karo cafis Madaxweyne haddii uu xukun ku dhaco. “Waxay noqotay inay maxkamadii si badheedh ah damaanad looga qaado, waajibaadkayaga ayuun baanu ka gudanaynaa waana waajib in ay maxkamaduhu ilaaliyaan sharciga waana ruuxdii sharciga, waxa nasiib daro ah maxkamadii sharciga ilaalin lahaa inay ku tuntaan sharcigii. Bangigiina waa uu nala dul taagan yahay waxaanu na leeyahay maxay sidani u dhacday, markaas waa jaah-wareer na haysta. Caqabad weyn ayaa naga haysata, damaanadaas way jirtaa oo waxa ugu danbeeyay kii madbacada oo ay damaanad maxkamaduhu ku sii daayeen, dacwad soconaysaana haba yaraatee ma jirto waxa la la’yahay kii damiintay, maxbuuskii lama hayo jaah-wareer ayaa naga haysta” ayuu yiri Mowliid Cabdi Maax. Wuxuuna intaa kusii daray Kuxigeenka Xeer ilaaliyuhu “Nimankan lacagta ay ku eedeysan-yihiin ma xadi ayay leedahay boqol kun oo milyan oo Somaliland ah ayay ku eedaysan yihiin”. Ugu dambayntii Mowliid Maax ayaa ka hadlay halka ay ku dambeysay eedihii musuq ee loo haystay qaar kamid ah Wasiiradii uu Madaxweyne Biixi xilka ka qaaday, wuxuuna yiri “Runtii faylkaasi waxa uu ubaahnaa cadaymo dheeraad ah waxaana lagu celiyay hanti-dhawrka guud, wixii ka dhimana maadaama oo uu baadhis dheer galaayo, waxa uu ku maqan yahay dhanka hanti-dhawrka guud”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Kooxaha reer Ingiriis ee Liverpool iyo Tottenham ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, waxayna ku biireen Barcelona iyo Ajax. Tottenham ayaa ku soo baxday sharciga goolasha, kadib markii ay Manchester City garoonkeeda Etihad uga badisay 4-3, halka lugtii hore ay Tottenham ku soo adkaatay 2-1, waxayna wadarta goolasha labada kulan noqdeen 5-5. Kulanka Manchester City iyo Tottenham ayaa ahaa mid xiiso badan, waxaana 21 daqiiqo ee ugu horeeyay la dhaliyay 5 gool, halka wakhtigii dheeriga ee lagu daray dhaceen labo farxadood iyo labo murugo, Manchester City ayaa u dabaal degtay gool Offside ahaa, balse daqiiqad ayaa la diiday, waxayna marka kale farxad u dabaal degtay Tottenham. Tottenham oo markii labaad timi taariikhda afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa ku aaday kooxda Ajax. Dhanka kale Liverpool ayaa si sahlan uga soo baxday afar dhamaadka tartankan, kadib markii ay FC Porto oo ay marti u ahayd uga adkaatay 3-1, waxayna wadarta labada kulan ku soo baxday 6-1. Liverpool oo sanadkii labaad oo xiriira siddeed dhamaadka tartankan ku reebtay FC Porto ayaa ku aaday Barcelona. PUNTLAND POST The post Liverpool iyo Tottenham oo u soo baxay afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  23. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko ayaa ka hadlay dibad baxyo bari laga cabsi qabo in uu ka dhaco Muqdisho. Dibad baxaasi ayaa waxaa soo ababulaya siyaasiin la sheegay in ay mucaaradka ku yihiin dowlada Soomaaliya. Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dibad baxyo kasta oo rabshado wato lagu hor istaagi doono. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in dibad baxyo ay ka dhacaan Muqdisho. Ugu dambeeyntii Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo amniga Muqdisho sugaya Puntland Post The post Taliska Booliska oo ka digay dibad baxyo ka dhaco Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka ka imaanaya Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu laayay dad Qaraabe Soke ahaa Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo la socday gaari kuwa Raaxadda ah ayaa fuliyay dilka,waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen xili fadhiyeen afafka hore ee guriga. Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 5,ruux,waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 4-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Madiina. Magacayadda dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ah Maxamed Cabdi maxamed Maxamed saciid muuse Cabdi Xasan ibraahim Cismaan Xasan iidow Maxamed Cumar Axmed Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka lagu dilay weerarka iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo Qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda. Si rasmi ah looma oga falkaasi waxa sababay laamaha amaanka ayaana goobta gaaray oo baaritaano wada. Puntland Post The post 5 qof oo qaraabo ah oo caawa lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.