-
Content Count
215,028 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle Wasiirka oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalkii uu Jowhar ka sheegay oo ahaa inuu Fashilmay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Shalay Furmay. Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintaas in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay garab taagan tahay Ardayda iyo waalidiinta Puntland uuna u rajeenayo inuu Alle u fududeeyo Imtixaanka u socdo. Raali gelinta Wasiir Goodax Barre ayaa imaaneyso kadib markii Dowladda Puntland ay Wasiirka ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas ama uu keeno caddeyn. Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ku tilmaamay hadalada Goodax Barre, “mid isaga ku kooban,” wuxuuna ka dalbaday caddeymo. “Hadii uu caddeynta keeni waayo, waxay ka dhigan tahay xumaan uu u qabo Puntland iyo ardaydeeda,” ayuu Wasiir Cabdullaahi daba dhigay hadalkiisa. Hadalka uu Wasiir Goodax sheegayo in lasoo gaarsiiyey ayaa ahaa hadal uu Madaxeynaha Puntland sheegay markii uu furayey Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Puntland markaas oo uu sheegay in la jabsaday xafiis kamid ah kuwa ay yaaleen Imtixaanaadka balse si dhaqso ah loo badalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay Xaalado Bani-aadamnimo oo ka taagan Dalka Soomaaliya, taasi oo ay sababtay Abaar mar kale ku dhufatay halkaasi. Abaarta sababtay Xaaladaha Bani-aadamnimo ee ka taagan Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay ku sheegtay inay Aabbo u tahay Roob yaraan, Roob yaraantaasi oo keentay in dalagyadii Dadku beerteen ay ba’aan, halka Xoolihiina ay baad la’aan u madhanayaan. Laba Milyan oo Soomaali ah ayaa Qarka u saaran Macaluul, haddii aanay si deg-deg ah u helin Kaalmo, sida Qaramada midoobay sheegtay. “Xaaladda Soomaaliya, aad bay werwerkeeda u leedahay..” ayuu yidhi, Justin Brady oo ah Madaxa Xafiiska hawlaha Bani-aadamnimo ee Qaramada Midoobay oo u warramay Telefiishanka Aljazeera Magaalada Muqdisho oo ay hore u joogeen 2.5 Milyan Qof oo Abaaraha iyo Colaaduhu barakiciyeen Gobollada kale ee Soomaaliya ayaa waxa haddana ku soo biiraya Boqollaal kun oo Qoys oo Abaarta hadda jirtaa soo baro-kicisay, kuwaasi oo ay ka baaba’een adeegyada Bulsho. Dadkan oo u baahan gargaar bani-aadamnimo oo deg-deg ah. Source
-
Qalabkii lagu dhisi lahaa dekeda Garacad ayaam maanta waxaa la gaarsiiyay degmada Garacd waxaana sii galbiyay ciidamada amniga Puntland. Qalabkan ayaa ah mid casri ah [...] Source
-
A raging drought in Somalia could leave some 2.2 million people — nearly 18 percent of the country’s population — in severe hunger during the July-September period. The warning came through a special FAO alert on Somalia, indicating that the number of hungry people in the Horn of Africa nation is this year expected to be 40 percent higher than the estimates made at the beginning of the year. “Rains in April and early May can make or break Somalis’ food security for the whole year as they are crucial for the country’s main annual harvest in July, following the Gu rainy season,” said Mario Zappacosta, FAO senior economist and lead of the Global Information and Early Warning System. The agency also raised concerns of acute malnutrition as well as the number of acutely malnourished children being admitted to therapeutic feeding centers since the beginning of the year The worrying number of animals in very poor health conditions due to low body weight and drought-induced diseases is also a red flag for the agency. “Herders in the worst drought-affected areas such as central Galgaduud and in northern Bari and Sanaag regions have been forced to slaughter the offspring of their goats and sheep as they don’t have enough fodder and water for all their animals, and try to save the milk-producing female livestock,” said FAO Somalia representative Serge Tissot The projection is based on data gathered by FAO experts — including sophisticated analyses of rainfall, temperatures, water availability and vegetation health — that point to the worst drought in years. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kontan maalmood ayaa maanta u buuxsantay markii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu ku dhawaaqay in Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee falalka amni darra ka geesta Muqdisho markii uu amaanka faraha ka baxay. 50 maalmood kadib waa sidee xaaladda Muqdisho maxaana laga dhaxlay howlgalkii Ciidamada booliiska. Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee howlgalka wada waxay ku guuleesteen in ay yareeyaan weeraradii iyo Qaraxyadii Al-Shabaab inkastoo ay wali qaraxyadu ka dhacaan goobo muhiim ah oo ku dhow Xafiisyada muhiimka ah ee Dowladda. Sidoo kale waxay ku guulesteen in ay soo qabtaan keydad hub ah oo ay Al-Shabaab lahaayeen iyo rag dilal fuliyay sida uu shaaciyay Taliska Booliiska Soomaaliya. Ciidamada Booliiska kuma guuleysan in ay joojiyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxayna wali kooxihii wax beegsan jiray ay dilal ka fuliyaan degmooyinka Gobalka Banaaadir. Dilalka Al-Shabaab ee Muqdisho waxaa ku soo biiray dilal kale oo aan ka tira iyo xanuun yareyn oo ay fuliyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee loo xilsaaray badbaada Shacabka waana mid kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka ka socda Muqdisho. Sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka 50 maalmood qaatay waxaa kamid ah, in Muqdisho aan la isu gudbin 50 cesho, Banaanbaxyo waa-wayn oo sababay khasaare naf iyo maalba oo ay dhigayn wadayaasha Moota Bajaajta, maciishadii oo qaaliyowday kadib markii gaadiidka soo gala Muqdisho la joojiyay, kuwa gudahana ay ay magaalada isaga gudbi waayeen. Boqolaal dhalinyaro ah oo ay shaqadooda istaagtay kuwaas oo Garaashyada Muqdisho ku xareeyay gaadiidkii ay ku shaqayn jirayn ee Tagaasida, Shacabka muqdisho oo ay daruufta ku liftay in ay lugeeyaan ama bajaaj ku kireestaan lacag ka badan intii marka hore ku bixi jirtay, dhagxaan waa-yeen oo lagu gooyay wadooyin dhismahooda lacag badan gashay si bilicda loo soo celiyo , rajo la’aan iyo qayla dhaan aan jawaab laheyn ayaa kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka Muqdisho ka socda maalmihii ugu dambeeyay. Todobaadyadii las oo dhaafay waxaa magaalada ka bilaawaday dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan odayaasha iyo waxgaradka Muqdisho ee matala beelaha daga Gobalka Banaadir kuwaas oo dowladda ku eedeeyay in cunaqabatayn ay ku soo rogtay Muqdisho islamarkaana aysan jirin wax amni ah oo lagu helay. Ma jirto waxyaabo laga faa’iday cadaadiska saaran magaalada Muqdisho oo dadweynaha ku qasbi kara in ay u dulqaataan xirnaanshiyaha wadooyinka Muqdisho, sidaas darteed, waa in dowladda ay dib isugu laabato hadii ay xaaladda noqon waysay sidii loo baahnaa. Kulankii ugu dambeeyay oo adayaasha ku yeeshaan Muqdisho waxaa dowladda loogu qabtay 48 saac in ay kaga jawaabto baaqyada odayaasha iyo waxgaradkii ay hadii ay dhici waysana ay yeelan doonaan kulamo kale oo ay go’aan uga gaaarayaan go’doonka ay ku jirto magaalada Muqdisho oo dhibaato daran ka dhaxlayaan kudhawaad 4-ta Milyan ee kunool Muqdisho Sheekooyinka kale ee lagu arkayo magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxaa kamid ah in aysan shaqaynin dhamaan aqoon-siyada Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Ciidamada, Saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed ayaa kamid ah dadka wadooyinka laga xirtay. Maskaxda dad badan oo ku nool magaalada ayaa waxaa ka guuxaya 50 cesho oo go’doon ah kadib, dhiiggii dadka Shacabka ah wali daadanaya, nolasha dadka oo adkaatay, dowladda oo dhagaha ka fuurasatay qayla dhaanta waxgaradka, hab dhaqanka Ciidamada oo aan wanaagsaneen, dhalinyaro badan oo shaqa la’aan, dil iyo hanjabaad ka dhaxlayhowlgalka socda waa maxay waxa xiga ee arimahaan ka dhalan kara hadii aysan dowladda sidaan wax ka badalin? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Deegaanada Somaliland ayaa shalay waxa looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya. Dabaal-degaas ayaa waxa sanad kasta laga xusaa deegaanada Somaliland, kaasi oo ku beegan maalinta 18-ka May, balse muddo 28-sano kadib, Somaliland ma helin wax aqoonsi ah, iyadoo ku naaloneysa nabad-gelyo balaadhan iyo geedi socodka dimuquraadiyada. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay bixiyey wareysi gaara ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin siyaasada Somaliland iyo ictiraaf raadinta. Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in maalinta 18-ka May ay tahay maalin qaran oo qiimo weyn ku leh bulshada reer Somaliland. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland loo aqoonsan laayahay habacsani gudaheeda ah oo ay sababtay jabhadii SNM, ee uu ka tirsanaa Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Maanta waa maalmaha u qiirada badan, waad ogtahay dhibaatadii ka dhacday dalka, magaalo qudha oo dhisnayd majirto, marka in maalintaas la xuso way mudnayd. Hadda kahor waxaan sheegay oo aan oran jiray, markii ay laba sano jirtay Somaliland, hadaad sanadka maanta ah joogtaan ictiraaf waad helaysaane adkaysta”. “Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah, Markii jabhadi waddan qabsato, waa in ay waddankaas gacanta ku dhigto, oo ay hay’adaha dalka dhisto oo markay dhowr iyo toban sano joogto hadhow Dimuquraadiyad loo baddalaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyadii ay daryeel waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ka dagtay, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii lagasoo kabtayna siyaasad loo dhan yahay ma aanay samayn”. Guddoomiye Faysal ayaa wuxu ugu dambeyntiina uu sheegay in aanay jirin siyaasad wax ku ool ah oo ay leedahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in waqtigiiba uga dhamaaday khilaafad iyo dhaliilo joogta ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) -Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qeybaha kala duwan ee bulashada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa ku dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Intaasi kadib Madaxweyne Deni waxaa loo galbiyay waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah . Kulamadan ayaa waxaa looga hadli doonaa ammaanka guud ee Mudug iyo arrimaha dib u heshiisiita gobolkaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Saciid Cabdullaahi Deni ku tagay magaaladan, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa kulan la yeeshay hoggaamiyeyaasha gobolka Shabeellaha Hoose si uu uga wada xaajoodo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Shirkan oo ahaa mid albabaabada u xiran ayaa la sheegay in looga hadlay guulihii ay dhowaantan ka gaareen Ciidamada dowladda iyo AMISOM al-Shabaab, oo laga saarey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Francisco Madeira, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale uu dib u eegay xaaladda gobolka qabsashada tuulooyinka istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Bariire. “Waxaan ku faraxsanahay horumarka la gaarey, waan sii wadeynaa inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Madeira. Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Sabiid 2-dii April, iyadoo 3-dii bishaan May ay qabsadeen Bariire oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana 60-KM dhanka galbeed uga began magaaladda Muqdisho. Ciidamada dowladda ayaa howlgallo military ka wadey mudooyinkii dambe gobollada qaar ee dalka, kaasi oo ujeedkiisa ay Xukuumadda ku sheegtay in dagaalayahanada Al Shabaab looga saarayo goobaha ay hadda ku sugan yihiin. View the full article
-
Muqdusho (SMN) – Labadan degmo oo ku wada jira Group-ka C ee is araga labaad ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka faca weyne ee Shabelle. Shibis ayaa kulankii hore barbar dhac la soo gashay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale degmada Wadajir ayaa horay looga soo badiyay, waxaana guul ka gaartay dhiggeeda degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale xalay oo ay wada baratameen Warta Nabadda iyo Wanlaweyn ayaa waxa ay galeen barbar dhac, kadib markii ay kala keensadeen mid 10 dhibcood. Tartanka Shabelle oo weli lagu guda jiro wareegiisa koowaad ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana si toos barnaamjika uga dawaan kartaa boggeena Facebook ee Shabelle Media Network. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Weftiga Madaxweynaha ayaa intaanay soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale weftiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u balaadhan kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda “DAARU SALAAM” waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan”. “Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa weftiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha dawladda Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani. “Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa” “Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-190519.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Xilli ay shalay u fariisteen Imtixaanada mideysan ee Shahaadiga ah 15,800 oo ka mid ah ardayda deegaanada Puntland ayaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, isaga oo ku sugan magaalada Jowhar, islamarkaana ka warbixinayay go’aankii ay qaadatay wasaaraddiisu waxaa uu cod dheer ku sheegay in Imtixaanaadkii ka bilowday Puntland in ay fashilmeen. Wasiir Goodax ayaa sheegay dalalka dariska ah in ay ku dhacdo arrimo sidan oo kale ah, islamarkaana wax caadi ah ay tahay. Hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada. Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland C/laahi Xasan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta maamulkaasi ayaa ka warbixiyay, sida ay u socdaan Imtixaanaadka maamulkaasi. Dhinaca kale waxa uu gaf ku sheegay hadalkii wasiir Goodax Barre, wuxuuna ugu baaqay in uu raali gelin ka bixixiyo, haddii ay taasi dhici weydana ay gudbinayaan madaxda Qaranka, sida Madaxweyanaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka. Dhawaan ayey aheyd markii dibadda u baxday sirtii Imtixaanka dowladda, arrintaasina waxaa ay dhalisay in dadku ay uga doodaan baraha ay bulshadu ku xariirto iyo meelaha kale, iyadoona dibadbaxyo ay dhigayeen arday badan ay ka kala dhaceen Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalka. View the full article
-
Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro ay maanta Al Shabaab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiid oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi. Rag ka tirsan Al Shabaab ayaa weeraray fariisimo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa weerar kale ku qaaday deegaanada Buufow iyo Lambar Lixdan oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa beegsaday xarumo Milatari oo ku yaalla gudaha deegaanadaasi. Weerarka saddexaad ayaa la sheegay in sidoo kale lagu qaaday degmada Qryooley oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalladan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Dhanka kale Al Shabaab oo ka hadlay iska hor imaadyadaasi ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen, islamarkaana muddo kooban ay la wareegeen fariisin Ciidan oo ku taalla Sabiid. Al Shabaab ma shaacin, haddii uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray dagaalladaasi is xig xigay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari ay ka socdaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha ee K/Galbeed Soomaaliya. View the full article
