Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Mid Kamida Shirkadaha ugu Waaweyn Somaliland oo Musalaftay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay waqooyiga gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexesaa laba meleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanka Balicad ee gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaadkan uu iska horimaad ku dhexmaray deegaano dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/warka-xiisada-bali-cad.mp3 View the full article
  3. Shirka golaha amniga ayaa mar kale ku fashilmay inuu qabsoomo kadib markii uu baaqday kulan lagu balansanaa inuu dhaco jimcihii, waana baaq kale ee uu madaxweyne Farmaajo u diro dowlad goboleedyada oo laga jawaabi waayo. Kulamada golahan waxaa saameeyey tan iyo markii la aasaasay khilaafyo soo kala dhex-galay dowlad federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shirka golaha waxaa uu qorshuhu ahaa inuu socdo April 19-23, oo sidaasi waxaa horay bartiisa Tweeterka ugu sheegay Cabdi Saciid Cali oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabudillahi Farmaajo u ah la taliyaha xagga amniga. “Iyada oo aan xal laga gaarin arrimaha siyaasadda, ma qabsoomi karo shir amni” waxaa sidaasi Goobjoog News u sheegay la taliyihii amniga ee maamulka Farmaajo Xuseen Macalim. Mr. Xuseen oo hadda ah agaasimaha xarunta Hiraal waxaa uu qabaa in marka hore meel la saaro arrimaha siyaasadda, oo la xaliyo dhammaan cabashada ay qabaan dowlad goboleedyada, kadibna arrimaha amniga laga wada hadlo. Dhinaca kale, saddex ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kala ah: Axmed Madoobada Jubbaland, Axmed Xaaf-ka Galmudug iyo Deniga Puntland waxaa ay joogaan Nairobi. Lama oga in inta kale ku biiri-doonaan iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si weyn u bogaadiyay shirkadda Takaful, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Jigjiga)-Nin muddo toddoba sana ah xil wasiirnimo ka soo hayey deegaanka soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa iisu beddelay Mu’aadin msaajid. Inta badan waxaa dhacda in marka siyaasiyiinta Soomaalidu ay xilalkooda waayaan ay ka tagaan deegaannadooda oo ay aaddaan meelo inta badan aan laga aqoon. Qaarkoodna waxaba ay raadiyaan shaqooyin mushaar fiican leh oo ay kasoo dhacsan karaan noolashooda. Balse Mustafe Muxumed Cigaal waa uu ka duwan yahay siyaasiyiintaasi. Muddo toddobo sano ah ayuu wasiir ka soo ahaa xukuumaddii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya haddase waxaa uu mu’addin ka yahay masaajid ku yaalla xaafadda ayar Daga ee magaalda Jigjiga. Mustafe Muxumed Cigaal oo u warramay wariyaha BBC ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay “iney dadkuna fara badnaayeen xubnaha dowladdana aad ay u badnaayeen oo wax dambi galay iyo wax aan dambi gelinba ay isugu jireen”. “Anigu waxaan isleeyahay toddobadii sano ee aan dowladda ka tirsanaa oo aan wasiirka cabashooyinka ka soo ahaa qalbiga wixi aan ka nici karana waan ka nacay, wixi aan afka ka oran karana inaan ka iri ayaan aaminsanahay laakiin ismalihi dambi weyn oo aad waaga gashay oo aad ka towbad keneysaa ayaa jira”. “Inta aan dowladda ka tirsanaa lafteeda waxaan hoosta ka ah muwaaddin salaadda subax masaajid ka aadaama, marka 2012-kii la ii magacaabay wasiirka cabashooyinka oo xilka ii dhiibay haddana hoosta ayaan ka watay oo subaxa iyo xilliyada habeenki waan aadaami jiray” ayuu yiri. Mar la weydiiyey Mustafe Muxumed Cigaal xilligi uu wasiirka soo ahaa inuu ciidama ilaala ah ay la socon jireen marka waxa uu iska ilaalin jiray xilligaa waxaa uu yiri “Xilliga Cabdi qofki aan ciidan wadan waxaaba la oran lahaa wax kale ayaad aaminsan tahay oo waxaa fududeed in adoo mas’uul ah lagu yirahdo Al-shabaab, ONLF baad tahay baad tahay ama argagixisaad tahay”. “Adiga oo wasiir ah in lagu xiro god laguugu rido oo aakaharo laguu dhaadhiciyo ayaa ahayd mid aad u fudud, nasiib wanaag waxaan ahay wasiirka keli ah ee toddobada sano ee aan xilka hayey aan la xirin oo jeel ka badbaaday iyada oo ay wasiirrada kale jirin mid aan la xirin ama aan god lagu ridin” ayuu yiri Mustafe. “Howsha mu’aadinimada ee aan masaajidka ka hayana wax mushaar ah kuma qaato oo cidna iima magacaabin maadaamaa masaajidka xaafadda aan dagganahay uu ku yaallo, horayan dadki dhisay aan ka mid ahaa odayaasha masaajidkana aan ku jiray, anoo mas’uul ahna aan ku dukan jiray xilka markaan ka tagayna waxaan iska sii watay mu’addinimadeeyda”. “Dadku wey iigu hambalyeeyaan marki ay dowladdi aan ka tirsanaan burburtay oo raggi aan wada shaqeeyneynay ay dibadaha u kala carareen aniguna aan masaajidka imaamnimadaydi ka sii watay shacabka aad ayey iigu soo dhaweeyaan iyaga oo yirahda ilaahaa ku jecel mar haddii aad masaajidka meel u dhaafin adiga oo aan wax dakana ah gelinna dadkaagana aad la nooashahay”. Mustafe Muxumed Cigaal waxaa kale uu sheegay “inta uu xilka hayey lafteeda inuu masaajidka ku xirnaa uu nadaafadda masaajidka ka shaqeyn jiray, masaajidka ilaalin jiray, gaariga xaafiskana jameecaadka, dadka masaakiinta ee xanuunsanna, iyo Culimadaba uu ku qaadi jiray weligiiba uu hoosta diintiisa ka wadan jiray”. “Dadku inta badan marka ay madaxtinimada ka degaan waxbadan ayaa ku soo fakada ama culeys ayay dareemaan aniga haba yaraatee wax dhib ah lama kulmin dadkeyga ayaan ku dhex jiraa waxaanna ahay mas’uulka keli ah oo isaga oo koofi cad dadkiisa ku dhex jiro wax dakana ahna bulshada aan ka gelin.” “Soomaalida waxay tidhahdaa ‘Si xun u socde si xun buu u dhiman’ aniga weligeeyba hoosta unban adkaarteyda ka watay oo aan ayad kursigeeyga ka akhrisanayey.” Halka ay wasiirradi aan wada shaqeeynayey ee ila mid ahaa kuwoodi jigjiga ku sugan ay isgaabinayaan oo ay aad u soo bixin anigu alx ilaaheey waa ii nimceeyey oo mu’addinnimadeeyda ayaan iska sii wataa. “Xilka ka horba aniga oo aan shaqo hayn oo mushaar la’aan ah ayaan noolaa haddana waa noolahay oo risqiga Allah ayaa bixiya haddana sida dadku u nool yahay ayaan u noolahay ninka haddi uu dhulkiisa joogaba baahiba ma hayso.” Source
  6. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo waraysi gaar ah siiyay maanta Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid [...] Source
  7. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si xoogan uga horyimid shir gaar ah oo lagu wado in madaxda dowlad goboleedyada saacadaha soo socda uu uga furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xilligan aysan habooneyn is xulafeysi keeni kara khilaaf hor leh. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland. Dhanka kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirka Nairobi ku sheegay in uu yahay mid ay kula kulmayan xubnaha deeq bixiyaasha beesha caalamka. Balse warar hoose ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid siyaasadeed oo ay uga hadlayaan danahooda gaarka ah iyo xaaladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/VOXPOP-1.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la yeelanayey odayaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada Beelaha ku matala Golaha Shacabka. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dadaal ugu jiro sidii uu taageero ugu heli lahaa qorshe dowladdiisa ku dooneyso muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa uu ka dhiman yahay 20 bilood. Madaxweynaha ayaa la kulmay odayaal, XIldhibaano iyo waxgarad ka kala socday dhawr beel oo ka tirsan Beelaha Soomaaliya, wuxuuna qaarkood ku qanciyey inuu sameysto muddo kororsi halka Beelaha qaarna ay u sheegeyn inaysan arrintaas caqli gal aheyn oo ay keeni doonto dagaal Sokeeyo oo mar kale ka bilowdo Soomaaliya maadaama Madaxweyne Farmaajo tixgelintiisa ay ku egtahay muddo xilliyeedkiisa . Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir ayaa diiday inay la kulmaan madaxweyne Farmaajo kadib markii ay sheegeyn inuu madaxweynaha wado qorsho aan lugo laheyn oo aysan jirin cid laga dhaadhacsiin karo. Waxaa baaqday Casho sharaf uu Madaxweynaha u diyaariyey Odayaasha , Xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha Habargidir xilli juhdi, Qarash iyo waqti badan la geliyey. Sidoo kale waxaa arrintaan ka hor imaaday inta badan Mogadishu Clan iyo Darood, waxayna taas cadaadis badan ku abuurtay Madaxweyne Farmaajo oo ay u muuqatay inuu qorshahaas yahay mid adag oo ay horey ugu soo fashilmeyn madaxdii ka horeysay. Madaxweynaha ayaa waqtigiisa inta ugu badan maalmihii dambe ku bixinayey qorshahaan, waxaana laga yaabaa inuu garab ka helo Dowladda Sacuudiga oo casuumaad u sameysay haddii uu sameeyo waxyaabaha ay doonayaan oo ay ugu horeyso in la badalo Ra’isulwasaare Kheyre xilkaasna loo dhiibo shakhsi ay iyada wadato. Sidoo kale Dowladda Sacuudiga ayaa wado qorshe ay Farmaajo ka dooneyso taasoo ah in xiriirka loo jaro Dowladda Qadar isla markaasna maamulka Dowladaan loo dhiibo iyada si ay Soomaaliya uga fulisay mashaariic ay kamid tahay lasoo bixitaanka shidaalka dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ardayda in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ka dowladdiisu ay garab taagan doonaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda. Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee ka socday ardayda Jaamacadaha dalka ayaa ka hadlay dareenkooda iyo kulanka gaarka ee ay la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaraan oo lagu garab siinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkan Hoose ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos Riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-20042019-web.mp3 View the full article
  11. Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku geeriyooday Cabdirashiid Maxamuud Xirsi oo ahaa guddomiyihii hore baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland. Allah u naxariistee, Cabdi rashiid ayaa xilka kala duwan ka soo qabtay Puntland isaga oo golaha wakiillada ku jira 15 sano, 5 sano uu hoggaamiyey, xildhibaan ahaa, guddoomiye iyo wasiir Barlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo soo noqday guddoomiyihihii barlamaanka Puntland 2009/2014, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Garowe Sidoo kale waxa uu soo noqday wasiirka howlaha guud iyo Kaluumeysiga intii udhaxaysay 2014 ilaa 2018, waxaa kale geerida ka tacsiyeysay maamulka sare ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibbaan Axmed Maxamed Diiriye ayaa Doodiisa ka dhiibtay Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo degmooyinka oo maalintii saddexaad ka socda golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Barlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo soo noqday guddoomiyihihii barlamaanka Puntland 2009/2014, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Garowe. Marxuumka [...] Source
  14. Jonathan Toroitich Moi oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Mio ayaa jamcadii geeriyooday, waxaa sidaas xaqiijiyey Qoyska Reer Mio, i kastoo ay [...] Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex . Wariye Coldoon ayaa labo cisho ka hor ciidamada Somaliland kasoo qabteen magaalada Burco, iyagoo markii dambena u soo wareejiyey xabsi ku yaala Magalada Hargeysa. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la horgeeyay Wariye Coldoon u sheegay Ciidankii soo qabtay inay dib ugu celiyaan gobolkiisi Togdheer. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa go’aankaas ku sababeeyay labo arrin, sida ay Caasimada Online u sheegen qaar kamida ehelka Wariye Coldoon. Isagoona sheegay Gudoomiyuhu in aan Wariye Coldoon xadhigiisa loo marin sifo sharci oo aysan haysan amar qabasho oo kusoo xidhaan ciidankii soo qabtay iyo in aanu isagu awood u lahayd dhageysiga dacwad dhul kale ka dhacay, maadama awoodisu ku eegtahay dhageysiga dacwdaha Gobolka Maroodi-jeex. Wararka kale ee aan helayno ayaa sheegaya in Wariye Coldoon ay ka muuqden dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay markii la soo qabanayey, isagoona Gudoomiyaha Maxkamadu uu saaka ku amray Ciidankii waday Wariyaha inay geeyan Cisbitaal. Ilaa iyo hadda lama oga in Ciidamadii saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka, inay fuliyeen amarkii Guddoomiyaha iyo in kale. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Gudoomiyaha Tuulada Carta Cabdiqaadir Xasan Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in Tuulada ay san ka jirin intabadan adeegyadii aasaasiga ahaa ee [...] Source
  17. Somali security forces in Mahas town in Hiran region have arrested several suspects in the killing of a senior local official on Friday in a bomb blast. At least one person has been killed and two others injured in a landmine explosion in Somalia’s central town. According to witnesses, the explosion hit a car belonging to the District Deputy Commissioner, Abdirashid Osman Arab in the town center of Mahas. Arab reportedly killed in the blast while two other occupants are said to have sustained injuries. The identity of the other two passengers did not yet been established. Officials say the blast was caused by a remote-controlled Improvised Explosive Devices (IED). Somali forces who reached the scene have launched an operation to pursue the perpetrators of the attack. In a statement posted on its affiliate online media, al-Shabaab has claimed the responsibility for the attack. View the full article
  18. Guddoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari Cabdi Abshir Aboole ayaa waraysi uu siiyay Puntlandi.com waxa uu ku sheegay in roobkii Guga ee ka da,ay Tuulada [...] Source
  19. Somali forces backed by African Union Mission In Somalia (AMISOM) has foiled an al-Shabaab attack in Somalia’s Southern region. Heavily armed al-Shabaab on Friday night attempted to storm a military base manned by Somali forces in Garbaharey town of Gedo region, prompting brief gunfire between the sides. According to the sources, Ethiopian troops under the framework of AMISOM have dispatched reinforcement to the base. After firing several motor shells on bases of AMISOM and SNA, al-Shabaab reportedly retreated. No casualties caused by the attacks have so far been reported. Somali forces have this morning launched operations in and outside the town to smoke out al-Shabaab suspects in the town. According to the residents, the forces did make an arrest but the operations are still underway. View the full article
  20. Wasaaradda Betroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku koobtey wax ka bedelka sharciga shidaalka, iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Djibouti 17-kii bishan aaney ka qeyb gelin dowlad goboleedyada. Waxaa goobta tagay wasaaradda Betroolka iyo Macdanta iyo guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada ee golaha shacabka. Sida ka duwan Cahdi qarameedkii Embakasi 2004-tii, waxaa ku cad heshiiskii Baydhabo ee June 5, 2018 iyo xataa sharcigii 2008 ee dib u eegista lagu sameeyey in shidaalka ku jira dal bad iyo bariba ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna wakiil uga yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qodobbadaas dastuurig a ah oo qasab uga dhigaya dowladda federaalka ah iney tallaabo walbo kala tashtaan dowlad goboleedyada. Haddaba xubno ka tirsan wasaaradda Betroolka oo la soo xiriiray Goobjoog News, isla markaana codsadey in magacooda la qariyo ayaa xaqiijiyey in wasaaradda Betroolka aaney casuumin dowlad goboleedyada, kooxdan oo su’aalo ka keenay sababta dowladda federaalka ah ay diyaarinta sharciga uga fogeyneyso dowlad goboleedyada iyada oo wasiirka wasaaradda Betroolka ku eedeeyey inuu iska indho-tirayo talooyin ay u soo-jeediyeen, waxaa ayna cabsi ka qabaan in ay dowladda federaalka ah isku koobto qandaraasyada xaraashka iyo guud ahaan arrimaha shidaalka. Dowladda federaalka ah ayaa la filayaa iney baarlamaanka federaalka ah hor geyso sharciga shidaalka ka hor bisha Ramadaan, si ay uga hor marto xilliga la shaacinayo shirkadaha ku guuleystay xaraashka oo ah November 7, 2019 iyo December 9, 2019 uu wasiirka saxiix doono heshiiska shirkadaha ku guuleystay iyada oo isla bishaas la hor-geyn doono golaha wasiirrada si uu u dhaqan galo January 2020-ka. Dhinaca kale, marka laga reebo sharciga shidaalka, jahawareer ayaa ka jira gudaha wasaaradda Betroolka ee dowladda federaalka ah, howlihii kale ee la xiriiray fududeynta ee hannaanka shidaalka waxaa galay gaabis kadib markii hal mar la ceyriyey 3 khabiir oo agaasimeyaal ka ahaa wasaaradda Betroolka. Khubaradan ayaa kala ah: Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo ahaa agaasimaha Arrimaha Tiknikada ama technical director Cabdulahi Xeydar oo isna ahaa Regulatory Director Cabduqadir Tahiil. Legal Director Si uu eedeymahan uu uga jawaabo, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay wasiirka Betroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka ah ee Cabdirashiid Maxamed Axmed isaga oo ku jawaabay “ Ciddii sheegtay Information kaas haloo raadsado”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Shacabka iyo mamaulka degmada Bareeda ee gobolka Garda Fuu ayaa si isku tashi ah waxa ay degmada uga hirgaliyeen mashruuc Biyo galin ah oo markii [...] Source
  22. Somalia and Egypt have agreed to enhance trade between the two countries following a meeting in Cairo town on Thursday. The meeting which was attended by Somali minister for Foreign Affairs, Ahmed Issa Awad and Egyptian counterpart, Sameh Shoukry had focused on means to boost bilateral ties in addition to a number of regional issues of mutual interest. In a statement, Spokesman for Egyptian Foreign Ministry Ahmed Hafez said three memorandums of understanding including trade, cooperation, and support were inked. According to the statement, Shoukry also voiced Egypt’s readiness to boost trade exchange with Somalia. Egyptian foreign minister underscored Egypt’s keenness on supporting the Somali government, asserting Egypt’s vision about the importance of the unity and integrity of Somalia’s territories and support to building national institutions. On regional issues, both ministers discussed the latest developments in Sudan and the Horn of Africa in addition to efforts exerted to combat terrorism. Isse praised the relations between Egypt and Somalia, appreciating Egypt’s role in supporting Somalia. View the full article
  23. Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa booqday deegaanka Sabiib oo ay dhawaan ciidamada dowladda ay ka qabsadeen Ururka Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada ay ciidamada [...] Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdo ka dhacday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa aad loo hadal hayaa, taasi oo ku aadan in isbitaalka SOS laga xaday canug ay dhashay haweeney ku sugneyd Isbitaalka. Naciima Maxamed Maxamuud ayaa dhashay canuga yar ee la sheegay in lagu xaday Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi la sheegay inay huraday haweeneyda. Sidoo kale dadka la joogay Hooyo Naciimo Maxamed ayaa la sheegay inay salaad soo aadeen, Markii ay ku noqdeen qolkii ay ku jirtayna waxay waayeen canuga, sida aabaha uu warbaahinta u sheegay. Markii falka uu dhacay kadib waxaa lagu guul dareystay baaritaan lagu sameeyay cidda qaaday canuga oo ilaa iyo hadda la sheegay inuu ka maqan yahay Hooyada Dhashay oo lagu magacaabo Naciimo Maxamed Maxamuud. “Markii aan Xaafadda tagay oo aan rabay inaan cashadii qaado ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararray, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala” “Qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay; dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay. Waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf. Waa dhacdo ku cusub shacabka magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyiinta isbitaalka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhacdada ka dhacay gudaha Isbitaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com