Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,156
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wax garadka,dhalinyarada Iyo waayeelka reer Ceerigaabo ayaa si kulul uga gubtay Bandooda uu Muuse Biixi ku soo rogay degmada Ceerigaabo oo ah goob oonabdoon oo ayna ka jirin wax amni daro ah. Dad badan oo reer Ceerigaabo ah ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo Yeedhay Muuse Biixi mid lagu curyaaminaayo degmada, waxana ay arintani saamayn ku yeelan doontaa amniga oo sii xumaada marka xitaa la xakameeyo dadka ka ganacsada khayraadka. Waxana lagu wadaa in ay dadweyne badani arintaasi ka hadlaan maalinta Bari ah Qaran News
  2. (SLT-London)Waxa iyana meel-ka-dhac kale ah “raggii gobta ahaa ee aan waxba hiban jirin marka doorasho la galo ee wasiirku carrabka ku dhuftay!”. Cirro in aannu Waddani kelidii lahayn, isna siin waxa ka marag kacaya hadalkii maalintii uu waddanka yimi uu ku yidhi “marka aan madaxda xisbiga la tashado ayaan shir haraa’id qabanayaa”. Hadalkiisa maantu waa go’aan xusbi saw ma aha? Maxaa loo qofaynayaa? Qodobka labaad ee gobannimada iyo gunnimada kala soorayaa ma aha afkii mas’uuliyiinta qaran iyo kii dhaqanka siyaasadda midna. Teeda kale doorashadii iyo in Muuse Biixi madaxweyne yahay muran kama noola, Cabdiraxmaan Cirrona hibasho kama uu muujin ee waxa uu ka hadlay go’aankii kharribnaa ee Kulmiye iyo UCID wada gaadheen ee ahaa in ay qabanayaan doorasho uu Waddani ka maqan yahay, taas oo u muuqata jar-iska-xoornimo aan loo meel deyin iyo go’aanka ay taas iyagu (Waddani) ka qaateen. Hore ayaan uga tibaax bixiyey in aamusnaantu u roon tahay inta badan mas’uuliyiinta sare sare ee xukuumadda Muuse Biixi oo mar kasta oo ay hadlaan wax dhooqeeya, xalna aan keenin ee wax uun sii murgiya ama xumeeya. Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddaniyow ma geydaan aflagaaddadaas aan loo miidaanka deyin ee wasiirka dhaqanka, wacyigelinta iyo warfaafinta ka yeedhay, ogaadana in xil iyo mas’uuliyad dheeraad ahi dushiinna timi oo la idiin ka baahan yahay waayeelnimo buuxin karta dayaca ka soo baxay kaalintii hoggaaminta ee hay’adda fulinta oo dhalliilo aan la dhayalsan karini ka muuqdaan. Source
  3. Wasiirka warfaafinta ee xukumadda Muuse Biixi oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa cay Iyo aflagaado aan hore loogu baran siyaasiyiinta Somaliland hawada u mariyay gudoomiyaha Xisbiga Waddani.. Isaga oo arimo badan ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa Gun, waxa uu wali hibanayaa doorashadii madaxweynaha ee 80kun lagaga adkaaday, Siilaanyo 80 cod ah ayuu kaga tagay oo aanu juuq odhan. Waxana kale oo uu sheegay in doorashadii Barlamaanka la qabanaayo oo musharaxiintii Waddani ay tahay in ay iska soo sharaxaan Kulmiye Iyo UCID. La soco hadalada wasiirka dhawaan Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Injineer Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta kasii socday facebook. Injineer Yariisow ayaa qoraal jawaab ah kasoo saaray qoraal uu Fiqi soo bandhigay oo uu ku sheegay inuu caddeymo u yahay “musuq-maasuq uu ku kacay maamulka gobolka Banaadir. Yariisow ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay inay ahayd in Fiqi maxkamad lasoo taago, isaga oo ku eedeeyey inuu dambiyo kala galay shacabka Soomaaliyeed. “Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi danbigii uu shacabka ka galay oo aheyd in lagu maxkamadeeyo ayuu fowdo u joog noqday, ee haloo sheego in Caasimada Muqdisho aysan u baahneyn qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada” ayuu yiri Yariisow. Qoraal labaad oo uu soo dhigay facebook ayuu sidoo kale ku yiri Yariisow “Dhalinyarada Soomaaliyeed waxey rabaan horumar oo ma rabaan Qaswade Ahmed Moallim Fiqi, oo ah Qarax ku farxe iyo dhibsade horumarka Caasimada Muqdisho” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Saynab Cabdiwahaab Aadan oo ah hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas gabadhii yareyd ee dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalada Gaalkacyo ayaa mar kale dalbatay in ay caddaalad helaan. Saynab oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale. Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay carruurtii kale u baqday appeared first on Puntland Post.
  6. UN Secretary General, African Development Bank President agree to strengthen ties and push development agenda in Africa Abidjan, Côte d’Ivoire, 30 April 2019 – Development impact on the continent and security in the Sahel were among the top issues discussed in a recent meeting between United Nations Secretary General António Guterres and African Development Bank President Akinwumi Adesina in New York. Both leaders agreed that current efforts must succeed in Africa, or risk failing globally, and emphasized the need for deeper collaboration between their institutions to achieve the Sustainable Development Goals. Guterres signaled his strong support for the African Development Bank’s flagship ‘Desert to Power’ initiative, which is expected to provide electricity to 250 million people. He also offered to convene a special global meeting on Lake Chad, in consultation with Nigeria’s President Muhammadu Buhari. The “Desert to Power” program, a $10 billion initiative to build a 10 GW solar zone across the Sahel—the largest in the world, aims to develop and provide 10 GW of solar energy by 2025 and supply 250 million people with green electricity including in some of the world’s poorest countries. According to Adesina, “Secretary General Guterres and I had a highly productive engagement and committed to enhance strategic and operational partnerships between the UN and the African Development Bank. I am encouraged by the Secretary General’s generous support for the Bank’s development initiatives, which we are certain will bear fruit across the continent.” The two heads of institutions met following Adesina’s trip to the United States for the World Bank’s annual Spring meetings held in Washington DC. Adesina also briefed the Secretary General about ongoing discussions on the Bank’s General Capital Increase (GCI-7), designed to address Africa’s growing lending demands. The Secretary General committed to advocate “for the mobilization of adequate resources in order to further the Bank’s development goals.” Guterres and Adesina also discussed the Bank’s inaugural Africa Investment Forum, held last year in Johannesburg, South Africa, where projects worth US$38.7 billion secured investment interest. The Secretary General accepted the Adesina’s invitation to participate in the 2019 edition of the event, to be held in November in South Africa. Qaran News
  7. Taliyaha cusub G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa hore xilkan loo magacaabay 28 October 2018 waxaana uu xilka hayay mudda 6 bilood ah. taliyihii xilka laga qaaday Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay magacaabay xilal kala duwan oo aan dikreetooyinkooda warbaahinta lala wadaagin si ka duwan madaxdii isaga ka horraysay PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  8. Shirkadda Telesom oo Daah-furtay Adeegga Cusub ee WAAFI Shirkadda Telesom ayaa maanta daah-furtay adeegga cusub ee WAAFI. Adeegga WAAFI oo ah adeeg casri ah oo kuu suurto gelinaya in aad “Hal Meel ka wada Hesho” dhamaan adeegyada kala duwan ee shirkadda Telesom bixiso sida Adeegga ZAAD, Xawaaladda TAAJ iyo Baanka Darasalaam. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom, waxaana xafladaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, boodhka shirkadda, saamileyda shirkadda, marti-sharaf kale iyo shaqaalaha shirkadda Telesom. Xafladdan waxaa ka hadlay Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ah agaasimaha Horumarinta Ganacsiga ee shirkadda Telesom, waxaanu si faahfaahsan uga hadlay adeegga WAAFI iyo adeegyadda uu ka kooban yahay iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay macaamiisha Telesom ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa isna sheegay in shirkadda Telesom ay marwalba ka go’an tahay inay bulshaddeeda u keento adeegyo casriya oo kala duwan kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha, caafimaad iyo Waxbarashadda Dalka. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi – Wasiirka Teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta, Iid Daahir Faarax oo ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, Sucaad Carmiye, Eng Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo Nafiisa Yuusuf Maxamaed oo ah Agaasimaha Fulinta Nagaad, waxay masuuliyiintani shirkadda Telesom ku amaaneen adeeggan ay bulshaddda u soo kordhisay iyo waxaanay si qoto dheer uga nuuxnuuxsadeen qiimaha ay shirkaddu qaranka ugu fadhido. Halkan ka daawo masuuliyiintii ka hadlay Xafladda Daah-furka ee Adeegga WAAFI: https://www.youtube.com/watch?v=Bk-7pYWyMs4 Qaran News
  9. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xukuumadda federalka ee Soomaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyadda iyo saldhigga booliiska degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaradda maaliyadda kula kulmay wasiiru dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka, xisaabiyaha guud iyo agaasimaha guud ee wasaardda, waxa uuna kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka hor-tebinta leh ee wasaaradda gaar ahaan halbeegyada wasaaraddu ay ku leedahay tubaha qaranka Saldhigga booliiska degmada Xamar-wayne ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sidoo kale kormeer ku tegay, waxa uuna war-bixinta amniga degmada ka dhagaystay taliyaha saldhigga, isaga oo ku bogaadiyay shaqada ballaran ee ay booliisku bulshada u hayaan bulshada ku dhaqan dagmada . Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu dambayn booqasho ku tegay suuqa degmada Xamar wayne ee gobalka Banaadir, waxa uuna qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka usoo dukaamaysiga tegay ka waraystay xaaladda ganacsi iyo mida amni ee suuqa dagmada Xamar-wenye. Goobjoog.News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa Si Naxli Badani Ka Muuqdo Oo Aan Anshaxa Waafaqsanay Uga Jawaabay Eedaymihii Uu Guddoomiye Cirro U Jeediyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xooggan oo Maqribnimadii Caawa ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro hantiyadeed. Dabkaan ayaa waxaa la sheegay in uu markii hore uu ka bilaamay Dabaq ku yaalla agagaarka daarta Al-Khaliij, isla markaana uu sii faafay goobo kale oo ku yaalla qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha. Deeqo Abdinuur Kaahiye oo kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo la hadashay Radio Dalsan ayaa u sheegtay in dabka uu geystay Khasaaro hantiyeed,kaasi oo saameeyay qeybta Cabdalla Shideeyaha,hayeeshee markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaas. Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa gaadhay gaadiida dab demiska ay leedahay Shirkadda hormuud iyo kuwa maamulka Gobolka Banaadir,waxaana sidoo kale gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo mararka qaar ridayay rasaas. Illaa iyo hadda weli si dhab ah looga shaacin waxa sababay dabkan Caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeye. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xadhig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland. Maxkamadda gobolka maroodi-jeex ayaa laba sanno iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay macalin Maxamuud Jaamac Axmed ( Xamdi) oo lagu helay danbi ah in uu aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa. Source
  13. Hargeysa (Somalilandtoday) Inta badan 300 oo shaqaale ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ka soo kala xushay gobollada dalka ayaa la sheegay in ay meehanaabayaan kadib markii wasaaradaha lagu qoray hawl galin waayeen. Xogo wargeyska Waaberi ka helay arrintan ayaa sheegaya in badiba 300 oo qof lagu soo xulay barmaamijkii kaalmo shaqo oo loo qaybiyay hay’adaha iyo wasaaradaha dulku aanay helin shaqo rasmi ah. Guulaysteyaashan Kaalmaha shaqo ee imtixaanadii lixda gobol lagu qaaday ku soo baxay, ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood,waxaanay xoguhu sheegayaan in laba Wasaaraddood oo kala ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Wasaaradda Caafimaadka & weliba Hay’adda Dhawrista Tayadda ay si rasmi ah u shaqalaysiyeen tiradda dhalinyaradii lagu kala qoray, haseyeeshee wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee dalku ay hoosta dhigeen magac-yadda liisaskii Hay’adda shaqaaluhu u gudbisay ee shaqaalaysiinta dayartan, waxaana jira tuhuno aan la xaqiijin oo ku saabsan in boosaskooda dad kale lagu buuxiyay. Geesta kalena Wasaaradda War-faafinta ayaa daraad liiska magac-yadda 44 qof dib ugu soo celisay Hay’adda shaqaalaha Dowlada, kuwaas oo kamid ahaa 300 ee qof ku guulaystay Barmaamjikii kaalmo shaqo , waxaanay wasaaradda war-faafintu sheegtay in aanay u awoodin shaqaalaysiintooda iyadooo ku andacootay inay shaqaaluhu ku badan yihiin Dhanka kalene 50 qof ee ku guulaystay tartankii kaalmo shaqo ee gobolka Maroodijeex, ayaan iyag meel-na lagu qorin, waxaanay shalay kulan la yesheen Guddoomiyaha Hay;adda Shaqaalada Farxaan Aadan Haybe, kaasi oo u sheegay inay laba asbuuc kadib kusoo noqdaan. Docda kalene lama garanayso sababta ay Masuuliyiinya Wasaaraddaha iyo Hay’addah Dowlad ee lagu kala qoray shaqo siinta dhalintaasi ay ugu caga jiidayaan, halka qaarkoodna la sheegay inay dad kale ku shaqaalaysiiyeen magac-yaddii, Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ehelada Qoyska Axmed Dowlo ayaa ka hadlay xukunka maxkamadda gobolka Banaadir maanta ay ku riday dadkii ka dambeeyay dilkii Axmed Dowlo sanadkii 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho. Maxamed Mukhtaar Saalax oo ah ruux la dhashay Axmed Dowlo ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn xukunta, kadib markii sida uu sheegay in qaar kamid ah dadkii falka geystay aysan kasoo muuqan maxkamadda. Wuxuu sidoo kale sheegay in ruux la rumeysan yahay inay Baangadda (Maqarka) madaxa kaga garaacday walaalkii ay ka maqneyd maxkamadda, islamarkaana aysan xirneyn oo magaalada ay iska joogto sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Saalax, ayaa sheegay in maxkamadda ay sidoo kale ka maqnaayeen dad ay tuhunsan yihiin inay kiiska lagu dilay walaalkii ay door weyn ku lahaayeen. Arinta kale ee keentay inay ku qanci waayaan xukunka ayuu ku sheegay inay tahay in reerka la xukumay ay qaadan doonaan racfaan, kadibna xukunka laga qafiifin doono, sida ay xogta ku heleen, sida uu hadalka u dhigay. Marxuum Axmed Dowlo ayaa si xun loogu dilay magaalada Muqdishoo bishii Sagaalaad ee sanadkii 2018, waxaana aad looga hadal hayay baraha Bulshada. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku riday seddex kamid ah todobo ruux oo kiiskaasi loo heystay, waxaana lasii daayay afar kale. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/bbb2f469-cd23-47ab-b297-c0e7788b2f55_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Khilafka Ka Dhex Qarxay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Iyo Suxufiyiinta Oo Si Adag Uga Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. In ka badan 300 oo shaqaale ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu ka soo kala xushay gobollada dalka ayaa la sheegay in ay meehanaabayaan kadib markii wasaaradaha lagu qoray hawl galin waayeen. Xogo wargeyska Waaberi ka helay arrintan ayaa sheegaya in badiba 300 oo qof lagu soo xulay barmaamijkii kaalmo shaqo oo loo qaybiyay hay’adaha iyo wasaaradaha dulku aanay helin shaqo rasmi ah. Guulaysteyaashan Kaalmaha shaqo ee imtixaanadii lixda gobol lagu qaaday ku soo baxay, ayaa isugu jira 210 wiil iyo 90 gabdhood,waxaanay xoguhu sheegayaan in laba Wasaaraddood oo kala ah Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Wasaaradda Caafimaadka & weliba Hay’adda Dhawrista Tayadda ay si rasmi ah u shaqalaysiyeen tiradda dhalinyaradii lagu kala qoray, haseyeeshee wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee dalku ay hoosta dhigeen magac-yadda liisaskii Hay’adda shaqaaluhu u gudbisay ee shaqaalaysiinta dayartan, waxaana jira tuhuno aan la xaqiijin oo ku saabsan in boosaskooda dad kale lagu buuxiyay. Geesta kalena Wasaaradda War-faafinta ayaa daraad liiska magac-yadda 44 qof dib ugu soo celisay Hay’adda shaqaalaha Dowlada, kuwaas oo kamid ahaa 300 ee qof ku guulaystay Barmaamjikii kaalmo shaqo , waxaanay wasaaradda war-faafintu sheegtay in aanay u awoodin shaqaalaysiintooda iyadooo ku andacootay inay shaqaaluhu ku badan yihiin Dhanka kalene 50 qof ee ku guulaystay tartankii kaalmo shaqo ee gobolka Maroodijeex, ayaan iyag meel-na lagu qorin, waxaanay shalay kulan la yesheen Guddoomiyaha Hay;adda Shaqaalada Farxaan Aadan Haybe, kaasi oo u sheegay inay laba asbuuc kadib kusoo noqdaan. Docda kalene lama garanayso sababta ay Masuuliyiinya Wasaaraddaha iyo Hay’addah Dowlad ee lagu kala qoray shaqo siinta dhalintaasi ay ugu caga jiidayaan, halka qaarkoodna la sheegay inay dad kale ku shaqaalaysiiyeen magac-yaddii, Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dab xooggan ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha. Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay agagaarka Cabdalla Shideeyey, waxaana Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu dabka ku eg yahay illaa hadda meeshii uu ka kacay oo ah Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu dabka geystay Khasaaro Hantiyadeed inkastoo aan weli la sheegin inay jiraan Khasaaro nafadeed. Baabuurta Dab damiska ayaa gaaray halka uu dabka ka kacay, waxaana ilaa hadda lala tacaalayaa sidii loo damin lahaa dabkaas oo laga cabsi qabo inuu ku faafo qeybo kale. Suuqa Bakaaraha ayaa mar kasta galo xaalad noocaan oo kale ah mana jirto illaa hadda waxa sababo dabka iyo cidda ka dambeyso. Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Sheegay In Imaaraadku Faro Gelin Ku Hayo Siyaasadda Gudaha & Doorashooyinka Somaliland Siyaasi Ismaaciil Hurre Baabaa oo ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu faro gelin u xaglinaysa Kulmiye ku hayso siyaasadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka. Mr Buubaa oo si dhaw ula socda siyaasadda gobolka iyo xulafooyinka ku lugta leh ayaa sheegay in ay jiraan ifafaalooyin muujinaya in Abu Dabay Shidaalinayso tallaabooyin aan haboonayn oo xukuumadda Kulmiye qaadayso iyo kuwo ay soo waddo. Ismaaciil Hurre Buubaa oo waraysi siinayay telefishanka Universal waxa uu odorosay socdaalkii madaxweyne Biixi iyo waxyaabihii xukuumaddu ka tidhi “Siyaasadda odoroskeedu waxay macno ku samaysa waaqacyo kala duwan oo laga yaabo in ay meelo siyaabo gooni ah uga kala dhaceen haddana cilaaqaad ka dhexeeyo,” ayuu yidhi Prof Buubaa. Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha uga soo baxay dhacdooyin daba socday safarkii madaxweyne Biixi badhtamihii bishan ku tagay Imaaraadka “Anigu waxaan u arka wasiirka arrimaha dibadda ee la socday madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii uu ku tagay Imaaraadka hadalladii uu ku dhawaaqay iyo wasiirka Daakhiligu isaga oo markii dambe la fadhiya xisbiga UCID isaguna arrimo uu ku dhawaaqay in ay arrimo fara badan ka dhexeeyaan. Waa mid e wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu inoo sheegay in arrimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay ka mid ahaayeen sidii loola dagaallami lahaa argagixisada, wasiirka daakhiliguna markii uu la fadhiistay UCID wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI laga kaaftoomi karo oo xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ay kaligood qaban karaan doorasho, waxa la ogsoon yahay arrintaasi in ay tahay arrin khalkhal iyo dhibaato weyn keeni karta aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibaya waxaanan u diyaar nahay argagixiso iyo wixii dhibaato sameeya shaqo ka qabano dawladda Imaaraadkana arrintaas baanu kala soo hadalnay cid kasta way u caddahay cidda loo jeedo iyo sida ay wax yihiin. Anaga oo ixtiraamayna walaalahayaga Carbeed ee Imaaraadka waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna innaba in aanan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno in ay burburinayso geeddi socodka dimuqraadiyadda ee dadkayagu doortay in uu noqdo sida aanu siyaasaddayada u maamulno,” Sidaas ayuu yidhi Prof Buubaa. Qaran News
  19. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ka dhego adagtay gurmad ay mudo shan cisho ka hore ka dalbadeen labada Sarkaal ee lagu diley shalay duleedka degmada Yagoori , haseyeeshee ay Xukuumadda Biixi dhegaha ka furaysatay inay gurmad fidiso, isla markaana ay ka bad-baadiso weerarkii ay dablayda hubaysani ku khaarajiyeen labadaa Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Asluubta Somaliland Guddoomiye Cirro ayaa sidaasi ku sheegay mar uu war-baahinta kula hadlayey Xarunta guud ee xisbiga WADDANI “Saraakiishii ciidanka Somaliland ee denbiilayaashu ku dileen gobolka Sanaag qarankana waan ka tacsiyadaynayaa , ehelkii iyo xaasaskoodii iyo qaraabadoodiina waan ka tacsiyadaynayaa , waxa waajib ah in sharciga dambiilayaasha la horkeeno .” Dhanka Kalene Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in labadaa sarkaa ka hor intii aan la dilin ay qayladhaan ay gurmad kaga dalbanayaan ay usoo direen Xukuumadda , balse ay Xukuumadda ka dhego adaygtay “Waxaan’se ka xumahay sida la sheegay in Saraakiishaashii muddo shan cisho ah , ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorasho laba Xisbi ayaan qabanayaa “ Qaran News
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xarig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi ayaa waxa uu kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Somaliland. Sida Caasimada Online u xaqiijiyey Garsooraha Maxkmada G/Maroodi-jeex, waxa laba sanadood iyo lix bilood oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadu Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi. Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka. Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo waqtigaasina iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Madaxweyniha 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay dadaalkiisa ahaa iney is hor fariistaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay maanta isku arkeen xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Labada aqal ee ay kala matalaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu xiriirkooda jarnaa tan iyo 3-dii Janaayo 2019. Aqalka sare ayaa sababo dastuuri awgood xiriirka u jaray golaha shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu kulanka socdey ka codsaday labada dhinac in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu Muqdisho kulamo kula yeeshay guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal oo golaha shacabka ah iyo Cabdi Xaashi oo aqalka sare ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasaarada arimaha gudaha iyo xildhibaano katirsan puntland maamulka degmada burtinle Mohamed Burdibiayaa xariga kajaray dhismaha wado laamiya oo HAL kiilo mitira oo dhexmarta degmada burtinle [...] Source
  23. Somalia’s Foreign Minister Ahmed Isse Awad yesterday stressed that his country will not enter into any alliance or bloc of any kind against Qatar and Turkey. Due to this, he said, a territorial group, comprising countries from the Red Sea, the Arabian Sea and the Gulf of Aqaba, is trying to exclude Somalia, confining it to the coastal countries of the Red Sea. In a seminar held at the Diplomatic Institute at the Ministry of Foreign Affairs under the title ‘The Horn of Africa … Prospects for Political Cooperation and Economic Integration’, the minister invited Qatar to participate strongly in investment in various areas of maritime infrastructure and other areas, noting that Somalia has the largest beaches in the Horn of Africa after Madagascar, and has a vision to develop eight ports. He underlined that Somalia has taken a neutral position in the Gulf crisis, saying that it is a sovereign decision and others must respect the independence of the Somali decision. Awad noted that the Gulf crisis affected Somalia because it decided to stay neutral in the dispute. Somalia is not like before and things have changed. It is keen on the independence of its decision. He added that the Somali leadership seeks to achieve Africa comprehensive vision 2063, noting that Somalia and 44 African countries have launched a project to set up a joint African market, which will be a chance to end famine and create job opportunities for young people who make up a large proportion of the continent. The minister said that the lack of advanced infrastructure in his country will delay the achievement of the desired development sought by the political leadership, indicating that this requires countries with potential, such as Qatar and others, to consider how they would contribute to the changes that the peoples of the region aspire to. He said that Somalia looks forward a strong contribution by Qatar in support of various sectors and areas of development. On the other hand, the Somali FM said that Somalia has overcome differences with Kenya, and noted that the dispute over the maritime borders will be referred to the International Court of Justice. He stressed that the government of Somalia seeks to create a healthy environment within the Somali society to renounce violence and prompt young people to contribute to building their country. The seminar was opened by Director of the Diplomatic Institute Dr Abdulaziz bin Mohamed al-Horr who stressed the importance of Somalia and its role in the Horn of Africa. View the full article