Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xooggan ayaa ka dhashay xarunta Aqalka Sare ee baralamanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa maanta uu ka furmo kalfahdigga 5-aad ee baralamanka. Senator-ada Aqalka Sare ayaa ku gacan seeray in kulanka uu furmo, ayaga oo kasoo horjeeda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo xraunta u tagay inuu furo kulanka, kadib markii uu soo diray madaxweynaha. Xildhibaanada ayaa buuq kala hor-tagay ra’iisul wasaaraha, waxayna wacad ku mareen inaysan ogolaan doonin inuu kulanka furo, ayaga oo ku doodaya inay tahay arrin ka baxsan dastuurka. Dastuurka dalka ayaa dhigaya in kaliya madaxweynaha uu furi karo kalfadhiyada baarlamanka. Madaxweynaha ayaa markii hore qorshuhu ahaa inuu furo kulanka, hase yeeshee xilli dambe ayuu maskaxdiiisa beddelay, oo uu soo diray Kheyre, ayada oo aan la sheegin sababta. Kulanka ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 9-kii subaxnimo, hase yeeshee illaa iyo hadda oo ay dhaaftay 1-dii duhurnimo ma furmin. Senator-da badankood ayaa iskaga tagey xaflada furitaanka ayaga oo diidan in Kheyre uu furo kulanka, kaasi oo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi uu u ogolaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Taariikhdu waxa ay ahayd sanadkii 1917kii,waxa uu dagaalkan uu dhexmaray sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo kamid ahaa saldanooyinkii ka talinjiray gobolka [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii Golaha wasiiradda ee loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan qorshaha amniga Caasimadda, isla markaana ay isku xiraan bulshada iyo Ciidamadda ayaa kulankoodii ugu horeeyay xalay ku yeeshay degmada Wadajira ee Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiirka Batroolka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Duulista Hawada, Guddoomiye ku-xigeenada iyo Saraakiisha saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimadda iyo howlgalada ay ciidanka amniga ka bilaabeen xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale kulanka uu ahaa mid shacabka Gobolka Banaadir lagu fahamsiinayay iney qeyb ka noqdaan sugida amniga caasimadda. Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka warbixiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo howlgalada ay ciidanka ka wadaan magaalada Muqdisho. “Shirkii ugu horeeyay guddiga waxay noogu yimaadeen degmada Wadajir, waxaana warbixin ka siinay xaaladda guud ee degmada Wadajir iyo baahiyaha degmada ay qabto si loo sugo ama loo dardar geliyo amniga, guddigu waxay tageen isgoysyada kala duwan ee degmada Wadajir oo ay ka howlgalaan ciidamada loogu talagalay iney sugaan amniga si ay u ogaadaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka iyo baahiyaha ay qabaan ee ay tahay in Xukuumadda wax ka qabato, ”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Dhanka kale, Ciidanka Booliska degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xafadaha Nationka, Oorfane iyo Xaafadda Baariyow ee Degmadaasi ka bilaabay baaritaan guri guri ah oo amniga lagu xaqiijinaayo. Sidoo kale, Ciidamada Booliska iyo Shacabka degmada Deyniile oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dil ka geystay degmadaasi. Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka oo sii xoogeysta ayaa suurta gelin karta in cadawga si fudud looga sifeeyo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Xidigaha xulka qaranka ee laga soo kala xulay kooxaha kubbadda cagta ayaa bilaaway tababarka u diyaar garowka tartamada kusoo fuud leh ee ay kaga qeyb galayaan sanada 2019 kuwaas oo ka dhacayo dalalka oo kala duwan oo qaarada Afrika. Tirada lasoo xulay waxa ay iskugu jiraan kuwa qaranka u dheelistiisa ku cusub iyo kuwa ka qeyb ka ahaa sanadihii lasoo dhaafay,iyagoo kaalin wanaagsan ka qaatay guulihii tariikhiga uu xulkeena ka gaaray sanadkii lasoo dhaafay 2018, hadaba si aan wax badan ugu ogaano qarasha xulka ee 2019 waxaa warbixin kooban inaga siinaya Cabdiraxmaan Macalin Axmed Taree oo ka mid ah macalimiimta farsamada xulka ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Qaar ka tirsan ciyaartooyda loo soo xulay ayaa inoo waramay,iyagoo ka warbixiyay tartamada kusoo wajahan iyo hamigooda waxa uu yahay 2019,xili taageerayaasha Ocean Stars ayaa ku faraxsanyihiin qaab ciyaareed iyo natiijooyinka sareeya ee soo hooyeens sanadkii lasoo dhaafay Mahad Xuseen Basey iyo Deeq Cabdiraxmaan Taree oo iminka u ciyaara kooxaha kubbadda cagta Heegan iyo L.L.P Jeenyo ayaa qeyb ka ah safka xulka labadan xidig iyo kuwo kale oo qeyb ka ah waxa ay ka mid ahaayeen ciyaartooydii wacdaraha ka dhigay koobkii da’yarta 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi markale waxa ay ku hami weynyihiin in dalkooda ay gaarsiiyeen meel aad u saraysa iyo in ay keenaan taariih kale. Feysal Axmed Xasan oo iminka lix bil jooga magaalada Muqdisho qeybna ka ahaa ciyaartooydii qurbaha ugu imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhagalka bulshada si weyn usoo jiitay taageerayaasha xulka qaranka ayaa sheegay in Wadama uu ka hortagyo uu ka dhalin karo goolal badan maadaama bishii December 2018 saddexlay uu ka dhaliyay xulka Jabuuti inkastoo ciyaartaas ay aheyd mid saaxiibtinimo. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Xulka Soomaaliya 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  5. Ibrahim Mead Executive Director Somaliland Watch Group Ottawa, Canada Leadership, Conflict, and Communication-1 To the leaders of Somaliland Leadership and conflict go hand-in-hand, some times more than other times. If a leader cannot address conflict in honesty, healthy and productive fashion then he should not be in a leadership role. Let us keep in mind that dealing with conflict is one of the most valuable skills a leader can possess. Denying and using lie as a tool of defense is not only immoral but it escalates the problem and develops it to a level more serious than it was before. I think the best and practical way to solve it is simply to Deal with It. While you can try and avoid conflict you cannot escape conflict…The fact of the matter is that conflict is unavoidable when (controversial) decisions are taken. It will come after you whether you look for it or not. The ability to recognize conflict, understand the nature of conflict, and to be able to bring swift and just resolution to conflict will serve you well as a leader – the inability to do so may well be your downfall. Look all the dragging conflicts like “Ceelbardaale” and recently the pitfalls of the fraudulent Municipal election and other issues left unresolved Putting one’s head in the sand, and hoping conflict will pass you by, is not the most effective, methodology for problem solving. It is an ostrich behavior and it is silly. Conflict rarely resolves itself. In fact, conflict normally escalates if not dealt with proactively and properly. It’s not at all uncommon to see what might have been a non-event manifest itself into a monumental problem if not resolved early on. The weak leader, who cannot deal with conflicts or problems that comes to his plate resorts in ignoring it, and hopes that it goes away. He is only making himself an Ostrich! The only worst thing is when a leadership doesn’t recognize it, or does nothing about it. Real leaders don’t wait until the problem consumes them and eventually destroys the country. Lines of communication with experienced and wise people and people with integrity must be open and available. Seek help in this regard. Developing effective conflict resolution skill sets are an essential component of a building a sustainable administration. Unresolved conflict often results in a loss of confidence, and creates barriers to collaboration. The important thing for leaders, good conflict resolution ability equals good trustable administration. Leaders who don’t deal with conflict will eventually watch the trust and confidence of the people with his government and outside his government weathering away! We saw this in Siilanyo’s administration. While conflict is a normal part of any organizational setting, the challenge of conflict lies in how one chooses to deal with it. Concealed, avoided or otherwise ignored conflict will likely aggravate only to grow into resentment, create withdrawal or cause factional infighting. We are watching this situation developing in Somaliland now. When addressed properly, conflict can lead to change, confidence and cooperation Communication: if you reflect back upon conflicts many of them emanated from lack of information, no information, or misinformation or ignorance. Even if one received good information, but didn’t know what to do with it – that is still a communication problem, which in turn, can lead to conflict. Clear, concise, accurate, and timely communication of information will help to ease both the number and severity of conflicts. Lastly, while it’s true every interaction is a chance to learn and grow, it’s important for leaders to remember these interactions can be defining moments. . 1-confront Conflict Head-on: While you can’t always prevent conflicts, conflict resolution is in fact conflict prevention where possible. When actually seeking out areas of potential conflict, and proactively intervening in a just and decisive fashion, you will likely prevent certain conflicts from ever arising. If the fraud and later the rigging of the Municipal election were stopped Somaliland wouldn’t find it self divided and demoralized If and when a conflict does flair up, you will likely minimize its severity by dealing with it quickly. If Mr. Siilanyo’s administration dealt with what they have created swiftly Somaliland wouldn’t have in this pity situation it is now! 2-The Importance Factor: When the issue, circumstance, or situation is important enough, and there is enough at stake, strong leaders do what is necessary which is to open lines of communication and close positional gaps. Unfortunately K-1 government did neither 3-View Conflict as Opportunity: Hidden within virtually every conflict is the potential for a tremendous learning opportunity. Where there is disagreement there is an inherent potential for growth and development. If you view conflict as a curse, you’re avoiding growth, change, and innovation. I think resolution can normally be found with conflicts where there is sincerity and desire to do so. Compromise where it is possible, forgiveness, and compassion, empathy, finding common ground, being an active listener, service above self, This will always allow one to be successful in building understanding and relationship with his people if the underlying desire is strong enough. However, resolve the issue not by playing politics, but by doing the right thing-lead. This leadership is absent in Somaliland these days (Referenced: crisis management, leadership, strategy, talent-by Mike Myatt) Peace and prayers Ibrahim Mead Ottawa, Canada Meadgd@gmail.com Qaran News
  6. Somali Upper House has formally opened on Monday its fifth session during a colourful ceremony held at the Senate headquarters in Mogadishu. The session which was set to commence on 16th of last month was postponed due to the official state visit of Djibouti President, Ismail Omar Guelle. Abdi Hashi, the speaker of the Senate deliberated House business agenda including a draft constitution, security and upcoming elections will also be discussed during this 5th session. The Upper House has earlier this year blamed the Lower House of parliament for lack of cooperation in the national agenda and subsequently suspended all working together. View the full article
  7. Dowladda Puntland ayaa xiriir soo jireen ah laleh dowladda Imaaradka Carabta oo Puntland ka taageera tababarada ciidamada Badda Puntland ee PMPFta iyo bixinta mushaharka ciidamada. [...] Source
  8. Jubbaland state security agencies say foreign fighter jets have bombed Al-Shabaab-controlled areas in Gedo and Lower-middle Jubba regions in southern Somalia. A spokesperson for the regional state told Radio Shabelle that local forces have carried out a ground planned offensive against the Al-Qaeda-linked militants following the air raids. He did not provide further details about the casualty figures as a result of the joint air and land operations in the country. In the past few weeks, Jubbaland state troops with the support of African Union forces have been conducting offensives aimed at flushing out Al-Shabaab from their bases. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo ifbaxaya xiisad cusub oo u dhaxeysa taliska ciidamada AMISOM iyo saraakiisha ciidamada Kenya, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya, waxaana xiisadda ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Kenya ka baxeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Xiisadda u dhaxeysa saraakiisha AMISOM iyo ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay timid kadib kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay saraakiisha labada dhinac, waxaana Kenya lagu eedeeyay inay xagal daacineyso howlgalka ka socdo Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha qaar ee ciidamada Kenya aysan ku qanacsaneyn howlgalka ka socdo Soomaaliya, sida wargeys kasoo baxa dalka Kenya uu baahiyay. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Taliyeyaasha Ciidamadda Wadamadda howlgalka ka tirsan ayaa ka walaacsan tilaabadda ay kenyatigu qaadeen iyadoo ku eedeyay Ciidanka Kenya in ay u dhaqmayaan sida Walaal weyn oo kale ayna doonayaan in maamuus gaar ah la siiyo. Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka carooday bixitaanka ciidamada Kenya ay ka baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen gobolka Gedo, waxaana taasi ay keentay in madaxda Soomaalida ay walaac ka muujiyeen bixitaanka ciidamada Kenya. Wargeys kasoo baxaya Kenya ayaa maqaalkiisa ku sheegay in Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland uu xulifo la yahay Dowladda Kenya. Ciidanka Kenya kama aysan jawaabin baaritanka Wargeeyska oo weydiiyay su’aal ahayd waxa ku dhaliyay ka bixitaanka deg-degga ah.. Ciidanka Kenya oo dalka soo galay Sanadkii 2011kii ayaa dagaalo ay kula safnaayeen Ciidanka Soomaaliya waxaa ay uga guuleeysteen Al-shabaab oo ay ka qabsadeen dhul badan oo ka tirsan Gobalka Gedo.Labadii Bilood ee lasoo dhaafay ayeyna ka bexeen saldhigyo muhiim ah kuwaas oo gacan ku heeyntooda la wareegeen Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose, duqeyntaasi oo lala eegtay saldhig ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha maamulka Jubbaland ay sheegeen in duqeyta ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan Al Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen, ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola eegtay saldhig ciidamada Al Shabaab ku tababaranayeen oo ku yaala Jubbada Hoose. Sarkaal u dhashay dalka Kenya oo ka tirsanaa Al Shabaab ayuu sheegay Afhayeenka in lagu dilay duqeynta ka dhacday duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ku howlan yahay baarista duqeyn Xalay lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga degmada Bu’aalo oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay. Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Amniga Jubbaland taas oo ku aadan in duqeyn ka dhacday tuulooyin hoostaga degmada Bu’aale khasaaro lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. Duqeynta ayaa kusoo aaday iyadoo Al Shabaab muddooyinkii u dambeeyay ay kordhiyeen weerarada ay la eeganayaan saldhiga ku yaala gobolada Dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safarkiisi u horreeyay ee dalka dibaddiisa u baxaya, tan iyo markii la doortay 8-dii Jannaayo 2019, sida ay xaqjiiyeen xubno ka agdhow xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaa la filayaa, in uu todobaadka soo socda safarkiisa u horreeya ku tego, magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta iyo madaxa shirkadda DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabtu ay ka wada-hadli doonan, xoojinta xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta, sii wadidda mashaariicda Imaaraadku ka fuliyo Puntland iyo taageerada dhinacyada amniga iyo arrimaha banii’aadanimada. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa safarkiisa u sii gudbi doona magaalada Beijing ee caasimadda waddanka Shiinaha, isagoo halkaasi u tegaya arrimaha la xiriira mashaariic horumarineed, gaar ahaanna kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan waddooyin laamiya, kuwaas oo sida la sheegay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha ay ka hirgelin doonaan degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  12. Dad u badan haween iyo carruur ayaa ku sumoobay Boorash ay cabeen kuwaasi oo lagu kariyey xarumo ku yaalla degmooyinka Waaberi iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho. Waxaa la xaqiijiyey in 35 qof ay ku sumoobeen Boorshkan oo laga kariyey xarumahan, waxaana dadka qaar la sheegay in Koomo ay galeen. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo dadkan ku booqatay Isbitaalka Banaadir waxa ay fartay dhammaan xarumaha MCH-yada ee laga kariyo Boorashka ama laga bixiyo ay joojiyaan illaa ammar dambe. Waxa ay sheegtay in hadda ay baaritaanno wadaan islamarkaana wixii faah faahin ah ay dib kasoo saari doonaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Basmo-Caamir.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Waxaa maanta lagu ballansanaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay xaruntooda magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhiga Shanaad. Guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyey in kulankaasi uu baaqday sababo la xiriirta kooram la’aan sida lagu shaaciyey barta uu golahan ku leeyahay Facebook. Go’aanka guddoonka ayaa ah mid la shaaciyey iyadoo aanay xildhibaannada isku imaan, islamarkaana la ogaan karin in kooramka buuxsami lahaa iyo in kale. Waa kulankii Labaad oo ka baaqda xildhibaannada golaha shacabka iyadoo dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah. Kulanka maanta waxaa looga hadli lahaa warbixin laga dhegeysan lahaa guddiga dib u eegista dastuurka, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo sidoo kale eegista qodobkii ay xildhibaannada qaar codsadeen in ajendaha lagu soo daro ee ah arrimaha amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kalfadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ka furmaya xaruntooda magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kalfadhigan, isaga oo todobaadkii hore furay sidoo kale kalfadhigii 5aad ee golaha shacabka. Inkasta oo kalfadhiga labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay furmeen hadan kama dhaxeeyo wax xiriir ah. Wada shaqeynta labada aqal waxaa ku xiran howlo badan oo muhiim u ah doorashada soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo (PP) ─ Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyeen deegaanno ka tirsan hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, waxaana duqeyntan ka hadlay maamulka Jubbaland. Sarkaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta laga fuliyay qaar ka mid ah deegaannada ka tirsan degmada Bu’aale ay khasaar kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-shabaab. Afhayeenka wwasaaradda Amniga Jubbaland, C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday xero ay degmada Bu’aale ku leeyihiin Al-shabaab, laguna dilay xubno uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo kasoo jeeda Kenya. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas in maamulka Jubbaland uu ku hawlan yahay baarista duqeyn xalay lala eegtay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga Bu’aale oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay. Dhanka kale, Al-shabaab weli kama hadlin duqeynta iyo warkan kasoo baxay maamulka Jubbaland, waxaase horay deegaannno ka tirsan kuwa ay gacanta ku hayso Al-shabaab ka dhacay duqeymo khasaare badan geystay. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa isku dayaya inuu xoojiyo dagaallada uu kula jiro maamullada dalka ka jira iyo dowladda dhexe, inkastoo haatan ay u muuqato Al-shabaab inay awood ahaan hoos u dhacday. PUNTLAND POST The post Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Booliiska Somaia ayaa xalay hawl-gallo baaritaanno ah ka sameeyeen degmooyin badan oo ka tirsan gobolkan Banaadir, waxaana uu hawlgalkan billow u yahay qorshe lagu sugayo amniga Muqdisho sida ay ka dhawaajiyeen mas’uuliyiinta Dowladda dhexe. Tallaabadaan ayaa ka dambeysay, kaddib muddo todobaad ah oo Muqdisho ay ka dhacayeen weerarro, dilal iyo qaraxyo ay waxyeellada ugu badan ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha la weeraray iyo halka ay qaraxyada ka dhaceen. Ciidamada hawlgalka sameyayay ayaa sawirradooda lasoo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada, iyagoo hawl-galka ku jira ayaa waxaa la arkayay iyagoo baaraya guryaha qaar iyo alaabta dhex-taala, halka shacabka waddooyinka maraya iyagana la baarayay. Guddiga amniga ee loo xilsaaray ammaanka Muqdisho, kuwaasoo ka kooban wasiirro, saraakiisha ciidan iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa ku kulmay saldhiga Degmada Wadajir, iyagoo ka hadlay xaaladda ammaan iyo hawl-gallada socda. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Ammaaka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in guddiga ay ka hadleen xaaladda ami ee Muqdisho, sidoo kalena ay kormeereen goobaha ay hawl-gallada ka socdaan. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay soo jeediyeen baahiyaha ay qabaan ciidamada qaar, waxaana uu xusay in xaafadaha qaar ee Muqdisho ay weli hawl-gallo ka socdaan, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay muujiyaan dulqaad. PUNTLAND POST The post Hawl-galo lagu Xaqiijinayo Amniga oo laga billaabay Degmooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa inuu furmo kal-fadhiga shanaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, kaasoo guddiga joogtada ah ay go’aamiyeen in Maanta uu furmo. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu furo kal-fadhiga shanaad ee Aqalka Sare, waxaana kulankan ay ahayd inuu furmo 16-kii bishii aan ka soo gudbnay ee Maarso, balse uu u baaqday safarkii uu Madaxweynaha Jabuuti ku yimid Muqdisho. Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu furay kal-fadhiga shanaad ee xildhibaanada Aqalka hoose, waxaana furitaanka kulamada Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex-jiro labada Aqal ee Baalamaanka DF, kaasoo aan weli xal waara laga gaarin. Sidoo kale, Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta, waxaana xiran waddooyinka qaar ee Muqdisho, iyadoo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo xaqiijinaya amniga. Ugu dambeyn, Furitaanka Kal-fadhigan shanaad ee Aqalka sare ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta uu baaqday fadhigii koowaad eek al-fadhiga shanaad ee Aqalka Hoose, kaasoo uu khudbad ka jeedin lahaa guddoomiyaha baaramaanka Somalia. PUNTLAND POST The post Kal-fadhigii shanaad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka oo Maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la adkeeyay amaanka xarunta xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka gala aqalka sare. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furaya kalfadhiga Shanaad ee xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada aqalka sare. Waxaa muuqata in khilaafkii u dhaxeeyay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka inaan la xalin, taasina waxay dhalisay in xildhibaanada golaha Shacabka gaar loogu furay kalfadhigooda. Xildhibaanada aqalka sare ee baarlaaanka ayaa qaarkood waxay baraha bulshada kaga hadlayeen furitaanka kalfadhigooda iyo shaqooyinka adag ee horyaala inay ugu horeeyaan arrimaha amaanka dalka. Furitaanka kalfadhiga Shanaad ee aqalka sare ayaa saameeyay kulanka maanta xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho. Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu furay Kal-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex jiro Baarlamaanka labada Aqal Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Warbixin si qoto dheer u faaqidaysa Heerka Ay Somaliland Ka Marayso Sedbursiga Iyo Qaraabo-Kiilku + Liiska Saraakiisha Ka Hawlgala Qasriga Madaxtooyadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Afgooye (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa xalay agagaarka Baar Ismaaciil degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya. Askartan ayaa markii la dilay kadib waxaa la sheegay in kooxihii hubeysnaa ay horay uga sii qaateen hubkii ay wateen, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, waxaana ay ka bilaaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dilkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in baaritaanada lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdadaasi. Taliyaha saldhigga Booliska Afgooye oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in natiijada ay shaacin doonaan marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada ay wadaan. Degmada Afgooye oo 30 KM K/ Galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kulan ku qaatay guddiga golaha wasiirada ee loo xil saaray ka soo talo bixinta qorshaha amniga Caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale waxa shirkan qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diirada lagu saaray, sidii ay wada shaqeyn dhab ah u dhexmari laheyd shacabka iyo hay’adaha amniga Soomaaliya. Guddigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana xubno ka ah wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Ganacsiga iyo Bartoolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. View the full article
  22. Masar Oo Urur Ay Hoggaamiso Ka Saartay Somaliland Kuna Soo Dartay Soomaaliya Haatana Garwaaqsatay Inay Somaliland Ku Soo Darto Hargeysa (Somalilandtoday)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay sheegtay in dawladda Masar mawqifkeedii ku aadanaa Midnimo Soomaaliyeed, isla markaana ay si weyn u danaynayso Kheyraadka Somaliland iyo sidii ay Masar iyo Somaliland isaga kaashan lahaayeen arrimo door ah iyo waliba in dhawaan dalka ay yimaadaan wefti culus oo ka socda dalka Masar, kadibna Madaxweynaha JSL uu socdaal ku tegi doono dalkaasi si uu ula soo kulmo dhigiisa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ka warramay socdaal hawleed oo uu ku tegay dalka Masar iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta dalkaasi, waxaanu yidhi “Saddexdii cisho ee aanu halkaasi joognay runtii si milgo iyo sharaf leh ayey noo soo dhaweeyeen, kulamo badan ayaanu la yeelanay dawladda Masar, kuwaasi oo ay ugu horreysay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Masar gaar ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Md Xamdi oo markaasi ahaa ku simaha Wasiirka, waxa kale oo aanu la kulanay Md Abubakar oo ah ninka u qaabilsan arrimaha Afrika, iyo waliba Ninka u qaabilsan hay’adda Partner and Devolopment, waxaanu la qaadanay kulan aad u ballaadhan oo ay ku jireen Wasaaradda Difaaca”. Waxaanu intaasi ku daray, “Waxaanu ka wada hadlaynay danaha labada waddan oo ah Dhaqaalaha, Siyaasada, Waxbarashada, Caafimaadka”. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadu waxa kale oo uu sheegay inay Dawladda Masar kala hadleen Urur ay hoggaamiso oo Somaliland laga reebay oo lagu daray Soomaaliya, iyo waliba arrinta Badda Cas, “Markii aanu ka hadlaynay arrimaha Geeska Afrika, waxaanu kala hadalnay arrinta Badda Cas, waxaana jira isbaheysi la yidhaa Ururka Midowga Arrimaha Badda Cas oo ay hoggaamiso Masar, oo laga reebay Somaliland isla markaana lagu daray Soomaaliya, sidaasi awgeed aad ayaanu ugala hadalnay, runtiina way soo dhaweeyeen oo way nala qaateen in Badda Cas ay tahay Somaliland, markaa way nala qaateen in kulamada danbe ee ururkaasi inay Somaliland ka qayb qaadato oo joogto”. Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay arrimo kale oo heshiis ka gaadheen, “Waxaanu isla qaadanay in fursadaha Waxbarasho iyo Tababbarada dublomaasiyadeed ay dawladda Masar bixiso in lagu soo daro Somaliland, iyo in aanu iska kaashano arrinta amniga”. Dhinaca kalena, Wasiir Gaaxnuug waxa iftiimiyey inay Masar danaynayso Kheyraadka Somaliland, “Waxyaalaha ay dawladda Masar aadka u danaynayso waxa ka mid ah Cuntada sida Xoolaha Nool iyo Kalluunka, markaa isfaham wanaagsan ayaanu ka gaadhnay waxaana laga yaabaa in saddexda toddobaad ee soo socda ay Somaliland yimaadaan Wefti culus oo ka socda dalka Masar, waxaana qasab noqon doonta haddii ALLE yidhaa in marka ay habboonaato ay labada Madaxweyne kulmaan oo uu Madaxweynaha JSL uu tego dalka Masar si uu ula kulmo Madaxweynaha dalka Masar”. Ugu dambayntiina, Wasiir Liibaan ka hadlay isbeddel ku yimid aragtida siyaasadeed ee Dalka Masar oo ku aadan Somaliland iyo Soomaaliya, “Runtii, Masar waxay ka mid tahay waddamada adduunka ee aaminsanaa midnimada Soomaaliya, balse hadda ku qancay inay arrintaasi tahay riyo aan rumoobayn, markaa si cad ayaanu uga wada hadalnay oo waanu u sheegnay in aanu hore Somaliland ahaan aanu ahayn dadkii jeclaa inay Soomaali midowdo ka hor 1960kii, waxayse noqotay riyo aan shaqaynayn markaa Masar waxay ku qanceen Wasaaradooda Arrimaha Dibada iyo Dawladooduba in midnimo Soomaaliyeed oo hore u dhicisowday oo laysku keeni kari waayey shantii Soomaaliyeed ee gobolkan kuwada dhaqnaa, markaa in aanay Somaliland iyo Soomaaliya na aan la isku qasbi Karin, doodo dhaadheerna waanu ka yeelanay waxaanay u muuqataa mawqifkii Masar ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu isbeddelay”. Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL Md Liibaan Yuusuf Gaaxnuug Source
  23. Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo booqday xeryo ay ku jiraan Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah kuwa badda ee maamulkaasi ayaa kula dardaarmay difaaca xeebaha Puntland iyo ka hortaga dhibaatooyinka ka jira halkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale u mahadceliyay saraakiil ka socoto howlgalka AMISOM iyo Imaaraadka oo tababar siiyay Ciidamadaasi. Saciid Cabdullahi Deni madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo maalmihii dambe booqasho ku marayay deegaanada Ggobolka Bari ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso oo uu ka bilaabay kulamo uu ugu kuur galayo xaaladda guud ee gobolkaasi. View the full article