-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Burcad badeed iyo burcad badeed la’aanba Japan waxaa ka go’an inay sii waddo hawlka caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka Geeska Africa taasoo muhiim u ah siyaasadda ballaaran oo ay ka leedahay Africa. Bishii hore Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay qabsadaan Markab laga leeyahay dalka Yemen kaasoo ay u isticmaalayeen weerarro ay u geysteen laba Markab oo kalluumeysi ah oo ay Spain leedahay, Waa hawlgalkii ugu horreeyey ee ay Burcad badeeddu ku guuleystaan tan iyo sannadkii 2017. “Weerarrada nuucaan oo kale ah waa qaab cusub oo ay adeegsanayaan dhawaanahaan. Ma ahan qaabkii hore oo ay weerarrada u qaadi jireen marka la eego sannado ka hor.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Japan. Baaritaan ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Japan ayaa lagu sheegay in Burcad badeedda Soomaaliyeed ay hoos u dhaceen inkastoo xasillooni darrada iyo faqriga sababay dambiyadaas ay wali jiraan. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Admiral Cabbaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeynta balaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda. Admiraal Cabbaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda. “Anaga oo fulineyna masuuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilaawnay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”. Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalaneynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya. Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaa shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda. Ugu dambeyn Admiraal Cabbaas Amiin Cali ayaa adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin cidkasta oo kusoo xadgudubta Biyaha Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in talisku uu fursad ay siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo daneyneysa in ay kusoo biiraan Ciidanka Badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida. Weftigan oo uu hoggaaminayey Xoghaya guud ee hay’adda Socdaalka dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale. Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana la shaqayndoona wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah iyo Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Weftiga ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la qaadandoona bulshada Dowlad Degaanka Soomaalida ee Puntland ku sugan. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si mugle usoo dhoweeyey weftigani, waxaana uu la qaatay kulan gaar ah oo dulucdiisu ahayd soo dhoweyn iyo is xogwaraysi guud, islamarkaana waxa uu Madaxweynuhu ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradaha ee weftigan booqan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan, una fududeeyaan arrimaha muhiim ka ah ee ay dalka u yimaadeen. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Ethiopia oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
A high-level delegation headed by Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo flew to Saudi Arabia on Wednesday, May 29. The president’s trip came after Saudi King Salman Bin Abdulaziz has invited him to an emergency meeting in Mecca, which is slated for May 30. Somalia’s foreign affairs minister and other government officials are already in Saudi Arabia, to pave the way for the president welcome, according to the sources. Saudi Arabia called for an emergency meeting to discuss current escalating tension in the Gulf and recent drone attacks in its soil by the Yemen-based Iran-backed Houthi rebels. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku yimid Magaalada Kismaayo. Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah. waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo kalsooni ka muujiyay in doorashada Jubaland si wanaagsan u dhacdo appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Kenya aya sheegtay inaysan ogolaan doonin in alaab aan qofkii lahaa la socon la soo geliyo dalka, alaabtaas oo laga keeno dalka Soomaaliya. Hadal kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in alaabtaas lala wareegi doono lana burburin doono iyadoo la raacayo shuruucda duulimaadka. “Dowladda Kenya ayaa xustay iyadoo ka walaacsan alaab badan oo aan lala socon la soo-saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya. Tani waxay ka hor imaaneysaa shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada waxayna keeni kartaa Qatar Amni.” Ayey tiri dowladda Kenya. “Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa.” Islamarkaana, dowladdu waxay ku adkeysaneysaa inaan sarkaal Soomaali ah oo aan wadan sharci iyo dal-ku-gal loo ogolaan doonin inuu Kenya gudaha u soo galo. Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, afartii muwaaddin ee Soomaaliyeed kuwaasoo loo diiday dal-ku-galka bishan May 20, 2019 ay ku socdaalayeen baasaboorro diblomaasi ah laakiin aysan wadan dal-ku-dal. (Visas) Kenya waxay sidoo kale yareysatay hadal dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya kaasoo ahaa in mas’uuliyiinta Soomaaliya aysan ka qeybgali doonin shirarka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee ka dhaca magaalada Nairobi. “Dowladda Kenya waxay sii wadi doontaa inay fududeyso oo ay martigeliso kulamada caalamiga ah iyo kuwa heer gobol iyadoo raaceysa shuruucda caalamiga ah, muwaaddiniinta Soomaaliyeedna markasta la soo dhaweynayo haddii ay raacaan shuruucda dal-ku-galka sida ay sameeyeen dhammaan ajaanibta kale.” Ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransan xudduud badeed dacwaddiiso ay hortaal maxkamada caddaaladda ee caalamiga ah taasoo la filayo inay go’aan ka gaari doonto. Citizen TV. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta sheegtay inaysan ogolaan doonin in alaab xamuul ah oo aysan cidna la socon ay diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya geliyaan dalkeeda. Bayaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in shixnad kasta oo sidaas ah lala wareegi doono kadibna la burburin doono, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada. “Dowladda Kenya waxay ogaatay oo ay walaac ka qabtaa shixnado badan oo aysan cidna la socon oo ka imanaya Soomaaliya. Tani waxay jebineysaa xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka, waxayna soo rogaysaa halis amni” ayaa lagu yiri bayaanka. “Sidaas darteed, dowladda Kenya ma ogolaan doonto in alaab aysan cidna la socon ay kasoo gasho dalka Soomaaliya. Diyaarad kasta oo arrintaas sameysana waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda” Arrintan ayaa u muuqata mid cadaadis xooggan lagu saarayo ganacsatada Soomaaliyeed, oo markii hore awoodi jiray in ayaga oo dalka jooga ay alaabo u diraan Kenya, kuwaas oo markii ay halkaas tagaan ay la-wareegi jireen ganacsato kale oo xiriir shaqo la leh. Go’aanka maanta kasoo baxay Kenya ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dhowr ah oo Kenya ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay Visa-ha ay xubnaha dowladda Soomaaliya ka qaadan jireen garoomada Kenya oo ay joojisay. Kenya ayaa dooneysa in Soomaaliya ay ku qasabto inay ka laabato dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee la xiriirta badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, waxayna Nairobi dooneysa in arrinta lagu dhameeyo miiska wada-hadalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Addis Ababa (SMN) – Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga internet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin. Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”. “Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka. “Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray. Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland. Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland. Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin. Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya. Xigasho:-Bbc View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa waawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ku madlan degmooyinka Shibis iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labada degmo oo ka mid ah degmooyinka u soo gudbay wareega 8 dhamaadka tartanka ayaa caawa isaga hor imaan doono tartan aqooneedka Shabelle Shibis iyo Kaxda ayaa tartamadii hore ka soo dhigay wacdaro xoogan, waxaana ay ka soo hoyeen guulo u sahlay in ay u soo gudbaan wareega labaad ee tartanka bisha Ramadaan. Tartamayaasha degmooyinkan ayaa haatan wada diyaar garow xoogan, waxaana degmada badisa ay iska xaadirin doontaa wareega Sama-Finalka ee tartanka, halka tan laga badiyana ay guud ahaan isaga hari doonto baratanka. Howlwadaag ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee tagta Sama-Final, kadib markii ay xalay guul ka gaartay deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud. Sanadkan waxaa tartanka aqooneedka Shabelle abaal marinaya degmooyinka shirkadaha Beco iyo Coca-cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay khaladaadka is daba jooga ee Itooniya ka galeyso Soomaaliya. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Itoobiya ay meel uga dhacday jiritaanka Soomaaliya, kadib markii ay muujisay ficilo lagu wiiqayo Qaranimada Dalka. Wariyaha Idaacadda Shabelle Maxamuud C/naasur Soofeysane ayaa warbixin ka diyaariyay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Soofeysane.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxyo Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM maanta siyaabo kala duwan loogu eegtay gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir. Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka degmada Afgooye ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku socdaalayay waddada aada dhanka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen, rasaas xoogan, lamana oga khasaaraha ka dhashay iyo midka soo gaaray intaba. Sidoo kale qarax kale oo Miino ah ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Ciidamo ka tirsanMilatariga DFS oo marayay nawaaxiga deegaanka Gololey ee gobolka Sh/Dhexe. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay hal Askari, kuna dhaawacmeen labo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga dowladda. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen bar koontarool oo ay ku leeyhiin halka loo yaqaano Ceel Geelow ee gobolkaasi. Qaraxa saddexaad ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, iyadoona lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ku soo laabatay si caadi ah. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda waxa ay sheegeen in qaraxii ka dhacay Sh/ Dhexe ay ku dileen Sarkaal ay magaciisa ku sheegeen Jiinow Cigaal iyo Askari ilaalo u ahaa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ay dhawaceen sarkaal kale oo lagu magacaabo Maxamed Raage, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale waxa ay warkooda ku sheegeen in qaraxa ka dhacay Ex Koontarool Balcad ay ku gubeen Gaari ay lahaayeen Ciidamada AMISOM. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda iyo AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article
-
Adis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale war kasoo saartay arrin xiisad dhalisay oo ku saabsaneyd in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay Dowlado madax banaan u aqoonsan tahay Maamulada Puntland iyo Somaliland. Tuhunkaan ayaa imaaday kadib markii Bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lagu arkay inay ku dartay Liiska dalalka ay matalaadda Diblumaasiyadeed ku leeyihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland taasoo keentay inay qeylo dhaan ka muujiyaan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inaysan marnaba diyaar u aheyn inay ku xadgudubyo madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasna ay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya. Nebiyat Getachew oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa yiri ” Itoobiya waxay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay inay yihiin Maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya” Sidoo kale Nebiyat Getachew ayaa sheegay inay Dowladda Itoobiya Xarumo Diblumaasiyadeed ku leedahay Muqdisho, Somaliland iyo Puntland taasina aysan la micno aheyn inay u aqoonsan tahay dowlado madaxbanaan. Mar wax laga waydiiyey sababta liiska Wadamada loogu daray Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabay in Page-ka Wasaaradda ay ku qoran yihiin waxyaabo badan balse ay arrintaan dib u eegayaan. Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Booggeeda ay ku leedahay Internetka ay dal ahaan ugu aqoonsatay Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ay tixeysay dalalka ay xarumaha Diblomaasiyadeed ku leedahay Dowladda Itoobiya. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay muran badan dhalisay tallaabadii ay Dowladda Itoobiya qariirada uga saartay Dalka Soomaaliya inkastoo markii dambe ay arrintaas raali gelin ka bixisay. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa wuxuu dhammaal tacsi ah u dirayaa, Culimo Awdiinta Dalka , Macalimiinta Madaarista, waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland isagoo ka Tacsiyadanaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali oo 27 /5/2019 -ka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Guddoomiye Cirro ayaa Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh weyn oo dad badan baray cilmiga diiniga ah, isla markaana soo saaray culimo badan oo cilimiga diiniga ah ku takhasustay, kuwaas oo bulshada ugu faa’ideeya cilmigaasi uu Sheekh Baray Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali inuu dembigiisa u dhaafo, qabrigana u nuuriyo, Janatul Firdowsana ugu deeqo.Qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan shacabka Somaliland-ba, Rabi haka siiyo samir iyo iimaan. Qaran News
-
Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya. Haddana gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah ayey Ethiopia u geysatay oo dalkeenna oo ay saddex u qeybisay. Bogga wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa waxaa ku taxan dalalka ay ku leeyihiin safaaradaha iyo qunsuliyadaha, waxaana yaab leh in Somaliland iyo Puntland loo muujiyey dal ahaan. Dowladda Soomaaliya iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso qarannimada Soomaaliya, base ilaa iyo hadda wax jawaab ah oo lagu qanci karo lagama hayo, sababta ay doonta ha noqotee. Haddii dowladdii sidaas noqotay waa inaan hal mid xusuusanaa oo ah in dowladda ay dowlad ku tahay shacabka. Madaama ay dowladeenu jawaabi weydey waxaan jeclaaday in qowmiyadda Soomaaliyeed ay jawaab cad ka bixiso kana dhiidhiso daansaansiga foosha xun ee Itoobiya una caddeyno in ee qaluubteena aysan wali ka dhiman hadafkeena SOMALIWEYN. Waxa hadda ii muuqda ayaa ah in Itoobiya ay waddo tijaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed la tijaabinayo oo la cabbirayo sida ay uga fal-celiyaan arrinkan taabanaya jiritaankooda. Sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel walba aad ka joogtaan dunida dacalladeeda, Inta Facebook isticmaasha saarta profile-ka ama status map ka SOMALIWEYN, ilaa 5 beri si aan u’muujino in aanu ka gilgilnay daandaansi iyo xadgudub ka dhan ah jiritaankeena, wadajirkeena dhuleed iyo sumcaddeena. Mahadsanidiin. W/Q: C/llaahi Haji Idow (Somaliweyn) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
In the midst of a diplomatic rift between Kenya and Somalia that saw the country bar Somali government officials from entering Kenya last week despite possessing a diplomatic passport, the actions of former Prime Minister, Raila Odinga, will only bring more tension. The ODM party chief met with leaders from the autonomous region of Somaliland and discussed among other issues, the international recognition of Somaliland as a state. Somaliland is geographically a part of Somalia but has been wanting to break away from the mainland country since 1991 when there was a civil war. The region is independent politically and economically, holding their separate elections from the mainland. Kenya has been supporting the international recognition of Somaliland. Leaders of the region met Kenya’s top political and business heads to discuss ways of strengthening economic and political partnerships. Mr Odinga noted the importance of Somaliland to the stability of the Horn of Africa. At the same time, Leader of Majority in the National Assembly Aden Duale invited Somaliland’s two political parties, UICD and Kulmiye to the Kenyan Parliament. They discussed various ways to strengthen practices between the two countries. Source: Kenyans.co.ke
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si deg deg ah ugu yeertay Safiiradeeda u fahdiya dalalka Masar iyo Sudan C/qani Maxamed Waceys iyo C/risaaq Shoole. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in muddo todobaad gudahood loogu yeeraySsafiiradaasi in ay ku soo gaaraaan magaalada Muqdisho Lama oga illaa iyo haatan sababaha rasmiga ah ee loogu yeeraya safiirada Masar iyo Sudan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maanta Madaxweyne Farmaajo uu Cabdixakiim Xasan Ashkar uu u magacaabay safiirka cusub ee Sacuudiga. View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-29052019-sx.mp3 View the full article
-
Click here Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun yaab badan ku riday Wariye Cali Aadan Muumin oo Maalintii Shalay aheyd xabsiga loo taxaabay. Wariyaha oo Shalay galab la geeyey Maxkamadda ayaa waxaa dib loo balamay Maanta kadibna waxaa soo baxay Xukun. Maxkamadd ayaa sheegtay in Wariyahaan ay dacwad kasoo gudbiyeen Baratakoolka Madaxweyne Farmaajo, Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Waxbarashada. Maxkamadda ayaa Wariye Cali Aadan ku xukuntay inuu xabsiga kusoo jiro illaa uu ka dhammaanayo Imtixaanka Dugsiga sare ee ka socdo Soomaaliya. Imtixaanka Dugsiyada sare ayaa dhammaanayo Maalinta Jimcaha ah, waxayna wararka qaar sheegayaan inay Maxkamadda amartay in xoriyadiisa dib loogu celiyo Maalinta Berri ah oo Khamiis ah saacadda marka ay tahay Todobo saac oo duhurnimo ama Kowda Duhurnimo. Cali Aadan Muumin ayaa inta waqtigaas ka dhiman wuxuu kusii jiri doonaa gacanta Ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta dambi baarista ee CID. Xukunkaan ayaa noqday mid yaab leh, waxayna xogta hoose shaageysaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay diiday markii hore inay dacwadaan qaado maadaama ay sheegtay inaysan dacwad aheyn Facebook ayaa qoraal lagu soo qoray. Cadaadis weyn oo kaga yimid dhinacyada soo dacweeyey Cali Aadan Muumin ayaa keenay inay maxkamadda qaadato go’aankaan oo u muuqdo inay tahay mid lagu doonayo in lagu qariyo sidii sharci darada aheyd ee Xoriyadda looga qaaday Wariyahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta baabi’isay dhammaan eedeymo loo heystay weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog Media Group iyada oo amartay in la sii-daayo khamiista 12-ka duhurnimo, kadib marka ay dhamaadaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee dowladda. Inta ay maxkamadeynta socotay waxaa Cali ka hor keenay waxyaabo uu soo dhigay Faceboogiisa, waxaana ugu muhiimsanaa qoraal uu ka sameeyey imtixaanaadka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah. Goobjoog ayaa goor sii horeysay xarigiisa ku tilmaantay sharci-darro, iyada oo dalbatay in la sii-daayo sida ugu dhaqsaha badan. Akhriso: War-saxaafeedka Goobjoog WAR-SAXAAFADEEDKA Goobjoog News Source: goobjoog.com
