Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa, qarax saaka ka dhacay iridda hore ee maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari xarunteeda magaalada Boosaaso. Qaraxa oo sida la xaqiijiyay lala eegtay gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 ruux, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka magaalada Boosaaso. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda, shaqaale ka tirsan maxkamadda, askar iyo dad shacab ah oo qaar dhaawacyadoodu liitan, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka. Guddoomiyaha maxkamadda ee gaarigiisa qaraxa lala beegtay, Abukar Cabdinuur ayaan sida la sheegayo gaariga saarneyn wakhtiga qaraxa lala beegsaday. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo cid loo qabtay midna, sidoo kalena laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Boosaaso)-8 qof ayaa ku dhaawacmay qarax xoog leh oo ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada derejeda kowaad ee Gobolka Bari ee Magaaladda Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland. Qaraxan oo lala eegtay gaadhiga guddoomiyaha Maxkamadda Abukar Cabdinuur ayaa dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah garsoore, Taliyihiin Ilaalada Maxkamada, ciidamo iyo haween ku ganacsanayay albaabka hore ee Maxkamada. Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee Magaalada, waxaana wararku sheegaya in laba ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu halis tahay. Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaasi, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhinaca dowladda Puntland oo ku saabsan qarax ka dhacay Maxkamada. Dhinaca kale, Qaraxa lala beegsaday ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore, Maxkamada ciidamada ee Puntland ay xukumo dil iyo xabsiyo ku xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirto maamulka Puntland. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo shirkii ka socday magaalada Garowe uu muddo maalmo ah socday islamarkaana la isku fahmi waayay waxyaabaha qaar, ayaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wuxuu ka hadlay waxyaabaha keenay in la is fahmi waayay. Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shan qodob ay sabab u ahaayeen in shirkii magaalada Garowe uu fashil ku dhamaado. Wuxuu ugu horeyn sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan muujin wax tanaasulaad ah oo ku aadan shirkii ka dhacayay magaalada Garowe, taasi oo keentay in lagu kala dareero, Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada sidda dhow ula socda Shirka ayaa qoraalkaan ka qoray Qodobadda lagu heshii waayay. 1-Faragelinta Galmudug, Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la,aana ku dhamaatay. 2-Xeerka Doorashooyinka ee ay xukumadda ansixisay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018, Taas waa la isku mari waayay. 3-kheyraadka dalka Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiski Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen baydhabo Jun 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay. 4_Deeqaha caalamiga Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay. 5-Dhameystirka Dastuurka Dowladda ayaa wada dib u eegis dasturka iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ,xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galan loo ogolaan,waa la isku afgaran waayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Paris)-Markab laga leeyahay Sacuudiga ayaa ka Shiraacday dekad ku taal waqooyiga Faransiiska iyadoo aysan saarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen. Hey,ada lagu magacaabo The Christian Action ayaa Khamiistii ka hor timid arintaan iyada oo u mareysa hab Sharci ah,waxaana ay sheegtay in hubkaan halis ku yahay amniga Caalamka. Dacwad ka dhan ah hubka Sacuudiga oo la geeyay Maxkamada ku taal Paris ayaa waxaa ka baxay garsooraha Faransiiska,balse Markabka Sacuudiga ayaa isla markii ka shiraacday xeebta Le Havre. Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu isbadal ku yimaado qorshaha markabkaan hubka u daabuli rabay Sacuudiga. Qareenka lagu magacaabo Laurence Greig oo matalayay hey,ada ACAT ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markabkaan uu ka shiraacday Faransiiska isaga oo aan daabulin hubkii loogu talagalay in uu Qaado. Arintaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Website faafiya siraha uu daabacay isaga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Faransiiska in hub laga Iibiyay Boqortooyada Sacuudiga. Hubkaan oo isugu jiray Taangiyada dagaalka madaafiic iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen. aarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen. Hey,ada lagu magacaabo The Christian Action ayaa Khamiistii ka hor timid arintaan iyada oo u mareysa hab Sharci ah,waxaana ay sheegtay in hubkaan halis ku yahay amniga Caalamka. Dacwad ka dhan ah hubka Sacuudiga oo la geeyay Maxkamada ku taal Paris ayaa waxaa ka baxay garsooraha Faransiiska,balse Markabka Sacuudiga ayaa isla markii ka shiraacday xeebta Le Havre. Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu isbadal ku yimaado qorshaha markabkaan hubka u daabuli rabay Sacuudiga. Qareenka lagu magacaabo Laurence Greig oo matalayay hey,ada ACAT ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markabkaan uu ka shiraacday Faransiiska isaga oo aan daabulin hubkii loogu talagalay in uu Qaado. Arintaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Website faafiya siraha uu daabacay isaga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Faransiiska in hub laga Iibiyay Boqortooyada Sacuudiga. Hubkaan oo isugu jiray Taangiyada dagaalka madaafiic iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen. Source
  5. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ay laga heleyo magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo. Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay. Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey in kadib kulankii xalay, ay si kulul khadka taleefanka ugu wada hadleen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay madasha shirka imaan waayeen madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug. Axmed Madoobe ayaa diiday in dowladda Soomaaliya ama beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa Deni ku diiday arrintaas. Sioo kale, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar dalbaday in la helo damaanad-qaad dhanka beesha caalamka ah oo goobjoog ka noqda qodobada lagu heshiinayo, taas oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Deni oo u aaminsan inuu asagu damaanad ka noqon karo wax walba oo shirkan ka soo baxa maadaama uu isagu gogoshan fidiyay, inkasta oo aanba wax heshiis ah la gaarin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Waxaynu qabtii 2-aad taxanaheenan ku soo aragnay xogo badan oo ku saabsan shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Musuq maasuqa ku gadaaman, hanaanka uu shaqada dawladda ku soo galay iyo sababaha isagoo musuq maasuq ku eedaysan loo dalacsiiyay ee looga dhigay illaaliyaha hantida qaranka isagoo isagii dhex jiifo eedo Musuq maasuq oo uu gaystay mudooyinkii iyo xilalkii kala duwanaa ee uu kasoo qabtay Dekeda Berbera. Waxaynu taxanaheenan maanta ku soo qaadanaynaa arimo layaableh oo ka dhex taagan Xafiiskan uu madaxda ka yahay ee Hanti dhawrka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, gabood falada uu ku hayo Shaqaalaha Xafiiska, sida uu ugu tagrifalo Miisaaniyadda Xafiiska, lacagaha gaarka ah ee u sida gaarka ah u maamusho, kooxo gaar ah oo uu ku sir qarsado oo uu ka dhex samaystay shaqaalihiisa iyo Hanaanka qabyaladdeed ee uu mansabyada sare ee Xafiiska uu ugu taxay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo shaqaalaha Hanti dhawrka ka tirsan arintaasi oo si weyn uga dhex guuxaysa Xafiiska Hanti dhawrka islamarkaana niyad jab ku riday aqoonyahano fursad u waayay inay aqoontooda Qaranka ugu shaqeeyaan. Aynu Ku Horayno Qaabka Uu Umusuq Maasuqo Miisaaniyadda Xafiiska Iyo Lacagaha Gaar Ah Ee Uu Ku Tagrifalo Ee Iska Maamusho. Waxa jira lacag dhan 7-Bilyan Oo Sl/Shilings ah oo labadii sanno ee u dambeeyay miisaaniyadda loogu daray, lacagtaasi oo gunno ahaan shaqaalaha loogu kordhiyay si ay uga maarmaan baahasho iyo inay laaluush ka qaataan Goobaha ay baadhayaan, lacagtaasi waxaa la ogaaday inaanay shaqaalaha gaadhin oo uu keligii ku tagrifalo oo uu iska maamusho. Lacagtaasi saddexdii bilood waxay noqonaysaa oo shaqaalaha loogu talo galay in shaqaalaha Gunno ahaan loo siiyo 1.8m(Hal Bilyan iyo Sideed Milyan Oo Sl/Shilin ah. lacagtaasi wax xisaab celin ah malaha,waxaana si toos ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Yuusuf Dirir. Sidoo kale sanad kasta Waxa Shaqaalaha Hanti dhawrka loo qoondeeyay 400 Milyan oo SL/Sh ah oo gaar ah oo ay kharashaad uga dhigtaan Hawsha Xisaab Xidhka sannadka, lacagtaasi waxa loogu talo galay inay Hanti dhawrku ku kiraystaan Khubaro ka caawisa Xisaab xidhka Qaranka guud, waxa lacagtaasi si gaar ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la cunna oo aanu ogaanay saddex nin oo kale oo uu ka mid yahay Cali Bilyan iyo nin ay walaalo yihiin. Sidoo kalena xisaab xidh wanaagsan ma keenaan, shaqaalaha kalena waa laga qariyaa lacagtaasi. Sanad walba Baarlamaanku way kusoo celiyaan, maadaama oo aanay xilba iska saari Hanti dhawrku islamarkaana wax khuburo ah oo ka caawisana aanay adeegsan, waxay jaldiga ka badelaan oo ay koobiyaystaan Xisaabka Xidhka Xisaabaadka guud samaystaan waana arin iska caana oo si weyn looga war hayo. Mansabyadda Sare Ee Xafiiskiisa Iyo Qaabka Beelaysan Ee Uu Qarabadiisa Uga Buuxiyay. Dhamaan Shaqaalihii Khibradda lahaa buulka ayaa la wada dhigay, waxana loo kala saaray reer reer iyo kooxo, dhamaan waaxyaha iyo meelaha mihiimka ah waxaa loo dhiibay kooxo iskuwada beel ah oo ay hayb wadaag yihiin Cali Bilyan iyo Hanti dhawraha, dadka baadhisaha loo diraana waa inyar oo isku koox ah taasi oo dawladnimadii bahdishay, isla markaan niyad jab ku riday shaqaalaha Hanti dhawrka gaar ahaan ragga aqoonyahanka ee xafiisyadaasi ku sugan oo ay aqoontoodii dabartay Hanaanka qabiil ee la isku dalacsiiyo xafiiska hanti dhawrka. Wax Ka Ogaw Sida Uu Wali Axmed Dirir U Xoolaysanayo Iyo Hantidii Ugu Dambaysa Ee Uu Samaystay. 1 – Waxa uu wali Axmed Dirir ku guda jiraa hanti boobka Xoolaha Dawladda, Waxaana lahayaa Meherado waa weyn oo ganacsi oo aanu hore u lahayn oo uu hadda samaystay intii uu Xafiiska Hanti dhawrka joogay, kuwaasi oo ku kala yaala Magaalooyinka waa weyn ee Hargeysa, Berbera iyo waliba dalka imaaraatka carabta gaar ahaan Magaaladda Dubai. 2 Arinta ugu xiisaha badan ee aadka loo hadal hayo waxa ka mid ah inuu hanti dhawre Axmed Dirir Ganacsi waa weyn oo muuqda ka samaystay Magaalada Hargeysa, waxa ka mid ah Ganacsiga uu Hargeysa dhawaan ka samaystay Macrad baabuurta lagu iibiyo oo weyn oo kuyaala Barigga magaalada Hargeysa, kaasi oo caan ah oo aad dadka yaqaanaa ugu og yihiin, waxaana macradkaasi magaciisa layidhaa AL-XIGMA Motors, waxa uu u dhaw yahay Masjidka tabliiqiyiinta HARGAYSA ee Dhinaca Bariga HARGEYSA Waxaanu saaran yahay Laamayda Berbera u baxda. Waxaa jira huteelo iyo meherado kale oo uu samaystay intii uu Xilka Hanti dhawrka hayay. Waxa jira oo sawiradoodii warbaahinta lagaliyay fooqyo uga socda Badhtamaha Magaaladda Hargeysa oo ah dhulka qaaliga ah waxaanu dhulkaasi iibsaday dhawaan. Waxaanu idinla wadaagi doonaa dhawaan muuqaaladooda iyo lacagta uu siistay iyo waliba wakhtiga uu iibsaday. Waxaynu Isbarbar-Dhig Yar Ku Samaynaynaa Farqiga U Dhexeeya Xafiiska Xisaabaadka Iyo Hanti Dhawrka Oo Dhinaca Isku Haya, Wax Badanina Ka Dhexeeyo. Bal u fiirso oo akhri!!!! Xafiiska Xisaabaadka guud malaha wax miisaaniyad ah, mana jirto habayaraatee, Waxa kaba oo lacagta iyo Gunooyinka siiya Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay qaataan Mushahar ahaan Shaqaalaha Xisaabaadku lacag dhan qofkiiba 5-milyan iyo dheeraad, iyagoo shaqeeya 7:Am illaa 2-PM(Galabnimo) oo xidhiidh ah. Majiro wax kala sooc ah oo ay ku sameeyaan Madaxdoodu, oo ku salaysa Cunsuriyad Qabiil iyo mid qof jeclaysi ku salaysan toona, sidaa dartee si siman oo dawladnimo ka muuqato ayaa loo hawlgaliyaa. Haddii aad booqato xafiiska Xisaabaadka waxaad dareemaysaa Niyad samida Shaqaalaha iyo sida ay u jirsanayaan Haybadda Dawladnimadda. Waxa sidaasi ka yeelay oo madaxdooda oo aan cadaalad daro ku maamulin, una kala abtirin ee aqoon iyo kartidooda ku dalacsiiya. Xafiiska Hanti Dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir: waxa uu leeyahay lacag dhan 2-milyan oo Dollar iyo in kabadan sannadkii oo uu si gaar ah ugu tagrifalo oo aan wax xisaab celin ah iyo dabagal ah lahayn. Halka ay Nimanka masuuliyiinta ah ee hawsha ugu badan gala ee baadhista ugu badan sameeyaa ay qaataan Lacag yar oo laba Milyan ah sanadkii oo gunno ah, waxa halkaasi ka cad in lacagtii loogu talo galay raggaasi ay ku dhacdo jeebka Hanti dhawraha islamarkaana uu isagu musuq maasuqo, waana lacagtan uu meheraddaha iyo guryaha ka dhisanayo. Shaqaalah Hanti dhawrku waxay kujiraan war war culus iyo niyad jab uu gayaysiiya Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la isku dalacsiiyaa hanaan Qabiil iyo sida ay ugu kala abtirsiin dhaw yihiin Hanti dhawaraha Guud. Intoo badani masoo shaqo tagaan waxaana shaqaysa koox ay isku hayb yihiin hanti dhawraha oo qaab qabiil loo maalgaliyo,loona loo hawlgaliyo. Majiro cid u maqan iyo ceel u qodani toona shaqaalaha Hanti dhawrka. ………………………………………………………… Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Source
  7. (SLT-Washington)-Wada-hadalladii arrimaha ganacsiga diirrada saarayay ee Washington uga socday Marekanka iyo Shiinaha ayaa ugu dambeyn guul darro ku dhammaaday, iyadoon wax natiijo ah laga gaadhin qodobbadii laga wada-hadlayay. Waxyaabaha shirka uu khuseeyay ee la isku fahmi-waayay waxaa ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda Shiinaha u soo dhoofiso dalka Maraykanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa fikradaha Marekanku leeyahay ee ay xaddo dowladda Shiinaha. Kulankan oo markiisi horaba la qiyaasayay inan si dhow is afgarad looga gaarin ayaa sidoo kale waxyaabaha la isla soo qaaday ee aan go’aanka laga gaarin waxaa ka mid ah in Shiinaha uu furo suuqa ganacsi, waxaana xusid muddan Shiinaha suuqa ugu weyn ee uu heysto inuu yahay Marekanka. Marekanka wuxuu cadho weyn ka muujinaya in Shiinaha uu caadeystay inuu xaddo fikradaha Marekanku leeyahay , waxa laga doonayo Shiinaha ayaana ah inay sharciga caalamiga ah u hoggaansanaato. Isfaham-waaga shirkan uu ku dhammaaday ayaa sabab u noqday in canshuur dheeraad ah oo %25 ah lagu soo rago badeecadda ay Shiinaha keennan Marekanka. Source
  8. (SLT-Liibiya)-Labo Saxafi oo u shaqeeya Telefishinka madaxa-bannaan ee Al-axraar ayaa la sheegay in la la’ yahay tan iyo bishan May 2-dii, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ee badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ. Wararku sheegayaan inay ciiddanka u dacaadda ah Taliyaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ay qafaasheen Suxufiyiintaasi, xilli ay tebinayeen warar ku aadan dagalka ka socda duleedka Tripoli. Mamaulka Telefishinka Al-axraar waxay sheegeen in Weriye Maxamed Alquruj iyo Sawir-qaade Maxamed Al-shibani bishan 2-dii laga qafaashay Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tripoli, isla markaana ay waayeen Xidhiidhka Suxufiyiintaasi iyo halka ay ku dambeyeen. Tan iyo markii la waayey Suxufiyiintaasi waxay dibadbaxyo ka bilowdeen magaalladda Tripoli oo lagu codsanayo sii-daynta Suxufiyiintaasi. Bishii Jenewery ee sannadkan, Sawir-qaade madax bannaan oo lagu magacaabi jirey Maxamed Bin Khaliifa ayaa la dilay isagoo warar ka tebinayey Tripoli. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilal iyo weeraro badan oo qaarkood lagu dilay dad rayid ahaa. Weerarada kala duwan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, waxaana dilka ugu horeeyay uu ka dhacay isgoyska Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa. Kooxaha hubeysan ee wiilka dhalinyarada dilay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana uu wiilka ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan degmada Boondheere. Sidoo kale waxaa xalay bam gacmeed lagu weeraray maqaayad ku taala Tabeelaha Sheikh Ibraahim, waxaana weerarkaasi ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa maqaayada. Dadka ku dhaawacmay maqaayadda ku taala duleedka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, iyadoo halkasi lagu baxnaaninayo. Dhinaca kale kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa bam dhigay agagaarka xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana markii ay qaraxday kadib waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobta. Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaadeen xarun shirkadeed oo ku taala agagaarka Seybiyaano, waxaana iska hor imaad dhex maray ilaalada shirkada iyo kooxaha hubeysan ka dhashay geerida hal ruux. Waa weeraradii ugu badnaa oo tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay baaritaano ka wadeen magaalada maalmihii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa ugu baaqday Xukuumada Sacuudiga inay xanibaada ka qaado muwaadiniinteeda si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka. Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dalka Qatar ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagaga codsaday in sacuudiga uu u ogolaado Xujeyda reer Qatar ee Rajeynaya in ay soo gutaan mid ka mid ah waajibaadka Diiniga. Dowlada Qatar ayaa intaa ku dartay safarkaan uu waajib yahay si la mid ah dadka kale ee ka imaanaya wadamada dunida ee Xajinaya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhanka kale loogu baaqay in ay joojiso heyb sooca ay ku heyso shacabka Qatar. Labadan dal ee dariska ah ayaa waxaa dhexmaray qilaaf dhanka diblumaasiyada ah sanadkii 2017-dii. Xukuumada dooxa ayaa dhanka kale dalbatay in Sacuudiga uu u ogolaato muwaadiniinta Qatar in ee ku nool magaalada Makka iyo Madiina in ay is diiwaan galiyaan si ay uga qeyb qaataan acmaasha Cumrada iyo Xajka. Source
  11. Diyaaradda qaadday Axmed Madoobe oo Garowe ka duulaysa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo kadib markii uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday Garoowe. Qodobka ugu weyn ee shirkaasi fashiliyay ayaa sida ilo’ xog-ogaal ah xaqiijiyeen ka abuurmay iska hor-imaad Khamiistii ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ilaalada musharrax u tartamaya doorashada Jubaland iyo ciidanka amniga dowlad goboleedka Jubaland. Madaxweynaha Jubaland oo galabtii khamiista fadhiya shirka ayaa lagu wargeliyay dhacdada kadibna waxaa shirka ka dhacay buuq iyo muran u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland kaasi oo ku dhowaaday in ay isu gacan-qaadan. Murankaasi kadib sida la sheegay lagu kala dareeray shirka iyadoo aan mar dambe dib la isugu soo noqon kadib markii Axmed Madoobe iyo Xaaf ay diideen shirkaasi. Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxames Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu fara-gelin xooggan ku hayo maamuladooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya. 31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi, isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Source: goobjoog.com
  13. Wararka ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Mdoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo. Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay. Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray. Wararkan oo faah-faahsan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku soo warramaya in fashil uu ku dhow yahay shirka maalmihii u dambeeyay uga socday magaaladaasi madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Ilo xog xogaal ah oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya xilli muran xoogan ka dhex aloosnaa dowladda dhexe iyo mamulka Galmudug, haatan uu is qab qabsiga uu ku soo biiray hoggaamiyaha maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in shirka dhexdiisa uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C./laahi Farmaajo oo ku aadan in uu wax ka ogyahay xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ee u dhexeysa Ciidamada maamulkiisa iyo ilaalada Musharrax C/naasir Seeraar. Ilo aan rasmi aheyn ayaa sidoo kale ku warramaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la filayo in maanta uu ambabaxo magaalada Kismaayo, islamarkaana gabi ahaan uu isaga baxo shirkaasi. Shirka ayaa u muuqda in uu ku soo idlaado is faham waa, iyadoo aan laga soo saarin wax Warmurtiyeed ah, waxaa suuragal ah in madaxweynaha maamulka Puntland oo gogosha shirkaasi fidiyay uu la hadlo Warbaahinta. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article
  15. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay saacadihii la soo dhaafay ku sheegtay inuu fashil ku yimid shirkii Garoowe, ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Galmudug waxaa ay ku doodey in dowladda federaalka ah ay xagaldaacisay ajendaha shirka, isla markaana ay ixtiraami weysay shirkii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu sunna Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Galmudug: Source: goobjoog.com
  16. FG: sawirkan waa qarax hore Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in hadda uu qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari. Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo qaarkood lagu sheegay shaqaalaha maxkamadda askar iyo dad shacab ah inkastoo aan faahfaahin dheeriya weli laga helin. Wararka qaar waay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in uu qaraxa ku dhaawacmay taliyihii ciidanka ilaalada maxkamadd balse weli lama xaqiijin warkaasi. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in uu hortago wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrin doono hindise sharciyeedka Daqliga oo ay soo diyaarisay wasaaradiisi. Sidoo kale Xildhibaanada BFS ayaa maanta soo gabagabeynaya ka doodista hindise sharciyeedka shirkadaha dalka oo hor yaalay muddo 9 bilood ah. Fahdigan ayaa noqonaya kii 13-aad oo qeyb ka ah Kaldhiga shanaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article
  18. Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa goor dhow lagu wadaa inay ka ambabaxaan magaalada Garoowe. kaddib markii la sheegay inuu fashil ku dhamaaday shirkii dowladda [...] Source
  19. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan. Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay. ” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu saarayodhaqdhaqaaqamuwaadiniintaSoomaaliyeed. DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodkalabadashacab. DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda,waxaynaugubaaqaysaa dowladdaKenya in aydibufiirisotallaabadan culeyskakuahganacsigaiyoisusocodkalabadashacabeewalaalahaah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabadakuhabooneeayqaadeyso. Mog-Nairobi-Press-Release-1 View the full article
  20. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa waxaa dhex maray tartan adag, kuwaas oo u dambeeyey Group B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Warta Nabada ayaa la timid 12 buundo, halka Xamar Weyne oo ay guushu raacday ay keensatay dhibco gaaraya 14 . Xamar Weyne ayaa noqoneysa degmadii afaraad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmada Shangaani ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  22. Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda loo haysto, 10 nin oo ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sannadkan kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda oo furantay 8:00am ee saaka oo sabtiya, ayaa la horkeenay 10 eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha, waxaana hadda maxkamaddu dhegaysanaysa ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo akhrinaya dacwadda loo haysto eedaysanayaasha. Sidoo kale, qareennada u doodaya 10-ka eedaysane, ayaa mid-mid looga dhegaysan doonaa doodda ay ku difaacayaan eedaysanayaasha, ka ka hor inta aan maxkamaddu go’aan ka gaarin kiiska. Goobta maxkamaddu ka dhacayso, waxa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka wasaaraaha Haweenka iyo Caddaalada dowladda Puntland, xubno ka socda laamaha garsoorka, qareenno, ehelada eedaysanayaasha, xubno ka socda qoyska marxuumad Caa’isha iyo dadweyne kale. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo saaka mar kale maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka warbixisay weeraro saacadihii la soo dhaafay ka dhacay M/Muqdisho. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in bac yar oo lagu soo shubay baaruud ay ku qaraxday agagaarka xarunta CID-da. “Qofne waxaba kuma noqon isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa caadi ah” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed in ay ku soo wargaliyaan laamaha amniga wax kasto oo ay ka shakiyaan. Dhanka kale Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafadda Seybiyaano ee dgemnada Hodan. Rag buracd ah ayey tilmaamtay in ay fuliyeen weerrajkaasi, islamarkaana ay Toogteen, halka nin sidoo kale ay dhacawen Gabar kale oo shacab ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku dartay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah Raggaasi iyo Hubkooda. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe waday howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka. View the full article