Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,155
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least 17 people have died in communal violence triggered by a personal dispute in western Ethiopia, a report said Monday. The AMMA news agency said there were clashes Saturday and Sunday pitting the Gumuz ethnic group against the Amhara, the second largest in the country, in Benishangul Gumuz state. The director of communications, Asmahegn Asres, in neighbouring Amhara state, told AMMA that 11 Amhara and six Gumuz people were killed in the clashes and the toll could mount. The death toll could rise even further as there is a search mission underway to find missing bodies, with federal police and army units deployed in the area to prevent a recurrence of the violence,” the director was quoted as saying. “Around 25 houses have been burned in the ethnic violence which started as a personal dispute between two daily labourers,” he added. Communal clashes, typically sparked by disputes over land, are common in Ethiopia where a fast growing population has added to pressures on farmers in a country of sharp ethnic divisions. AFP Qaran News
  2. Hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ayaa shalay ka soo muuqday cajal Video ah kadib mudda 5 sano ah oo aan la arkin. Cajalka oo lagu baahiyay bogga loo yaqaan al-Furqaan ee ururka Daacish ayaa cinwaan looga dhigay” amiirka mu’miniinta” waxaana laga arkayaa al-Baghdadi oo aan weji daboolneyn balse ay la fadhiyaan xubno kale oo wejiyadooda qariyay. Muuqaalka oo soconaya mudda 18 daqiiqo ah ayaa al-Baghdadi ku hanjabayaa in loo aar-gudi doono xubno muhiim ah oo ururkiisa looga dilay dagaallada dalka Suuriya iyo kuwa kale oo sida uu sheegay la qafaashay. Wuxuu sheegay in ururkiisu ay 92 weerar ka fuliyeen 8 dal oo ku yaalla caalamka isagoo ku hanjabay in ay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “Cadowga Alle”. Al-Baghdadi ayaa weerarradii ka dhacay dalalka Sri Lanka iyo Saudi Arabia ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa loogu aar-gudayo xubno muhiim ah oo laga dilay ururkiisa isagoo xusay in dagaalku yahay mid dheer “ dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer” ayuu yiri. Cajalka uu soo duubay hoggaamiyahan 47 jirka ah oo Maraykanku madaxiisa ku raadinayo $25 malyan oo Dollar ayaa beeninaya warar u hore u soo baxay oo lagu sheegay in uu ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka. Dhinaca kale waxaa muuqaalkiisa ka carootay dowladda Maraykanka oo mar kale ku celisay in Daacish ay ku beegsan doonto meel kasta oo dunida kamid ah islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonta hoggaamiyihiisa al-Baghdadi. Muuqaalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee wejigiisa si furan loo arko ee laga soo duubay al-Baghdadi tan iyo 29 June 2014 xilligaasi oo muuqaal laga soo duubay uu dalka Iraq kaga dhawaaqay ururka Daacish isagoo isku magacaabay Imiirkii Mu’miniinta. PUNTLAND POST The post Al-Baghdadi: Dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Qubanaha Warka Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-29042019-ss.mp3 View the full article
  4. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland government plans to award the importation of fuel and fuel products to Trifagura Pte. a Swiss based commodity and energy giant. According to reliable sources within the administration of President Muse Bihi Abdi, the Commerce, Industry and Trade minister, Mohamud Hassan Sa’ad, ” Sajan” a close confident of the president, a former comrade in arms and a relative, has managed to secure the new contract for the Swiss giant, whose annual turnover is over $58 Billion US. The minister recently critiqued the quality of fuel and fuel products being imported in to Somaliland by the several indigenous companies that currently hold the contracts. Our source confirm that the minister, who has been active in seeking deals across the globe, including a recent visit to Malaysia to strike a livestock deal, as well as, the proposed jointly owned Somaliland-United Arab Emirates livestock agency, has received the blessings of the presidency to go ahead with deal, which also includes the usual sub-contractors with strong ties to the administration. The current Somaliland companies who hold the fuel contract are, naturally, unimpressed with these new developments. It was only eight years ago that the previous administration of Ahmed Mohamed Mohamud ” Silaanyo” cancelled the long standing deal with Total France in order to encourage local economic development. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeystay dagaalka lagu hayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayada oo saacadihii la soo dhaafa baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo ra’iisul wasaaraha. Warkaan ayaa waxaa sidoo kale baahisay idaacadaha Kulmiye ee Muqdisho, waxayna sheegtay inay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow madaxtooyada ay kasoo xigatay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in la bedelo Kheyre. Waxaa warka lagu sheegay inuu Farmaajo aqbalay badalitaanka Kheyre si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada. Hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa wararkaas waxa uu ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin. “Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey inay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo” yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada. Sidoo kale Caasimadda Online oo xiriir la sameysay Xafiisyada Madaxweynaha iyo midka Ra’isul wasaaraha ayaa ogaatay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur iyo arrin aan lasoo hadal qaadin. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen. Sharci ahaan madaxweynaha ayaan awood u lahayn inuu beddelo Ra’siial wasaare kalsooni ka helay baarlamaanka, waxaana kaliya lagu bedeli karaa inuu kalsoonida kala noqdo baarlamaanka, markii mooshin laga keeno ama uu isagu iskiis isu casilo iyo in xaalad uu gudan waayo xilka ay ku timaado, taasoo aan hadda muuqan ama suuragal ahayn xilligan. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololahan ka dhanka ah Kheyre oo dhowr bil socday ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda. Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyada waa weyn ee dowladda ay bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah. Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta, ganacsatada iyo xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha ay mar horeba heleen dhowr qandaraas oo qaarkood ay siiyeen wasiiro, hase yeeshee ay doonayaan wax kasii badan, ayaga oo ka carreysan amar kasoo baxay ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa bishii Febraayo soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso. Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka rajo ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo. Ololaha xil ka qaadista ama bedelaadda Kheyre, ayaa maalmihii dhowaa aad uga socday baraha bulshada, hase yeeshee maadaama shacabka aysan inta badan rumeysan wararka baraha bulshada illaa ay ka xaqiijiso warbaahin magac leh, ayaa dadka wada ololahan ay isku dayeen inay warkan marsadaan idaacadaha ama website-yada caanka ah, si qal-qal siyaasadeed loo abuuro. Sida aan xogta ku helnay, idaacadda Kulmiye ayaa waxaa qiyaanay oo warka siiyey dad magac leh oo la isku haleyn karo kuwaas oo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Kheyre, markii ay gadmi weysay beenta baraha bulshada. Waxaa yaab leh oo la is-weydiinayaa waxa kasoo galayaa dadkan inay dhowr bil ku hayaan “waxaa is-casilaya ama la beddelayaa Kheyre” haddiiba aysan awood u lahayn inay madaxweynaha saameeyaan ama mooshin ka abaabulaan Kheyre. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno Gobolka Sanaag ayaa sheegay in deegaanka Gar-Adag lagu dilay Labo Taliye oo katirsan degmadaasi. Labadan Taliye ee la dilay ayaa kala ahaa Taliyihii Xabsiga Gar-Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada. Sida ay Caasimada Online ku helayso wararka, Labadan Taliye ayaa waxa maalmihii u dambeeyay soo wajahday cabsi, kuwaasi oo dhuumasho kaga baxayey Magaalada Gar-Adag intii aan la dilin. Dilkan Taliyayaasha ayaa wuxuu daba socday kadib markii uu shalay xabsiga Ceerigaabo ku dhex dhintay Maxbuus lagu soo qabtay maan-dooriyaha Khamriga. Wararka kale aan helayno ayaa sheegaya in labadan taliye ay dilkooda ka dambeeyen Koox Meelishiyaad beeleed ah, kuwaasi oo ka soo jeeda reerka uu ka dhashay Maxbuuskii shalay ku geeryooday xabsiga Ceerigaabo. Labadan Taliye ayaa kasoo jeeda gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, iyada oo labadooduba ay yihiin Habar Cafaan. Taliyihii Xabsiga Gar-Adag, waxa uu kasoo jeeda beesha Xeeb-jire, Halka Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska uu isagna kasoo jeedo beesha Reer-Xaamud. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. April 29, 2019 Warar hadda aanu ka helayno deegaanka gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga degmada Gar Adag [...] Source
  8. Erigavo,( Qaran news)-Two Somaliland Police Officer were killed by unknown assailants whilst on duty in Sanaag. The two officers, the head of the Garadag Police detention center and the the deputy commander of the Garadag Police station were according to reports leaving the town after demonstrations pertaining to the death of prisoner who died in whilst in detention yesterday at Erigavo jail. Reports are sketchy at the present time, and it would appear that the officers were ambushed by an arm militia related to the prisoner who died in custody in Erigavo. Qarannews will report on any further information on the situation. As of yet, there has been no official comment from the Somaliland Police Force. Qarannews offers it’s sincerest condolences to the people of Somaliland, the families and the relatives of the murdered police officers. Qaran News
  9. Wixii aad naftaad la jecel tahey wallaal kaana la jeclow sidaas baa lagu heli kara mujtamac caafimaad qaba . Sidaas beynu ku noqon Kartaa somaaliland isku duubaan oo mideysan . Waa in horumarka dagaaneed ay si iskumid isula jaan qaadaan oo la isa soo gaadh siiyo kuwa duruufa colaadduhu ama duruufa kale ee ale keeney dib u dhigeen . Somaaliland waa in laga ilaashaa waxa kasta oo kala irdheyn iyo kala fogaansho abuuraya . Waxa jira tabashooyin somaaliland dhex taala ama dhibaatooyin soomarey, cidna gar siin maayo cidna dusha u saarimaayo . wixii inaga xumaadey horeysa iyo danbeyso waa waxa laga xumaado . wixii dhibaato ka dhex dhacey reer somaliland waxa ay ahaayeen waxa qadar keenay dabcane ale keeney hadana meel kale laga soo abaabuley . Dadka dariska wadaaga way isku dhacdaan meel kasta ba dunida ha ka joogeene somalilandna kuwa waa kamid . laakiinse waxa baa jira aynu kaga duwa nahey xitaa somaaliyadaas aynu jaarkanhey waa kuwaa 30 sano is dilaya ee xal loo waayey .Somaaliland haddii ay dhibaato kadhacdo markiiba waa loo gurmadaa oo waa la damiyaa . Waxa jira siyaasiyiin kala fagaansho abbuura oo kicin , durid iyo xaalad abbuur farsameysan dhex dhigayaan somaliland . Waxa jira maamul xumo sinaan la’aan cadaalad daro laakiin maaha waxa laga wada tashadey oo beelo isla qaateen ee waa waxa u gaar ah kolba cida maamulka heysa . waxa dhinca kale jira tabasho aan xaqiida ku saleysneyn oo ku saabsan saaami qeybsiga gobolada kaasoo gobalada qaar ka cabanayaan , waxaase jira in gobolo qaar ugu saami qeybsi badani hadanaugu qeylo badan yihiin halka kuwa ugu duruuta adigi iska ammusanyihiin . Waxa fiican in si cadaalada ha waxa loo qeybiyo laakiinse waa marka daraasad lagu sameeyo ee la ogaado duruufahooda wakhiguna inoo saamaxaan . iyo gabgabadii somaaliland uma baahna dad Tvga u dacwadooda , ka bilaaba saami baa naga maqan iyaga oo aan hubsan in waxa dheeraad ihi lascodaa iyo in waxa ka maqanyihiin . waxa fiican in la gaadho marka duruufuhu inno saamaxaan saami qeybsiga . Waxa kale oo somaaliland dhib ku haya siyaasiyiin marba shaadh soo gashanaya oo qabiil soo hurinaya oo irbad naxali ah sita oo kolba cid ku duraya . Somaaliland uma baahna cid ukala abtirisa ee waxa ay u baahantahey cid waxa u qabata oo isku heysa dhamaan . Waxa kale oo aynu u baahantahey maamul si xaq iyo cadaalad ah ku yimaada si cadaalad ahna waxa inoogu qeybiya . Cabdi Xasan (Cabdi Sulux) Source
  10. Sida dhaqanka Soomaalida ku jirta waxa jira xilliyo uu Beelaha qaar uu dhexdooda kala guursigu ka caaganyahay sababo ay ka mid ahaan karto xurgufo ka dhashay Guur hore ama dagaal soo dhexmaray awgeed , Balse dookhu qofna lama tashado’e wiil iyo gabadh isku reer hoose ahaa isla jeerkaasna ay reebanayd isguursigoodu marka leego xeerarka u yaalla reerkooda ayaa isjeclaaday , sida la wariyo taariikhdu waxay ahayd bilawgii Kun Sagaal boqol iyo sideetamaadkii , ninku wuxuu ka tirsanaa askartii ilaalada ka ahayd madaxtooyada Soomaaliya ee xilligaasi . Wiilka iyo gabadhaba waxa dambi weyn labadoodaba ku ah in la maqlo warkooda , wayna is rabaan , waxay u baahdeen qof la fahmi kara duruufta ku hareeraysan jacaylkooda garabna siiya , taladoodu waxay noqotay inay arrintooda la wadaagaan nin kale oo isna ay isku reeryihiin ,wayna u sheegeen xaalooda iyaga oo xalna ka raba . Muddo kooban ka dib ninkii talada laga sugayey wuxuu gabadhii ku soo celiyey war ah in isaga laftiisu uu iyada (gabadha) ka helay , sidaas darteedna ay laba arrimood kala dooran karto , midi waa in isaga ay ogolaato sidaasina uu ku guursado iyada oo ninka qorshaha ay wada wadaana meesha ka saaraysa , Talabaadna waa in haddii kale uu warkooda faafinayo oo iyadu ah dambi laga galay xeerarkii u yaallay reerkooda . Gabadhii arrintii way ku gacan saydhay , isna(Ninkii) sidii uu iyadaba u sheegay wuxuu warkii dhexgeeyey tolkii , ka dibna taasi waxay caqabad soo waajahday ay ku noqotay labadii isjeclaa , ninkii waxa uu ka tagay shaqadii sidoo kale waxa cambaareeyey qoyskii uu ka soo jeeday , marna sida la sheegay waxaaba xidhay niman ay ehel ahaayeen oo warka maqlay iyaga oo waddooyin kale u maraaya . Wiilkii markii uu ka soo baxay xabsiga inkasta oo aanan sixi Karin inta uu xidhnaa oo gabadhii iyaduna ay xabsi guri ugu jirtay qoyskeeda ayaa waxa suurogashay in iyaga oo taageero bannaanka ah ka helaaya dad uu warkoodu gaadhay oo jeclaystay inay garabsiiyaan waxa Xamar loogu dhigay Aroos kooban oo ay soo abaabuleen dad hiil u ahaa labadan is jantay, dabcan cadaadisna waxa ehelada lagu saaray inay isku daraan. Sheekadu waqtigaasi intayka gudubtay ehelada labadan lamaane ayey gaadhay bulshada kale qaybo ka mid ah qaarkood waxay cabir ka sameeyeen dareenkooda arrintan ku aadan waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay sheekadan saddexda ruux ee kala ahaa, Abwaan Maxamuud Tukaale Cusmaan, Mullaxan iyo heesaa Saalax Qaasim Naaji iyo hoboladda Khadra Daahir Cige oo iyada ilaa mar horeba ay macno gaar ah u lahaayeen sheekooyinka nooca ahi . Maxamuud Tukaale ayaa sheekadan wuxuu ka allifay erayada heesta “Saadaasha Guur ” isaga oo Qisada saddex qaybood u kala dhigay ta koowaaad , wuxuu kaga hadlayaa inay layaab aan jawaab loo heli Karin ay noqon karto in qofku muddo dheer ka dib uun is arko isaga oo dareen jacayl u qaba qof uu ku ag koray kaasi oo aanu xisaabtaba hore ugu darsanin inuu qofkan sumad gaar ah u yeelan doono ugu dambayn.Taasi oo ka dhigayn in labadan ruux ee isjelcaaday ay waqti caruurnimo soo wadaqaateen balse uu dareenku ku dhashay mar dambe. Waxaanu yidhi oo heesta ku jirta isaga oo dareenka gabadha cabiraya “Layaabku siduu ku dhacay Maka’aan sabi kula barbaaray Sokeeye mid iigu xiga Ayuu suurado kalgacal Si aan loo qaadan Karin Jacayl Sibiq noogu yimi” ? Marxladda labaad ee ay sheekadu martay oo ahayd in ninkii ergada iyo talada loo dhiibtay oo ehelnimada ka sakow ay ninka si gaar ah saaxiibbo u ahaayeen inuu isagu gabadhii damcay oo iyaduna lama filaan noqotay iyo weliba dhibtii soo gaadhay ka dib ayuu gabadha u dareen hadlay abwaanTukaale : “Kalgacal samo weheshigii Waxa soo kala dhexgalay Mid kaloo kii aan rabay iila siman Saa’ waaba Dumaashigay Silsilado laygu xidhay Sunbaan cabayoo ka kacay Saqdii dhexe guurayoo Fakadayeey” Ugu dambayn waxay heestu sheegaysaa in guul uu arrinku ku biyo shubtay waana marka uu leeyahay abwaanku: ” Dadow Samir baan ku degay Say iyo raalliyo isqaba Say iyo raalliyo isqaba ayuu nagu simay Ilaah”. Heestan waxa laxameeyey Saalax Qaasim isaga ayaana hadda tumaaya kabanka , Khadra Daahir ayaana qaaday . Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Boliska magaalada Toronto ee dalka Canada waxay sheegeen inay 2 Eedeysane u soo xidheen dilkii Marxuum Faysal Maxamed Hees oo 33-jir ahaa, kaasi oo bishii December 19-dii ee sannadkii 2016-kii lagu dilay Deegaanka Etobicke ee duleedka Toronto. Eedeysane lagu magacaabo Caadil Zeno oo deggan maagalada Toronto ayey Booliska soo xidheen jimcihii la soo dhaafay, waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka dilka ee Heerka 1-aad. Booliska waxay kal oo sheegeen inay isa soo dhiibtay haweeney lagu magacaabo Monika Ibrahim oo 24-jir ah, loona yaqaano Rose Carter, kadib markii ay Boliska u jareen Warqadda Soo-qabashadeeda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay. Haweeneydaasi oo isa soo dhiibtay maalintii Axadda ee shalay waxay wajihi doontaa dacwadda dilka heerka 1-aad. Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamuud Ducaale oo 27-jir ah iyo Axmed Cabdi Siyaad oo 26 jir ayaa Xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2016-kii. Dilka Marxuum Faysal Maxamed Hees ayaa la sheegay inuu yahay qofkii 68-aad ee lagu dilo dalka Kanada sannadkii 2016-kii. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta ka qarxay baraha bulshada. Markii ay soo baxday in Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiray Akoonadii Maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna lagu eedeeyey Gobolka Banaadir inuu diiday in baaritaan lagu sameeyeo ayaa waxaa arrintaas kasoo hadlay Xildhibaan Fiqi, waxayna aheyd bilowga dagaalka ka dhex qarxay labadaan mas’uul. Fiqi oo weerarka billaabay ayaa facebook soo dhigay: “Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo. Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”. Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.” Waxaa kadib weerar duco ku dhammaaday kusoo jawaabay Yariisow oo yiri: “Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN” Fiqi ayaa mar kale Yariisow ugu jawaabay: Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan. Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta.. Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda. Waa markii labaad oo labadaan Mas’uul uu dhexmaro dagaal dhanka Facebook-ga, waxaana la xasuustaa in hadda ka hor ay sidaan camal dhacday kadibna ay labadaan Mas’uul heshiiyeen markii ay soo kala dhex galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  14. 18May 1991 waa maalintii ay Somaliland ka go,day Soomaliya inteeda kale, waana maalinta loo aqoonsaday inay tahay maalinta qaranimada Soomaliland. maalintani waa maalin ay isku soo baxaan bulshada qaybaheeda sida Ardayda,Gancsatadda, Shaqaalaha dawalada iyo Ciidamada. dadka dabaal dagayaa waxay maraan wadad wadnaha ee magaalada iyagoo salaan siinaya madaxda dawlada oo fadhiya madaxtooyadda horteeda , iyagoo ciidamuna loo tumay heesta Calanka Somaliland ayay maraan maxtooyadda horteeda kadibana ay halkaa salaam ku siiyaan madaxweynaha Somaliland iyo madaxada kale ee halkaas fadhida. haddaba sanadkani wuxuu sanadadii horre kaga duwanyahay madaxdu waxay fadhiisan jiratay madaxtooyadda horteeda lakiin sannakan waaa loo bineeyay dhisme aad u dheer oo ku horyaala Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta oo dhinaca bari ka saaran cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeisa, iyadoo goobtaa loogu talagalay in fadhiistaan madaxdda qarranka oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi halkaas oo loogu talagalay inuu ka khudbeeyo salaanta ciidamada iyo bulshadana uu ku qaato. haddaba goobtan loo asteeyay inuu fadhiisto Madaxweynuhu waxaa 100m wax kayar u jira goob ay yaalaan dad aan qaadi karin music iyo ciyaar iskaba daaye qofka ugalaya ama haya uu iska bixiyo kabaha si aan loo maqashiin wax sanqadha ah waana goobta layidhaa Goobta Adeega Gaarka Ah Ee Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa afka qalaadna lagu yidhaho ICU Intensive Care Unit Of Hargeisa group of hospital. Goobtan adeega gaarka ee cisbitalka guud Hargeisa waa goob ay yaalan dad aad u jilcsan qqarkood madaxa dhiig kaga furanyahy, qaarkood oxygen ayaa ku xihan halaka qaarkalena ay koomo ku jiraan in kabadan todoba habeen iyagoo aan qaadi karin qaylada , sawaxanka bulshadda, khudbadaha madaxda ama gaardi ciyaarka ciidamadda kala duwan in la tix galiyaa ay mudantahy. Wabilaahi tawfiiq W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Source
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), xubno ka tirsan wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe). Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, gaar ahaan dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka. “Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga. DFS ayaa wada howlagllo lagu xaqiijinayo amniga dalka, kuwaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta maareeye cusub u magaacabay golaha murtida iyo wacyi galinta qaranka. Xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, iyadoona laga qaaday, Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo horay u hayay Jagadaasi. Wariye Ma’da ayaa ah qabiir saxaafadeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay Warbaahinta maxaliga ah iyo tan dowladda intaba. View the full article
  17. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-29042019-vv.mp3 View the full article
  18. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in saddex dab-demis iyo booyad loo soo iibiyay caasimadda Garoowe dib looga celiyay, kadib markii khilaaf ka buurmay, qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse. Duqa degmada Garoowe, ayaa qoraal uu Sabtidii daabacay ku sheegay, in ay diyaar yihiin saddex dab-demis iyo gaari booyada oo loo soo gaday caasimadda Garoowe, waxaana iska kaashaday sida uu qoraalka ku xusay dowladda hoose oo bixisay %80 lacagta ku baxday iyo shirkadda isgaarsiinta Golis oo bixisay %20 kamid ah lacagtaasi. Halkan ka akhriso Haddaba, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay ka caroodeen qoraalka duqa degmada, maadaama sida ay sheegeen dhammaan lacagta ku baxday gaadiidkan ay bixisay shirkadda isgaarsiinta Golis, halka qoraalkiisa uu ku xusay in ay bixisay %20 kamid ah lacagta. Kadib habeenkii Sabtida, markii la akhristay qoraalka duqa degmada Garoowe, ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay amar ku bixiyeen in dib magaalada Boosaaso loogu celiyo, gaadiidkan dab-demiska oo wakhtigaasi ku xeraysnaa, garaash ku yaalla degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal oo la doonayey in subaxnimadii Axadda Garoowe la keeno. Mas’uul ka tirsan shirkadda Golis, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dhammaan lacagta ku baxday dab-demisyadan iyo booyadda la socota ay bixisay shirkaddooda oo ka soo iibisay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in aysan gebi haanba jirin cid kale oo hawshaasi ku wehelisay. Sida ay xogtu sheegayso, mas’uuliyiinta shirkadda Golis, ayaa si cad u diiday in ay dab-demisyada ku wareejiyaan duqa degmada Garoowe, iyagoo shardi ka dhigay in uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraalkiisa, islamarkaana uu bulshada horteeda ka caddeeyo, in dab-demisyada ay soo gaday shirkadda Golis oo aan dowladda hoose shuqul ku lahayn. Sidoo kale, waxaa haatan magaaalada Garoowe ka socda dadaal ay wadaan; ganacsato, waxgarad iyo mas’uuliyiin-dowladeed oo lagu xallinayo, khilaafka u dhexeeya shirkadda Golis iyo duqa degmada Garoowe oo meel fog kala taagan, si loo soo celiyo dab-demisyadii caasimadda mar kaabiga u soo jirsaday balse lagala noqday. Caasimadda Garoowe oo si xawli ah u kobcaysa, ayaa dhibaato weyni ka haysataa dhinaca dab-demisyada, waxaana marar hore dad ku dhinteen dabab ka kacay meherado ganacsi iyo dukaanno oo ku yaalla magaalada. PUNTLAND POST The post Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Somalia ayaa dib ula wareegtay xaruntii Talefoonnada casriga ah ee Waddanka ee ku taallay degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Cashuur Xasan oo uu wehliyay wasiir-u-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qayb ka tahay qorshaha 2019-ka ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu. Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka. Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm. Ugu dambeyn, Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta iyo teknlojiyada. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada Dowladda Somalia oo dib ula soo Wareegtay Xaruntii Telefonnada appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Farmaajo ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo sheegay inay muhiim tahay inay ubadka Soomaaliyeed helaan Waxbarasho… appeared first on Puntland Post.
  21. Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva,ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keeno shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka, Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share” Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan. Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato. Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka, Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah. Qaran News
  22. (SLT-Gar-adag)-Warar hadda naga soo gaadhaya deeganka Gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar-adag. Labada taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar-adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar-adag iyo Magaalada OOG Source
  23. Ankara (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay xil ka qaadis deg deg aheyd oo maanta lagu sameeyay. Abwaan Guure oo ku sugan dalka Turkey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in xilka laga qaaday isagoo dalka ka maqan. Abwaanka ayaa sheegay in xilka uu yahay mid meerto ah, islamarkaana uu xilka uu wareejin doono marka uu kusoo laabto magaalada Muqdisho. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa xilka laga qaaday kadib markii idaacadda Kulmiye ay baahisay warbixin la xiriirtay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha, iyadoo warkaasina uu been abuur ahaa. “Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaallada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Idaacadda Kulmiye warkaasi been abuurka ah ay u hoos geliyeen xubno ka tirsan madaxtooyada kuwaasi oo mucaaradsan Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com