Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in ay qorsheeyeen in dalka horaanta sannadka 2026ka laga bilaabo shiidaal qodistii taas oo ay wadeen laba shirkadood oo caalami ah kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE). Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay sahanno rejo fiican leh oo xaqiijinaya in Somaliland uu ku jiro Shiidaal, Waxaanu xusay in la xoojiyay nidaamka Sharciyada Batroolka, Heshiiska Qaabka Wadaagga Wax-soo-saarka (PSA), iyo siyaasadaha taageeraya hawlgallada shiidaalka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in shirkadda Genel Energy ay haysato laba aag (blocks) oo ku yaalla bariga dalka. Isla markaana ay dhammaystireen daraasado farsamo oo ballaadhan, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah. Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo ay daabacday warbaahinta St.Vincent Times. Source
  2. Las Vegas (Caasimada Online) – Wakiillada waaxda socdaalka Mareykanka ayaa qabtay Khaby Lame – qofka ugu taageerada badan TikTok caalamka – kadib markii uu muddo dhaaf ku noqday dal-ku-galkiisii, sida ay saraakiisha sheegeen Sabtidii, waxaana loo oggolaaday inuu si iskiis ah uga baxo dalka. “Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ayaa xirtay Seringe Khabane Lame, 25 jir ah, oo ah muwaadin Talyaani ah, Juun 6, garoonka caalamiga ah ee Harry Reid ee magaalada Las Vegas, Nevada, isagoo lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda socdaalka,” ayay hay’addu ku sheegtay war qoraal ah oo ay u dirtay AFP. Lame ayaa galay Mareykanka 30-kii Abriil, balse wuxuu ku nagaaday waqti ka badan intii uu dal-ku-galkiisu u oggolaanayay, sida lagu sheegay bayaanka oo tilmaamay in la xiray Jimcihii balse isla maalintaas la sii daayay. Lame, oo safiir samafal u ah UNICEF, sidoo kalena leh in ka badan 162 milyan oo taageerayaal ah barta bulshada ee TikTok, “wuxuu haatan ka dhoofay Mareykanka.” Lame illaa hadda ugama uusan hadlin arrintan si shaacsan Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fuliyay ballanqaadyadii ol’olihiisa ee ahaa adkeynta xakameynta socdaalka iyo bilaabista olole ballaaran oo masaafurin ah – arrimo qaarkood ay maxkamadaha dalkaasi diideen ama hakad geliyeen. Lame ayaa hadda ah qofka ugu taageerada badan TikTok, isagoo leh 162.2 milyan oo raacsan. Wuxuu caan ku noqday muuqaallo aamusan oo gaaban oo uu kaga faaloodo casharro adag iyo tabaha aan waxtar badan lahayn ee lagu arko internet-ka. Muuqaalladiisa waxaa lagu yaqaanaa calaamadda uu kusoo afmeero – isagoo labadiisa gacmood kala furan kor u jeedinaya, wejigiisuna muujinayo gacan-haad garasho leh iyo dhoolla-caddayn, isaga oo bixinaya xalal sahlan oo toos ah. Fikradda muuqaalladiisa ayaa kusoo dhacday intii uu ku sugnaa deegaanka guryaha bulshada ee qoyskiisu deggenaa ee Chivasso, meel u dhow magaalada Turin, kadib markii uu waayay shaqadiisii makaanik ee warshadda bishii Maarso 2020. Muuqaaladiisa si degdeg ah ayay u faafeen, waxaana lagu qiyaasay inuu kasbaday illaa $16.5 milyan oo doolar intii u dhaxeysay Juun 2022 iyo Sebtembar 2023, taasoo ka timid heshiisyo xayeysiin iyo suuq-geyn oo uu la galay shirkado waaweyn, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Forbes.
  3. Hargeisa (HOL) — A Somaliland soldier fatally shot his wife and daughter and seriously wounded his sister-in-law in a domestic shooting Sunday morning in the Fallujah neighborhood of Hargeisa, relatives and local media reported. Source: Hiiraan Online
  4. 12-ka qof ee saarnaa doonta Madleen ee saaka Israa’iil ka qabsatay biyaha badda Mediterranean-ka waxaa ku jirta Rima Hassan oo ah xildhibaanad Faransiiska ku matasha Baarlamaanka Yurub. Faransiiska ayaa ka mid ah dalalka hormuudka ka ah baaqyada aqoonsiga loogu raadinayo dowlad ay yeelato Falastiin. Wuxuuna wax ka guddoomin doonaa shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobey ee New York. Shirkan oo ay wada guddoominayaan dalalka Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu baadi goobo xalka labo dowladood oo ay yeeshaan Falastiin iyo Israa’iil. Hindisahaas oo Israa’iil ay si adag u diiddan tahay. “Waa in aan hadalka ficil ku darnaa. Waana in aan qaadnaa tillaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa iyo colaadda guud ee u dhexeysa,” ayey tiri Anne-Claire Legendre oo ah la taliyaha Madaxweyne Emmanuel Macron ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Macron ayaa dhawaan Qaramada Midoobey u sheegay in „daruufaha ka jira Qasa ay qasbayaan in la soo nooleeyo rajada dowlad Falastiin ay yeelato”. Source
  5. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan gobolka kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Macawiisleyda iyo Al-Shabaab. Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa xadka labada gobol, iyada oo sidoo kale Al-Shabaabkii ugu badnaa ay isugu tageen aagga degmada Yabaal, sida uu shaaciyay Maxamed Cabdi Macow oo ah guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Macow ayaa sheegay in ay ka war qabaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab iyo abaabulka ay ka wadaan degmada Aadan Yabaal, waxaase uu tilmaamay inay ka jareen waddada, sida uu hadalka u dhigay “Shabaab Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe waxa uu u haayay ma leh dhammaantood Aadan Yabaal ayay isugu keeneen, halkaas ayayna ku socdeen waddadii ayaana ka jarnay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay soo geli waayeen Hiiraan, haddana ujeedkooda uu yahay inay xoogga soo saaraan gobolkaas, si ay uga taqalusaan Macawiisleyda beesha Xawaadle ee difaaca adag uga jira xadka labada gobol. “Waxaa lagu fasiri karaa in Hiiraan ay madaxa geli waayeen ayna horta dhammaantood go’aan ah qaateen inay ka taqalusaan ciddaan maahinee inayna meel kale qabsan karin, taasina uma suuragelyso haddii uu Ilaahey yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Khawaarijta waan iska celineynaa wax isxaan ah uma sameyneyno, waana baabi’ineynaa”. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay mar kale dagaal qaraar uu ka dhacay aagga Ceelhareeri, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi, waxaana kadib la gaarsiiyay khasaare culus. Dagaalka ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xaaladda kacsan ee haatan laga dareemayo deegaannada HirShabeelle.
  6. Waxaa maanta si rasmi ah looga bilaabay gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, iyada oo guud ahaan 41,639 arday ay u fariisteen imtixaanka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa sheegay in tiradaasi ay muujinayso horumar muuqda oo dhanka waxbarashada ah. Sidoo kale, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ka mid ah ardayda imtixaanka u fariisatay ay 22,778 yihiin wiilal halka 18,860 ay yihiin gabdho. Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa xusay in imtixaanku si habsami leh ku bilowday, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka si loo hubiyo jawi deggan oo ardaydu ku galayaan imtixaanka. Source: goobjoog.com
  7. Waxaa maanta si rasmi ah looga bilaabay gobolka Banaadir Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, iyada oo guud ahaan 41,639 arday ay u fariisteen imtixaanka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa sheegay in tiradaasi ay muujinayso horumar muuqda oo dhanka waxbarashada ah. Sidoo kale, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ka mid ah ardayda imtixaanka u fariisatay ay 22,778 yihiin wiilal halka 18,860 ay yihiin gabdho. Mas’uuliyiinta waxbarashada ayaa xusay in imtixaanku si habsami leh ku bilowday, iyadoo la adkeeyay ammaanka goobaha imtixaanka si loo hubiyo jawi deggan oo ardaydu ku galayaan imtixaanka. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanimada uu ku soo lugo’ay, isla markaana uusan hadda kadib kursi xildhibaan raadsa doonin. Xaadoole wyaa sheegay in cid ka amar qaadaneysa xildhibaanka aysan jirin, isla markaana uu rabi lahaa inuu u taliyo dad ka amar qaata oo wax bedeli kara. Isagoo shacab badan la hadlaayey maanta ayuu yiri, “Aniga ha i dooranina hadda kadib, xildhibaan dambe ma rabo, xildhibaanimo wax aan madax-xanuun aheyn kama helin.” Xaadoole ayaa sheegay in dhaqaale badan uusan ku heysan kursigaan, “aniga waxaan rabaa inaan go’aan qaada karo oo wax qaban karo subaxdii markii aan sariirteyda ka soo kaco maxaan qabanaa? War xildhibaanimadu shaqo fiican maaha,” ayuu yiri. Sidoo kale, Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in wasiirrada lasoo magacaabay xitaa ay yasaan xildhibaanada oo aysan waqti siinin, taas oo bahdil ku ah, sida auu hadalkiisa u dhigay. “Xildhibaan waxaan ku soo qaba karay waan ku qabtay, hadda kadibna ma rabo, waxaan u soo jeesanaa dagaalka, Kabakutukade dadkeena ma gumeysa karo, waan iska dhicineynaa, waana geleynaa dagaalka, iska fadhi meyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Xaadoole. Xildhibaanka ayaa aad uga hadlay dhibaatooyin ay Al-Shabaab ku hayaan dadkiisa reer Shabeellaha Dhexe, “dagaalka hala galo ciidan naguma yaree,” ayuu yiri isagoo xisaabinaya sida beelaha Abgaal ay u kala degan yihiin. Halkaan ka daawo
  9. Ciidamada badda Israa’iil ayaa saaka si buuxda ula wareegay doonta samafalka ee lagu magacaabo Madeleine, taasoo safar bini’aadantinimo ka soo bilowday dalka Talyaaniga, kuna wajahneyd Marinka Qasa si ay gargaar iyo farriin caalami ah ugu gudbiso dadka halkaa ku go’doonsan. Doontan waxaa la socday samafalayaal caalami ah, dad caan ah, iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaasoo doonayay in dunida ay u muujiyaan dhibaatada ba’an ee ay wajahayaan shacabka reer Qasa oo ku nool go’doon adag oo ay Israa’iil saartay muddo ku dhow 19 bilood. Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay si kedis ah u weerareen doonta xilli ay ku sugnayd badda u dhow Qasa, kaddibna waxay si khasab ah ugu jiideen dekedda Ashdood oo ku taalla Israa’iil. Halkaas ayay hadda su’aallo ku waydiinayaan dhammaan dadka la socday doonta, sida uu xaqiijiyay raadiyaha ciidamada Israa’iil. Doonta Madeleine waxay ahayd rajo cusub oo laga qabay in la jebiyo go’doonka naxariis darrada ah ee ka jira Qasa, waxaana la filayay in ay si toos ah u gaarsiiso gargaar bini’aadanimo sida cunto, dawo, iyo agab kale oo muhiim ah. Hase yeeshee, weerarka lagu qabtay doonta ayaa noqonaya mid kale oo lagu fashilay dadaalladii lagu doonayay in laga dulqaado cadaadiska ka jira Qasa. Xaaladda bani’aadantinimo ee Qasa ayaa sii xumaanaysa, iyadoo lagu soo warramayo in caruur iyo dad badan ay u dhinteen gaajo iyo dawo la’aan, taasoo sabab u ah go’doominta xun ee la saaray marinkaas. Dad badan ayaa Israa’iil ku eedeeyay inuu u isticmaalayso gaajada sidii hub siyaasadeed, halka dalal badan oo reer galbeed ah lagu dhaleeceeyay inay indhaha ka laabteen dhibaatadaas. Source: goobjoog.com
  10. Ciidamada badda Israa’iil ayaa saaka si buuxda ula wareegay doonta samafalka ee lagu magacaabo Madeleine, taasoo safar bini’aadantinimo ka soo bilowday dalka Talyaaniga, kuna wajahneyd Marinka Qasa si ay gargaar iyo farriin caalami ah ugu gudbiso dadka halkaa ku go’doonsan. Doontan waxaa la socday samafalayaal caalami ah, dad caan ah, iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaasoo doonayay in dunida ay u muujiyaan dhibaatada ba’an ee ay wajahayaan shacabka reer Qasa oo ku nool go’doon adag oo ay Israa’iil saartay muddo ku dhow 19 bilood. Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay si kedis ah u weerareen doonta xilli ay ku sugnayd badda u dhow Qasa, kaddibna waxay si khasab ah ugu jiideen dekedda Ashdood oo ku taalla Israa’iil. Halkaas ayay hadda su’aallo ku waydiinayaan dhammaan dadka la socday doonta, sida uu xaqiijiyay raadiyaha ciidamada Israa’iil. Doonta Madeleine waxay ahayd rajo cusub oo laga qabay in la jebiyo go’doonka naxariis darrada ah ee ka jira Qasa, waxaana la filayay in ay si toos ah u gaarsiiso gargaar bini’aadanimo sida cunto, dawo, iyo agab kale oo muhiim ah. Hase yeeshee, weerarka lagu qabtay doonta ayaa noqonaya mid kale oo lagu fashilay dadaalladii lagu doonayay in laga dulqaado cadaadiska ka jira Qasa. Xaaladda bani’aadantinimo ee Qasa ayaa sii xumaanaysa, iyadoo lagu soo warramayo in caruur iyo dad badan ay u dhinteen gaajo iyo dawo la’aan, taasoo sabab u ah go’doominta xun ee la saaray marinkaas. Dad badan ayaa Israa’iil ku eedeeyay inuu u isticmaalayso gaajada sidii hub siyaasadeed, halka dalal badan oo reer galbeed ah lagu dhaleeceeyay inay indhaha ka laabteen dhibaatadaas. Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa la filayaa inuu dhowaan safar rasmi ah ku tago magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulankaas diiradda lagu saari doonaa heshiiskii muranka dhaliyay ee Badda (MoU) ee la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin. Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu doonayo “wadahadal toos ah” oo uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy si ay uga arrinsadaan heshiiskaasi, kaasoo la saxiixay xilligii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya. “La’aanta aqoonsi buuxa oo caalami ah, madaxweynuhu ma aqbali doono wax ka hooseeya,” ayuu yiri la-taliye madaxweynaha ka tirsan oo codsaday in aan la magacaabin. “Wuxuu doonayaa in arrimaha la kala caddeeyo oo uu si toos ah ula hadlo hoggaanka Itoobiya kahor inta uusan tallaabo dambe qaadin.” Heshiiska MoU-da oo aan wali dhaqan gelin, ayaa noqday udub-dhexaadka dadaallada diblomaasiyadeed ee Cirro tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Bishii hore, intii uu ku sugnaa safar rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti, Madaxweyne Cirro waxa uu wadahadallo la yeeshay diblomaasiyiin Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Jabuuti, Kebede Abera Ido. Wadahadalladooda waxa ay diiradda saareen arrimaha amniga gobolka, marin-biyoodka Badda Cas, xoojinta ganacsiga, iyo fursadaha maalgashi ee labada dhinac. “Waxa uu madaxweynuhu la falanqeeyay safiirrada horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maalgashi, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabeyaasha, iyo kordhinta gargaarka bani’aadannimo,” ayuu yiri Xuseen Aadan Cige, afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, war-saxaafadeed uu soo saaray bishii May. Ku-xigeenka safiirka Itoobiya, Kebede, ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Itoobiya ay xiisaynayso xoojinta iskaashiga ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo amniga. Itoobiya oo aan lahayn marin badeed ayaa muddo dheer raadineysay waddooyin kale oo badeed si ay u horumariso awooddeeda dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha. Madaxweyne Cirro, oo xoojinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, ayaa sidoo kale toddobaadkii hore kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye magaalada Nairobi. Kulankaas ayuu mar kale ku adkeeyay baaqii Somaliland ee ahaa in la helo aqoonsi caalami ah. “Ma nihin dad u yimid Nairobi si ay u baryaan,” ayuu Cirro u sheegay ka qaybgalayaashii kulanka. “Ma raadinayno deeq; waxaan halkaan u nimid inaan dhisno iskaashi dhab ah oo aan la yeelanno dowlado, maalgashadayaal, iyo hay’ado fahamsan qiimaha ay leedahay faa’iido wadaag.” Dadka Somaliland badankood waxay weli rajo weyn ka qabaan in wada-shaqaynta Itoobiya ay horseedi karto aqoonsi caalami ah — himilo Somaliland ay ku taamaysay tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay goorta rasmiga ah ee ay bilaabeyso shidaal qodista deegaannadeeda, kadib muddo ay soo waday sahmin lagu xaqiijiyay in Somaliland uu ku jiro shidaal. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Injineer Axmed Jaamac Barre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta St.Vincent Times ayaa sheegay in shidaal qodista ay bilaabi doonaan horraanta sanadka soo socda ee 2026-ka, ayna sameyn doonaan laba shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE). Injineer Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in rajo wayn ay ka qabaan in Somaliland ay ku guuleysato shidaal qodisteeda, isla markaana sahanka la sameeyay uu muujinayo in Somaliland uu ku jiro shidaal ay ka faa’iideysan karto, kulana baayac tami karto caalamka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan lasoo dhammeeyay daraasado farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah oo ay leedahay Somaliland. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la xoojiyay nidaamka sharciyada batroolka, heshiiska qaabka wadaagga wax-soo-saarka (PSA) iyo siyaasadaha taageeraya howlgallada shiidaalka. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay haatan diyaar u tahay maalgashi caalami ah iyo inay la macaamisho aduun weynaha. Dhinaca kale, Somaliland ayaa hadda wadda qorshe kale oo dib loogu sii amba qaadayo heshiiskii Itoobiya ee muranka dhaliyay ee la saxiixaay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu ugala hadlo heshiiska badda. Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.
  13. Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose. War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare, Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Kooxdu adeegsanayeen, kuwaasoo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay had iyo goor ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  14. Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal qorshaysan oo ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose. War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare, Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Kooxdu adeegsanayeen, kuwaasoo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay had iyo goor ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  15. Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo cadaalad darro deked la’aan, asagoo intaa ku daray in 30-kii sanoo la soo dhaafay ay culays ku noqatay waayitaanka deked ay leedahay Itoobiya. Qoraal ay baahisay warbaahinta dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu walaac xooggan ka qabo bad la’aanta ay 30-kii sano ee la soo dhaafay wajahayeen dadkiisu, asagoo intaa raaciyay dadaal walba la geliyay sidii caqabaddaas looga gudbi lahaa, Itoobiya aysan cidna dhibaato u geysan. “Waan ka xumahay sida Itoobiya ay deked la’aan u ahayd 30-kii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxaa soo gaaray burbur badan oo ka dhashay deked la’aan, cadaalad daraddaas aan taariikhda ku lahayn dalalka aan deked lahayn waa in hadal lagu dhammeeyaa” ayuu yir Abiy Axmed. Xukuumadda Addis Ababa ee hoggaamiyo ayaa billowgii sanadkii tagey isku dayday inay si sharci darro ah ku qaadato qeyb kamid ah badda ummadda Soomaaliyeed, balse ugu dambeyn arrintaas waxay kala kulantay waji gabax siyaasadeed iyo natiijo la’aan. Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo cadaalad darro deked la’aan, asagoo intaa ku daray in 30-kii sanoo la soo dhaafay ay culays ku noqatay waayitaanka deked ay leedahay Itoobiya. Qoraal ay baahisay warbaahinta dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu walaac xooggan ka qabo bad la’aanta ay 30-kii sano ee la soo dhaafay wajahayeen dadkiisu, asagoo intaa raaciyay dadaal walba la geliyay sidii caqabaddaas looga gudbi lahaa, Itoobiya aysan cidna dhibaato u geysan. “Waan ka xumahay sida Itoobiya ay deked la’aan u ahayd 30-kii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxaa soo gaaray burbur badan oo ka dhashay deked la’aan, cadaalad daraddaas aan taariikhda ku lahayn dalalka aan deked lahayn waa in hadal lagu dhammeeyaa” ayuu yir Abiy Axmed. Xukuumadda Addis Ababa ee hoggaamiyo ayaa billowgii sanadkii tagey isku dayday inay si sharci darro ah ku qaadato qeyb kamid ah badda ummadda Soomaaliyeed, balse ugu dambeyn arrintaas waxay kala kulantay waji gabax siyaasadeed iyo natiijo la’aan. Source: goobjoog.com
  17. Xaawo Sokor Cali, oo ah guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aan si sax ah loo marin habraaca sharciyeed ee lagu xulayo xubnaha Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Guddoomiye Xaawo Sokor ayaa tilmaamtay in guddiga baarlamaanka ee ay hoggaamiso uusan helin wax wargelin ah ama talo la-tashi ah oo la xiriira xulista guddiga cusub, taas oo ay sheegtay inay tahay mid ka hor imaaneysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla. Waxay sidoo kale sheegtay in wareysi ay bixisay ay uga hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyin sharci-darro ah oo ay sheegtay inay hareeyeen hannaanka xulista, iyadoo ugu baaqday hay’adaha kale ee dowladda inay ixtiraamaan doorka baarlamaanka iyo shuruucda dalka. Ugu dambeyn, guddoomiye Xaawo Sokor Cali waxay carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kala dambeynta dowladnimada, si loo helo guddi madax-bannaan oo sharciyad buuxda leh una adeega shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  18. Xaawo Sokor Cali, oo ah guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aan si sax ah loo marin habraaca sharciyeed ee lagu xulayo xubnaha Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka. Guddoomiye Xaawo Sokor ayaa tilmaamtay in guddiga baarlamaanka ee ay hoggaamiso uusan helin wax wargelin ah ama talo la-tashi ah oo la xiriira xulista guddiga cusub, taas oo ay sheegtay inay tahay mid ka hor imaaneysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaalla. Waxay sidoo kale sheegtay in wareysi ay bixisay ay uga hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyin sharci-darro ah oo ay sheegtay inay hareeyeen hannaanka xulista, iyadoo ugu baaqday hay’adaha kale ee dowladda inay ixtiraamaan doorka baarlamaanka iyo shuruucda dalka. Ugu dambeyn, guddoomiye Xaawo Sokor Cali waxay carrabka ku adkaysay in la ilaaliyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kala dambeynta dowladnimada, si loo helo guddi madax-bannaan oo sharciyad buuxda leh una adeega shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweyne Donald Trump waxa uu saxeexay soo saaris xayiraad socdaal oo saameynaysa 19 waddan, oo inta badan ku yaal Afrika, Bariga Dhexe, iyo Kariibiyaanka, laakiin Somaliland aan lagu darin. Siyaasaddan, oo bilaabmaysa 12:01 a.m. ee Juun 9, 2025, waxay soo rogaysaa xayiraad buuxda oo laga soo galo dalka 12 waddan iyo xayiraad qayb ah oo toddoba waddan kale ah, iyadoo lagu sababeeyay welwelka amniga qaranka, hababka baarista oo aan ku filnayn, iyo heerka sare ee fiisaha la dhaafo. Waddamada ay ka jirto Xayiraad Buuxda (12): Afgaanistaan, Myanmar (Burma), Jaad, Jamhuuriyadda Kongo Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iiraan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen Waddamada leh Xayiraad Qayb ah (7): Burundi, Kuuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela. Xayiraadda buuxda waxay mamnuucaysaa dhammaan fiisaha soo-galootiga iyo kuwa aan soo-galootiga ahayn ee muwaadiniinta 12-ka waddan ee kor ku xusan, taasoo si wax ku ool ah uga hor istaagaysa inay soo galaan Maraykanka. Xayiraadaha qayb ahaan waxay joojiyaan noocyada fiisaha gaarka ah, sida B-1/B-2 (dalxiis iyo ganacsi), F, M, iyo J (arday iyo isdhaafsi), iyadoo loo oggolaanayo ka-reebnaanta qaar ka mid ah fiisaha shaqada iyo safarrada ganacsiga ee aadka loo baaray. Ka-reebnaanta iyo Shuruudaha: Soo saaristu waxay qeexaysaa ka-reebnaanta: Dadka deggan Maraykanka ee sharciga ah (kaadhka cagaaran haysta) Kuwa hore u haystay fiisaha Diblomaasiyiin shisheeye Muwaadiniinta laba-dhalashada ah ee ku safraya baasaboorka waddan aan xayiran Shakhsiyaadka gelitaankoodu u adeegayo danaha qaranka Maraykanka, sida ciyaartoyda ka qaybgalaya munaasabadaha waaweyn ama xubnaha qoyska ee leh dukumeenti la xaqiijiyay Afgaaniyiinta haysta Fiisaha Soogalootiga Gaarka ah sababtoo ah shaqo hore oo ay u qabteen dawladda Maraykanka Somaliland aan Lagu Darin: Somaliland, oo madax-bannaanidiisa aan si buuxda loo aqoonsan, laguma darin liiska waddamada ay ka jirto xayiraadda socdaalka, taasoo muujinaysa in muwaadiniinteeda aysan saameyn ku yeelan doonin xayiraaddan cusub. Source
  20. Saraakiisha Israel ayaa qirtay inay taageeraan koox hubaysan oo ka soo horjeeda Xamaas ee Gaza ka dib markii xildhibaanka mucaaradka Avigdor Lieberman uu sheegay in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay hubayso “dambiilayaasha”. Saraakiisha caalamiga ah ee gargaarka bini’aadantinimo ayaa ku eedeeyay kooxda uu hogaamiyo Yaasir Abu Shabab oo ka soo jeeda qabiilka Baadiyaha ah in ay dhac u geystaan ​​gawaadhi gargaar ah. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa qirtay in Israa’iil ay taageerto koox hubeysan oo Gaza ku sugan oo ka soo horjeeda kooxda Xamaas, ka dib hadal ka soo yeedhay wasiir hore oo ahaa in Israa’iil ay hub ku wareejisay. Warbaahinta Israel iyo falastiiniyiinta ayaa ku waramaya in kooxda Israel ay la shaqeyneysay ay qeyb ka tahay qabiilka Bedouin ee deegaanka oo uu hogaamiyo Yaasir Abu Shabab. Hay’adda Cilmi-baadhista ee Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda (EFCR) ayaa ku tilmaantay Abu Shabab inuu yahay hoggaamiyaha koox dambiilayaal ah oo ka howlgala deegaanka Rafax oo si weyn loogu eedeeyo inay dhac u geystaan ​​baabuurta gargaarka. Xubin ka tirsan Knesset iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Avigdor Lieberman ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee Kan in dowladda Netanyahu, ay “hubka siinayso koox dambiilayaal ah”. “Waxaan ka hawlgelinnay reer Gaza oo kasoo horjeeda Xamaas. Maxay taasi ku xun tahay?” Netanyahu wuxuu ku sheegay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada Khamiistii. “Waa wax wanaagsan, waxay badbaadinaysaa nolosha askarta Israa’iil.” ayuu yidhi. Michael Milshtein oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha falastiiniyiinta oo ku sugan xarunta Moshe Dayan ee magaalada Tel Aviv ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in qabiilka Abu Shabab ay ka tirsan yihiin qabiilka Baadiyaha ah ee ku nool xadka ay wadaagaan Gaza iyo gacanka Siinaay ee Masar. Milshtein waxa uu sheegay in Abu Shabab uu muddo ku qaatay xabsiga Gaza, isla markaana madaxda beeshiisa ay dhawaan ku eedeeyeen inuu yahay nin la shaqeeya Israel oo burcad ah. “Waxay u muuqataa in dhab ahaantii Shabak (hay’adda amniga Israa’iil) ama (militeriga) ay u maleeyeen inay ahayd fikrad fiican in maleeshiyadan, burcadda dhabta ah, loo rogo wakiil, si loo siiyo hub iyo lacag iyo gabaad”, ayuu yidhi Milshtein. Wuxuu intaas ku daray in Xamaas ay maalmo ka hor dileen afar xubnood oo burcad ah. Qaar ka mid ah qabiilka, ayuu yiri, waxay ku lug lahaayeen “dhammaan noocyada fal-dembiyeedka, tahriibinta maandooriyaha, iyo waxyaabo la mid ah”. Waxa la sheegay in Abu Shabab ay Xamaas hore ugu xukuntay in uu daroogo ka ganacsado,waxana la sheegay in walaalkii ay dileen Xamaas intii uu socday hawlgal ka dhan ah weeraradii ay kooxdaasi ku qaaday kolonyada gar gaarka ee Qaramada Midoobay. Afhayeenka ciidamada Israel Brigadier General Effie Defrin ayaa jimcihii xaqiijiyay in militariga Israel ay taageerayaan hubaynta maleeshiyaad maxalli ah oo ku sugan Gaza. “Waxaan dhihi karaa waxaan wadnaa siyaabo kala duwan oo ka dhan ah maamulka Xamaas,” ayuu Defrin ku yidhi shir jaraa’id oo uu qabtay telefishinka oo su’aalo laga weydiiyay mowduuca, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin. Source
  21. Isku dhacyo rabshado wata ayaa ka billowday magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ka dib markii ay is farasaareen ciidamada ammaanka iyo dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeeday weeraro lagu qaaday guryaha dadka soogalootiga ah, taasi oo keentay in la xiro 44 qof oo loo heysto eedeymo la xiriira socdaalka. Ciidamada ayaa adeegsadey rasaas aan ka halis yarayn mid nool nool , iyo sidoo kale wax u muuqday sunta dadka ka ilmeysiisa, iyaga oo isku dayaya in ay kala eryaan dadka isku soo baxay. Trump ayaa ka digay suurtagalnimada faragelinta dowladda federaalka si ay u xakameyso mowjadaha mudaaharaadyada ee sii kordhaya, ka hor inta uusan saxiixin warqadda amarka madaxweyne ee ah in gobolkaas la geeyo 2,000 oo ciidamada Ilaalada Qaranka si ay ula dagaallamaan fowdada California. Dibedbaxayaasha ayaa dalbanaya in la joojiyo musaafirinta dadka soo galootiga ah, ayagoo si cad ugu baaqay in meesha laga saaro howlgalada ballaaran ee ICE, kuwaasoo ay ku tilmaameen qarax siyaasadeed. Source: goobjoog.com
  22. Isku dhacyo rabshado wata ayaa ka billowday magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ka dib markii ay is farasaareen ciidamada ammaanka iyo dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeeday weeraro lagu qaaday guryaha dadka soogalootiga ah, taasi oo keentay in la xiro 44 qof oo loo heysto eedeymo la xiriira socdaalka. Ciidamada ayaa adeegsadey rasaas aan ka halis yarayn mid nool nool , iyo sidoo kale wax u muuqday sunta dadka ka ilmeysiisa, iyaga oo isku dayaya in ay kala eryaan dadka isku soo baxay. Trump ayaa ka digay suurtagalnimada faragelinta dowladda federaalka si ay u xakameyso mowjadaha mudaaharaadyada ee sii kordhaya, ka hor inta uusan saxiixin warqadda amarka madaxweyne ee ah in gobolkaas la geeyo 2,000 oo ciidamada Ilaalada Qaranka si ay ula dagaallamaan fowdada California. Dibedbaxayaasha ayaa dalbanaya in la joojiyo musaafirinta dadka soo galootiga ah, ayagoo si cad ugu baaqay in meesha laga saaro howlgalada ballaaran ee ICE, kuwaasoo ay ku tilmaameen qarax siyaasadeed. Source: goobjoog.com
  23. Maamulka Trump ayaa dhowaan xayiraad socdaal ku soo rogay muwaadiniinta dhawr dal oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo dadkooda laga mamnuucay gelitaanka ama u safridda Mareykanka. Xannibaaddan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna halis ugu jiraan in laga hor istaago fiisayaasha noocyadooda kala duwan, sida dalxiiska, waxbarashada, caafimaadka, ama socdaalka shaqo ee Mareykanka. Sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya, Itoobiya, iyo Uganda ee ku jiray barnaamijyada dib u dejinta ee Mareykanka ayaa ayaguna wajihi kara hakad ama dib u dhac dheeraad ah, kaas oo ku xiran baasaboorradooda iyo xittaa jinsiyaddooda oo laga yaabo inay mararka qaar culays ku noqato ayadoo dukumentiyada dalal kale wata. Kala go’a ku yimaada isku socodka Qoysaska Soomaaliyeed oo Mareykanka ku sugan, islamarkaana xubno eheladooda kamid ahi ay doonayaan inay la midoobaan ayaa ayana laga yaabaa in ay waayaan fursadaas, iyadoo waalidiin, caruur ama xaasas aan loo ogolaan in ay socdaal ku tagaan dalkaas, gaar ahaan kuwa wata baasaboorka Soomaaliga. Sidoo kale culayska xannibaaddan waxaa la kulmi doona Ardayda Soomaaliyeed oo doonaya inay waxbarasho sare ama tababarro ama shaqo ka helaan Mareykanka oo laga yaabo in laga xiro albaabkii fursadaha, ayadoo dhanka kale laga cabsi qabo in xittaa masuuliyiinta dowladda qaarkood ay ku adkaato inay dalkaas tagaan. Si kastaba ha ahaatee xayiraaddan socdaalka ee u muuqata in lagu beegsanayo dalalka Muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa si qoto dheer u saameyn doontaa dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda, waxaana adkaan doona isu socodka dadweynaha, fursadaha waxbarasho iyo shaqo, iyo midnimada qoysaska, balse dedaal ay bixiyaan Dowladda Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool ayaa laga yaabaa in culaysyadan qaarkood uu meesha ka saari karo sida ay xeeldheereyaashu qabaan. Source: goobjoog.com
  24. Maamulka Trump ayaa dhowaan xayiraad socdaal ku soo rogay muwaadiniinta dhawr dal oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo dadkooda laga mamnuucay gelitaanka ama u safridda Mareykanka. Xannibaaddan ayaa saameyn weyn ku yeelanaysa muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna halis ugu jiraan in laga hor istaago fiisayaasha noocyadooda kala duwan, sida dalxiiska, waxbarashada, caafimaadka, ama socdaalka shaqo ee Mareykanka. Sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya, Itoobiya, iyo Uganda ee ku jiray barnaamijyada dib u dejinta ee Mareykanka ayaa ayaguna wajihi kara hakad ama dib u dhac dheeraad ah, kaas oo ku xiran baasaboorradooda iyo xittaa jinsiyaddooda oo laga yaabo inay mararka qaar culays ku noqato ayadoo dukumentiyada dalal kale wata. Kala go’a ku yimaada isku socodka Qoysaska Soomaaliyeed oo Mareykanka ku sugan, islamarkaana xubno eheladooda kamid ahi ay doonayaan inay la midoobaan ayaa ayana laga yaabaa in ay waayaan fursadaas, iyadoo waalidiin, caruur ama xaasas aan loo ogolaan in ay socdaal ku tagaan dalkaas, gaar ahaan kuwa wata baasaboorka Soomaaliga. Sidoo kale culayska xannibaaddan waxaa la kulmi doona Ardayda Soomaaliyeed oo doonaya inay waxbarasho sare ama tababarro ama shaqo ka helaan Mareykanka oo laga yaabo in laga xiro albaabkii fursadaha, ayadoo dhanka kale laga cabsi qabo in xittaa masuuliyiinta dowladda qaarkood ay ku adkaato inay dalkaas tagaan. Si kastaba ha ahaatee xayiraaddan socdaalka ee u muuqata in lagu beegsanayo dalalka Muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa si qoto dheer u saameyn doontaa dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda, waxaana adkaan doona isu socodka dadweynaha, fursadaha waxbarasho iyo shaqo, iyo midnimada qoysaska, balse dedaal ay bixiyaan Dowladda Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ee Mareykanka ku nool ayaa laga yaabaa in culaysyadan qaarkood uu meesha ka saari karo sida ay xeeldheereyaashu qabaan. Source: goobjoog.com
  25. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Mucaaradka, ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay war-saxaafadeed ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ay ka qabaan habraaca loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka. Madashu waxay tilmaantay in xulista xubnaha Guddiga lagu xad-gudbay Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, gaar ahaan qodobada 41aad iyo 111B, oo qeexaya in guddigan uu yahay mid madax bannaan oo aan u adeegaynin dano siyaasadeed ama madaxbannaanida dowladeed. Sidoo kale, Madashu waxay xustay in hannaanka hadda socda uu si toos ah uga hor imanayo Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27-kii Juun 2016, oo qeexaya nidaamka saxda ah ee loo maro dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan qodobka 15aad ee sheegaya in: Wasiirka Xuquuqul Insaanka, isagoo la tashanaya dowladaha goboleedyada iyo ururrada bulshada rayidka ah, uu soo magacaabo 19 xubnood oo kamid noqda Guddiga KMG ah ee xulista murashaxiinta. Maamul walba oo goboleed uu soo gudbiyo hal xubnood oo metelaya bulshada rayidka. Xubnaha musharraxiinta ah ee la xulayo ay ahaadaan dad sumcad iyo kalsooni bulshada ku dhex leh. Madasha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday in la joojiyo geeddi-socodka hadda socda ilaa dib loogu laabto dastuurka iyo sharciga, lana xaqiijiyo in xubnaha guddiga ay noqonayaan kuwo madax bannaan, aan loo adeegsan dano siyaasadeed, isla markaana metelaya shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Source: goobjoog.com