-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Former President Uhuru Kenyatta and his successor William Ruto were on Friday publicly seen together for the first time since their December 9, 2024 meeting in Ichaweri, Gatundu, when Ruto paid his predecessor a courtesy call. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaalo ay ku xoojinayso xariirka dublumaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka dunida, asagoo sidoo kale wada-shaqayn xoogan la yeelanaysa ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha waaweyn. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa dhowaan magaalada Jakarta ee dalka Indonesia kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), Dr. Kao Kim Hourn. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah ASEAN, iyadoo lagu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada iyo iskaashiga guud ee labada dhinac. Wasiir Cabdisalaam ayaa Xoghayaha Guud la wadaagay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho joogitaan rasmi ah oo ay ku yeelato gudaha ururka, taas oo kor u qaadi karta xiriirka Ganacsi, Siyaasadeed iyo bulsho ee ay la leedahay wadamada Koonfur Bari Aasiya. Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee ASEAN, Dr. Kao Kim Hourn, ayaa si diirran u soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay ASEAN, WaxAa uu caddeeyay in ururku diyaar u yahay inuu sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo ay mudan tahay in laga faa’iideysto. Soomaaliya oo ka soo kabanaysa burbur dowladnimo iyo dagaallo sokeeye ayaa haatan xoojinaysa saamaynteeda dublumaasiyadeed iyo iskaashiga ay dunida la leedahay, kaas oo xilligan carsiga ah muhiimad u leh dal walba. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Laascaanood laga sameeyay, faragelinta Villa Somalia iyo dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday gobolada Sanaag iyo Haylaan. Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa sheegay in reer SSC KHATUMO iyo dadkii kala qaybgalay dagaalkii Sool ay lahaayeen ballamo siyaasi ah haseyeeshee shaqsiyaad gaar ah ay maamulkii ula galeen madaxtooyada Somalia, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in bulshada iyo dhaqanka deegaamada Sanaag iyo Haylaan ay qaateen go’aan ku aaddan shirkii Laascaanood aysanna waxaba ka dhisan maamulkii lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ugu dambayntiina guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa sheegay in Sanaag iyo Haylaan aysan imaan karin isla markaana aysan meel kale u qaadi karin xoogna loogu dari karin meel aysan raali ka ahayn. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka horyimid Maamulka laga dhisay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The United States is offering a combined reward of $8 million for information leading to the arrest of Abdikadir Mohamed Abdikadir, also known as Ikrima, a senior al-Shabaab commander accused of orchestrating the 2010 Kampala bombings and recruiting Kenyan youth into the militant group. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta oo Jimce ah booqasho ku tegey degaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool. Madaxweyne Ku-xigeen Lugatoor oo uu weheliyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise ayaa kulan isxogwareysi la qaatay Cuqaasha, Waxgaradka , Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Boocaame iyo 11 Tuulo oo hoos yimaada. Kulanka oo ujeedkiisu ahaa kala war qaadasho Madaxweyne Ku-xigeenka iyo bulshada deegaanka, la shaqaynta Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Dowladda Puntland, horumarinta adeegyada bulshada, Sare u qaadida Amniga iyo adkaynta Nabadgelyada, siday sheegtay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa balan qaaday wax ka qabashada baahiyaha deegaanka ee waxgaradku soo gudbiyey oo uu xilsaaray Wakiil gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya iyada oo mudnaanta la siinayo sida ay ukala muhiimsan yihiin, isaga oo la wadaagay bulshada deganka Mashaariicda diyaar ka ah oo ay kamid yihiin. 1-Bilaabida Xarumaha Caafimaadka ee Tuulooyinka Buurawadal iyo Hadhwanaag. 2- Dhismaha Iskuulka Buurawadal. 3-Taabagelinta Isbitaalka Degmada Boocame iyada oo loo diyaarshay qalab casri ah iyo Shaqaale Xirfadoodu sarayso. 4-Macaanaynta Biyaha Degmada Boocame oo hada diyaar ah. 5-Horumarinta Beeraha. 6- Bilaabida Ceelasha Biyaha ee Fardhidin iyo Karin gorfood. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday degaanno ka tirsan degmada Boocame ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyay khudbad ku saabsan Xuska sannad-guuradii 27 ee ka soo wareegtay as-aaskii Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan arrimaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni, wuxu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da Agoosto, waxaana uu bogaadiyay midnimada iyo wadajirkii ay ku wajaheen Hawlgalkii ciribtirka Argagixisada Daacish, kaasi oo wakhtigan geba-gabo maraya, kaddib markii la wiiqay awooddii mileeshiyaadkii Calmiskaad. Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, waxaana uu ugu bishaareeyay ciidamada difaaca Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay Ciribtirkii Daacish. Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ka gaabisay dagaalkii argagixisada, islamarkaana wuxu sheegay in ay abuurtay dagaallo siyaasadeed oo ku salaysan dano, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo. Halkaan ka daawo Khudbadda PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Villa Somalia waxay dalka ku waddaa burbur aan soo kabasho lahayn appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo fadhigoodu yahay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ah firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay Hawlgalkii Calmiskaad. Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajaanib ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish. Saraakiishu waxay sheegeen in labada Argagixiye loo gudbinayo Taliska guud ee Hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaanna maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay laba argagixiye oo kamid ah firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Horumarinta gobolka Mudug, oo ay si wadajir ah u qabteen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo haldoorka gobolka ayaa maanta ka furmay Gaalkacyo. Shirkan waxaa si weyn loogaga hadlay qorshayaasha horumarineed ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, culimada, isimada dhaqanka Mudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiinta ka qaybgalay Shirka intooda badan waxay jeediyeen khudbado taabanaya xaaladda guud ee Gobolka Mudug iyo sida si wadajir ah looga shaqayn karo horumarka gobolka, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah uu soo xirmo Shirkan, islamarkaana laga soo saaro go’aamo rasmi ah oo ku saabsan dhammaan qodobadii laga hadlay. PUNTLAND POST The post Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
VID-20250731-WA0000 Qaran News
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo. Waxaana goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada garab istaagga ay u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta nabadda gobolka Gedo, haddana ay shaqeynayaan xaruumihii dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda. Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ay mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxda Shabaab, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ay carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab. Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa Xukuumadda Siciid Deni ugu baaqay in aysan dhib u arkin jiritaanka maamulkaas ee ay soo dhoweyso. “Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS. Puntland ayaa si weyn u diidan dhismaha maamulka Waqooyi bari oo ay ku midoobeen gobollada Sool, Sanaag, iyo deegaanno kamid ah Togdheer, waxayna Xukuumadda Siciid Deni dhaqdhaqaaq ka wadddaa deegaanno ka tirsan Sanaag si ay u xoojiso joogitaankeeda aaggaas. Source: goobjoog.com
-
Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has called on the region’s business leaders to provide urgent assistance to communities affected by a worsening drought in the western region of Awdal. Speaking at a high-level meeting held at the presidential palace in Hargeisa, President Irro urged prominent businesspeople and representatives of major companies to mobilise resources to support tens of thousands of people facing severe water and food shortages. The meeting was attended by the Vice President, senior cabinet members, and key figures from the business community. The president stressed that swift intervention is essential to prevent further deterioration of the humanitarian situation. We need the full support of our business sector to save lives, President Irro said. Thousands are at risk, and we must act before it is too late, he added. Earlier, the Somaliland government appealed to the international community and humanitarian agencies to provide emergency aid to drought-affected areas. President Irro emphasised that timely assistance could be the difference between life and death for many residents in the region. Tweet Qaran News
-
Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta u gudbin doonto Israa’iil magacyada afarta qof ee laheystayaasha ah ee la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza. Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah. Isweydaarsiga maxaabiista ee dhici doonta maalinta sabtida ah, Israel ayaa la filayaa inay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah. Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulkaas iyadoo ciidamada Israa’iil ay ka sii baxayaan Qaza. Dhanka kale, Canada ayaa ku dhawaaqday inay dal madax bananan u aqoonsaneyso Falastiin iyadoo hore UK iyo Faraansiiska ay sheegeen inay aqoonsan doonaan Falastiin. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado Dowladda Falastiin, inta uu socdo shirwaynaha Qaramada Midoobay ee bisha Sebtembar, iyadoo cadaadis dheeraad ah la saarayo Israa’iil, xilli gaajo baahsan ay ka jirto marinka Gaza. Hadalkan ayaa ku soo aadaya ka dib markii Faransiisku sheegay toddobaadkii hore inuu aqoonsan doono Dowladda Falastiin, sidoo kale maalintii Salaasada ahayd ay Britain sheegtay in haddii dagaalka Gaza uusan istaagin marka la gaaro shirka Qaramada Midoobay ee Sebtembar, ay iyaduna aqoonsan doonto. Ra’iisul Wasaare Carney wuxuu warbaahinta u sheegay in xaaladda dhabta ah ee dhulka Falastiin ka jirta, gaar ahaan gaajada ba’an ee dadka Gaza haysata, ay ka dhigan tahay in rajadii dhismaha dawlad Falastiini ah ay si toos ah ugu sii dhamaaneyso hortooda. “Canada waxay cambaareyneysaa in dawladda Israel ay ogolaatay musiibo bani’aadamnimo iney ka dhacdo Gaza,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, asagoo intaas ku daray in go’aanka Canada uu qeyb ahaan salka ku hayo ballanqaadyo isdaba joog ah oo uga yimid Maamulka Falastiin, oo matala Dowladda Falastiin ee Qaramada Midoobay la macaamisho, kuwaa soo sheegaya in ay dib u habeyn ku sameynayaan maamulka, isla markaana diyaar u yihiin in doorashooyin guud la qabto sanadka 2026, taasoo uu sheegay in ururka Xamaas uusan qeyb ka noqon doonin. Go’aannadan ka yimid xulafada ugu dhow ee Israa’iil waxay muujinayaan carada sii kordheysa ee caalamiga ah oo ka dhanka ah xayiraadaha Israel saartay cunto iyo gargaar bani’aadamnimo ee la gaarsiinayay Gaza intii uu socday dagaalka ay kula jirto Xamaas. Source: goobjoog.com
-
Qaxwadu waa Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo kulul, kaas oo badanaa subaxda hore iyo galabtii shaah ahaan loo cabbo . Magaca cabitaankan waxaa laga soo minguuriyay Afka Carabiga , balse afafku markii ay eray kale u qaataan dhawaq ahaan iyo qoraal ahaanba isbadal baa gala: >Af-Carabi : Qahwah >Af-Soomaali : Qaxwe >Af-turkiga : Kahve <span;>Af-ingiriiska : coffee ➥ Soo if-bixii koowaad ee Qaxwada waxaa lahaa oo baray caalimkii weynaa, Sheekhii Abuu bakar Bin Cabdillaahi Al-Shaadali , oo loo yaqaanay Al-Caydaruusi, kaas oo kamid ahaa culimadii Suufiyada. Sheekhu waxa uu ahaa dhul mareen, isagoo dhanka xabashida u socda ayuuna arkay geedka Bunka, ka dib waxa uu ogaaday in laga heli firfircooni (dhiifo) iyo soo-jeed , kadib markii uu kariyay, uuna cabay sheekhu. Shiikh Abuu bakar sidoo kale waxa uu faray xertiisii iyo dadkii raacsanaaba in ay cabaan qaxwada sidaa ayayna cabidda qaxwadu ugu dhex faafay culamadii Suufiyada ee noolaa xilligiisii iyo ka dibba, sida ay taariikhyahannadu sheegaan. Deegaankii koowaad ee laga cabo Qaxwadu waxa uu ahaa Yaman, soomaaliyana ku dar maxaa yeelay geedkaan waxa uu ka bixi jiray baadiyaha Saylac sida uu ku sheegay Ibnu Xajar kitaabkiisa Al-iicaab, balse qaxwuhu waa wax soosaar Islaami ah iyo daahqaad wax tar u yeeahay gabi ahaan Caalamka . Sida loo badinayo Qaxwadu waxa ay soo if-baxday qarnigii 10-aad ee hijriga oo ku beegnaa qarnigii 15-aad ee miilaadiga , waxa ayna ka tillaabtay Yaman, iyadoo gaartay isla qarnigaas15m dhulka Xijaas( Sucuudiga), Shaam , Masar iyo deegaanno kale , kadibna waxa ay u sii tillaabtay Istanbuul oo aheed xaruntii hoggaanka dowladda Cuthmaaniyiinta, halkaas oo ay ku sii faaftay Oraba ( yurub ) qarnigii 17m . Qaxwada soo if-baxeedii waxaa la kowsaday in la isku khilaafo ma xalaalbaa mise waa xaaraan ? , isku maan-dhaafkaas waxa uu ku soo idlaaday hubin iyo cabir diimeed kadib in ay tahay xalaal, cabiddeeduna tahay mubaax ( cabid bannaan sharci ahaan ) . markii ay gaartay qaxwadu Rooma oo ah xarunta boobka buuq ayaa ka kacay kaniisadaha, kaas oo u dhexeeyay qasaawisada, waxa ayna ku tilmaameen in ay tahay xoola Sheydaan, balse markii ay arkeen carafteeda waxa ay go’aansadeen in uu dhadhamiyo Boobka ugu sareeya waxa uuna yiri : cabitaanka sheydaanku waa cabitaan aad u macaan , waa in aan ka dhigno cabitaan Kirishtaan . La isku wada arag cabidda qaxwaha . ➥ Bunka : Soomaalidu way cunaan, wayna cabaan , waxaana u badan dadka xeebaha dega iyo reer magaalka , gaar ahaan dadka waawayn ayaa u badan , deegaannada qaar waxaa loo keenaa sharfid ahaan oo qofkaan bun loo soo dubin si wacan loo ma sooryeyn . ➥ Hadda dhallinyaradu ma adeegsadaan qaxwo ee waxa ay adeegsadaan cofee, iyagoo ka raadinaya eragaa ilbaxnimo . ➥ Ugu danbeentii bunku inkastoo dalal badan oo dunida kamid ah ka baxo, haddana sidoo kale waxaa lagu tiriyaa geed soomaali, waxaana tusaale cad u ah in dhulka soomaaliya mar lagu magacaabi jiray dhulkii bunka أرض البن. <span;>W/Q: Shiikh Maxamed Aadan Mu’min محمد ءادم مؤمن الاشعري Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo xalay soo saaray Warsaxaafadeed wadajir ah ayaa shaaciyay in uu maanta oo Khamiis ah furmayo Shirkaasi, kaddib markii la xalliyay Khilaafkii ka taagnaa qabsoomiddiisa. Shirkan oo ku saabsan u qareemidda Horumarinta Gobolka Mudug ayaa sida la go’aamiyay wuxu Gaalkacyo ka furmaya maanta oo ku beegan 31/07/2025, waxaana si wadajir ah u qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug. “Annagoo ah guddiga Horumarinta degmada Gaalkacyo, waxaa Eebbe nagu guuleeyay in farqigii u dhexeeyay qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku aaddanaa Maamulka iyo Ajandaha Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaana go’aaminay in Shirku furmo 31/07/2025, islamarkaana soo geba-gaboobo 01/08/2025.” “Shirka Horumatinta Gobolka Mudug, waxaa wada qabanaya guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo xubnihii hore u qaban-qaabinayay oo kamid ah haldoorka Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaban-qaabiyaasha Shirka Horumarinta Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland: Khilaafkii ka taagnaa qabsoomidda Shirka Horumarinta Gobolka Mudug oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.
-
Ka dib muddo uu shirar ka socdeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay magaca, astaanta, iyo calanka maamulka deegaannadaas kamid noqanaya dowlad goboleedyada dalka ee xubinta ka ah JFS. Magaca rasmiga ah ee Maamulka ayaa laga dhiga Waqooyi bari Soomaaliya, ayadoo calankana laga dhigey midabyada baluugga,cagaarka, iyo caddaan xagal ah oo faras dhexda kaga jiro, waxaana durba dhammaystirka dowlad goboleedkan cusub soo dhoweeyay masuuliyiin hore iyo xubno ka tirsan goleyaasha DFS. Sidoo kale waxaa la soo bandhigay dastuurka maamulka, waxaana caasimadda loo aqoonsaday Laascaanood, halka baarlamaanku uu ka koobnaan doono 83 xubnood oo sida la sheegay si qof iyo cod ah loo dooran doono. Si kastaba ha ahaatee maamulkan cusub ayaa noqanaya dowlad goboleedka 7-aad ee dalka markii lagu daro 5 maamul oo ka horreeyay iyo gobolka Banaadir, balse wuxuu wajahayaa caqabo xooggan iyo diidmo siyaasadeed oo saameyn toos ah ku yeelan kara. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya gobolka Raas Casayr ee Puntland ayaa sheegaya in saddex kalluumeysato ah lagu la’ yahay xeebaha degaanka Tooxin ee degmada Bareeda, kuwaasi oo ka baxay marsada Daamo ee nawaaxiga Tooxin. “Waxaa la la’ yahay Saddexda Kalluumeyste oo aan mid kamid ah ehel nahay, kuwaasi oo doon yar kaga baxay marsada Daamo ee u dhaw degaanka Tooxin degmada Bareedo, kuwaasi oo u kalluumeysi tegey badda. Waxaana aad iyo aad werwer noogu haysa xaaladda maqnaanshahooda.” “Xilligan waxaa badda ka dhacaya dabaylo xooggan oo aysan xamili karin laashashka iyo doonyaha yar yar ee Kalluumeysiga, taasi cabsi badan ku abuurtay Kalluumeysatada degaanka ee nolol maalmeedka ka raadsada badda, haddana qaarkood lagu la’ yahay badda” ayuu yiri qof ku sugan degaanka Tooxin oo aan ka xigannay warka ku saabsan Kalluumeysatada lagu la’ yahay xeebaha Tooxin. PUNTLAND POST The post Kalluumeysato lagu la’ yahay xeebaha degmada Bareedo ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska (UK) u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Charles King oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Danjiraha waxa kulankiisa ku wehelinayey masuuliyiinta ugu sarreeya Xafiiska uu Ingiriisku ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku qotoma danaha ay wadaagaan labada dhinac, iyada oo laga duulayo xidhiidhka qotoda dheer leh ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kaasi oo salka ku haya nabad, horumar, wada shaqayn dhab ah iyo iskaashi istiraatiiji ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Danjiraha uga mahad naqay booqashada uu yimid Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay doorkeeda Taariikhiga ah ee taageerada Somaliland, waxana uu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso iskaashiga labada dhinac ee ku dhisan nabad, horumar iyo dano-wadaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjire Charles King uga xog-warramay tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay qaaday Xukuumadda Somaliland muddadii koobnayd ee ay xilka haysay ka hirgelisay Gobollada Bariga Somaliland; sida Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, soo afjarka colaado sannado badan ka jira degaannada Ceel Afweyn iyo tiro koobka, tayaynta iyo kordhinta mushaharka qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha u xaqiijiyey in arrimaha xagga amniga ee ka jira Bariga Sool iyo Sanaag ay Dawladda Somaliland ka go’an tahay in lagu xalliyo wada hadal iyo wada xaajood. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in laga bilaabo maalintii xukunka dalka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku dhawaaqay gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn, uu sameeyey Guddida Nabadda Qaranka JSL, marar badanna uu ku celceliyay baaqa gogosha Nabadda, si wada hadal loogu dhammeeyo wixii colaad ah ee ka jira Bariga Sool iyo Bariga Sanaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha Dawladda Ingiriiska u sheegay in Xukuumadda Xasan Sheekh ay qayb weyn ku leedahay hurinta colaadaha degaannada Bariga Somaliland, iyada oo kaga gabbanaysa mushkiladaha tirada badan ee haysta maamulkiisa. 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 1. Ka wada shaqaynta Nabadda iyo Ammaanka Gobolka: Madaxweynaha Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta ay Somaliland ka leedahay xasilloonida gobolka, waxana uu xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dedaallada ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto adkaynta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda, si loo helo nabad waarta iyo degenaansho siyaasadeed. 2. Xoojinta iyo ku dhaqanka Sharciga, Caddaaladda iyo Hufnaanta Maamulka Dawliga ah si loo hanto kalsoonida dadweynaha. 3. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Gobolka. 4. Maalgashiga iyo kobcinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha. Isaguna dhankiisa, Danjiraha Dawladda Boqortooyada Ingiriiska Mudane Charles King waxa uu Madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey in Dawladdiisu ay si weyn u qiimaynayso, kuna faanayso xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka iyo dalka Somaliland. Danjiruhu waxa uu sheegay in Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera ay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn. Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la dhiirri-galiyo Maalgashiga gaarka loo leeyahay, maadaama uu yahay furaha koboca dhaqaalaha. Dhinaca kale, Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska waxa uu Somaliland ku bogaadiyey, amniga iyo xasiloonida ka jira, hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah dadaallada nabadda ee ay waddo Dawladda Somaliland, gaar ahaan Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida. Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey Xaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay in ay Gobolka ku keeni karto amni darro, waxa uu sheegay in ay Dawladdiisu dhammaan dhinacyada ay khusayso ugu baaqayso in laga looga fogaado colaad hor leh. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqaynta joogtada ah ee u dhaxaysa Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 Qaran News
-
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaddib dagaallo culus oo toddobaadkii la soo dhaafay ka socday halkaas. Dagaallada ayaa u dhaxeeyay ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda (NISA) ee Jubbaland, iyo maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wararka laga helayo gudaha Beled-Xaawo ayaa sheegaya in ciidamadii mucaaradka ahaa lagu jabiyay dagaalka, islamarkaana ciidamada Dowladda ay si buuxda u hanteen xarumaha muhiimka ah ee degmada, oo ay ku jirto saldhigga booliska, xarunta degmada iyo kastamyada ganacsiga. Sidoo kale, waxaa dib loo hawlgeliyay isgaarsiinta degmada oo maalmahan hawada ka maqneyd, taas oo shacabka ku nool Beled-Xaawo ay la daalaa-dhaceen maalmo xiriir la’aan ah. Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin howlgalkan, balse ilo-wareedyo milatari ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay amniga degmada gacanta ku hayaan, isla markaana ay bilaabeen howlgallo nadiifin ah oo lagu baacsanayo kooxaha ka cararay dagaalka. Xaaladda guud ee Beled-Xaawo ayaa haatan degan, iyadoo shacabka ay si tartiib tartiib ah ugu laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd. Source: goobjoog.com
