Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,184
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenya Airways (KQNA.NR), opens new tab said on Tuesday that it had made a pretax profit last year after more than a decade of losses, helped by foreign-exchange gains. Source: Hiiraan Online
  2. United States President Donald Trump has signed an executive order requiring Americans to provide proof of citizenship to vote, claiming the move is necessary to “straighten out” election fraud. Source: Hiiraan Online
  3. The ex-Al-shabaab member: “I have surrendered to Puntland. I did not kill anyone. I want to be released so that I can join my extended family members.” Garowe (PP Commentary) — In 1995, the late Somaliland administration President Mohamed Ibrahim Egal told BBC Focus on Africa that “terrorists are in Laascaanood and Boorame.” In 2025, a former Al-Shabaab member, who grew up in Hargeisa, claimed he was trained to brainwash [(“tashkiilid”)] people of Buuhoodle into joining Al-Shabaab. “I refused to do that job, but a substantial number of people in Buuhoodle are Al-Shabaab members. I have surrendered to Puntland. I did not kill anyone. I want to be released so that I can join my extended family members,” the man told Puntland State prosecutors. It would be unfair to take a leaf from the Somali secessionists’ book who lie about their fellow Somali citizens. Secessionists were up in arms when Al Jazeera published a report suggesting that key members of Al-Shabaab who hail from Hargeisa have a political agenda to keep the south in turmoil so that the north can secede. Al-Shabaab operatives gather intelligence on assassination targets, tips off the assassin about nearby security personnel and misleads soldiers who arrive at the scene of the assassination by directing them to the wrong location of the assassin’s escape. ICG propaganda against Puntland State of Somalia. Under Puntland law, assassins and undercover agents of Al-Shabaab or Daesh are considered terrorists and murderers. Without undercover agents, Daesh or Al-Shabaab cannot carry out terrorist attacks. In 2015, Puntland State released Abdiwahid Gama’diid, a poet from Hargeisa who was a member of Al-Shabaab units near Boosaso. The late traditional leader of the Isaaq clan, Mohamed Abdulkadir, pleaded with King Burhan of the Darod clan, who lobbied the former Puntland State President, Dr Abdiweli Mohamed Ali, to release Abdiwahid Gama’diid. Nearly two years ago, Gama’diid joined Al-Shabaab in Jilib. The mainstay of Al-Shabaab and Daesh is their undercover agents, who supply crucial intelligence on where to attack. The compartmentalised nature of Al-Shabaab prevents members of the assassination group from knowing each other’s first names. After extensive planning, the assassin, the target identifier and the back-up agent, who facilitates the assassin’s escape, receive their attack plans on the “assassination or suicide bombing day.” Puntland’s counter-terrorism experience indicates that terrorist agents cause more harm than the Daesh or Al-Shabaab terrorists who pull the trigger or detonate explosives in public places to cause maximum death and destruction. In 2021, Puntland Post reported that operatives of an Al-Shabaab cell, captured and prosecuted by Puntland in North Gaalkacyo, were locals who masterminded and carried out assassinations. To secure his release, the former Al-shabaab member chose to describe Buuhoodle as a terrorist hub. That is the hallmark of a terrorist psychopath, whose narrative is now being diabolically disseminated by secessionists and credulous individuals. Earlier this week, the International Crisis Group was promoting the narrative that clans in Calmiskaad are ambivalent about Daesh hideouts. ICG was pushing a terrorist narrative in an attempt to undermine the effectiveness of Puntland State’s counterterrorism operations against Daesh. It is unwise to validate the distorted narrative of Daesh and Al-shabaab terrorists who claim innocence despite evidence to the contrary. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Counters Terrorist Narratives as Ex-Al-shabaab Agent Pleads Guilty appeared first on Puntland Post.
  4. Somali-born cleric Abdul Qadir Mumin, head of the Islamic State group in East Africa, in 2016. © Simon Maina/AFP As the Islamic State establishes a major cell in northern Somalia, the American, British and Moroccan intelligence services are seeking to step up their cooperation to neutralise members of the organisation. Read more here The post How Puntland and its allies battle Islamic State in Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu mahadcelisay dowladda Turkiga taageerada xooggan iyo garab istaagga ay u fidisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo la hadlay TRT Afrika, ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga difaaceed ee Turkigu si joogto ah ula garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee muddada dheer carqaladeyneysay xasilloonida dalka. Wasiir Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga aysan ku koobnayn kaliya dhinaca farsamada, balse ay ka turjumayso walaaltinimo qoto dheer oo xoojinaysa awoodda ciidamada amniga xilli muhiim ah oo dalku wajahayo. “Xiriirka aan la leenahay Turkiga waa mid waara, ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi istaraatiji ah,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waa tiir muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada, xoojinta amniga, iyo horumarinta nabadda waarta ee gobolka. Iskaashigan wuxuu tusaale u yahay sida awoodaha soo koraya ay gacan uga geysan karaan xasillinta iyo dib-u-dhiska dowladaha kasoo kabanaya colaadaha.” Nabad lagu gutay Ramadaanka Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ammaanay taageerada Turkiga ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhab ah oo muujinaysa midnimo iyo garab istaag. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada dhismaha nabadda ee Soomaaliya. “Iskaashigeennu wuxuu ahaa mid lama huraan ah,” ayuu yiri. “Garab istaagga joogtada ah ee ay Turkigu na siiyeen intii lagu jiray Ramadaanka wuxuu muujiyay walaaltinimo dhab ah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay soo celinta nabadda dalka.” Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideystay taageerada Turkiga oo ay ka mid yihiin tababarka dugsiyada milateriga, taageero farsamo, iyo qalab horumarsan oo dhanka difaaca ah. Taageeradan ayaa horseeday horumar la taaban karo, taasoo keentay in Ramadaanka 2025 uu noqdo mid ka nabad badan sannadihii hore ee ay colaadaha iyo amni darridu hareeyeen. “Iskaashigan awgiis, waxaan markhaati ka nahay Ramadaan deggan oo ka duwan kuwii hore,” ayuu yiri Aweys. “Khayraadka ay ina siiyeen iskaashigan difaaceed ayaa muhiim u ahaa xoojinta hawlgalladeenna milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay si weyn uga qayb qaateen guulaha aan ka gaarnay dagaalka.” Xakamaynta dacaayadda Al-Shabaab Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaaminaya dagaal qaran oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Soomaaliya ku haysay argagixiso muddo ka badan toban sano. Dhawaan, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxdaas, iyagoo dilay in ka badan 80 dagaalyahan isla markaana gacanta ku dhigay tiro kale. Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xakameynayo warbaahinta faafisa borobogaandada Al-Shabaab, iyadoo xirtay xarumo warbaahineed oo lala xiriiriyay kooxda. Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta Soomaaliya ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u tahay difaaca shacabka lagana ilaaliyo marin habaabinta iyo adeegsigga khaldan ee diinta. Waxaa intaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka magaca “Al-Shabaab” warbaahinta qaar, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo saameynta kooxda ee doodaha bulshada. Wasiir Aweys ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo mar kale ku celiyay go’aanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda u cirib tirto Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada amniga oo ay garab taagan yihiin Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay dalka ka xorayn doonaan kooxaha argagixisada ah. “Waxaan kalsooni ku qabnaa guusha howlgaladeenna, iyadoo aan leenahay meel istiraatiji ah oo muhiim ah gobolka,” ayuu yiri. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Turkiga taageeradooda joogtada ah. Anagoo la kaashanayna saaxiibadeenna, waxaan cirib tiri doonnaa Al-Shabaab, waxaana dalka dib ugu soo celin doonnaa nabad iyo xasillooni waarta.” Madax-bannaanida Soomaaliya Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta caalamka inay ka fiirsato sheegashooyinka ah in xiriirka Turkiga uu saameyn ku yeeshay go’aannadii dhowaan ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sheegashooyinkaas ay si khaldan u matalayaan madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in hoggaanka dalka uu go’aamada u gaaraa si madax bannaan oo ku saleysan danaha qaranka iyo shacabka. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, iyadoo u maraysa hannaan waafaqsan himiladeeda amniga, horumarka iyo isku filnaanshaha. Isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal madax bannaan, ayuu adkeeyay inay ka go’an tahay dhisidda xiriir istiraatiji ah oo ku saleysan is-ixtiraam, si mudnaanta loo siiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida dalka.
  6. Baydhaba (Caasimada Online) – Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay u wareegay gobollada Bay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga Isniintii. Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed. “Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo. Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed. “Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu yiri. Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan, ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si uu uga qeyb galo kormeerka hawlgallada, kuwaas oo lagu xoojiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo hadda ay billaabeen in ay ka cararaan.
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay diyaaradaha duuliye la’aanta ay ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Daacish. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkan dhanka cirka ah fuliyay Mareykanka oo beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen agagaarka togga Miiraale. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu taageeray ciidamada Puntland, xilli uu socday dagaal culus oo ay la galeen kooxda Daacish, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan. Puntland oo faah-faahin ka bixisay weerarkan waxa ay sheegtay in lala beegsaday firxadka kooxda Daacish, welina ay waddo qiimeynta khasaaraha ka dhashay. “Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamul goboleedka Puntland. Waxaa kale oo jira howlgal kale oo ay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, isla markaana u qaabilsanaa qaraxyada nooca miinooyinka. Puntland ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka la dilay illaa 4 ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo soo bandhigtay maydadkooda iyo qaraxyada ay diyaariyeen. “Ciidanku wuxuu dilay 4 ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish kuwooda miinooyinka iyo qaraxyada qaabilsan, Hawlgalka ayaa ka dhacay deegannada Buqa Sarre,Xoomiso iyo Guryasamo ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeyntaasi, waxaase inta badan uu faah-faahinta dib kasoo sheegaa marka uu fuliyo weerarka kadib, waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday iyo haddii dad rayid ah wax gaareen. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari. Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horay albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
  8. Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa sheegtay in Boqortooyada Sucuudigu ay si adag u cambaaraynayso, ugana xun tahay duqayn magaalada Koya ee dalka Suuriya ay ka geysteen ciidamada maamulka Israa’iil, waxayna hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay in dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanku ay gutaan kaalintooda arrintan ku aaddan. Ciidanka Israa’iil ayaa duqeymo ka waday gudaha Suuriya, taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Bashar Al-assad, waxaana duqeymahaas qaarkood lagu bartilmaameedsaday goobo militari iyo xarumo maamul, halka qaar kalena lagu burburiyay qalab iyo kaabeyaal dhaqaale. Dowladda cusub ee Suuriya ayaa xoogga saaraysa hagaajinta arrimaha gudaha dalkan mudda dheer dagaalka sokeeye ku jiray, sidoo kalena madhooyinkii keligii taliska aan weli ka bogsan, balse Israa’iil ayaa duullaan bareer ah ku haysa, waxayna Tel Aviv si cad u sheegtay inaysan oggolaan doonin in dalkaasi uu yeesho awood ciidan oo xoog leh. Source: goobjoog.com
  9. Faafhaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn culus lala beegsaday kooxda Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togga loo yaqaanno miiraale. Taliska howlgallada ee Puntland ayaa xaqiijiyay, in duqeynta ay fuliyeen diyaaraha dagaalka Mareykanku, balse weli wax faahfaahin ah laga bixin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas. Buuraleyda Calmiskaad waxaa muddo bilo ah ka socda dagaal toos ah iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish, kaas oo ay wadaan ciidanka Daraawiishta Puntland. Source: goobjoog.com
  10. Dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo culus xalay lagu garaacay togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii dagaallamayaasha argagixisada Daacish ee baxsadka ah. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayuu ku xaqiijiyay duqeynta diyaaradeed ee xalay ka dhacday togga Miiraale, taasi oo ay fulisay dowladda Mareykanka islamarkaana lagu beegsaday firxadka mileeshiyaadka argagixisada Daacish ee ku go’doonsan toggaasi. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedyo sax ah, oo ay isku urursanayeen mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo dhaca bartamaha togga Miiraale, halkaasi oo ay dhawaanahan sahan dhammaystiran ku sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drones-ka). Wararka ayaa sheegaya in dhawaqa duqeyntaasi oo ahayd mid aad culus laga maqlay degaanno masaafo dheer ka baxsan togga Miiraale, inkastoo aan weli xog faahfaahsan laga helin khasaaraha mileeshiyaadka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi PUNTLAND POST The post Dowladda Mareykanka oo xalay duqeyn culus ku garaacday firxadkii argagixisada Daacish ee u baxsaday togga Miiraale appeared first on Puntland Post.
  11. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka dabley hubaysan oo ka caraysan hub xalay laga qabtay ay weerartay saldhiga bartamaha Boosaaso. Dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ah ayaa hiirtii waaberi laga maqlay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub laga soo qabtay gudaha Boosaaso kaasi oo ay laamaha ammaanka gobolka Bari ku tilmaameen mid kotorabaan ah. Sarkaal ka tirsan Booliska gobolka Bari oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay saldhiga bartamaha Boosaaso weerareen koox xalay laga qabtay hub kotorabaan ah islamarkaana weerarkaasi ay iska caabiyeen ciidamada ammaanka balse uu jiro khasaare ka dhashay dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo aroornimadii hore ee saaka weerartay saldhiga bartamaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  12. The development of Berbera Port in Somaliland, facilitated by DP World’s investment, carries significant implications for U.S. interests in the Red Sea and the broader geopolitical landscape of the Horn of Africa. For the U.S., the transformation of Berbera Port offers a chance to bolster maritime security, diversify its strategic footprint, and counter rival powers in a geopolitically volatile region. Geopolitically, it amplifies Somaliland’s and Ethiopia’s roles, strengthens UAE alignment, and challenges the status quo in the Horn of Africa. Alexandros Itimoudis Geopolitical Analyst | Journalist Qaran News
  13. On March 25, 2025, the President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro, announced the opening of Berbera International Airport for international trade. During a working visit to the Sahel Region, President Irro, accompanied by a delegation, inspected the airport and received a briefing from the Minister of Aviation and Airport Development, Fuad Ahmed Nuh. The minister outlined plans to transform Berbera into an international hub, including exporting local products and initiating cargo and tourism flights connecting Addis Ababa and Berbera. Berbera International Airport has a notable history. Originally built in the 1970s by the Soviet Union, it featured one of Africa’s longest runways. In 2021, the airport underwent significant renovations funded by the United Arab Emirates, reopening for international passengers on November 20, 2021. President Irro, who assumed office on December 12, 2024, has prioritized enhancing Somaliland’s infrastructure and international connectivity. The operationalization of Berbera International Airport aligns with his administration’s goals to boost trade and tourism, positioning Berbera as a key player in the Horn of Africa’s economic landscape. The government’s strategy includes exporting fish, vegetables, and dried meat from Berbera, and launching cargo flights between Addis Ababa and Berbera. Collaborations with the Ministry of Trade and Tourism are also underway to initiate tourism flights between the two cities. Local officials, including the Mayor of Berbera and regional ministers, have emphasized the airport’s significance to Somaliland and the broader region. The opening of Berbera International Airport for international trade marks a significant milestone in Somaliland’s efforts to enhance its economic infrastructure and global engagement. Qaran News
  14. Somaliland’s Airspace is a Billion-Dollar Asset—Why Are Djibouti, Ethiopia, and China Using It for Free? For years, Somaliland’s airspace has been treated as an open highway for foreign aircraft, military operations, and commercial airlines—without a single cent in overflight payments to Hargeisa. Djibouti, Ethiopia, China, and Turkey have exploited Somaliland’s skies while refusing to recognize its sovereignty. It is time for Somaliland to take decisive action and demand rightful compensation. Djibouti’s Military & Commercial Flights Freely Use Somaliland Airspace Djibouti, a country heavily reliant on foreign military bases, has been using Somaliland’s airspace without paying overflight fees. The airspace over Yemen remains too dangerous due to the Houthi conflict, and Eritrea’s restricted airspace leaves Djibouti with only one viable route—over Somaliland. Every inbound and outbound flight to Djibouti, whether for commercial, military, or government purposes, crosses Somaliland’s skies. China, which operates a major military base in Djibouti, uses Somaliland’s airspace to transport military personnel, weapons, and supplies, despite Beijing arming militias in eastern Somaliland and supporting the Somalia federal government against Somaliland’s independence. The same goes for the U.S. military, which also operates a base in Djibouti but has yet to acknowledge Somaliland’s sovereignty. Ethiopia Profits from Somaliland While Paying Nothing Ethiopia, a landlocked nation, relies on Somaliland not only for trade but also for its air traffic routes. Nearly all Ethiopian Airlines flights inbound and outbound to Addis Ababa pass through Somaliland airspace. Yet, Ethiopia has never paid a single overflight charge to Somaliland. Worse, Ethiopia benefits from free use of Somaliland’s skies while refusing to recognize its independence. This double standard cannot continue. Turkish Airlines Profits from Somaliland While Backing Somalia Turkey’s Turkish Airlines operates flights to Mogadishu using Somaliland airspace. At the same time, Turkey is heavily involved in arming and training Somalia’s military, which remains hostile to Somaliland. Turkish firms are also exploiting marine resources off Somaliland’s coast. If Turkey wants access to Somaliland’s airspace, it must start paying its fair share. Time for Somaliland to Demand Compensation Somaliland must enforce overflight charges on all foreign aircraft using its airspace. The Somali federal government has falsely claimed control over Somaliland’s skies, but this must be challenged. If Djibouti, Ethiopia, China, and Turkey continue to use Somaliland’s airspace, they must pay like any other country. If Somaliland is denied its sovereignty, then its airspace must be closed to those who refuse to recognize it. The days of freeloading are over. It is time for Somaliland to take full control of its airspace and start Geopolitics Africa TV Qaran News
  15. Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa maanta khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u hubsado xaaladdiisa caafimaad, kadib qarax dhawaan lagu beegsaday kolonyadiisa. Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Afhayeenka Madaxweynaha Masar, Danjire Maxamed El-Shenawy, ayaa sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagaxisada. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda AKINCI oo dhawaan laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, kadib markii ay Soomaaliya ka heshay Turkiga ayaa la sheegay in Arbacada berri ay howlgeli doonto, taas oo ka dhigan in duqeymaha Al-Shabaab ay bilaabeyso. Diyaaradaan oo labo xabo ah ayaa ah nooc casri ah, Injineerrada gacanta ku haya ayaa qabsaday in muddo toddobaad ah ay ku rakibayaan qalabkeeda markii la keenay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya. Berri oo Arbaco ah ayey AKINCI bilaabeysaa duullimaadyadeeda Soomaaliya, gaar ahaan dhulka ay Al-Shabaab joogaan, si ay u beegsato cadowga oo duqeymo u fuliso. Sida ay noo sheegeen saraakiisha noo warantay, waxaa la qorsheeyey in labada diyaaradood ee AKINCI deg deg loogu diro gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay soo buux-dhaafiyeen. Aagga degmada Afgooye ayey soo dhoobteen Al-Shabaab, waxayna Hoobiye ku garaacaan ciidamo badan oo dowladdu geysay degmadaas, si ay uga difaacaan kooxda oo soo qabsatay degmada Awdheegle iyo deegaanada Bariire, Sabiib iyo Caanoole. Diyaaradaan oo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u hadal hayaan ayaa durba loo bixiyey magacyo yaab leh, sida ‘Queen Manoogto, Ciiltira, Afur-qaado’ iyo magacyo kale oo qosol leh. Kooxda Al-Shabaab oo soo qaaday dagaalo culus ayaa walwal ku abuurtay shacabka, taasi oo sababtay in la xiiseeyo diyaaradahaan sida daran u laaya kooxda oo horay aysan Soomaaliya u heysan. Sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo diyaaradaha dagaalka ah oo weliba casri ah oo Soomaaliya ay ka heshay Turkiga. Saraakiisha xogtaan na siisay waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in dowladda Soomaaliya ay leedahay milkiyadda diyaaradahaan, inkastoo aysan sheegin in lacagta lagu iibiyey ay Soomaaliya bixisay iyo in dowlad kale ka bixisay toona. Kooxda Al-Shabaab ayaa durba ka qeylisay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada cirka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibo u badan Mareykanka, kadib markii la duqeeyo xaruntooda ugu weyn ee Jilib iyo goobo kale oo xasaasi ah. Hogaamiyaasha kooxda ayaa isaga cararay meel kasta oo lagu beegsan karo waxaana maalmahaan yaraaday dhaqdhaqaaqii kooxda, maadaama dowladda Soomaaliya ay kordhisay duqeymaha oo la beegsaday dhowr goobood oo maleeshiyaad ay ku abaabulayeen.
  17. Somaliland stands as the frontline defense against terrorism in the Horn of Africa, playing a crucial role in maintaining regional stability and securing vital global trade routes. Despite its lack of formal recognition, Somaliland has consistently proven its resilience, preserving peace and security in one of the world’s most volatile regions. Al-Shabaab, the most dangerous terrorist network in East Africa, continues to expand its operations, with reports indicating a growing presence near Mogadishu and deeper incursions into Puntland. If left unchecked, the risk of spillover into Somaliland’s eastern regions is real and imminent. At the same time, the Houthis have escalated their attacks in the Red Sea and Gulf of Aden, threatening global shipping and trade. A destabilized Somaliland would provide an opening for these extremist groups to exploit, further destabilizing one of the world’s most critical waterways. The combination of these threats poses a dire risk—not just to Somaliland, but to Africa, the Middle East, and global powers that rely on free and secure maritime passage through the Red Sea. Failing to act now could create a dangerous security vacuum, fueling the unchecked expansion of terrorist networks, piracy, and widespread instability. For decades, Somaliland has proven itself as a reliable partner in the fight against terrorism. Unlike Somalia, where instability has enabled extremist groups to thrive, Somaliland has maintained security through effective governance, a strong national identity, and community-led resilience against extremism. However, no nation—recognized or not—can face such threats alone. While Somaliland has successfully prevented terrorist infiltration within its borders, the increasing pressure from extremist groups requires stronger international support, enhanced security cooperation, and better-equipped forces to counter evolving threats. The growing threats from Al-Shabaab and the Houthi militant network demand immediate and decisive global action. While Somaliland has successfully prevented terrorist infiltration within its borders, the increasing pressure from extremist groups requires stronger international support.” The international community, particularly the United Kingdom, United States, European Union, and regional allies, must take decisive steps to strengthen Somaliland’s counterterrorism efforts. One essential measure is enhancing military and security assistance. Providing Somaliland’s security forces with advanced training, modern equipment, and counterterrorism resources will enable them to combat threats from Al-Shabaab and the Houthis more effectively. Another crucial step is improving intelligence sharing and cooperation. Establishing deeper intelligence-sharing agreements with Somaliland will help track terrorist movements, disrupt their networks, and prevent attacks before they occur. Investing in Somaliland’s defense infrastructure is equally important. Strengthening military installations, border security, and coastal defenses will help prevent terrorist infiltration and maritime threats. Moreover, recognizing Somaliland’s strategic importance is vital in the fight against terrorism. Formal diplomatic recognition would unlock new security partnerships and international support, allowing Somaliland to play a more effective role in counterterrorism efforts. Failing to support Somaliland now will have serious global consequences. A weakened Somaliland would create a power vacuum, allowing Al-Shabaab to expand its terror network and the Houthis to escalate their maritime aggression. This would not only disrupt international trade but also threaten the security of neighboring Ethiopia and Djibouti, further emboldening extremist groups across the region. The time to act is now. Somaliland has repeatedly demonstrated its commitment to peace, security, and the fight against terrorism. It’s time for the world to stand with Somaliland—because investing in Somaliland’s security is investing in global stability. AS Abdi Halim M. Musa is a political analyst and a former Deputy Minister at the Ministry of Commerce in Somaliland. He can be reached at halimusa4@gmail.com Qaran News
  18. Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa caawa waxaa qadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax El-Sisi, oo la wadaagay dhambaal tacsi ah. Tacsida El-Siisi ayaa ku saabsan qaraxii lagu weeraray kolonyada Madaxweynaha toddobaadkii lasoo dhaafay, xilli uu u socday furimaha dagaalka, masuuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay badqabka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku celceliyay mowqifka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ee ku aaddan garab istaagga Soomaaliya. Wuxuu sheegay in si aan mugdi ku jirin uu u cambaareynayo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalila oo xogta wadahadkaan ku qortay luuqadda Carabiga. Sidoo kale, Madaxweynaha Masar ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah inta ku dhaawacantay. Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qiimeeyay dadaalkan walaaltinimo ee deeqsinimada leh, isagoo dhiggiisa Masar uga mahadceliyey garab istaagiisa. Masar ayaa kamid ah dalalka la qorsheeyey inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, so dagaalka Khawaarijta ay uga garab siiyaan dowladda, una bedelaan ciidamada ATMIS oo howlgalkoodu dhamaaday. Farriintaan waxay Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaareysaa isagoo caawa ku hoyanaya furimaha dagaalka, horay waxaa sidaan oo kale loogu soo diray farriimo lamid ah tan Sisi, dowlado badan ayaa garab istaag u muujiyey Madaxweynaha markii la weeraray kadib.
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQNE8ruolLULUBU_gl0IydxMr0mbQWHsryWS1ZPRZQKDFPXLyP0b7zOcqA9_1hsUaDVrqG0pK5JTDDwFxpAnwCLo.mp4 Qaran News
  20. Raagaceelle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka ayaa sheegay in wasiirrada iyo saraakiisha ciidamada ay maalmaha soo socda iska xaadiri doonaan furimaha dagaalka, isla markaana isaga oo ugu sareeya dalka uu hoggaami doono dagaalka. “Qof dambe oo la sugayo maanta ma jirto, anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda ah waa ikanaa, waan idiin imid, wasiirradii iyo saraakiishii ciidamada ayaa dagaalka soo gelaya, cid maqan ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa maanta boqolaal macawiisley ah kula kulmay degmada Raageceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay isku dhaarsadeen isaga iyo geesiyaasha macawiisleyda. “Guushiina guul Soomaaliyeed waaye, Soomaali kasta idinka ayuu idin sugayaa, balan ayaan wada galnay, dagaalka Al-Shabaab go’aan ayaa nooga yaalla inaan fulino diyaar ma u nahay? Guuleysta waan idiin soo noqon doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo Tuute iyo Bistoolad xiran, gacmahana kor u taagaya. Madaxweynaha oo diyaarad militeri Muqdisho ka qaatay ayaa Raagaceelle uga sii gudbay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo saldhigga hoggaaminta dagaalka u noqon doonta. Madaxweynaha ayaa dadka reer Raageceelle ku bogaadiyey sida ay deegaankooda uga difaacdeen Khawaarijta, wuxuuna balan kula galay inay xoreeyaan deegaano hadda ku jira gacanta cadowga. “Waligiis deegaankiina Shabaab ma imaan, jaceyl idinkuma deynin ee tabar ayaa u diiday, sida aad isku dhaarsateen oo hubkiina u wada qaadateen ayaa la idinkaga baqay, sharaf ayaad ku nooshihiine guuleysta oo sharaftiina difaacda,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday howlgalka ciribtirka Khawaarijta Daacish ee ka socda Puntland ayaa sheegay in guusha ay gaarayaan ciidamada Puntland ay tahay guul ay Soomaaliyeed, “Anagaa iska leh waa guusheena xoreynta Calmiskaad,” ayuu yiri. Hoos ka daawo
  21. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu hanjabtay Dowladda Masar in laga jarayo taageerada dhaqaale ee Mareykanka haddii ay diiddo inay qaabbisho boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo kasoo barakacay marinka Gaza, sida lagu sheegay farriin uu Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, u gudbiyay Qaahira, sida uu weriyay ilo-wareed la hadlay Al-Araby Al-Jadeed. Ilo-diblomaasiyadeed Masri ah ayaa u sheegay Al-Araby Al-Jadeed in booqashadii kooban ee uu Madaxweyne Bin Zayed ku tegay Qaahira dhammaadkii toddobaadkii hore ay qeyb ka ahayd wadahadallo uu la yeeshay mas’uuliyiin Maraykan ah oo ku saabsanaa xaaladda Gaza, halkaas oo Israa’iil dib u billowday weerarradeeda milatari toddobaadkii hore. Trump ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza, oo ku sugan goob dagaal, si khasab ah loogu raro dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun—qorshe ay labaduba si adag u diideen, islamarkaana si weyn loo dhaleeceeyay, looguna eedeeyay inuu yahay isku day lagu sifeynayo qowmiyadda dhulka Falastiiniyiinta. Qaahira ayaa soo jeedisay qorshe kale oo beddel ah, kaasoo dhigaya in dib-u-dhiska Gaza loo qabto si marxalado ah, laguna daro dib-u-habeyn lagu sameeyo maamulka halkaas ka jira, balse Maraykanka iyo Israa’iil ayaa si cad u diiday. Waddamo kale oo ay ka mid yihiin Suuriya, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu taliyay in ay qaabbilaan barakacayaasha, hase yeeshee dhammaantood way ka hor yimaadeen arrintaas. Kulanka u dhexeeyay Bin Zayed iyo Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee ka dhacay Qaahira ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay dadaalka Mareykanka ee ku aaddan in Masar lagu cadaadiyo inay oggolaato in Falastiiniyiinta loo raro dhulka Sinai, oo xuduud la leh Gaza iyo Israa’iil. Sida uu sheegay ilo-wareed Masri ah oo la hadlay Al-Araby Al-Jadeed, farriinta loo gudbiyay Madaxweyne Sisi ayaa tilmaamaysay in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay oo lagu gaari karo dan-wadaag, iyadoo Masar loo ballanqaaday taageero dhaqaale oo ballaaran iyo in balaayiin doollar lagu shubo dhaqaalaha burburka kusii socda ee dalka, haddii ay oggolaato in qeyb ka mid ah shacabka Gaza loo raro gudaha Masar. Haddii Masar ay diiddo dalabkaas oo ay sii adkaysato mowqifka diidmada ee ku saabsan qorshaha muranka leh ee Trump, Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in uu taageeradiisa dhaqaale u wareejiyo dalal kale, sida uu sheegay ilo-wareedku. Qorshaha Mareykanka ayaa lagu sheegay inuu damacsan yahay in u dhaxeeya 500,000 ilaa 700,000 oo Falastiiniyiin ah loo raro woqooyiga Sinai. Arrintan waxaa sidoo kale laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil ee i24NEWS. Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in Mareykanka iyo Israa’iil ay hadda diiradda saarayaan Masar, balse marka xigta ay u jeedsan doonaan Urdun, oo ay doonayaan in ay ku dajiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed—arrin ay dowladda Urdun si adag uga hortimid. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa horey u dhistay waax gaar ah oo u xilsaaran fududeynta “ka bixitaanka ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta. Sidoo kale, mas’uuliyiin xag-jir ah oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku baaqaya in si buuxda loo la wareego Gaza iyo Daanta Galbeed, lagana dhiso deegaannadii Israa’iil ee hore looga saaray. Masar oo si cad u beenisay wararka Dowladda Masar ayaa Isniintii mar kale si adag u beenisay wararka sheegaya in ay oggolaatay qorshaha lagu rarayo Falastiiniyiinta Gaza, iyadoo lagu beddelanayo taageero dhaqaale. Qaahira ayaa horay u beenisay eedeymahaas Jimcihii la soo dhaafay. “Masar waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda cad ee ah in si buuxda loo diido qorshe kasta oo lagu doonayo in walaalaheenna Falastiiniyiinta si khasab ah ama si mutadawacnimo ah looga raro marinka Gaza, gaar ahaan in loo raro gudaha Masar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Warfaafinta Dowladda (SIS). Bayaan ayaa intaas ku daray in tallaabo noocaas ah ay sababi karto dhamaadka qadiyadda Falastiiniyiinta, isla markaana ay khatar weyn ku tahay amniga qaranka Masar. “Masar waxay qaaday culays dhaqaale iyo mid maaliyadeed oo aad u weyn sababo la xiriira mowqifkeeda ku aaddan Gaza… Laakiin marna taas kama aysan dhigin in ay oggolaato wax tanaasul ah—xitaa midka ugu yar—ee ku saabsan amniga qaran ama xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta,” ayay tiri SIS. Masar oo soo jeedisay qorshe cusub Masar ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo lagu soo celinayo xabbad-joojintii Gaza, sida ay ilo-amaanka u sheegeen Reuters Isniintii. Tani ayaa imaaneysa xilli mas’uuliyiinta caafimaadka Falastiiniyiinta ay sheegeen in ugu yaraan 65 qof lagu dilay duqeymo Israa’iil ka geysatay Gaza 24-kii saac ee ugu dambeysay. Qorshahaan cusub, oo lasoo jeediyay toddobaadkii hore, ayaa ka danbeeyay markii Israa’iil dib u billowday weerarradeeda cirka iyo dhulka 18-kii Maarso, taasoo soo afjartay xabbad-joojin socotay laba bilood, kaddib 15 bilood oo dagaal ah oo sababay dhimashada in ka badan 60,000 oo qof, kuwaasoo badankood ahaa rayid. Qorshaha Masar wuxuu dhigaya in Xamaas toddobaad kasta sii deyso shan maxbuus oo Israa’iili ah, halka Israa’iil ay bilaabeyso wajiga labaad ee xabbad-joojinta usbuuca xiga, sida ay sheegeen labo ilo-amaanka. Xamaas ayaa weli haysta 59 maxbuus, iyadoo la rumeysan yahay in 24 ka mid ah ay weli nool yihiin. Intii kalena waxaa lagu sii daayay is-weydaarsiyo kala duwan oo hore loo gaaray. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Mareykanka iyo Xamaas labaduba ay oggolaadeen qorshahan, laakiin Israa’iil wali kama aysan bixin wax jawaab ah. Mas’uul ka tirsan Xamaas oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in “soo jeedinno kala duwan” ay socdaan, islamarkaana la isku dayayo in la yareeyo farqiga, si loo helo is-afgarad horseedi kara wajiga labaad ee heshiiska. Qorshaha Masar waxa uu sidoo kale ka kooban yahay jadwal qeexaya in ciidamada Israa’iil si buuxda uga baxaan Gaza, iyadoo Mareykanka uu bixinayo dammaanad qaad, taasoo lagu beddelanayo in la sii daayo dhammaan maxaabiista harsan. Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga ee Israa’iil, Ron Dermer, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan Washington kula kulmo mas’uuliyiin Maraykan ah, si ay uga wadahadlaan doorka Israa’iil ee la xiriira maamulkeeda milatari ee marinka Gaza, sida uu sheegay The Times of Israel, oo soo xigtay ilo Israa’iili ah.
  22. The Federal Republic of Somalia has expressed its deep appreciation to Türkiye for its steadfast solidarity and cooperation in supporting Somalia’s ongoing fight against the terrorist group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  23. One thousand five hundred families in Ali-Waal area of Mudug region, central Somalia, are facing dire living conditions due to the loss of most of their livestock over the past three months. This has happened because of the lack of pasture and water following two and a half years of poor rainfall. Source: Hiiraan Online
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay deegaannada lagu abaabulayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaddib markii uu magaalada Muqdisho kulammo muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kula hadlay boqolaal ka mid ah halyeeyada Macawisleyda, oo door muuqda ka qaadanaya difaaca deegaannadooda. Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed. Intaa kaddib, Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu si toos ah uga hoggaamin doono abaabulka iyo howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyada oo taageero buuxda siinaysa shacabka iyo ciidanka dagaalka kula jira kooxaha nabad-diidka ah. Source: goobjoog.com
  25. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (25.03.2025) ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadka Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Khudbada Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga go’an tahay in si hagar la’aan ah loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ee bulshada JSL. Madaxweynaha waxa uu sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba la hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalkeena, iyada oo la ballaarinayo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, casriyeynta Xarumaha adeega Caafimaadka ee aasaasiga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka, iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxa uu ku booriyay dhammaan daneeyayaasha – Hay’adaha dawladda, Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada – in ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha caafimaad si aynu u hiigsano horumar waara oo ah xagga adeegyada caafimaadka. Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid leh dhiiri-gelin, isla markaana yididiilo gelinaya kalsoonida ay muwaadiniinta JSL ku qabaan barnaamijka tayaynta adeegyada caafimaadka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Dhinaca kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si qoto dheer oo farshaxannimo leh u faah-faahiyey ujeedada sugan ee Siyaadasada Guud ee Caafimaadka Qaranka ee xilliga dhaw iyo xilliga dheer. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay masuuliyiinta Wasaaraddu ku soo koobeen ujeedada Siyaasadda Caafimaadka Qaranka waxa ugu mudnaa: 1. Aasaaska iyo Hirgelinta Caymiska caafimaadka qaranka (National Health Insurance), 2. Qorsha Maalgalinta Caafimaadka Qaranka (National Health Financing Strategy), 3. Nidaamka Daadejinta Caafimaadka heer Degmo. (National health Decentralization Plan), 4. Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Daneeyayaasha Caafimaadka, 5. Fududaynta Adeegyada Caafimaad ee Dadka la nool Baahiyaha gaarka ah. 6. La Tacaalidda Xanuunnada Raaga, 7. Aasaaska Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Somaliland (Somaliland CDC) . 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Qaran News