Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least 25 al-Shabaab terrorists were killed when the Somali military carried out precision airstrikes on the terror group’s positions in the Lower Juba region, the Defense Ministry said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  2. Qatar Charity’s (QC) persistent efforts against drought has restored hope in a Somali village, according to a statement issued as part of the International Day to Combat Desertification and Drought, observed on June 17. Source: Hiiraan Online
  3. Veteran midwife Maryan Abdulkadir Haji, 62, has been hailed by her community for her dedication and achievements during a 34-year career in maternal health care that has saved the lives of countless mothers and their babies in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. A Kenyan police officer has been arrested over the shooting of an unarmed face mask vendor Tuesday during violent protests in Nairobi, the National Police Service (NPS) confirmed. Source: Hiiraan Online
  5. Russia is telling the United States not to strike Iran because it would radically destabilise the Middle East, Russian Deputy Foreign Minister Sergei Ryabkov said on Wednesday, and Moscow said Israeli strikes risked triggering a nuclear catastrophe. Source: Hiiraan Online
  6. Xabi Alonso got off to a disappointing start at Real Madrid as the Spanish giant was held to a 1-1 draw by Saudi Arabia’s Al Hilal in the Club World Cup on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cismaan Maxamuud Cismaan, kaasi oo loo haysto fal dil ah oo xalay ka dhacay magaalada Qardho. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sakariye Ciise, da’diisuna lagu qiyaasay 19 sano jir, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo loo adeegsaday toorey. Marxuumka ayaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Qardho, balse waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday sababo la xiriira dhaawacyada. Markii uu dhacay falkani, Ciidanka Booliska waxay isla markiiba bilaabeen baaritaan degdeg ah iyo hawlgal qorshaysan, taasoo keentay in eedeysanaha la soo qabto saacado kadib. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Xussen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in laamaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xaqiijinta iyo qabashada eedeysanaha. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay shacabka magaalada Qardho oo la shaqeeyay ciidanka, taasoo suuragelisay in eedeysanaha si dhaqso leh loo aqoonsado loona soo qabto. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, isagoo xusay in ciidamada ammaanku sii laba-jibaari doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo hubka sharci-darrada ah, gaar ahaan toorida iyo qalabka kale ee khatarta ah. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto dil xalay ka dhacay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  8. U.S. Delegation Visits Hargeisa Ahead of Key Ethiopia Talks U.S. Ambassador to Somalia Richard Riley and AFRICOM officials arrive in Hargeisa for meetings on economic and security cooperation, just before Somaliland FM Abdirahman heads to Addis Ababa. The visit comes as a U.S. House bill on Somaliland gains Republican momentum, including backing from Senator Ted Cruz Daily Euro Times Qaran News
  9. Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre wuu cafiyay dhammaan kuwa naaneysyada meel-ka-dhaca ah u bixiyay isaga. Boosaaso (Faallo PP) — Maanta wuxuu Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir meel uga dhacay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Waxa uu ku tilmaamay Ra’iisal Wasaaraha ma aha wax qalinka la soo marin karo. Labo sano ka hor Madaxweyne Deni ayaa xilka uu hayo Ra’iisal Wasaare Xamse si aan ku habbooneyn uga hadlay. Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa si hufan uga falceliyay hadalka uu Wasiir Maxamuud Ceydiid meel uga dhacay dhalashada Ra’iisal Wasaare Xamse. Maxamuud Caydiid wuu u gefay Ra’iisal Wasaare Xamse. Boqor Burhaan waxaa saaran waajib ah inuu ka hadlo afxumada Wasiirka Warfaafinta ee Puntland waayo aamusnaanta waxaa loo fasiran karaa taageerada afxumada. Waxaa intaas dheer, in tiirarkii is xaqdhowrka oo asaas u ahaa Puntland ay meesha ka bexeen. Haddii maamulka Puntland iyo Madaxda dhaqanka Daarood iska fogeyn waayaan cayda Wasiir Maxamuud Ceydiid kula kacay Ra’iisal Wasaare Xamse, waxaa si dhab ah loogu qaadanayaa inay ku taageersan yihiin Wasiir Ceydiid afxumada. © Puntland Post, 2025 The post Boqorka Daarood Waa Inuu Ka Hadlo Meel-ka-dhaca Magaca Puntland Loogu Geystay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre appeared first on Puntland Post.
  10. Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa fariin muhiim ah u dirtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iran, gaar ahaan kuwa doonaya inay isaga soo baxaan dalkaasi sababo la xiriira dagaallada halkaas ka socda. Qoraal ay safaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Iran ee doonaya inay ka baxaan dalkaasi la farayo inay la soo xiriiraan safaaradda si loo siiyo kaalmo iyo taageero ay ugu laaban karaan si nabad ah dalkooda Soomaaliya. Fariintan ayaa ah mid degdeg ah oo lagu muujinayo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto xaaladda amni ee Iran iyo sida ay dooneyso in ay u badbaadiso muwaadiniinteeda. Safaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay lambarka telefoonka lala soo xiriiri karo oo ah: +905345933990. Tani waxay muujineysaa doorka ay dowladdu ka qaadaneyso ilaalinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, iyadoo laga jawaabayo xaaladaha amni darrida ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe. Source: goobjoog.com
  11. Dowladda Puntland oo warbixin kooban soo saartay ayaa shaacisay in ciidamada difaaca Puntland si buuxda ugu guulaysteen Hawlgalkii Calmiskaad ee ciribtirka mileeshiyaadkii Daacish. Shax u samaysan khariirad oo ka soo baxday xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayuu xafiiskaasi ku muujiyay dhammaan degaannada laga xoreeyay Argagixisadii Daacish laga soo bilaabo wejigii kowaad ilaa wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad. Masaafo dhan 420km ayaa si dhammaystiran looga sifeeyay mileeshiyaadkii Daacish tan iyo bilowgii Hawlgalkaasi oo ka soo dhaqaaqay degaanka Dharjaale ee Uur-caleed ilaa togga Miraale oo uu ku geba-geboobay wejigii saddexaad, siday muujinayso shaxda u samaysan khariiradda ee ka soo baxday Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad. Dowladda Puntland, waxay sheegtay in 98% la xoreeyay dhulkii argagixisadu haysatay ee Calmiskaad, islamarkaana 2% harsan laga sifaynayo firxad kooban oo weli ku go’doonsan godad cayiman, waxaana hadda socda wejiga afraad ee Hawlgalka oo la qiyaasayo in uu wakhti yar qaato. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay si buuxda ugu guulaysatay Hawlgalkii Calmiskaad ee ciribtirka Daacish appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland qorshaheeda ugu weyn ee horumarku uu yahay in awoodda la saaro laba meelood, qabashada biyaha iyo wax soo saarka cuntada, taasi oo uu dalka ku gaadhi karo isku filaansho iyo wax dhoofin. Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland, waxa uu intaas ku daray in xukuumadda Somaliland waddo qorshe ay ka wada shaqeynayaan dalalka Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, laguna sameynayo beerista Qamadigii ugu badnaa ee ka soo go’a gayiga Somaliland, kaas oo noqonaya sida qorshuhu yahay mid ku filnaada ama doboola baahida Qamadiga ay WFP keento Afrika, lana doonayo inay ka qaadato dalagyada Qamadi ee ka soo go’a Somaliland. Qorshahan ayay iska kaashanayaan Dowladda Somaliland, Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, iyada oo beero waa weyn laga sameynayo gobolka Daad-madheedh. Geesta kale sida wasiirku sheegay waxa degaanka Xaaxi laga hirgelinaya Dhaam-biyoodyo baaxad weyn leh oo qaada 10 milyen oo foosto. Waxa kale oo dib u habayn lagu sameynayaa il-biyeedyadii hore ee wax ka xumadeen, waxaana la hirgelinayaa Riig-biyoodyo cusub. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa yidhi “Degaankan Xaaxi, ducadii Dariiqada ayaa ku soo baxday oo waxqabadka ugu badan in halkan laga qabto ayaa qorshaysan. Waxa la doonayaa in halkan laga dhigo haddii ILLAAHEY yidhaahdo oo waliba degdeg loo bilaabo oo laga sameeyo beero waaweyn, kuwaas oo la doonayo in daboolaan baahida wax-soo-saarka Qamadiga ee Mareykanka iyo WFP inoo keenaan, kuwaas oo laga soo iibin jiray Maraykanka iyo meelo kale. waxaana qorshaha ku jira in eeriyadan Oodweyne meel ay ka noqotoba laga sameeyo beero waa weyn, ceel biyoodna waa laga sameyn doona, halkii Mareykanka laga keeni lahaa ee kharash badani ku bixi lahaa, waxa lagu talo jiraa oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro ka go’an in halkani noqoto meesha Afrika laga quudiyo, waaney ku jirtaa qorshaha, sahanadiina waa la qaaday, waa la soo sameeyay dhamamkii. Meesha biyaha iyo beerahaba loo soo doonanayaa waxay noqonaysa Oodweyne haddii ILLAAHEY yidhaahdo” Geesta kale, sida wasiirku sheegay waxa degaanka Xaaxi laga hirgelinaya Dhaam-biyoodyo waaweyn oo qaadaya 10 milyen oo foosto. Waxa kale oo dib u habayn lagu sameynayaa il-biyeedyadii hore ee wax ka xumadeen, waxaana la hirgelinayaa Riig-biyoodyo cusub. Waxaanu yidhi “Degaanka Xaaxi ee degmada Oodweyne biyuhu aad bay ugu yaraayeen, biyo soo saarkeeduna dhawr jeer ayay fashilantay, balse hadda aad ayaa looga baaraan degayaa sidii loogu guuleysan lahaa, haddii ILLAAHEY yidhaahdo riigani dhawaan waxa uu bilaabi doona qodista, 90% ayaanu rajeynayna in biyo fiican laga helo degaankan. Waxaana la doortay goobtii ugu biyaha badneyd,. Waxaan ugu bushaareynayaa in waxqabadka ugu badan laga qaban doono degaanka Xaaxi, waxa aanu halkan ka hirgelin doona laba Dhaam oo nashqadoodu qaadeyso 10 milyen oo foosto.” Wasiirku waxa uu sheegay in mashruucani uu ka duwan yahay mashruucyadii hore loo yaqaanay waxaanu yidhi “Mashruucani wax badan ayuu dheeryahay mashruucyadii hore, qorshuhu waxa weeye in bacdii la dhigo, silig in lagu wareejiyo isla markaana dayr weyn loo sameeyo, Sollar loo sameeyo, Ijiin loo sameeyo, taangiyo loo sameeyo dararkii xooluhu ka cabayeen loo sameeyo sidoo kalena loo sameeyo goobihi dadku ka cabayeen, waxa kale oo uu dheer yahay laba qodob oo mihiima, mashruuca beeraha iyo shinnida, markaa waxaad arkaysa in dadaal badani socdo.” Qaran News
  13. Shabakada Black Agenda Report oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa daabacday Warbixin ay isku barbardhigtay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan oo ay ku sifaysay labada dal oo iskood isku xukuma oo dimuqraadi ah oo aan caalamka ka haysan aqoonsi caalamiya. Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Somaliland lagu tilmaamo “Taiwan-ta Afrika” marka la eego dhinaca is xukunka, dawladnimada iyo hannaanka dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee ka taabbogalay. Waxa kaloo shabakaddu ka warrantay cilaaqaadka saaxiibnimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan. Waxaanay xustay in 12 dal oo yar yari aqoonsan yihiin madaxbanbnaanida Taiwan. Warsidaha Black Agenda Report wuxuu sheegay in Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska sannakii 1960 ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii. Waxa kaloo shebakaddu bayaamisay in Somaliland ay xilligan xoojinayso iskaashiga amniga ay la leedahay dalalka midowga Yurub, Maraykanka iyo isbahaysiga NATO. Waxaannu hoosta ka xariiqeen inay Somaliland ku taallo bogcad istaraataji ah, isla markaana leedahay marso caalami ah oo keenaysa in caalamku iskaashi la yeesho. Warsiduhu wuxuu ka xaal-warramay in xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Maraykanka ay ku badanayaan kuwa taageersan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa warbixinta Black Agenda Report ay tusaale u soo qaatay in Senator Ted Cruz uu taageeray Somaliland, isla markaana sheegay in Shiinuhu uu doonayo inuu wiiqo xidhiidhka iskaashi iyo diblomaasiyaddeed ee Somaliland iyo Taiwan. Ugu dambayn, waxa warbixintu ay sheegtay in Somaliland iyo Taiwan ay yihiin laba dal oo iska shabaha dhinaca dimuqraaddiyadda iyo halganka aqoonsi raadinta, hase ahaatee ay wajahayaan caqabado isku eg oo labada dalba ay ka go’an tahay inay ka gudbaan oo ay helaan aqoonsi diblomaasiyaddeed. Qaran News
  14. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar ayaa shaqa-joojin rasmi ah ku sameeyay agaasimihii waaxda diiwaangelinta codbixiyaasha ee PEC, Maxbuub Nuur Siciid. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha PEC ayuu shaqada kaga joojiyay agaasime Maxbuub Nuur Siciid, kaddib markii uu ku eedeeyay amar-diido iyo Shaqo ka maqnaansho joogta ah cududaar la’aan”waxaa cadaatay Agaasime (Maxbuub Nuur Siciid) inaad ku kacday, dayacaad shaqo, amar diido, Shaqo ka maqnaansho joogta ah cududaar la’aan iyo ku-xadgub waajibaad xafiis.” “Sidaa darted, si waafaqsan qodobka 39aad farqadiisa 3aad Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah eePuntland, waxaa laga joojiyey shaqadii, Mushaharkii iyo Gunadii, waxaana reeban in aad usoo dhowaado Xafiiska Guddiga Doorashooyinka Puntland” ayaa lagu yiri warqadda shaqa-joojinta ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha PEC, Axmed Maxamuud Cumar. Warar lagu kalsoon yahay ayaa dhinaca kale sheegaya in agaasimihii waaxda diiwaangelinta codbixiyaasha ee guddiga doorashooyinka PEC, Maxbuub Nuur Siciid iyo xubno badan oo ka tirsanaa PEC ay bil ka hor ku biireen guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay ee Villa Somalia. Halkan ka akhriso shaqa-joojinta PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo bool-bool u furtay guddigii doorashooyinka Puntland ee PEC appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka jawaabay hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul wasaare Xamse, kaasi oo ku eedeeyay xukuumadda Siciid Deni in ay ciqaab ku hayso shacabka Puntland. Wasiir Maxamuud Caydiid oo ka falcelinayay hadalkaasi ayaa beeniyay in xukuumadda Siciie Deni ciqaabtay shacabka Puntland ama go’doon gelisay, waxaana uu Ra’iisul wasaare Xamse ku tilmaamay qof marxuum ah, oo u baahan in laga xoreeyo Villa Somalia, islamarkaana aan awoodin in uu wax go’aan ah ku yeesho Xafiiskii loo magacaabay ee xilka Ra’iisul wasaaraha dalka. Wasiir Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaki geliyay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamse, oo uu ku tilmaamay mid ka haray dadkii Xamar looga qaxay burburkii Soomaaliya ee sannadkii 1991, waxaana uu xusay in aan la hubin Reerka uu sheegto in uu ka soo jeedo. ” Marxuum Xamse wuxu yiri:shacabka Reer Puntland baa ciqaaban, balse isaga ayaa ciqaaban oo xoreyn u baahan, wuxu awoodi waayay in uu wax go’aan ah ku yeesho xafiiskii loo magacaabay ee xilka Ra’iisul wasaaraha dalka, waa marxuum aniga dhalashadiisi ayaaba shaki igaga jiraa dadkii Xamar looga qaxayna waa ku jiray” ayuu yiri Wasiir Caydiid. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaki gelisay dhalashada Ra’iisul wasaare Xamse kuna tilmaantay marxuum appeared first on Puntland Post.
  16. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dowladda Iran ay gacanta ku hayso qorshe gebi ahaan lagu burburinayo nadaamkooda, islamarkaana khariidadda bariga dhexe looga tirtirayo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo u warramay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa in Iran ay waddo qorshe istiraatijiyadeed oo ay ku baabi’inayso Israa’iil, asagoo intaas ku daray inaysan aqbali doonin khatartaas. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii 6-aad ay socdaan duqeymaha Iran iyo Israa’iil, islamarkaana labada dhinac uu kala gaaray khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur. Source: goobjoog.com
  17. Dhammaan Golaha Wasiirada Puntland oo farriin kooban loo diray ayaa lagu wargeliyay meel ay joogaanba in ay deg deg ku soo galaan magaalada Garoowe, sidaan ka xiganay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Deni. Farriintan deg deg ah ee loo diray Golaha Wasiirada Puntland ee lagu wargeliyay in ay sida ugu dhakhsaha badan ku yimaadaan Garoowe laguma xusin Ajandaha loogu yeeray Wasiirada oo qaarkood safaro ugu maqan yihiin dalka dibaddiisa, halka qaar kalena ku sugan yihiin gobollada. “Waxaa farriin deg deg ah nooga timid Madaxtooyada, waxaana na lagu wargeliyay in dhammaan wasiiradu meel ay joogaanba sida ugu dhakhsaha badan ku soo galaan Garoowe, balse wax ajande ah na looma sheegin” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xukuumadda Puntland oo aan rabin in magaciisa la xigto. PUNTLAND POST The post Dhammaan Wasiirada Puntland oo lagu wargeliyay in si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  18. Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay weeraro is dhaafsanayeen Iiraan iyo Israa’iil, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa baraha bulshada isku dhaafsaday hadallo 24-kii saacadood ee u dambeeyay. Trump ayaa Talaadadii shalay qoraal uu sp dhigay bartiisa truth ku yiri: “Waan ognahay meesha uu isku qarinayo ninka isugu yeera ‘hugaamiyaha ruuxiga ah’. “Waa bartilmaameed sahlan, balse waa ammaan – ma dili doono, ugu yaraan hadda ma dilayno. “Ma rabno inaan gantaalo shacab lagu dhufto, ama askar Maraykan ah. Dulqaadkeenu wuu sii yaraanayaa. Ku mahadsanidiin fiirintiina arrinkaan!” Dhowr qoraal oo uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei ku sheegay, in Iran aanay marnaba gorgortan ka geli doonin dagaalka Israa’iil, isagoo intaa ku daray “dagaalku wuu bilaabmay”. Waxaa la rumeysan yahay inay yihiin faallooyinkiisii ​​​​ugu horreeyay ee dadweynaha tan iyo markii madaxweyne Trump uu sheegay in Mareykanku uu ka hortagayo in la dilo Khamenei. Bbcsomali Qaran News
  19. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College. Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala, asagoo wafdiga ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada, iyo qaybaha maamulka. Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga XFS wuxuu kormeeray xarunta lagu tababaro saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen, si ay dalka ugu soo laabtaan, iyagoo xanbaarsan aqoon iyo xirfad ay uga qayb qaadan karaan amniga dalka iyo dib-u-dhiska Ciidanka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  20. Ciidamada difaaca Puntland oo shalay bilaabay wejiga afraad ee Hawlgalka Calmiskaad ayaa maanta guud ahaan gacanta ku dhigay godadkii u danbeeyay ee firxadka mileeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade. Hawlgal xooggan, oo ay jihooyin kala duwan ciidamadu kaga yimaadeen togga Baallade ayay guud ahaan kula wareegeen dhammaan ceelashii iyo goobihii ay ku harsanaayeen firxadkii ka baxsaday Miraale ee mileeshiyaadka Daacish, sida ay shaacisay dowladda Puntland. “Ciidamada ayaa ugu tagay maydadka qaar ka mid ah argagixisada, iyo sidoo kale ceelashi biyaha ay ku aasayeen ciid iyo mayd kooxda ay ka carareen. Waxaa sidoo kale la burburiyay dhismayaal iyo gabaadyo ay kooxdaasi si qarsoodi ah u isticmaali jireen ee ku yaalay togga baalade” ayay sheegtay dowladda Puntland. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu weli ku raad-joogaan tiro yar oo ka tirsan firxadkii Daacish, kuwaasi oo ka fiigay Hawlgalka lagu qabtay togga Baallade. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo maanta guud ahaan togga Baallade ka saaray firxadkii mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  21. Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye ayaa sababay in uu u kala baxo laba garab oo mid taageersan yahay xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo wasiir hore Abshir Cumar Huruuse. Bayaan ka soo baxay Garabka muxaafidka ah ee Xisbiga Mideeye oo taageersan xukuumadda Siciid Deni, kaasi oo uu hoggaaminayo Abshir Cumar Huruuse ayuu ku sheegay in xisbigoodu aysan qayb ka ahayn Shirarka Villa Somalia abaabushay ee ka socda magaalada Muqdisho. “Xisbi Siyaasadeedka MIDEEYE isagoo ka duulaya dastuurka iyo xeerarka xisbiga kuna dhaqmaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda Puntland wuxuu bulshadda Puntland, bulshadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynayaa in aanu qayb ka ahayn shirka gogosha wadatashiga qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho” ayuu bayaankaasi ku yiri garabka Abshir ee xisbiga Mideeye. Dhinaca kale, xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo taageersan dhinaca Villa Somalia ayaa ka qeyb noqday Shirarka siyaasadeed ee magaalada Muqdisho ka socda, kuwaasi oo ku saabsan hirgelinta barnaamijka qof iyo cod ee dowladda Xasan Shiikh waddo. PUNTLAND POST The post Puntland: Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay xisbiga Mideeye oo laba garab noqday appeared first on Puntland Post.
  22. Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha wada-tashiga Xukuumadda, Siyaasiyiinta, iyo hoggaamiyaasha bulshada, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka. Shirkan oo uu maalintii isniin furay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa ka maqan inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii iyo ra’iisul wasaareyaaashii hore ee dalka. Mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa shirkan horay shuruudo adag ugu xiray, balse maqnaashahooda ayaa u muuqda mid aan shirka saameyn ku yeelan. Wakiillada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta diiddan shirkan ayaa sheegaya in aanu ahayn mid loo dhanyahay, sidoo kalena ajendeyaasha looga hadlaayi aysan caddayn, halka dowladdu ay sheegtay in gogoashu cid walba u furantahay. Madaxweynaha Puntland oo dhowaan ka hadlay gogashan ayaa sheegay inaan waqtigan loo baahnayn shir keliya ku kooban talooyin la siinayo madaxda DFS, balse ay muhiimad tahay in si dhab ah looga wada hadlo xaaladda dalka, go’aamo wadar oggol ahna la qaato si dowladnimada loo badbaadiyo. Si kastaba ha ahaatee waxaa saluug laga muujinayaa natiijada ka soo bixi karta shir ay hoggaamiyeyaashii ugu waaweynaa mucaaradka iyo maamulladii dowladda ka aragtida duwanaa ka maqanyihiin, balse qabashada ogoshadan ayaa loo arkaa tillaabo muhiim ah. Source: goobjoog.com
  23. Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa beegsaday Cabaas Maxamed Hool, oo la tuhunsanaa in uu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay inuu door ku lahaa abaabulka weerarro ka dhacay Gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle. Cabaas ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray intii uu socday howlgal qorshaysan oo ciidamadu hore u fuliyeen, iyadoo wararka la helay ay tilmaamayaan in dhaawacaasi markii dambe sababay xaalad caafimaad darro oo ugu dambeyntii keentay geeridiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabaas Hool uu ku jiray liiska xubnaha muhiimka ah ee ay ciidamada ammaanku muddo raadraacayeen, iyadoo la tixraacayo xogaha ay hayaan hay’adaha sirdoonka ee dalka. Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka, iyaga oo diiradda saaraya dadka lala xiriirinayo falalka amni darro ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  24. Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa qorshaynaya in la ballaariyo xayiraadda socdaalka, iyadoo laga mamnuuci karo muwaadiniinta 36 dal oo dheeraad ah inay galaan dalka Mareykanka, sida lagu sheegay dukumentiyo qoraal ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters. Horaantii bishan, Trump ayaa saxiixay amar mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal inay soo galaan Mareykanka, isagoo sheegay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo amniga qaranka Mareykanka, loogana hortago argagixisada shisheeye iyo khataraha kale ee amni. Tallaabadan waxay qeyb ka tahay olole adag oo ka dhanka ah socdaalka oo uu Trump bilaabay sanadkan bilowgii, kaas oo la kowsaday islamarkii uu xafiiska yimid, waxaana ololehaas waxaa ka mid ah dib u celinta boqolaal qof oo ka soo jeeda Venezuela, kuwaas oo loo malaynayo in ay ka tirsanyihiin kooxo burcad ah. sidoo kale maamulka Trump wuxuu wadaa dadaallo lagu hor istaagayo ardayda ajaanibta ah iney iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Mareykanka, halka kuwo kale la musaafuriyey. Dukumentiyada la helay oo ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo uu saxiixay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ayaa lagu sheegay in laga walaacsan yahay arrimo badan oo ku saabsan dalalka la tilmaamay, waxaana la dalbaday in dalalkani ay wax ka beddelaan arrimahaas. Qoraalka ayaa sheegaya in Wasaaraddu ay astaysay 36 dal oo laga walaacsan yahay, kuwaasoo laga yaabo in gebi ahaan ama qeyb ahaan laga joojiyo gelitaanka Mareykanka haddii aysan buuxin shuruudaha iyo heerarka loo baahan yahay 60 maalmood gudahood. Qoraalka ayaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay wargeyska Washington Post, waxaana mid ka mid ah arrimaha ay Wasaaraddu sheegtay uu ahaa in qaar ka mid ah dowladahan aysan lahayn xukuumad karti leh ama iskaashi lahayn Mareykanka si ay u soo saaraan dukumiinti aqoonsi oo lagu kalsoonaan karo. Source: goobjoog.com
  25. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in guud ahaan Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia, islamarkaana sheegeen in ay ka guurayaan, kaddib markii ay ku fashilantahay dagaalkii Argagixisada, taasi oo keentay in ay lumiso Kalsoonidii Beesha Caalamka. “Beesha Caalamku maalin walba waa ka deyrinayaan Xasan Shiikh oo waxay lee yihiin waa ku khasaarnay, waan ka guuraynaa, laguma kalsoonaan karo, xog sirdoon laguma aamini karo” waxa sidaasi yir wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo xalay warbaahinta kula hadlay Garoowe. Dhinaca kale, wasiir Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in dowladda Puntland kalsooni buuxda ka heshay Beesha Caalamka, oo ay u horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, islamarkaana loo aqoonsaday saaxiib dhab ah oo dunida kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. “Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Mareykanka waxay kalsooni buuxda ku qaadeen in Puntland tahay saaxiib dhab ah oo kala shaqeynaya ka hortagga Argagixisada Caalamiga ah. Waad arkaysay dorraad buurta halka ugu sarraysa in diyaaradaha Mareykanku ciidamada Puntland Raashin ugu daadinayeen” ayuu sii raaciyay wasiir Caydiid. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in Beesha Caalamku ka aamin-baxday Villa Somalia oo ka guurayaan appeared first on Puntland Post.