-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyn uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed. Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay. Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen. Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley. Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Madaxtooyadda ku saxiixay… appeared first on Caasimada Online.
-
Fauzia Azim Tahir ayaa BBC-da kala hadlaysay gabadheeda oo koomo ku jirtay ku dhawaad 15 sano. Inanteeda waxaa la yiraahdaa Fakhra Axmed. Sannadkii 2009, Fakhra Axmed waxa la dhigay cusbitaalka si ay u umusho. Tan iyo markaasna waxay ku jirtay koomo. Laba maalmood ka dib umesheedii, Fakhra ilmaheeda ayaa isna ku dhintay isbitaalka. Maxkamada sare ee Pakistan oo uu markaasi hogaaminayay Iftikhar Muxamed Chaudhary ayaa ka war heshay dhacdadan iyadoo baaritaan lagu sameeyay geerida Fakhra Axmed, waxaa la sheegay in geerida Fakhra Axmed ay sabab u tahay dayacaad ay ku sameeyeen dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala isbitaal gaar loo leeyahay. . Aabaha dhalay Fakhra Axmad oo la yirahdo Qazi Ismail Tahir waxa uu yiri: “Dhibaatooyinka ina soo maray iyo xanuunkii na soo maray 15-kan sano hadak lagum sifayn karo”. Fakhra Axmed waxa ay ka shaqaynaysay bangi ka hor inta aanuay koomo gelin waxa ay sidoo kale daabacday waraaqo cilmi baariseed oo badan. Aabaha dhalay Fakhara, Qazi Ismaaciil Taahir ayaa sheegay in xitaa markii ay Fakhara u timid gurigiisa si ay u umusho, ay qoreysay majalad cilmi baaris ah oo ay ka codsatay in ay ku soo dirto boostada. Ismaaciil waxa uu sheegay in Fakhra, oo ah curad afar caruur ah oo uu dhalay, ay ku wacnayd waxbarashada ilaa yaraanteedii. Fakhra intii ay ka shaqaynaysay Bangiga waxa ay wadday waxbarasho heer sare ah, waxa aanay sidoo kale u faa’iideyn jirtay carruurta doonaysa in ay noqdaan shaqaale Bangi. Fakhra waxaa la dhalatay laba gabdhood iyo wiil oo dhakhaatiir ah. Walaalkeed Roshan Axmed oo ah walaalkeed ka yar oo dib u xasuusanaya noloshii walaashii ayaa yiri, “Si fiican ayaan u xusuustaa markii ay Fakhra guriga noogu timid iyada oo xaamila ah, waxaan markaas dhiganayay fasalka sagaalaad. Zubaida, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Nishtar Teaching Hospital ee magaalada Multan, waxay ka shaqaynaysay qaybta ICU in ku dhow 12 sano, waxayna muddadaas la socotay xaaladda Fakhra Axmed. Zubaida waxay sheegtay in iyada iyo shaqaalaha kale ee cisbitaalku ay ‘xiriir’ wanaagsan la sameeyeen Fakhra. Zubaydah waxay tiri Fakhra indhaheeda way kala qaadi jirtay, laakiin ma aysan dhaq-dhaqaaqi karin, wax yar ayay fahmi kari jirtay, wax ka fikiri jirtay, inta badana markaan qolka ku jirno, mararka qaarkood indhuhu ayay rogi jirtay oo na soo eegi jirtay. Qazi Ismaaciil Tahir ayaa yiri “Baaritaano ay sameeyeen Maxkamada Sare ee Pakistan, Ururka Dhakhaatiirta iyo Ilkaha Pakistan iyo Dowlada Punjab waxay ku cadeeyeen in xaalada Fakhar ay sabab u tahay dayaca Dhaqaatiirta iyo Shaqaalaha Isbitaalka gaarka loo leeyahay, balse ilaa iyo hadda ma ogi cid dacwad lagu soo oogay”. Waxa uu sheegay in Fakhra ay ahayd in ay si caadi ah u umusho, balse waxaa lagu muday ‘irbadda suuxinta’. Waxa diiwaanka ku jira in anaga iyo Fakhra toona ogolaansho laga qaadin. Qazi Ismaaciil Tahir waxa uu yiri, “Warbixinta baaritaanku waxa kale oo ay cadaysay in aanu jirin nidaam lagula socon karo oo lagu baaro dhiigkarka Fakhara. In muddo ah qofna lama socon xaaladdeedar markay koomada galeysay. Waxa uu yiri, “Ambalaas ma joogin cisbitaalkaas gaarka loo leeyahay. Ambalaasta dibadda ayaa looga soo wacay.” Sannadkii 2009-kii, sida uu dhigayo amarka Maxkamadda Sare ee Pakistan, Madaxa Caafimaadka ee Degmada, Guddi baaritaan oo ka kooban saddex xubnood oo uu madax u yahay Iftikhar Xusseen Qureshi ayaa la sameeyay, kuwaas oo warbixintooda ku qoray, “In dhammaan dhibaatooyina Fakhra ay bilaabeen markii ibadda suuxinta ka dib ayna irbada ku durtay umuliso aan khibrad u lahayn suuxdinta, xaaladda bukaanka waa ay ka sii dartay, dhakhtarka haweenka ee joogana wuu cabsaday mana siin karin bukaanka CPR sax ah.” Warbixintu waxa sidoo kale lagu yiri: “Dhakhtarka haweenka waxa uu wakhti badan ku lumiyey in uu u yeedho dhakhtar kale, dib u dhaca ku yimi neefsiga macmalka ah waxa uu sababay in bukaanka uu dhaawac weyn ka soo gaaro maskaxda”. Sida laga soo xigtay warbixinta, “waxay ahayd mas’uuliyadda isbitaalka in uu joogo takhtar suuxiya inta lagu jiro xilliga dhalmada.” Warbixinta ayaa ku eedeysay maamulka isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Multan inay mas’uul ka yihiin xaaladda Fakhar. Waxa la sheegay in dhakhtarku isna dayacay arrintan. Waxay waalidkeed sheegeen in lacag ceymiska ay ka heshay Fakhar ay u suurogelisay inay geeyaan isbitaal ku yaalla Shiinaha si wax looga qabto xaaladda gabadhooda balse nasiib darro halkaasna waxba looga soo qaban waayay. Waxay sheegeen inay dantu ku qasabtay inay halkoodii ku soo noqdaan oo ay geeyaan isbitaalka Multan’s Nishtar Hospital. Isbitaalka oo ka fogaa gurigooda darteed ayaa waxay guri ka kireysteen meel u dhaw isbitaalka si ay ula socdaan oo ay u caawiyaan xaaladda gabadhooda. Fakhra hooyadeed waxay had iyo jeer la joogtay isbitaalka muddadaas oo dhan. “Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, hal mar oo kaliya ayaan magaalada ka baxay, markii hooyaday dhimatay,” ayay tiri. Aabaha dhalay Fakhar, Qazi Ismail Tahir waxa uu leeyahay “Ma dhaheyno dhamaan dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadku waa kuwa dayaca bukaanadooda, laakiin waa in aan xasuusannaa in aanay xirfaddan meelna uga banaanayn dayacaad iyo khaladaad”. Waxa uu yiri “Waxa aanu doonaynaa in sheekadeenii 15-ka sano ahayd ay maqlaan dhakhaatiirta iyo hawl-wadeennada caafimaadka ee dalka oo dhan si aanay mustaqbalka cid kale u soo gaarin xanuunka iyo dhibaatada qoyskayagu soo food saartay”. bbcsomali Qaran News
-
Sir Keir Starmer ayaa xaqiijiyay in qorshihii muhaajiriinta loogu musaafurin jiray dalka Rwanda uu ‘’dhintay, lana aasay’’ maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay. Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha waxa uu sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka. Xisbiga shaqaalaha ayaa ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda 310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK. Shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu bilaaban.’’ Waxa uu ku dooday in qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada. Culeysyada dhaqaale ee lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha, wali lama garanayo. Soo gabagabeynta qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo. bbcsomali Qaran News
-
Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza ayaa lagu dilay wasiir ku-xigeenka shaqada ee Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Xamaas Axaddii. Ehab al-Ghussein ayaa lala dilay saddex qof oo kale, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka deg-degga ah ee rayidka. Israa’iil ayaa duqeymo halis ah ka geysatay marinka Qaza maanta oo Axad ah iyadoo dagaalku uu galay bishii 10-aad. Dagaalka iyo duqeymaha ka socda Qaza ee go’doonsan ayaa si aan kala go’ lahayn u socda maanta, iyadoo dhaqaatiirta iyo gurmadka deg degga ah ee dhulkaasi ay sheegeen in ay jiraan dhimasho hor leh. Sabtidii, wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 16 qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday iskuul ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA kaas oo hoy u ahaa dad barakacayaal ah oo ku nool deegaanka al-Nuseirat ee badhtamaha Gaza. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley. Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku yaalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Danjire Richard ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida weyn ugu garab istaagay dowladda federaalka dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii uu billowday dagaalka argagixisada. Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in taageeradeeda dhinaca saanada hubka ee uu la garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonto tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho, islamarkaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada. Tan iyo markii ay bilowdeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka weeraro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, inkasta oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid duqeymahaas oo badi lagu beegsan jiray xubnaha iyo saraakiisha sar-sare ee kooxda. Mareykanka ayaa sidoo kale tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. The post DF iyo Mareykanka oo wada-hadal xasaasi ah ku yeeshay Xalane + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Murrashaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaabilay Xil Cabdirashiid Haybe Faarax Iyo xil Caydaruus Muxumed Sh Cumar oo Golaha Degaanka Degmada Gabiley ka tirsan kuwaas maanta ku soo biiray Xisbiga Waddani. Kulanka Murashax Labada Xildhibaan La Yeesheen Ayaa Wax Goobjoog ka Ahaa qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley Kulankaas ayaa labada Xildhibaan Ka Sheegeen Inay Qayb Ka Noqon doonaan Sidii Murrashax Cirro Kursiga Madaxweynaha Soomaliland loogu dooran lahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalada qabiilka ayaa dib usoo cusboonaaday dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay. Inkastoo Soomaalida ay weligeedba qabiil isku dileysay, haddana mardhexe ayay xooga hoos u dhaceen dhibaatooyinka, laakiin sanadahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku dhaqaaqeen. Gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose iyo Bay ayaa dhamaantood sanadkaan gudahiisa waxaa ka dhacay dagaallo qabiil oo ay dad badan ku dhinteen. Qaarkood weli xal rasmi ah lagama gaarin. Waxaa la yiraahda qabiilada Soomaalida toos uma heshiiyaan ee waan-waantooda xabada labaad ayey daahisay. Macnaheedu ma ahan in aan la xalin karin mushkiladan, laakiin weli ma isweydiisay yaa isku xil-saaray inay 100% soo afjaraan taxanahan. Dalka waxa uu qaatay nidaam federaal ah, taas oo macnaheedu yahay in deegaan walba ka jiro maamul goboleed, waxaa kale oo jirta wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka. Dhamaantood waxay ka shaqeynayaan mashaariic afka baarkiisa ah iyo xaflado laga dhaxlo sawiro qurxoon. Wax dhab u heshiisiin ah oo xididada loogu siibayo tixanaha dagaallada qabiilka miiska lama soo saari 24 sano ee lasoo dhaafay. Marwalba waxaa la qaata heshiis kumeel-gaar ah. Waxaa arrimahana si dowli ah ugu milmay dad xoolo doon ah oo beddelay kaaba-qabiiladii. Waxaa aad la iskugu raacsan yahay inay colaadahan u baahan yihiin madax Soomaaliyeed oo xalkooda uu dhab ka yahay. Afarta sano ee la doorto madaxda heer goboleed iyo kuwa heer federaal midkoodna 5% oo waqtiiga kamid ah ma galiyo soo afjarida dagaallada qabiilada. Qaarkoodna wuxuu waqtiga ka dhamaada iyaga oo aan hal maalin daaweynin boogaha keena colaadaha qabiilka. Caksigeeda magaalada Muqdisho ee caasimada oo qy dowladda dhexe fadhiso waxaa xoolihii umadda lagu gubaa xaflado joogto ah oo laga dhaxo hadallo marmarka qaar sii kala fogeeya bulshada iyo sawirro. Gobollada qaar argagixisada ayaa qabiilada isku dirta, si ay iyagu u noqdaan xalka loo baahan yahay ee wax kala dhihi kara labada qabiil, taas mar waxay ku muujinayaan baahida loo qabo inay sii joogaan deegaanka, marna waxay muujinayaan in aysan jirin cid aan iyaga aheyn oo ahmiyad siinaysa nabadda beelaha. Dowladda waa inay halkan baraarug ka qaadataa. Sanadkan dagaalada qabiiladdu maadaama ay bateen madaxda Soomaaliya ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waa inay ugu yaraan 5% oo waqtigooda kamid ah galiyaan dib u heshiisiinta bulshada oo dib loo soo nooleeya dhaqankii idmanaa oo waqti iyo xoolaba la galiyaa is-cafinta iyo dib u walaaleynta umadda Soomaaliyeed, oo ay madaxda joojisa shirarka iyo xafladaha aan waxba soo kordhineynin ee lagu bur-burinayo xoolihii umadda. The post Miyaa la gaarin xilligii lacagaha faraha badan ee xafladaha loo wareejin lahaa dhinaca…? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada Maraykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Dhankiisa, Danjire Richard ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Muxsin Al-Mandalawi. Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Al-shabaab, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo si gaar ah u dhex-mari doona wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka iyo wasiiradda heer dowlad-goboleed, kaasi oo diirada lagu saari doono wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha. Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo faah-faahin ka bixiyay safarka wasiirrada labada heer ee qasaaraddaas ay ku tagayaan Galmudug, ayaa sheegay inuu u daaran yahay u kuur-galida tacbashada beeraha ee maamukkaasi. “Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee wasaaradaha labada heer,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay.” Wasaaradaha veeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka & dowlad-goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha maamul goboleedyada. Horraantii sanadkan ayey aheyd markii Soomaaliya ay heshiis maal-gelin la saxiixatay Snduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo lagu horumarinayo beeraha dalkeenna. Si kastaba, horumarinta beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna. The post Xogta shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
449790244_803239045275474_710033736466128099_n Qaran News
-
Eebbe mahaddii waxaan maanta booqasho iyo sagootis ugu tagey gurigiisa Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, kaas oo safar caafimaad ugu baxaya waddanka isutaga imaaraadka carabta (UAE). Marka laga tago tawsta iyo tabaalaha gabowga, Suldaan Cabdillaahi wuxuu ahaa kii aan aqaanay oo car iyo bay la’a, waqtigii koobnaa ee aanu suldaanka is waraysanay, waxa boggiisa iyo bishmihiisa kasoo burqanayey talooyin dhaxal-gal ah oo xambaarsan lexjexlo guud iyo dardaaran odaynimo, kaas oo dhaafsiisan arimaha edega ardaaga uu odayga u yahay. Waxaan maqli jiray, weel waliba wixii ku jira ayuu dhididaa. Sidaa darteed, gobanimada, guurtinimada iyo garashadu, waa sed iyo sifooyin ay is dheer yihiin, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasadda, ee laacdanka iyo loolanku ka dhexeeyo. Allahayow, maxaa ka run badan murtida tidhaahda, raganimadu waa inta reerkaaga kasoo hadha. Ugu dambayn, waxaan suldaanka Eebbe uga baryayaa in uu cimriga, caafimaadka iyo caqliga u barakeeyo. Waxa kale, oo aan Eebbe ka baryayaa in uu aniga iyo dhiggaygana uu dhegaha u furo, talooyinka dhaxal-galka ah ee Suldaanka. Ruux lagu jiro Allaa oge, waxaan suldaanka ugu duceynayaa, jidku toobiye, qoraxdu dallaalimo, dadku aabo iyo hooyo. Qaran News
-
Mustafe Omer: “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land.” Jigjiga (PP News Desk) — The President of Somali region in Ethiopia, Mustafa Mohammad Omer, claimed that the maritime Memorandum of Understanding that Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed in January 2024 with the President of the Somaliland Administration, Muse Bihi, would enable Ethiopia to acquire a commercial seaport. “120 million people live in Ethiopia. Since we [Ethiopia] spend a lot of money on goods we import through ports in other countries, the Memorandum of Understanding will benefit Ethiopia and the entity we signed with,” said Omer. His statement sent shock waves in Hargeisa, where political elites have accused President Bihi of encouraging Ethiopia to acquire a commercial seaport in parts of Northern Somalia controlled by the Somaliland Administration, a move that will drastically reduce Ethiopia’s dependency on Djibouti Ports, and will totally upend Berbera as an important seaport in the Horn of Africa. Mustafe Omer: “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land.” “We in the Somali region of Ethiopia will benefit hugely from the MoU. Somalis in Ethiopia suffer due to lack of a seaport, and as Abiy Ahmed said, the maritime MoU is not an attack on another country’s sovereignty. The Somali region of Ethiopia had experienced wars in the past, and we must avoid being dragged into a conflict over the MoU,” said Omer, who seems adamant about supporting the Ethiopian government to violate the sovereignty of Somalia. “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land,” Omer said without mentioning the name of the Somaliland Administration. In January 2024 Muse Bihi claimed that the leased coastal territory would be used as a naval base for Ethiopia. The Federal Government of Somalia rejected the maritime MoU which is a violation of the territorial and political unity of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Mostafa Omer: The MoU Deal Will Enable Ethiopia to Acquire a Seaport appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi ayaa Addis Ababa heshiis ku saxiixay 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa lagu heshiiyay in 30 cisho gudahood heshiiska rasmi loogu beddelo, Itoobiya ay timaado xeebaha Lughaya, Somaliland aqoonsi la siiyo kadibna saami laga siiyo Somaliland diyaaradda Ethiopian Airlines. Maalintii heshiiskaasi la galay waxaa laga jooga 6 bilood iyo 6 cisho. Muuse Biixi waraaqihii laga qaatay dib wax loogama weydiin, howshuna waxay yeelatay albaab kale. Albaabkaas kale waxaa la yiraahda dowladda federaalka Soomaaliya. Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika, Turkiga iyo dhamaan dowladdaha deriska ah ayaa kusoo baxay qadiyadan. Laakiin qofna hal telefoon uma dirin Muuse Biixi, loogamana wicin hal miis oo qadiyadan looga hadlayo. Asbuucii tegay waxaa magaalada Ankara ee waddanka Turkiga wada-hadal loogu qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin nasiib darro mowduuca la isku haysto ninkii saxiixay oo ah Muuse Biixi Cabdi, tallo, tusaalo iyo xitaa wargelin ma haysto. Nimankii uu Muuse Biixi siiyay heshiiska ee Itoobiya waxay leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ma noo sharciyeyn kartaa saxiixa Muuse Biixi. Arrintii aqoonsiga waa ka gaabsatay Itoobiya, dhawaan hadal uu arrintaasi aqoonsiga ka yiri wasiiru-dowlaha dekeddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la tiray. Waxaana Itoobiya kusoo qanacday in aanu jirin maamul goboleed dhul iyo bad bixin kara oo ka jira Soomaaliya. Marka siyaasadda, dowladnimada iyo qabkaba laga hadlo ma ahan farriin fudud in saxiixaagii aan wax tallo ah lagaa weydiinin, oo aan xitaa kor-joogteyn lagaaga ogoleyn wada-hadalka qadiyad aad markii hore aaminsaneyd in aad adigu go’aan ka gaari kartid. Haddaba, waa maxay nuxurka halkan ku jira? Farriinta halkan ku jirta waxay tahay waxaa jira wax la yiraahdo Soomaaliya. Ma jiro maamul kale oo wax ka oran kara, saxiixi kara ama bixin kara bad iyo dhul Soomaaliyeed. Maamullada ka jira gobollada Soomaaliya waxay awooddaan inay ka shaqeeyaan arrimaha hoose ee la xiriira horumarinta bulshada, amniga iyo wacyi-gelinta, laakiin wixii intaas ka badan Waqooyi iyo Koonfurba adduunka midka kale lama hadlayo oo aan aheyn dowladda federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale farriintan niyad-jab ku tahay maamullo kale oo Soomaaliya ku yaalla oo isku dayi lahaa inay iska dhigaan gooni u daaq. In 33 sano kadib Somaliland aan xitaa saxiixeeda waxba laga weydiineyn, waa faham fudud oo la xiriira inuu dalka leeyahay hal dowlad, loona baahan yahay in taas la iimaansado, lagana heshiiyo wixii tabashooyin ah oo Soomaalida dhexdeeda ah. Waxaa kale oo laga baranayaa mowduucan in aanay dunida maanta u bisleyn in Soomaaliya lasii kala jaro, taas oo aan illaa hadda ka tanaasulin dhulalkii horey uga maqnaa ee jiray dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. The post Muuse: Ninka saxiixiisa aan wada-hadalkiisa loo ogoleyn iyo arrinta ay muujinayso appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka, isaga oo shaaciyay cidda ka dambeysa. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalladan soo noqnoqday uu kamid yahay qorshaha ay Al-Shabaab isaga horkeeneyso beelaha Soomaaliyeed, si ay uga dhex faa’iideysato. Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga jeediso dagaalka culus ee looga xoreynayo dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka iyo dadka deegaanka “Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka Khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka dowlad goboleedyada ee ku aadan daminta colaaddaasi, wuxuuna xusay in cid kasta looga baahan yahay inay qaadato kaalinteeda. “Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha. Waxaa kale oo uu yiri “Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dagaal ugu dambeeyay uu ka socdo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh. The post Madaxweyne XASAN oo shaaciyay arrin ka dambeysa dagaal beeleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fasax kadib soo noqoshadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kalfadhigoodii 5-aad wuxuu ku furmay dood, ayada oo xubno kamid ah golaha ay ku dhawaaqeen inay yihiin mucaarad bannaanka taagan. Xildhibaannadaas oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa dhaliil xoogan u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, waxayna ku eedeeyeen wax-qabad la’aan, ayaga oo wacad ku maray inay hadda kadib u istaagayaan isla xisaabtan dhab ah. Cabdiraxmaan Cabdow oo kamid ah xubnahaasi ayaa faah-faahiyay qorshahooda, wuxuuna sheegay in maanta kadib uu dalka ku curtay mucaarad cusub, sida uu hadalka u dhigay. “Xildhibaanada gadaasheyda taagan iyo anigaba mucaarad cadeystay ayaa nahay marka shacabka Soomaaliyeed maanta laga bilaabo mucaarad ayaa idin curtay” ayuu yiri xildhibaan Cabdoow. Sidoo kale waxa uu dood ka keenay shaqada baarlamaanka, isaga oo sheegay in shaki ay ka qabaan, sida ay u socdaan howlaha baarlamaanka, ayna dalbanayaan in la geeyo Sheekh Rusheeye, si buu yiri loo soo celiyo ‘maanka xildhibaannada oo maqan’. “Waxaan kale oo rabaa in guddoomiyaha baarlamaanka aan halkan farriin uga diro guddoomiyow shaki badan ayaa na haayo baarlamaankan waa ka shakisanahay, maxaa yeelay waxyaabaha halkan la mariyay wax macquul ma’ahan maskaxdeyda qaar waa diidan tahay waxaan rabnaa marka baarlamaanka la imaanaayo in Sheekh Rusheeye aan keeno baarlamaanka lana rusheeyo xildhibaanada la rusheeyo say iyaga usoo noqdaan barkey waa maqan yihiin ” ayuu mar kale yiri xildhibaanki. Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Soomaaliyeed khayr iyo barwaaqo ayaa idin rajeyneynaa noo soo duceeya xaqiina ayaan u taaganahay duco kaliya ayaa idinka rabnaa”. Arrimahaan waxa ay kusoo aadayaan, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda, taas oo ay horay ula daala dhaceysay dowladda federaalka, waxaana hadda ugu darsoomay kicinta xildhibaannada. The post Xildhibaanada mucaaradka cusub oo dalbaday in Sheekh Rusheeye la geeyo BF appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha aas-aasigaa ee nolosha bulshada ka hirgelinaysa deegaanada laga saaray kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan, waxaana hadda tuulooyinka fog fog ee bariga Hiiraan laga heli karaa waxbarasho, caafimaad, biyo iyo adeegyo kale. Wasaaraha caafimaadka iyo biyaha iyo tamarta heer federaal iyo heer dowlad gobolleed ayaa dib u soo celinta adeegyadan ku howlanna, waxaana dib loo furayaa xarumo oo caafimaad oo xirmay xilligii Alshabaab ay dhulkaas gacanta ku hayeen, sidoo kale l dayac tirayaa ceelal horay u duugmay sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qorshaha lagu hirgelinayo adeegyada aas-aasiga ah ayaa muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, deegaan walba kooxda laga saarona in adeegyada dowliga ah degdeg loo gaarsiiyo ayay xeeldheereyaashu qabaan. Source: goobjoog.com
-
Sanad walba waxaa dalka kenya laga xusaa 7-da Luulyo oo ah maalin taariikhi u ah dalka, islamarkaana loo yaqaan Saba Saba ama todobada bisha 7aad, taas oo lagu xasuusto Dibad-baxyo lagu dalbanayay dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo dhacay sanadkii 1990-kii. Maalintaas waxaa Kenya gilgilay mid kamida isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, kaas oo ay ku baaqeen hoggaamiyaal siyaasadeed oo ay kamid ahaayeen Kenneth Matiba iyo Charles Rubia, raggaas oo markii dambe xabsiga loo taxaabay, waxaana dibadbaxayaasha ku dhintay in ka badan 20 qof, halka tiro kaloo badanina ay ku dhaawacmeen. Xukuumaddii xilligaas oo uu hoggaan u ahaa madaxweyne Daniel Moi ayaa lagu qasbay inay oggolaato dalabka dadweynaha, islamarkaana dalka laga hirgeliyo hannaanka dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo kenya ku dhaqmi jirin. Dharaartan taariikhiga ah ayaa sanadkan ku soo beegantay xilli ay dalka ruxeen bannaan-baxyo rabshada wata oo todobaadyo socday, islamarkaana dhiig badani ku daatay oo lagu diiddanyahay canshuur kordhin ay dowladdu samaysay, inkastoo markii dambe meesha laga saaray. Source: goobjoog.com