Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (Bloomberg) -- Commerce in Somalia was interrupted for a second day on Monday as traders protested the introduction of a sales tax, a key reform for the Horn of Africa nation’s government that secured a $100 million lifeline from the International Monetary Fund. Source: Hiiraan Online
  2. Xamaas ayaa Mareykanka ku eedaysay inuu Israa’iil wakhtiga u dheeraynayo si ay u sii wado xasuuqa dadka marinka Qasa, wuxuuna hadalkani yimid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu ku dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay soo jeedinta heshiis xabbad-joojin ah. Blinken ayaa xilligaas kooxda Xamaas ugu baaqay inay oggolaadaan heshiiska, balse arrintaas way ku gacan-sayreen ayagoo ku tilmaamay hagardaamo maamulka Israa’iil fursad lagu siinayo, ayagana lagu madadaalinayo. Xamaas ayaa sidoo kale dhowaan diiday wada-hadallo Mareykanka, Masar iyo Qatar ay garwadeen ka ahaayeen oo ka dhici lahaa Magaalada Dooxa, waxayna diidmooyinka falastiiniyiinta ee heshiiska xabbad-joojinta ah loo arkaa natiijada dilkii ismaaciil Haniyeh oo ku soo beegantahay xilli ay socdeen dadaallo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka lagu hoobtay ee bishii 10-aad ka socda Marinka Qasa. Source: goobjoog.com
  3. Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Isniintii sheegay in Ra’iulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay hindisaha xabbad-joojinta Gaza ee uu soo jeediyay Mareykanka, isla markaana ku boorriyay Xamaas in ay aqbasho heshiiskan. Blinken oo wariyaasha la hadlay kaddib maalin uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee Isra’il oo uu ku jiro ra’isulwasaare Netanyahu, ayuu diblamaasigan sare ee Mareykanka sheegay, in in riixidda heshiiskan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd isla markaana ay dhici karto in ay noqoto fursaddi ugu danbeysay. Blinken oo saxafiyiinta kula hadlay Tel Aviv ayaa tilmaamay in Xamas laga doonayo aqbalaadda heshiiska, kaddib marki ay aqbashay Isra’il. Wuxuu kaloo sheegay in iyada oo la kaashanayo dhex-dhexaadiyaasha ka kala socda Mareykanka, Qatar iyo Masar, ay dhinacyada colaaddu ka dhaxeyso ay dhameystiran ballan-qaadyada heshiiska. In kasta oo uu Maraykanka rajo ka muujiyay, xafiiska Netanyahuna uu ku tilmaamay kulanka mid wanaagsanaa, haddana Israa’iil iyo Xamaas labaduba waxay muujiyeen in heshiis kasta uu noqon doono mid adag. Wada-hadallada oo muddo bila ah marna soconayay marna la hakinayay, ayaa u muuqdo in ay dhinacyadu ay ku taagan yihiin mawaaqiftoodi hore. Isra’il ayaa sheegtay in dagaalka Gaza uu ku dhammaan karo burburinta Xamaas, halka Xamaas ay sheegtay inay aqbali doonto oo keliya xabbad joojin joogto ah oo aan ku meel gaadh ahayn. Waxyaabaha kale ee la isku qilaafsan yahay ayaa waxaa ka mid ah sii joogitaanka ciidamada Israa’iil ee gudaha Qaza, gaar ahaan xuduudka Masar iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Falastiiniyiinta ee gudaha dhulkaas. Sidoo kalena waxaa la isku mari la’yahay qoonsiga iyo tirada maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il rabto in ay weydaarsato sii deynta dadka ay xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ku hayaan Gaza. The post Blinken oo riixaya heshiis xabad-joojin oo ka dhaqan gala GAZA appeared first on Caasimada Online.
  4. Xalay Abaaro kowdii habaynimo ayaa roobab wata dabaylo onkod iyo hilaac ay ka bilaabmeen magaaladda Haiyo nawaaxigeeda. Roobkani oo noociisa oo kale aan in mudo ah aan ka da’in magaaladda Hargeysa way adagtahay in la ogaado xiligani in ay jiraan wax waxyeelo ah oo uu gaystay iyo in kale. Dooxa weyn ee dhex mara magaaladda Hargeysa ayaa si xawli leh u rogmanaayay saacadihii ina soo dhaafayba Waxana roobku uu xiligan oo ah 5tii subaxnimo uu isu rogay shuux iyo dabaylo waxana la filayaa roobab kale in ay yimaadaan Qaran News
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa si deg deg ah u soo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, kadib markii galabta uu is casilay wasiiru dowlihii uu magacaabay markii uu xilkaan qabtay afar sano iyo dhowr bilood ka hor. Maxamed Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada Galmudug, kadib markii uu galabta si iskiis ah isku casilay Cumar Shido oo ku dhowaad 5 sano xilkaas hayey. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa digreetadaan ku magacaabay Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo cayaaraha Galmudug, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Cabdi Faarax. Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido ayaa galabta sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu is-casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey, isla markaana uu ka aqbalay. Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isagoo sheegay inuu reer Galmudug u adeegi doono xataa isagoo aan xil haynin. “Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey masuuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen, waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug,” ayuu yiri wasiir hore Cumar Shido. Ninkaan oo Qoor Qoor la shaqeynayey tan iyo markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Qoor-Qoor, isla markaana aad ugu dhowaa, aadna uga difaaci jiray baraha bulshada, ayaa hadda ku gaabsaday in sababta is-casiladaan ay isaga u gaar tahay. Galmudug ayaa gashay waqti doorasho aan kala cadeyn sida ay wax u dhacayaan ama hanaanka doorasho ee la aadayo, 5 sano ayaa u sii dhamaaneysa Qoor Qoor, dadkuna waxay rabaan doorasho, balse isagu wuxuu quud-dareynayaa inuu kursiga sii joogo. Hoos ka eeg warqadda The post Qoor Qoor oo degdeg u soo magacaabay wasiirro cusub kadib is-casilaadii galabta appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Horjooge Ismaaciil Jimcaale Fiidow ayaa maanta usoo gacan galay dowladda kadib markii uu isku dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ka howl-gala degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Horjooge Ismaaciil oo kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa muddo fog ayaa sheegay inuu adkeysan waayay howl-gallada ay wajaheyso kooxda, isaggoo ugu baaqay saaxiibadiisa kale ee weli baaqiga ku ah kooxda inay iskaga soo baxana. “Waxaan halkaas kula kulmay ma ahan wax laga sheekeyn karo, rafaad, oon iyo cabsida xooggan ee howlgalka ayaa ahaa kuwa aan halkaas uga jiri waayay, keentayna isa-soo dhiibkeyga, waxaana ugu baaqayaa kuwa weli aanan quusan inay meesha ka soo baxaan,” ayuu yiri Horjooge Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda. Dhinaca kale, waxaa isla maanta ciidanka dowladda isna isku soo dhiibay Ilyaas oo magaciisa afgarashadu yahay Cali Saciid, kana tirsanaa muddo kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa isna isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad guutada 77 ee fadhigoodu yahay magaalada Mesagawaa kadib xiriir uu lasoo sameeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka. Ciidanka ayaa ninka uga hortagay deegaanka Xuseen Cagey, waxa uuna kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ku qaadayaan keymaha Khawaarijta ku dhuumaaleysaneyso, taasi oo keentay inay isa-soodhiibaan xubna badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsanaa kooxda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab oo bilihii dambe uu gaabis ku yimid ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo dhawaan la filayo inuu bilowdo wejiga labaad ee dagaalka, oo dhowr jeer uga dib dhacay waqtigiisa. Horjooge Ismaaciil – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah. Ilyaas – isa soo dhiibe Al-Shabaab ah.The post Horjooge Ismaaciil iyo Ilyaas oo muddo kadib usoo gacan galay dowladda kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa ku dhowaaqay howl-gal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ka bilaabanaya deegaano ku yaalla galbeedka deegaanada iyo degmooyinka maamulka. Deegaanada oo weli ku sugan yihiin kooxda ayaa maamulka uu qorsheynayaa in howl-gal qorsheysan lagu qaado, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Si loo dardar-geliyo qorshahan waasiirka amniga gudaha HirShabelle ayaa deegaanka Carmooleey oo hoostaga degmada Gamboole ee gobolka Sh/Dhexe ku booqday boqolaal kamid ah ciidamada difaaca shacabka ee dib u xoreynta deegaanada galbeedka HirShabelle ee la magac baxay duufaanta Sheekh Xasan Barsane ee ku sugan deegaanka Carmooleey. Wasiirka amniga HirShabelle Maxamed Kheyre oo ay wehlinayeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulka iyo masuuliyiin kale ayaa la hadlay ciidamada, oo uga warbixiyay howl-galka cusub ee qeybta ka ah kii lagu xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan maamulka. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka HirShabelle uu howl-galka galbeedka ku bixin doono dadaalkii uu ku bixiyay howl-galkii lagu xorreeyay degaannada ku yaalla bariga ee deegaannada maamulka HirShabelle. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin horumarka deegaannada ku yaalla galbeedka maamulkaasi, sidaas darteedna ay awood kasta oo ay leeyihiin iskaga celin doonaan cadowga. Si kastaba, HirShabelle oo ah maamulkii u horreeyay ee uu ka bilowday gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa waxaa weli deegaano badan oo ku yaalla galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku sugan maleeshiyaad ka tirsan Kooxda, kuwaas oo dowladda dhexe iyo maamulka oo kaashanaya shacabka hubeysan ay doonayaan inay ka sifeeyaan kooxda. The post Howlgal cusub oo looga dhawaaqay galbeedka gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Galmudug ayaa goordhoweyd iska casilay xilkii, isaggoo casilaadiisa hab qoraal ah ugu gudbiyey madaxweyne Axmed Qoor-Qoor. Cumar Shido oo qoraal soo saaray ayaa ka gaabsaday inuu xuso sababta ka dambeysa is-casilaadiisa, isaggoo sheegay inuu reer Galmudug u adeego doono xataa in haddii uusan xil haynin. “Anigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, islamarkaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Waxaan cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada. Wasiiru-dowlaha is-casilay ayaa xilkan hayay tan iyo mudaddii ay dhisneyd xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor, waxayna is-casilaadiisu kusoo aadeysa xilli uu maamulka wajahayo doorashooyin, uuna Qoor-Qoor ku dhowaaqay hanaan doorasho oo mugdi badan ku gadaaman yahay. Hoos ka aqriso qoraalka; Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 19 August 2024 halkaan ku soo gudbinayaa warqada Is-casilaadeyda xilka Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Galmudug oo aan hayay mudadii ay dhisneyd Xukuumada Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay shacabka reer Galmudug, isla markaana ilaaliyey mas’uuliyadii ballaarneyd ee madaxda Galmudug igu aamineen. Go”aanka is Casilaadeyda oo aan hab qoraal ah ugu gudbiyay madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxa uu ku saleysan yahay arrimo aniga ii qaas ah. Waxaana uga mahadcelinayaa Kaabaheygii hore fursada uu ii siiyay inaan u adeego shacabka Galmudug, waxaana ugu adeegi doonaa reer Galmudug aniga oo xil haya ama aan heynin. Sidaas awgeed, waxaan mar kale cadeynayaa in aan Iska Casilay xilka wasiiru dowlaha Madaxtooyada. Ugu dambeyn, waxaan u rajeynayaa bulshada reer Galmudug in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida dhexdooda ah, ayna ka baaqsadaan dagaalada dhiigu ku daatay ee u dhaxeeya beelaha walaalaha ah. Wabillaahi Towfiiq Cumar Shido The post Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Galmudug oo is-casilay appeared first on Caasimada Online.
  9. Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somaliya ee hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka. Tiro kamid ah dhallinyaradad mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahadceliyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada. “Wasaaradda Gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay Goobjoog TV. Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “ Ganaaxii 50 Dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 Dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka”. Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “ Waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”. Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahadceliyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay. Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho iyagoo sheegay ineysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka. Halkaan hoose ka daawo fikradaha dhallinyarada Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) — In the face of conflict, poverty, and natural disasters, the Somali diaspora has remained a critical lifeline for their homeland. A new report from the Danish Institute for International Studies highlights the indispensable role that diaspora humanitarianism plays in Somalia, providing vital support to millions of people in need. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgashay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%. Canshuurtan oo ay ka qeyliyeen shacabka Muqdisho ayey dowladda ku adkeysatay dhaqan-galinteeda, iyadoo soo saartay ganaax culus oo uu muteysanayo qofkii ka dhuunta ama bixin waaya canshuurta iibka. Wasaaradda Maaliyadda oo soo saartay warqad ay ku faah-faahineyso ganaaxa uu la kulmi karo qofka u hoggaansami canshuur bixinta, si gaar ah ganacstada oo ayaga loo dhex marayo jarista canshuurta 5% ah, taas oo dowladda si toos ah ugala baxeyso koontooyinkooda ganacsi. Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin go’aankan waxa uu kulmi doona ganaax maaliyadeed oo isugu jira mid aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xad-gudub kasta oo u sameeyo. Sidoo kale waxay wasaaradda sheegtay in ganacsadaha u hoggaansami waaya muddo hal maalin ah hanaanka canshuur bixinta iibka uu ku dhacayo ganaax aan ka yareyn shan boqol oo dollar Mareykan ($500). “Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood ah ama aan ka badneyn afar sano oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka canshuuraha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda; 1- Si waafaqsan Qodobka 36-aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga waxaa ganacsi kasta ku waajib ah inuu isticmaalo Koonto ganacsi (Merchant Accounts) dhamaan dhaqdhaqaaqyadiisa ganacsi ee iibinta badeecadaha iyo adeegyadda. 2- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu gadis kasto oo uu sameeyo ku daro qiimaha Canshuurta Gadidda (5%), oo ah qiimaha badeecadda ama adeegyadda uu iibinayo. 3- Ganacsi kasta waxaa laga doonayaa inuu ku wareejiyo saraakiisha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda faah-faahinta koontooyinkiisa ganacsi (Merchant Account Details) ee ka furan shirkaddaha kala gedisan ee lacag-dirista si ay u sameeyaan diiwaangelin iyo xog-keydin. 4- Ganacsi kasta oo aan u hogaansamin inuu dhaq-dhaqaaqyadiisa ganacsi u istic- maalo adeega ganacsiyada loo gaar yeelay (Merchant Accounts), waxaa ku dhacaya Ciqaabahaa soo socda si waafaqsan Qodobka 37aad ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Dakhliga: Ganaax maaliyadeed oo isugu jira ganaax aan ka yareyn ama aan ka badneyn labo kun oo dollar Mareykan ($2,000) xadgudub kasto oo u sameeyo ama ganaax aan ka yareyn Shan Boqol oo dollar Mareykan ($500) u hogaansanaan la’aan muddo hal maalin ah. Xabsi aan ka yareyn muddo lix bilood (6 Bil) ah ama aan ka badneyn afar (4 sano) oo la xirayo maamulka sare ee ganacsiga iyo Shakhsiyaadka maamula ganacsiga iyadoo loo aqoonsanayo inay galeen dambi ka hor imaanaya maamuIka Canshuuraha. Ganacsigii sii joogteeya ku xadgudubka ama aan u hogaansamin isticmaalidda Koontadda Ganacsiga (Merchant Account) Waxaa la xirayaa xaruntiisa ganacsi. The post DF oo ciqaab adag marineysa qofkii ka dhuunta go’aanka ay dhaqan-gelisay appeared first on Caasimada Online.
  12. Ethiopia-UAE: Dubai’s AMEA to develop $620m Ethiopian wind farm Ethiopia has agreed a deal with a Dubai renewables developer AMEA to develop the Horn of Africa’s biggest wind farm. The letter-of-award was signed by Ahmed Shide, Ethiopia’s finance minister, and AMEA Power in Dubai during the COP28 climate change summit. The 300MW Aysha Wind Power Project, which is expected to cost $620m, will be financed, built and operated by AMEA on the basis of a 25-year power purchase agreement with state-owned utility Ethiopian Electric Power. AMEA said the 18,000ha project is expected to generate 1,400GWh a year, powering some 4 million households and cutting carbon emissions by 690,000 tonnes. During the construction and operation phases, the project is expected to create more than 1,500 direct jobs. Source Globalconstructionreview Qaran News
  13. Mogadishu (HOL) — A coalition of international and Somali journalism organizations, including the International Federation of Journalists (IFJ) and the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), is calling on Somalia's Federal Government to withdraw a controversial information bill, arguing that it poses a severe threat to transparency and the public's right to access information. Source: Hiiraan Online
  14. Some 20.1 million people were internally displaced in July in the Horn of Africa region, the United Nations migration agency said on Thursday. The International Organization for Migration (IOM) said in a report released in Nairobi, the capital of Kenya, that the number is an increase from 19.2 million people in June. The IOM attributed the total surge to a rise in internally displaced persons from Burundi, Ethiopia, and Sudan. Most of the displaced people were in Sudan (10.2 million), Somalia (3.5 million), Ethiopia (3.3 million) and South Sudan (2 million). “There are 10.2 million newly forcibly displaced people in Sudan, including 7.9 million internally and 2.1 million in neighbouring countries since the beginning of the conflict in April 2023,” the IOM said. Other causes of displacements, according to the UN agency, are floods caused by heavy rains and food insecurity, especially in Ethiopia, Kenya, and Somalia. IOM also noted that the Greater Horn of Africa region had some 5.4 million refugees and asylum seekers. Uganda hosts the greatest number of refugees at 1.7 million, followed by Ethiopia at 1 million, and Kenya at 906,000. About 67 million people were food insecure in the region in July, according to the Food and Agriculture Organization of the United Nations and the Intergovernmental Authority on Development, a regional bloc in Africa. Of the number, 39 million are in IGAD member states, including Djibouti, Kenya, Somalia, South Sudan, Tanzania, Sudan, and Uganda. On August 2, international agencies issued an alert that the Horn of Africa would experience below-average rainfall during the October-December season that would transition to drought. This would mean a rise in the number of displaced persons due to food insecurity. Yhe East African Qaran News
  15. Tel Aviv (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada-hadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaaro dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Heshiiskan uu gadaal ka riixayo Mareykanka, uuna ku tilmaamay fursaddii u dambeysay ee xal ka gaarisa dagaalka Gaza ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah sii deynta la haystayaasha kala duwan. “Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara,” ayuu yiri xoghaye Blinken. Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta. Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska. Wada-hadaladan ayaa la filayaa in dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dhinac. The post Mareykanka oo shaaciyay fursaddii ugu dambeysay ee dagaalka GAZA – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  16. Schiedam (Caasimada Online) – Munaasabadan lagu abaal marinayey haldoorka bulshada Soomaaliyeed kuwooda ku dhaqan qaraada Yurub, gaar ahaan kuwooda dadaalay ee ka soo dhex muuqaday bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Schiedam ee wadanka Holland. Abaalmarintan oo ah midii ugu horaysay ee lagu qabto wadamada ku bahoobay ururka Midowga Yurub ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD}. Sidoo kale waxaa gacan ka gaysatay Shirkadadaha IBS bank, Alhijra Travel iyo Hayat Market. Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} waxay abaalmarin siisay 15 qof oo loo doortay inay sameeyeen didaal iyo hal abuur bulshada wax tara. Dadka abaalmarintaas la siiyey ayaa kala ah: Cabdi Nageeye oo loo soo xulay inuu yahay orad yahan ku Guulaysatay Rotterdam Maraton Cabdirizaq Cali Warsam oo aas aasay Banigiga Caalamiga ah ee IBS bank Cumar Muunye oo aas aasay Shirkad Samaysa Boorsooyinka Dumarka Munie Brand Kaadir Gamal oo samyeey Shirkada kadirfod Kaaha Xale oo Samaysay Shirkada Halane care Cumar Maxamed oo hal abuuray shirkada Baarfuunada ee Yaasalaam Mohamed Bashiir uu boqorka Holland u magacaabay Qunsul sharafeed jooga Soomaaliya AMB Ilyaas Cali Xasan oo aas aasay Arlaadi Media Network Abukar Alwan oo Sameyey Alhijra Travel Magan Daahir oo ku Guulaysaty Kubada Miiska Hollnad Cali Waare oo noqday shaqsiga ugu mudan ee ka soo shaqeeyey Jaaliyada Soomaalida FSAN Axmed Faarax oo noqday filim sameeye Caalami ah Safiya Rooble oo noqotay Xeer ilaaliye iyo looyar Shukri Xasan Saciid oo aas aastay Iftin Neyruus Macalim oo noqotay looyar heer caalmi ah. Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Raíisul wasaarihii Hore ee Dowladii Cabdiqaasin, mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaanada Golayaashada Deegaanka Netherland, ganacsato, Siyaasiyiin, Dhalinyaro, Haween, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada oo ka kala Socday wadamada Ingiriiska, Germany, Sweden, Belguim, Fransiiska iyo Norway. Gudoomiyaha Xarunta Saxaafada iyo wada Hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} Cabdullaahi Taajirow ayaa u mahad caliyiyey dadkii ka soo qeybgalay munasabada iyo xubnihii ay xaruntu u dooratay in abaalmarinta la siiyo Taajitrow ayaa goobta ka sheegay in CMD ay sanad kasta qaban doonto Abaalmarintaan oo kale, lagana dhigi doono mid caalami ah oo lagu tala galo. The post Sawirro: Soomaalida dadaashay ee ku nool Yurub oo la abaal-mariyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Turkey is set to dispatch its research vessel, the Oruc Reis, to oil blocks offshore Somalia next month, in a strategic move to diversify its crude supply and strengthen its energy security, reported Bloomberg. Source: Hiiraan Online
  18. Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (World Humanitarian Day) waxaa loo dabbaaldegaa sannad walba 19-ka Agoosto si loogu sharfo shaqaalaha bani’aadamnimada iyo dadaalkooda nafta-u-hurista ee ay ku badbaadiyaan nolosha dadka dhibaateysan. Maalintan waxay sidoo kale fursad u tahay in la xasuusto dadka shaqaalaha ah ee ku dhintay iyagoo gacan siinaya dadka baahan. Maalintan waxaa lagu aasaasay go’aankii Qaramada Midoobay ee 2008 si loogu xuso weerarkii ka dhacay xafiiska Qaramada Midoobay ee Baqdaad, Ciraaq, 19-kii Agoosto 2003, kaas oo lagu dilay 22 qof, oo uu ka mid ahaa Sergio Vieira de Mello, oo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Ciraaq. Dabbaaldegga maalinta waxaa diiradda lagu saaraa kor u qaadidda wacyiga la xiriira baahiyaha bini’aadamnimada ee dunida ka jira, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa taageeridda dadka ku jira xaaladaha adag ee abaaraha, dagaallada, iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Maalinta waxay sidoo kale soo bandhigtaa muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo in gargaar bani’aadamnimo si nabad ah u gaarsiiyo meelaha ay dadku u baahan yihiin. Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada waa fursad lagu muujiyo midnimo, naxariis, iyo dadaal wadajir ah oo loogu talagalay badbaadada iyo sharafta dadka ku jira xaaladaha xun, iyadoo si gaar ah loo xusayo shaqaalaha nafta-u-huray si ay dunida u wanaajiyaan. Maalinta Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (World Humanitarian Day) waxay Soomaaliya ka leedahay muhiimad weyn, maadaama dalka uu la daalaa dhacayo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo daba-dheeraaday. Soomaaliya waxaa muddo dheer saameeyay dagaallo sokeeye, abaaro, macluul, iyo musiibooyin dabiici ah sida fatahaado, kuwaas oo sababay barakac baahsan iyo dhibaatooyin nololeed oo daran. Sanadihii u dambeeyay, gargaarayaasha bani’aadamnimada ee ka hawlgala Soomaaliya waxay halgan adag ugu jiraan sidii ay gacan ugu siin lahaayeen dadka nugul, kuwaas oo u baahan caawimaad degdeg ah. Shaqaalaha gargaarka waxay ku bixiyaan noloshooda khatarta si ay u gaarsiiyaan raashin, biyo nadiif ah, hoy, iyo daryeel caafimaad dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka. Intaas waxaa dheer, caqabado amni ayaa caqabad ku noqday gaarsiinta gargaarka, iyada oo hay’adaha gargaarka ay la tacaalayaan deegaanno ay ka jiraan weerarro iyo amni darro. In kasta oo Soomaaliya ay wajahday xaalado adadag, maalintan waxay fursad u tahay in la xuso shaqaalaha gargaarka oo ay kamid yihiin kuwa Soomaaliyeed ee ka shaqeeya sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ku nool xaaladaha adag. Waxaa kale oo lagu muujinayaa baahida sii socota ee bulshada caalamku ay u leedahay inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, iyada oo la sii xoogeynayo dadaallada bani’aadamnimo ee lagu badbaadinayo nolosha dadka ku dhibaataysan gudaha dalka. Tirada dadka u baahan gargaarka ee Soomaaliya ayaa sanad kasta sii kordheysa, waxaana muhiim ah in beesha caalamka ay sii waddo taageerada muhiimka ah ee ay siiso dadka Soomaaliyeed si loo xalliyo baahiyaha degdegga ah iyo kuwa fog ee ka dhashay xaaladaha nololeed ee adag. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaaliya. Go’aanka wasaaradda oo hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka ayey si diiran usoo dhaweeeyen wadayaasha bajaajyada ee magaalada Muqdisho oo dhawaan cabasho xooggan ka muujiyey arrinkaan. Tiro kamid ah dhallinyaradad Mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahad-celiyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada. “Wasaaradda gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar,” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay telefishanka Dalsan. Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “Ganaaxii 50 dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka.” Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna waxa uu yiri “Waa uga mahad-celineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”. Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahad-celiyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay. Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaan-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in aysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka, taas oo hadda wax laga qabtay. Halkan hoose ka daawo muuqaallada The post Daawo: Bajaaj-leyda oo soo dhaweysay go’aankii kasoo baxay dowladda appeared first on Caasimada Online.
  20. Berlin (Caasimada Online) – Nin kamid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool Jarmalka, madaxana ka jaray qof uu mindhicirka ka soo riday isagoo nool ayaa ka badbaaday in la musaafuriyo, ayadoo sababtuna tahay dacwad oogayaasha oo aaminsan inuu dib u soo laaban doono. Mursal Maxamed Siciid oo 24 jir ah wuxu dilay nin ay isku guri deganaayeen oo magaciisa lagu soo gaabiyey Alex K, meel loogu tala-galay inay ku hoydaan dadka aan guryaha haysan, magaalada Regen ee gobolka Bavaria bishii Luulyo 2021. 111 goor ayuu middi ku dhiftay, kahor intii uusan madaxa ka jarin. Markii dambe wuxu Mursal u sheegay dambi baareyaasha inuu iska dhaadhiciyey in ninka ay guriga isla deganaayeen ay ku jireen laba jin oo ay ahayd inuu dilo. Weerarka ayaa ahaa mid aad u daran, isagoo dhibbanaha marka hore isagoo nool mindhicirka ka soo riday, sida ay warbaahinta jarmalku sheegtay xilligaas. Mursal ayaa la sheegay in dambigaas uu gaystay maadaama uu iska dhaadhiciyey wax aan jirin oo ay maskaxdiisa u sawirtay inay run yihiin, waxaana la geeyey qayb aad loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaalka degmada Mainkofen ee gobolka Bavaria. Maamulayaasha socdaalka ee Jarmalka waxay doonayaan inay sida ugu dhakhsiyaha badan ninkaas dib ugu dhoofiyaan Soomaaliya oo uu ka soo jeedo, laakiinse dacwad oogayaasha ayaa ka caga jiidaya in la soo saaro amarka musaafurintiisa, waayo waxay aaminsan yihiin in ninkaas “dambiilaha ah” uu dib ugu soo laaban doono Jarmalka, sida uu qoray wargayska Bild. Dhowr todobaad ka dib markii uu dilay ninka ay guriga wada deganaayeen, ayuu ninkaas isku dayey inuu ka baxsado qayb si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan isbitaal ku yaalla gobolka Bavaria, isagoo ku dhuuntay meel cunnada lagu kaydiyo. Mar labaad ayuu Mursal isku dayey todobaadkii hore inuu baxsado, isagoo ay u suurto gashay inuu ka dhuunto laba gabdhood oo ilaalinayey, mar uu codsaday in shaleemo uu u daawasho tago Muddo 8 saac ah ayuu baxsad ahaa, ka hor inta aan la hawl galin 100 askari oo boolis ah, waxayna ka soo qabteen meel dhowr mayl u jirta shaleemada. Dacwad oogayaashu waxay hadda ka baaraan degayaan in xukunka Mursal ee ah in isbitaalka uu ku xirnaado la laalo si dib loogu celiyo Soomaaliya. Dacwad ooge Oliver Baumgartner ayaa u sheegay wargeyska Bild qiimaynta guud waa inay ku jirtaa culayska dambiga, khatarta xukmanaha, iyo suurtagalnimada in qofka xukmanaha ah uu dib ugu soo laaban karo Jarmalka. Taas darteed waxaa lama huraan ah in xisaabta lagu daro in ninkaas uu noqonayo mid xor ah dalkiisa, oo aysan jirin damaanad muujinaysa in si haboon loola dhaqmi doono. Inkastoo dacwad oogayaashu ay weli ka lug jiidayaan in la saxiixo amarka dib u celinta, ursal wuxuu qoray warqad uu ku sheegayo inuu diiddan yahay in dibl oogu Soomaaliya bishii Febraayo. Laakiinse wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria Joachim Herrman ayaa su’aal galiyey go’aanka loogu ogolaaday in uu shaleemo aado. Wuxuu u sheegay wargayska Bild “waxaan bilaabayaa baaritaan dhamaystiran oo ku saabsan sababta uu isbitaalka degmada ugu ogolaaday ninkan aadka u khatarta badan inuu shaleemo aado”. Mursal Maxamed Siciid wuxuu Jarmalka tegey 2018, isagoo qayb ka ahaa barnaamijka dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii uu Soomaaliya ka soo qaxay oo uu Sudan u cararay, ugana sii Gudbay Libya, sida alaga soo xigtay warbaahinta Nius. Ka dib dilkii foosha xumaa ee ninkaay guriga wada deganaayeen, Mursal wuxuu horeba u gaystay tiro dambiyo ah sida waxyeello jireed, burcadnimo, xatooyo iyo iskuday waxyeello jireed oo aad u daran iyo been-ku-heid adeegyo. Bishii Febraayo 2021 ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig laakinse uusan xabsi galayn, bacdamaa aan la xirin waxaa loo ogolaaday inuu dib ugu laabto halka hoyga u ah dadka aan hoyga haysanoo uu ku noolaa, halkaasoo uu markii dambe ku dilay ninkii ay isla deganaayeen. Isha: BBC The post XOGTA kiiska Soomaali dil argagax leh ka gaystay JARMALKA appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magaalada Nairobi Shir kula yeeshay Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada. Dowladda Puntland iyo Safaaraddaa Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.” “Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland, sida ay sheegtay Puntland State House. Halkan ka eeg Sawirada Shirka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland iyo Maraykanka oo ka Wada-hadlay La-dagaallanka Argagixisada iyo dhismaha Hay’adaha Amniga appeared first on Puntland Post.