Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Bishan July waxaa bilowday sanad dhaqaaleedka ururka bulshada bariga Afrika ee ay dhawaan xubin ka noqotay Soomaaliya, waxaana dhaman wadamada xubnaha ka ah ay bixiyaan lacago luugu talagalay in lagu guto waajibaadka ururka. Soomaaliya oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka ayaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan 7.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo ah lacag ay bixiyaan dhamaan wadamada xubaha ka ah, sida uu BBC da u sheegay Cabdisalaan Hadliye, oo ah Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ururka bulshada bariga Afrika. Soomaaliya ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ku bixiso lacagtaas muddo 12 bilood gudahood ah, oo ka bilaabaneysa kowda bisha July ee sanadkaan, sida uu sheegay Hadliye. Arrintaan ayaa ka dhigan in dakhliga sanadlaha ah ee dallada bulshada bariga Afrika ay ku korortay 7.8 milyan oo dollar, taas oo ah lacagta ka imaan doonta dhanka Soomaaliya. Sida uu ka sheegay kulanka sanadlaha ah ee Ururka, Madaxa golaha wasiiradda ee ururka bulshada bariga Afrika, Deng Aloor – Dakhli sanadeedka 2024/2025 ee dallada ayaa waxa uu ku soo aadayaa “Xilli dhaqaalaha wadamada ku bahoobay EAC uu wajahayo xaalado caalami ah oo aad u daran, taas oo ay ka tan bateen khilaafaad juquraafi iyo saameynta uu keenay isbadalka cimilada,”. Sidoo kale waxa uu sheegay in sicirka shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo cuntada aan la goyn Karin qiimaheeda ee ka jira gobolka ay cadaadis xoog leh ku keeneen sarrifka lacagaha qalaad. Balse waxa uu xusay Deng, in in kasta oo caqabado badan oo nuucaasi ah jiraan, hadana uu kordhay dhaqaalaha Dallada Bulshada Bariga Afrika. “Sare u kaca dakhliga ururka waxa uu ka yimid 2.8% isaga oo gaaray 8.1%, dhamaan dhinacyaduna waxay sheegeen in ay wadi doonaan horumarinta kororka dakhliga”, ayuu ka yiri Kulanka Mr. Deng. Maxaa loo adeegsan doonaa lacagtaan? Kulanka sanadlaha ee sharciga ah ee ururka ayaa waxaa looga hadlay kobaca dhaqaalaha wadamada ku bahoobay ururkaan iyo sidoo kale hab adeegsiga dakhligii 2023/2024, isaga oo goobta ka xusay warbixinta hantidhawrka ee faahafaahineysay arrimahaas. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku arimaha muhiimka ah ee ay doonayaan in ay ku bixiyaan dakhliga sanadkaan, waxa uuna faahfaahiyay qoondooyinka ay kala siin doonaan arimo ay ugu waawayn yihiin amniga iyo nabadda gobolka. Waxa uu sheegay in lacag dhan 1 milyan oo doolarka Maraykanka ah ay u qoondeeyeen in lagu bixiyo nabadda iyo amniga gobolka sidii loo sii xoojin lahaa. Arimaha ganacsiga iyo maalgashiga ayuu sheegay in loo qoondeeyay lacag gaaraysa 7 milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka arimaha bulshada iyo waaxyaha waxsoosaarka leh uu sheegay in lagu bixin doono lacag gaareysa 6.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Horumarinta hay’adaha ayuu sheegay in ay ku bixi doonto ilaa iyo 10.4 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Lacagta ugu badan ayaa waxa ay ku bixi doontaa xubnaha iyo hay’adaha ururka oo loo qoondeeyay lacag dhan 66.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Dakhliga guud ee ururka ee sanad dhaqaaleedka 2024/2025 ayaa waxa uu yahay $112,984,442 sida uu sheegay wasiirku. Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkaan. Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan. Dalalka ayaa sanadkii 2005 ku heshiiyay kastam midaysan oo ay alaabaha iyo dadka si xor ah uga kala gooshi karaan waddamada. Shuruudda ku xiran alaabahaas ayaa ah inay ka yimaadaan gudaha waddamada xubnaha ka ah EAC. Si loo xoojiyo dhaqaalaha waddamada iyo horumarkooda, ururka EAC ayaa sameeyay suuq gaar ah oo shaqeynayay tan iyo 2010. Waddamada ayaa sidoo kale ku haminaya in sanadka 2023 ay samaystaan lacag u gaar ah. Isha: BBC The post Maxay tahay lacagta Soomaaliya uu ka rabo ururka EAC inay ku bixiso 12 bil gudahood? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga caasimada ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimada oo bilihii dambe aad u wanaagsanaa. Shirkan ayaa waxaa qeyb ka ahaa taliska NISA uu metelayay taliye Muhiyadiin Warbac, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siaasadda gobolka iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho. Warbixin la xariirta dhinaca amniga ayaa waxaa shirka looga dhageystay hay’addaha kala duwan ee amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay saraakiisha laamaha amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir. Shirkan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta iyo xoojinta amniga caasimada, oo waayihii dambe ka nasatay falalkii argagixisada ka geysan jireen, kuwaasi oo ay ku bixi jireen tobanaan iyo boqolaal shacabka magaalada. The post Xogta shir xasaasi ah oo qeyb ka tahay NISA oo ka qabsoomay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  3. 450012267_1023983345909532_7325239531013673780_n 450377357_1192676712151915_8192273232623026094_n Qaran News
  4. 450377357_1192676712151915_8192273232623026094_n Qaran News
  5. Dowladda Itoobiya oo sannado badan la daalaa dhacaysay khilaaf siyaasadeed oo hoose ayaa sidoo kale halis ugu jira in la isku dayo in la afgambiyo dowladda, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed intii ay socotay khudbadii furitaanka fadhiga Baarlamaanka ee 4 bishan. “Dhawaan, odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen dooddo ku saabsan in afgambi la sameeyo,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaannada, isagoo intaa ku daray “Aan ku siiyo talo… inqilaab laguma guulaysan karo Itoobiya. Waxa aanu u dhisnay hay’adahayaga si aanu uga hortagno afgambiga… Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor — Hadda ma guulaysan karto.” Abiy ayaa ka gaabsaday inuu si dhab ah u qeexo cidda saxda ah ee “talada” loo jeediyay, si kastaba ha ahaatee, sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo , xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xukuumadda Abiy ay qaadayso tallaabooyin ay ka mid yihiin adeegsiga baraha bulshada si ay uga hortagaan sheekooyinka iyo xoojinta ammaanka meelaha qaar oo ay ku jirto Addis Ababa. Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo cabsi xooggan ka muujiyay in la inqilaabo dowladdiisa appeared first on Puntland Post.
  6. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq, Sheekh Cammaar Al-Xakiim. Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiye Al-cammaar ayaa ka wada hadlay xiriirka taariilkhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq. Labada ayaa sidoo kale ka wada hadlay mudnaanta la siinayo iskaashiga heer Carbeed ee arrimaha masiiriga ah. Sheekh Cammaar Al-Xakiim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey dhaqdhaqaaqa Al-Xikma ee hormuudka u yahay, kaas oo door wanaagsan ka qaata siyaasadda dalka Ciraaq, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in dib loo cusboonaysiiyo xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
  7. Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, taas oo lagu soo dhaweyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Fathudin Ospite. Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga Maxamed Cabdullahi Xaashi, qaybaha kala duwan ee bulshada. Safiirka cusub ee Turkiga Fathudin Ospite ayaa sheegay inay ka go’antahay u adeegista shacabka Soomaaliyeed ee Turkiga ku dhaqan iyo ilaalinta midnimadooda. Turkiga ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyo badan oo isugu jira dhaqaalaha, siyaasadda, nabad-galyada, waxbarashada, iyo caafimaadka, Jaaliyadda dalkaas ku dhaqan ayaana kamida kuwa ugu ballaaran Soomaalida caalamka ku nool. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo la tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka howlgal culus kula jarmaaday xaafadda Dab-damiska ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ka bilaabeen howlo burburin ah. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa lasoo wariyay in xalay saqdhexe la geeyay gudaha xaafaddaasi oo ay horay amar uga soo saartay dowladda Soomaaliya, si looga guuro maadaama uu yahay dhul dan-guud ah. Gaadiidka Cagaf-cagafka ayaa la geliyay gebi ahaan dhulka Dab-damiska, kuwaas oo jajabinaya guryaha ay muddada dheer daganaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay xaafadda ka qaataan alaabtooda inta ay awoodaan, maadaama aan gaadiid loo ogoleyn halka uu howlgalka ka socdo, waxayna gacmaha iyo doodkooda ku qaadayaan inta ay awoodaan. “Lixdan baan jiraa maato ayaa guriga ii dhex taallo oo aanan qaadan karin sideed saac habeenimo ayaa nasoo weerartay waxaasna wax macquula ma ah” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale xiran dhammaan waddooyinka ku dhow dab-damiska, gaar ahaan Isgoyska Banaadir, illaa Seybiyaano. Ciidamada ayaa celinaya gaadiidka iyo xittaa dadka lugeynaya, waxaana kaliya ay ogol yihiin in laga soo baxo, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, balse saaka ayay dowladdu qaaday tallaabo culus oo xoog loogu rarayo shacabka ku dhaqan halkaasi. The post Ciidamada DF oo howlgal culus ku qaaday xaafadda Dab-damiska kuna bilaabay… appeared first on Caasimada Online.
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada. Source: goobjoog.com
  10. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo kusimaha Taliyaha hey’adda NISA Mudane Muhiyadiin Warbac ayaa guddoomiyay shir loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.. Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo saraakiisha u xilsaaran amniga magaalada Muqdisho ayaa warbixin la xariirta dhinaca Amniga waxaa looga dhageystay Hey’addaha kala duwan ee Amniga, kuwaasi oo soo bandhigay isbadalka ku dhacay Amniga Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku amaanay Saraakiisha laamaha Amniga sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka muwaadinka Soomaaliyeed, isagoona kula dar-daarmay in la xoojiyo amniga ay ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
  11. Ururka Xisbullah ee Lubnan ayaa sheegay, in ay diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay saldhigga Israa’iil ee Buura Hermon oo ku yaalla buuraleyda Golan Heights ee Suuriya ee ay heysato Israa’il. Buurta Hermon ayaa waxaa ku yaalla saldhig muhiim ah oo ay Israa’iil u isticmaasho ilaalinta mandiqadda gaar ahaan howlaha basaasidda iyo difaaca cirka. Israa’iil ayaa halkaasi si gaar ah uga ilaalineysay dhaq-dhaqaaqa WSuuriya, Ciraaq, Urdun iyo qeybo ka mid ah Sacuudiga tan iyo 1973-di, markaas oo uu dhacay dagaalkii Isra’il iyo Carabta. Xisbullah waxay sheegtay in weerarka bam ee ay ku qaadday Buurta Hermon uu ahaa kii ugu horreeysay, tan iyo marki ay iyada iyo Israa’iil billaabeen in ay madaafiic is weydaarsadaan 8-dii bishii October, maalin kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, weerarkaas oo dhaliyay duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza. Xisbullah ayaa sheegtay in ay joojin doonto weerarada ay ku heyso Isra’il, marka ay Isra’il joohiso dagaalka ay ka waddo Gaza. Ciidanka Israa’iil aanan wali war kasoo saarin duqeynta ay sheegtay in ay Xisbullah ku qaadday saldhiga Isra’il ee Buurta Hermon ee dhulka la hesto ee Golan. PUNTLAND POST The post Ururka Xisbullah oo duqeeyay saldhig Israa’iil ku leedahay buuraha Golan Heights appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah ciidankeeda ay kala soo baxday saldhigga ciidanka cirka Niger ee 101, ee u dhaw garoonka diyaaradaha magaalada caasimadda ah ee Niamey. Tallaabadan ayaa imaneysa todobaadyo yar ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin saldhigga weyn ee diyaardahiisa drone-ka ee u dhaw magaalada Agadez ee ku taalla saxaraha Niger. Taliska millatari ee xakuma Niger ayaa bishii April amar ku bixiyay, in Mareykanka uu Niger kala baxo ilaa 1,000 askari, bilo kaddib marki ay saraakiil ka tirsan millatariga afganbiyeen dowladdii hore ee Niger, sannadki hore. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda gaashaandhiga Niger iyo Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay, in iskaashi iyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo dhex maray ciidamada Niger iyo kuwa Mareykanka aawgeed. Guud ahaan ciidanka Mareykanka ee Niger ayaa lagu wadaa in laga soo saaro bisha soo socota ee August. Taliska milatari ee Niger ayaa u qabtay in ciidanka Mareykanka ka jooga Niger ay waddanka uga baxaan ilaa 15-ka September. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ciidankiisa kala baxaya dalka Niger appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidin doono Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad , si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal. Erdogan , wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya , si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayna, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad. Maraykanku wuxuuv qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya , taasi oo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya , isagoo aqoonsan Bashar al-Assad. Waddamada Carabta , ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad,iyagoo dib usoo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale , waa inan ku sheega Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Tayyip Erdogan oo marti qaad rasmiya u fidin doona Bashar al-Assad appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay dagaal beeleedka maalmaha qaatay ee ka socda gudaha degmada Luuqa oo ka tirsan gobolka Gedo. Xamza ayaa baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalkaasi, wuxuuna ka dalbaday labada beelooed inay dirirta joojiyaan, si looga hortegi dhiigga macno darrada ah ee daadanayo. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo uu tilmaamay fursad u noqon karaan Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo badan oo kamid ah dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre. Waxaa kale oo uu Xamza faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaloya in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada iyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka. Xaaladda Luuq ayaa maanta deggan, inkastoo ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka ku dagaalamay magaaladaas oo dagaalkoodu sababay khasaare aad u wayn. Si kastaba waxaa dagaalkan oo socdo ku dhowaad todobaad ayaa lagu dilay illaa 20 qof, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn. The post XAMZA oo war culus kasoo saaray dagaalka LUUQ appeared first on Caasimada Online.
  15. La soco qaybaha kale ee xafladani Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) — Somali police have arrested Ashraf Ali Nur, 24, accusing him of spreading immoral content on social media, particularly on TikTok. The General Command of the Banadir Regional Police presented Nur to the media, stating he would be brought before a court. Source: Hiiraan Online
  17. Kismayo (HOL) – The Jubbaland administration has warned those involved in the conflict in the Luuq district of Gedo region, where intense fighting between two clan militias erupted, resulting in more than ten deaths and numerous injuries over the past two days. Source: Hiiraan Online
  18. Luuq (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa mar kale maanta ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalka ayaa saakay ka bilowday bartamaha magaalada, wuxuuna u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dhinacyada dagaalamaya ay ku dhinteen dagaalka, halka 7 kale oo isku jira ciidan ku soo baxay dagaalka iyo rayid ay ku dhawaacmeen. Qoysaskii ugu dambeeyey ayaa maanta ka qaxaya degmada Luuq, iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo ay ka soo gaarto dagaalka socda. Dagaalka ayaa saaka dib u bilowday kaddib markii ay soo rogaal celiyeen koox shalay dib uga guratay dagaalka, waxaana sii adkaatay xaaladda Luuq. Ciidamo isku dayey inay kala dhexgalaan beelaha dagaalamaya ayaa ku guul-dareystay inay dagaalka joojiyaan, doorka dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa ku soo aruuray baaqyo nabadeed oo loo jeediyay maleeshiyaadka isku awood sheeganaya. Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaalka oo ku dhowaad toddobaad ka socda gudaha iyo hareeraha degmada Luuq, wuxuuna u dhaxeeyaa labo jifo oo ka soo kala jeeda beelaha Mareexaan iyo Raxanweyn. Magaalada Luuq waxaa ku wareegsan Wabiga Jubba, waxaana laga galaa hal irid, maleeshiyaadka dagaalamaya oo saakay isku fara-saaray gudaha magaalada, iyadoo markii dambe la iskula baxay banaanka magaalada, xaaladda Luuq caawa waa mid colaadeed, mana jirto cid u diyaarsan inay kala dhexgasho dhinacyada dagaalamaya. The post Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Luuq iyo khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah oo uu ugu danbeeyay dagaalka ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo degenaanshaha degmada Luuq, si la mid ahna la farayo Ciidamada Qalabka Sida in ay u istaagaan ka hortagga dagaallada iyo colaadaha sokeeye oo fursad u ah in Khawaarijtu ay ku sii dhuumaaleystaan deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka. “Wada-xaajood iyo dib-u-heshiisiin ayaa ah furaha nabadda iyo horumarka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha iyo dagaallada sokeeye ee dalka in ay degdeg u joojiyaan, kana fogaadaan dabinka Khawaarijtu ay ku doonayaan in ay ku cimri-dheeraystaan si ay u sii dhibaateeyaan dadkeenna”. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay dardar geliso qorshaha dhab-u-heshiisiinta Qaran, si looga gudbo duruufaha horseedaya xasillooni darrada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baaq deg deg ah ka soo saaray dagaal beeleedka degmada Luuq appeared first on Puntland Post.
  20. Baqdaad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Hoggaamiyaha Xisbiga Dacwa ee dalka Ciraaq, Mudane Nuuri Al-Maaliki, sidoo kale isla maanta wuxuu kulan kale la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas. Xamsa markii uu tegay Ciraaq waxaa ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, wafdiga Soomalaiya ayaa madaxda dalka Ciraaq kala hadlaya xiriirka labada dal, iyadoo mudnaanta siiyey wadatashiyada ku saabsan isdhaafsiga khibradda, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo in Soomaaliya ay wax ka barato qaabkii dowladda Ciraaq uga adkaatay, ugana xoreysatay dalka kooxihii argagixisada ahaa. Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo muhiim ah oo ay ku saleysan tahay booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigiisa ay ku joogaan magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq. Qofobada ayaa kala ah: 1-Xoojinta cilaaqaadka ka dhexeeya labada wadan, iyadoo diiradda la saaray sidii loo cusbooneysii lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ganacsiga iyo dhaqaalaha. 2-Arrimaha amniga oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa looga hadlay kulamadii madaxda labada dal, Ciraaq iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin burhurkii qaranimada, balse Ciraaq ay ka soo kabatay, kana adkaatay argagixisadii ka dilaacday dalkaas, halka Soomaaliya ay weli la tacaaleyso dowlad-dhis iyo la dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkaan ku wehliya Taliyaha NISA, waxayna Soomaaliya ka baraneysaa Ciraaq duruus ku saabsan sida loo xaliyo marxaladaha ay ka siman yihiin labada dal, balse Ciraaq ay ka soo kabatay. 3-Qodobka 3-aad waa in R/Wasaare Xamsa uu madaxda Ciraaq la wadaago guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha dagaalka argagixisada, dhaqaalaha, deyn cafinta, cunaqabateyntii hubka iyo guulaha kale ee dowladda Soomaaliya ay gaartay labadii sano ee xukunka uu hayey madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: 3 qodob oo muhiim ah oo Xamza uu la tegay Ciraaq appeared first on Caasimada Online.
  21. After Michael Jordan retired from the NBA, player after player tried to emulate Jordan’s game and success, yet there is no player like Muchael Jordon in the history of NBA. To copy or to emulate someone’s behavior or try to be like someone else because you admire or respect that person is not a common practice in S/land. Even government officials don’t often emulate good thoughts from each other. But these days making a viral social media video, without auditioning for a reality show, or showcasing unique passion or problem-solving skills has become the most practiced means by which some chaps try to gain fame (popularity). Mayor Mooge is exceptional because he proved himself through practical sense. I am not jealous. Life is always a pursuit – the pursuit of fame, fortune and power. Pursuit of popularity is a desire that all people share in common. However, popularity can be sought by design. Seeking popularity by design means you must design purposefully each element of your world, from business to politics, from friends to foes toward your definition of how fame (Popularity) is gained. The pursuit for fame (popularity) requires a discipline. It requires a lot of run-in. It requires principles, it requires prudence, it requires an ability to transform worries into wisdom. Fame doesn’t mean that you prove yourself by argument, but it does mean that you’re living intentionally and with vision that people can understand and know exactly where you want to go and with what means you can use to reach where you haven’t been to. People need new thoughts, new ways of doing things, new solutions to the existing problens, an exposition that explains how people can get themselves out of tight situations. One can be popular by having a good sense of humor; a willingness to create new ideas; a vision that can live a meaningful life, a hope to sell, hints showing where the sense of tomorrow will lie. Arguments are what always wears all Somalis out. Weeping one day with a grouo and weeping the other day with another group does not make a meaning to people who need a real change. Sticking to where you first found yourself is better than running amoke around. By: Jamafalaag Hargeisa – Somaliland. jamafalaag@gmail.com Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis, kulankaan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK oo dhinacyo kala duwan leh. Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sidoo kale hambalyo kal iyo laab ah u diray ra’iisul wasaaraha cusub ee UK Sir Keir Starmer. Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta la kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley. Kulankaas oo ka dhacay gudaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla xerada Xalane ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahad-celiyey taageerada dowladda Mareykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay buugga tacsida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Allaha u naxariiste Prof. Jawaari ayaa 28 Juun 2024 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayada oo aas qaran loogu sameeyay isla caasimada, kaasi oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan. Buugga tacsida ayaa maalmo ka furnaa gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Jawaari, iyada oo maanta ugu dambeyntii uu Madaxtooyadda ku saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Sawirro: Xasan oo UK kala hadlay arrimo xasaasi ah, fariina u diray R/W Britain appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Buugga Tacsiyada ayaa muddooyinkii dambe ka furnaa caasimadda waxaana saxiixiisa ka qeybgalay mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo dalka xil ka haya iyo kuwa hore, waxaana xusid mudan iney u muuqato inuu madaxweynuhu soo xiray maanta. Magaalada Nairobi ayaa waxaa dhowaan buugga tacsida marxuumka ku saxiixay tanjirayaal dhowr ah iyo mas’uuliyiin kal duwan, Allah unaxariistee Marxuum Jaaari ayaa Muqdisho ku jeeriyooday 29-kii June xilli uu muddo uu ahaa bukaan socod. Source: goobjoog.com
  24. Buug la magac baxay Garsoore Garoon aan Sharci ka Jirin oo uu qoray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee loo yaqaanay FEIT Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Nairobi. Buuggan oo ka hadlaya dhacdooyin la yaab leh oo aan hore bulshada loogu soo tabin ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu xiisaha badan Kursiga tirsigiisu ahaa 86 ee uu ku guuleystay Fahad Daahir Axmed balse natiijadiisa la hor istaagay markii dambe, wuxuuna daaha ka rogayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu ahaa shakhsiga qandaraaska kusoo qaatay hakinta kursigan, eedda ugu wayna uu isagu leeyahay. Bogagga 88 ilaa 94 ee buugga waxa uu qoraagu ku faahfaahinayaa shirqoolo loo abaabulay doorashada kursigan oo ay ka shaqeeynayeen qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, iyadoo iskudaygaas fashilmay markuu uu dhagartaasi la wadaagay hay’adaha amniga oo xogtan uu usoo dusiyay askri ay ehel yihiin oo kamid ah kuwa loo xilsaaray inay fuliyaan dhagartaas. Buuga wuxuu kaloo iftiimiyay in ilaa 3 dowladadood oo uusan magacyadooda si toos ah uusan u sheegin ay siyaabo kala duwan dhaqaale ugu bixiyeen sidii looga hortagi lahaa in kursigan uu qaato Fahad Yaasiin, taasoo ka bilaabatay afduubkii Fahad loogu gaystay Jabuuti keddib markii diyaaraddii siday lagala dagay. Waxaan qeybahan hoose kusoo qaadanayaa sida buuga loogu qoray wada hadalladii dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo xubin katirsan Guddiga Hirshabelle iyo telefoon dhex maray Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe. Hoos ka akhri qeyb kamid ah qoraalka buugga. “Sida qof walba ogyahay doorashada awoooddeeda waxay gacanta ugu jirtay Madaxda Maamul Goboleedyada, waana siday iyagu qorteen oon cid ka daba hadlin, mana dhici karin in kursi la xannibo, ayadoo aysan la soconin raalli ahaanshaha Madaxweynaha maamulkaas. Kursigaan waa kan keliya ee uu si toos ah isu hor taagay madaxweynihii lahaa, wuxuuna ahaa cabaqadda rasmiga ah ee ka danbaysay in la xannibo kursiga. “Fahad oo ahaa qofka u tartamay, kuna guulaystay, wuxuu ka soo badbaaday dhowr shirqool oo uu ka mid yahay xanibaaddii garoonka Jabuuti. Waxaa kale oo jiray shirqoollo kale oo khatar badnaa. Inta xogaha iga soo garay arrinta shirqoolada wakhtigi tartanka doorshada uu ku jray waxaan ka sheegi karaa sheekadaan. “Gabalgaab qoraxdii ay wali soo jeedo, taariiqdana waa Febaraayo 17, 2022, waxaan ku sugnaa magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, xarun guryihii Boqoradii dowladdii Cismaaniyiinta oo dhismayaal qadiim ah oo dhagaxyo qalalan oo waaweyn ka samaysan oo buur dhakadeed ku taal. Saaxiibkay Axmed oo Turkiya igu soo dhoweeyey ayaa meesha i keenay, ujeedkuna wuxuu ahaa ogaanshaha goobaha taariikhiga ah. Annagoo meel kore oo furan taagan, dadyow kala dhalasho iyo midab duwan sawirro ku mashquulsan yihiin ayaa telefoonkayga dhowr mar soo dhacay, saaxiibkayga oo wax sharaxaya ayaanse ereyadiisa dhuuxayaa, halka uu hadba farta iigu fiiqo ayaan indhahayga u taagayaa. Telefoonkii wuu kala joogsan waayey, waana qabtay. Wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddigii doorashada Hirshabeelle. Ima uusan salaamin, wuxuu ku celcelinayaa ma i maqlaysa, ma i maqlaysaa. Hadalkiisa waxaa ka muuqatay in culays badani haysto. Wuu degdegayaa, kala jarjarayaa, waxaa markiiba dhegahayga ku dhibcay “Guddoomiye xaggee joogtaa?” waxaan ka shakiyey hadalkiisa dareenka leh. Horay Guddiga Hirshabeelle wuxuu ahaa guddi kala qaybsan gartooduna marar badan ayey ii timid oon isku dayey in aan si hoose u xalliyo. Markii muran xallismo haddana mar kale ayuu dib u oogmayey, markastana waa kala cabanayeen oo khilaaf siyaasiyiinta maamulka Hirshabeelle dhex dhigeen ayaa walaaqayey, waxaan u qaatay in khilaafyadii qayb ka mid ah oo sii cuslaaday uu ii soo wacay.” Hadalkii ayaan u dejiyey ninkii telefoonka ku jiray, waana wareystay. Wuxuu igu yiri “Ninyow Fahad ayaa magalada yimid galabta, kursiga 086 ayuuna u tartamayaa, laakiin ninkii Guudlaawe ahaa hawl kale oo shirqool ah ayuu wadaa. Marka ay codaynta tartanka bilaabato waxaa la qorsheeyey in xabbad ka dhacdo hoolka, sidaasna laga kala cararo, laba ujeedo ayaana laga leeyahay; tan ugu muhimsan in meesha lagu khaarijiyo, haddii taas ay dhici weydana tan xigtaa waa in tartanka kursigaas loo helo qiil culus oo lagu laalo doorashadiisa, hawshaasna waa degdeg ee wixii aad igala gaban karto igala qabo. Waxaan waydiiyey warka sidee ku heshay? Jawaabtiisii waxay noqotay “nin ka mida askarta amarka hawsha la siiyey oon qaraabo hoose nahay ayaa isoo gaarsiyey.” Maan beensan oo wixii taxadar amniga ah markasta in aad u qaadato mid run ah ayaan dareensanahay. Waxaan ku iri hawsha ha yareysan. Waan aamusay ilbiriqsiyo, waxaan weydiiyey hawsha xubnaha kale ee Guddiga sidaas ma u og yihiin?” Maya, maya. Cid kale ma u sheegtay oo wax ma iska dhahdeen? Maya, maya ayuu yiri, waxaan u soo jeediyey talo ah in siduu warkaan ugu sheegi karo dadka ay qusayso, gaar ahaan saraakiisha amniga doorashada uu degdeg u gaarsiiyo. Waxaa kale oo u sheegay in uu Fahad laftigiisa arrinta u sheego. Wuxuu i weydiistay telefoono xubno gaar ah, lambaradii waa u diray. fariintaan uu i sheegay waxay i ilowsiisay in aan su’alihisii ka jawaabo iyo eed markuu fariinta ii sheegay ka dhalatay oo maskaxdayda ku dhex waregaysay, taasoo ahayd in wax aan ka soo dhex baxay uu iga daba keenay. Fahad Yaasiin ayaan wacay oo arrinta iyo sida xogta igu soo gartay ku war geliye. Waxaan kale oo u sheegay in xubinta guddiga ee xogta isoo gaarsiiyey uu degdeg ula xiriiro. Saxibkay Axmed ayaan ku soo noqday annigoo beddelan, wuu dareemay in telefoonka hawl cusub la iiga soo sheegay. Guddoomiye ma dhib ayaa jirta ayuu i weydiiyey, anigoo dhuunta candhuuf mari la’a ku khasbaya, doobta hungurigaygana kor iyo hoos ay u kala ordayso laga dareemayo in wax dhuuntayda mari la’ ligayo, ayaan u sheegay in ay tahay wax ku saabsan doorashadii. Inkastoo aan run u sheegay haddana xogta uma faahfaahin, wuxuu dareemay in wax aan ka qarinayo a jiraan. Iguma uusan soo celin war kale. Taariikhdii uu sharaxayey wuu joojiyey markuu arkay in dhiifoonaantii aan wax ku dhegeysanayey iga luntay. Cabaar ayaan aamusay, anoo is weydiinaya jawaabta ninkii aan siiyay in ay ku filan tahay wax ka qabashada arrinta iyo in kale. Boqolaal jawaabood ayaa hal mar maskadayda soo buuxiyey. Ninkii isoo wacay ayaan ku celiyey telefoonkii. Wuxuu ii sheegay in uu Fahad gaarsilyey warkii, madaxii amniga doorashada uu la hadlay. Si hagaagsan ayaad yeeshay ayaan ku iri, anna in culays ay keentay fariintiisii degdegga ahayd iga degtay ayaan dareemay. Habeenkii ayaan markale is wacnay wuxuuna ii sheegay in uu u tegey Fahad oo ka mid ah murashaxiinta, uuna u sharaxay dhibka jiray, isagoo la joogana uu telefoon u diray Guudlaawe, uuna kala hadlay bedgabka goobta iyo naftiisa, la islana gartay hawshii amniga goobta doorashada waxweyn laga qabtay, wuxuuse ii raaciyey hadal kaloo la yaablahaa. Markii Fahad aan u tegey talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay; toos ayuu u wacay Guudlaawe, wuxuu furay sameecadda taleefoonka oo wuxuu ku yiri, “Mudane Madaxweyne, barito amniga goobta doorashada waxan filayaa inaad xil wayn iska saartay, ood hubisay wax kasta, waayo aniga adigaan isku kaa halaynayaa.” Sidii qof hurdo ka salalay ayuu Guudlaawe yiri, “maxaa tiri? yaah, iigu soo celi hadalka.” Kolkasuu intuu ugu celiyay farriinii ugu soo daray hadalkii, “Mudane Madaxweyne maadaama goobta hay’ado kala duwan oo ciidamada ah awood u leeyihiin in ay soo galan, anigana aad ogtahay inaan cadow badan leeyahay, waxaan ku sheegayaa inaan go’aansaday inaan kasoo tago dhammaan askarta iyo ciidanka ila socday xitaa ilaalada gaarka ah, goobta doorashadana aan soo gelayo anigoo kaligay ah. Sidaas darteed, amnigayga iyo amniga goobta adiga ayaan kugu halaynayaa, ee u xilsaar sarkaal aad ku kalsoontahay, iina soo dir magaciisa iyo telkiisa si aan ula soo xiriiro.” Guudlaawe hadalkii ayuu ku mergeday, “haa, maya. Een een. Fiiri Eeboow, runtaa waaye cadow badan aa leedahay, walaahi wareer waaye, waxaan maxaa waaye, waayahay Eeboow, aan kugu soo laabto, ama fiiri, maan si kale u dhigno,” intaas buu halmar iska soo daba tuuray, wuxuu ku sii hadlay, “maad adigaba la wareegtid amnigaaga, oo aan kuu amro sidaas, oo hoolka iyo goobtaba u dhiibno ciidankaaga. Intuu Fahad ilka cadays qosol aan cod lahayn ah sameeyey ayuu ku yiri, “waa talo fiican, waadna ku mahadsantahay, sidaas baan yeelayaa ee ciidanka iyo gudiga iigu amar.” Labaatan daqiiqo kaddib ayuu Guudlaawe soo wacay Guddigii oo isla fariintii noo sheegay, waxaana la wareegay goobtii doorashada taliyihii amniga gaarka ah ee Fahad. Hadalkii ayaa xubintaan Guddiga ah la sii dheeraaday, warar kale oo aad u cuslaa oo qalbigaygu qaadan waayey siday u suuro gal u tahay ayuu ii sheegay, wuxuuna igu soo xiray, “Cirrow Fahad haddii kursiga loo doorto ma filayo in uu isbaaro la’aan nogon doono oo Guudlaawe cadaadis daran oo wadamo shisheeye iyo meelo kala duwan uga imaanaya ayaa jira, annagu kursigaan sidii kuraasta klae doorshadooda u dhacayso ayuun baanu u qabannaynaa.” Aniguu igu cedeyey in wakhti aad u xasaasi ah aan ka tegey hawshii, ereyadiisana uma arkayn in ay muhiim ii yihiin. Alle ha idin guuleeyo, hana idin nabad yeelo ayaan ugu duceeyey, markaasaan u sheegay in aan wadanka ka maganahay. Kursigan doorashadiisii waxa la gabtay Febaraayo 20keedii, 2022, waxaana ku soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Guddiyadii doorashadu waa wada joogeen, si furan oo tartan ah ayaana ay u dhacday doorashadiisu, cidina cabasho kama keenin. Fahad wuxuu ku qabay kalsooni iyo isku halayn buuxda, laakiin qandaraaska ugu weyn ee in la xanibo kursigaas waxaa lahaa Guudlaawe oo qorshaha la dejiyey Rooble. Inuusan xildhibaan noqon, waxaa maal gelin dhaqaale ku bixiyey ilaa saddex dowladood oo khatar weyn ka arkayey Fahad haddii uu noqdo xildhibaan wuxuu uga sii gudbayaa Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka, taasoo sahli karta dib u doorashada Farmaajo, sababta kursigan loo xanibayna intaas ayey ahayd. Subaxii xigtay Raysalwasaare Rooble wuxuu bogga Guddiga ku qoray in kursiga 086 doorashadiisa la hakiyey. Hadda go’aamada Guddiga waxaa laga garaa xafiiska Raysalwasaaraha oo koox ayuu u samaystay, oo Guddoomiyiii Guddiga ee cusbaa wuxuu ku khasbayaa in amarrada kooxda xafiiska Raysalwasaaraha ka soo baxa yihiin kuwa rasmiga ah ee guddiga! Raysalwasare Rooble ayaa amar dul dhigay Guddigii, wuxuuna ugu gooddiyey in uu kala dirayo guddiga haddii ay aqoonsadaan doorashada kursiga, waa intii uu anigaba iigu goodiyey doorashadii Xildhibaan Yaasiin Farey. Muddo ayaa muranka kursigani warbaahinta haystay. Makamadda Sare ayaa dacwadiisa dhegeysatay 19 Abril 2022. Dadku indhahay u taagayeen go’aanka dacwadda. Cidda haysata kursiga waa koox siyaasad ahaan u hor taagan oo kaashanaya shisheeye. Waxaa tariikh xumo ka qaaday koox si xishood la’aan ah u qaadatay laaluush iyo musuq oo ah Guudlaawe iyo Raywaslwasaare Rooble oo hor istagtay natijada, mana ka jawaabi karaan sababta. Bulshadu waxay eedeysaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada, isaga mar horaa la qaatay awoodiisa oo cabsi gelin lagu sameeyey, wuxuuna ahaa nin mar hore iibsaday qofnimadiisii. Makamadda Sare way degeysatay kiiskii. Halkii go’aan laga sugayey waxay soo saartay warqad ay ku sheegayso in aysan xaq u lahayn in ay dhegeysato kiis ku saabsan doorashada. In aan loo dacwoon ayaaba ka qummanayd oo kiiska cidda haysatay ayaa go’aankani u sii xalaaleeyey. Qoraalkan oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Buugga Garsoore Garoon aan Sharci Ka jirin ee uu qoray Maxamed Xasan Cirro, bogaggiisa 88 ilaa 94. The post Kaalin intee la eg ayuu Cali Guudlaawe ku lahaa hakinta kursigii Fahad Yaasiin? appeared first on Caasimada Online.