-
Content Count
213,239 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladad Kenya ee Xuduuda la wadaagta Soomaaliya, waxaa lagu tuhmayaa in ay ka mid tahay wadamada ka faa,iideystay Burburkii Soomaaliya, walina ku taamaya in Soomaaliya aysan ka dhalan Dowlad Xoog leh oo hanata Dhamaan Dalka Soomaaliya Xuduudihiisa Barriga iyo Badda, iyadoo ka leh dano Dhaqaale iyo mid Siyaasadeed. Dowladda Kenya waxaa Dalka Soomaaliya ka jooga Ciidan huwan Shaarka AMISOM ee Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta lagu Sheego, iyadoo ujeedada ay uga mid noqotay ay tahay mid u suurta gelineysa dano Siyaasadeed iyo Amni, taas oo u noqotay Dabool ay Soomaaliya kusoo geli karaan Ciidankeedu kana bixi karaan marka ay Doonaan. Haddaba Xiliyadii u danbeysay ee khilaafku Soo kala Dhex galay Dowladda Kenya iyo Soomaaliya waxay Ciidamada Kenya ka baxeen Fariisimo waaweyn oo ay ka deganaayeen Gobolada Jubooyinka, talaabadaas oo ah Cadaadis siyaasadeed ee ay saareyso Dowladda Soomaaliya iyadoo muujineysa in ay ka heyso aagag Dagaal, ujeedadeeduna ay tahay in Soomaaliya ay Sameyso tanaazulaad Dhanka Muranka Badda ee Garqaadkiisu yaallo Maxkamadda Caalamiga ah ICJ, ayna Dooneyso Kenya in lagu Dhameeyo heshiis dhex mara Labada Dowladood iyadoo ka Cabsi qabta go,aanka kasoo bixi doona Maxkamadda ICJ oo ay Soomaaliya ku adkeysaneyso in aysan gorgortan ka baxsan Maxkamadda la geleynin Kenya. Joojinta Duulimaadyada Tooska ah ee Nairobi -Muqdisho Waxaa jiray heshiisyo dhex maray Kenya iyo Soomaaliya oo lagu fududeynayo isu socodka Duulimaadyada ee Labada Dal, waxaana Bilowday fulinta heshiisyadaasi, iyadoo ay Kenya bilowday Duulimaadyo toos ah ee Labada Caasimaadood ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo Diyaaradaha u Socda Nairobi baaritaan lagu marsiin jiray garoonka Diyaaradaha Wajeer soo Saacado qaadan jiray. Kenya ayaa u aragtay joojinta Safarada Tooska meel ay ka Cadaadin karto Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday horraantii Bishan May in ay Joojisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Nairobi Muqdisho, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay Go,aan Siyaasadeysan. Tallaabooyinka Kenya ayaa u muuqata mid ka gudubtay Heer Shacab una Gudubtay Heer Diplomaasiyadeed ka dib Markii Garoonka Diyaaradaha Nairobi lagu xayiray Waziiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya loona diiday in Dal ku galka (Visa) loogu dhufto Passportka Diblomaasiga ee ay sitaan mas,uuliyiinta Dowladda Soomaaliya, taas oo u muuqata tallaabo muujineysa in Kenya aysan wax Qiimeyn ah haba yaraatee u heynin Dowladda Soomaaliya. Maxay tallaabooyin ah oo ay Qaaday Soomaaliya? Waa Su,aal meesha taal marka la eego talaabooyinka Diblomaasiyadeed ee Dowladuhu qaadaan ka dib markii dal kale uu qaado Tallaabo Diblomaasiyadeed oo wax yeeleysa Danaha Dalkaasi, balse Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ka gaabsaneyso Dowladda Kenya marka laga Reebo Qoraallo aan Xanaf laheyn uusana ka muuqan go,aan u dhigma kan ay Kenya qaaday oo kasoo baxayay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, arrinkaas oo loo fasiran karo in Dowladda Soomaaliya ay gabtay mas,uuliyadii ka saarneyd Dalka, ayna tahay in Dalka laga daafaco Dhibaatooyinka lasoo gudboonaada Dhan walba. Danaha uga Xiran Soomaaliya Kenya ? 1-Qaxooti Badan oo Soomaali ah laguna qiyaaso 1 Million oo ku nool Kenya kuna Leh Ganacsi aad u ballaaran, iyo kuwo ku nool Xeryaha Qaxootiga. Danaha Kenya uga Xiran Soomaaliya 1-Dhoofinta Qaadka oo ay Kenya usoo Safriso Dalka Soomaaliya oo ah suuqa Kaliya oo u furan Kenya oo ay ka heshoo Maalintii lacag Dhan $4 Million oo Doolar, Dhanka Soomaaliyana ay ka hesho Canshuur kumanaan Doollar ah . 1-Ciidamada Kenya ee Ka tirsan Amisom oo Mushaar ku qaata Joogistooda Soomaaliya oo askrigii uu qaato Lacag Dhan $1000 Dollar. Fal Celinta Soomaaliya Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay eegto Muga ama inta ay la egyihiin Danaha ay weyneyso haddii uu si Rasmi ah u joogsado Xiriirka kala Dhaxeeya Kenya. Haddaba Danaha Dhaqaale ee Labada Dal ay kala leeyihiin markii la is barbar dhigo waxaa soo baxeysa in Kenya ay Faa,iido Badan ku qabto Soomaaliya, Haddii uu Joogsado Xiriirka Labada Dal ay Kenya Dhibaato ku tahay marka loo eego Dhibaatada Soomaaliya ay kala kulmeyso. Marka dib loo milicsado Tallaabooyinkii ay Dowladda Soomaaliya horay u qaaday waxaa ka muuqda in Soomaaliya ay aad isku Dajineyso, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo Wada Hadalo u tagay Nairobi ka dib soo jeedintii Ra,iisul Wasaaraha Ethiopia Dr.Abi Axmed kaas oo u muuqda mid aan dan ugu Jirin Badda ay raadineyso Kenya oo Haddii ay Xuduud Badeed kala Dhaxeyso La filan karay in uu maro Dhanka Kenya, Balse Doonaya in uu Sambaatiyo ka sameysto Soomaaliya oo Leh Dekedo u Dhow Xuduudeed Itoobiya uuna La gaari karo Heshiisyo ay Ethiopia ku adeegsaneyso Dakadaha Soomaaliya . Sida ka muuqata Tallaabooyinka Kenya waa kuwo ay ku daandaansaneyso Soomaaliya iyadoo dooneysa in ay ku jawaabto Go,aano lagu Deg degay oo Qaldan Dhanka Diblomaasiyadda, maadaama Soomaaliya ay kenya ay ku Fadeexoday Ceyrintii Safiirka Soomaaliya iyo la Bixitaanka Safiirkooda Soomaaliya oo aysan Soomaaliya Siin Jawaab Kulul balse ay Bixisay Jawaab miisaaman oo aan xanaf laheyn, taas oo aduunka tustay Bislaashada iyo Xasiloonida Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Tallaabooyinka La Gudboon Soomaaliya 1-in iyadoo aan Xiisadda Gaarsiineyn Heer Goysmo ay Cabasho u Gudbiso Safiirka Kenya ee Soomaaliya tallaabadii Xayiraadda Mas,uuliyiinta Soomaalida ee Garoonka Nairobi, isla markaana Wada tashi ugu yeerto Safiirkeeda u fadhiya Kenya. 2-in ay Dacwad u Gudbiso Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD maadaama Kenya ay Jabisay heshiis Laba geesood ah, isla markaana Xayirtay Diblomaasiyiin Dal Daris ah, Taas oo keeni karta in Kenya ay la Kulanto Canaan Siyaasadeed. 3-in ay ka Codsato IGAD in Ciidanka Amisom ee Kenya laga saaro Dalka Soomaaliya maadaama uu yahay Ciidan Siyaasadeed oo loo adeegsanayo Cadaadis Siyaasadeed. Dhibaatooyinka Soomaaliya uga imaan karta Qaadista Talaabooyinkaas. 1-Talaaabada 1aad ee Cabasho u Gudbinta Safiirka Kenya Soomaaliya wax dhibaato ah uma keeni karto, Balse waxaa dhici karta in Wada tashi ugu yeerashada Safiirka Soomaaliya ay Kenya u fasirato Goyn Xiriirka Diblomaasiyadeed, Sidaas darteedna Qodobka hore uu Haboon yahay. 2- u Gudbinta Dacwad Midowga Afrika iyo IGAD wax dhibaato ah Soomaaliya ugama imaan karaan, waxayna u badan tahay in ay ku faa,iido maadaama ay tahay Xaq ay leedahay Soomaaliya oo Macquul ah. 3-Codsiga ka saarita Ciidanka Kenya ee AMISOM waa Tallaabo Soomaaliya u keeni kara faa,iideyo in ay joogsato Cadaadiska ay Kenya ka dhiganeyso Ciidankooda, Sidoo kalana Midowga Afrika u arki karo Tallaabo Soomaaliya ay ugu geftay Guud ahaan Ciidanka Amisom, waana in la isku barbar dhigaa Labadaas Faa,iidadooda iyo Khasaaraha waxaana wanaagsan in la qaato kan Dhibka yar ee ah in aan La qaadin talaabadaas sida ay aniga igula Muuqato, Maadaama Dowladda Soomaaliya ay tabar yartahay aysana ka maarmin AMISOM. Gabagabadii waxaa meesha yaalla Dhib Culus oo Gaaray Karaamada iyo qaranimada Soomaaliya Dowlad iyo Shacab, waxaana muhiim ah in Lasoo celiyo lagana hor mariyo Dan Kasta, waxaana waajib ah in laga bixiyo Tallaabo Diblomaasiyadeed oo mizaaman isla markaana Laga fekeray. W/Q: Bashiir Maxamed Maalin Mr.bashiir088@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Ministry of Foreign Affairs has ruled out ransom negotiations with Al Shabaab militants in Somalia to secure the release of two Cuban doctors abducted from Mandera in April. Cabinet Secretary Monica Juma, however, said an operation was ongoing to rescue the two doctors. “We believe that we’ll secure their release in the ongoing security operation but as a matter of polity, the government does not negotiate the ransom. We’re hopeful that we shall retrieve the doctors safely back home,” the CS assured during a joint media briefing with European Union (EU) High Representative Foreign Affairs and Security Policy, Federica Mogherini on Tuesday. She was responding to reports that the Somali-based militant group had demanded a $1.5 million ransom for the release of the doctors who were attached to Mandera County Referral Hospital. The doctors – a general practitioner and a surgeon – were abducted on April 12 while commuting to work. In her remarks during bilateral talks with the visiting envoy, CS Juma commended the EU’s efforts towards peace in Somalia through the Counter-terrorism Law Enforcement Project – Horn of Africa and Yemen. She appealed for EU support to Kenya’s bid to have Al Shabaab listed as a terrorist organization under the United Nations Security Council (UNSC) Resolution 1267 of 1999. “In combating global terrorism and sustaining the painful gains, we urge you to support Kenya in listing the Al Shabaab as a terrorist organization under the United Nations Security Council Resolution (UNSC) 1267,” she urged. Juma’s call for the listing of the Somali-based militant group under Resolution 1267 follows the abduction of two Cuban doctors attached to the Mandera County Referral Hospital on April 12 by al-Shabaab militants, a move the foreign ministry termed as a flagrant violation of international humanitarian law. Resolution 1267 was crafted on October 15, 1999, following repeated acts of aggression by the Taliban and groups linked to it. UNSC had noted a significant rise in the illicit production of opium, and the Taliban’s capture of the Consulate-General of the Islamic Republic of Iran and murder of Iranian diplomats in Mazar-e-Sharif. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Madaxweyneyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda gobolkaasi. Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka. Madaxweyne Xaaf oo maanta gaaray Gaalkacyo ayaa ayaa sheegay in kulanka uu la qaadanayo dhiggiisa Deni ay ka soo saari doonaan War Murtiyeed. Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriiy xoogan iyo wada shaqeyn ku aadan nabad galyada gobolka ay wadaagaan ee Mudug. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan bisha barakeysan ee Ramadaan ku madlan degmooyinka waa weyn weyn Afgooye iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Lada degmo ayaa ku wada jira Group-ka D is araga labaad wareega koowaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle. Degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose ayaa tartankii hore guul ka soo gaartay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Dhanka kale degmada Xamar Jajab ayaa kulankii hore bar bar dhac la soo gashay dhiggeeda degmada Cabdicasiis. Balse la arki doonee caawa degmada awood roonaata Afgooye iyo Xamar Jajab oo kala matalaya gobollada dariska ah ee Shabeelaha Hoose iyo Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha ganacsiga Beco iyo Coca-Cola. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay arday maqalka la’ oo wax ka barata Iskuul ku yalla degmada Dharkenley ee G/Banaadir. Ardaydan oo tiro ahaan gaaraya illaa iyo 37 ruux ayaa waxa ay madaxda Hormuud Foundation TelecoM ku booqdeen xarunta Iskuulkaasi. Sidoo kale Hormuud ayaa u ballan qaaday ardayda iyo maamulka Iskuulkani in ay garab taagnaan doonto, islamarkaana ay u fidin doonto taagreero joogta ah. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/war-mutawakil-hormuud.mp3 View the full article
-
New York (SMN) – Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale. Warbixnta ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million. Sannadkii 2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million. Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah. GOLAHA AMMAANKA oo u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka dayn cafinta dalka. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn. Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC). Warbixnta golaha amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka. View the full article
-
Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qaatay siyaasad ah horomarinta iyo fursad siinta dhalinyarada wax barata hadana jecel kasoo muuqashada ciyaaraha kubbadda cagta Soomaaliya sanadii 2016 markii ugu horeesay xiriirka waxa uu bilaabay tartanka iskuulada oo ay ka qeyb galeen ilaa 12-iskuul oo ku yaala Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab waxa uu sheegay in ganacsatada looga baahan yahay ka qeyb qaadashada iyo horomarinta jiilka cusub ee mustaqalka la doonayo in ay wax badan ka badalaan kobaca kubbadda cagta Soomaaliya. Saddex sano oo barnaamijka horomarinta dhalinyarada laga her geliyay caasimada Muqdisho madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxa ay Goobjoog u sheegeen in iminka ay diyaarinayaan qorshaha iyo dhisidda xiriiradda iyo kooxaha kubbadda cagta Maamul Goboleedyad si dhallinyarada gobolada ay iyagana u helaan horomarinta kubbadda cagta. April 2018 17 ijir Soomaaliya ee ka qeyb galay tartankii kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi ayaa waxa ay galeen kaalinta 2aad ka dib markii xulka Tanzani ay guulo daro 2-0 ka kulmeen,yoolkeed taa fursad ceeynkee ayuu Ciyaartooyda kasoo baxaysa u yihiin kooxaha iyo Xulalka kala duwan ee kubbadda cagta Soomaaliya. Xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Afrika ee CAf ayaa si weyn ula dhacsan abaabulka xoogan iyo dhisidda da’yarta,iyagoo Soomaaliya ku amaanay juhdigii da’yarta laga bixiyay dhalinyarada laga arkay tartankii 17-jirada Bariga iyo baratamaha Afrika 2018 waxayna balan qaadeen in ay arikan ay tahay mida kaliya uu wadanka kasto ku gaaro guul waaweyn ee dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha dalkiisa iyo caalamka. Halkan ka daawo Warbixin ku saabsan Xiriirka Kubbadda Cagta dadaalka uu ku bixinao da’yarta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Khataraha ka iman kara dadka degan dhulka jilicsan ee jeex-jeexyada iyo dooxyada yaryar ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa mar kasta khatar ugu jira in waxyeelo ka soo gaadho roobabka ka curtay Somaliland. Alle inaguma keenee Aduunka waxa ka jira isbadal ku yimid cimilada, taas oo dalal badan ku keentay roobaba intii hore ka badan, Fatahaado xoog leh, Dhul soo go’ay iyo dhiiqo wada socda oo saamayn xoog leh ku yeesha nolosha dadka. Halka meelo kalena ay ka dhaceen roobab la’aan daba dheer oo sababta abaar iyo biyo iyo baad la’aan dadka iyo duunyadaba ku keena macaluul iyo abaaro farabadan. Waxaana la ogyahay in aduunka mudooyinkii u dambeeyey meelo badan ay ka da’ayeen roobab dabaylo iyo duufaano wata, kuwaas oo bilihii u dambeeyey waxyeelo badan gaadhsiiyey dalal ku yaala Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Tanzania iyo Mozambique. Sanadadii u dambeeyey waxa uu kor u kac ku imanayey qiimaha Guryaha magaalada Hargeysa, waxaana lagu qiyaasaaba in qoysaska qaar ay kirada guryaha ku bixiyaan kala badh dakhliga soo gala bishii, xaaladan kirada guryaha ee caasimada Hargeysa ka taagan ayaa loo sababaynayaa dhawr arimood oo ay ka mid yihiin cashuuraha kala duwan ee guryaha laga qaado oo sanad kasta korodha, taas oo sababtay in dadka kireeya guryuhuna ay iyaguna si la mid ah ay kordhiyaan kirada guryaha. Magaalada Hargeysa meelaha qaar waxa jira baahi badan oo loo qabo guryo qiimo jaban oo qoysasku ay degaan, Waxaanay sheegayaan dadka qorshayaasha dhulka iyo guryaha ku xeeldheeri inkastoo guryeyn iyo guryo dhisid xooglihi ay jirto oo caasimada Hargeysi ay dhinac kasta u fidayso, ayaa hadana waxa jira farqi u dhexeeya Kirada Guryaha iyo koboca tirada bulshada u baahan guryo qiimo jaban oo ay ku noolaadaan. Hase yeeshee guryaha qiimaha jaban ayaa laga heli karaa oo kaliya koonayaasha magaalada Hargeysa, balse waxa wax la iska waydiin karaa walow ay yihiin guryo qurqurux badan oo hada uun farta laga qaaday in la isku halayn karo dhul ahaan halka ay ku yaalaan. Waxaanay taasi ay kaliftay in dadku wakhti xaadirkan aanay eeginba dhulka ay iibsanayaan iyo halka ay guryaha ka dhisanayaan inay doox iyo jeexjeex tahay toona, kuwaas oo khataro badan la kulma xiliyada ay roobabka waaweyni ay ka da’aan caasimada Somaliland ee Hargeysa. Tirada Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka sii dambaysa sii kordhaya, waxaana tirada dadka kordhayaa ay keentay in loo baahdo Guryo iyo meelo ay ku noolaadaan. Hadaba waxa xiligan roobabku ay da’ayaan loo baahan yahay in Xukuumadu ay xil iska saarto badbaadada dadka degan goobaha aan ku haboonayn inay degaan, isla markaana laga fikiro in aan dadka loo sharciyeyn meelo aan ku haboonayn in guri laga dhiso. Source
-
Mudqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee ay hantidoodu taallo dalka dibaddiisa, wuxuuna ugu baaqay in ay xaqiijiyaan ammaanka dhaqaalahooda. Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay dhegtu u taagnaato, wuxuuna tibaaxay in halka kaliya ee hantidooda ku nabad geli karto ay tahay gudaha dalkooda, isagoo kula dardaarmay in ay ku soo guryo noqdaan dalkooda Hooyo. Hadalkan ayaa imaanaya, xilli uu muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana hadda muuqata in khilaafkaas oo awal ku koobnaa dhinaca xiriirka Diblumaansiyadda ee labadda dal, in uu u sii gudbay dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga. Kenya ayaa shalay u diiday in ay garoonka Joma Kenyatta ka baxaan wafdi ka socday DFS oo dalka Kenya u tagay ka qeyb galka shir ka furmi lahaa caasimadda dalkaasi ee Nairobi, waxaana dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Booliska Kenya ay xidheen qaar ka mid ah Xawaaladaha Soomaalida ay ku leeyihiin dalkaasi. Qaar ka mid ah Shaqaalaha Xawaaladaha ka shaqeeya ayaa xaqiijiyay in Xarumaha Shirkadaha Taaj Iyo Amal ee Magaalada Nairobi ay xidhan yihiin, kadib markii Booliska ay yimaadeen oo ay xidheen. “Walaalow Xawaalada Taaj ayaan rabay in aan lacag ku soo diro balse waxaa la igu yidhi waa la xidhay oo Booliska Kenya ayaa xidhay, wali ma ogi sababta, balse illaa Shan xawaaladooda ayaa la xidhay.” Ayuu yidhi qof doonaayay in Xawaalada Taaj uu lacag ku soo dirsado. Illaa hadda Booliska Kenya kama ay hadlin sababta rasmiga ah ee Ciidamada Booliska ay u xidheen Xarumaha Xawaaladahan. Illaa Shan Xawaaladood ayaa la sheegayaa in Ciidamada Booliska Kenya ay xidheen, islamarkaana ay joojiyeen shaqooyinkii ay qaban jireen. Source
-
Dalka Kenya ayaa 4-tii bil ee ugu dambeysay waxaa uu kor u qaadey cadaadiska uu ku hayo Soomaaliya, siyaasad iyo ganacsiba. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan shirkadda xawaaladda ee Taaj waxaa xiran xafiiskoodii Nairobi, waxaana baarid lagu wadaa iyaga iyo qaar kale oo halkaasi xarumo ku lahaa. Cadaadiskaas dhanka xawaaladaha waxaa uu qeyb ka yahay mid soo socdey muddo dhowr bil ah, taas oo la doonayo in Soomaaliya ay ugu dambeyntii xal wada hadal ah ka gasho muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Soomaaliya ayaa marar badan iska diiday dalab uga yimid Kenya oo ah in wada hadal laga galo dacwada badda ee hortaallo maxkamadda cadliga taas oo go’aankeeda la filayo in la gaaro inta lagu jiro 2019-ka. May 9, ee sanadkan Kenya ayaa joojisay diyaaradihii toos u tagi jiray Nairobi, iyada oo loo wareejiyey garoonka diyaaradaha ee Wajir, Kenya arrinkaas waxaa ay ku sheegtay sababo amni. March isla sanadkan Kenya ayaa soo ceyrisay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Maxamud Tarsan, una yeeratay safiikeeda, arrintaas ayaa timid kadib shirkii shidaalka ee London. Xiriirka oo xumaadey darted, waxaa arrinta soo dhex galay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wada hadal ay galeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhammaadey natiijo la’aan. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Goobjoog News ayaa xiriirro badan la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, laakin waa ka gaabsadeen iney ka hadlaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-21052019-sx.mp3 View the full article
-
(SLT-Washington)-Xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Cumar, ayaa Aqalka Congress-ka geysay hindise sharciyeed difaacaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Waxay dooneysaa in arrimaha socdaalka laga hor istaago qof kasta oo gacan ka geysatay fulinta sharciga ay meel marisay boqortooyada dalka Brunei ee dhigaya in la mamnuucay in ay isu galmoodaan dadka isku jinsiga ah. Sharciga dalka Brunei ayaa dhigaya in dadka lagu helo in ay isu weeydaarteen iyaga oo isku jinsi ah, in lagu xukumayo dil dhagax ah (rajmin). Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay. Ilhaan Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Muslim ah, Soomaalina ah ee gasha Aqalka Congress-ka ayaa aad loogu yaqiinay in ay u ololeyso arrimaha muslimiinta. War qoraal ah oo ay soo dhigtay bog ay ku leedahay internet-ka oo ay kaga hadlaysay sharciga boqorka Brunei uu dhowaan shaaciyay, ayay ku tiri “Sharcigan waa mid lid ku ah qiyamkeena xuquuqda aadanaha, waana in lagu dhaleeceeyaa ereybixinnada ugu xoogga badan”. Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Source
-
The United Nations on Monday in a statement called for urgent and sustained resources to avert a major humanitarian crisis caused by severe drought. George Conway, the acting deputy special representative for the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said “the drought situation in Somalia has deteriorated rapidly and intensified much earlier than seen over the last decade. Somalia is at a critical juncture, and with sufficient resources, we can reactivate the structures that successfully avoided famine in 2017.” The UN statement said the 2019 Gu rains (April-June) have dismally failed, resulting in a second consecutive below-average rainy season while Somalia is still recovering from the impact of the prolonged 2016-17 drought. Out of 5.4 million expected to be acutely food insecure by July, 2.2 million will be in severe acute food insecurity conditions, a 40 percent increase from January, the statement said. It said except the 2018 Gu (April-June), every rainy season since late 2015 has been below average, leading to increased vulnerability and decreased coping ability. “As we continue to work under the leadership of Somali authorities to rebuild resilience and address the underlying causes of such recurrent crises, it is now critical that everyone, including donors, the private sector, Somalis in-country and in the diaspora, rallies behind these collective response and prevention efforts,” Conway, who is also United Nations resident and humanitarian coordinator for Somalia said. The UN said 710 million U.S. dollars are needed to provide critical, life-saving assistance to 4.5 million drought-affected Somalis in the most severely affected areas between now and end-December. View the full article
-
Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Kenya ay la socodsiisey isbadal xagga socdaalka la xiriira, gaar ahaan dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah kadib markii ay Kenya soo celisay siyaasiyiin Soomaaliyeed, sidaasi waxaa sheegaya Agaasimaha Socdaalka. Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xafiiskiisa aan lala soo sameyn wax xiriir ah oo arrinkan ku saabsan. “Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, waxaa sidaasi yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ayaa laga soo xigtay iney sheegeen inuu jiro isbadal xagga socdaalka ah gaar ahaan dadka sita baasaboorada diblomaasiga ah, kuwaas oo laga dalbaday iney fiiso ka soo qaataan safaaradda ay Kenya ku leedahay Soomaaliya. “Wey ogyihiin sharciga iyo isbadallada, mana isbadalin arrinkaas” sidaasi waxaa The Standard u sheegay ilo ka tirsan waaxsa Socdaalka. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senators Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali Deputy Prime Minister, Mahdi Mohamed Guled has jetted out of the country on his way to Turkey on Tuesday. The Deputy Prime Minister is accompanied by the Governor of the Somali Central Bank, Abdirahman Mohamed Abdullahi and the Director of Mogadishu Port, Ahmed Mohamed Mohamud. Somali Deputy Prime Minister and his delegation will meet senior Turkish government officials during their official visit. Somalia and Turkey share strong diplomatic relations backed by Defense and humanitarian support from Ankara since the first high profile visit of Turkish Prime Minister Now President, Rajab Tayyip Erdogan on August 2011 in Mogadishu. The Turkish embassy in Somalia is one of the biggest diplomatic missions of Ankara in the continent. It also inaugurated military base in 2017 to train and equip Somali armed forces in a bid to support Somali government quest for peace and fight against armed group al-Shabaab. View the full article