-
Content Count
215,317 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Yemen)-Taliyihii Guutada 3-aad ee dalka Yemen, Cali Axmed Qatmul iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday gaadhigii ay la socdeen oo marayey Degmadda Khokha ee duleedka magaalada dekedda leh ee Xudeydah. Sarkaal Millatari oo la hadlay wakaalladda Wararka Shiinaha ayaa sheegay inuu Taliyahaasi qaraxu qabsaday, xilli uu doonayey inuu soo kormeero fadhiisimadda ay Ciiddanka taabacsan Dowladda Yemen ka joogaan magaalada Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas. Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay madaafiic culus ku garaaceen Fadhiisimadda Ciiddankaasi ku lahaayeen Degmooyinka Tuxyata, Durayhami iyo hays ee magaalladda Xudeydah. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Ethiopia ayaa la sheegay inuu ansixiyay saamiga ismaamulka Soomaalida ku yeelanayo shidaalka laga helay dhulka ismaamulka. Xubnaha aqalka sare ee Federaalka Ethiopia ayaa meel mariyay in 50% dhaqaalaha kasoo xarooda Shidaalka laga helay gobolka Soomaalida uu yeelan doono ismaamulka Soomaalida Ethiopia. Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo ra’iisul wasaaraha Ethiopia marar badan uu ka hadlay hadalo la isla dhex marayay oo sheegayay in Soomaalida 5% ay ku yeelan doonaan saamiga Shidaalka. Waxaana hadda muuqata inay taasi meesha ka baxeyso, maadaama %50 loo ansixiyay inay heli doonaan shacabka Soomaalida, dakhliga kasoo xarooda shidaalka laga helay gobolka. Laakiin Abiye Axmed oo arrintaas bidhaamiyay ayaa sheegay in 5% ay leeyihiin dadka deegaanka laga helay Ceelasha shidaalka ee uu saameyn doono daaqa iyo beeraha sidaasna lagu siinayo saami dhan 5%. Marka laga yimaado in 50% ay yeelan doonaan Soomaalida dhulkooda shidaalka laga helay, aqalka sare ma aysan shaacin sida laga yeelayo inta kale ee ka hartay dakhliga kasoo xaroonayo shidaalka. Dhulka Soomaalida oo sanado badan shidaal laga baarayay ayaa ugu dambeyntii laga helay, waxaana ka shaqeeyay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana hadda dhiman in la bilaabo iib geynta Shidaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Hay’adda u dhaqdhaqaaqda Arimaha xuquuqal Insaanka ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Sucuudi Carabiya inay joojiso xukun dil ah oo lagu riday wiil yar oo la xidhay shan sano ka hor. Murtaja Qureiris ayaa la xidhay isagoo da’diisu ay tahay 13 markii uu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeedo dawlada kaas oo xidhan tan iyo xiligaasi, sida ay sheegtay Amnesty International. Wiilkan yare e Murtaja Qureiris, ayay hada da’diisu tahay 18, waxaana la filayaa inuu wajaho dil lagu filiyo, walow marar badan dib loogu dhigay madaama oo da’diisu ay ahayd 10 jir, sida ay warbixinta ku sheegtay Kooxda Xuquuqal Insaanku. Dacwad oogayaasha dalka Sucuudiga ayaa ku riday xunkun dil ah Murtaja Qureiris bishii August, waxaana lagu soo deedeeyey inuu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeeday dawladda, waxaanu xiligaasi uu ka qaybgalay aaska walaalkii Cali Qureiris oo lagu dilay dibadbaxaasi 2011-kii,”Siday ay maalintii jimcihii ay baahisay hay’adda Amnesty International. Source
-
(SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa wakhti kama dambays ah loo qabtay inay kala doorto inay iibsanayso diyaradaha ee Mareykanka ama gantaalada lidka diyaaradaha oo ay Ruushka ka iibsanayso. BRUSSELS, BELGIUM – JULY 11: Turkish President Recep Tayyip Erdogan (R) and U.S. President Donald Trump (L) speak to each other during the 2018 NATO Summit at NATO headquarters on July 11, 2018 in Brussels, Belgium. Kayhan Ozer / Anadolu Agency Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Turkiga ugu dambayn ay arrintan go’aan ka gaadhaan dabayaaqada bisha July. Xoghayaha gaashaandhiga ee Mareykanka Patrick Shanahan ayaa waqtigan kama dambaysta ku sheegay warqad uu u diray dhigiisa Turkiga Hulusi Akar. Shanahan ayaa sheegay in Turkiga aysan wada heli Karin diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo gantaalada difaaca hawada ee Ruushka,S-400. Mareykanka ayaa ku doodaya in gantaalada lidka diyaaradaha ee Ruushka aysan u dhigmin kuwa difaaca Nato islamarkana ay arrintan tahay mid keeni karta khatar dhanka ammaanka ah . Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay lahaato siyaasad difaac oo ka madaxbanaan Nato,islamarkana waxay Turkiga heshiis la galeen Mareykanka kaasi oo ay uga iibsanayaan 100 diyaaradood oo ah nooca F-35s, . Muxay tahay cawaaqib xumada ay Turkiga wajihi karaan? Mr Shanahan ayaa warqadiisa ku sheegay in Mareykanka “ay aad uga xun yihiin ” inay maqlaan in Turkiga ay Ruushka u direen saraakiil si loogu soo tababaro isticmaalka gantaalada difaaca hawada ee S-400. “Turkiga ma heli doonaan diyaaradaha F-35 haddii ay keensadaan gantaalada nooca S-400,” ayuu warqadiisa ku yiri. “Waxaad wali haysataan khiyaar aad ku badali kartaan qorshihiina gantaalada S-400.”ayuu intaa ku daray Hasa yeeshee madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in wadankiisa ay “ka go’antahay” in ay horey u sii wadaan qorshaha ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalada lidka diyaaradaha ee S-400. Maxay yihiin gantaalada S-400? Gantaalada S-400 waa mid ka mid ah gantaalada ugu casrisan caalamka dhanka difaaca hawada. Waxa ay gantaalada S-400 gaarayaan 400 km waxaana is daba joog ah ay halkii mar u soo ridi karaan 80 bartilmaameed. Source
-
Dhuusomareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan,. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xilkaasi loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal). Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
(SLT-Boosaaso)-Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland. Qabsashada al-shabab ee Tuuladan ayaa timid, kadib markii 30kii bishii la soo dhaafay ee May ay ciidamada daraawiishta Puntland isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, sida uu VOA u sheegeen dadka deegaanka. Wax khasaaraha ah oo ka dhashay la wareegista al-shabab ee tuuladan lama soo sheegin. Sababta ay ciidamada Puntland uga baxeen Tuulada Af-urur ayaa, sidoo kale la ogeyn, iyadoo maamulka Puntlandna aanu ilaa iminka wax war ah ka soo saarin xaaladan ka soo cusboonaatay koonfurta Boosaaso. Tuulada Af-urur ayaa dhowr goor oo hore waxaa ka dhacay dagaal iyo iska horimaadyo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal. Source
-
(SLT-Khartoum)-Ciidammada amniga Suudaan ayaa xidhay laba ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaraaradka, kadib markii ay kulan la yeesheen Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo jimcihii tagay magaaladda Khartuum. Ciidammadu waxay xabsiga dhigeen Maxamed Cismat iyo hoggaamiyah dhaqdhaqaaqa xorraynta shacabka waqooyiga Suudaan (SPLM-N) Ismaaciil Jalab Cismat ayaa la xidhay wax yar ka dib markii uu kulan la yeeshay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Halka Hoggaamiyaha SPLM laga soo xidhay gurigiisa shalay oo sabti ahayd sida ay soo warisay wakaaladda Wararka ee AP. Source
-
(SLT-Washington)-Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay ku saxan tahay inay loo aqoonsado daanta galbeed deegaanada ku yaalla oo ay xoogga kaga heestaan Falastiin. Hadalkaan ayaa yimid iyadoo shacabka reer Falastiin ay ka hor yimaadaan qorshaha nabadeed oo ay wado dowlada Mareykanka. Safiirka Mareykanka ee Israel, David Friedman, ayaa tilmaamay in Mareykanka uu taageeri doono dadaalada Qorshahaan. Wareysi uu siiyay Majalada New York Times ayaa cadho wuxuu ku abuuray shacabka Falastiin. Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay in uu u janjeedho dhanka iyo xukuumada Tell Aviv oo uu doonayo in uu ku wareejiyo daanta Galbeed. Saeb Erekat oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowlada Falastiin ayaa sheegay in ay cadeyneyso qorshaha gumeysi ee Israel. Hanan Al-Sharaawi oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel dhul ay xaday lagu abaal Mariyo ay cadaalad darro Tahay. Source
-
Police in Bomet have intercepted a huge cache of explosives and detonators they believe were in transit to Nairobi for a possible terror attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan xalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa looga hadlay amniga caasimadda, kaasoo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Xamar, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow]. Kulanka waxaa ka qayb-galay taliyaha booliiska DF, Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko], Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka socda gobolka Banaadir. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dar-dar-gelin lahaa sugida amniga Muqdisho, is-dhex-galka bulshada, dariseynta iyo horumarka caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. Yariisow ayaa kula dar-daarmay saraakiisha ciidamada in la adkeeyo Amniga guud ee Muqdisho, xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amni-darro. Sidoo kale, Kulammadan ayaa waxay imaanayaa iyadoo xaaladda ammaan ee Muqdisho xilliyadii ugu dambeysay ay ahayd mid deggen, iyadoo kulanka uu imaanayo iyadoo maalin ka hor uu Muqdisho isku dilay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Somalia. Ugu dambeyn, Taliyaha Booliiska Somalia, Jen Bashiir Ameerika oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha amni ee ay wadaan ciidanka Booliiska Somalia ee ku sugan waddooyinka Muqdisho, isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan ciddii dhibaato u geysata shacabka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay Ammaanka Caasimadda oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Khilaaf cusub ayaa soo dhex-galay madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo maamulka Ahlusunna, kaasoo ka dhashay arrimo la xiriira xilliga ay dhacayso doorashada maamulkaas uu ku soo xulanayo xildhibaannada iyo hoggaanka cusub. Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, isla markaana Ahlusunna ay aqbaleen in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha soo socota, balse uu taas ka hor-yimid madaxweyne Xaaf. Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay, waxaana Axmed Xaaf uu ku adkeystay in doorasho ay dhici karto marka la gaaro sannada 2021-ka, halka hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in bisha soo socota ee sanadkaan ay qabsoomayso doorashada. Dhanka kale, Lama oga illaa hadda qorshaha cusub ee maamulkii Ahlusunna ee ku biirtay Galmudug ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha ay dhacdo bisha soo socota inay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Somalia oo horay u sheegtay inay doorashada qabsoomeyso. Maamulka Ahlusunna iyo madaxweynaha Galmudug ayaa horay ga soo hor-jeestay in doorashada dhacdo sannadkan, balse lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu isbedelo mowqifkii Ahlusunna Waljamaaca. Ugu dambeyn, Khilaafkan ayaa laga yaabaa inuu salfado Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha tageersan oo horay ugu soo guuray Dhuusa-mareeb, halka ay xubnihii kasoo horjeeday oo ku sugan Cadaado ay gacan ka helayaan DFS. PUNTLAND POST The post Khliaaf soo dhex-galay Madaxweyne Xaaf iyo Mas’uuliiinta Ahlusunna Waljamaaca appeared first on Puntland Post.
-
Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan intii uu socday lagu soo bandhigay qorshayaashii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019. Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa aad u bagaadisay maamulka ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysay,iyadoo ku dhiiri-gelisay labada dhinac in ay tartamo badan u qabtaan dhallinyarada ku nool degmooyinka Gobolka si loo hero tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo anfaca kooxaha iyo xulka qaranka. Ibraahim Xuseen Roonbe oo ah la taliyaha wasiirka ciyaaraha dowladda ayaa sheegay in madaxda ciyaaraha gobolka iyo kuwa degmooyinka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan in ay fursado badan u abuuraan dhallinyaradda caasimada oo aad u jecel nuucyada kala duwan ee isboortiga ayna u diriyaan goobo casri ah ay kusoo bandhigaan xirfadooda ciyaareed. Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa u mahad celiyay mas’uuliyeenta ciyaaraha degmooyinka,isagoo sheegay wax qabadkii sanadkii lasoo dhaafay ee lasoo bandhigay aysan qabsoomin laheyn la’aantooda iminkana aya si wadajir uga shaqeyndoonaan ajandayaasha cusub ee la doonayo in la qabto sanada 2019. Guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir sanadkeeda kusoo bandhigay shaqooyinkii muhiimkaa ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay 2018 lasoo qabtay waxyaalihii la qaban waayay,iyagoo dhinaca kale soo bandhigay aragtiyo cusub oo ku aadan horomarka isboortiga Gobolka Banaadir. Maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa labadii sano lasoo dhaafay ku guulaystay in caasimada Muqdisho lagu ciyaaro fiinaalaha ciyaaraha degmooyinka,xili habeen waxayna sanadkan qorshaynayaan in dhallinyarada caasimada ay u soo bandigaan aragti ku kale oo ku cusub tartamada degmooyinka Gobolka Banaadir ee 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Shirwayinhii Guddiga Ciyaaraha Gobolka Banaadir. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho. Shirka oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray ammaanka Caasimadda. Sidoo kale waxaa shirka looga arrinsaday arrimaha Dariseynta iyo horumarka uu wado maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa kula dar darmay hay’adaha amniga in ay xoojiyaan amniga iyo howlgallada ka socda Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafaty Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
-
A key protest group on Saturday announced a nationwide "civil disobedience" campaign it said would run until Sudan's ruling generals transfer power to a civilian government. Source: Hiiraan Online
-
Jalalaqsi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab ay ka fuliyeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka dhacay agagaarka Buudada Jalalaqsi, halkaas oo ay ku socdaalayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti. Sidoo kale weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay degmadaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu le’egyahay. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxa ay baahiyeen in ay ku dileen illaa 13 ka tirsanaa Ciidanka Jabuuti, sidoo kalena ay ku gubeen Gaari Gaashaaman, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Jabuuti oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana howlgallo kooban Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen agagaaraha degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-09062019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shir looga hadlayay amaanka caasimadda Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow. Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, taliyaha ciidamada Booliska, guddoomiye ku xigeenka gobolka iyo saraakiil kale, waxaana la iska wareystay xaalada amaanka caasimadda. Waxyaabaha kulankaasi looga hadlayay oo diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa, Sugida Amniga, is dhex galka bulshada, deriseynta iyo horumarka Caasimadda, waxaana kasoo baxay talooyin kala duwan. Go’aanada kasoo baxay kulankii amniga caasimada looga hadlayay ayaa waxaa kamid ah in lasii xoojiyo adkeynta amaanka caasimada, sidoo kale waxaa la isla gartay in la kordhiyo howlgalada ciidamada dowladda ka sameynayaan xaafadaha magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in la daradargeliyo Sugida Amniga Caasimadda,xilli mararka qaar ay ka dhacaan falal amnidarro.
-
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka. Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska. Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamadaasi. Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha. Danhiraja Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab. PUNTLAND POST The post Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya oo Baydhabo ka furay xarun lagu tababaro ciidanka appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa shalay wuxuu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan dagaalladaasi waxaa ku dhintey 7 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalladan, laguna qaboojiyo xiisadda. Maxamed C/laahi Cumar oo ka mid ah maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in dagaalkan uu markiisii hore ka bilowday isbaaro gaadiidka lacago baad ah looga qaadayey, haatanna uu isku bedalay aano qabiil. “Annaga waxaan wadnaa dedaallo lagu xallinayo xiisaddan, horey waan u wadnay hadana waan sii xoojineynaa” ayuu yiri Cumar. Dhanka kale, ciidamo ka tirsan DFS ayaa ku baxay meelihii ay ku dagaallameen maleeshiyaadkan, si xaaladda loo qaboojiyo, iyadoo maantana xaalku yahay mid deggan. Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir madaxda maamul goboleedyada ka qeyb galayaan oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ma jiro wax jawaab ah oo ilaa iyo hadda madaxda dowlad goboleedyada ay ka bixiyeen qoraalka kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug, ee ku aadan inay shir wadatashi ah kaga qeyb galayaan magaalada Dhuusomareeb. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ka hor shirkaasi in madaxda Galmudug uu tagi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu kula soo kulmi doono masuuliyiin kala duwan. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Xaaf uu gacanta ku dhigay ku dhawaad Seddex Milyan oo doolar oo loogu talo galay mashaariic laga hergelinayo deegaanada Galmudug. Safarka madaxweyne Xaaf uu ku tagayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa kadib dhici doono shirka uu ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, iyadoo aan la ogeyn inay ka wada qeyb gali doonaan iyo inkale. Madaxweyne Xaaf iyo dowladda Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir aan wanaagsaneyn, waxaana Xaaf uu diidan yahay in muddo xileedkiisa uu dhamaaday islamarkaana doorasho ay ka dhacdo Galmudug bisha July. Dowladda Kenya oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya ayaa markaan saameyn ku leh dhaqdhaqaaqyada maamul goboleedyada dalka, waxaana ay gashay kaalintii Ethiopia ku jiri jirtay. Lama oga halka uu ku dambeyn doono shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xaaf ee madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Police in Bomet have intercepted a huge cache of explosives and detonators they believe were in transit to Nairobi for a possible terror attack. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in madaxweynaha Galmudug uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis. Axmed Ducaale Xaaf, ayaa lagu waramayaa inuu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Mudug, isaga oo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolkaasi uu yeesho. C/raxmaan Cali Diirye ayaa madaxweyne Xaaf wuxuu u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug, waxaana Mr Diiriye laga sugayaa inuu qabto shaqooyin badan. Madaxweyne Xaaf ayaa warqaddiisa magacaabista waxa uu faray Hey’adaha amniga ee ka howlgala Gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdiraxmaan. Sidoo kale Hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Gobolka Mudug ee Galmudug ayuu faray Madaxweyne Xaaf, in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaas.
-
Muqdisho (Caaismada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada koofiya casta ee ilaaliyada Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada online u xaqiijiyay in habeenkii khamiista loo dhacay Keydka Saanadda Ciidamada ee ku yaala Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya islamarkaana laga qaatay agabyo badan. Agabyada laga qaatay Keydka Saanadda Ciidamada ayaa lagu sheegay Rasaas, Qoryo fudud iyo Dharka Ciidamada waxaana arintaan la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan xubno sare oo ka tirsan taliska Ciidamada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Dhowr qof oo uu mid kamid yahay Sarkaal sare oo katirsan Ciidamo dhowaan tababar dalka Turkiga ah ka soo laabtay ayaa la sheegay in jimcihii loo xiray, waxaana lagu eedeeyay in ragaasi ay ka dambeeyeen ama ay wax ka ogaayeen falkii dhacay. Caasimada online waxay ka gaabsatay in ay baahiso magacyada ragga eedeysanayaasha ah oo ay lasoo wadaageyn Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhigga. Ragaan la eedeeyay oo ah dhalinyaro tababar fiican ku soo qaatay dalka Turkiga iyo xerada tababarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sidoo kale qaarkood waxay hore uga tirsanaayeen Ciidamada gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in marka laga reebo Sarkaalka la tuhunsan yahay ee la qabtay ay baxsadeen ciidamo kale oo la sheegay in shaki looga qabo arintaan dhacday. Falkaan ayaa fadeexad ku noqotay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ilaa hadda ay ka socdaan baaritaanno adag. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guud ahaan dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Waa markii ugu horreysay oo arintaan oo kale dhowaanahaan ka dhacdo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ganacsatada ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay iney cabasho ka yihiin koronto la’aan oo wax ka badan 24-saac adeeggii koronto ka waayay shirkadda kaliya ee halkaasi ka howlgaleysay. Waxay sheegeen ganacsatadan in aanu jirin wax tixgelin ah oo ay ka heleen shirkaddan, islamarkaana ay soo gaartay khasaare badan. Maxamed Yuusuf Kuulow oo ka mid ah ganacsatadan ayaa sheegay in ay ku shaqeysanayeen qaboojiyeyeel, taana ay keentay in ay halaabaan wixii ku jiray. Wuxuu ku baaqay in maamulka degmada Balcad uu wax ka qabto xaaladdan koronto la’aanta ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Balcad-ahaa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
