Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,239
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. San Francisco (Caasimada Online) – Shirkadda Google ayaa Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc muhiim ah oo internet-ka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog ee dalka. Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Cabdi Sheekh Axmed ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka. Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada. Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internet-ka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka. Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G. Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internet-ka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka. Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda. Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  2. The Council of Ministers of Ethiopia approved the bill against terrorism, after extensive deliberation to insert some amendments, said today a statement from the Office of the Prime Minister. Source: Hiiraan Online
  3. The United Nations on Monday in a statement called for urgent and sustained resources to avert a major humanitarian crisis caused by severe drought. Source: Hiiraan Online
  4. More than 200 people paid an eye-watering $173,000 (150,000 euros) to attend a dinner thrown by Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, to raise funds to beautify the capital Addis Ababa, state media reported Monday. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU, May 20 (Reuters) - Somalia passed a petroleum sector law on Monday, paving the way for exploration in its waters that could potentially transform the troubled country's economy if hydrocarbon riches are found. Source: Hiiraan Online
  6. More than 200 people paid an eye-watering $173,000 (150,000 euros) to attend a dinner thrown by Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed, to raise funds to beautify the capital Addis Ababa, state media reported Monday. Source: Hiiraan Online
  7. Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhis lagu samaeynayo Isbitaalka Xooga Qaranka kaas oo ku burburay dagaaladii dalka soo maaray inta lagu guda jiro sanadkan 2019 ka. Isbitaalka oo ku fadhiya dhul aad u baaxad weyn ayaa waxaa hadda ciidamada lagu daweeyaa qeyb ka mid ah oo dayactir lagu sameeyay taas oo ah 20% marka loo eego dhismaha ka kooban yahay iyo dhulka uu ku fadhiyo Isbitaalka Xoogga Qaranka. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Sasan Maxamed Cali (Amar danbe) oo booqday isbitaalka ayaa sheegay in sanadkaan 2019ka guud ahaan la dhisi doono isbitaalka waxa uuna sheegay in lala kaashanayo hay’ado caalamiya. “ kadib markii annaga aan meel waliba u galnay waxaa aan rajeynaynaa iney noo suura gasho inaan dhisno Isbitaal ay isticmaali doonaan ciidamada Xoogga Qaranka Soomaaliyeed” Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in dhismaha hadda lagu shaqeeyo ay tahay qeyb yar oo isbitaalka oo ay dayactirtay dowladda Taliyaaniga , lakiin waxa uu xusay in baahida ciidanka ayna ku filneyn qeybtaan. “ Marka aan ka hadleyno Dhismaha Isbitaalka Xooga Qaran, qeybtaan waa kumeel gaar inta hadda dhisan waxaa nagu taageeray AU da Taliyaaniga, waxana qalabeeyaya Madaxwynaha” Dhanka kale wasiirka wasaaradda Gaashaandigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhismaha lagu samaynayo Isbitaalka. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney taageeraal dhismaha Isbitaalka Xoogga Qaranka xoolahooda iyo xoogoodaba ay ku taageeraan dhismaha” Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) ― Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim. Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka iyo waxyaabaha u baahan in madaxda Qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020. Senatoorada Aqalka Sare ayaa su’aalo ka weydiiyey Guddigan warbixinta ay jeediyeen, waxayna Xaliimo yarey ay sheegtay inay Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso. “Waxa laga codeynaya meel alaala, meeshii la tagi karo oo cod laga bixin karo, markaa Somaliland-na wey galeysa qodobkaas, Soomaaliya oo dhana waxa laga dhigay hal meel, qabiilo lama dooranayo, qof degmo ka socdana lama dooranayo” ayey tiri Xaliimo yarey. Waxayna intaas kusii dartay “Waxa la dooranaya xisbi, xisbigaasna wuxuu ka furanyahay sagaal gobol oo Soomaaliya kamid ah, ha ahaato Somaliland ama ha ahaato Somalida kale”. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo yarey ayaa sidoo kale sheegtay inuusan jiri doonin Doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooran doonto, balse la rabo inuu ka diiwaan gashan yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, haddii uusan ku jirin Xisbina ay dhici doonto inuusan u tartami karin Xildhibaannimo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si cad u faahfaahiyey sababihii keenay inuu baxo Imtixaankii Dugsiyada oo ay Wasaaradda qaadeysay. Goodax Barre ayaa sheegay in Imtixaanka ay ku bixiyeen juhdi farabadan inuusan banaanka u bixin isla markaasna ay Kaamirooyin ku xireyn halkii lagu daabacayey sidoo kalana ay meel kasta oo la geynayo ay Mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inuu Imtixaankaas ka baxay Xarunta Balanballe, wuxuuna sheegay in faahfaahinta arrintaas laga sugayo Ciidamada Booliska oo hadda ku guda jiro Baaritaano dheeri ah. Wasiirka ayaa sheegay in ninka Imtixaanka bixiyey uu horey ula shaqeyn jiray Wasaaradda isla markaasna uu ahaa nin lagu kalsoon yahay balse wuxuu sheegay inay arrintaan tahay mid la xiriirta dhanka Siyaasadda. Sidda uu sheegay Booliska, Imtixaanka waxaa sanadkan laga dusiyey magaaladda Balanballe ee hoostagta maamul goboleedka Galmudug. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay Jamaaludiin Axmed Xirsi, oo 29-sano jir ah, uu maamulka kala kulmay “cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed”. “Waan ka soconayaa colaado siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka, waxaan u arkaan in tani ay tahay mid siyaasadeysan. Ninka lasoo xiray oo aan aad ugu kalsooneen, waxaan aaminsanahay in cadaadis dhaqaale iyo mid kale uu kala kulmay maamulka, inkasta oo aan jeclayn in aan ka hordhaco baaritaanka hay’addaha amaanka,” ayuu Goodax Barre u sheegay Barnaamijka Wacitaanka Dhageysataha ee VOA-da. Waxaa jiro Khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamulka Galmudug iyo Dowladda Dhexe, wuxuuna Khilaafkaan taagnaa muddo badan. Goodax Barre si cad uma sheegin siyaasadda ka dambeyso bixinta Imtixaanka iyo inay xiriir la leedahay Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda iyo Maamulka Galmudug. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa shaaciyey in Imtixaanka cusub uu qabsoomayo waqtigii loo mudeeyay oo ah 27-da bishaan illaa iyo 31-da. Hoos ka dhageyso codka Goodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Goodax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. A boat carrying football players and fans has capsized in Lake Albert in western Uganda, local media reports say. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Jadwalka cusub ee Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka. Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2018-2019 ayaa waxaa uu bilaaban doonaa Maalin Isniin ah oo Taariikhdu tahay 27-ka Bisha May ee 2019,isla markaana Imtixaankan ayaa waxaa uu yahay mid ku celis ah,kadib markii uu fashilmay midkii horey loo qaaday. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa horey u kansalay Imtixaankii ay ardayda galeen muddo 3 Maalin ah kadib markii la faafiyey qishka dhammaan maadooyinka ay soo diyaarisay Wasaaradda. Ardayda imtixaanka gashay oo ka careysay hadalkii Wasiirka ayaa dibad baxyo rabshado wato ka sameeyey Muqdisho iyo qeybo kamid ah Gobolada dalka waxayna dalbeyn in xilka laga qaado Wasiir Gooddax. Sidoo kale maamul Goboleedyada qaar ayaa dood ka keenay imtixaanka Dowladda ee la kansalay, waxayna sheegeyn inay iyaga diyaarsan doonaan imtixaanka dugsiyada, waxaana maamuladaas kamid ah Hirshabelle inkastoo wafdi ay hoggamaaminayeen Wasiirka Waxbarashada iyo midka Amniga ay gaareen halkaas si loo xaliyo Khilaafka. Jadwalkaas cusub oo ay soo saartay Wasaaradda ayaa muujinayo in la xaliyey Maamul Goboleedyadii dooda qabay marka laga reebo Puntland oo markii hore diiday haddana uu u socdo imtixaan uu maamulkaas usoo diyaariyey ardayda deegaanada Puntland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso jadawalka cusub: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/340634316641837/?epa=SEARCH_BOX Source
  13. Zamzam Axmed Cabdulahi, waa hooyo afar beri umulan oo imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad ee dugsiga sare u fariisatay “Qofkasta waa sida uu iska dhigo, [...] Source
  14. Wasiirkii ugu ilaalada cuslaa ee Somaliland soo mara, ku darso Hargeysa gudaheeda Qaran News
  15. Wasaaradda waxbarashada ee Jamhuuriyadda federaalka ah ayaa maanta soo saartey jadwalka cusub ee imtixaanaadka shahaadiga ah. Imtixaanaadka ayey wasaaradda horey u baabi’isay kadib markii la sheegay inuu baxay qish. Halkan ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  16. Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa maanta sheegtay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah, balse dhexda laga qabtay. Taleefishinka Al-Arabiya ee Sacuudiga uu leeyahay, oo soo xiganaya goobjoogeyaal, ayaa maanta sheegay in ciidamada difaaca Sacuudiga ay hawada magaalooyinka Taa’if iyo Jeddah ka qabteen laba gantaal oo nooca ballistic ah. Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku socday magaalada Makkah, sida lagu sheegay warbixinta taleefishinka, oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah. Si kastaba, Xuutiyiinta ayaa si kulul u beeniyey warkan islamarkaana sheegay inuu yahay olole been abuur ah oo Sacuudiga ay wadaan. “Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook. Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, oo Imaaraadka uu ka mid yahay, ayaa muddo afar snao ah dalka Yemen kula dagaalamaya Xuutiyiinta. Arrintan ayaa imanaysa ayada oo xiisad xooggan ay ka taagan tahay khaliijka, taasi oo u dhaxeysa Iran oo taageerta Xuutiyiinta, iyo dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Mareykanka oo dhinac ah. Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii tagay diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraro goboo laga soo sarao shidaalka oo ku yaalla magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Axaddi, wakaaladda wararka Xuutiyiinya ay maamulaan ee SABA ayaa sheegtay in militariga Xuutiyiinta ay billaabi doonaan howlgal miltari oo ka dhan ah 300 oo ah bartilmaameedyo militari oo muhiim ah oo ku yaalla dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. VOA
  17. Kulanka Guddiga amniga gobolka Mudug. Madaxweyne Deni oo kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo guddiga Amniga gobolka Mudug. Kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka [...] Source
  18. Qalabka dhismaha dekadda Garacad. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray qalabka lagu dhisayo dekedda Garacad oo ka mid ah mashaariicda isku-tashiga ah ee [...] Source
  19. Qiimaha xoolaha ee saylada Bosaaso ayaa laga dareemayaa sare ukac ku yimid xoolaha xili gobolada dalka ay ka curteen roobabkii Guga. Neefka Ariga ah ee [...] Source
  20. Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ansixiyeen Sharciga Batroolka ee dalka oo horay ay u meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya . 154 Xildhibaan ayaa fadhiyay [...] Source
  21. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa kormeeray Xarunta gobolka Mudug iyo Iskuulka Sare ee Cumar Samatar oo ay ardaydu u fadhiyeen Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Puntland maalintii sadexaad. Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) ayaa ugu horayn ka warbixiyey kormeerka Madaxweynaha Puntland ee xarunta gobolka Mudug. “Maanta waxaa uu Madaxeynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kormeeray xarunta gobolka Mudug, waxaana uu Madaxweyne Deni warbixin ka dhegeystey gudoonka gobolka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo saraakiisha laamaha amniga”. “kulan kaas waxaa la iskagaga xog wareystay xaaladda guud ee Gobolka, waxayna masuuliyiintu Madaxweynaha uga warbixiyeen xaaladda guud iyo baahiyaha jira, Madaxweynaha ayaana bogaadiyey shaqooyinka socda, isagoo xusay in waxbadan laga qabandoono” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Jama Dabaraani. Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynaha ee Iskuulka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo iyo sida uu u socdo Imtixaanaadka Shahaadiga ah. “Dhinaca kale Madaxeynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray sida uu u socdo imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland, Madaxweynuhu waxa uu tegey iskuulka Cumar Samatar halkaasi oo ay imtixaanaadka ku gelayaan arday ay tiradoodu ka badan tahay lix boqol oo arday” “Madaxweyne Deni ayaa qaar kamid ah Fasalada ay imtixanaadku ka socdaan galay, kadib waxaa uu warbin ka dhegeystey Wasaaradda waxbarashada heer gobol, Degmo iyo Kormeerayaasha, waxayna dhammaan sheegeen in imtixaamadku u socdaan si taabo gal ah”. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarunta Gobolka Mudug iyo Iskuulka Cumar Samatar. appeared first on Puntland Post.
  22. Magaalada Gaoowe qaar kamid ah wadooyinka dhexmara waxaa xiray biyihii roobka ee ka da,ay magaalada labadii habeen ee la soo dhaafay. Xoghayaha dowladda hoose ee [...] Source