Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,239
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan ayaa waxaa dabley ku hubeysnaa Bistoolado ay ku qaadeen Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo xilligaasi la socday Gaari nuuca raaxada ah. Ugu yaraan halka Askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Askariga dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaarke Axmed Waabari, kaas oo ka mid ah Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Ma jirto illaa iyo haatan cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse waxaa dhacdada kadib Ciidamada Boolisku howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi. View the full article
  2. Dawladda Federaalka waxay isniintii ka gudubtay caqabadii ugu weynayd ee dhanka horumarinta shidaalka lagu tuhmo Soomaaliya. Lagu tuhmo ayaan lee yahay, ma jiraan ceelal la qoday oo shidaal ka soo burqaday ama shidaal ganacsi gali kara lagu arkay bad iyo berri ba, laga soo billaabo dhammaad kii 50 meeyadii illaa maanta. Ilaa hadda shidaal ka la sheego, waa qiyaas ku salaysan inuu jiro sistam shidaaleed: lakabyo dhagaxeed dherer iyo mug badan leh oo ay ku jiraan dhagaxda khayraadka dhala – shale ama sandstone, iyo dhagaxda kaydinaya shidaalka sida sandstones(quartz sand or arkosic sandstone), iyo carbonates sida limestone ama dolomite). Waxaa kaloo muhiim ah inuu jiro qaab-dhismeed dhulka dhex diisa ka jiro, oo suurta gelinaya inuu kaydiyo shidaalka: anticlines, faults, iyo siriqyo-lakabeed (traps). Dhinaca kale, dushaa waa inuu daboolaa kaydka shidaaleed dhagaxaan sida shale ama cusubo dusha ka dahaarta. Intaas dhammaan tood waa lagu arkay Soomaaliya. Dhammaan intaasi Soomaaliya way ka jiraan; waana laga helaa. Maxaa xiga oo la sammayn karaa si shidaalka loo soo saaro? Waxaa xiga qodaal, laakiin shirkadaha shirkadaha qodo shurudahaan ayay u baahan yihiin in Soomaaliya ay ka jirto: Xasilooni siyaasadeed iyo inay jirto xukuumado la saadaalin karo (predictable governments). Inuu ka jiro Soomaaliya jawi siyaasadeed, dhaqan-dhaqaaleed oo u sahlaya shirkadaha inay maal gashtaan (dhaqaale furan – liberalised economy, iyo waddan aan lahayn musuqmaasuq, ama musuqa uu yar yahay. Inay jiraan siyaasado, sharciyo iyo xeerar-hoosaadyo ku aaddan sahlidda hawlaha shidaalka iyo inuu shidaalka waddanka inuu lee yahay qaab-dhismeed ka la yaqaano, oo kala soocaya hawlaha: Wasaarad ku kooban siyaasad sammayn, dul-ka-hagid (oversight), Hayadda Nidaaminta hawlaha shidaalka, iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka. Mid kasta waa inay dheeshaa kaalinta saxa ah, shaqadana laysku qabsanin. Hawsha sida ay u socoto waxaa daba-gal shirkadaha ku sammaynaya Hay’adda Nidaaminta Shidaalka. Shirkadaha waxay rabaan inay galaan heshiis iyaga faa’iido badan ugu jirto. Soomaaliya dhawaan waxay sammaysay Heshiis Model ah oo loo yaqaan Heshiiska Soo-saar Wadaagga oo shirkad kasta dan ka leh Soomaaliya inay ka soo saarto shidaal lagula heshiinayo. Heshiis kan wuxuu suurta gelinayaa inuu soo jiito shirkadaha (attractive and competitive); isla markaana wadanka maslaxa diisa ay ku jirto. Dawladda Soomaaliya maxay ka rabtaa shirkadaha inay ku sifoobaan? Shirkadda lala saxiixdo Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement) inay muddo lix bilood ah ku shaqo gali karto. Shirkadda waa inay wadataa shirkadaha kale ee shaqada la geli kara; haddii kale way iska fadhinayaan sannado badan iyagoo raadinaya shirkad lamaane ah oo la wadaagta shaqada. Shirkadda heshiiska la galaysa waa inay tahay shirkad taariikh wanaagsan leh, oo lagu yaqaano hawlaha shidaalka inay waddamo kale ka fulisay si dhib la’aan ah. Waa inay leedahay khibrad xoog leh, dhinaca ka sahqaynta badda. Shirkadda waa inay awood dhaqaale (financial capability) ay hawlaha shidaalka ku fuliso lee dahay iyadoo dhaqaale yari hawsha u istaagaynin. Soo-saarka shidaalka badda moolka ah aad buu qaali u yahay. Shirkadda waa inay awooddaa inay bixin karto lacag rahan ah (Bank Guarantee) ka dhimanaysa haddii shaqadii ceel-qodidda ama hawsha 3-D seismikada aan la qabanin. Shirkadda waa inay leedahay awood farsamo (technical capacity) oo badda mool ka ah ay kaga soo saari karto shidaal. Shirkado tiro yar ayaa awooda hawsha inay ka qodaan shidaal bad aad mool u ah. Shirkadahee diayaar ah oo Soomaaliya sahan, shidaal-qodid iyo soo-saar ka sammayn kara iminka? Shell-ExxonMobil: Waa shirkad weyn (Consortium) ah oo heshiis la gashay the Democratic Republic of Soomaaliya sannad kii 1988; waxayna kula heshiisay Soomaaliya inay ka baarayso, soo-saarayso shidaal badda aan moolka ahayn ee berriga u dhow ee u dhexaysa Bandar Bayla iyo Marka. Heshiis kaasi waxuu ahaa nooca concession ka, wuxuuna u baahan yahay in loo beddelo nooca Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA). Hadda waxay bixisaa Shell-ExxonMobil tabarrada si kor loogu qaado awoodaha shaqaalaha Soomaaliyeed iyo lacaga ijaarka ku aaddan halkii km2. Isku darka Shell-ExxonMobil, shirkaddan waxay tahay shirkadda dunida ugu weyn ee shidaal soo saarta. Waana shirkado laga lee yahay USA (ExxonMobil) iyo Netherlands (Shell). Shirkadda Soma Oil and Gas (u xuubsiibatay magaca Coastline Energy Corporation) waa shirkad hormuud ka noqotay hawlaha shidaalka Soomaaliya goor Soomaaliya shidaal keed aan la hadal haynin. Waxay ka hawl-gashay baaristii ugu horraysay lagu sahminayo badda Soomaaliya. Xogaha shidaaleed ee la ogaaday hadda waxay qeyb-weyn ka dheeshay Soma Oil and Gas. Shirkaddii hore waxaa gatay dad kale oo magaca ka beddelay, laakiin waxaan la ogeynin awoodeeda dhaqaale, farsamo iyo khibradeeda (markaan Google adeegsaday). Soma Oil and Gas waxay la gashay Soomaaliya heshiis ah inay sammayso baaris; laguna siiyo maalgelinta ay ka sammayso dhinaca baarista balookyo shidaaleed oo 12 ah. Heshiis kaasi waxaa galay Mudane Cabdirisaaq oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Dabiiciga ah, waagii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka talinayay Soomaaliya. Hadda waxaa la joogaa goortii Coastline Energy la siin lahaa xirmooyin (Block yadii and PSA yadii). Tirada block yada la siin doono, waxay u taallaa dawladda Raiisul Wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre; laakiin waxaa jira heshiis u baahan in la xurmeeyo. Shirkaddaan waa Reer Galbeed (Share ugu badan qofka leh ayay ku xiran tahay). Liberty Petroleum (ama Petro Quest) waa shirkad heshiis la gashay Galmudug tii hore, xoogaa yar oo maaliyad ah ayaa kaga baxday shirkadda Soomaaliya. Dhowr jeer ayay wada-hadallo la gashay Wasaaradda Batroolka oo la diyaarisay Heshiis PSA ah oo aan la saxiixin oo qabyo looga tahay. Shirkadda Liberty Petroleum waxay xiisaynaysaa badda Galmudug iyo tan Baraawe, ee Koofur Galbeed. Waa shirkad Mareekan ah. Waxaa kaloo jira shirkado tiro badan oo xiiso iyo xawaare xoog leh ku socda oo raba inay ka qeyb galaan tartarnka qandaraas yada lagu furay London bishii February. Shirkada haasi. Shirkada haasi waxay isugu jiraan Reer Galbeed, India iyo China. Haddii lagu guulaysto sannad kan heshiisyo PSA ah in shirkado lala galo, waxaa hubaal noqon doonto in Soomaaliya ay leedahay shidaalka lagu tuhmayo iyo in kale. Waxayna kala caddaan doontaa ka gadaal marka la qodo ceelal dhowr ah. Waxaa kaloo ka soo gali doona lacago intay baarista iyo ceel-qodidda socoto iyo dhaqdhaqaaq shirkado Soomaaliyeed oo la jaan-qaadi doona Shirkadaha Shidaalka baaray. Dhinaca kale dhalin yaro ayaa shaqo ka heli doonta. Gunaanad hawshii ansaxinta Sharciga Shidaalka ee shalay wuxuu gundhig u noqonayaa hawlo kale oo soo raaci doona oo lagu sahminayo, lagu qodayo shidaalka iyo lagu hormarin doono khayraadka Soomaaliya. Waa iftiin yar oo rajo ah oo ka soo dhex-muuqday muddo badan oo taneel mugdi ah la dhex marayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (SMN) – Xubnaha golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in Muqdisho ay ku yeeshaan fahdiga 17-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee golahaasi. Kulankan ayaa waxa uu qorshuhu yahay in Xildhibaanadu akhrinta koowaad ay marsiiyaan sharciga Iibka Qaranka. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay galaan fasax kooban wixii ka dambeeya kulanka maanta, maadaama la guda geli doono 10 dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha Ciida. Isniintii la soo dhaafay Wakiilada shacabka Soomaaliyeed ayaa meel mariyay sharciga Batroolka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) -Wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka XFS C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe loogu gurmanayo dadka, haddii ay abaaro kale ay ka dhacaan gudaha dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay diyaariyeen guddi ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya iyo kuwa gargaarka ee maamul goboleedyada. Waxaana uu tilmaamay in dhammaan loo diyaar garoobay in la’iska kaashado u gurmashada iyo ka hortaga maareynta musiibooyinka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan QM ay ka digtay in mar kale Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro baahsan. View the full article
  5. Washington (Caasimada Online)-Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taalla magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxay xukun ku riday Col Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, kaasi oo lagu eedeeyey inuu jir-dilay Dhibane Farxaan Maxamuud Taani Warfaa sannadkii 1987-dii. Korneyl Tuke oo tobaneeyo sanno ku noolaa Waqooyiga Virginia ayaa lagu xukumay inuu Dhibanaha siiyo lacag magdhow ah oo dhan 400,000 oo Dollar iyo Ganaax Ciqaabeed dhan 100,000 oo Dollar. Dhibane Farxaan Mxaamuud Taani Warfaa waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in ciiddan uu watay Kolonel Yuusuf Tuke ay jir-dileen isagoo 17-jir ah, kadib, markii isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo eedeeyey inay dhaceen Booyadda Biyaha oo ay Ciiddanku lahaayeen. Dhegeysiga Dacwadaasi oo socotay dhowr maalmood, waxaa Kolonel Yuusuf Tuke lagu waayey eedeyn lagu sheegay inuu shaqsi ahaan jir-dilay Dhibanaha soo dacweeyey. Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” waxa uu beeniyey Eedeymaha Farxaan Warfaa, isagoo sheegay inuusan haba yaraatee geysanin wax tacadiyo ah muddadii uu Ciiddanka ahaa. Dhinaca kale, Qareenka difaacayey Kolonel Tuke oo lagu magacaabo Joseph Peter Drennan waxa uu sheegay inay Rafcaan ka qaadan doonaan Xukunkaasi, isagoo dacwadaasi ku tilmaamay mid ku salaysan Cadiifad Qabyaaladeed. Si kastaba ha ahaatee, Kiiska loo haystay Kolonel Tuke ayaa noqonaya dacwadii 3-aad ee ay Maxkamadaha Maraykanka ku qaadaan dadka lagu soo oogo inay Tacadiyo geysteen xilligii Dowladdii Kacaanka ka talinaysay Somalia. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
  6. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay habeenkii xalay ahaa ay rag hubeysan ku qaadeen gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska ee dowlad goboleedka Puntland. Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana raggan ay rasaas ku fureen gaarigan, iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey Hal askari ayaa weerarkan ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Labo kale, iyadoo goobta ay isaga baxsadeen raggii weerarkaasi ka dambeeyey. Ciidamada Puntland ayaa maanta waxa ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafadaha ku dhow halkii uu xalay weerarkaasi ka dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka ka imaanaya degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ka taagan tahay xiisad u dhaxeysay Labo beel oo halkaa wada dega. Xiisaddan ayaa si gaar ah ugu dhaxeysa dad xoolo dhaqato ah, iyadoo xaaladdu ay kasii dartay kadib markii deegaan ku dhow Golodob lagu dilay nin xoolo dhaqato ah. Is rasaaseyn kooba ayaa dhex martay Maleeshiyaadkan, iyadoo weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Waxgarad ayaa durba bilaabay iney isku dayaan kala dhexgalka beelahan si aanu dagaal kale u dhicin. Labadan beel ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay halkaasi, iyadoo aanay jirin heshiis rasmi ah oo la kala dhex dhigay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Sitting cross-legged with a Kalashnikov rifle by his side, Abu Bakr al-Baghdadi, leader of Islamic State, used his first video appearance in five years to reassure his followers that he was far from defeated. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (SMN) – Xamar Jajajab ayaa xalay guul taariikhi ah u soo heysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Labada degmo ayaa ku wada jiray Group-ka D ee is araga labaad wareega koowaad tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Degmada Xamar Jajajb oo guusha la hoyatay ayaa la timid dar dar xoogan, waxaana tartamayaasheedu ay muujiyeen juhdi iyo dadaal dheeri ah. Todobo su’aal oo la weydiiyay ayaa waxa ay ka jaawabeen afar ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen afar kale, sidaasina waxa ay ku heleen 16 buundo. Sidoo kale Afgooye oo la weydiiyay 7 su’aal ayaa waxa ay ka jawaabtay labo ka mid ah sidoo kale waxa ay fa’iideysteen labo kale, waxaana ay heleen 6 dhibcood. Tartanka bisha Ramadaan ayaa haatan maraya meel xiiso badan, waxaana caawa la guda gali doonaa is arag saddexaad wareega 1-aad ee degmooyinka. Lugta ugu horreysa waxaa caawa isaga hor imaan doono degmooyinka Baraawe iyo Howlwadaag oo kala matali doono gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  10. Gaalkacyo (SMN) – Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka shaaca ka qaaday in dib u habeyn ballaaran uu ku sameyn doono Ciidamada Booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug . Madaxweyne Deni ayaa xusay in Ciidamadaasi la qalabeyn doono, islamarkaana dib u dhis lagu sameynayo xarumaha ay ku leeyihiin magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi. Labadii cisho ee la soo dhaafay Madaxweynaha Puntland yaa ku sugnaa M/Gaalkacyo, isaga oo ka bilaabay kulamo looga hadlayo nabadda dib u heshiisiinta gobolka Mudug. View the full article
  11. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay saraakiisha ciidamada Booliiska ee gobolka Mudug iyo waxgaradka gobolkaasi ayaa sheegay in waajib ka saaran yahay ciidamada iney sugaan ammaanka guud ee gobolkaasi. Wuxuu ku dhaliilay ciidamada maamulkiisa ee ku sugan Gaalkacyo in aanay shaqo qaban, islamarkaana maqaayadaha iska fariistaan, markii ay madax imaaneysana ay soo labistaan. Dani ayaa sheegay in ay dhammaatay arrintaasi oo aanay aqbali doonin askari aan bulshada u shaqeyn. “Dadka waxay nagu xanteen markaan soo galeynay magaalada, maanta ciidankan labisan maxay ahayd oo markii horeba aan la arki jirin, marka in aad soo labistaan markii ay madax timaado marka kalena aad shacabka maqaayadaha ku cariirisaan wax soconeysa maahan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Dani ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, isaga oo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada ee magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in xalay fiidkii hore weerar lagu qaaday goob maqaaxi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. WeerarkaN oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa waxaa uu ka dhacay afafaaka hore xarunta maamulka degmada Kismaayo, gaar ahaan maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taalla halkaasi. Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ku sugnaayeen Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland iyo Xubno kale. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa saddex Qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib baaritaano kooban Ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadad hoose. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Jubbaland oo ku aadan weerarkaas iyo howlgalkii xigay intaba. Al Shabaab oo ku xoogan Jubooyink aya ainta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku fuliyay gobolladaasi. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-22052019.mp3 View the full article
  14. Maanta oo Arbaco ah ayeey xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay kulan ka mid ah kuwooda caadiga ah ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta Koowaad ee wax ka bedalka sharciga Iibka Qaranka oo maanta la horgeynayo golaha shacabka. Kulanka ayaa la filayaa in si habsami leh u qabsoomo, iyadoo Isiintii ay xildhibaannadu meelmariyeen sharciga Batroolka dalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Many in the global development and humanitarian aid sectors are calling for increased female leadership to create an environment — humanitarian and development sector — that works for everybody, but “there’s a lot of work to do to ensure leaders of all shapes, colors, and backgrounds are able to thrive,” said Nasra Ismail, deputy director of the Somalia NGO Consortium, a voluntary coordination mechanism of NGOs. Source: Hiiraan Online
  16. Somaliland: Defence Forces Repulse Attempted Incursion By Puntland Militia Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland Defence Forces dealt a heavy blow to a militia from the Puntland region in neighbouring Somalia, which has left at least three militia members dead and several vehicles destroyed. According to reliable sources, the incident occurred when a militia led by the minister of education of Puntland attempted to infiltrate the area known as Dhamala Cagare. Our sources confirm that the Somaliland Justice Minister, Abdirisak Ali Abdi was visiting the area as part of the May 18th anniversary celebrations, and his military escorted engaged the militia from Puntland. As a result of the engagement, the militia, which according to reports consisted of at least 15 mounted vehicles, known as “technicals”, suffered heavy losses and fled back towards the border between Somaliland and Somalia. It has been the tactic of all previous and it would now appear, the current Puntland administration to try and disrupt the celebrations of the 18 of May in the border areas between Somaliland and Somalia. Meanwhile, as a gesture of goodwill during the Holy month of Ramadan and as part of the 28th anniversary of Somaliland’s reclamation of sovereignty, President Muse Bihi Abdi gave an amnesty to all the Puntland prisoners captured in the skirmishes in Tukuruq, Sool. Qarannews Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho, wuxuu jeediyay hadal u muuqday dardaaran iyo digniin ku wajahan Soomaalida ku ganacsada meelaha ka baxsan Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda ayaa fariintiisa waxay kusoo aaday maalmo kadib iyadoo baraha Bulshada la isla dhex marayay Muuqaal ay duubeen Dad Kenyan ah oo sheegaya in haddii dacwadda dhanka Badda laga guuleysto ay halis gali karto Nolosha iyo ganacsiga Soomaali badan ku leeyihiin Kenya. Wasiir Beyle Ma jirto cid uu si Toos ah ula hadlay, balse wuxuu digniintiisa ku muujiyay in ganacsatada Soomaaliyeed ee joogta meel ka baxsan Soomaaliya inay ka fakaraan amaanka ganacsigooda iyo dhaqaalaha ay dhiganayaan Bangiyada kala duwan. Fariintaasi ayaa u muuqata mid ku socota ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana durba Kenya ay xertay xawaalado badan oo ku yaala gudaha dalka Kenya, taasi oo caqabad kale noqoneysa. Fariinta Wasiir Beyle ayaa laga dheehan karayaa inay jiraan Qataro laga yaabo inay la kulmaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, haddii xaalka uusan wax iska badalin. Soomaali badan ayaa ganacsiga ugu badan ku dhex leh magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafada Islii oo Dhismooyin iyo dukaamo waaweyn ay ku leeyihiin Soomaalida. Cabsi ayaa hadda soo wajahday Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, waxaana muuqanaysa in digniin wasiir Beyle ay soo if baxayso iyadoo la isku dayaayo in la boobo hantida Umadda Soomaaliyeed. Wasiir Beyle ayaa ganacsatada kula dardaarmay inay kusoo laabtaan dalkooda Hooyo islamarkaana ay maalgashadaan, waxaana uu sheegay in daararaha waaweyn ee ka dhisteen meel ka baxsan dalkooda inaysan ahmiyad u laheyn maadaama ay joogaan dal aan dalkooda aheyn. Hoos ka dhageyso Fariinta wasiirka Maaliyadda xukuumadda SOomaaliya.. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Wasiir-Beyle-“Maalqabeenada-qurba-joogta-waa-inay-ka-taxadaraan-amaanka-xisaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  18. NEW YORK - New Yorkers of all colors, races, and religions on Monday rallied in support of U.S. Congresswoman Ilhan Omar, who has long been a victim of anti-Semitism allegations ever since she criticized a major lobbying firm working for Israel. Source: Hiiraan Online
  19. The Kenyan tourism industry suffered a major blow on Tuesday after the UK issued a fresh travel alert cautioning it's citizens against travelling to 7 major towns within the country. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa kahadlay go’aanada dowladda Kenya maalmahaan ugu dambeeyay ka qaadaneysay Soomaaliya. Fiqi ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ay todobaadyadii ugu dambeeyay qaadatay Talaabooyin saameyn ku leh Shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda aysan wax jawaab ah ka bixin go’aamada ay qaadatay dowladda Kenya, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay madaxda inay jawaab ka bixiyaan. Aqriso Qoraalka Xildhibaan Fiqi:- Dawladda Kenya tallaabooyin iyo go’aanno is-xigxiga ayey qaaday maalmihii u danbeeyey oo saamaynaya dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaa la sheegayaa xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil sare oo dawladda Soomaaliya ka mid ah oo loo diiday visahii Kenya ay ku geli lahaayeen oo qaarkood markii baasabooradii Soomaaliga ahaa loogu diiday visaha la soo baxey baasabooro dalal kale oo sidaas saaxiibadood oo la heysto uga tagay. Wax jawaab ah illaa iyo hadda lagama hayo xukuumaddii iyo madaxweynaheenii bajaajlayda banaan baxaysay ugu goodinayey inuu gacan bir ah ku qaban doono, ama GALMUDUG daawada u qorayey. Maanta ayaa gacan bir ah ama daawaynba ay u baahan tahay dhaqdhaqaaqyadq Kenya ka soo cusboonaaday! Kenya tallaabooyinka dheeriga ah ee ay qaaday waxey rabtaba ha ula jeedee waa kuwo xaaladda labada dal uga sii daraya, waa ayna ku qaldan tahay, waxayna u muuqaal eg-yihiin in ay ka quusteen kiiskii maxkamadda yaalay ayna fureen wado kale oo culeys saarid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Dowladda Kenya ayaa iska fogeysay hadallo sheegaya in saraakiil ka tirsan garoonka magaalada Nairobi ay u diideen saddex qof oo Soomaali ah kuwaasoo haystay Passporka Diblomaasiga dal-ku-galka Kenya maalintii Isniinta. Saraakiisha laanta socdaalka ayaa ka dalbaday saddexdaan qof ee haystay passporka diblomaasiga inay fiisaha dalka Kenya kasoo qaataan safaaradda Kenya ee Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Monica Juma ayaa ka gaabsatay inay ka war-bixiso arrintan iyadoo sheegtay inaysan xog badan ka hayn arrintan laakiin sheegtay in qof dal-ku-gal sharci ah haysta oo loo diiday Kenya inaysan jirin. U diiditaanka saraakiishan Soomaalida ah dal-ku-galka Kenya ayaa loo arkay in markale uu dib u soo laabtay qilaafkii u dhaxeeyey Kenya iyo Soomaaliya iyadoo ay jirto in wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal inay ku heshiiyeen bishii hore in la xasiliyo xiriirka labada dal kaddib murankii diplomaasiyadeed ee taagnaa muddada laba bilood ah kaasoo ka dhashay xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. “Waxaan xaqiijineynaa rabitaankeenna xooggan oo aan ku xasilineynno xiriirkeenna waana mid aan ku heshiinnay, tillaabada ugu horreysa waxay ahayd in labadeenna safiir ay ku laabtaan saldhigyadooda,” Waa qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee wasaaradda arrimaha dibadda. Xasaradda u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay bishii Febraayo kaddib markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Amb Macharia Kamau uu u yeeray safiirka Kenya ee Soomaaliya jooga isagoo sabab uga dhigay inay la tashanayaan safiirkooda sidoo kalena safiirka Soomaaliya lagu war-geliyey inuu dalkiisa ku laabta oo uu la soo tashado dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay sii xoojiso dagaalka siyaasadeed ee ay ku hayso dowladda Soomaaliya, ayada oo aad usoo dhoweysanaysa Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Qorshahan oo qeybo badan ayaa waxaa ugu horreyn doona, in dalka Kenya laga mamnuuco dhammaan xawaaladaha Soomaalida, marka laga reebo xawaaladda Dahabshiil oo laga leeyahay Somaliland. Xawaaladda Dahabshiil, ayaa ilo-wareedyo Kenyan ay sheegeen inay tahay wax ay xukuumadda Nairobi ugu yeertay “mid aan cadow ahayn.” Xawaaladaha kale ee Soomaalida, oo qaar badan oo ka mid ah maanta baaritaan lagu sameeyey islamarkaana si kooban loo xiray, ayaa laga leeyahya Koonfurta, waxaana xiristooda ay qeyb ka tahay cadaadiska Kenya ay saareyso dowladda iyo shacabka Soomaalida. Waxaa taas xigi doono in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dhowaan booqasho rasmi ah ku tagi doono magaalada Nairobi, isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Uhuru Kenyatta uu qorsheynayo inuu booqado magaalada Hargeysa, ka hor dhammaadka sanadkan. Tallaabooyinkan oo idil ayaa waxaa kasii horeeyey in bishii tagtay Kenya ay sheegtay inay safaarad ama xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman keeda Muqdisho ka furaneyso Nairobi. Cadaadiska dowladda Kenya ay saareyso Soomaaliya ayaa ujeedkiisu yahay in Soomaaliya lagu qasbo inay ka laabato dacwadda maxkamadda ICJ taalla ee badda Soomaaliya, islamarkaana wada-hadal ka gasho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Sanders has called the Netanyahu government “racist” in the past, most recently at a CNN Town Hall on last month. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa raadineysa daraf saddexaad soo faro-geliya khilaafka kala dhaxeeya Kenya, xilli xukuumadda Nairobi ay sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Soomaaliya, oo ay ugu dambeysay mas’uuliyiin Visa loo diiday iyo xawaalado la galay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay xiriir la sameysay daalka Mareykanka, UK iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, kana codsatay inay gacan ka gaystaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda labada dhinac. Dalalkan ayaa la sheegay inay aad uga walaacasan yihiin, islamarkaana aysan dooneyn inay ku lug yeeshaan muranka labada dhinac, sababo la xiriira xaladda oo aad u adag, ayna rumeysan yihiin inaysan jirin qaab labada dhinac la isugu soo dhoweyn karo. Sababta ugu weyn ayaa ah, Kenya oo dooneysa in kiiska badda ee maxkamadda caalamiga ah laga laabto, iyo Soomaaliya oo aan ogoleyn inay arrintaas wax wada-hadal ah ka gasho. Sababta dowladda Soomaaliya u raadisay dhex-dhexaadinta ayaa lagu macneeyey inaysan jirin jawaab macquul ah oo u muuqata inay arrintan ka bixin karto, iyo ayada oo ka cabsi qabta in go’aan kasta oo ay qaadato ay xiisadd kasii darto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. U.S. aviation officials believe a bird strike may have led to the deadly crash of an Ethiopian Airlines Boeing 737 Max in March, according to a person familiar with the matter. Source: Hiiraan Online