-
Content Count
213,239 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug ee Putnland kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa in looga hadlo ammaanka magaalada Gaalkacyo oo falal amni liddi ku ah ay ku soo kordheen. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka. “Maanta waxaa uu Madaxweynaha Dowladda Puntland ku qaabiley Madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga” “Nabdoonada aad iyo aad ban ugu mahadcelinayna in ay Madaxweynaha la wadaageen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo, Madaxweynuhu waxaa uu maanta halkaas ka balanqaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda iyo mas’uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada, aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Wasiirro ka mid ah Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadlay Dacwad loo haysto Kormayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke). Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ahaa Taliyihii Ciidammadii Soomaaliya ee Fadhigoodu ahaa Magaalada Gabiley sanadihii siddeetamaadkii ayaa loo haystaa inuu Xasuuq ka geystay halkaasi, waxaana Dacwad Maraykanka kaga oogay Dad reer Somaliland ah. Laakiin, Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey Puntland oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa Dacwadda loo haysto Kornayl Tuke ku sheegay mid been abuur ah oo aanu wax dhibaato ah Cidna u geysanin. Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maxkamadda Tuke kaga socota Maraykanka, waxa abuuray dad la abaabulay, Abaabulkaas oo muddo socday. Markaa haddii Soomaaliya Qof aan dambi gelin loo abaabulo dambi iyadoo kuwii dambiga galay la hayo, haddana waxba la odhanin, waa nasiib-darro..” Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey ayaa isaguna sheegay “Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) waa dhibbane, been baa loo abaabulay oo lagu shirqoolay, waa lagu been abuurtay, dad aanu waxba u geysan ayaa arrimahan u buunbuuniyey, arrimahaana kumuu kicin..”ayuu yidhi. Madax-dhaqameed Iyo Xubno kale oo siyaasiyiin oo iyaguna arrintan ka hadlay ayaa iyaguna Dacwaddaasi ka soo horjeedsaday. Telefiishannada CBC oo Kanada laga leeyahay iyo CNN ayaa hore baadhis ugu sameeyay Kiiska loo haysto Kornayl Tuke oo hadda Taksi kaga shaqaysta Maraykanka. Source
-
Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Kenya Amp Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in aanay ka warqabin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo loo diiday inay Isniintii shalay ay galaan magaalada Nairobi. Ms Juma ayaa sheegtay in ay Muhiim tahay in Mas’uuliyiinta ay soo qaataan dal ku galka ka hor inta ayna Safrin. Waxay tidhi waan safarnaa waxaana ka qaadanaa dal ku gal ka haddii aanad wadanin wey kugu adkaan inaad inaad Safarto. Ugu danbeyn waxay sheegtay in ay aad ula yaabtay markii ay maqashay in mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya looga celiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta dal ku gal la’aan kuwaasi oo ugu dambeyn salaasadii saaka ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Source
-
Wararka laga helaayo Nairobi, ayaa sheegaaya in safiirada dalalka Somaliland ka taageera geedi socodka doorashooyinka iyo demoqraadiya, ay si cad ugu soo bandhigeen wefdiga ka socda xukuumadda iyo xisbiyada KULMIYE iyo UCID in aanay wax gacan ah ka geysanayn doorasho aanay u dhamayn axsaabta dalka. Safiiradu waxa ay walaac ka muujiyeen ka qayb qaadashada doorashooyin dalka u horseedi kara nabadgelyodaro. Sidoo kale waxa ay u bandhigeen wefdiga ka socday labadaa xisbi in loo baahan yahay in dhamaan dhinacyada ay khuseyso doorashadu ay ka heshiiyaan arrimaha horyaala ee caqabadaha ku ah in doorashadu ay mudadeeda ku qabsoonto. Xubnaha wefdiga ee labada xisbi, ayaa dhinacooda ku dooday inay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka Wakiilada iyo golayaasha deegaanka, islamarkaasina uu xisbul xaakimku la yimid wax alle iyo wixii tanaasulaad ah ee ay xisbiyada mucaaridku dalbadeen, balse uu xisbiga weyn ee WADANI kaga baxay inuu heshiiskii la seexo. Waxa sidoo ay ku eedeeyeen gudoomiyaha xisbiga WADANI inaanu diyaar u ahayn in dalka ay doorasho ka dhacdo. Dhinaca kale waxa hore ugu eedeeyay in xukuumaddu ka gaabisay in dalka doorasho ka qabsoonto gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo u soo jeediyay madaxeeynaha inuu qaato doorkiisa hogaamineed oo uu fududeeyo qabsoomida doorashooyinka, halka uu guddida doorashooyinkana ka codsaday inay is casilaan oo ay ummadda u fududeeyaan. Sidoo kale guddomiyaha ku meel gaadhka ah ee WADANI mudane Cabdilqaadir Jirde, ayaa shalay soo bandhigay warar aan jirin iyo xogo ay xukuumadu siisay safiirka dalka UK, kaasi oo ay u sheegeen in laga heshiiyay wixii caqabad ah ee horyaalay doorashooyinka oo ay ku jirto saamiqaybsiga kuraasta golayaha wakiilada. Mudane Cabdilqaadir Jirde waxa uu ka digay in laysku dayo qabashada doorasho aanay ku jirin xisbigooda, iyadoo uu hore gudoomiyaha xisbiga Wadani u sheegay in haddii xukuumaddu iska daydo inay qabato doorasho aanay ku jirin aanay taageerayaasha WADANI doorasho la’aan doonin. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Kenya ay la socodsiisey isbadal xagga socdaalka la xiriira, gaar ahaan dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah kadib markii ay Kenya soo celisay siyaasiyiin Soomaaliyeed, sidaasi waxaa sheegaya Agaasimaha Socdaalka. Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xafiiskiisa aan lala soo sameyn wax xiriir ah oo arrinkan ku saabsan. “Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, waxaa sidaasi yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Waaxda socdaalka garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ayaa laga soo xigtay iney sheegeen inuu jiro isbadal xagga socdaalka ah gaar ahaan dadka sita baasaboorada diblomaasiga ah, kuwaas oo laga dalbaday iney fiiso ka soo qaataan safaaradda ay Kenya ku leedahay Soomaaliya. “Wey ogyihiin sharciga iyo isbadallada, mana isbadalin arrinkaas” sidaasi waxaa The Standard u sheegay ilo ka tirsan waaxsa Socdaalka. Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka JKIA. Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeisa,(Qaran news)- The Somaliland government has issued a strongly worded response to a ludicrous statement made by the chair of the federal government of Somalia’s elections commission, Marwo Halimo Ibrahim. Speaking to the media, the Somaliland minister of Information and Public Guidance, Mohamed Muse Dirie stated “the assertion by the chair of the Somalia’s election commission that candidates from Somaliland who will take part in the prospective “national elections” slated for 2020, should submit their names, is not only offensive, but delusional”. Minister Dirie declared “In the event that the administration in Mogadishu can even hold one person, one vote elections in the scant territory they presume to control is a fallacy, and not based on the reality on the ground. It is disturbing to hear such silly statements such as the one as made the chair of the elections commission in Somalia” The minister concluded “It is in the interest of the region and all the Somali speaking administrations, that Mogadishu must get it’s own house in order first, and reach an agreement with all the “federal” administrations, before they can even mention Somaliland. How are we expected to hold talks with people who are living in a fantasy world, when all we do is wish them all the best, peace, secuirty and progress and all they wish Somaliland is the opposite? Please, have some respect for Somaliland” Qarannews Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa si kooban uga jawaabtay sababta wasiiro iyo xildhibaano Soomaali ah loogu diiday inay galaan magaalada Nairobi oo garoonka loogu xanibay. Monica Juma ayaa sheegtay inaysan wax badan kala socon faah-faahinnada sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee aysan la yaab ku noqon in dad aan Visa wadin loo diiday inay galaan dalkaas. “Dhammaanteen waxaan ku safarnaa Visa, sidaas darteed haddii aadan haysan Visa way adag tahay inaad dalkeenna soo gasho” ayey tiri Monica Juma. Waxay intaas ku dartay “Weli ma hayo faah-faahinnada dhacdadan, balse la-yaab ayay igu noqon doontaa haddii qof Visa watay laga hor-istaagay inuu dalka soo galo, aad ayaan taas ula yaabi doonnaa.” Si kastaba, Monica ayaa u muuqata mid iska indha tireysa islamarkaana aan bixin jawaabta rasmiga ah ee laga doonayey oo ah sababta mas’uuliyiinta Soomaaliyeed Visa-ha loogu diiday. Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey heshiis ah in mas’uuliyiinta wata baasaboorada diblomaasiga Visa-ha lagu siiyo garoonka, taasi oo u muuqata in Kenya ay hadda joojisay. Dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama aysan bixin tallaabada ay qaadday dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Three senior Somalia government officials were refused entry at the Jomo Kenyatta International Airport in Nairobi for lacking visas. The officials were part of a government delegation scheduled to attend the launch of an European Union-sponsored cross-border conflict management programme on Tuesday. Those denied entry are junior Minister of Water and Energy Osman Libah and legislators Ilyas Ali Hassan and Zamzam Dahir. The three were, however, holding diplomatic passports. According to the Somali officials, Immigration officials at JKIA told them that they should have obtained visas at the Kenyan embassy in Mogadishu before proceeding. ‘NO COMMUNICATION’ The three later told Somalia-based Radio Dalsan that they were told they would have to return to Mogadishu, even though some of their colleagues travelling on foreign passports had been allowed in. Traditionally, under a bilateral arrangement, diplomatic passport holders are granted entry visas at ports of entry. “The Kenyan authorities at the airport informed these guys that such plan has changed, and now everyone has to obtain visa from Kenya’s Mission in Mogadishu,” a senior Somali official in the delegation, but who travelled on a foreign passport, told the Nation on Monday night. “The officials learnt this change upon arrival as there was no prior communication regarding this.” While it seems the initial policy towards Somali diplomatic and service passport holders has changed, Mogadishu claims it is not aware. Reached for comment, Kenya’s Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma said she was unaware of the details of the incident and suggested that the Somali officials may not have followed proper procedure. “I would be very surprised if anyone with a valid visa was turned away,” she said. She added that every country has rules on visa and which must be followed to the letter. SECURITY CHECKS This comes barely a week after Kenya Civil Aviation Authority directed flights from Mogadishu to stop over in Wajir for security checks before proceeding to any other airport in Kenya. KCAA boss Gilbert Kibe said that the move was for security reasons despite protests from Mogadishu. The officials were travelling for the launch of the programme meant to quell frequent border clashes between communities living near boundaries between Ethiopia, Kenya and Somalia. EU Foreign Policy Chief Federico Mogherini is due to launch it in Nairobi on Tuesday. Source: Daily Nation
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey. Marwo Xaliimo Yarey ayaa waxay hore u sheegtay in deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso. Waxay sidoo kale sheegtay in looga baahan-yahay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha doorashadaas uga qeyb galeysa. Marwo Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, oo maanta warbaahinta kula hadleysay xarunta Komishanka ee Hargeysa, ayaa waxay si adag uga jawaabtay hadalkaasi, waxayna tiri “Waxaan maanta ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Soomaaliya, hadalkaas oo runtii aan ahayn mid Somaliland munaasib ku ah, deelqaaf weyna ku ah oo ay kaga hadlaysay gabadhaasi doorashooyinka Somaliland, Waxaanu leenahay gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somalia ee hadlay, waxaan u sheegayaa Somaliland inay tahay dal madaxbanaan oo leh guddi doorasho oo madaxbanaan”. “Somaliland doorashooyinkeedu waxay soo qabsoomayeen mudo hada ku dhaw labaatan sanadood oo guddidaa doorashooyinkuna ay mudadaas la soo jaan-qaadayeen oo ay ahaayen kuwa qabanaya mar kasta doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangalintaba, waxaana loo xil-saaray guddi madax-banaan oo guddi heer-qaran ah oo Somaliland ay leedahay, markaa waxaan leeyahay horta taa inaad ogaato ayaa kuu haboonayd horta gudoomiye” ayey tiri Marwo Kaltuun Sheikh. Waxayna intaas kusii dartay “Somaliland waxay leedahay xisbiyo qaran oo ay soo doorteen bulshadoodu oo ku yimid doorasho dadweyne, halka ay gabadhaasi ka leedahay waxaanu ka qaban doonaa doorashooyinka Somaliland oo waxaanu geyn doonaa sanaaduuq oo xisbiyo ay iyadu ku matalayso Soomaaliya ayaa ka hawl-gali doona”. “Waxaan u sheegayaa Somaliland inay leedahay xisbiyo qaran oo aanay u baahnayn dal kalena aan looga soo waaridayn xisbiyo kale”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu hadda istaagay dagaal galabta halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somailand iyo ciidamo Puntland oo galbinayey wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Somaliland oo ka yimid dhinaca degmada Yubbe ay weerar ku soo qaadeen wefdiga wasiirka oo marayay nawaaxiga degaanka Damalla Xagarre ee isla gobolkaasi Sanaag iyadoo labada dhinac ay in ka badan 30 daqiiqo halkaasi ku dagaallamayeen sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadii Somaliland ee weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen dhinaca degmada Yubbe halka wefdigii wasiirka Puntland ay hadda joogan degaanka Damalla Xagarre balse waxaan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalla labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaalkii ka socday Damalla Xagarre oo istaagay appeared first on Puntland Post.
-
Saaxiibkay Axmed Cabdi Ciise oo aannu marna UCID wada ahayn, markii dambena aannu Kulmiye wada ahayn ayaa maqaal ladhkaas sare leh faafiyey. Qarannews ayaan ka daalacday. Axmed waxa uu ahaa qofkii iga qaaday qaadhaankii ugu horreeyey ee UCID 2003, aniga oo meherad London ku haysta. Waxa uu ahaa xisbiyahay aqoon leh oo dedaal badan, markii dembe ee uu Kulmiye ku biiray na waxa uu sii ambaqaaday dedaalkaas uun. Waa dadka leh awoodda lagu abuuro hawl biyo fadhiya lagu dhaqaajin karo. Inaguma badna dsdka sifadaas lihi. Samaan ama xumaan waxa ay farta u qaadaan kama hadhaan ilaa ay ka sal-gaadhaan. Marka aan qoraalkiisa u soo noqdo waxba ka odhan maayo faallada dheer ee ku saabsan qiimaynta Axmed ku sameeyey qofnimada Maxamed Baashe ee tognaantu carradaas ka badan tahay. Intaas wada togan ee sitimuldhuxda ah gunaanadkeedu waxa uu noqday oo Axmed yidhi, “Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed Baashe maanta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah miyaanay ayaan daro ahayn marka aqoon daraddii ay aqoontii hogaanka u qabto? saw ma aha tii la yidhi – Waa “Duni Akhiro Samaan”. Tan ayaa ku hakasho u baahan. Heegada Muuse oo laga soo dheegtay Heegadii Ina Iley oo hab-dhaqan iyo muunad ba ay wadaagaan waxa aan ka mid ahay dadka magacaas hirgeliyey ee shaanshaan ka tuurtay, bixintiisana waxa leh kasmo wadareedda Somaliland. Jaahaliin anigu cidna ku odhan maayo, weligay se dameeri dhaan raacday isuba qabo in aan noqday. Cidda aan raacayo ee aan wax ka qaadanayo waa cid aan u arkay in keeneen wax ka gadmi kara oo u qalma in la iibsado badeecsdna ha ahaato’e. Cidda aan taageerayo na waxa aan ku qancaa waxa aan ka arko, marka aan ficil ahaan ka waayana waxa furan sidaas ma aha, haddii aan arko in aan sidaas lagu wada socon karinna waxa bannaan waddada. Intaas ka dib, Axmed, oo isu soo dhoweyn u gol lehi waxa uu si ballaadhan u soo bandhigay qaybo ka mid ah kaalintii aan ku lahaa hawshii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheedi iyo sidii tognayd ee aan Muuse Biixi u taageeray oo uu gunaanad uga dhigay Axmed in ay mudnayd in tixgelin la igu siiyo oo xil la ii magacaabo. Axmed been kama uu sheegin doorkaygaas taageero ee ololahaa doorashadii 2017 oo anigaa ba ugu daraya taageeradaydii Muuse Biixi ee xilligii loollanka xisbiga dhexdiisa 2015 aniga oo aan weli Kulmiye ka mid noqon. “Anigu dhan baan ahay oo dhexdhexaad ma noqon karo” in badan baa xusuusan. Xilligaa (2015) ee aan Muuse Muuse Biixi taageerayo Kulmiye ba kama aan mid ahayn. Soo qaado diyaarintii manifeestada xisbiga iyo qorsheyaashii hawl gal iyo fulintooda haddii la guuleysto iyo in kale oo badan oo Axmed qodobbadiisa ka maqan. Run ahaan. Axmedow, hawshaas ballaadhan ee daalka iyo rafaadka lahayd waxa galay dad kumannaan ah oo rag iyo haween lahaa, dhallinyaro iyo waayeel lahaa oo qaarkood iga dedaal badnaaayeen. Tolow dadkaasi ma in xil loo dhiibaa bay u wada socdeen, haddii loo dhiibi waayo na ay muraaradillaacaan oo guushii ay wax ku lahaayeen ka horyimaaddaan bay ahayd?! Wallaahay, marka ay arrimahaasi igu soo noqnoqdaan waa aan argaggaxaa. waayo waxa meel lagaga dhacayaa mabaadi iyo milge bulsho iyo mid qofeedba. “Allow yaa wax suureeya”! Guusha la helo waxa ka culus hanashadeeda. Haddii uu qofku yeesho han aanu hunguri ku jirin oo uu is leeyahay guusha la helay hanashadeeda wax baad kaga tari kartaa waa sax oo waxa uu qofku wax u bartaa in uu bulshadiisu wax ku celiyo, isna ku sharfanaado marka uu ku jiro kaalin ka qaadashada hawadinta hawlahs qarannimo. Haddii hankiisu uu u rumoobi waayo waa okay oo waa laba mid uun: in xil uu isku bilkeedo,/ tijaabiyo loo magacaabo ama waa in uu arkaa in hanashadii guusha oo si habboon faraha ugu jirto. Xitaa haddii xil laguu dhiibo oo halkii lagu socdey laga baydho xilkaasi waa barkumataal. Qofka ujeeddada iyo mabaadida lehi isaga oo aan xil loo dhiibin ayuu ku qancayaa haddii uu hoggaanku cagta hayo jidkii jeexnaa. Haddii se uu qofku arko hanashadii guusha oo lagu ballaysimayo guushaas wax burburin kara ama garasho la’aan ha ka ahaato ama wax kale oo u dagamsani ha jiraane, saw waxa ku horyaallaa ma aha in aad talo dib isugu noqoto? Xal kale marka aad weydo ee dhegihii furnaa ee shalay doorashada ka hor talooyinka lagu maqli awdmaan oo la fur lagu juqaalana, saw talo kale dib isugu moqon maysid? Halgannadii hore gaylan daba socdaa furan. Dorraad iyo shalay guulihii? “Ku soo durug dab qaadkii Iyo weliba deebaaq”! Heego waa ka qayb aafada qaranka Somaliland. Muuqashada ifafaalaheedu waxa uu soo baxay xilligii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheeda. Anigu markaas baan dareemay oo rag kale iyo anigu Muuse iyo hoggaankiisa xisbiga u bandhignay in halistaas wax laga qabto, inta ay goori goor tahay. Tani madal iyo mafag bay leedahay hebello leh. Markii aan arkay in ficiladii iyo hab-dhaqankii Heegadii In Cabdi Ileyna waxa ay ii la muuqatay in kuweennuna la sinji iyo sawrac wadaagaan. Axmedow haddii ay jiraan Ciyaalo Farmaajo na waa Heego kale uun. Dhaqan-xumo waa dhaqan xumo ama madaxtooyada Somaliland ha laga soo abaabulo ama ta Muqdisho ama meel kale’e. Caddaymo badan oo ku saabsan Heegada Muuse iyo sida ay wax kharribaan ee ay qarannimada ugu dhillaystaana waa la wadaa oo msrka ay habboonaato waa loo soo bandhigayaa bulshada ee la soco daaxiibkayow. “Wallee qalin daraalaha Dembi qaranka laga galay Kama qariyo maatida”! Gunaanad Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa iskuma hayno wax shakhsi ah aan anigu ka tirsanayo ama iyagu igu leeyihiin. Wax se yaalla miiska oo shillalka lagu qalayaa wax ka weyn qof iyo qofaf oo ah masiirkii iyo taladii ummadnimo. Isagaana (Muuse Biixi) loo igmaday oo gacanta ku haya. Kolbaba sida uu taas ka yeelo ayaa naga dhaxaysa, sida uu hadda yeelayaana si laga oggolaan karo ma aha. “Nin gar iigu dudayow Dermo haygu kala bixin”! Mohamed Baashe mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo gaaray Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Jen Tigabu Yilma oo ah nin u dhashay dalka Itoobiya. Waxaa madaxdaan Garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa. Wafdigaan iyo Axmed Madoobe ayaa yeeshay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Jubaland. Madaxda AMISOM ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inaysan jirin isbadal lagu sameyn doono qaab dhismeedka CIidamada AMISOM ee Jubbaland. Sidoo kale waxay AMISOM shirka jaraa’id ka sheegeyn oo ay Axmed Madoobe u damaanad qaadeen inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin Doorashada dhawaan ka dhici doonto Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen Al-Shabaab. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka. Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen. AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya degaanka Damalla Xagarre ee koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in hadda uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen wefdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Puntland oo marayay degaanka Damalla Xagarre balse weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dagaalkaasi. Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa maalmahan ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag isagoo kormeer ku samaynayay xarumaha ay ka socdaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka qarxay gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Waxa tan iyo ololohii doorashooyinka soo rogaal celiyay eedihii ay la kulmi jireen xukuumadihii Maxadweynayaashii Cigaal,Rayaale iyo xiligii uu xisbiga Kulmiye ololaha ku jiray oo masuuliyiintii xukuumaddii Rayaale ay labada gacmood ee astaanta u ah ku macnayn jireen mid lagu baadi goobaayo midnimadii fashilantay ee aynu Soomaaliyada Muqdisho la galay. Dooda noocan ah ayaan wax faa’ido ah u lahayn qaranka ay siyaasiyiintu isku haystaan hogaamintiisa, waxana inta badan erayadan oo farxad gelinaaya madaxda dalkii aynu kala tagnay ee Soomaaliya isticmaala hadba dhinaca u arka in laga xawli sareeyo, si ay bulshada reer Somaliland uga shaki geliyaan. Dhabahaantii xifaaltanka dhexdeena waxa ka horeeya in shacabweynaha reer Somaliland ay garowsadaan in dedaalka aynu dhexdeena ku bixinayno is eedaynta ay markhaati cad u tahay dooda dhinaca kale ee Soomaaliya inaga soo wajahaysa ee ah in shacabka Somaliland ay u afduuban yihiin kooxo siyaasiyiin ah oo ay kala maqnaashuhu dani ugu jirto. Marka fagaarayasha caalamiga ah laysla tago oo ay Kooxda Xamar hordhigto bulshada caalamka wasiirka Arrimaha gudaha JSL Maxamed Kaahin oo ay hareero taagan yihiin Janandii ciidamada oo warbaahinta u sheegay in calankii xidigta cad ee shanta geesood lahaa lagu dhex iibinaayo oo boolisku xoog kaga soo guraayo dadka hoosta ku haysta maxay kula tahay in ay Somaliland ka faa-ideyso oon ahayn in aduunku u arko in madaxbanaanida aynu ku dhawaaqnay loo arko mid aan laysku wada raacsnaayn. Waxaan marnaba la dafiri karayn in dhul aad u baldhaan oo aanu maamulka dawliga ahi gaadhsiisnayn oo bariga dalka ahi aanay dadka degani marna qalbiga u sii deyn jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland, halkii ay ahayd inaynu ka shaqayno fursad kasta oo ay ummaddaasi laabta ugu sii deyn karaan jiritaanka Somaliland, Bal ka waran hadaynu kuwii dhiigooga u soo qubay aynu subax walba kala shaki gelinayno oo ay maanta muuqato in badan oo lagu cariyay inay danba u arkeen in ay waajib tahay in inta sokeeyuhu isku muuqmuuqan lahaa badweynta laga soo wada cabo,goor dhaw hayska soo noqoto “xunyahow, xunku dhalaydii”. boqolaalku inagaga shihiideenee. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan gaar ugu sheegayaa Kornaylada hantiyay taladii dalka inay sare uga koraan siyaasadoodii kaadh ka gubista ahayd oo ay isku arkaan inay maanta iyaga saaran tahay inay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo wiil ka wiil sii xoojisa xorriyaddii ay u soo halgameen, iyaga iyo rag badan oon ka helin magaca iyo dheefta ay maanta ku hayaan oo ay ka guuraan siyaasadan gaaban ee ummadda loogu kal yeelaayo qaar aan aaminsanayn jiritaankooda iyo kuwo ay dhiigooda xushan tahay, haddii midnimada dadku shacabku meesha ka baxdo waxa hubaal ah in aanu askari qori sitaa xadhko ku hayn dooninee dadka niyada iyo qalbiga halaga dhiso Mustafe Shiine Qaran News
-
Xarunt Xuquuqal Insaanku waxaay walaac wayn ka qabtaa xaladda xorriyadda hadalka ee Somaliland oo sii xumaanaysa. Waxa hada xabsi ku jira siyaasiyiin, suxufi iyo dad isticmaala baraha bulshada. Maxamed Sidiiq Dhame oo ah gudoomiyaha garabka dhalinayrada ee xisbiga Waddani waxa laga xidhay gurigiisa 1dii May 2019. Waxa lagu xidhay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ga oo uu kaga soo horjeestay Xaalad Degdeg ah oo lagu soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Sida uu u sheegay warbaahinta booliiska Somaliland 2dii May, Dhame waxa lagu haystaa in qoraalkiisu ahaa kicin dadwayne iyo cay loo gaystay madaxda qaranka. Fadhi wada jir ah oo uu yeeshay Baarlamaanka Somaliland wuxuu ku diiday Xaaladda Degdega ah. Dhame waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay rumaan garaysay 4tii May in lagu hayo xabsiga 7 maalmood si baadhitaan loo sameeyo. Markii ay dhamaatay todobadii maalmood laguma soo celin Maxkamadda. Sida uu dhigayo qodobka 47aad ee Xeerka Habka Ciqaabtu, qofka eedaysanaha ah ee xidhan waa in Maxkamadda la horkeenaa todobadii maalmood ba hal mar. Taariikhdu markay ahayd 9 May 2019, waxa booliisku ay ka soo xidheen guriga uu degan yahay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiilada, lagana soo doorto gobolka Sool. Ma jirin amar maxkamadeed oo booliisku watay markii ay xidheen xildhibaanka. Xadhigiisu wuxuu la xidhiidhay hadal uu jeediyay oo uu kaga soo horjeestay dabaal degga maalinta 18 ka May oo ah maalinta ay ku dhawaaqday Somaliland inay dib ula soo noqotay madax banaanida. Booliisku wuxuu sheegay in hadalka Xildhibaan Dhakool uu yahay mid ka soo horjeeda qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. axa xildhibaanka la horkeenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa 10 May. Maxkamaddu way diiday inu rumaan garayso iyada oo sheegtay in xasaanaddu ay u diidayso. Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu waxay diideen codsi lagu dalbay in laga qaado xildhibaanka xasaanadda, waxaayna u soo jeediyeen dawlada inay xildhibaanka xorriyadiisa u soo celiso. Qodobka 49(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.” Qodobka 79aad ee dastuurku wuxuu sidoo kale dhigayaa xubin ka tirsan Baarlamaanka aan “lama hor geyn karo maxkamad,loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.” Maamuuska waxa Goluhu kaga xayuubin karaan xildhibaanka “saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.” “Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada,” sida ku cad qodobka 49 ee Dastuurka. Dacwadda la xidhiidha xildhibaan Dhakool way diiday Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladu in laga qaado maamuuska. Iyada oo ay jiraan go’aanada maxkamadda iyo Baarlamaanka, hadana dawladdu weli xadhig ayay ku sii haysaa xildhibaan Dhakool. 13kii May 2019, Booliiska Laascaanood waxaay xidheen Cabdiraxmaan Kayse Maxamed oo ah suxufi ka tirsan Bulsho TV. Markii la xidhayay suxufiga waxa dhaawac soo gaadhsiiyay filidhxabad askari booliis ahi dhulka ugu dhuftay. Suxufigan waxa lagu xidhay waraysiyo uu ka qaaday dad reer Laascaanood ah oo ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool. Dadka kale ee xabsi ugu jira aragtidooda oo ay dhiibteen waxa ka mid ah Jamaal Cabdi Muxumed oo 18kii April loo xidhay qoraal uu Facebook ga soo dhigay oo dhaliilaya Booliiska, Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo xidhay 17kii April qoraal Facebook, iyo Cabdiraxmaan Aar oo 14kii May lagu xidhay Hargeysa dhar ka samaysan calanka Somalia oo uu xidhay. 8dii May 2019, waxa magaalada Laascaanood lagu xidhay afar nin oo loo haystay inay Facebook ga ku qoreen dhaliil ka dhan ah xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood. Waxa la sii daayay 12 May. Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegaya “muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.” Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso dadka xidhan iyo inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato aragtiyaha kala duwan. Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: +252 (0)634472011 Source
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida maanta oo talaado ah ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale. Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira. Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen kooxda Al-Shabaab. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Arimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka. Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen. AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Wakiilka midowga Afrika iyo madaxweynaha Jubaland oo isla gartay qodoba muhiima appeared first on Puntland Post.
-
Kadib markii dowladda Kenya ay dal ku gal u diidey siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo sitay Baasaboorro diblomaasi ah ayaa waxaa dhacday in 3 ka mid ah sheegteen dalal kale, lana soo baxeen Baasaboorro kale! Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta federaalka ah waxaa uu Kenya galay isaga oo kanadiyaan ah, Fowsiyo Abiikar wasiirka caafimaadka iyada oo muwaadin Talyaani ah halka la-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid uu ku galay Baasaboor Holland ah. Arrinta magac dilka ayaa ah iney halkaasi u tageen shir ay ku matalataan dalka Soomaaliya. Waaxda socdaalka dalka Kenya waxaa ay aqoonsantahay iney dalkeeda galeen muwaadiniin Canada iyo Yurub u dhashay, laakin kooxdaas sida dhabta waxaa ay Nairobi u tageen iney matalaan dalka Soomaaliya, shirna ka qeyb galayaan, taasi oo daciif ka dhigeysa mowqifka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, haddii ay ku doodi laheyn in la soo celiyey siyaasiyiin shir halkaasi uga qeyb gali lahaa. Arrintan waxaa ay soo dedejisay sida qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay u sumcad dilaan Baasaboorka Soomaalida, iyaga magacii iyo sharaftii uu lahaa ka doortay iney mid kale adeegsadaan. “Iyaga oo shir ku matalaya Soomaaliya iney Baasaboor kale ku galaan may aheyn, arrintaas waxaa ay ku tusineysaa aaminaad iyo kalsooni la’aan ay u qabaan Baasaboorka Soomaaliyeed, iney soo laabtaan ayey aheyd, oo Kenya lala xisaabtamo, waayo masiirka umadda ayaa ka weyn” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar. Sanadkii hore, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wax xun tahay in siyaasiyiin ay ku jiraan wasiiro ku safraan Baasabooro dalal kale, taasina ay adkeyneyso in dunida lagu qanciyo soo celinta qiimaha iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed. “Mas’uuliyiin dowladeed iney ku safraan Baasaboor kale, ma dhiirigelineyso dadaallada lagu soo celiyo sharafta Baasaboorka Soomaaliyeed”, sidaasi waxaa yiri Maxamed Aadam Koofi Qofka waddaniga ah waa inuu dhowraa sharafta calanka iyo Baasaboorka, si Baasaboorkeenna uu qiimo u yeesho waa in mar hore ay aaminaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Warar la xiriira: Ma Ogin Isbadal Ku Yimid Siyaasadda Socdaalka Kenya, Agaasime Koofi Oo Goobjoog u warammay Nairobi Oo Cadaadinta Muqdisho Gaarsiisey Meel Sare Iyo Villa Somalia Oo Aamusan Goobjoog News Source: goobjoog.com