Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia's boundary tiff with Kenya has taken a new turn after Mogadishu barred its officials from attending any meetings hosted in Nairobi to protest last week's visa denials Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay qorshe ay xukuumada Farmaajo ku rabto inay faragelin ku sameyso doorashada Kismaayo. Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in khilaafka ka taagana doorashada Kismaayo uu sarre u kacay, isagoona sheegay haddii aan xaqiiqada la garowsan uu sarre usii kici doono. Garaad ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay si isku mid ah ula dhaqanto Maamul Goboleedyada marka ay doorashooyinku ka qabsoomayan, isagoona xusay in laga waantoobo inay dib u dhacdo wixii hore uga dhacay doorashadii Baydhabo. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Doorashada Kismaayo khilaafkeedu kor ayuu kacay, wuuna sii kici doonaa, haddii aan xaqiiqada la garowsan. Federaalku si siman ha ula dhaqmo doorashooyinka Dowlad Goboleedyada. Yuu damcin in uu mar kale noo dhigo oo ha ka ka waantoobo filim hore loo daawaday oo doorasho aawgeed dad Soomaaliyeed u diray safar aan laga soo noqoneyn. Qaar ka qaaday xorriyadda. Soomaali iyo saaxiibbadeedna ay isku si uga qeyliyeen. Kismaayo ayada oo maanka ku haysa sida uu Dowlad Goboleedku ku dhismay iyo cabashada beelaha degaanka iyo murashixiinta qaar, waxa ugu yar ee laga aqbali karaa waa in inta wada joogta loo caddaalad falo oo doorasho lagu qanci karo ay dhacdo. Kismaayo ma ahan in dhiig dambe ku daato. Dadka xamaasadeysan ee xoog Soomaaliyeed iyo / ama mid shisheeye isku halleynaya waxaan xusuusinayaa in xoogga loogu baahi badan yahay oo yahay mid Gobolka lagu nabadeeyo oo ajnebi looga maarmo. Waxaa kale oo dadka carcartooda qaba aan xusuusinayaa xikmadda murtidii caqliga ku dhisneyd ee uu ku luuqeeyey Kuluc. “Alleylehe balaayooy, nin badbaado haystoo, kuu baahday adigoo, kuu baaqay waa nacas… Alleylehe belaayooy, baroor noqotay guushaa”. Dhinaca kale, Waxa maanta qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee laga soo doorto degaanada maamulka Jubbaland ay Kismaayo kaga dhawaaqeen in ay ka hortagayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ay sheegeen in ay dooneyso in ay u gasho maamulka Jubbaland sidii doorashadda maamulka Koonfur Galbeed. Senetorada kala ah Fartaag iyo Iftin Xasan Baasto ayaa sheegay inay la socdaan qorshe ay waddo dowladda dhexe oo xiisad Amni daro looga abuuraayo degaanada maamulka Jubbaland, islamarkaana ay qaadi doonaan doorkood si looga hortaggo Arintaasi, maadaama ay la socdaan dhibaataddii dowladda Soomaaliya ay ka geysatay Magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Nabadoon Ibraahim Cariif oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed ayaa shalay galab lagu dhex dilay Masaajid ku yaala xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa Nabadoon Ibraahim Cariif ku dhex toogtay Masaajidka Sheekh Xasan Cadde, xilli uu akhrisanayay Qur’aanka Kariimka. Waxa keliya ee lagu dilay Nabadoonka ayaa ahayd in uu ka qayb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Jowhar, qaybtooda Hirshabelle. Dilkan ayaa argagax ku buuray bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadka degan xaafadda Juungal, iyadoo uu dadku aad u hadalhayo. Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa kol hore ku hanjabay in ay beegsan doonaan Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo ka qayb qaadata soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya. Cali Dheere ayaa ku goodiyay inaanay wax naxariis ah u samayn doonin dadkaasi, isagoona amray maleeshiyada Shabaabka in ay kordhiyaan beegsigooda. Magaalada Muqdisho ayaa halbowle u noqotay goobaha lagu bartilmaameydsado Ergada Xildhibaanada ku soo kala dooratay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Baydhabo & Kismaayo, waxaase wax lala yaabo noqotay inaanay jirin dad loo maxkamadeeyo dilalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Tobankii qof ee meel wada istaaga dalkani ingiriiska, waa hubaal in shan qofna ay magaca Boris Johnson markay maqlaan ka boodan ama aanay jeclayn, shan qofna ay la dhacaan kuna tilmaamaan geesi aan gaban oo hogaanka dalka ingiriisku tabayo wakhtigani. Waa 55 sanno jir, wuxuu ku dhashay magaalada New York ee dalka maraykanka, taasi oo ka dhigaysa marka loo eego sharciga dalka maraykanka inuu sidoo kale yahay muwaadin u dhashay dalka maraykanka, balse weligii muu raadsan mana codsan jinsiyadda dalka maraykanka. Mr. Johnson wuxuu ka soo jeeda qoys isku jir ah, waxaa awoow u ah Cali Kemal oo awoowgii Aabo ah, Cali Kemal ayaa ahaa suxufi Turkey caan ah waagii dawladdii cusmaaniyaddu dunida xukumaysay. Hooyadii waxay ka soo jeeda magaalada Kent ee dalka ingiriiska, balse ayeydii hooyo ayaa ah Faransiis ah. Mr. Johnson wuxuu wax ku bartay iskuulka caanka ah ee loo yaqaano Eton, ee ay badiba ka baxeen raysal wasaarayaashii dalkani ingiriiska soo xukumay, wuxuu markii danbana ka baxay jaamacadda weyn ee Oxford University oo uu ka bartay cilmiga siyaasadda. Noloshiisa badankeeda wuxuu ku jiray siyaasadda, balse magaciisa ayaa soo shaac baxay bishii May sannadkii 2008-dii markaasi oo loo doortay inuu noqday Maayarka ama duqa magaalada London, isagoo doorashada kaga adkaaday Ken Levingston oo ahaa Aabahii Maayarnimada magaalada London aas-aasay Doorashadii guud ee dalka ingiriiska ka dhacday sannadkii 2016 kii, ayuu dib ugu soo laabtay guriga baarlamaanka, wuxuuna bilo ka dib noqday wasiirka khaarajiga ama arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska, xukuumadii Theresa May, balse xagaagii sannadkii hore ayuu iska casilay xilkaasi markii uu ka aragti duwanaaday qaabka raysal wasaare May ay u wadday wada hadaladda ka bixitaanka midawga Yurub (Brexit negotiations). Boris Johnson Iyo Muuse Biixi Maxay Iska Shabahaan? Boris sida Muuse Biixi waa siyaasi dadka kala qaybiya, faaleyayaasha siyaasadda dhinaca midigta xigta, ayaa ku tilmaama inuu yahay xidig adag oo xisbiga Conservative ka u noqon kara hogaamiye aan la loodin karin. Halka siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee xisbiga Conservative ka iyo bulshada ingiriiska badiba dadka u codeeya siyaasadda midigta dhexe, ay ku tilmaameen inuu yahay siyaasi dhac-dhac badan, fudud, isla markaana aan midayn karayn wakhtigani dalka ingiriiska oo aad dadku ugu kala qaybsameen aragtida qaabka looga baxayo midawga yurub. Xagaagii hore mar uu la hadlaayay weriye ka tirsan wergeyska Telegraph, ayuu aflagadeeyay marada ay haweenka muslimiintu wajiga ku xidhaan, isagoo ku tilmaamay muuqaal u eg daloolka waraaqaha boosta laga soo dhex saaro. Taasi waxay ku keentay gilgil baaxadleh gudaha xisbiga Conservativeka , iyadoo ururadda Islaamka ee dalka ingiriiskuna ku tilmaameen in Xisbiga Conservativeku yahay xisbi neceb muslimiinta. Xagaagii sannadkii 2016 kii mar uu madaxweyne Obama ku joogay dalka ingiriiska safar, ayuu ku tilmaamay inuu yahay Nin madaw Kenyan ah oo ay ku jirto cuqdad uu ka qabo gumaystahii ingiriiska oo Aabahii u shaqayn jiray, isagoo marka daba socday hadal madaxweyne Obama ku sheegay in haddii ingiriisku ka baxo EU-da aanu maraykanku siin doonin, ingiriiska ahmiyad weyn oo dhaqaale, iyadoo marka loo diyaar garoobaayay ololahii aftida dalka ingiriiska, hadalka ka soo baxay Mr. Johnson ee uu ku ganay madaxweyne Obama, ayaa siyaasiyiin xisbigiisa ka tirsani ay si weyn u dhaleeceeyeen, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay cunsuri, siyaasiyiinta dhaleeceeyey waxaa ka mid ahaa raysal wasaarahii hore ee dalka ingiriiska David Cameron. Mr. Johnson, ayaa dadka ka soo horjeeda ku tilmaameen istus, aan timahiisa dheer ee cad sidii loo hagaajin lahaa aan dhaafsiisnayn, halka qaarkoodna ay la barbar dhigaan (Mr. Bean ka siyaasadda Britain). Markuu hadlayo waa nin kaftan badan, oo dadka ka qosliya,culumadda siyaasadda ayaa ku tiriya inuu yahay aftahan siyaasadeed (Political genius) balse aan lahayn haybad hogaamineed (Lack of leadership skill). Waa hubaal in haddii uu noqdo Raysal wasaaraha dalka ingiriiska, uu si weyn u kala qaybin doono bulshada dalka ingiriiska, sida Madaxweyne Biixi shakhsiyadiisu u kala qaybiso bulshada Somaliland ama Donald Trump ka dalka maraykanku u kala dhantaalay ra’yul caamka maraykan. W/Q: Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali “Rayte” oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ka hadlay khilaafka mudada badan u dhaxeeya xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka Somaliland. Xildhibaan Rayte ayaa sheegay in xal waara laga gaari karo khilaafka doorashada haddii ay isku tanaasul sameeyaan saddexda xisbi qaran. Rayte ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xariga Xildhibaan dhakool oo xukuumada Muuse Biixi u xiran muddo ka badan labo todobaad, wuxuuna yiri. “Ma arko in muran weyn oo dhexyaala Xisbiyada ee waxaa la isku hayo waa wax laga wada heshiin karo, aniguna waxaan qabaa in miiska wada hadalka dib loogu soo noqdo, oo qolo waliba intii ay tanaasul samayn karto inay sameeyso, laakiin haddii aanu tanaasul iman oo aan lagu talagalin tanaasul, micno ma leh wada-hadalka iyo wada fadhiisadku”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xildhibaanku dambi wuu gali kara, qof kasta oo dambi galana in sharciga la hor geeya waa arin jirta, dalkuna sharci buu leeyahay ee haddii uu Xildhibaanku dambi galo, dariiq loo maro ayuu leeyahay, aniga waxay igu muuqata dariiqii loo mari lahaa inaan loo marin, intii Dastuurku jideeyey si ka baydhsan baa loo maray, Golaha ayey u taala wuxuu ka yeelayo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. New York (Caasimada Online) ― Warbixin ay dhawaan baahisay Warbaahinta Bloomberg ee dalka Mareykanka ayaa waxa lagu sheegay in shirkada Amazon ay mas’uuliyiintodu dhageystaan kumanaanka shaqaalaha ah ee ka howl-gala shirkada. Bloomberg ayaa sheegtay in qalabka Echo ee ay shirkada Amazon shaqaalaheeda u dhiibto uu awood u leeyahay inuu duubo hadalada shaqaalaha sita marka ay xafiisyadooda iyo weliba guryahooda joogan. Echo ayaa codadka uu duubo waxa dib u dhageysta qaar kamid ah Mas’uuliyiinta shirkada, halka markii hore uu qorshaha loo sameeyay nidaamkan uu ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, kaasi oo kala baxaya inta quseysa shaqada. Mas’uul ka tirsan shirkada Amazon oo ka hadlayey warbixintan ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay jirto, balse ay u sameeyan si ay shaqaalahooda uga caawiyan fahamkan qalabkan. Amazon ayaa wajaheysa eedeymo kala duwan oo ku aadan qalabkan, taasi oo ka leexatay hanaanka markii hore lagu heshiiyay ee ahaa in codadka ku jira uu kala shaandheyo Kombiyuutar, ayaa iyadu weli si adag iskaga difaaceysa eedeymahaasi, iyadoona ku andacooneysa inay sidaa u sameysay in ay sarre u qaado fahamka shaqaalaha ee ku aadan qalabkan. Shirkada Amazon ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay xil dheeraad ah iska saaraan Mas’uuliyiinteedu ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqaalaha ay dhegeystaan iyo in aan loo isticmaali doonin dano gaar ah. Weli waxa loo arkayaa jawaabta Amazon ee ku aadan dhaliilaha loo jeediyay inay aheyn kuwo wax ka badalaya, maadaama oo aanay markii hore sidaas qofka ugu cadeynin, kuna wargelin in codadka uu dhageysanayo qof bini’aadam ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. TACAB BA’AY Dadkii shalay ku doortee Kuu dareeray hiirtee Waligaa na daadihi Jeegaan duqeediyo Kuwaan diir naxaynee Dulmigii ku naaxee Sharaftiyo Dadnimadii Daan qadhiidhka siistiyo Reer doqon ma waayiyo Daalin iyo la nooliyo Jin dagaagay idilkood Isku duubni kuu yidhi Sawtan dabin qaniinkiyo Luunku wada dishoodee Dadkoo kala fogaadiyo Dooni mayno badan tahay Waxse daahir yaa shams Cidna diir ka saarayn Inaan Dawladnimadii Daacad loo ahayn wali Waxna daahi maynee Rajadii dadweynaha Dar Allee sinaantii Dawlis baa usoo go’ay Door hore wixii dhacay Daarahii la boobiyo Dantii guud xaraashkii Maantana ka sii daran Hayeeshee duruufaha Dulucdiyo ujeedadu Halkay dari ka leedagay Isku diidi maynee Iyagaa dab iyo olol Ama duumo kaar badan Fartoodii ku doontoo Dardarsaday fundhaalada Dib u fiirso waayaha Dhacdadii doraad iyo Waagii Dad qalatada Dabadeed wixii dhacay Aan kuu daliilshee Inyar ii digtoonoow Dhegahana i deeqsii U dul qaado sheekada Dar Allee Hasheenii Loo daadshay dhiigee Duurka loogu jirayee Ehelkii u dabar go’ay Markay dihatay Maandeeq Caanahoo la daadshiyo Loo diyaarshay Gaawaha Waa wada darleefkaa Sawtan daba karuubkiyo Waxaan dunida lagu arag Dambarkeedi nuugtee Dalan doolay Ubadkii Dumar iyo carruurtii Nolol daydaygoodii Daaduun la cararee Dal shisheeye raadsaday Debedaha wareegee Duufaan kul badaniyo Badahii ku daatee Cunay bahal dugaagii Idinkuna dadweynoo Dambi maaha araguye Danta aynu leenahay Haka yeelin Daaquud Daw waxaad u leedahay Arrinkaan daliil wadan Hadaad diido aragtida Hada maati maad dilin Balaan daayo heestoo Duuduubo hadalkoo Dabin dhawrka saaroo Danta guud tilmaamee Aynu wada ducaynoo Dambi dhaafka barano Daayinkeena barinee Iska diida Xaaraan Dil dilaac Dhulkeenana Sida loo dawaynlaa Isku duubni weeyee Daayinoow na garansii Qaran News
  8. Countries Act to Protect Schools in Wartime 87 States Join Safe Schools Declaration (Palma de Mallorca, May 27, 2019) – More countries are protecting students, teachers, and schools from the harmful consequences of military use of schools during wartime, Human Rights Watch said in a report released today, in advance of the Third International Conference on Safe Schools in Palma de Mallorca, Spain, on May 28 and 29, 2019. The 137-page report, “Protecting Schools from Military Use: Law, Policy, and Military Doctrine,” contains examples of law and practice from 50 countries, from Afghanistan to Yemen, that provide some level of protection for schools or universities from military use. Many of the examples come from countries currently or recently involved in armed conflict. “When war breaks out, schools frequently end up on the battlefield, with classrooms converted into military bases or bunkers, or used to store weapons,” said Bede Sheppard, deputy children’s rights director at Human Rights Watch. “But more and more militaries are asserting that with the right policies and planning, they can find alternative ways to deploy their forces without using school buildings.” The report includes protections for schools and universities contained in legislation, court cases, military manuals, military policies, and other policy statements. Governments and armed forces with firsthand experience of problems caused by military use of schools have found practical solutions to deter the practice, Human Rights Watch said. All governments should take inspiration from these examples to ensure that their militaries avoid using schools for military purposes. Since 2013, the military use of schools or universities has been documented in at least 30 countries dealing with armed conflict or insecurity, according to the Global Coalition to Protect Education from Attack, of which Human Rights Watch is a member. That number represents the majority of countries experiencing armed conflict during that time. Armed forces take over schools and universities either partially or entirely to convert them into military bases and barracks. They use the schools as detention and interrogation facilities for training fighters, to store or hide weapons and ammunition, or to otherwise support the military effort. This practice endangers students and teachers, can lead to the damage and destruction of important education infrastructure, and can interfere with students’ right to education, Human Rights Watch said. Spain will co-host, along with Norway and Argentina, the Third International Conference on Safe Schools, which will bring together government representatives from around the world to discuss the global problem of attacks on students, teachers, and schools, and the related issue of military use of schools. Many of the countries attending the conference have already endorsed theSafe Schools Declaration, a political commitment for countries to take concrete steps to make students, teachers, and schools safer during times of armed conflict, including by agreeing to refrain from using schools and universities for military purposes. It was drafted under the leadership of Norway and Argentina in 2015. To date,87 countries have endorsed the declaration, and more are expected to join at the upcoming conference. The governments yet to endorse the Safe Schools Declaration should take the upcoming conference as an opportunity to express their commitment to protect children, teachers, and schools during war. United Nations committees on children’s rights, women’s rights, and economic and social rights, as well as the African Union’s Peace and Security Council and the European Parliament, have all called on countries to endorse the Safe Schools Declaration. The UN Security Council has encouraged all countries to “take concrete measures” to deter the use of schools by armed forces and armed groups. Since 2009, Human Rights Watch has investigated the military use of schools in Afghanistan, Cameroon, Colombia,the Democratic Republic of Congo, the Central African Republic, India, Iraq,Mozambique, Myanmar, Nigeria,Pakistan, Palestine, the Philippines,Somalia, South Sudan, Syria, Thailand,Ukraine, and Yemen. “Governments now know that they can take common sense steps to keep students safe during war,” Sheppard said. “Almost half the world’s countries have now endorsed the Safe Schools Declaration, recognizing the longtime importance of education for their citizens, even amid armed conflict.” Show quoted text Qaran News
  9. Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay Beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya sida; Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan. Qoraalka ay Puntland soo saartay oo dheer ayaa looga sheekeeyay shirkii fashilmay ee Garoowe, waxaana Puntand ugu baaqday dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka in shirar kale lagu kulmo, si heshiis looga gaaro qodobada salka u ah khilaafka labada dhinac. Dhinaca kale xukuumadda Puntland, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorrisay in ay Dastuurka ku dhaqanto oo ilaaliso heshiisyadii ay hore ula gashay dowlad goboleedyada ee dhigayay in laga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, islamarkaana ay joojiso shuruucda iyo xeerarka aan laga wada-tashan ee ay Baarlamanka horgeynayso. Dowlad goboleedyada ayey sidoo kale u soojeedisay, in ay adkeeyan iskaashiga, wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka dhexdooda ah, iyadoo ku boorrisay in si joogto ah loo qabto shirarka ku saabsan iskaashiga iyo wax wada-qabsiga dowlad goboleedyada dalka. Hadalka Puntland ayaa u muuqday mid inta badan dhaliilalaya hannaanka ay dalka u hoggaaminayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Puntland ku eedaysay tanaasul la’aan iyo maroorsi awoodeed. PUNTLAND POST The post Puntland oo xiriirkii wada-shaqeynta u jartay dowladda Federaalka Soomaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa casumaad rasmi ah ka helay boqorka SacuudiCarabiya Salman bin Abdulaziz oo ku marti-qaaday shir deg deg ah oo ay maalinta Khamiista ah ee ku beegan 30-ka bishan May magaalada Mecca ku yeelan doonaan golaha iskaashiga Khaliijka Carabta. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahn, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa casumaadda uu boqorku soo diray maalintii shalay ka guddoomay, xoghayaha guud ee golaha iskaashiga Khaliijka Abdullatif bin Rashid Al Zayani oo marti-qaadkaasi ka siday boqor Salman. Horraantii bishan ayaa boqorka Sacuudigu ku baaqay in magaalada barakaysan ee Mecca lagu qabto laba shir-madaxeed oo deg deg ah kuwaasi oo looga arrinsayo halista gobolku wajahayo kadib markii khilaaf xooggan ka dhex qarxay Maraykanka oo isbaheysi la’ah dalalka Khaliijka iyo dhanka kale Iran oo xifaaltan adag kala dhexeeyo Sacuudiga. Shirka boqor Salmaan ku baaqay ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli malayshiyaadka Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah boqortooyada Sacuudiga iyo xulafadeeda Imaraatiga oo Xuutiyiinta kula dagaallama gudaha dalka Yemen. Dhinaca kale xiriirka Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka oo boqortooyada Sacuudigu hoggaamiso ayaa aad u sii xumaanayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2017 xilligaasi oo Sacuudiga iyo qaar kamid ah waddamada Khaliijku ay go’doomiyeen dalka Qatar kadib markii ay ku eedeeyeen in ay argagixisada taageerto. PUNTLAND POST The post Boqorka Sacuudiga oo casumaad rasmiya u diray Amiirka Qatar appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa kulan la qaatay jaaliyada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika. Farmaajo oo kulankaasi qudbad ka jeediyay aayaaka hadlay arimo kala duwan oo dalka Soonaaliya ah. Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn jaaliyada ugu warbixiyay xaalada wadanka iyo wax qabadka Dowlada. Sidoo kale waxa uu balan qaaday in dowlada South Afrika uu kala hadlaayo dhibaatooyinka loo geeysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. Sidoo kale madaxweynaha uu u muuqday in uu u jawaabiyo dowlada Kenya ayaa sheegay in dalka Soomaaliyeed uu yahay dal awood badan. ” Soomaali laguma soo dhaco, hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” ayuu yiri madaxweynaha. Dhibaatooyin badan ayaa dadka Soomaaliyeed loogu geeystaa dalka Koonfur Afrika kuwaasi oo isugu jiro dil iyo boob hantiyadees. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Farmaajo” Soomaaliya laguma soo dhaco hadii ay jiri jireen madax aad ka shaki qabtaan Annaga shaki hanaga qabina” appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa dafiray in uu mar kale suuqa galay imtixaanka shahaadiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan loo fariisan doono maalinta berriya . Mudane Jaabiri oo caawo wareysi gaar ah siinayay teleshinka dowladda ee SNTV ayaa dafiray in suuqa laga helay imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya laga qaadi doono ardayda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore ee dowladda. Wasiirka ayaa sidoo kale u digay dad uu sheegay in ay dib u faafinayan imtixaankii hore u fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya balse ma soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in nuqullada hadda la helay ay yihiin imtixaankii hore. Hadalka wasiiru-dowlaha ayaa ku soo beegmay xilli fiidnimadii caawo ay warbaahintu heshay nuqullo imtixaan oo ka duwan kii hore baraha bulshada loo soo geliyay islamarkaana la sheegay in gudaha magaalada Gaalkacyo lagu kala iibsanayo maddooyin kamid ah imtixaanka berri. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dafirtay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka Shahaadiga appeared first on Puntland Post.
  13. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya loo fariisan doono ayaa caawo markii labaad suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa [...] Source
  14. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysnaa maalinta berriya loo fariisan doono ayaa markii labaad suuqa galay, waxaana lagu kala iibsanayaa gudaha [...] Source
  15. Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan maalinta berriya mar kale loo fariisan doono ayaa caawo suuqa galay waxaana lagu kala iibsanayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dad kala duwan oo ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in caawo guryo ku yaalla gudaha magaalada lagu kala iibsanayo maadooyinka imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya loo fariisan doono. “Anigu caawo waxaan arkay maadooyinka Chemistry iyo Physics oo qol noo dhow lagu kala gadanayo maadooyin kalena waa la sheeg-sheegayey waxaanse la yaabay halka laga soo qufayo waxaan” ayuu yiri qof ku sugan koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale mid kamid ah ardayda soo iibsaday imtixaanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in uu soo gatay maaddooyinka Chemistry iyo Biology isagoo tilmaamay in uu tegayo guri loogu tilmaamay maaddooyin kale in ay yaallan si uu u soo gato. Ardaygan ayaa sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay diyaarinta imtixaanka uuna si fiican maddooyinka u soo akhristay balse haddii ardayda lamidka ah gadanayso ay khasab ku tahay in uu iibsado si aan looga buundo fiicnaan. Dhinaca kale Warbaahinta Puntland Post ayaa heshay maddooyinka ugu horreeya imtixaanka ee Tarbiyadda iyo Af-Soomaaliga oo ay weheliso maadada chemistry kadib markii suuqa la soo geliyay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qishkan la sheegayo in uu baxay iyadoo hore imtixaanka loo joojiyay kadib markii uu qishkan oo kale baxay. Halkaan hoose ka eeg maaddooyinka PUNTLAND POST The post Imtixaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii labaad suuqa lagu kala iibsanayo appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Burco) Xaji Cismaan Badha-dhaba oo kamid aha odayaasha Caanka Ah Ee Burco ayaa Aas-qaran Loogu sameeyay Magaaladda Burco. Wariye Bashiir Nuux Ibrahim Oo HCTV ka tirsan ayaa warbixintan ka diyaariyay. Hoos ka DAAWO Source
  17. Dawladu waxa ay qiimo ku leedahay dadkeega oo ah kuwa dhistay. ee doortay ee cashuur bixiyaha ah ee u hogaansan awaamiirta qaranka in ay u ilaaliso rabitaankooga , xoriyaadkooda iyo xuquuqdooda iyo waliba raaligalintooda . Aduunku waxa uu ku qiimeeyaa dawladaha sida ay dadkooda u ixtiraamaan isugu wadaan danahooga uguna shaqeynayaan , waxii ay dhigteena u ixtiraamayaan ugana go’an tahay in ay ka midho dhaliyaan himilada iyo hiigsiga umadooda. Haddaba maalinta lagaa helo qaybsanaan iyo in la kala aamin baxo waa maalinta aad ugu nugushahay in cidwaliba danaheega kaa dhex fushato oo jiritaankaaga khatar la galiyo. Maanta waxa muuqata in loo kala dheeraynayo aduunka iyo daneeyayaasha doorashada somaliland oo dhaqaale badan inagu bixiya oo aynu ku qabsano doorashooyinka , cidina danaha gudahaaga ma soo farogalin karto ilaa adigu ay kaa muuqato gol-daloolooyin sida ; in aanad shuruucdii iyo waxii aad dhigatay ilaalin , sida in aanad ixtiraamin dadkii dawladnimada lahaa iyo rabitaankooga iyo xuquuqahooga . Xuquuqda doorashada iyo in wakhtigeeda la ilaaliya oo laga shaqeeyo xil wayna la iska saaraa waxa ay ka mid tahay meelaha ugu weyn ee lagu qiimeeyo dalalka oo waxa la eegaa xasiloonaanta iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi leeyahay hadii ay tahay cid ku taageeraysa iyo cid ku maalgashanaysa ama aad wada galaysaan heshiisyo mandaqadeed iyo qaar caalamiba. Maanta somaliland wax badan oo sumcad ahaan iyo qaran ahaan kor inoo qaadi lahaa inaga ayey inagu xidhan yihiin in aynu isku tashano oo hagar baxno hawlaha muhiimka ah ee qaran ahaan inoo yaalla oo aynaan cid kale ka sugin ee aynu soo celino iskaashigii iyo kalsoonidii gudaheena. Markaa waxa wanaagsan in aynu eegno danaha dalkeena iyo dadkeena ee aynaan eegin danaheena siyaasiga ah iyo kuwa shaqsiga ah ee ka hor imanaya kuwa umadeenu doonayso, waana in ay inta masuuliyadaha umada u haysaa iska bilowdaa oo aanay kuraasida jeclaysan hadii ay guurti tahay , hadii ay gole wakiilo tahay , hadii ay gole deegaan yihiin , hadii ay komishan doorasho yihiin , hadii ay xisbiyo siyaasadeed yihiin iyo hadii ay xukuumada talada haysa tahayba. Waar dalka iyo dadka ha loo tudho Bilahi Calayk Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Tell : +252634241005 Source
  18. Suxufiga indhaha iyo dhagaha furani wuxuu balaadhiyaa daawashada, dhegaysiga iyo wax akhriska, si uu u helo macluumaad uu ku kabo xirfadiisa suxufinimo. Qormadan waxa aynu si kooban uga hadli doonaa mid ka mdi suxufiyiinta adduunka ugu caansan marka laga eego dhinaca waraysiyada iyo qaab su’aaleedkiisa adaga (Tough interview). Macluumaadka aynu ka faa’idaysano suxufiga ayaa laga yaabaa inay wax badani inooga kordhaan xeeladaha uu adeegsado iyo farsamooyinka u gaar ah. Waa kuma Stephen Sackur? Stephen Sackur waa suxufi Ingiriis ah, kuna dhashay isla Ingiriiska sannadkii 1964-kii, waxaanu wax ku bartay Jaamacada guunka ah ee Cambrige (1985). Sidoo kale wuxuu aqoontiisa ku sii kordhistay jaamacada caanka ah ee Harvard gaar ahaan qaybta loogu magac-daray Madaxweyne Kennedy (John F. Kennedy school of Government). Stephen wuxuu ka hawlgalaa Tilifiishanka iyo Idacaacadda BBC-da qaybahooda la hadla dibada. Waan soo saaraha Barnmaamijka lagu lafa-guro arrimaha adduunka ee loogu yeedho Hal-adayg (Hardtalk). Ka hor intii aanu bilaabin Barnmaamijkan Hal-adayg, muddo 15 sanno ah ayuu ahaa suxufi ka soo warama dalalka dibada (foreign Corresponden), sidoo kale si joogto ah ayuu Barnmaamijyo ugu diyaarin jiray Idaacadda BBC-da ee (BBC Radio 4) iyo tiro badan oo wargaysyo kala duwan ah. Shaqadii ugu horraysay ee uu BBC-da ka bilaabaa waxa ay ahayd tababare mudadii u dhexaysay 1986 ilaa 1990. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa loo magacaabay inuu noqdo suxufi ka faallooda arrimaha caalamka. Meelihii ugu horreeyey ee uu ka bilaabo shaqada suxufinimo waxa ay ahayd kacdoonkii Slovakia ee sannadkii 1989-kii dhacay ee la odhan jiray (Velvelt Revolution of Czechoslovakia), dib u midowgii labadii Jarmal iyo dagaalkii gacanka. Stephen wuxuu ahaa suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya duqayn dhinaca cirka ah oo dawladdii Ciraaq ee Saddaam Xuseen kula kacday kolonyo dad qaxaaya oo reer Kuweyt ah, taasina waxa ay soo dedejisay inuu dhaco dagaalkii gacanku. Stephen waxa markii dambe saldhig u noqotay magaalada Qaahira ee dalka Masar (1992-1995), halkaasina wuxuu si joogto ah uga soo tebin jiray wararka, faalooyinka iyo doodaha arrimaha Bariga dhexe. Ka dib wuxuu u wareegay Israa’iil, waxaanu si toos ah u soo tebin jiray geeridii Raysal-wasaarihii Yuhuud Yitzhak Rabin. Intii u dhexaysay 1997-2002 waxa loo magacaabay weriyaha gaar ah ee BBC-da uga soo warama Maraykanka gaar ahaan Washington, waxaanu warar, faallooyinka, waraysiyada, doodaha iyo lafa-gurida ku samayn jiray fadeexadii ku habsatay Madaxweyne Clinton ee la odhan jiray (Lewinsky Scandal). Waana halkay ka soo baxay hibadiisa waraysiyada heerka sare ah (Advanced Interveiws) iyo su’aalaha aan gabbasahada lahayn, taasina waxa ayaa markiiba siisay sumcad weyn oo uu ku yeeshay caalamka. 2002-dii wuxuu noqday Tifafiraha BBC-da ee Yurub, ka dib wuxuu ku noqday Ciraaq markii ay burburtay dawladii Saddaam Xuseen, isaga oo noqday suxufigii ugu horreeyey ee soo tebiya xabaal-wadareedyo ay ku jireen dad uu xasuuqay Saddaam Xuseen. Sidoo kale wuxuu ahaa xidhiidhiyihii doodihii is-beddelka cimilada adduunka oo ay ka qaybgaleen guddi shan qaybood ka kooban oo ay hogaaminayeen shan madaxweyne oo ka kala socday dalalak (South Africa, Maldives, Sweden, Australia iyo Mexico). Isaga oo maskaxda iyo maanka ku haysta waayo-aragnimadaasi shaqo ee baaxada leh, ayaa sannadkii 2004-tii loo magacaabay inuu soo saare ka noqdo Barnmaamijka Hal-adayga (Hard talk), ka dib markii uu geeriyooday suxufigii halgamaaga ahaa ee Tim Sebastian oo hore Barnmaamijkan soo saare uga ahaan jiray (Veteran Journalist). Hard talka waa Barnmaamij socda muddo 25 miridh ah oo si qotodheer loo waraysto qofka martida ku ah iyada oo la soo hordhigo baadhitaano iyo caddaymo khuseeya mowduuca laga waraysanayo. Stephen wuxuu waraysiyo kala duwan ka qaaday dad adduunka caan iyo weliba inta badan madaxda caalamka, isaga oo ka qaaday waraysiyo caalami ah, iyo su’aallo qofku aanu jawaabtooda si fudud ku keeni karin, mararka qaarkoodna qofka kaga dhididiya (Tough Questions). Madaxda uu waraystay waxa ka mid ah: Lula da Silva Baraasiil, Hugo Chavez Finisweela, Sheikh Hasina Bangaaladheesh, Caldevon Mexico, Shimon Peres Yuhuuda, Mohamed Abbaas Falastiin, Mahathir Maaleesiya, Jalaal Talabani Ciraaq, Bush Maraykanka, Al Gore Maraykanka, Robert Gates Wasiir Difaacii Maraykanka, Meles Itoobiya IWM. Baadhistiisa iyo Bandhigiisa Wuxuu soo qaataa ilaha rasmiga ah iyo hadallada asalka ee mawduuca uu ka hadlayo khuseeya(Primary and original source). Markuu soo fadhiisanyo amaba uu fadhiyo Istuudayaha waxa miiska ka muuqata waraaqo fara badan oo qoraallo kala duwan xambaarsan, oo ay ugu diyaarsan tahay caddaymaha uu cuskanayo. Masuulka uu waraysanayo, markuu arrin taagan uu dafiro wuxuu markaba hordhigaa hadalka iyo xogta caddaynaysa arrinta uu dafirayo, isaga oo farta u saaraya cida tidhi hadalka si aanu meel kale ugu leexan la-waraystuhu. Hadalka ma badiyo wakhtiga waraysiga, waxaanu xariif ku yahay su’aalaha tixraaca ah ee ku xidhan hadalka ka soo baxay qofka (Follow up Questions). Dareenkiisuna ma baxo wuxuu toos ula socdaa dareenka la-waraystaha. Haddii uu la-waraystuhu su’aashiisa garab maro wuxuu ku soo celiyaa isla-su’aashii ilaa uu ka helo jawaab cad. Mawduuca uu waraysiga ka qaadayo wuxuu ku sameeyaa baadhis dhinac kasta ah (Deep Reseach). Waxaanu masuulka dareensiiyaa inuu mawduuc ka haysto xog dhammaystiran, si aanu u beerlaxawsan. Abaalmarinaha uu ku Guulaystay ü Sannadkii 2010-kii wuxuu noqday suxufigii ku guulaystay abaal marinta suxufigii ugu fiicnaa sannadkaasi oo ay bixisay ( Association for international Broadcasting) ü Sannadkii 2011-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu war-tebinta fiicnaa wararka dibada oo ay bixisay (International foreign Broadcasting). ü Sannadkii 2012-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu su’aalaha iyo xog-baadhista fiicnaa ee sannadkaasi oo ay bixiyeen (Global International Research Panel) ü Sannadkii 2013-kii wuxuu ku guulaystay suxufigii ugu codka macaanaa (Golden Voice) ee sannadkaasi oo ay bixisay (Sony Radio Award) Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan. CaliCoomay@gmail.com Tix-Raacyo: facebook.com/stephen.sackur wikipedia.org/wiki/Stephen_Sackur twitter.com/stephensackur famousbirthdays.com/people/stephen–sackur. Source
  19. AS/CALAYKUM DHAMAAN SHACBIGA SOMALILAND GUDE IYO DIBADBA SIYAADADA DUSHAAN KALA SOCDAA,MAALINBA MAALINTA KA DAMBAYSA, WAXA SII LICIIFAYA XUKUMADII IYO UCID….BAL CEEBTAN EEGA!!!! waxaan la yaabay kusoo-guryo noqoshada mataanaha Kulmiye iyo UCID ee Nairobi ay kaga soo noqdeen! waxaan ula yaabayna waxa weeye, Faysal C Waraabe oo ka dhigay maxamed kaahin nin uu hayo Xanuun Saxaafadeed, isla markaana aan qaadi karin in kalmad la waydiiyo…..ku lahaa faysal: Ta daa Ta daa Anidaa la tulmay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur….i kkkkk. Bal ogow Siyaasigaa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa ninka kaliya ee midayndoona Soomaaliya oo dhan. waa nin aan la gaban inaanay dhagihiisu maqal wax kala qaybsanaan iyo laanta iyo waxaas. Sida fagaarayaasha doodaha siyaasada uu ku tiraabo, waa siyaasi ka shaqeeya midnimada umada somaliyeed, soona celin doona nidaamkii Soomaaliwayn. Waxaan shaki ku jirin in wada hadalka dawlada somaliland ay la hadashay siyaasigan, uu yahay mid qalbi jabinaya kuwa qalbigooda ku haba ama ku xardha: SOMALILAND. ku sii dheeraan maayee, faysal baa aad iiga qosliyoo maalintii dhawayd ee Culimada somaliland lagu casuumay madaxtooyada wuxuu yidhi: WADANI WAANU TA ADTAAN WAYNEE, MEE HAYN INAA NASOO KALA DHEX GASHAAN….!!!!! Waxaan kaga baxayaa, Wadani wuxuu xukumada iyo ucid ka adkaaday maalintii ay is bahaysteen 4% IYO 48%. Ku darsadoo siyaasiyiin dhab u darsa waxay siyaasadi tahay iyo sida bulsho loo badalo, ayaa dalka ku nool!!!! U fiirso hadalka layskama yidhaahee, waxaan u jeedaa Wadani wuu ka adkaaday dawladii iyo UCID, waxay yidhaaheen laba xisbi ayaanu doorasho ku galaynaa, iminkana afka waysoo marin kari la’yihiin inay ku adkaystaan inay labadaa ay sheegeen doorasho ku galaan!!! iminkoo u dambaysay waa la waydiiyee mabay ka jawaabin ina kaahin iyo faysal toona!! halkan bal eeg ceebta fagaare saxaafada somaliland iyo waftigan margaday een biyana loo dhiibin!!! Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! politicianbynature@outlook.com Source
  20. The former head of a notorious Ethiopian prison has been arrested and is expected to face trial. Hassan Ismail Ibrahim, also known as Hassan Dhere, was arrested in neighbouring Somalia.... Source: Hiiraan Online