Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,317
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A key protest group on Saturday announced a nationwide "civil disobedience" campaign it said would run until Sudan's ruling generals transfer power to a civilian government. Source: Hiiraan Online
  2. Xallinta khilaaf soo dhex galay taliyaha ciidanka Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dib loo dhigay inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. Taliyaha Booliiska Puntland ayaa Sabtidii shaqada ka joojiyay taliyaha qeybta gobolka Nugaal kadib markii uu sheegay in uu amar-diiddo sameeyay laakiin saacado kadib ayaa waxa shaqadiisa u fasaxay ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ku amray taliyaha Booliiska Puntland in uu soo galo magaalada Garoowe balse xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo guddiga amniga gobolka Bari ayaa Axmed Karaash ka codsaday in uu ka laabto go’aankaasi maadaama sida ay sheegeen Gen Muxiyadiin uu shaqa-muhiima u joogo gobolka Bari. Mudane Karaash ayaa aqbalay codsiga mas’uuliyiinta waxaana sidaasi dib loogu dhigay xallinta khilaafka u dhexeeya labada taliye iyadoo mid kasta lagu amray in uu shaqadiisa sii wato inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland. PUNTLAND POST The post Xagee ku dambeeyay khilaafkii labada taliye? appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Ingiriiska ayaa xarun tababar uga furtay Soomaaliya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA) iyadoo dalkaan ku yaalla Geeska Africa uu isku diyaarinayo sidii uu mas’uuliyadda amni ugala wareegi lahaa nabad ilaaliyaasha ka socda Midowga Africa. Safaaradda dalka UK ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in xaruntaan cusub ay ka caawin doonto Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed kobcinta awooddooda ciidan oo ay wax badan ka tari doonto xasilloonida iyo amniga waqtiga dheer ee dalka. Goobtaan tababarka ee UK ay ka hirgelisay Soomaaliya ayaa ku taalla magaalada Baydhaba ee magaalo madaxda gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya. Soomaaliya ayaa la dhibtooneysay dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo Islaamiyiin ah in ka badan 10 sano waxaana ka mid ah kooxahaas Xarrakada Alshabaab ee gacan-saarka la leh ururka AlQaeda. Dagaalladaan ayaa waxaa ku naf waayey tobannaan kun oo qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Iyadoo aysan jirin ciidan qalabeysan oo aan tababarreyn ayaa beesha caalamku gudaha u galeen dalka Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dagaallada ka dhanka ah Islaamiyiinta. Dowladda Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa ka mid ah dalalka hawlgallada ka wada Soomaaliya. Guulaha laga gaaray dagaalka dartood ayaa hay’adaha kala geddisan ee ammaanka oo ay ka mid yihiin Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) qorsheynayaan inay dib uga gurtaan ciidamadooda dalka ku yaalla Geeska Africa. Ka bixitaanka ciidanka AMISOM dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay billaabato bisha October iyadoo ciidamadu ay si buuxda uga baxayaan Soomaaliya bisha December ee sannadka 2020 waxaana mas’uuliyadda lagu wareejin doonaa ciidamada Qaranka Soomaaliya. CGTN Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahii gobolka Mudug ee maamulkiisa. Wareegto uu soo saaray madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Cabdi Rashiid Xaashi Cartan waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye. Wareegtada hoos ka akhriso: Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 100 qof oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana aan waxbadan moogeyn Kooxdaasi ayaa durba saameyn ballaaran ku yeeshay gudaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Raggan waxaa laga howlgeliyay dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir waxayn hogaano ka yihiin howlgalada Ciidamada Booliiska Soomaaliya, sida ay Caasimada online u xaqiijiyeen Saraakiil Booliis ah. Dhamaan degmooyinka gobalka Banaadir ayaa laga howlgeliyay min 5 xubnood oo dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab, waxaana laga mid dhigay Ciidamada gaarka ah ee howlgalada ka sameeya magaalada Muqdisho. Shaqaaleynta raggan ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda ku dooneyso inay ku aqoonsato Shabaabka ku jira magaalada ee laga yaabo inay yaqaanaan. Xubnahaan ayaa shaqadooda waxay tahay in markii howlgal la sameeyo lana soo qabto tobaneeyo qof ay ku daaraan Faaro (Nalal waa wayn) kadibna ay ka soo saaraan dadka ay yaqaanaan oo ka tirsan Al-shabaab ama xiriir la-leh. Si kastaba, waxaa jira walaac durba ka dhashay raggan. Todobaneeyo qof oo dhalinyaro ah ayaa hadda ku jira xabsiyada gobalka Banaadir waxaana soo baxaya kalsooni darro laga qabo kooxdaan oo la aaminsan yahay in aysan tilmaamin Shabaabkii saxda ahaa. Sarkaal katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada online u sheegay in uu arkay fashilkii ugu weynaa ee Kooxdaan islamarkaana uu qabo in ragaan wali Al-Shabaab ka tirsan yihiin, oo aysan daacad ka ahayn xog bixintooda. “Aniga iyo Saraakiil kale ayaa u wadnay howlgal waxaana geeyay xaafaddii iyo degaankii aan ku dhashay oo aan dadkeeda mid mid u aqaano, Wiil aan Abti u ahay weligiisna aan Al-Shabaab noqon ayey iiga soo dhax-saareyn dad shacab ah” ayuu yiri Sarkaalkaan. “Markii hore waxay sheegeen in ay aad u yaqaanaan oo uu dilaa ahaa 3 bil oo Xabsi ah kadib waxaan ka soo saaray xabsigii waxaana loo waayay wax cadeyn ah waana sababta igu beertay walaaca kalsooni darrada ragaan” ayuu Sarkaalkaan katirsan Booliiska Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa sidoo kale Caasimada online la wadaagay 2 qodob oo kale kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro weyn iyo halis ku wajahan Ciidamada amaanka Soomaaliya. “In shanta nin ay raacaan gaari beensal ah kadib markii dadka la soo qab qabtana inta meel la isugu keeno lagu daaro Nal wayn oo aysan waxba ka arkin dadka xiran balse iyaga la arko waxaa aragti ka timid xubno ka tirsan raggan” ayuu Sarkaalkaan hadalkiisa sii raaciyay. “Waxyaabaha kale ee iga yaabiyay waxaa kamid ah in xiliyada la baxayo iyo degaanada howlgalka laga sameynayo shanta nin ayaa go’aamiya waxaan ka cabsi qabaa amaanka Ciidamada la socda” ayuu yiri Sarkaalkaan. “Waa koox naga dhax shaqaysata sidaan filaayo ee uma shaqayso qaranka” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Sarkaalkaan katirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Jabuuti ee ka midka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan geystay. Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Jabuuti la socdeen, kuwaa oo marayey duleedka degmada Jalalaqsi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay 6 qof, waxaana uu socday in ka badan 30 daqiiqo. Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin bulshada waxay ku shaaciyaan in weerarkaasi ay waxyeello kusoo gaarsiiyeen ciidanka Jabuuti. Dhanka ciidamada Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase ahaatee xaaladda ayaa ah mid aad u deggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. It was an act of intimidation so bizarre that Mohammed barely understood what was happening until it was over. Source: Hiiraan Online
  8. POUGHKEEPSIE, NY (HOL) - A conference held at Marist College, Poughkeepsie, NY during 8-9 June 2019 covered variety of issues related to Somali/Somaliland education leadership. Source: Hiiraan Online
  9. Iranian police close venues for crimes ranging from ‘playing illegal music’ to ‘debauchery’ Source: Hiiraan Online
  10. Xoghayaha arrimaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay mucjiso yar oo ku dhex taala bad qas iyo dhibaato badan, waxaanu sheegay inuu Ingiriisku taageeri doono doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland. Xoghaye Stewart, ayaa hadalkan ka sheegay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska oo uu toddobaadkan xildhibaan Stephen Doughty oo ah xoghayahah koox xildhibaano ah Ingiriis ah oo ku midoobay magaca “all-party group on Somaliland” APPG oo taageera una dooda qaddiyadda Somaliland, uu ku weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa talaabooyinkiisa ay wasaaradiisu qaadayso ee ay ku taageerayso doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland iyo weliba wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa wuxuu Wasiir Stewart, sheegay inuu Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Biixi ka hor intii aan Madaxweynaha loo dooran, isagoo sheegay in Ingiriisku wax badan la qaban karo Somaliland, waxaanu Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Ingiriisku su’aashaas kaga jawaabay oo uu yidhi “Marka hore aan uga mahad-celiyo APPG shaqada ay ka hayso Somaliland. Sida ay dhamaan xubnaha Golaha ka tirsani og yihiin, Somaliland waa guul cajiib ah. Soomaaliya lafteedu waxaay soo martay xaalad aad u adag, Somaliland na waa mucjiso yar oo ku dhex taal bad dhib badan. Si dhow ayaanu Somaliland ugala shaqaynay doorashadii madaxwaynenimo ee u danbaysay, waanu taageeri doonaa doorashada baarlamaanka cusub. Booqashadii u danbaysay ee aan ku tegay Somaliland, waxan nasiib u helay inaan la kulmo mudanaha hadda ah madaxwaynaha. Waxa jira wax badan oo aanu qaban karo. Waxayna ii noqon doonta farxad hadaan la fadhiisto mudanaha si aan ugala hadlo arimahaas.” Geeska Afrika Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka bilaabatay arrin la yaab leh, kadib markii sida la sheegay lagu soo rogay lacago taakuleyn lagu sheegay. Degmooyin ay ka mid Shibis, Shangaani, iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa shacabka degan guryaha qaarkood loo geeyey waraaq lagu weydiisanayo lacagta. Dadka deegaanka ee degmooyinkan ayaa sheegay inay u yimaadeen Gudoomiye Waaxeedyada qaarkood kuna amray bixinta Qarash taakuleyn lagu sheegay, taasi oo amar waaye lagu yiri. “Gudoomiye Waaxeedka ii yimid, wuxuu ii sheegay in aan bixiyo qarash, waxaana uu ii raaciyay inay tahay taakuleyn, waxaan u sheegay in aanan bixineyn taakuleyn amar ah, waligeeyna aanan maqlin.” Ayuu yiri qof ka midka ah dadka deegaanka ee degmada Shibis. Waa markii ugu horeysay ee dadka reer Muqdisho laga qaado lacago lagu sheegay inay tahay taakuleyn oo aan lahayn macno ama shaqo loogu qabanayo. Maamulka gobolka Banaadir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inaysan wax ka ogeyn arrintan, lana xiriir doonaan guddoomiyeyaasha si ay wax uga weydiiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan isagoo magacaabay guddoomiye cusub. Dikreeto xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa xilka looga qaaday Mr Cartan waxaana guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug dhanka dowlad goboleedka Galmudug loo magacaabay Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal). Dikreetada ayaa lagu amray dhammaan laamaha amniga iyo hay’adaha Gargaarka ee ka hawlgala gobolka Mudug in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  13. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Iska hor-imaad xooggan ayaa duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar iyo qaraxyo ku qadeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom ee halkaas ku sugan. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigtay warbaahinteeda ku sheegtay in 13 askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dileen kuna dhaawaceen dagaalka. Idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada Jabuuti lagu gubay qaraxyo ka dhacay agagaarka Buundada degmada Jalalaqsi. Goobjoogeyaal ayaa waxay sheegeen in ciidamada Jabuuti ay la kulmeen weeraro jidgal ah xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen gudaha iyo hareeraha degmada Jalalqsi. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab. Waxaan sidoo kale weli war kasoo bixin taliska ciidamada Amisom iyo kuwa Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  14. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti islamarkaana ay ka gubeen gaari nooca gaashaaman ah. Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala magaca AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha halkaasi ka dhacay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jabuuti oo lagu weeraray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Xanaannada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Cukuse ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka tagaan bariga gobolka Sanaag, waxaana uu ku eedeeyey dowladda madaxweyne Farmaajo Cabdilaahi Cukuse ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay ku daabushay bariga gobolka Sanaag aysan wax dhibaato ka geysaneyn deegaanadaas, balse ay nabad-galyadooda ka shaqeynayaan dadka deegaankaasi ku dhaqan, isla-markaana hormuud u yihiin in Dawladnimada Somaliland gaarto. Cukuse ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Maamulka Puntland uu siyaasadeynayso xiisada ka taagan deegaanadaasi, oo uu sheegay inay dabada ka riixeyso dowlada Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri “Bariga Sanaag wuxuu ka mid yahay Somaliland, dhulkaasi wuxuu ahaa dhul nabadeed muddo badan, laakiin Maamulka Puntland ayaa Carqalad la soo doontay oo siyaasadeeyay Nabaddii halkaa ka jirtay”. “Somaliland-na xaq bay u leedahay inay gaarto xuduudaheeda, Dadka deegaankaana waxaan u sheegayaa in Ciidammadu halkaa gaaran waxay hormuud u yihiin in Dawladnimadu halkaa gaarto, sidaa awgeed faa’iido mooyaane khasaare idiinkuma jiro”. Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu mar walba Maamulka Puntland nabad baanu ugu yeernaa, markaanu xilka joogno iyo markaanaan xilka jooginba, Dawladda iyo Shacabka Somaliland-na sidaas ayay jecel yihiin, laakiin Innagu Cidda aynu is haynaa waa Maamul yar oo Muqdisho jooga oo Dawladnimadeena Carqalad ku haya, laakiin Maamulka yar ee Puntland inaynu Nabad ahaano waynu jecel nahay”. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dhawaan soo if-baxaysay in Wasiir kuxigeenka qorsheynta Somaliland, Eng Xuseen Buuni laga wareejiyay awoodiisi maamul ee uu wasaarada ku lahaa, taasi oo lagu wareejiyey Wasiirka maaliyada Somaliland Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorsheynta oo uu wehlinayo Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta warbaahinta ugu waramay gudaha magaalada Hargeysa, iyaga oo faah-faahin ka bixiyey awooda maamul ee la wareejiyey. Ugu horeyntii waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Kuxigeenka qorsheynta oo isagu sheegay ineysan jirin awood maamul oo la wareejiyey balse ay tahay talo siin, wuxuuna yiri “Waxa xaalad caafimaad dalka uga maqan Wasiirkii wasaaradda qorsheynta Somaliland oo hawl-maalmeedkii shaqo ee Wasaaradda qorsheyntuna sidoodii ayuu u socdaa waanan wadnaa, anaga ayaa hogaaminayna ka Wasiir kuxigeen ahaan oo aniga ayaa hogaaminaya iyo waliba agaasimihii guud ee wasaaradda oo hawshiina way socotaa”. “Wasiir Sacad, wasiirka maaliyadu waxa uu 5-sano soo ahaa wasiirkii wasaaradda qorsheynta xukuumadii madaxwayne Siilaanyo hogaaminayay markaas madaama oo uu waayo aragnimo iyo aqoon badan wasaaradda u leeyahay si waayeelnimo iyo tallo aanu uga baahano ayuu wasiirku nasiinayaa intaas uu wasiirkii wasaaraddu maqan yahay, markaas waxaan idiin sheegayaa in shaqadii wasaaradda inaanu anagu wadayno wasiir sacadna talo mooyaane hawlo kale gacanta kuma qaban doono”. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “nina kursiga uma joogo inuu qoyskiisa u shaqeeyo waxa aynu u wadda joognaa dalka in aynu qaranka u shaqayno madaxwaynaha Somaliland waxa uu noo magacaabay inaanu qaranka u adeegno markaas waxaanu nahay adeegayaal ummadeed oo waxaanu u shaqaynaynaa qaranka Somaliland”. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isugana dhinaciisa ka hadlay oo ka dhawaajiyey in awooda uu ku leeyahay Wasaarada qorsheynta ay tahay awood kaabis, wuxuuna yiri “Waxaanu nahay koox ay wadda-shaqayni ka dhaxayso oo imikaba wada shaqeeya madaxwaynahuna kalsooni wayn ayuu ku qabaa wasiir xuseen oo waa nin dhalinyaro Ah oo imikaba hawl maalmeedka wasaaradda wasiir ku xigeenka ayaa wadda oo halkaasna wuu ka siiwadi doonaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anigana kaalintaydu waa mid kaabis ah oo madaxwaynahu awood ayuu u leeyahay in xil kaabis ah sidan oo kale ugu magacaabo oo waa arin soo jireena oo wax cusub maaha, markaas waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay magacaabisayadu ahayd mid wax u dhimaysa cid kale xilka mansabka iyo maamuuska waxa iska leh wasiir ku xigeenka ana waxaan ku biirinayaa oo kali ah waa tallo iyo waayo aragnimo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. National Assembly Majority leader Aden Duale on Friday downplayed the diplomatic row between Kenya and Somalia. Duale said the relationship between the two countries remains intact. Kenya’s ambassador is still in Somalia helping that country’s nationals coming to Nairobi. Several NGOs from Somalia are still based in Nairobi, he said. The Garissa Township MP told the BBC that considering the long-standing relationship between the neighbouring countries, it’s prudent for them to solve maritime disputes diplomatically. “We have Somalia ministers in Kenya who are staying without any issue; there are also Somali nationals in Kenya who are not being harassed.” But Duale was categorical that local Somali leaders are fully behind the government and no country can claim ownership of any part of Kenya. “We would appeal to both President Uhuru Kenyatta and President Abdullahi Farmajo to consider brotherhood and neighbourhood that has been there for decades. I personally believe the issue (border row) can be solved amicably through dialogue,” he said. A week ago, a section of Garissa leaders called for a diplomatic solution to the maritime boundary dispute. The leaders, among them county assembly majority leader Mohamed Gabow, and Garissa peace committee secretary Hassan Osman, separately asked Somalia to withdraw the case it filed against Kenya at the International Court of Justice at The Hague in 2014. The dispute is about the maritime boundary in the Indian Ocean. For Kenya, it is the line parallel to the line of latitude while Somalia insists it extends to the southeast as an extension of the land border. In 2009, both countries agreed that the United Nations commission in charge of mediating border disputes should determine the borderline but Somali chose the ICJ route in 2014. The bone of contention is a narrow triangle in the Indian Ocean, about 100,000 square kilometres which is said to have huge deposits of oil and gas. On the denial of entry of Somali officials into Kenya, Duale said it was normal procedure for anyone to have requisite documents when travelling to another country. Kenya recently also ordered that all planes coming from Somalia should pass through Wajir for check-ups. This was a decision arrived at by the security organs. Source: The Star
  18. 08/06/2019 PRESS RELEASE UK opens new training centre for the Somali National Army in Baidoa Somalia’s Minister of Defence, Hassan Ali Mohammed, Southwest State Speaker, Abdulkadir Shariif Sheekhuna, and the UK Foreign Office’s Political Director, Richard Moore, today opened a new UK training facility for the Somali National Army (SNA) in Baidoa. The Baidoa Security Training Centre (BSTC), supported by the British Government’s Conflict, Stability and Security Fund (CSSF), will support the SNA and promote long term stability and security in Somalia. The new centre will train up to 120 Somali National Army soldiers at a time and will help the SNA improve the quality of its training. British military personnel have been training the SNA since January 2017. They have delivered courses on areas such as medical skills, leadership, equipment care, logistics and human rights. Speaking at the opening of the facility, British Ambassador to Somalia, Ben Fender, said: “The UK is one of the major international providers of support to the Somali National Army. We’re playing a central part in helping the SNA conduct current operations in Lower Shabelle including through giving practical help to the newly recovered areas – like new housing for Sabid community” “In Baidoa, the Somali forces we are supporting have been building defensive positions to make the approach roads into the city more secure. This is having a direct impact on the number of attacks in the city and the security of the surrounding area.” “The SNA are motivated, keen to learn and professional. We are committed to long-term co-operation in order to help Somalia improve security and regain full control over its territory.” Somalia’s Minister of Defence, Hassan Ali Mohammed said: “Security and stability is crucial for the future of Somalia. Al Shabaab is a threat to the national security and supporting the army is vital in undermining the extremist efforts.” “I would like to thank the UK government for their continuous support to Somalia. To the SNA you have an important role to play in securing the country, take advantage of the trainings provided to better yourself and to secure the country” Qaran News
  19. Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex-qarxay madaxweyne Xaaf iyo maamulka Ahlu-Sunna. Xog aan goor-dhow helnay ayaa sheegeysa in kulan u dhaxeeyey Madaxweyne Xaaf iyo Xubnaha Ahlu-Sunna ee ku biiray Galmudug uu is faham waa ku dhamaaday, ayada oo la isku qabtay doorashada Galmudug. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Xubnaha Ahlu-Suna ee fadhigooda yahay Dhuusamareeb ay mabda’ ahaan aqbaleen in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha soo socoto, taasi oo Xaaf uu aad uga soo horjeedo. Madaxweyne Xaaf ayaa in muddo ah diidanaa doorashada Galmudug, wuxuuna marar badan ku adkaystay in muddo xileedkisa uu ka soo billaabanayo markii ay isku biireen Galmudug iyio Ahlu-Sunna, taasi oo macnaheedu yahay inay u hartay saddex sano oo kale. Ahlu-Sunna ayaa marar badan qabtay fikir kaas la mid ah, hase yeeshee lama yaqaan waxa is-beddelay hadda. Waxaan sidoo kale la ogeyn in dowladda federaalka ah ay kaalin ku leedahay isbeddelka ku yimid Ahlu-Sunna. Madaxweyne Xaaf ayaa meel cidlo ah kusoo dhici doona haddii uu Ahlu-Sunna ay garabkiisa ka baxdo, maadaama goor horeba laga diidanaa magaalada Cadaado. Wixii xog ah ee arrintan kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Qaybtii hore ee maqaalkan weynagii ku xusnay in Muuse Biixi dad gaadhaaya 500 . oo qof ku qanciyay 15 mirir xaga rag badan oo ay isku deegaan yihiin oo shirar badan qabtay ay Sadex Sacadood ku qancin waayeen “Muxuu Muuse Ku Yidhi SIRTU Waataa” Marka la eegaayo salaanka siyaasadda laga soo fuulo taqriiban Siyaasi u eekaa siyaasi kale arki maysid Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN wuu ka duwanaa badanaa soomaalidii siyaasada soo gashay oo dhan sababta oo ah Aabihii X.Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa raga soomaali ugu hantida badan xiliguu ambo qaaday Ina Cigaal duruufta uu ku koray waxay u saamaxday in uu labeentii ummada is bartaan arinkaa oo furre u ahaa aqoonta badan ee deegaanka iyo dhaqanka iyo weliba dadka soomaaliyeed ulaa ku darso Ina Cigaal wuxuu ahaa raga ugu wax akhriska badan soomaalida oo dhan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuu ka duwanaa Ina Cigaal isagu TACAB uu leeyahay ayuu ku soo galay Siyaasadda wuxuu ka soo galay Hay,ada Ciidanka xiligii halganka oo aan la dafiri karayn doorka ay ku lahaayeen dib u xoraynta Waraysi lagu waraystay Muuse Biixi shirkii boorama 1993 wuxuu ku sheegay halka loo socdo waxaanu doonaynaa in aanu dhisno dawlad si dimuqraadiya isku xukunta oo u guurta Nidaamka Xisbiyada badan iyo in la helo Xuriyad Madaniya iyo Xoriyatul Qawl iyo xuquuq siman ……. Ina Cigaal maskaxdiisa waxa ka buuxday afkaar badan uu doonaayay inuu soo dijiyo ama uu dabaqo wuxuu ku guulaystay in badan oo ka mid ah wax badan wey u hadhsanaayeen, wuxuu ku dedaalay in ummadani mid ahaato oo la ururiyo lana jiheeyo …… Muuse Biixi isaga laftigiisa afkaar siyaasi ah maskaxdiisa kama maqna balse wuxuu ku soo hagaagay marxalad dadku doonayaan in HORE LOO SOCDO iyo in musuqa lala dagaalamo , arinkaasaa keenay in ay adkaato DABAQAAD wax badan oo uu ku celcelin jiray waayo HADALKA IYO FULINTU WEY KALA ADAG YIHIIN Alle Ayaa Mahad Leh mxoosh09@gmail.com Source
  21. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Muuse Biixi Cabdi ayay warar hordhac ah oo saxaafadda soo gaadhay sheegayaan inuu safar ugu baxaayo Dalka Sweden . Ma jirto martiqaas rasmiya oo uu ka helay dawladda dalka Sweden balse wuxuu uu casuumad ka helay Xisbiga Christian Party oo ka mid ah xisbiyada ka jira dalkaasi Sweden. Ilaa hadda war rasmi ahi kama soo bixin dhinca Madaxtooyada Somaliland, kaas oo ku saabsan Safarka Madaxweyne Biixi. Source
  22. (SLT-Roma) Cristiano Ronaldo ayaa saddex gool u dhaliyey xulkiisa qaraka Portugal kulankii Switzerland ay ku wada ciyaareen wareega afar dhamaadka koobka UEFA Nations League, wuxuuna ku hogaamiyay inay jartaan tikitkooda kulanka kama dambeysta ah. Hadaba weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka warbixiyay sirta ka dambeysa inuu ilaashado awoodiisa jireed, xili da’adiisu ay tahay 34 jir. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “Waa sharaf weyn inaan xirto maaliyada xulka qaranka, sida iska cad inaad qeyb ka tahay tartankan, waa arin gaar ah”. Cristiano Ronaldo ayaa seddexleey ka dhaliyay Switzerland, wuxuuna ku wajihi doonaa Netherlands axada kulanka finalka ee UEFA Nations League. Laacibka reer Portugal ayaana wali qaadanaya qaab ciyaareed aan caadi ahayn. Ronaldo ayaa ka warbixiyay sirta ka dambeysa bandhigiisa cajiibka ah, xili da’adiisu ay tahay 34 jir wuxuuna yidhi. “Waa diyaar garoowga iyo anshaxa shaqadeyda, wali waxaan dareemayaa wanaag inkastoo aan ahay 34 jir, waxa ugu muhiimsan ayaana ah maskaxda, dhiirigelinta, iyo farxadda”. “Waxaan u maleynayaa in weli aan heysto wax badan oo aan ku soo bandhigi karo, waxaana dareemayaa wanaag”. Intaas kaddib Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ka hadlay kulanka finalka ee UEFA Nations League ay habeen dambey ku wada ciyaari doonaan Netherlands wuxuuna yidhi. “Xulka Netherlands waa mid aad u fiican, si fiican ayay u ciyaareen, waxaad ku daawateen kulamadii ugu dambeeyay, waxay heystaan ​​koox weyn oo ay ku sugan yihiin ciyaartoy aad u fiican oo da’ayar ah iyo ciyaaryahano khibrad badan, taasoo ka dhigeysa kuwo xoogan, waan ognahay inay noqon doonaan koox adag, laakiin taasi waa qaabka ugu fiican ee kulan final ah”. Source