Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,317
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Xabsi casri ah oo laga hir-geliyay Muqdisho ayaa markii ugu horreysay lagu xiray maxaabiis laga soo wareejiiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho [Gaalshire], kuwaasoo isugu jiray maxaabiis xukuman iyo kuwo aan xukunnayn. Madaxda maamulka gobolka Banaadir, taliska ciidamada asluubta iyo xubno kale oo ka socda dowladda federaalka Somalia ayaa goob-joog ka ahaa hir-gelinta hawlaha xabsigan oo ka mid ah xabsiyada ugu casrisan Qaaradda Afrika. Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac [Goobbe] oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xabsigan uu yahay mid aad u wanaagsan, loona soo wareejin doono maxaabiis fara badan, kuwaasoo ku xiran hdda xabsiga dhexe ee Xamar. Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay goobta ayaa isagana sheegay in xabsigan uu yahay cid casri ah oo wax weyn ka bedeli doona maxaabiista ku xiran, isagoo xusay in kani uu ka mid yahay xabsiyada ugu casrisan Afrika. “Muwaadinka Soomaaliyeed ee xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xuquuqaadka aasaasiga ah ee uu helo qof aan xirnayn, xabsiganna wuxuu ka caawin doonaa maxaabiista inay heleen nolol wanaagsan iyo inay wax bartaan, si markii ay xabsiga ka baxaan ay ula qabsadaan nolosha ay dibadda ugu tegi doonaan,” ayuu yiri Inj. Yariisow. Dhanka kale, Waxaa goobta la hadlay mas’uuliyiin kale, kuwaasoo sheegay in xabsigan uu waasacsan yahay isla markaana ka wanaagsan yahay xagga dhismaha xabsiga dhexe ee Xamar oo la dhisay muddo qarni ku dhow. Mxaabiista xabsigan cusub loosoo wareejyay ayaa waxay isugu jira kuwo galay dambiyo culus oo xukuman iyo kuwo dambiyo fudud galay oo qaar ka mid ah aan maxkamad lasoo marin, waxaana ka mid ah wiil caan ah oo lagu magaabi jiray idaacadda wareegta oo muddo laba sano ah xiran, isgaoo aan maxkamad soo marin. Ugu dambeyn, Xabsigan oo sannadkii hore uu xarigga ka jaray Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa dhistay Qaramada Midoobay, wuxuuna ku yaallaa dhabarka dambe ee xarunta taliska asluubta Somalia oo ku taalla waddada aadda Afgooye. PUNTLAND POST The post Maxaabiistii u horreysay oo lagu xiray Xabsi ay Qaramada Midoobay ka dhistay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-New York)-Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaalla badhtamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka. Duuliyihii waday diyaarada ayaa ku dhintey iyadoo diyaaradan aan la ogeyn sababta ay ugu dul dhacday dhismahan. Shaqaalaha gurmadka deg-deg ah ayaa gaadhay goobta uushilkan ka dhacay oo ah wadada 787 Severnth Ave. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay burburka diyaarada iyadoo aan la ogeyn halka laga lahaa diyaarad helikabtarka ah oo nooceeda lagu sheegay Agusta A109E. Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in diyaaradan ay ugu dul dhacdo dhismahan oo aan lahayn meel ay diyaarad ku degi karto. Balse warar ayaa sheegaya in duuliyaha diyaarada burburtay uu sheegay inay mushkilad haysato. Qiiq madow ayaa laga arki karay saqafka sare ee dhismahan 51dabaq ah iyadoo Boolisku amreen in dadka ku jira ay ka baxaan. Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo oo gaadhay dhismaha ay diyaaradan ku dul dhacday ayaa sheegay in aan la ogeyn tirada dadka saarnaa diyaarada, waxana uu sheegay in xaaladu degen tahay shilkana uu ahaa mid caadi ah oo uusan la xidhiidhin falalka argagaxisada. Source
  3. (SLT-Khartoum)-Mid ka mid Dimplamaasiyiinta ugu sareeya wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka Tibor Nagy ayaa toddobaadkan booqanaya dalkaasi Suudaan oo ay curyaamiyeen shaqo joojin iyo kacdoon dadweyne Wakiil Tibor Nagy, waxaa la filayaa inuu la kulmo gollaha milateriga iyo hoggaamiyayaasha Ururada bulshada rayid ah ee Suudaan, isagoo isku dayi doonaa inuu ku qanciyo labada dhinac inay bilaabaan wadahadaladii. “Wuxuu ku baaqi doonaa in la joojiyo weerarada gacan-ka-hadalka ah ee lagu hayo shacabo, wuxuuna ku adkayn doona dhinacyada isku haya Suudaan inay ka wada shaqeeyeen sidii loo abuuri lahaa jawi suurtagalin kara in dib loo soo celiyo wadahadaladii ” Sidaa waxaa lagu yidhi qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka. In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay hawlgalkii ay ciidamada xoog ku kala eryeen shacabka mudaharaadka ka waday magaalada caasimada ah ee Khartuum, arrintaasi oo keentay in ay ururada rayidka ah ku dhawaaqaan Shaqo-joojin bilaabatay Axadii shalay. Ururada Mucaaradka Suudaan ayaa dalbanayay in Milaterigu ay xukunka ku wareejiyaan dowladda Rayid ah oo kumeel gaadh aha, dalabkaasi oo Milaterigu dhagaha ka furaysteen. Source
  4. (SLT-Pakistan)-Booliiska dalka Pakistan ayaa Isniintii shalay xabsiga dhigay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Asif Ali Zardari oo dalkaasi kasoo talinayey intii u dhaxeysay 2008 illaa 2013. Mr.Zardari oo ahaa sayga Raysalwasaarihii hore ee la dilay Mrs. Benazir Bhutto ayaa hada weli hogaamiya xisbigeedii PPP, waxayna taageerayaashiisa sheegeen in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan. Hase yeeshee Zardari ayey hore shacabka dalkaasi u aaminsanayeen inuu hanti badan dhacay iyadoo dalkaasi looga yaqaan (Mr. Ten Percent) oo micnaheedu tahay inuu lacag u dhiganta 10% ka qaadan jiray dhamaan mashaariicda waaweyn ee dalkaasi ka socotay intii isaga iyo xaaskiisa ay xilka hayeen. Maxkamadda dalkaasi ayaa Isniintii shalay diiday in damiin lagu siidaayo Madaxweynaha inta dhageysiga dacwada socoto waxaa isla shalay la dhigay xabsiga, waxaana sidoo kale baaritaan ku socdaa Walaashiis oo iyaduna la sheegay inay qeyb ka ahayd kiiska loo heysto. Source
  5. (SLT-Mali)-Ku dhawaad boqol qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mali Isniintii, sida ay sheegeen mas’uuliyiin. Ma jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuloyadda xasuuqaasi lala bartilmaameedsaday dadka deggan tuulada, gaar ahaan bulshada Dogon. Dagaallo u dhaxeeya qowmiyadaha dega halkaasi ayay boqollaal qof hore ugu dhinteen. Waxa uu weerarkaasi imaanaya wax ka yar 3 bil, kadib markii koox la sheegey inay ka tirsanaayeen qowmiyadda Dogon ay dileen 160 qof oo ka tirsan qowmiyadda Fulani. Madaxweynaha Mali Ibraahim Baabakar Keyta, ayaa sheegey in waddankiisu aanu hoggaamin kareyn weeraro aargoosi iyo ciil isku heyn. Hadalkaasi ayuu ka sheegey dalka Switzeland, oo uu booqnayo, waxana la filaya in uu booqashadiisa uu so gaabiyo. Waxa uu dadka reer Mali ugu yeerey inay isku yimaaddaan oo ay ogolaadaan in dalka uu samatabaxo, waayo buu yiri, “tani waa calaamad su’aal la xidhiidha samatabax.” Saraakiil ku sugan degmada Koundou ayaa u sheegey wakaaladda AFP in tuulada Sobane-Kou ay soo weerareen koox hubeysan, ayna halkaasi ku dileen 95 qof. 19 qof ayay dowladdu sheegeysaa in sidoo kale la la’ yahay. Source
  6. PRESS RELEASE Secretary-General Outraged by Reports of Deadly Attack on Civilians in Mali The Secretary-General is outraged by reports that at least 95 civilians including women and children have been killed NEW YORK, United States of America, June 11, 2019/ — The following statement was issued today by the Spokesman for UN Secretary-General António Guterres: The Secretary-General is outraged by reports that at least 95 civilians, including women and children, have been killed and many injured following an attack yesterday on Sobanou-Kou village, Mopti region, in central Mali. He strongly condemns this attack and calls on the Malian authorities to investigate this tragedy and to bring the perpetrators to justice. The Secretary-General expresses his heartfelt condolences to the families of the victims, the people and the Government of Mali, and wishes a speedy recovery to the injured. The Secretary-General appeals to all Malian stakeholders to show restraint and to refrain from retaliatory acts. He urges the Government and all actors to engage in intercommunal dialogue to resolve tensions and differences. Distributed by APO Group on behalf of United Nations (UN). SOURCE United Nations (UN) Qaran News
  7. Wararka ka imanaaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo diyaar garow xooggan, kaasi oo ku aaddan shir looga hadli doono aayaha gobolkaasi, kana dhan ah Somaliland. Shirkan waxaa ka qeybgali doona wasiirro, xildhibaanno Puntland ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada ee gobolka Sanaag. Waxaa shirkan loogu magacdaray midinimad iyo aaya ka talinta gobolka Sanaag, xilli maalmahan dambe gobolkaasi laga soo sheegayey xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland. Waxaradka leh abaabulka shirkan ayaa sheegay in ay ka tashan doonaan aayahooda, kana fogaanayaan kala geynta umadda Soomaaliyeed. Dhowaan ayeey ahayd markii ciidamo Somaliland ah ay dhanka Puntland kusoo biireen, kuwaasi oo kasoo jeeda gobolka Sanaag. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka laga helayo deegaano kale tirsan Galmudug ayaa sheegaya in madaxa xukuumada Galmudug uu amar kasoo saaray dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Sida ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, madaxa xukuumadda ayaa dadkaasi ku amray inay muddo labo maalin ah isaga baxaan deegaanada Galmudug, gaar ahaana deegaanada ay ka taliso Ahlu Sunna. Dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee ku nool Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa la sheegay in amarkaan uu saameyn doono, waxaana laga doonayaa inay muddo 48 saacadood kaga baxaan deegaanada Galmudug. Xogaha la helayo ayaa sheegaya in ujeedada ka dambeysay arintaani ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay inay caqabad ku yihiin amaanka deegaanada Galmudug, gaar ahaan Dhuusomareeb iyo Guriceel. Ahlu sunna ayaa dagaal adag kula jirta Al Shabaab, waxaana dadkaasi lagu tuhmayaa inay xiriir la leeyihiin ururka Al Shabaab. Lama oga ujeedada dahsoon ee ka dambeysay amarka kasoo baxay Galmudug, balse waxay caqabad ku noqon doontaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee ku abtirsada beesha Raxanweyn. Ma jiro jawaab maamulka Koofur Galbeed uu arintaani ka bixiyay, sidaan oo kale waxaa horey shacabka kasoo jeeda Koofur Galbeed looga soo masaafuriyay deegaanada Puntland, walow markii dambe ay yaraadeen takoorka dadkaasi lagu hayay. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  9. Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa uga digay Askarta maamulkaasi in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u dulqdaan doonin in la dilo ama waxyeelo kale loo geysto rayidka. Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii ugu dambeeyay ee loo geystay nin Darawaal ahaa, kaas oo uu xusay in loo dilay oo kaliya 5 kun Shilinka Soomaaliga ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xillii muddooyinkii dambe deegaanada Koonfur Galbeed ay ku sii kordhayeen dilal iyo dhibaatooyin kale oo ay askartu u geysanayeen dadka dhacabka ah ee ku dhaqan magaalooyinka maamulkaasi. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Caasimadda. Shirka oo lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha dhanka laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga iyo qiimeyn lagu sameeyay,howlgallada ka socda magaalada Muqdisho. Duqa Muqisho oo ka hadlay madasha sayaa sheegay in muddo maamulkiisu dabagal waday, islamarkaana dib u eegis lagu sameynayo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. “Shirka Amniga Caasimadda ayaan ku qiimeynay xaalada Guud ka dib kormeer iyo dabagal joogta ah oo aan wadnay muddo, isla markaasna go’aaminey dib u eegis in lagu sameeyo Qorshaha Sugida Amniga Caasimada”ayuu yiri Eng, Yariisow. Muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay amniga gobolka Banaadir, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada Booliska Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  11. Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanada u dhaxeeya Mandheera iyo Ceelwaaq ayaa sheegaya in qarax uu haleelay gaari dadweyne saarnaayeen, waxaana qaraxa ka dhashay waxyeelo kala duwan. Saraakiisha ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa markale ku dhawaaqay in hakad la geliyay gaadiidkii isaga kala gudbi jiray magaalooyinka Mandheere iyo Nairobi, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu sababay dhaawac soo gaaray dad shacab ahaa. Saraakiisha ayaa sheegay in gaadiidka gabi ahaanba aysan ka sii shaqeyn doonin deegaanada u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Mandheere, waxaana halkaasi ka bilaaban doono baaritaano lagu saarayo waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab la sheegay inay ku aaseen wadada. Saraakiisha ayaa sidoo kale ku amray wadayaasha gaadiidka inaysan ku safri karin wadadaasi xitaa haddii ay la socdaan ciidamada loo xilsaaray amaanka wadadaasi, ilaa ay amar ka helaan hay’adaha booliska dalkaasi. Dhinaca Mandheera sidoo kale ayaa la amray Gaadiidka waaweyn iyo kuwa kaleba in aysan dhaq dhaqaaq sameyn ilaa laga nadiifinayo jidka. Axaddii ayaa la joojiyay Gaadiidka Nairobi iyo Mandheera markii xubno ka mid ah AL-shabaab lagu arkay jidka u dhaxeeya labada Magaalo. Shalay ayaa dib loo furay haddana isla gelinkii dambe ee shalay ayuu amarka dambe soo baxay Markii Gaari Bas ay ay Miino la kacday inkasta oo uusan jirin khasaare nafeed marka laga reebo dhaawacyada iyo bur burka Gaariga. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-11062019.mp3 View the full article
  13. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka oo halkaa maanta ka furmay. In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madaxda dowladaha ayaa sidoo kale shirka ka qeygalaya, kaas oo ku soo aadday sannad-guurradii boqollaad ee hey’adda shaqaalaha adduunka. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu shirka socdo waxaa uu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo shaqo la’aanta ka jirta dalka , sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaadiniinta iyo shaqo abuuro loo helo dhallinyarada Soomaaliyeed. Wasiir, Sadiiq ayaa sidoo kale dedaal ugu jira sidii ay Soomaaliya dib ugu soo ceshan lahayd xubnimada ururka shaqaalaha adduunka loogana cafin lahaa deyn lagu leeyahay dalka muddo dheer taas oo ah dhaqaalo ay ururka ku taageeran sannad walba dowladaha xubnaha ka ah, waxaa kalo uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda dalalka caalamka iyo wakiillada kale ee shirka ka qeybgalaya. Shir weynaha shaqada caalamka ee shalay Geneva ka furmay ayaa socon doona illaa 21-da bishan June. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shir weynaha Shaqada Adduunka ee Geneva appeared first on Puntland Post.
  14. Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qaybgeli doonta shir looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed, midnimada iyo [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho 15-kii Ramadaan kuna beegneed 21-kii bishii la soo dhaafay ee May kadib markii uu xanuunsaday, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caaismada Online, Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Isbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga. Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco. Markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad. Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer. Sidoo kale arintaan waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay Nabadoono iyo Saraakiil kale oo ku dhow Abuu Mansuur. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Saraakiil katirsan hey’adda NISA oo aan weydiinay ayaa sheegay in aysan xog badan ka heynin arrinta Abuu Mansuur islamarkaana aysan ogaan karin qof kasta balse ay gacanta ku haayaan mas’uuliyiin sar sare oo kaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. UNITED NATIONS, June 6 (Xinhua) — The UN humanitarian chief has allocated 45 million U.S. dollars from the Central Emergency Response Fund (CERF) to help people in Somalia, Ethiopia and Kenya facing food shortages due to low rainfall and drought, a UN spokesman said Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar soo baxay oo sheegaya inay biyaheeda u ogolaatay maraakiib dagaal oo ay leedahay Iran. Safiirka Jabuuti ee dalka Sacuudiga, Dhiauddin Bamakhrama ayaa si kulul u beeniyey in maraakiib dagaal oo Iran leedahay ay ku sugan yihiin xuduud badeedka dalkiisa, wuxuuna ku adkeystay in Jabuuti ay weli xiriirkii ay u jartay Iran uu sidiisa yahay. “Ma jiro wax maraakiib dagaal oo Iran ay leedahay oo soo galay biyaha Jabuuti ama dekadaheeda” ayuu Dhiauddin Bamakhrama ku yiri bayaan uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray in wax xiriir ah uusan ka dhaxeyan labada dal. Bishii Janaayo ee 2016, Jabuuti ayaa la safatay Sacuudiga, xiriirkana u jartay Iran kadib markii dibad-baxayaal ay galeen safaaradda Sacuudiga ee Tehran, iyo qunsuliyadeeda magaalada Mashahd taasi oo ka dambeysay markii Sacuudiga ay dileen wadaado shiico oo caan ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. At least five people are admitted to the Takaba Sub-County Hospital in Mandera after sustaining injuries during clan clashes in Burmayo along the Mandera-Wajir border. Source: Hiiraan Online
  19. Hospitals in Khartoum record more than 70 cases of rape in aftermath of attack on protest Source: Hiiraan Online
  20. In Augsburg speech, ambassador says skilled workers and investment are needed for country's "rebirth." Source: Hiiraan Online
  21. The Toronto Raptors came one agonizing point short on Monday of claiming their first NBA championship in club history. Now they must wait a few more excruciating days to take another shot at it. Source: Hiiraan Online
  22. Somali forces on Sunday killed three al-Shabab militants in the country's southern region of Gedo, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
  23. Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha ololihii doorashadii Mareykanka u adeegsatay si gaar ah. Guddiga maamula dhaqaalaha ee Minnesota ayaa sheegay in lagu helay dambi ah inay jebisay xeerka gobolka, waxayna saareen ganaax lacageed. Guddiga ayaa sheegay in Ilhaan ay isticmaashay lacag gaareysa $3,500 oo dollar oo ay ku bixisay safar ay ku aaday Florida iyo qeyb ay ku bixisay canshuur celintii ay sameysay. Waxay guddiga sheegayaan in ay heleen cadeyn ah in Ilhaan Cumar kooxdii ololaha u qaabilsanayd ay u iibiyeen tikit diyaarad oo Boston ay ku tagtay, “halkaas oo ay uga qeybgashay kullan siyaasadeed”. Sidoo kale, qeyb waxaa “lagu bixiyay hoteel ay ka degtay Washington D.C” oo ay uga qeybgashay wareysiga shirka UN ee Girl UP. Sida uu ku warramay raadiyaha Shacabka ee Minnesota, Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale lagu helay in lacagta ay u adeegsatay safarkeedii Chicago, si ay u aqbasho abaalmarin la siiyay iyo dhaqaale uruurin ay sameysay. Sida uu qabo sharciga Gobolka, “safarrada waa in ay noqdaan kuwo la xiriira arrimaha xafiiska”. Sida guddiga uu sheegay, Ilhaan Cumar, waxay ahayd wakiilka Gobolka markii “xeerka lagu xudgudbay.” Sidoo kale, waxaan Ilhaan lagu helay in $1,500 oo dollar, lagu bixiyay arrimo la xiriiray sixidda cashuur celinteeda, taas oo aan la xiriirin ololihii doorashada. Waxayna dalbadeen in la soo celiyo. Waxaana la saaray ganaax gaaraya $500 oo dollar. Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in arrintan ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed. Qoraal ka soo baxay kooxdeedii ololaha waxay ku sheegeen in ay “ku faraxsan tahay in baaritaankan uu dhammaaday” ayna ka go’an tahay in ay u hoggaansanto guddiga waxa uu soo saaray. Xigasho: BBC Somali