-
Content Count
213,239 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan ayaa 5-tii cutub ee ugu danbeysay waxa ay ku ku wareejiyeen Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka. Gudoomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa waxa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo in maanta Guddiga -u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka madaxabanaan uu 5-tii cutub ugu danbeysay ee dastuurka soo wareejiyey. “ Maanta inuu Guddiga la socodka dib – u eegista Dastuurka Baarlamaanka federaka Soomaaliya uu ku soo wareegay 5-tii cutub ee ugu danbeysay, ee lagu sameynayay dib – u eegista Dastuurka JFS, waxaa weeye taariikh, Waa taariikh cusub weeye, waa taariikh illahey najoojiyay, in maanta 100% dib-u- eegistii Dastuurka oo ka koobnaa 15 cutub inay ka soo dhamaatay Guddigii madaxabanaana ayna ku soo wareegtay Guddiga la socodka ee BFS” Sidoo kale Gudoomiyaha Guodomiyaha Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in waxa dhiman ay yihiin wax u baahan wada tashi in lagala sameeyo dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda waxa uu kale uu xusay inuu dhiman yahay in uu dhiman yahay in dadweynaha kaalintooda laga siiyo. “ Waxaa kaliya oo dhiman la oran karayaa la tashigii dadweynaha wali wuu dhiman yahay marka laga reebo in kooban, iyo dowled-gobaledyada iyo Baarlamaanadooda ayaa wali dhiman la tashigaas taladoodii in loo geeyo, waxaa kaloo dhiman arrimaha ku saabsan arrimaha siyaasadeed qodobo ee u baahan wada xaajood siayaasadeed in laga galo wali waa ay dhiman yihiin” Dhanka kale Muno Shiikh Cumar oo ah Gudoobmiye ku xigeenka Guddiga Dib-u- eegiska iyo Hirgelinta Dastuurka maxabanaan ayaa sheegtay in dhankooda uu ka soo dhamaaday Dastuurka Guddiga ay ku wareejiyeena sida ugu dhaqsiyaha badan uu ugu gudbiyo Baarlamaan. “ Guddiga madaxabanaan farxad weyn ayeey u tahay iney maanta soo wada gudbiyeen Dastuurkii 15-kii cutub oo horay aan u soo gudbinay 10 cutub 5-tii ugu danbeysan inaan maanta u gacn galinay Guddiga dib dib- u – eegista Dastuurka ee Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya, maanta waxa ay taagan tahay inuu 15kii cutuba uu gacanta ugu jiro Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ” Ugu danbey Muno Shiikh Cumar ayaa waxa ay dowlad-gobadeyada ka dalbatay in looga baahan yahay in Dastuurka aan loo xayirin is qabqabsi dhaxdooda ah ayaga iyo dowladda dhexe maadaama Dastuurku uu yahay kii lagu hagi lahaa Umadda Soomaaliyeed. “Waxaan ka codsanayaa dowled-gobaledyada maadaama uu soo dhamaaday 15kii cusutub ayna harsan tahay in dib u eegis lagu sameeyo inaan loo xariyin is qabqabsi jira iyo haddii uusan jirinba aadna ogaataan inuu Dastuurkaan uu yahay Dastuur Umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, masiirkii Umadda Soomaaliyeed uu yahay, kii Umadda Soomaaliyeed lagu hagaayay uu yahay, wixii jirana dib looga xisaabtamo uusan noqon mid la sababeeyo ama la siyaasadeeyo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Sidaas waxa bartiisa twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah khabiir hore uga tirsanaa hay’adda ICG, ahna nin aad uga falanqooda arrimaha gobalka iyo caalamkaba. Rashiid oo degen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata uu isna socdaal ku iman doono caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Rashiid wuxuu sheegay inuu soo xiganayo warar Kenyan ah oo xogogaal ah, “Xogo Kenyan ah oo xogogaal ah ayaa sheegay in shirkadda Dahab shiil oo ah xawaalada keliya ee aan ahayn mid qas badan ay ka shaqayn doonto Kenya. Kuwa kale waa la xidhi doonaa.” Ayuu yidhi Rashiid oo intaas raaciyay in shirkadda Dahab Shiil ay xidido ku leedahay Somaliland. Rashiid Cabdi, wuxuu intaas raaciyay, “Iyadoo la filayo in Madaxweyne Biixi uu socdaal rasmi ah oo deg deg ah ku yimaado Nayrobi. Madaxweyne Kenyatta ayaa isna booqan doona Hargeysa ka hor dhammaadka sannadka.” Ma jiro wax jawaab ah oo ay dawlada Kenya kaga jawaabtay qoraalka uu twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah nin xogaha uu baahiyo aad loo xigto, kuna xidhan dad badan oo caan ku ah wararka iyo siyaasadda gobalka Geeska Afrika. Laakiin qoraalkan uu Rashiid qoray ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysatay xurguftii diblomaasiyadeed ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya. Rashiid Cabdi ayaa hore u saadaaliyay in Kenya ay qaadi doonto talaaboyin dhawr ah oo ay culays iyo ciqaab diblomaasiyadeed uga dhigayso dawladda Soomaaliya. Ka dib hadalka Rashiid, Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa la sheegay shalay inay galeen qaar ka mid ah xafiisyada xawilaadaha. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex ka taagan Xisbiyada Qaranka ee salka ku haya qabsoomida Doorashooda iyo Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Somaliya “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la odhan jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi “Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaas oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi”, markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin, maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18 may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa, Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta,hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato, maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho” Source
-
NAIROBI, Kenya -- Islamic extremists exploded a suicide car bomb and killed at least six people near the presidential palace in Somalia's capital on Wednesday, police said. Source: Hiiraan Online
-
Wixii ka dambeeyay bur-burkii Soomaaliya , Kenya iyo Itoobiya si cad ayay u sheegeen inaysan oggoleyn in Soomaaliya ay hesho dowlad dambe oo xoog leh oo ka shaqeysa danaha dadkeeda iyo dalkeeda. Muddo ku dhow 20 sanadood Kenya iyo Itoobiya waxay lahaayeen isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo la yiraahdo “Hagardaamada iyo fashilinta ”. Bishii December 5-teedii 2002, waxay hoggaamiyeyaashii labadan dal ee Daniel Arap Moi iyo Meles Zenawi ay shir weyne la qaateen maamulkii madaxweyne George Bush, waxana ugu warbixiyeen qorshahooda ku aadan Soomaaliya iyo shirkii Eldoret oo bil ka hor markaas billowday. Isla maalinkaas wuxuu Daniel Arap Moi khudbad ka jeediyay Jaamacadda Difaaca Mareykanka ee Washington, wuxuuna yiri “Kenya iyo Itoobiya ma oggola dowladnimo ka dhalata Soomaaliya, waayo; 1. Soomaaliya haddii ay xoog yeelato waxay ku soo fideysaa dhulalka ay sheegato, 2. Kenya dhaqaale ahaan ma dooneyso Soomaaliya oo dhisanta iyo 3. Itoobiya ma oggola Soomaaliya oo awood ciidan oo xoog leh yeelata” Waxaan xasuustaa anigoo markaas saxaafadda ku cusub oo aan fikrad badan la heysan siyaasadda dalalka deriska ah inaan wargeyska Standard ka akhriyay warbixin uu ka sameeyay hadalkii madaxweyne Moi, waxayna makaxdedu falanqeyn weysay arrintaas, waloow aan u arkay ay inuu yahay fadhi-ku-dirir madaxweyne howl gab noqday. Labadan dal qorsheyaashii ugu horeeyay ee ay shirkaas Eldoret ka damacsanaayeen waxaa u hirgalay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya maamul goboleedyo federal ah oo aan ku wareerno, iyaguna ay dantooda ku gaaraan. (Waa waxa hada taagan). Itoobiya waxay dooneysay inay maamul goboleed kasta uu yeesho dekad, ayna xuduud la leedahay, waa u suurto gashay. Kenyana waxay dooneysay inay hesho meel ka baxsan xuduudeeda oo ay degto oo ay Soomaaliya ka maamusho (buffer zone) waana u suurtagashay, waloow markii hore ay ku fashilantay maamul goboleedkii Azania oo ay Nairobi ku sameysay. Waxay Kenya iyo Itoobiya u arkeen dowladdii Cartahalis, maadaama ujeedada ugu weyn ee TNG ay aheyd dib u heshiisiin, midnimo iyo dib u habeyn dowladnimada Soomaaliya. Waxay Isbaheysigan ay TNG ka bixiyeen sawir khaldan iyo barabagaando waxayna caalamka ku faafiyeen in C/qaasim iyo maamulkiisuba inay yihiin muslimiin xag jir ah. Mareykanka iyo reer Galbeedku, iyagoo ka cabsanayay in xoogag shisheeye oo argagixiso ah oo danahooda ka soo horjeeda ay ku soo dhuuntaan Soomaaliya, gaar ahaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadii safaaradaha mareykanka ee Kenya iyo Tanzania waxay u dhaga nuglaadaan Kenya iyo Itoobiya, waxayna taageereen qorshahooda dhibaateynta Soomaaliya. Intii uu socday shirkii Eldorate oo dhinaca kale xoojiyay xiriirka Kenya iyo Ioobiya, waxaa jiray shakhsiyaad arkayay khatarta labadan dal oo shirka ka baxay, waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, xubno ka tirsanaa dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, aqoonyahano, qurbajoog iyo madaxweynihii Puntland C/llaahi Yuusuf Axmed oo laakiin dib ugu soo laabtay shirka madaxweynena ka noqday dowladii lagu soo dhisay. Isbaheysiga dhibaateynta Soomaaliya, waxaa dhawaan soo dhexgalay khilaaf ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay shukaansi hoose la gashay Itoobiya iyo Eritrea kana codsatay in faragalinta laga daayo – waatii madaxweyne Farmaajo yiri “Wabigii waan soo xiray” si cad ayuu Farmaajo ugu sheegay raisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn in Itoobiya caqabad weyn ku tahay Soomaaliya markii uu safarkii ugu horeeyay Itoobiya ku tagay. Khilaafkaas waxaa isbaheysigu ka heshiiyeen bishan 13-keedii, waxaana shir Nairobi ka dhacay iskugu yimid madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde. Sababta ay Kenya u sheeganeyso badda Soomaaliya waa qeyb ka mid ah majuujinta iyo soo yareynta Soomaaliya. Sidaas oo kale dhibaateynda waxaa ka mid ah dhismaha ciidanka badda ee Itoobiya oo si xowli ah u socda. Ciidanka Itoobiya iyo Kenya ee jooga dalkeena waa duullaan cad oo jujuub ah. Kuma joogaan rabitaan Soomaaliyeed, kamana amar qaataan hoggaanka AMISOM oo ay kaarkooda ku shaqeystaan. Kenya, wacyigalin xoog leh oo ka dhan ah Soomaaliya ayay shacabkeeda siisay, iyadoo u mareysa jaamacadaha iyo warbaahinta, kamana xishooneyso wax kasta oo ay cadaadis nagu saari karto, waayo u jeedo ballaaran ayay leedahay, inaguna sidaan u cuneynay qaadkeeda ayaan hurdo ka soo kici la’nahay. Ugu dambeyntii, Itoobiya marnaba lama aamini karo Ra’isul Wasaarahooda loo maleynayo inuu yahay nin maskax furan waa koobiga Meles Zenawi. Aad iyo aad ayaan uga walaacsanahay qorsheyaasheeda cusub oo ay ka mid yihiin is dhexgalka geeska Africa, waxaana u arkaa inuusan dabin loo dhigay Soomaaliya. Hadaba, dadka Soomaaliyeed goormee fahmi doonaan dhibaatadan muuqta? Maxaa nagu dhacay oo aan u fahmi la’nahay qorshaha cad ee labadan dal ay ku doonayaan inay kula wareegaan dalkeenna? 30- sano kaddib yaan sugeynaa oo dalkeena dib noogu habeynaya? Canaantii walaalkeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle waxay aheyd “Soomaaliyey SHAME ON YOU” W/Q: Farah Blue Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu madaxtooyada Putnland ee Gaalkacyo uu ku qaabililay dhigiisa maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. Kulan labada Madaxweyne waxaa qeyb ka ahaa wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socday labada maamul,waxaa looga hadlay iskaashiga dhanka ammaanka labada muulmul ee magaalada Gaalkayo, in labada maamul ay ka yeeshaan siyaasad mid aha dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo ku dhisan hanaankii lagu heshiiyay ee Fadaraalka iyo nabad galyada magaalaga Gaalkayo. Kulanka ka dib ayaa waxaa laba masuul ay soo saareen war murtiyeedwaxaana warbaahinta u aqriyay Af hayeenka maamulka Putnlan Jaamac Dabaraani. Halkaan ka aqriso dhageyso https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Xaaf-iyo-Saciid-Deni-oo-Galkacyo-ku-kulmay-waxa-ayna-soo-saareen-mar-murtyeed.mp3 Source: goobjoog.com
-
Somaliland: Kulmiye & UCID Delegation To Kenya Rebuffed By EU Ambassadors Nairobi(Qarannews): The five member delegation from Kulmiye and UCID political parties, led by Mohamed Kahin Ahmed and Faisal Ali Warabe met with several ambassadors from EU countries, such as Denmark, Sweden, Finland, Germany and the United Kingdom to discuss the current political stalemate in Somaliland regarding the prospective parliamentary and local council elections scheduled for December, 2019. However, it would appeared that they have been rebuffed in their attempt to convince the EU donors that issues have been resolved. According to reliable sources, a meeting which took place at the Danish embassy in Nairobi between the delegation and the EU ambassadors ended without an agreement or an official communique. Our sources confirm that the EU ambassadors were not convinced that the political impasse regarding the scheduled elections had been resolved and the absence of Waddani, Somaliland’s main opposition party, from the meeting made it quite clear that there still work to be done. There are now six months left before the elections are to be held, and the moribund Somaliland National Elections Commission has still to began preparation for voter registration and other the steps needed for the voting to take place. Meanwhile, the equally moribund Somaliland House of Representatives has still yet to produce an elections bill that will enable the vote to take place. Speaking to the media, some members of the delegation accused the Waddani party and it’s chair, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” of spreading lies and disinformation about Somaliland to EU donors. A delegation from Waddani are expected to travel to Nairobi in the near future to put their own case to the EU ambassadors, meanwhile, the deadline for holding the elections looms ever closer. Qaran News
-
Qaran News
-
Thailand's criminal court has handed down a guilty verdict, and fines totaling over $16 million, to six defendants accused of operating an illegal vessel in Thai waters. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-22052019-1.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (Reuters) - Few restaurateurs consider the threat of piracy in their plans but Abdulkadir Mohamed did so for his La Lanterna floating restaurant now moored off Mogadishu’s popular Lido beach. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caaismada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday talaabooyin ay cadaadis ku saareyso Soomaaliya kadib markii ay diiday in Baasaboorka Diblomaasiga ah ee siyaasiinta Soomaaliyeed ugu dhufato dal ku galka Kenya markii ay ka dagaan Garoonka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Saacadihii la soo dhaafay waxay soo celisay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Senatorro, Wasiiro iyo xubno kale oo la taliyaal ah, halka qaarkoodna ay ku badbaadeen Baasabooro kale oo ay heesteen. Arintaan xiisadda siyaasadeed ee labada Dowladood waligeed waa taagneed balse lama filayn in waqti dhow ay xaaladda sidaan noqon karto. Dad badan ayaa ilaa hadda fahamsaneen waxa soo cusbooneysiiyay Xiisadda labada dal. Caasimada Online ayaa ogaatay in Kenya ay ka xumaatay go’aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya ku meel mariyeen Sharciga Batroolka 20-kii bishaan, kaas oo ay hore Kenya uga digtay isaga iyo Shirkii London ee Shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa aad uga carootay dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay howlgalka AMISOM oo ah “In Ciidamada Kenya laga wareejiyo magaalada Kismaayo laguna wareejiyo Ciidamada Itoobiya”. Kenya ayaa u aragtay dhabar jab kale oo soo gaaray Ciidankeeda iyo danihii ay ku qabtay Kismaayo. Prof. Cabdifitaax Nuur Raage oo bartay Xiriirka Caalamiga islamarkaana wax ka dhiga dhowr Jaamacad oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in Kenya aad ka gadooday laba qodob oo kala ah:- Ansixinta sharciga Batroolka ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo dalab ay Dowladda Soomaaliya u dirtay Taliska AMISOM oo Ciidamada Kenya looga badalayo Kismaayo kuwaas oo sababay in Dowladda Kenya ay qaado talaabooyin ay ku cadaadineyso Soomaaliya. Prof. Cabdifitaax Nuur Raage ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u banaan-tahay laba talaabo oo kala ah:- In ay qaado talaabada Kenya oo kale iyadoo ka aarsaneysa Dowladda iyo In ay dacwad u gudbiso ururada ay kuwada jiraan ee Africa ka jira sida IGAD, AU iyo kuwa kale balse waxa uu ku taliyay in ay Dowladda ku xisaabtanta in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin Kenya hanti badanna ay ka taalo. Dowladda Kenya oo Soomaaliya kala dhaxeeyo muran dhinaca Badda ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay fulisay talaabooyin aan ku wanaagsaneen xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal balse Dowladda Soomaaliya ayaa wali wado dadaalo ay ku soo celineyso xiriirka labada dal oo si gaabis ah ku socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin qarax dad badan ay khasaare kasoo gaartay oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo noqonaya qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan Ramadaan. Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ayaa la sheegay inuu kor u dhaafayo 15-qof oo dhimasho ah iyo dhaawacyo intaas ka badan, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo culus, waxaana lagu dabiibayaa isbitaallada Xamar qaarkood. Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay qarxaas ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Somalia, xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Somalia oo ay sheegtay inay xilligaas joogeen uu ka dhacay qaraxa. “Qaraxa waxaa fuliyay xubno naga tirsan oo Muqdisho ku sugan, waxaanan ku dilnay halkaas tobaneeyo qof oo isugu jiray askar, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo shaqaale xukuumadda u shaqeeya,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab. Sidoo kale, wuxuu afhayeenku sheegay in tallaabadan ay jawaab u ahayd hadallo kasoo yeeray dowladda oo ahaa in Muqdisho amnigeeda la sugay, isagoo xusay inay sii wadayaan beegsiga goobaha ay gacanta ku haso DF, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin xubnaha ka tirsan dowladda. Danka kale, Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxan waxaa ka mid ah dad barakacayaal ah oo dagganaa dhismaha wasaaraddii caafimaadka oo kaabiga ku haysa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana lagu waayay dhowr qof oo ay ku jireen carruur aad u yar-yar. Booliiska Somalia ayaa iyaguna dhankooda sheegay in weerarkaas laga hor-tagay, isla markaana lagu dilay shan qof, tiro kalena lagu dhaawacay, balse wararkii dambe ee soo baxay ayaa sheegaya inay tiradu gaartay in ka badan 15-qof oo ay ku jiraan xubno dowladda ka tirsan. Ugu dambeyn, Muqdisho oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay ayaa weli waxaa ka dhacaya qaraxyo ismiidaamin ah oo ay geysanayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, waxaana qaraxan kii ka horreeyay uu Muqdisho ka dhacay dhawr maalmood ka hor, inkastoo uu khasaare yaraa. PUNTLAND POST The post Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo Al-shabaab ay sheegatay iyo Khasaarihiisa oo kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa heshiisyo ku gaaray islamarkaana qodobo kasoo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulankooda ugu dooday arrimaha siyaasada, doorashooyinka, iyo sharciyada batroolka iyo canshuuraha dalka. Qoraal shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay si wadajir ah uga soo horjeedaan islamarkaana aysan aqoonsanayn sharciga canshuuraha iyo sharciga batroolka ee dowladda federaalka. Labada maamul ayaa sidoo waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ay ka yeeshaan amniga iyo siyaasada sida lagu sheegay qoraalka ay wadda jirka u soo saareen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
-
Soomaaliya ayaa maanta ka jawaabtay talaabooyin xiriiro ah oo ay qaaday Kenya, kuwaas oo u muuqday kuwa dhaawacaya darisnimada iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan. Soomaaliya iyo Kenya ayaa dacwadi ka taala maxkamad cadaalada ee ICJ, laakiin 6 bilood ka ka hor natiijada dacwada ayey Dowladda Kenya bilaawday rafasho siyaasadeed. Kenya ayaa dhowr jeer usoo jeedisay Soomaaliya in si ka madaxbanaan maxkamada ICJ looga wada hadlo muranka badda, laakiin madaxda Soomaalidu ma aaney tix galin dalabkaas. Kenya waxey urur goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika ka dalbatay in muranka kala dhaxeeya Soomaaliya loo xaliyo si heer gobol ah, laakiin Soomaaliya ayaa la sheegay in aaney taas aqbalin. Waxaa kaloo jirtay aragti ay waday Itoobiya oo ah in labada wadan ay wadajir ah u wadaagaan faa’iidada dhulka lagu muransan yahay iyadoo aan laga wada hadlin lahaanshaha ,laakiin taasna Soomaaliya waa ka cudur daartay. Wixii markaa ka dambeeyay, Kenya waxey bilaawday dagaal nooc walba leh oo ka dhan ah Soomaaliya, iyadoo aaminsan in iska caabinta Soomaaliya ay abuuri doonto dhabe ay labada wadan kaga wada hadlaan waxa ka dhaxeeya iyadoo ay ka maqan tahay maxkamada ICJ. Safiirka Soomaaliya ayaa laga soo saaray Nairobi, sacdaalkii ayaa lagu adkeeyay shacabka Soomaaliyeed iyadoo baaristii Wajeer lasoo celiyay, madaxdii Dowladda ayaa dal-kugalkii Kenya loo diiday, caburin ganacsi iyo hadal xanaf leh ayey abuurtay Kenya, walina wax kale ayaa laga filan karaa. Soomaaliya waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidan Kenya, ganacsiga Qaadku waa fure dhaqaale oo ay Kenya leedahay, muwaadiniin badan oo Kenya ah ayaa ka xamaasha Soomaaliya waxaana intaas laga fahmi karaa iney Soomaaliya heli kartay talaabo ay kaga jawaabto daan daansiga Kenya, laakiin wax ficil ah ma aaney sameyn. Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan wadamada darisku waxa ay eegayeen nooca ay noqon karto jawaabta Dowlada Soomaaliya. Qoraalkii maanta kasoo baxay wasaaraddda Arrimaha dibbada ee Soomaaliya ayaa rajo xumo ku riday Kenya, waxaana u ahaa mid tirtiray fursadii ay raadineysay Kenya oo aheyd iney Soomaaliya bixiso jawaab adag, kadibna uu cilaaqaadku xumaado, kadibna loo baahdo wada hadal inta aan la aadin maxkamada, taas oo hadii ay dhacdo dhabar jab weyn ku ah Soomaaliya. Qoraalkii maanta ee wasaaradda arrimaha dibbada ee Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Somalia ay ka xuntahay talaabooyinka ay qaaday Kenya oo ah ku carqaladeyn kara xiriirka labada wadan. Somalia waxey muujisay sida ay uga walaacsan tahay waxyaabaha soo kodhay, balse waxey sheegtay iney mar walba qadarin sare iyo xushmad u heyso Kenya. (Cajiib). Wuxuu ahaa gantaal ku qoran luuqad siyaasadeed oo ay ka muuqato ilbaxnimo, deganaan, fikir iyo faham la xiriira dacwada maxkamada. Wuxuu xanibay wax walba oo ay Kenya ka damacsaneyd talaabooyinkii ay qaaday bilihii u dambeeyay, wuxuuna Nairobi ku qasbaya iney ka fakarto qorshe cusub. Go’aanka maxkamadu waa mid aan racfaan laheyn. Dadka reer Kenya waxey ku baroorteen asbuucan in 6 bilood kadib go’aanka soo bixi doona uu geeri u yahay. Talaabooyinka Kenya waxaa ka muuqata in maxkamada loogaga adkaaday. Dhabaha kaliya oo Kenya u furan waa iney Soomaaliya wada hadal ogoolataa, taasina ma muuqato. Dadka arrimahan u dhuun daloola waxey sheegayaan in hadii aaney Soomaaliya badalin istaraatiijiyada ay hada ku socoto oo ah aamusnaan iyo qoraal aan xaalad abuur aheyn, in Soomaaliya ay ku adkaan doonto maxkamada iyo masraxa siyaasada labadaba. Dowladda Soomaaliya waxey mudan tahay in lagu bogaadiyo sida ay uga dabaalatay dabinka Kenya. Waxaa qoray: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Puntland iyo Galmudug ayaa ka soo horjeestay sharciga batroolka ee uu ansixiyay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka soo horjeesteen sharciga doorashooyinka Qaranka iyo xeerka cabshuuraha dalka. Labada maamul ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda ah. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo ka soo horjeestay sharciga batroolka ee Golaha shacabku ansixiyay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xeeladii cajiibka aheyd ee uu Axmed Madoobe u dagay soo xulista Xildhibaanada cusub ee Maamulka Jubbaland ayaa u muuqato inay guuleysan rabto. Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland & Odayaasha Dhaqanka ayaa Maanta ku yeeshay kulan xasaasi ah Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulkaas. Guddiga iyo Odayaasha ayaa waxay kulankooda uga hdleen habka loo marayo soo xulista Baarlamaanka Cusub ee Jubbaland iyadoo la fulinayo rabitaanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo noqdo xilka madaxweynimo ee Jubbaland. Guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Jubbaland Odayaasha Dhaqanka ku nool la keeni doono Magaalada Kismaayo si loo siiyo tababaro ku aadan xalinta khilaafaadka. Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in Oday dhaqameed walba laga doonayo in uu keeno saddex qof oo Beeshiisa ah, kadibna looga xusho midkii ka mid noqon lahaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland. Habka loo marayo soo xulista Xubnaha xildhibaanada Cusub ee Jubbaland oo ka duwan sidii hore ayaa waxaa kasoo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland,iyaga oo sheegay in habkaas uu yahay mid Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku doonayo in uu kusoo baxo Xildhibaanka taageersan. Axmed Madoobe ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada Jubbaland kasoo jeedo iyo qaar ka tirsan Odayaasha Beelaha dago Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa diiday inay Dowladda Soomaaliya goobjoog ka noqoto Doorashada, wuxuuna xoogga saarayaa sidii uu kursiga mar kale ugu soo noqon lahaa. Lama hubo sida ay u suurtageli karto xeeladaan uu doonayo inuu Axmed Madoobe kusoo xulo Xildhibaanada Maamulka Jubbaland maadaama ay arrintaas ka taagan tahay dood kulul.