Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beleweyne (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Siciid Muuse oo shir jaraa’iid u qabtay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay dagaalka shalay ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ugu horreyn Cabdinaasir ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow oo ahaa taliyihii qeybta Booliska gobolka oo ku dhintay dagaalkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in XFS ay guddi u xilsaartay dhacdadaasi, islamarkaana ay soo xaqiijin doonaan, sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale waxaa xusay in baaritaanka kadib ay tallaabo qaadi doonto wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe Ciidamo ka taabacsanaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo kuwa mamulka HirShabelle ay ku dagaalameen deegaanka Kala-bayr ee gobolkaasi. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay munaasabad looga arrinsanayay dib-u-dhiska Xarunta degmada Warta-nabadd ee gobalka Banaadir, ayaa ku deeqay mushaarkiisa bisha June. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda ka sheegay in dib-u-dhiska xarunta uu fududaynayo fulinta adeegyada bulshada, ayna muhiim tahay in laga wada qayb qaato dadaallada dib loogu dhisayo. Guddoomiyaha Degmada warta Nabadda oo ka hadashay munaasabadda ayaa ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale uga mahad celisay ka qayb qaadashada dadaallada dib loogu dhisayo xarunta. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada, qorshaheeduna ahaa in dhaqaale loogu aruuriyo dib-u-dhiska xarunta oo ku burburtay weerar ay Al Shabaab ku qaadeen ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo mas’uulyiin kale. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-12062019.mp3 View the full article
  4. jihadist terrorists killed more than 250 people around Sri Lanka in a series of suicide-bombings. It is not surprising that since the attacks, jittery police have arrested more than 2,000 people, nearly all of them Muslim Source: Hiiraan Online
  5. A Somali refugee has set himself on fire on Manus Island, amid claims of a worsening mental health crisis at the detention centre. Source: Hiiraan Online
  6. League admits game officials missed call on Warriors' DeMarcus Cousins in final minute Source: Hiiraan Online
  7. Somaliland: Foreign Minister To Deliver Speech In Sweden The Somaliland Foreign Minister, Yasin Hagi Mohamud Hir “Faratoon” is expected to travel to Sweden in order to deliver keynote speech at a conference on democracy in Africa. The Foreign minister has been invited to the conference by Swedish parliamentarians. There was speculation that the Somaliland President Muse Bihi Abdi, who is one of the few politicians to have been elected on a one person, one vote in the Horn of Africa, would travel to Sweden to deliver the speech. However, the weak federal administration in Mogadishu lodged a complaint with the Swedish embassy in Nairobi, that is accredited to Somalia, regarding the reports of President Muse Bihi’s proposed visit to Sweden. The Swedish government replied that the Somaliland delegation were invited to the conference by Swedish parliamentarians and not the Swedish government. Once again, it is quite obvious that the weak federal administration’s attempts to diplomatically isolate Somaliland have clouded their judgement with regard to sound reasoning and political decorum. They neglected to verify whether the Swedish government or Swedish parliamentarians had extended the invitation. This is not the first example of a complete lack of diplomatic etiquette from the ill-trained and ill educated functionaries of the federal administration in Mogadishu. Just recently, the FGS “ambassador” in Qatar objected to the displays of Somaliland flags by fans at the football tournament in Doha. This functionary went as far as to request the removal of the fans by Qatari police. Understandably, his request was ignored. The match in question featured a teams representing the Somaliland and Sudanese communities, and what he was doing there, nobody knows. This type of immature conduct of by the federal entity in Mogadishu will only drive a deeper wedge between the peoples of Somaliland and Somalia. Qarannews.com Qaran News
  8. Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe . Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe. Mudane Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan difaaca xuduudaha Puntland. Dhinaca kale guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo xalay ku howday degmada Hadaaftimo ee isla gobolkaasi ayaa saaka kulamo kala duwan la qaadanaya maamulka degmada Hadaaftimo iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday fariisimaha ciidanka Puntland ee Yubbe appeared first on Puntland Post.
  9. Miami (AFP) - A Florida man pleaded guilty Tuesday to making death threats against three Democratic lawmakers and leaving them voicemail messages insulting Muslim Congresswoman Ilhan Omar. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaabilay dood ka soo gudubtay oo ay xalin kari waayeen taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Bashiir Americo, taliyaha qeybta Booliiska Soomaaliya Saadaq John iyo taliyaha Milateriga Soomaaliya General Indha-qarshe taas oo salka ku heysa Askari dhamaadkii Ramadaanka lagu dilay gudaha Suuqa degmada Xamar-weyne. Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaatay taliyaha Guudatada 14-ka Oktoobar oo lagu magacaabo Axmed Gaashaan kaas oo maalmo ka hor ku hanjabay in uu weerari doono taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen iyo taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne. Arintaan ayaa ka dhalatay israsaaseyn dhaxmartay ciidamo katirsan Guutada 14-ka Oktoobar iyo ciidamada Booliiska degmada Xamar-weyne, taas oo dhacday dhamaadkii Bishii Ramadaan. Israsaaseyntaasi waxaa ku dhintay Askari kat irsan ciidanka Axmed Gaashaan oo ka adeeganayay Suuqa. Taliye Axamed Gaashaan ayaa ka hor inta aysan ciidamada Suuqa soo aadin waxa uu la soo wacay taliyaha Saldhigga Xamar-weyne waxa uuna ku wargeliyay in ciidamo kuwiisa ah oo aqoonsiyo wata sidoo kalane loo tilmaamay gaarigooda ay suuqa ka adeegan doonaan. Taliyaha Saldhigga oo aqbalay arrintaasi ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadiisa ay ku soo wargeliyeen in wax ay ugu yeereen burcad suuqa soo galeyn isagoo amray in la qabto ama la tuugto. Waa qodobka lagu heesto Taliyaha Saldhigga. General Zakiya Xuseen oo ah taliye ku xigeenka labaad ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa iyadana lagu heestaa qoraal ay soo dhigtay Internet-ka oo ay ku sheegtay in la toogtay Askari ka tirsan Koox Burcad ah mid kalane la qabtay. Waa dooda kale Axmed Gaashaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in arintaan ay gaartay islamarkaana uu dalbaday in uu wax ka qaban doono. Wararka la helayo ayaa sheegay in arintaan ay sababi doonto xil ka qaadista taliyaha Saldhigga degmada Xamar-weyne. Taliyaasha Booliiska iyo Milateriga Soomaaliya ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay wixii dhacay iyagoo cadeeyay in qaladka ka jira dhanka Booliiska balse uu xalkii diiday Axmed Gaashaan isagoo dalbaday in loo toogto Askarigii dilay Askarigiisa ama uu dagaal kale dhici doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. For the first time ever, residents of Glasgow were in late May treated to a cuppa with a twist: cappuccinos made from camel milk. Source: Hiiraan Online
  12. Dawladda Sweden ayaa dawladda Soomaaliya ku wargelisay inaanay wax shaqo ah ku lahayn socdaal la filayay in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Sweden, laakiin hadda ay cadaatay inuu baaqday. Xildhibaan Magnus Oscarson ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi Sweden tagi doono toddobaadkan. Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya xidhiidh la samaysay safaaradda ay Sweden ku leedahay Nayrobi iyo weliba xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo ay ka dalbatay inay faahfaahin ka siiyaan socdaalka Madaxweyne Biixi, waxaanay sida ay xogahani sheegeen ay dawladda Sweden ku wargelisay dawladda Soomaaliya inaanay ka xukuumad ahaan wax lug ah ku lahayn socdaalka Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, balse ay socdaalkaas ka shaqaynayeen jaaliyadda Somaliland iyo dad la shaqeeya oo aanay Sweden magacaabin kuwa ay yihiin. Madaxweyne Biixi oo hadda ka baaqday socdaal la filayay inuu maalmahan ku tago dalka Sweden, ayaa waxa socdaalkiisa qaban qaabinayay xildhibaan Magnus Oscarson oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kana mid ah golaha saaxiibada Baarlamaanka Sweden iyo Soomaalida, waxaanu sida uu xikdhibaanku ku sheegay qoraal uu soo saaray la filayay in Madaxweyne Biixi kulan uu xildhibaankani abaabulayay ka jeedin doonaa mawduuc ku saabsan sida ay Somaliland ugu suurtogashay inay dimuqraadiyad hirgeliyaan iyadoo ay dalalka kale ee gobalka Geeska Afrika ku fashilmeen inay dalalkooda dimquraadiyad ka hirgeliyaan. Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay maalmahan tagaan dalka sweden oo ay ka qayb galaan kulankaas la filayay in madaxweyne Biixi ka qayb galo ee uu ka baaqday. Geeska Qaran News
  13. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha waaxaha degmooyinka ay aasaas u yihiin qorshaha dariseynta, amniga iyo isku xirka bulshada Caasimadda. “Xaruntan waxaan rabnaa in ay saldhig u noqoto wacyi gelinta bulshada deegmada iyo adkeynta isku xirnaantooda, taas oo aasaas u ah in aan ku tallaabsanno horumar iyo amni buuxa.” Inj. Yarisow ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Degmo iyo heer Waaxeed ee Wardhiigleey inay xoojiyaan isku xirnaanta bulshada iyo Maamulka, si loo xaqiijiyo amniga, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah. Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig jarka Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey waxaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku weheliyey Kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Guddoomiyaha Degmada Wardhiigleey, Saynab Maxamed Xaabsey. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Xarigga ka jaray Xarunta Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigleey appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa xalay xabsiga ka sii-daysay Ibraahim Faarax Bur-saliid, kaasoo mudo shan casho ah ugu xirnaa xabsi ku yaalla Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Bishaan horraanteedii ayay ciidamada sirdoonka Kenya gurigiisa kala baxeen Bur-saliid, iyadoo lala xiray saddex qof oo kale oo Somali ah, kuwaasoo eedo isku mid ah loo jeediyay. Aqoonyahahnkan Soomaaliyeed oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ah ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi, waxaana dhawaan dowladda Kenya ay hor-keentay maxkamad, waxaana isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagaxisada ah, balse haatan wax dambi ah waa lagu waayay. Xiritaanka Bur-saliid ayaa kusoo aaday xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo Kenya ay sheegtay in xarigiisa aysan xiisadaas ku lug lahayn. Sidoo kale, Waxaa xabsiga laga sii daayay saddexdii ruux ee aqoonyahanka lala xiray, waxaana tani ay ahayd qodob si weyn looga hadal-hayay xilliyadii u dambeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu dambeyn, Aqoonyahankan ayaa la sheegay in loo xiray hadallo uu ka sii daayay BBC-da oo uu inta badan wareysiyo siiyo, kuwaasoo la sheegay inay dhibsatay dowladda Kenya oo muran uu kala dhexeeyo dowladda Somalia. PUNTLAND POST The post Dowlada Kenya oo xalay xabsiga kasii daysay Dr. Ibraahim Bur-saliid iyo xubno kale appeared first on Puntland Post.
  15. Leyla Hussein had mixed feelings when she found out that Queen Elizabeth II was naming her an Officer of the Order of the British Empire for her work to eliminate female genital mutilation. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur. Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Kusimaha Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda. Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka. Halkan hoose ka eeg muuqaalka iyo sawirada khudbadda kowaad ee madaxweyne ku xigeenka Khudbadda uu kula hadlay saraakiisha ciidamada PUNTLAND POST The post Af-Urur: Al-shabaab baa i dilay hantidaydiina qaatay appeared first on Puntland Post.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka agdhow xafiiska madaxweyne Den, ayaa Caasimada Online u sheegay, in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isugu soo dhoweeyo xukuumadda Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Puntland xiriirkii wada-shaqeynta u jartay Villa Somalia. Wasiiro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa sida wararku sheegayaan ku fashilmay dadaal badan oo ay ku bixiyeen sidii madaxweynaha Puntland loogu qancin-lahaa in uu dib u soo celiyo xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhexeeyay xukuumadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo xubno kale oo ka soo jeeda Puntland ayaa ku guul-darraystay dadaal ay ku doonayeen, in madaxweyne Deni uu ka laabto go’aankii uu xiriirka ugu jaray Villa Somalia. Madaxweynaha Puntland ayaa sida ilo xog-ogaal ah xaqiijinayan gebi ahaanba diiday in uu ka laabto go’aankaasi, ilaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaqanto Dastuurka, lagana heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Dhinaca kale, Deni oo haatan safar ugu maqan dalka dibaddiisa, ayaa sida qorshaysan todobaadkan magaalada Nairobi kula kulmi doona madaxweynayaasha Galmudug, Jubaland, HirShabeelle iyo xubno ka socda Beesha Caalamka. Kulankaasi ayaa la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay si wadajira cabasho ka dhana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu gudbiyaan xubnaha Beesha Caalamka ee Nairobi jooga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Thus woman and her sister had not seen each other since 1990 before the Somali Civil War where they were separated. Heartwarmingly, they reunited at an airport for the first time in 30 years and hugged each other while sobbing with joy. Source: Hiiraan Online
  19. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Tuesday it has kicked off the process of recruiting police officers to help secure the recently liberated areas in Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  20. The United States on Tuesday vowed to intensify its security operations against al-Shabab to help stabilize SomaThe United States on Tuesday vowed to intensify its security operations against al-Shabab to help stabilize Somalia.lia. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo uu muran salka ku hayo arrimaha Badda kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa waxaa haatan uu gaaray khilaafka labada dal halkii ugu sarreeyay. Caasimada Online ayaa heshay xog ah in dowladda Kenya ay ka quusatay in wadahadal ama gorgotan dowladda Soomaaliya ay ka gasho muranka Badda, kana laabato dacwadda haatan hortaalla Maxkamada ICJ oo sanadkan gudihiisa la filayo in go’aan laga gaaro. Dhowr jeer Kenya waxa ay isku dayday in Soomaaliya ay kala hadasho sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka Badda, balse dowladda Soomaaliya ayaa arrinkaas ka biyo diiday, waxa ayna sheegtay in ay ku qanacsan tahay go’aanka Maxkamadda. Sidoo kale, Kenya ayaa markii uu fashilmay isku dayga wadahadalka waxa ay bilowday in cadaadis ay saarto Soomaaliya, iyadoo ka baxday heshiisyo dhowr ah, sida diyaaradaha tooska kaga bixi jiray Muqdisho ee tagi jiray Nairobi oo ay joojisay iyo in madaxda dowladda loo diido in Baasaboorka Diblumaasiga ah dal ku galka loogu dhufto marka ay tagayaan dalkaasi Kenya. Hayeeshee weli Soomaaliya kama tanaasulin in go’aankeedii ahaa in laga dhursugo Maxkamada ICJ ay ka qaadaneyso murankan muddada socday ee Kenya iyo Soomaaliya, Sababta Kenya u qaaday tallaabooyinka xumeeyay xiriirka labada dal ayaa dadka falanqeeya arrimaha dacwadaha waxa ay ku sheegayaan in uu jiro tuhun ah in Kenya ay ku guul dareysan karto kiiska Badda ee horyaalla Maxkamada ICJ. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  22. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqasho ku tegey deegaanka Af-urur ee gobolka Bari oo isla shalay ciidanka Puntland [...] Source
  23. Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wargeyska Macaarif ee laga leeyahay Israa’iil ayaa qoray inuu jiro xiriir gaar ah oo in ka badan labaatan sano si qarsoodi ah ugu dhaxeeyey Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Israa’iil. Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay inuu jiro iskaashi dhanka Sirdoonka iyo Amniga oo qoto dheer kaasoo ka dhaxeeyo Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta. Falanaqeeyaha wargeyskaan u qaabilsan dhanka Sirdoonka Yossi Maiman ayaa sheegay in sababta xiriirkooda ay tahay kadib markii uu batay danaha siyaasadeed ee labada dhinac isaga xiran. Yossi Maiman ayaa warbixintaan oo la daabacay sabtidii ku sheegay in Abu Dubai ay hormarisay xiriirka ay la leedahay Israa’iil, isagoo sheegay inay ula macaamisho sida wadan dhameystiran. Wuxuu intaas kusii daray in Imaaraadka ay Israa’iil ka caawiso arrimaha Sirdoonka halka Tel Aviv ay iyadana howlo sirdoon ka sameyso gudaha Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay iska kaashadeyn sameynta isbaheysi ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar kaasoo loogu talagalay in lagu tirtiro Ururka Ikhwaanul Muslimiin. Wargeyska ayaa kashifay in Si ay imaaraadka u gaarto danaheeda gaarka ah ay Israa’iil laba qarni bixineysay lacagaha lagu iibinayey Hub farabadan iyo Qalabka difaaca taaso qiimaheeda lagu sheegay Boqolaal Milyaar oo Dollarka taasoo laga soo iibinayey dalka Mareykanka, waxayna arrintaas keentay inay Israa’iil xiriir wanaagsan la yeelato Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa kala shaqeysay Madaxweynaha Mareykanka Trump in Israa’iil laga caawiyo Farsamada casriga ah ee sameynta hubka si ay ugu isticmaasho dagaalka ay kula jirto Falastiin. Shirkadda NSO ee laga leeyahay Israa’iil ayaa dhankeeda Abu Dubai ka caawisay in la siiyo Barnaamijka Pegasus oo Sirdoonka Imaaraadka ka caawinayo inay ku dhageysato taleefoonada dadka ay u aragto inay mucaarad ku yihihiin Maamulkooda. Fadeexadaan cusub ee uu faafiyey wargeyskaan laga leeyahay Israa’iil ayaa kusoo aadeyso xilli ay Dowladaha Carabta si toos ah ula safteen Mareykanka iyo Israa’iil. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  24. Fariintaada waxaa ka muuqatey damqasho, dowlad Jaceyl iyo u naxid aad u naxeyso shacabka Soomaliyeed waadna ku mahadsantahay, balse dhanka kale markii laga eego, waxaa ka muuqatey marnaan (naïvity), xikmad xumo(lack of wisdom), doqonimo raagtey (absurdity) iyo u hiloobid aad u hilowdey xadgudubyadii dowladu kugu sameysay ( Victim of Stockholm syndrome ). Waxan saas u leeyahay ma aha in aan rabo in aan kuu gafo adiga, balse waxaan ka cabsaday dadka faraha badan ee ku taxan maqaaladaada xiisaha badan ee ay ka muuqato aqoon qoraanimo ee hufan iyo mid sheeko yaqanimaba in ay qaataan fikirkaa aad soo gudbisey oon u arko mid qatar ku ah yagleelka dowlad Soomaaliyeed oo hana qaada, maxaa yeelay xukuumada maanta jirta waa mid ku socota dariiqii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad, mana aha mid wadahadal iyo isku tanaasul ogol. Hadaba, ma muuqato si ay dowlad goboleedyadu kula heshiin karaan dowlada federalka oo aan ahayn in ay isku dhiibaan aqbalaana in Soomaaliya ku noqoto xukun kaligii talisnimo oo leh dowlad dhexe oo kaliya. Madaxda Maamul goboledyadu waxaan filayaa in ay aad kaaga fikir duwan yihiin leeyihiina go’aan qaadasho sare iyo xirfad hogaamineed, waxaanan filayaa marka laga tago afgobaadsiga iyo hadalada siyaasadeed in ay ka quusteen heshiin lala galo Farmaajo iyo Kheyre. 1 – Bal dib u milicso sidii qaabka dareyd ee dowladnimada ka fogeyd ee xilka lagaaga qaaday. 2 – Sidii Wasiirkii hore ee arimaha dibada Juxa xilka looga qaaday 3 – Sidii loo weeraray C/Cashakuur loona laayey dhalinyaradii iyo jawaabtii xukuumada ka bixisay arinkaa. 4 – Sidii Jawaari loo qoor qabtay 5 – Sidii Shariif Xasan xilka looga qaaday 6 – Sidii Qalbi dhagax loo dhiibey 7 – Sida Madaxweyne Xaaf loola dhaqmo 8 – Sida Heshiisyada Caalamigaa loo maareeyo iyadoo la baalmarayo dastuurka 9 -….. Fariinteydu waa: Xukuumadan oo is bedel laga sugaa waa mid aan loo fadhin ee waa in aan anagu badalnaa fakarkeena ogaanaana waxa kaliya ee Farmaajo/Kheyre fahmaan in ay tahay iska dhicin mid siyaasadeed iyo mid ciidanba hadii loo baahdo. W/Q: Ahmed Abdullahi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid