Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha UCID ayaa nasiib-darro ku tilmaamay xaaladda degdega ah ee madaxweyne Biixi, ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado wax kasta oo fidno abuuri kara. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya bisha ramadaan yidhi “Bishan Ramadaan waa bisha ugu fadliga badan 12 bilood ee sannadkii, waa bishii khayrka ugu badan la shaqeeysanayey, waa bishii sadaqada, waa bishii uu ku jiray habeenka ugu khayrka badan, ciddii uu ALLE ka aqbalo, ALLE ha inaga dhigo kuwii ka aqbalo, markaas waxaan ALLE inooga baryayaa inuu bogeena burcad isku mariyo, oo roobabkaas aynu rajaynaynay ee teel-teelka u da’y ha inooga dhigo roob khayrkiisa iyo nimcadiisa wata, dadka wax haysatana waxaan kula talinayaa inay wax bixinta iyo sadaqada la baxaan, oo dadka masaakiinta ah ay wax siiyaan, ALLENA ha inoo naxariisto”. Mar uu Xukuumadda u diraayey talooyin ku waajahan Siyaasadda Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Dalkeena tacab baynu galinay, oo heerka aynu maanta marayno, dadaal iyo wada jir baynu ku soo gaadhnay, markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadii inaga luntay, heerka aynu maraynay, iyo heerka aynu maanta marayno wax isku dhaw iyo wax la is barbar dhigi karo maaha, ee halkii aynu maanta hore ugu socon lahayn, maaha inaynu dib u socod bilawno, ee waxaa la inooga baahan yahay inaynu amaankeena iyo xasiloonideena ilaashano, waxaa la inooga baahan yahay in qof kastaaba halkiisa ka ilaaliyo amaanka, waxaa la inooga baahan yahay in wax kasta oo qofku arko, oo khatar ku ah amaanka inuu Dawladda iyo Ciidanka la soo socodsiiyo, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ixtiraam siino Ciidamadeena kala duwan ee dalka difaacaya, ee hadh iyo habeenba heeganka inoogu jira, Dawladdana waxaa looga baahan yahay inay gacan bir ah wax kaga qabato cid kasta oo fidno, amaan daro iyo colaad abuuraysa, Dawladda waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto khatar kasta oo la doonayo in masiirka dalka iyo dadkaba wax lagu yeelo,waxaa dhab ah inay Dawladdu mar walba diyaar u tahay inay sugto amaanka dalka iyo dadkaba,oo marnaba raali ka noqon mayso in amaanka wax yeelo soo gaadho, oo waan ku hambayeynayaa hawlgalka ay ku soo qabatay raggii Labada Sarkaal dilay”. Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Marka hore Calankeenu waa Tawxiidka, Tawxiidka ALLENA waligi idhici maayno, mar haddii calankeenu uu Tawxiid yahayna, cid kasta oo ku fikirta inuu calankeenu dhaca, waa cid iska hadashay, markaas Beesha Caalamka waxaynu nahay iyo waxaynu qabsanay wey ka war qabaan, weyna ka dharagsan yihiin,Beesha Caalamku si buuxda ayey uga war hayaan inaynu nahay dal madax banaan, oo iskii u taagan, oo waliba Somaliya uga horeeyey Calanka, Xukuumaddihii dalka u kala dambeeyeyna midiba heer bay soo gaadhsiiyey qadiyada dalka, iyo xidhiidhka aynu Caalamka ka leenahay, Xukuumaddana ilaa hadda si fiican ayey u wadda Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, ee waxaa looga baahan yahay Xukuumadda inay dadaal aad u xoogan galiso qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland, waana inay cid kasta oo wax inagaga xidhan yihiin xidhiidh la sameeysaa, dabcan Somaliya oo aynu kala ahayn laba oo maantana kala nahay weynu kala soconay, ee waa inaynu Caalamka u soo bandhignaa jiritankeena dawladnimo,dalnimo iyo dadnimo, ilaa haddana waxaa dhab ah waxaynu qabsanay in aanay qabsan dalal badan oo haysta aqoonsi buuxa, markaas aqoonsigaas inaga dhiman ee Caalamka inagaga xidhana weynu heli doonaa insha allaah”. Source
  4. Radio Shabelle, a leading independent local FM station, is celebrating its 17th anniversary of existence on Sunday to mark the day when the Radio first came to air on 6th May 2002 in Merca, the capital of Somalia’s southern Lower Shabelle region. The anniversary was due to commemorate May 6, but, held one day prior to its time due the Muslim Holy Month of Ramadan, which is expected to begin Monday. During the past 17 years, it has been feeding both local and international communities with information about the wars, droughts, economy, environment, education and daily events in the Horn of Africa country that has been without effective central institutions since 1991 when warlords overthrew former dictator Mohammed Siad Barre. The director of the station, Abukar Mohamud has congratulated the whole staff members and the audience at large on the occasion and wished Allah’s mercy on those who lost their lives while in the line of duty. Mohamed said Radio Shabelle was launched to cater the much-needed information to the listeners in Somalia and give the Somali people a comprehensive picture of the political, cultural and economic state of their country, letting them have the opportunity to express their freedom of speech on the important social and political issues in their country. Villa Somalia, the country’s presidential palace, political parties and members of the public sent a cable of congratulations to the President of the Radio on the anniversary. Shabelle Media Network [SMN] and its website, Shabelle.net will be remembered for the tangible role it took in covering the severe droughts in southern Somalia in 2005. The radio, now based in Mogadishu, the Somali capital, who have long been known with the radio drama QOMAMO (Remorse) that reached out thousands of young militias in the country. The radio drama exposed the ugliness of being an armed militiaman and used by warlords who cared about nobody but themselves and their wealth. Hundreds of armed men repented, laid down their arms and joined the rest their average people because of Shabelle radio play that touched the real lives of armed militias in Somalia. Shabelle FM expands to all over the world as people are now able to listen to the news and programs through live stream. Shabelle Media Network Mogadishu, 6th May 2019. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) –Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo marayey duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose. Sida ay Caasimadda Online warka ku heshay Gaarigaan la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo kasoo raacay deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye. Gaarigaan ayaa wuxuu kusoo jeediyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa nooca ay soomaalida u tahay Hoomey ama Caaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu qaraxaas ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee saarnaa inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadkii saarnaa gaarigaas oo la sheegay inuu intiisa badan gubtay. Qaraxyada miinada lagu aaso ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdsiho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay Hormuudka Warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday iyadoo aysan jirin Warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayay in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurtagalin. View the full article
  7. Africa's first standard-gauge electrified railroad began operating in January 2018. The Ethiopia-Djibouti Railway Line stretches 752 kilometers, from the Ethiopian capital Addis Ababa to the Red Sea port of Djibouti. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Waxaan hambalyo ku aaddan sannad guurada 17aad ee aasaadka Radio Shabelle u dirayaa dhammaan maamulka iyo shaqaalaha idaacadda oo muddadaas kusoo shaqeeyay duruufo adag. Muddada ay shaqeynaysay Idaacaddan waxaa iyaga oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira la dilay 14 kamid ah shaqaalaha oo ay 3 kamid ah ahaayeen agaasimeyaal. Eebe ha u naxariisto dhammaantood. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an adkaynta xuquuqda Dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka, waxayna diyaar ula tahay in ay bahda warbaahinta kala shaqe eyso sidii loo ilaalin lahaa bad-qabka wariyeyaasha, caddaaladdana loo horgeyn lahaa kuwa ku xadgudba. W/Q:-Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed. View the full article
  9. Caracas (Caasimadda Online) – Diyaarad ah nuuca qumaatiga ku kaca oo ay leeyihiin Ciidanka militari-ga dalka Venezuela ayaa bur-burtay waxaana ku dhintay Todobo qof oo saarnaa, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca. Diyaaradda ayaa ka duushay Magaaladda Caasimadda ah ee Caracas waxayna u socotay Caojedes ee Bartamaha dalka ku yaala balse wax yar uun ka dib markii ay duushay ayey ku dhacday meel aan sidaas uga fogeyn caasimadda. Waxaa billowday baaritaan lagu ogaanayo waxa shilka sababay. Madaxweyne Nocolas Maduru oo ku suganaa gobolka ay diyaaraddu usocotay ayaa daawanayay dhoolotus is xigxigay oo ciidanku ay dhigayeen, qudbad uu Tilifeshinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in Ciidanka Venezuela ay muujinayaan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka hortagaan gardaradda Mareeykanka. Dadka dhacdadaan ku dhintay ayaa isugu jira Laba Janaraalo, Laba kabtan, Seddex Korneyl, Seddex Xidiglayaal iyo Askar kale. Caasimada Online Xafiiska Caracas Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-050519.mp3 View the full article
  11. A police reservist was injured on Saturday night when suspected Al-Shabaab militants raided Hareri Hosle village in Mandera. Source: Hiiraan Online
  12. Shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Shirkan waxaa furay madaxweynaha dowladda federaalka ah, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya ra’iisul wasaare Xasan Cali iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Waxaa shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, ammaanka iyo sidoo kale cadaaladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. The European Union (EU) plans to hold a major regional economic conference for eastern African countries to foster peace and promote sustainable development in the region, an EU diplomat said Saturday. Fulgencio Garrido Ruiz, the EU charge d’affaires to Somalia, said the conference, organized jointly with the World Bank and the Ethiopian government, will be held in July in Addis Ababa, the Ethiopian capital. “The focus will be to address regional infrastructure in the energy and transport sectors; trade, including the development of the financing sector, value chains, and the regulatory environment; and human capital development through the improvement of education and skills,” Ruiz said in Mogadishu during celebrations marking Europe Day. Ruiz said the planned conference comes amid good progress in relations between Ethiopia, Eritrea, and Somalia, paving way for even greater cooperation. The thawing of relations among Somalia, Ethiopia, and Eritrea has seen the restoration of diplomatic relations with Ethiopia and Eritrea re-opening embassies in each other’s capitals. Ruiz said the historic agreement between Ethiopia and Eritrea, and the tripartite bringing both countries together with Somalia offer unprecedented opportunities and open a pathway to a new era of cooperation. “Transforming the region will not only require political commitment and leadership but also sound economic strategies to keep pace with the expectations of the people of the region,” he said. View the full article
  14. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furay shirka Wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka,kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,waxaana hoolka ku sugan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweynaha Hirshabeelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed,Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland oo Madaxda isugu yeeray Shirakn. Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in jadwalka loogu tala galay kulanka uu yahay maanta illaa caawa, balse laga yaabo inuu dheeraado, marka loo eego qodobada xasaasiga ah ee la isku haayo. Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka. Hoos ka akhriso qodobada shirkaan oo dhameystiran 1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida; Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose. Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono. 2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhow Magaalada Garoowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle la wadaagay hambalyada sanad guurada 17-aad ee aas-aaskeeda. Eng. Yariisow ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in marxalado adag oo uu dalka soo maray iyo kuwa gaar u ah Idaacadda Shabelle ay ku soo shaqeysay. Shabelle oo haatan 17 jir satay ayaa ku tallaabsatay muddadii ay jirtay hormaro kala duwan oo dhanka Warbaahinta ah, waxaana dhawaan si toos ah hawada u soo gali doona TV-ga Shabelle oo laga daawan doono dunida dacaladeeda. View the full article
  17. Miraa transport vehicles along the Nyeri-Nanyuki highway on September 8, 2017. The story of how Mr Adan built his empire from a small miraa business [...] Source
  18. Buurdhuube (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kooxo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland. Mas’uulka la afduubtay ayaa wuxuu ahaa Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobalka Gedo. Marka ay kooxda Afduubanayeen Mas’uulkaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku mashquulsanaa diyaarinta imtixaanka Dugsiyada Sare ee wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland. Mas’uulkaan la afduubtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Ibraahim, wuxuuna ka yimid Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo. Kooxda Al-Shabaab ayaa Maxamed kala dagay gaari uu saarnaa, Weli illaa hadda si rasmi ah looma ogo halka ay AL-Shabaab geeyeen Mas’uulkaan la afduubtay. Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin afduubka Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobolka Gedo. Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin afduubka loo geystay Madaxii waxbarashada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo. Wararka ugu dambeeyo ee soo gaarayo Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu socdo wadahadal lagu doonayo inay Al-Shabaab kusoo daayaan Mas’uulkaan iyadoo loo marayo odayaal ay isku beel yihiin oo ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Buurdhuube Caasimada@live.com
  19. Shirka wada-tashiga ee madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladdaha xubanaha ka ah Federaalka ayaa daqiiqado ka hor ka furay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho. Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Shirkii Garowe oo furmay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdishop (SMN) – Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir Mudane Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa sanad guurada 17-aad ugu hambalyeeyay Radio Shabelle . Shadoor ayaa tilmaamay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay door muuqdo ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in muddadii ay jirtay ay la soo kulantay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay tacadiyo iyo dilal loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay la wadaagaan shaqaalaha iyo maamulka Shabelle dabaal daga maalinta aas aaska ee 6 May. Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa horay uga mid ahaa howlwadeenadii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article
  21. Shirka Wada-tashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah DFS ayaa hadda ka Furay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland. Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka [...] Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland Maxamed Cawad ayaa markii u horeysay soo jeediyey in dalka Sweden ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Cawad oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ka dhawaajiyey in Sweden ay waayo-aragnimo fiican u leedahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah. Cawad oo wareysi siiyey idaacadda dawladda ee Sweden ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay kaalinta dhex-dhexaadnimo ee Sweden ay isugu keentay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo, isagoona tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland. Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ay ogashahay oo ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay midaas si wada jira u rabaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Dhinaca kale, Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo ka hadlay soo jeedinta Wasiir Cawad ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay go’aan ay arrintan ku aqbalaan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  23. Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan. Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa ay sheegene in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda. Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen. Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay. Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka. Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jilib Caasimada@live.com
  24. Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation. Brenthurst Foundation ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan. Madaxweyne Olusegun Obasanjo waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan. Brenthurst Foundation waxaa ay isku sheegtay hey’ad ka shqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa ayna la shaqeyneysay dalalka Afrikaanka ilaa 2004-tii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Dhageyso wasiirka wasaaradda amniga maamulka Jubaland oo sheegay in inciidanka looga baahan yahay in shaqada ay hayaan ay laba jibaaraaninta inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan lana dagaalamaan wax waliba oo amni darro ah. sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay la dagaalaman dadka mehrada fura bisha Ramadaan ee cuntada lagu sameeyo dhamaan ciidankana looga baahan yahay in ay soomaan aanan la arag askari afuran lana ilaaliyo in bisha amniga. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Wasiirka-Amniga-Jubbaland-oo-ciidanka-Booliiska-kula-dardaarmay-adkeynta-amniga.mp3 Source: goobjoog.com