Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre oo maanta hadal kooban ka jeediyay kulan ku saabsan Amniga ayaa sheegay in aan wax shirar siyaasadeed oo dowladdu ogayn lagu qaban karin Garoowe. “Magaaladan shir uma baahna, saxmad iyo qaylana uma baahna, haddaa ku sii socotaana waxaas ogaatan in gacmaha la idinka qaban doono, marka hore waxaa laga yaabaa in shirku fududaado oo dadka si fudud wax loogu sheego, balse hoosta wax laga wato oo hadhow la is ballaariyo.” “Magaaladan Garoowe xafiis danbana lagama furi karo shir danbana laguma qaban karo, annagaa mas’uul ka ah, annagaa nala weydiinayaa oo lagu la xisaabtamayaa. Dadka hoteellada leh iyo dadka meelahaasi ku shirayana waxaan lee yahay shir aan dowladdu ogayn Garoowe laguma qaban karo” ayuu yiri duqa Garoowe Geeddi Axmed Tuurre. Go’aankan ka soo baxay maayirka caasimadda ayaa imaanaya maalin, kaddib markii Garoowe lagaga dhawaaqay gole siyaasadeed la baxay Caddaaladda iyo Dimuqoraaddiyadda, kaasi oo uu guddoomiye ka yahay siyaasi Guuleed Saalax Barre oo doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 kaalinta labaad galay. Halkaan ka daawo hadalka maayir Geeddi PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo laga mamnuucay shirarka siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda Siciid Deni appeared first on Puntland Post.
  2. Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. 𝐀𝐣𝐞𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 𝟏. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab. 𝟐. Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan. 𝟑. Warbixinta Dhoofka Xoolaha iyo wax-ka-beddelka Qaabka ay Xooluhu u maraan dhoofka iyo sidii loo tayeyn lahaa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed 𝟒. Warbixinta Barnaamijka DALJIR oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan. 𝟓. Ka-hortagga iyo yaraynta Shilalka Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada: Waxa ka war bixiyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasiirradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab). 𝟔. Warbixinta Xaaladda Ceel-Afweyn iyo hanaqaadka nabadda iyo Weftigii ka socday Xukuumadda ee bulshada kala qayb galay farxadda Ciidal Adxa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac. 𝟕. Samayta Siyaasadda Wasaaradaha iyo Waafajinta Qorshaha Guud ee Qaranka JSL: Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi. 𝟖. Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Tamarta iyo Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee JSL (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐢𝐩𝐥𝐨𝐦𝐚𝐭𝐢𝐜 𝐌𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐀𝐜𝐭):Waxa ka war bixiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Mudane Cabdisamad Cumar Maal. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  3. Jamhuuriyadda Somaliland, waa dawlad madax-bannaan oo muddo ka badan soddon sanno si hufan ugu taagnayd dhabbaha horumarinta iyo dhismaha dawladnimadeeda dimuquraadiga ah, waxay si joogto ah u muujisay in ay tahay qaran sugan, oo leh hannaan dimuqraadi ah, iyada oo iskeed u dhisatay dawladnimo casri ah oo lagu saleeyay dhaqankeeda, diinteeda, iyo waayo-aragnimadeeda taariikheed. Somaliland waxay leedaha waayo-aragnimo taariikheed oo mug wayn, taas oo la xidhiidha dib u dhiska iyo hirgelinta dawladnimo shaqaynaysa, waxaanay Somaliland faham qoto dheer u leedahay casharradii laga bartay burburka iyo qalalaasaha hadheeyay dawladaha Geeska Afrika, taas oo ay beesha caalamka kaga caawin karto sidii dawladnimo sax ah loogu dhisi lahaa dalalka burburay. Somaliland waxa ay abuurtay nidaam dawladeed oo is waafajiya dimuqraadiyadda, diinta Islaamka, iyo dhaqankeeda soo jireenka ah, taas oo keentay in dalkani yeesho hannaan dawladnimo oo hufan, nabad, kala dambayn, iyo koboc dhaqaale oo baaxad weyn leh, isla markaana uu noqdo iftiinka dimuquraadiyadda Afrika. “Somaliland waxay dhisatay dhaqaale si caafimaad qaba u koraya iyo kaabayaal muhiim u ah horumarka dalkeeda,” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlay sida adduunku ugu baahan in uu ka faa’iidaysto waayo-aragnimada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa waxqabad iyo wada-jira ayaa muujiyay in Somaliland diyaar u tahay kuna hanwayntahay ka qaybgalka masraxa siyaasadda ee gobolka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha amniga, ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha, iyadoo dhinaca kale diyaar u ah wada-shaqayn caafimaad qabta oo ay la yeelato waddamada deriska iyo beesha caalamka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ku manaystay dhulkan istiraatiijiga ah. Muddadii yarad ee ay talada dalka haysay xukuumadda waxqabad iyo wadajir iyo dedaaladii badnaa ee la sameeyay ayaa keentay in dalal badan oo adduunka ahi in ay durba garawsadaan in danahooda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ay la wadaagi karaan Somaliland, taasoo tilmaamaysa in qaddiyadda aqoonsigu ay tahay arrin diyaar ah oo wakhtiga uun sugaysa. Sidaa darteed, Somaliland waxa ay dunida u sheegaysaa hal xaqiiqo: Qaranimadeedu waa mid dhab ah, halgan iyo himilo ku dhisan, una qalma in si buuxda loo aqoonsado. Mabaadida guud iyo Himilada Madaxweynaha Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sida ka muuqata haddaladiisa iyo dedaalada uu sameeyay ayaa si cad u qeexaya aragtidiisa siyaasadeed iyo mabaadi’da uu ku hagayo qaranka. Kuwaas oo muujinaya aragti qotodheer oo sal u ah dhismaha qaran dimuqraadi ah, dal isku filan, una diyaar ah inuu dunida la jaanqaado. Aqoonsiga Caalamiga ah: Madaxweynaha Somaliland waxa uu si joogto ah u muujiyey baahida ay Somaliland u qabto in la aqoonsado. Aragtidiisu waa mid salka ku haysa xaq-dhowr, sinnaan, wadajir iyo ilaalinta qarannimada JSL. Sidoo kale wuxuu beesha caalamka ku booriyay marar basdan in ay fursad u arkaan Somaliland oo ah dal si nabad ah isu maamulay, isla markaana ku dayasho mudan iyo in laga barto dhismaha dawladnimada burburtay ee gobolka. Horumarinta Dhismaha Dawlad-nimo: Madaxweynaha wuxuu xoojiyay kor u qaadista hannaanka dawladnimo ee Somaliland oo ah mid u gaar ah oo ay ku dhistay dedaalkeeda shakhsiga ah: kaas oo ah nidaam isku dhafan oo waafaqsan diinteeda Islaamka, dhaqankeeda iyo hannaanka dimuqraadiga ah. Xidhiidhka Deriska iyo Caalamka: Madaxweynaha JSL wuxuu caddeeyay in Somaliland tahay dal furfuran, nabad ah, diyaarna u ah inay la falgasho deriskeeda iyo caalamka si waafaqsan maslaxadda guud. Dhaqaale iyo Horumarka Bulsho: Madaxweynaha Somaliland waxaa ka go’an in dalka JSL uu ka ganoqaado nidaam hufan oo la xidhiidha koboc dhaqaale oo muuqda, iyadoo la dhisayo kaabayaal waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sida wadooyinka, isbitaalada, iyo waxbarashada. Qaranimada iyo Madax-bannaanida: Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku adkaystay in qaranimada Somaliland ay tahay xaq lama taabtaan ah. Isaga oo sheegay in Somaliland ay gacanta ku hayso dhulkeeda, hawadeeda iyo baddadeeda ba, isla markaan aanay jirin cid kale oo la wadaagta maamulkeeda. Wuxuu sidoo kale ku celceliyey in ay waajib qaran tahay difaaca madax-bannaanida iyo dhaxal u dhigista ubadka mustaqbalka ee dalka. Gunaanad: Mabaadi’da Madaxweynaha Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga, dawlad-dhiska, nabadda, horumarka, sinnaanta, iyo madax-bannaanida waxay u taagan yihiin aragti qaranimo oo dhab ah. Waa dhabbaha ay Somaliland ku kasban karto ixtiraam caalami ah, waxayna muujinayaan in madaxnimada iyo mas’uuliyadda dawladnimo laga dhaxlay halgan, lagana dhaxli doono himilo. Source
  4. Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in uu helay warka ah in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u dirayo 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka magaalada Los Angeles, kaddib markii ay dhaceen iska horimaaddo u dhexeeya mudaaharaadayaal iyo ciidamada ammaanka, taas oo la xiriirta weerarrada lagu beegsanaya dadka sida sharcidarrada ah dalkaas ugu sugan. Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu diri doono illaa 700 oo askari oo ah Marines. Gavin Newsom wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid uu ku fulinayo “riyo waalan oo uu aaminsan yahay madaxweyne waddadii kali-talisnimo ku socda.” Dhinaca kalena, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo guddoomiyaha gobolka California Governor Gavin Newsom ayaa ka dhex qarxay dagaal dhanka afka oo la isku adeegsaday baraha bulshada. Trump oo dagaalka billaabay ayaa isagoo adeegsanaya bartiisa Social Truth wuxuu cay u dhaamiyey guddoomiye Newsom oo ku tilmaamay “waxmatare”, wuxuuna sheegay in la’aantiis California boodka lagula tuman lahaa, taas oo uu ula jeedo in haddii uusan ciidamada u soo dirin gobolka ay qabsan lahaayeen soogalooti. “Guddoomiyaha waxmataraha ah iyo duqa Los Angels waa in ay iiga mahadceliyaan sidaan u bedbaadiyey, iyagoo leh ‘mudane, waad ku mahadsan.” Gavin Newsom ayaa dhankiisa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Trump oo sheegay in ay fiicnaan lahayd haddii Newsom la xiri lahaa. Newsom ayaa hadalka ka soo yeeray Trump ku tilmaamay mid ka turjumaya waddada uu ku socdo oo ah “keligii talasnimo aan geed loogu soo gamban.” Guddoomiyaha California ayaa hanjabaadda Trump ku tilmaamay cabsigelin. Source
  5. Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku dhawaaqday in wajiga xiga ee wada xaajoodyada Nukliyeerka Iran iyo Maraykanku ay ka qabsoomi doonaan Cuman, kadib wajigii hore ee ka dhacay Rome. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmaeil Baghaei ayaa Isniintii sheegay in la tashiyo ka dib, ay u diyaargaroobayaan wareegga xiga ee wada-hadallada dadban ee Axadda. Tan iyo bishii Abriil, Tehran iyo Washington waxay qabteen shan wareeg oo wadahadalo aan toos ahayn oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran. Saddex wareeg oo ka mid ah wada xaajoodyada labada dal ayaa lagu qabtay magaalada Muscat, halka labada wareeg ee soo haray lagu qabtay caasimadda Talyaaniga ee Rome. Source
  6. TOKYO (AP) — An explosion at a storage site for unexploded ordnance at a U.S. military base on Japan’s southern island of Okinawa injured four Japanese soldiers, though the injuries are not life-threatening, officials said Monday. Source: Hiiraan Online
  7. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A jury on Friday convicted Derrick Thompson on 15 criminal counts for a high-speed crash that killed five Somali American women in Minneapolis last year, delivering a long-awaited verdict for the victims’ grieving families. Source: Hiiraan Online
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 95% la dhameystiray qorshaha dhismaha xarunta cusub ee taliska ciidanka badda, taasoo laga hirgelinayo magaalada Addis Ababa, gaar ahaan xaafadda Janmeda. Xaruntan cusub ayaa laga rajeynayaa inay noqoto saldhig istaraatiiji ah oo lagu kobcinayo dadaallada dib loogu dhisayo ciidan badeed casri ah oo Itoobiya yeelato. Xarunta oo laga dhisayo dhul gaaraya 3 hektar ayaa ka kooban dhisme afar dabaq ah, waxaana ku dhex yaalla xafiisyo maamul, hoolal shirar, xarun caafimaad, goob ciyaaro iyo dhismayaal kale oo taageeraya howlaha ciidamada. Inkastoo Itoobiya aysan lahayn xeeb tan iyo markii Eritrea ay ka go’day 1993, madaxda dalkaasi waxay aaminsan yihiin in ciidan badeed la’aanteed aysan si buuxda u difaaci karin danaha amni iyo ganacsi ee gobolka Geeska Afrika. Yaa ka caawinaya Itoobiya dhismaha saldhigan? Bishii Maarso 2025, Itoobiya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay dowladda Ruushka si ay uga caawiso dhismaha iyo tababarka ciidanka badda. Heshiiskan cusub ayaa beddelay midkii hore ee la laalay ee Itoobiya la gashay Faransiiska sanadkii 2018. Tallaabadan ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda difaaca dalkaas. Falanqeeyayaal amni ayaa tilmaamay in Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u noqon lahayd quwad amni oo gobolka ah, iyadoo aan lahayn xeeb rasmi ah haddana ay adeegsaneyso iskaashi caalami ah si ay u dhisto awood ciidan badeed oo u adeegta danaha qaran. Dowladda Itoobiya ayaa horay u lahayd ciidan badeed illaa ay ka lumisay dekaddii muhiimka ahayd ee magaalada Asab, taasoo ay kaga luntay goosashadii Eritrea.
  9. Mogadishu (HOL) — A bloc of opposition politicians in Puntland has launched a new political council to challenge what they describe as increasing authoritarianism under President Said Abdullahi Deni, citing political repression and democratic backsliding in the semi-autonomous Somali region. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somali government ministers on Monday accused opposition leaders in the Somali Salvation Forum of refusing to join a national political dialogue aimed at resolving the country’s ongoing political tensions. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — A Pakistani man has been convicted by a U.S. federal jury for smuggling Iranian-made weapons to Yemen’s Houthi rebels through maritime routes off the coast of Somalia, in what U.S. officials describe as a critical blow to Iranian-backed arms trafficking networks. Source: Hiiraan Online
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiin kasoo horjeeda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garowe si rasmi ah uga dhawaaqay dhismaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland. Golahan cusub ayaa waxaa guddoomiye loogu doortay Guuleed Saalax Barre, oo ah siyaasi si weyn u dhaliilsan hab-maamulka xilligan ka jira Puntland. Golahan ayaa ujeeddadiisu tahay inuu wax ka qabto xaaladaha adag ee Puntland ka taagan, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Xubnaha golaha ayaa ku baaqay in la abuuro hannaan dimuqraadiyadeed oo dhab ah, si looga fogaado is-mariwaaga siyaasadeed ee laga cabsi qabo inuu saameyn taban ku yeesho maamulka. Guddoomiyaha cusub ee Golaha, Guuleed Saalax Barre, ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin inay si toos ah uga hadlaan wax kasta oo ka khaldan nidaamka dowladnimo ee Puntland, isla markaana ay yihiin kuwo u taagan sixidda iyo hagaajinta khaladaadka jira. Wuxuu si adag u dhaliilay maamulka Deni, isagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay diyaar u ahaanshaha isbeddel iyo isla xisaabtan dhab ah. Guuleed Saalax wuxuu sheegay in cabburin iyo cadaadis lagu hayo muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta aan taageersanayn maamulka, taasoo uu ku tilmaamay nasiib darro iyo tallaabo ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo siyaasadda. Wuxuu sidoo kale ka digay in caga juglayn joogto ah lagu hayo dadka aragtida ka duwan madaxda sare ee Puntland. Goluhu wuxuu si cad u taageeray midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in wixii wax ka beddel ah oo lagu sameynayo dastuurka Puntland lagu saleeyo wadatashi qaran oo ay ka qayb galaan dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo siyaasadda. Ku dhawaaqidda Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa imanaysa xilli ay jiraan xisbiyo mucaarad ah oo ka jira Puntland, balse lagu eedeeyo in ay ku milmeen maamulka Deni. Qaar kamid ah madaxda xisbiyadaas ayaa haatan xilal ka haya dowladda, taasoo shaki galisay dhab ahaanshaha mucaaradnimadooda.
  13. The recent testimonies before the U.S. Senate Committee on Foreign Relations by Joshua Meservey of the Hudson Institute and Michelle Gavin of the Council on Foreign Relations underscore a growing concern in Washington: The Horn of Africa is teetering between breakdown and opportunity. Yet both testimonies, in different ways, suggest that the United States should begin to scale down its expectations for a unified Somalia and instead work with its federal member states or other localized actors. That path, while appealing in its pragmatism, is ultimately self-defeating. It is perilous for U.S. interests. Source: Hiiraan Online
  14. Somalia’s fragile statehood remains at the mercy of recycled political elites, whose ambitions and rivalries have continually undermined national progress. Despite efforts to initiate reconciliation and dialogue, the country’s leadership crisis has only deepened—highlighted most recently by the failure of the national dialogue initiative proposed by the current president. Source: Hiiraan Online
  15. The present article follows a previous piece posted on Hiiraan Online Website on May 4, 2025, under the heading “Obstacles that hampered the writing of the Somali language. Egyptian attempts to undermine efforts to select a common script” Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta saluug ka muujiyay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa gogosha Madaxweynaha shuruud uga dhigeen ka qeyb-galkiisa in uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, ee uusan aheyn mid lagu raadinayo xalka xaaladda taagan, sida lagu yiri bayaanka mucaaradka. Intaas kadib waxaa bayaanka ka fal-celiyay Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dekadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook ku weeraray mucaaradka, oo ay ku tilmaameen “kuwa xambaarsan ajende shisheeye.” Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mucaaradka ku eedeeyay kuwa fulinaya ajende shisheeye, isagoo yiri “Mar waxay leeyihiin madaxweynihii albaabada ayuu naga xirtay oo cidna la hadli maayo, markii gogol wadahadal loo fidiyayna waa diidan yihiin.” Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka dibadiisa ayay ku wada ciideen, oo Midkoodna dalka kuma ciidin halkaas ayayna warsaxaafadeed ka soo saarayaan!. Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan.” Sidoo kale wuxuu mucaaradka ku tilmaamay kuwa u baahaj samatabixin, halkii ayaga ay wax samatabixin lahaayeen, “Haddana dalka ayaan samatabixinaynaa ayay leeyihiin!! Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!.” Dhankiisa, Wasiirka Dekadaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isna weerar ku qaaday mucaaradka, oo uu sheegay in aan la aqoon waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan toona. “Horeyna aadi meyno, halkaana joogi meyno ahaa warka mucaaradka, horey waxaan u sheegey ajanduhu ajende Soomaali inuusan ahayn,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu intaas kusii daray: “Dalka horumarkiisa Maxadweyne ayaa u dooran. Qof iyo Cod ayaa awood leh.” Si kastaba, Labadan Wasiir ayaa badanaa baraha bulshada ka difaaca qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay, iyagoo mucaaradkana ku qaada weeraro, una jeediya eedeymo aysan la socon caddeymo.
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal kooban oo dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamullada dariska ah ee Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaas oo xalay ka dhacay gudaha degmada Shaxda ee gobolka Karkaar. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu degmadaas tegay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur, waxaana kadib ciidamo la socday ay isku dhaceen kuwa kale oo taabacsan maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Is rasaaseynta ayaa ka dhacday gudaha magaalada, waxaana dadka deegaanka ay soo wariyeen in aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay iska horimaadka. Cabdifataax Cabdinuur ayaa degmada Shaxda u tegay la kulanka odayaasha dhaqanka, waxaase arrintaas ka dhashay gacan ka hadal, maadaama dagaal kooban uu xalay dhex-maray maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo oo isku hayo gacan ku haynta degmadaasi. Xaalada ayaa weli aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaata halkaasi. Dagaalkan waxaa ka horreeyay in dhowaan Puntland ciidamo dheeraad ah ay gaysay goobta, halka kuwa kale oo taabacsan SSC ay iyaguna soo galeen magaaladaasi kuwaas oo ka timid dhinaca Taleex, waxayna taasi keentay inay isku dhacaan labada ciidan. “Waxaan helnay xog sugan oo muujinaysa in kooxo maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ay si dhuumaleysi ah kusoo galeen degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar” ayaa lagu yiri qoraal horay uga kasoo baxay maamulka Puntland. Demmada la’isku hayso ee Shaxda ayaa ku taalla xadka gobolka Sool, waxaana horay u sheegan jirtay Somaliland oo iyana maamusha qaybo kamid ah gobolkaas. Si kastaba, Puntland iyo SSC ayaa haatan si weyn isku haya, waxaana ka dhex taagan xiisad culus oo sii laba kacleeysay, kadib aqoonsigii ay dowladda dhexe siisay Khaatumo
  18. Mogadishu (HOL) — The Somali Salvation Forum, a coalition of key opposition figures, expressed skepticism Monday about upcoming political meetings scheduled for June 15 and 22, warning that President Hassan Sheikh Mohamud may be seeking support for unilateral decisions on elections and national security. Source: Hiiraan Online
  19. Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa weli saluugsan gogsaha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka June 2025. Madashu waxay ku sheegtay in inkasta oo ay soo dhaweysay dadaalka Madaxweynaha, haddana aysan oggolaan karin in gogoshaasi noqoto mid aan loo dhamayn. Waxay Madashu ku baaqday in la helo madal siyaasadeed oo dhab ah, oo ay si siman uga qaybgalaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo horseedi karta xal waara oo lagu wajaho xaaladda cakiran ee dalka. Sidoo kale, Madashu waxay muujisay in kulammada uu Madaxweynaha qabanayo 15-ka iyo 22-ka June ay yihiin kuwa aan u muuqan mid daacad laga yahay. Madashu waxay mar kale ku adkeysatay in ay u taagan tahay danaha shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay wada-xaajood dhab ah oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo waxtar leh. Source: goobjoog.com
  20. Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa weli saluugsan gogsaha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka June 2025. Madashu waxay ku sheegtay in inkasta oo ay soo dhaweysay dadaalka Madaxweynaha, haddana aysan oggolaan karin in gogoshaasi noqoto mid aan loo dhamayn. Waxay Madashu ku baaqday in la helo madal siyaasadeed oo dhab ah, oo ay si siman uga qaybgalaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo horseedi karta xal waara oo lagu wajaho xaaladda cakiran ee dalka. Sidoo kale, Madashu waxay muujisay in kulammada uu Madaxweynaha qabanayo 15-ka iyo 22-ka June ay yihiin kuwa aan u muuqan mid daacad laga yahay. Madashu waxay mar kale ku adkeysatay in ay u taagan tahay danaha shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay wada-xaajood dhab ah oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo waxtar leh. Source: goobjoog.com
  21. Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay nin Soomaali ah lagu dilay Xaafadda Hillbrow ee magalada Johannesburg. Muwaadinka la dilay muwaadin ayaa lagu magacaabi jiray Kamaal Xasan oo loo yaqiinay Cabdi Taajir, kaasoo ka mid dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas uga dhex shaqeysta gawaarida dadweynaha qaada ee Uber. Marxuumka ayaa la tilmaamay in burcada hubeeysan ay ku dhax toogteen, isagoo ku jiray gaarigiisa xili uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada dilka geysatay. Ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano la xariira dilka, hayeshee wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ay samyeen. Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan si joogta ah loogu dilay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo ee ah dilka, dhaawaca, iyo boobka loo geysto hantidooda. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaadka ayaa soo saartay bayaan culus oo ay uga hadashay xaaladda dalka, gaar ahaan qorshaha muranka badan dhaliyay ee ay waddo Villa Somalia. Mucaaradka ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen waxa ay uga horyimaadeen kulamada uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee loo ballansan yahay, iyaga oo shuruud adag ku xigay ka qayb-galka gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki wayn ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka. “Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka. Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale farriin culus u dirtay Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka dabatay inuu qabto wada xaajood dhab ah oo lagu wajahayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Waxaa kale oo ay intaas kusii dartay in Madashu ay u taagan tahay sidii loo ilaalin ahaa midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, looguna gudbi laaha xaaladda taagan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay mar walba u taagan tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka mucaaradka. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan Villa Somalia ay waddo qaban qaabadii ugu dambeysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, iyada oo kulamo gaar gaar ah lasii bilaabay kuwaas oo uu Xasan Sheekh la qaatay ururadii is diiwaan-geliyay iyo bulshada rayidka ah. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.
  23. Xeerbeegtida Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa nin Pakistani ah ku kusoo oogtay Dacwad ah inuu hub uu kasoo raro Iraan uu u gudbin jiray Xuutiyiinta kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada badda Mareykanka ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya. Mohammed Bahlawan ayaa ka mid ahaa afar qof oo ay ciidamada Mareykanka ku qabteen howlgal ay bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii ku qaadeen markab marayay xeebaha Soomaaliya, kaasoo sababay dhimashada labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka. Waxaa la xukumi doonaa ninkaan 22-ka September wuxuuna wajihi doonaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah. Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Bahlawan wuxuu la shaqeeyay laba nin oo Iranian ah oo walaalo ah oo lala xidhiidhiyay ciidanka Ilaalada Kacaanka si ay hub uga soo tahriibiyaan Iran una gudbiyaan Xuutiyiinta, Waxa uuna ahaa kabtankii markabka oo ay u daateen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka. Xeerbeegti heer federaal ah ayaa Bahlawan ku eedeeysay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagixisada, caawinta barnaamijka hubka wax gumaada ee Iran, iyo inuu diyaariyay qorshaha qaadista walxaha qarxa, iyo eedo kale. Gantaalada ballistic-ga ah ee Iran iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa laga helay markabkii uu saarnaa dushiisa, kuwaas oo la mid ah hubkii ay Xuutiyiintu ku weerareen maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Maraykanka. Source
  24. Nin askari ah ayaa Axaddii xaafadda Faluuja ee magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay, isaga oo sidoo kale dhaawac culus u geystay gabadh kale oo ay dumaashi yihiin. Askariga dilka geystay, oo aan magaciisa warbaahinta lala wadaagin, ayaa rasaas ku furay qoyskiisa, isaga oo dilay xaaskiisii iyo inantiisii. “Subaxnimadii saaka abbaara 8:00 ayuu aabbo naga tagay, qorigana meel ayuu kasoo qaatay, Markaas ayuu hooyo oo kadinka fadhiday toogtay,” ayay mid kamid ah caruurta askarigu u sheegtay Bulsho TV. Aamina, oo ay dumaashi yihiin askariga, ayaa iyaduna u sheegtay Bulsho TV in askarigu uu guriga kusoo laabtay isaga oo qori sida, isla markaana aanu hadlayn markii la salaamay, kadibna uu dilka gaystay. “Markuu kadinka kasoo galay, walaalkay baa salaamay, wuuna u jawaabi waayay. Markuu ku yidhi, ‘Walaal maanta qori ayaad sidataa,’ ayuu isasoo kala celiyay oo si toos ah inanta ugu dhuftay. Wuu ku celceliyay oo wuu la dul tagay, anigana markiiba miyir iigu dambeysay,” ayay tidhi Aamina. Waxay intaa ku dartay in markii toogashadu dhacday ay dadka xaafaddu iskugu soo baxeen, muddo badanna lagu dadaalay in la qabto askariga, balse uu dadka ku waabinayay qoriga, taas oo keentay in lala rafaado. Labada qof ayaa isla goobta ku naf waayay, marka laga reebo gabadha dhaawaca ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Hargeysa. Eheladu waxay sheegeen in aanay garan karin sababta askariga ku dhalisay in uu qoyskiisa laayo, sidoo kalena aanay ku ogayn wax xanuun maskaxeed ah oo uu qabay. Weli booliiska iyo hay’adaha amnigu kamay hadal dhacdadan, lamana hubo in eedaysanaha la qabtay iyo in kale. Source