-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta, Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Af-hayeenka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, uu James Swan u magacaabay Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNTMIS. Guterres wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Mudane Swan uu aqbalay hoggaaminta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddadan xasaasiga ah. Md. Swan ayaa xilkan si kumeelgaar ah u hayay tan iyo bishii Maajo ee 2024. James Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo dheer kasoo shaqeeyay dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo la tacaalaya isbeddelo siyaasadeed oo adag. Wuxuu horey uga soo qabtay xilal sare Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taasoo ka dhigtay khabiir aad u fahamsan xaaladda dalka. Magacaabistiisa cusub ayaa la filayaa inay wax ka tari doonto dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) â Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay âmaamul gaar ah oo hawleedâ oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Dalabkan ayaa yimid inkasta oo Muqdisho aysan si toos ah gacanta ugu hayn goobahaas. Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysa Maarso 16, oo ay heshay warbaahinta Semafor, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay âhanti istaraatiiji ahâ oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay â dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland â kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran. Xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu warqaddiisa ku xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo bilowday xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan, markaas oo xukuumaddii militariga ee Soomaaliya ay ogolaatay in Maraykanku uu isticmaalo saddex garoon oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeystay sida uu uga goâan yahay xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo ku amaanay Maraykanka doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah. âMaamulkaaga hoostiisa, Maraykanku wuxuu xoojiyay doorkiisa hoggaamineed ee xagga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah. Waxaana aqoonsannahay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo horumariyo yoolalkaas Geeska Afrika iyo meelaha kale,â ayaa lagu yiri warqadda. âMaanta, iyadoo la eegayo isbeddelada caalamiga ah ee sii socda, waxaan u aragnaa fursad cusub oo lagu xoojin karo iskaashigan si loo daboolo danaha labada dal, isla markaana loo ilaaliyo amniga Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo guud ahaan gobolka,â ayuu Xasan Sheekh ku daray. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale muujiyay diyaar ahaanshaha Soomaaliya si loo bilaabo wadahadallo lagu horumarinayo qorshaha, wuxuuna Trump ka codsaday inuu usoo diro wafdi Maraykan ah oo yimaada Muqdisho âwakhti labada dhinac ku heshiin karaan.â Cabsida DF ee ah inay lumiso taageerada Maraykanka Warqadda ayaa timid iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay gacanta ku hayso gobollada muhiimka ah ee xeebaha, iyadoo laga cabsi qabo in Maraykanku uu dib uga laabto taageeradiisa dhismaha dowladnimada Soomaaliya. âYaa u ogolaatay inay bixiyaan maamulaan goobahaas?â ayuu yiri Cameron Hudson, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Barnaamijka Afrika ee Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah iyo Istaraatiijiga. âWaxay arrintan u adeegsanayaan xeelad ay Maraykanka kaga helaan aqoonsi rasmi ah oo la siiyo dowladda Soomaaliya, taasoo sharciyad u siinaysa inay maamusho gobollada gooni u goosadka ah.â Somaliland, oo ah gobol is-maamula oo Soomaaliya ka tirsan, ayaa muddo ka badan 30 sano doonaysay inay hesho aqoonsi caalami ah oo rasmi ah, waxayna fursad cusub ka aragtaa maamulka Trump. Sida markii ugu horreysay la shaaciyay bishii December, xubno ka tirsan xukuumadda cusub ee Maraykanka ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan aqoonsiga Somaliland. Tallaabadan ayaa Maraykanka u ogolaan karta inuu si rasmi ah u dhiso hawlgallo sirdoon oo joogto ah oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqa hubka ee gobolka xasilloonida darani ka jirto, iyadoo sidoo kale la eegi karo dhaqdhaqaaqa Shiinaha ee gobolka. Bishii Janaayo, guddi muhiim ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka oo ka shaqeeya xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ugu baaqay Waaxda Arrimaha Dibadda inay xafiis matalaad ah ka furato Somaliland. Dekedaha istaraatiijiga ah ee Berbera iyo Boosaaso Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah. Bishii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha ee Israel ee KAN in Somaliland ay diyaar u tahay inay qaabisho muwaadiniinta Gaza si ay u hesho aqoonsi caalami ah. Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Bosaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah. Kooxda Daacish ayaa saldhig adag ka samaysatay gobolka buuraleyda ah ee Puntland, taasoo noqotay bartilmaameed ay beegsadaan duqeymaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta. Bosaso waxay saldhig u noqotay howlgallada ciidamada difaaca Puntland ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah. Xiriirka Imaaraadka, DP World, iyo Somaliland Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Bosaso. Dowladda Imaaraadka oo taageero weyn siisay ololaha Somaliland ee aqoonsiga ayaa sidoo kale xiriir la leh Israel. DP World ayaa si weyn u maamusha dekedaha Berbera iyo Bosaso, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa Imaaraadka Carabta, taasoo sii kordhinaysa saamaynta ay Imaaraadku ku leeyihiin gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in ay Maraykanka ka hesho taageero sii socota, si looga hortago aqoonsiga gobollada gooni u goosadka ah. Iyada oo khilaafaad siyaasadeed ay ka taagan yihiin gudaha Soomaaliya, Muqdisho waxay u aragtaa in xoojinta xiriirka Maraykanka uu muhiim u yahay badbaadada midnimada qaranka. Sida uu sheegay Cameron Hudson, Dowladda Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay in Maraykanku uu xiriirka u jaro dowladda federaalka ah, islamarkaana uu soo afjaro mashruuca dib-u-dhiska dowladnimada ee socday muddo toban sano ah, si uu diiradda u saaro la dagaallanka argagixisada iyadoo la adeegsanayo saldhigyo muhiim ah oo istaraatiiji ah. Hudson ayaa sheegay in fikradda ay qabaan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ay tahay: âSoomaaliya ma aha dawlad shaqeysa, mana ahan mid dani noogu jirto inaan isku dayno inaan dhisno dawlad rasmi ah oo ka hanaqaada Soomaaliya. Waan fulin karnaa howlgallo lagula dagaallamayo argagixisada iyada oo aan la dhisin dowlad taabba-gal ah,â ayuu sharaxay. Sidaas darteed, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay cabsi ka qabtaa in Maraykanku uu isbedel istaraatiiji ah sameeyo, taasoo horseedi karta in la iska indho-tiro dadaalladii lagu dhisayay dowladnimada, lana xoogga saaro howlgallo milatari oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Taasina waxay sii adkeyn kartaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, xiisaha sii kordhaya ee Maraykanku u qabo Somaliland iyo Puntland waxa uu abuuri karaa khatar kale oo sii xumeyn karta xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.
-
CLICK HERE TO READ MORE ABOUT THIS ARTICLE Qaran News
-
Somaliaâs government has offered the US âexclusive operational controlâ over strategic ports on the Gulf of Aden in a bid to derail any recognition by Washington of breakaway regions in the troubled Horn of Africa nation. It made the offer despite not being in control of the sites. Source: Hiiraan Online
-
Hague (Caasimada Online) â Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa Jimcaha manta ah sheegtay inay dhageysan doonto dacwad ay Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo codsaneysa in la qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo xadgudubyada lagu eedeeyay Imaaraadka ee ah inay hub siiso xoogagga sida militariga u tababaran, taasoo jabineysa waajibaadka ku xusan Heshiiska Xasuuqa (Genocide Convention). Imaaraadka Carabta ayaan si deg-deg ah uga jawaabin eedeymahaas. Bishii hore, Imaaraadka wuxuu sheegay inuu doonayo in dacwadda Suudaan la tuuro, isagoo ku andacoonaya in cabashadaasi aysan lahayn âasal sharci ama xaqiiqo oo sugan.â Suudaan waxay ku eedeysay Imaaraadka inuu hub siiyo xoogagga Dacmu Sariic ama Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo laba sano dagaal kula jiray ciidamada Suudaan â eedeymo ay Imaaraadka si adag u beeniyeen, balse khubarro Qaramada Midoobay iyo sharci-dejiyeyaal Mareykan ah ay rumeysan yihiin inay yihiin kuwo la rumeysan karo. Eedeynta Suudaan ee Imaaraadka Dacwadda Suudaan ee loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague waxay la xiriirtaa weerarro salka ku haya qowmiyad gaar ah oo RSF iyo maleeshiyaad ay la safan yihiin ay u geysteen qowmiyadda aan-Carabta ahayn ee Masalit ee ka dhacay Galbeedka Darfur sanadkii 2023. Weerarradaas, oo si faahfaahsan ay u baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa loo aqoonsaday xasuuq. Weerarradaas ayaa bishii Janaayo ay Mareykanka si rasmi ah ugu sifeeyeen xasuuq. Suudaan waxay maxkamadda ka codsatay inay soo saarto amar degdeg ah oo ka hor istaagaya Imaaraadka inuu sii wado tallaabooyinka loo arko xasuuq ka socda Darfur. Maxkamaddu waxay sheegtay inay dhageysan doonto codsiga Suudaan 10-ka April. Maadaama dacwadaha ICJ ay qaataan sanado badan in la soo gabagabeeyo, dowladaha waxay codsan karaan tallaabooyin deg-deg ah si looga hortago in khilaafka sii fido inta goâaanka kama dambaysta ah laga gaarayo. Suudaan waxay gashay dagaal dhimasho badan sababay bishii April 2023, kaddib markii xiisado muddo dheer u dhexeeyay ciidamada milatariga iyo xoogagga sida militariga u tababarn ay qarxeen, gaar ahaan caasimadda Khartoum, taasoo dagaalka sii fidisay gobollada kale. Dagaalkaasi wuxuu dilay in ka badan 24,000 oo qof, halka in ka badan 14 milyan oo qof â oo u dhiganta 30% dadweynaha â ay guryahooda ka qaxeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Waxaa la qiyaasayaa in 3.2 milyan oo Suudaani ah ay u qaxeen wadamada deriska ah. Diyaarado hub u gudbiyay RSF Kooxda Conflict Observatory, oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka isla markaana la socota xaaladda dagaalka Suudaan, ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinaya diyaarado la rumeysan yahay inay hub u gudbinayeen RSF. Diyaaradahaas ayaa ka degayay garoonka diyaaradaha AĂ©roport International MarĂ©chal Idriss Deby ee magaalada Amdjarass ee Chad. Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa sheegay in duulimaadyadaasi ay la xiriireen taageerada isbitaallo maxalli ah. Bishii Janaayo, Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdan Daqlo Muuse, oo loo yaqaan Hemedti, iyo toddobo shirkadood oo ay RSF leedahay oo ka howlgalayay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo mid kamid ah lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga ganacsadaan dahabka laga dhoofiyo Suudaan. Cunaqabateyntaas ayaa timid iyadoo Mareykanku uu ku dhawaaqay in RSF ay geysteen xasuuq. Imaaraadka Carabta ayaa si isdaba joog ah loogu eedeeyay inuu hub siiyo RSF â eedeymo uu si adag u beeniyay, inkastoo ay jiraan caddeymo cagsigeeda ah. Imaaraadka ayaa sheegay inuu mar walba ku baaqayay xabbad-joojin degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaalka. âIsticmaalka Suudaan ee dacwadda ICJ ma beddelayo masâuuliyadda sharci iyo tan anshax ee ka saaran ciidamada qalabka sida iyo masiibada baniâaadannimo ee dalka ka jirta,â ayuu Imaaraadka yiri. Goâaannada ay gaarto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, oo sidoo kale loo yaqaan Maxkamadda Adduunka, waxay qaataan sanado badan in la gaaro goâaanka kama dambaysta ah, waxaana goâaannadaas sharciyan waajib ku ah dalalka ay khuseyso.
-
Muqdisho (Caasimada Online) â Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si xawli ah u wada hirgelinta mashaariic horumarineed oo ballaaran oo ku aaddan kaabeyaasha dhaqaalaha, si uu u xoojiyo taageerada siyaasadeed kahor doorashada madaxweynaha ee soo socota. Doorashadan oo la filayo in markii ugu horreysay taariikhda dalka ay noqoto mid qof iyo cod ah. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo wax ka yar laba sano ay ka harsan tahay doorashada la qorsheeyay, shaki ayaa ka taagan diyaar garowga farsamo iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, taasoo keentay tuhun ku saabsan suurtagalnimada dib u dhigista doorashada. Qaybo muhiim ah oo ka mid ah xoogagga siyaasadeed, oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbalandâkuwaas oo si cad u diiday aqoonsiga dowladda federaalka ah ee Muqdishoâayaa weli ka soo horjeeda dib-u-habaynta doorashada. Sidoo kale, xaaladda amni, gaar ahaan agagaarka Muqdisho, ayaa sii adkaynaysa diyaar garowga doorashada. Dib u dhigidda doorashada waxay siin kartaa Madaxweyne Xasan Sheekh waqti dheeraad ah oo uu ku horumarin karo mashaariicda muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha, taasoo u sahlaysa inuu helo faaâiido siyaasadeed marka loo eego musharraxiinta kale, sida madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Tan iyo markii uu bishii December ee la soo dhaafay daah-furay mashruuca ballaaran ee âMuqdisho Cusub,â oo qiimihiisu dhan yahay $650 milyan, madaxweynuhu wuxuu si firfircoon ula macaamilayay saamilayda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Villa Somalia si uu u xoojiyo taageerada loona qeexo faahfaahinta mashruuca. Mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha Mashaariicda ugu waaweyn waxaa ka mid ah dhismaha deked cusub oo laga qorsheynayo agagaarka Ceel-Macaan, oo qiyaastii 40 km waqooyi kaga beegan Muqdisho. Goobtan istiraatiijiga ah, oo lagu xiri doonto Muqdisho iyada oo loo marayo waddo weyn oo cusub, waxaa sidoo kale lagu dari doonaa aag dhaqaale oo gaar ah oo ka tirsan Aagga Horumarinta Muqdisho (Mogadishu Development Zone). Qiimeynta suurta-galnimada mashruucan waa la dhammeeyay, halka dhulkii lagu dhisi lahaa dekedda cusubna horey loo qoondeeyay. Wadahadallo la xiriira mustaqbalka dekedda Muqdisho ee hadda jirta ayaa socda, iyadoo Itoobiya ay muujisay rabitaankeeda ah inay dib u cusboonaysiiso oo ballaariso dekedda si ay u hesho marin ka wanaagsan kan Badda Cas. Raâiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa arrintan si gaar ah ugala hadlay madaxda Soomaalida intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay Muqdisho. Wadahadalladaas, oo ay qeyb ka yihiin masâuuliyiin Itoobiyaan ah iyo xukuumadda Raâiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa weli socda. Si kastaba ha ahaatee, isku xirnaanta dekedaha Soomaaliya iyo Itoobiya si ammaan ah oo wax ku ool ah ayaa weli ah caqabad, maadaama khataraha amni ee ka jira waddanka ay weli khatar badan yihiin. Waxaa xusid mudan in horumarka laga sameynayo Ceel-Macaan uusan saameyn doonin dhismaha dekedda qoto dheer ee Hobyo, oo qiyaastii 500 km u jirta Muqdisho, mashruucaas oo ay gacanta ku hayso shirkadda Turkiga ah ee Metag. Jabuuti, oo ah la-taliye rasmi ah oo Soomaaliya ka caawinaya arrimaha dekedaha, ayaa sidoo kale laga yaabaa inay saameyn ku yeelato qaab-dhismeedka maamul ee ugu dambeynta loo sameyn doono dekedda Hobyo. Dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaysa dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah oo qayb ka ah mashruuca âMuqdisho Cusub.â Garoonkan cusub ayaa wax ka qaban doona caqabadaha amni iyo kaabeyaasha hadda jira, wuxuuna Muqdisho ka dhigi doonaa meel ku habboon shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku dayanayo guushii ay Qatar Airways ka gaartay horumarinta garoonka diyaaradaha Kigali ee Rwanda, ayaa bilaabay wada-hadallo uu la yeelanayo dowladda Qatar si loo xoojiyo xiriirka labada dal loona helo maalgelin dheeraad ah. Soo noolaynta warshadaha suufka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale dadaal xoogan ku bixinayaa soo noolaynta warshadaha suufka ee Soomaaliya, kuwaas oo muujiyay rajo weyn sannadihii 1980-meeyadii, balse burburay kaddib dagaalkii sokeeye. Warshadihii hore ee farsamaynta suufka ee Muqdisho, oo weli dhismo ahaan u adkeysan kara, ayaa dib loo hawlgelin karaa iyadoo laga faaâiideysanayo khibradda Turkiga oo caan ku ah farsamada dharka. Si loo soo jiito maalgelinta caalamiga ah loona kordhiyo kalsoonida dhaqaale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilowday geeddi-socodka xubinimo ee Bangiga Afrika ee Dhoofinta iyo Soo-dejinta (Afreximbank), iyadoo si rasmi ah u dhammaystirtay habraacyadii xubinimada bishii Maarso 24. Soomaaliya oo hore u ahayd waddanka keliya ee Afrikaan ah oo aan xubin ka ahayn hayâaddan muhiimka ah, waxay xubinimadeeda ku soo beegantay xilli Afreximbank uu bilaabay iskaashi cusub oo dhan $5 bilyan oo uu la yeeshay Arise IIPâoo uu hoggaamiyo ganacsadaha Hindiya ah Gagan Guptaâkaasoo diiradda saaraya horumarinta warshadaha dharka ee Afrika. Mashruucan wuxuu rajo weyn u leeyahay dib-u-soo nooleynta warshadaha suufka ee Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, aasaaska dhowaan la sameeyay ee Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, oo la hagayo aqoonyahanno caalami ah, ayaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato dadaallada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.
-
Washington (Caasimada Online) â Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, kuwaas oo lala xiriirinayo sir dhawaan la faafiyay. Sirta la shaaciyay ayaa daaha ka rogtay wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay madax ka tirsan dowladda Maraykanka, kuwaas oo si gaar ah uga dooday weerarrada Yemen. Xubnahan ayaa la sheegay inay caro ka muujiyeen taageerada Mareykanku siiyo xulafadiisa Yurub, iyagoo ku dooday in weerarrada Mareykanka ee Yemen ay sababi karaan kor u kaca qiimaha shidaalka. Tan ayey sheegeen inay Mareykanka ka dhigayso mid difaacaya danta Yurub halkii uu ka ilaalin lahaa danihiisa gaarka ah. Ilhaan Cumar ayaa bartilmaameedsanaysa Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, Lataliyaha Amniga Qaranka Michael Waltz, iyo Agaasimaha CIA John Ratcliffe, sida ay sheegtay warbaahinta Axios. Waxay haatan wadaa dadaallo ay ku kasbaneyso taageerada xubnaha xisbigeeda ee Dimuqraadiga, si ay dacwaddan uga gudbiso Aqalka Koongareeska. Sirta banaanka usoo baxday Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa ka wada-hadlay qorshayaal ciidan oo aad u xasaasi ah, iyagoo adeegsanaya group chat lagu abuuray App aan loo astayn xogta sirta ah, kaasi oo si khaldan loogu soo daray suxufi, sida uu Isniintii xaqiijiyay Aqalka Cad. Brian Hughes, oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in fariimaha lagu shaaciyay warbixin gaar ah oo uu qoray Jeffrey Goldberg, tifaftiraha majalladda Atlantic, ay yihiin kuwo dhab ah. Waxa uu intaa ku daray in maamulka Trump uu baarayo sida lambarkan khaladka ah loogu soo daray group-ka. Lambarkaasi khaladka lagu soo daray ayaa ahaa midka Jeffrey Goldberg, kaas oo warbixintiisa si faah-faahsan uga hadlay kulan muhiim ah oo siyaasadeed, kaas oo dhacay ka hor hawlgal ciidan oo dhacay Maarso 15, kaas oo lala beegsaday maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen. Goldberg ayaa sheegay in wada-hadalka lagu soo daray isagoo adeegsanaya barta fariimaha qarsoodiga ah ee Signal, waxaana kusoo daray Michael Waltz, la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump. Ka qayb-galayaasha kale ee muuqday waxaa kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, xoghayaha difaaca Pete Hegseth, agaasimaha sirdoonka qaranka Tulsi Gabbard, agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo kaaliyayaal kale oo sare, sida lagu sheegay warbixinta Atlantic. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa ku sheegay wada-hadalka inuu aaminsan yahay in maamulka Trump uu samaynayo âqaladâ isagoo billaabaya hawlgal milateri oo Maraykanku ku tilmaamay mid furan oo ka dhan ah Xuutiyiinta. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in kaliya boqolkiiba 3 ganacsiga Maraykanka uu maro kanaalka Suweys, halkaas oo Xuutiyiintu ay ka beegsadeen maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta Badda Cas, isagoo sheegay inay jirto âkhatar dhab ah oo ah in dadweynaha Maraykanku aysan fahmin sababta hawlgalku muhiim u yahay.â Hegseth ayaa ugu jawaabay isagoo sheegay inuu fahmayo walaaca Vance, kuna taageerayo inuu arrinta Trump kala hadlo. Xoghayaha difaaca ayaa sidoo kale xusay inay adag tahay in shacabka loo sharxo hawlgalka, sababtoo ah âdadku ma yaqaaniin cidda ay yihiin Xuutiyiintu,â wuxuuna soo jeediyay in shacabka Maraykanka lagu qanciyo in â1) maamulka Biden uu ku fashilmay joojinta weerarrada iyo 2) in kooxda ay maalgaliso Iran.â Waxaa muuqday in tani ay ahayd tilmaan ku saabsan fashilkii maamulka Biden ee ka hortagga weerarrada Xuutiyiinta iyo taageerada muddada dheer ee Tehran siiso kooxdaas. Si ka duwan Vance, Hegseth ayaa soo jeediyay in tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo sheegay inay jirto halis ah in qorshaha Trump uu bannaanka usoo baxo ama Israel ay marka hore weerarto kooxda, taasoo ka dhigaysa inay lumaan fursad ay ku bilaabaan arrintan sida ay iyagu doonayaan, sida uu sheegay Goldberg. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Hughes, ayaa wada-hadalka ku tilmaamay inuu yahay âcaddayn muujinaysa heerka sare ee isku-duwidda siyaasadeed iyo wada-shaqaynta maamulka Trump uu ku fulinayay istiraatiijiyaddiisa amniga qaranka.â Si kastaba, shaacinta xogtan ayaa isla markiiba dhalisay suâaalo ku saabsan sida maamulka Trump uu uga hadlay arrimaha sirta ah iyo haddii tallaabo anshaxeed laga qaadi doono qofkii ku lug lahaa. Saraakiisha sare ee maamulka Trump ayaa maalmahan ka digayay inay baaritaan ku sameyn doonaan xog sir ah oo loo dusiyay saxaafadda, iyagoo tusaale usoo qaatay warbixinno dhowr ah oo arrintan ku saabsan. Qaarkood ayaa sidoo kale muddo dheer dhaleeceynayay sida Dimoqraadiyiintu u maareeyeen xogta sirta ah xaalado hore.
-
Beledweyne (Caasimada Online) â Agaasimaha Hayâadda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar, ayaa maanta degmada Moqokori kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, sugidda amniga, iyo dardar-gelinta howl-gallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada maamulka Hirshabeelle. Madaxda dowlad-goboleedka iyo hayâadda sirdoonka ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka sidii la iskaga kaashan lahaa sugidda nabadgelyada iyo xoojinta wadashaqeynta bulshada iyo dowladda. Yuusuf Dabageed ayaa shirka ka sheegay in Hirshabeelle ay ka goâan tahay xaqiijinta amniga iyo bilaabidda wejiga labaad ee howl-galka lagu xoreynayo deegaannada Shabeellaha Dhexe. Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu carrabka ku adkeeyay in qorshuhu yahay in si buuxda loo ciribtiro dhammaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka, si shacabka ay ugu noolaadaan nabad iyo horumar. Dhankiisa, Taliyaha NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa xusay in hayâadda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo sugidda amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu sheegay in howl-gallada xoreynta ay socdaan, ayna jiri doonaan tallaabooyin culus oo lagu dardar-gelinayo sidii gobolka si buuxda looga xoreyn lahaa kooxaha dhibaatada ku haya shacabka. Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda ballan qaaday inay garab taagan yihiin dadaallada dowladda, iyagoo qiray inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hayâadaha amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka deegaannada Hirshabeelle. Shirka Moqokori ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, isla markaana loogu gol leeyahay in gobolka Hiiraan iyo guud ahaan deegaanada ay uga sugan tahay kooxda Al-Shabaab laga sifeeyo.
-
HARGEISA, Somaliland â Somaliland has warmly welcomed Kenyaâs recognition of Kosovo, viewing the move as a significant encouragement for its own long-standing quest for international sovereignty, officials said Friday. The self-declared republic, a former British protectorate that unilaterally declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central government in Mogadishu, has yet to achieve widespread international recognition and is still considered by the global community as an autonomous region of Somalia. In a statement, the Somaliland government said Kenyaâs decision was a positive step, mainly from an African nation. Kosovo, a former Serbian province, declared its independence in 2008, a move that Serbia and some other countries still do not recognize. Somalilandâs Foreign Minister and International Cooperation, Abdirahman Dahir Adan, told state media that Nairobiâs decision bolsters Hargeisaâs pursuit of international legitimacy, especially within the African continent. âWe commend the Republic of Kenya for their courageous step in recognizing the Republic of Kosovo. This decision strengthens our ongoing efforts to gain international recognition, particularly within Africa,â Aadan said. Plea to the African Union and Kenya He further asserted Somalilandâs stability and democratic credentials, arguing its potential contribution to regional peace and development. âSomaliland is an independent and sovereign state that can significantly contribute to peace and development in the region,â the minister stated. Adan also directly appealed to Kenya to formally recognize Somaliland, emphasizing the robust bilateral ties and the presence of an estimated 10,000 Kenyans within its borders. âWe call upon Kenya and other nations in the Horn of Africa to acknowledge Somalilandâs right to recognition, as it is a democratic, peaceful country with a functioning government based on the will of its people,â he added. Somaliland has been lobbying for recognition as an independent state for more than three decades. Despite holding regular democratic elections and maintaining relative stability in a region plagued by conflict, its efforts have been largely unsuccessful. The international community generally adheres to the principle of Somaliaâs territorial integrity. Kenyaâs recognition of Kosovo On Thursday, Kenya officially recognized Kosovo, joining over 120 other countries that have already done so. Kosovoâs independence declaration followed years of conflict and the disintegration of Yugoslavia in the 1990s. The population of Kosovo is approximately 1.6 million, with a majority of Muslims (around 94%). Analysts suggest Kenyaâs recognition could strengthen Kosovoâs bid for full membership in the United Nations. While acknowledging the difference in the level of recognition already achieved by Kosovo, Somaliland sees Kenyaâs move as a potential catalyst. With strong relations established between Hargeisa and Nairobi, there is hope that this decision could encourage other African nations to reconsider their stance on Somalilandâs sovereignty. The African Union has historically been reluctant to recognize breakaway states, fearing it could fuel further secessionist movements across the continent. However, Somalilandâs leaders argue that their case is unique, citing the regionâs distinct colonial history as a former British protectorate, which sets it apart from the rest of Somalia under Italian rule. In a 2001 referendum, over 97% of Somalilanders voted in favor of independence, reinforcing the regionâs determination to chart its own course.
-
Moqokori (HOL) â The Director of the Somali National Intelligence and Security Agency (NISA), Abdullahi Mohamed Ali Sambaloolshe, and Hirshabelle Vice President Yusuf Ahmed Hagar Dabageed held a high-level security meeting with traditional elders in Moqokori district of Hiiraan region on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Siyaasi Axmed Shire Yaasiin oo ka tirsan masâuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye, oo ay maalmo ka hor xirtay xukuumadda Siciid Deni ayaa habeenkii saddexaad u hoyanaya xabsiga magaalada Garoowe. Xukuumadda madaxweyne Deni oo bilowday beegsiga siyaasiyiinta ka raâyi duwan ee ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ayaa Arbacadii garoonka diyaaradaha Garoowe ka xirtay siyaasi Axmed Shire Yaasiin, oo aysan laamaha amniga Puntland ilaa iyo hadda sheegin eedda loo haysto. Xisbiga Mideeye oo bayaan ka soo saaray beegsiga xukuumadda Deni ku samaysay masâuulkan ka tirsan xisbigooda ayaa si adag u cambaareeyay xarigga Axmed Shire, oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan oo ka dhan ah siyaasiyiinta iyo xisbiyada ka raâyi duwan madaxweyne Deni, si loo aamusiyo codkooda. Xisbiga Mideeye wuxu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud laâaana loo sii daayo siyaasi Axmed Shire, maadaama lagu haysto in uu ka tirsan yahay xisbi ka raâyi duwan dowladda, balse aysan jirin eed uu galay oo ay sheegeen laamaha amniga Puntland. PUNTLAND POST The post Siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Mideeye oo habeenkii saddexaad ku hoyana xabsiga Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) â Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta gobolka Banaadir, ayaa baadi-goobaya Ex-Abaanduule Cabdirasaaq Cali Macallin, oo baxsad ka ah cadaaladda. Ninkan oo hore uga tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa, sida uu sheegay talisku, loo haystaa dambiyo kala duwan, oo ay ka mid tahay inuu ku kacay âkhiyaano qaranâ, islamarkaana uu haatan baxsad yahay. âTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in uu baxsad yahay Ex-Abaanduule Cabdirasaaq Cali Macallin, oo hore uga tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, aana loo tixgelin xubin ka tirsan Ciidanka Booliska ama hayâadaha kale ee amniga,â ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska. Boolisku wuxuu bulshada ka codsaday in qof kasta oo arka ama hela xog ku saabsan eedeysanahan uu si degdeg ah ula wadaago saldhigga booliska ee ku dhow ama laamaha amniga. âEedeysanahan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan, kuna kacay qiyaano qaran, waxaan ka codsanaynaa cid kasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta soo qabashadiisa in ay la wadaagto saldhigga booliska ee kuugu dhow ama ay wargeliso laamaha amniga,â ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale, Boolisku wuxuu caddeeyay in qofkii gacan ka geysta soo qabashada eedeysanaha uu heli doono abaalmarin qiimo leh. Talisku ma shaacin nooca khiyaano qaran ee uu ku kacay abaanduulahan hore, balse wuxuu xaqiijiyay in baadi-goobkiisa lagu jiro si cadaaladda loo horkeeno.
-
Mogadishu (HOL) â Unidentified gunmen shot and killed Abdullahi Sheikh Ahmed, the head of the Wadajir district's Halane branch, on Thursday night in Mogadishu, Somali officials confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray si adag u cambaareeyay dilka laba dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed loogu geystay magaalada Garoowe. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee Puntland ayaa lagu sheegay in Xafiisku isha ku hayay dilka laba dhalinyaro oo xoogsato ah todobaad gudihiis loogu geystay magaalada Garoowe kuwaasi oo kala ah Cabdimaalik Aadan Xuseen iyo Mustafe Maxamed Nuur. âWaxaan u soo jeedinaynaa hayâadaha ammaanka, kuwa caddaalada iyo qoysaska eedaysanayaasha in si dhaqso leh loo xaqiijiyo caddaalad helidda dhibanayaasha. Waxaan si gaar ah ugu boorinnaynaa hayâadaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaha gaystay dilka marxuum Cabdimaalik Aadan Xuseen oo illaa iyo hadda aan la soo qaban, si sharciga loo horgeeyoâ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Dhinaca kale, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa ka digay in qof si sharci-darro ah lagu xiro, loona ciqaabo dambi uusan lahayn, waxaana uu sheegay in Xafiisku si gaar ah isha ugu hayn doono caddaalad helidda dhibanayaasha. PUNTLAND POST The post Xuquuq Insaanka Puntland oo war ka soo saaray laba dhalinyaro ah oo todobaad gudihiis lagu dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Representatives from the African Union Commission (AUC), Somalia and troop-contributing countries have concluded a four-day meeting to finalise plans for capacity building in the peace mission in Somalia, the AU mission said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa Midowga Afrika kala wareegtay gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo agab ciidan, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta dagaalka ka dhankaah kooxdaAl-Shabaab, sugidda amniga iyo xasilloonida Gobolka oo door muuqda ay ku leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa gaadiidkaan iyo agabkaan magaalada Douala ee Dalka Cameroon uga guddoomay koox ka socotay saldhig qaaradeedka saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB). Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika oo la garab taagan taageero joogto ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taabagasha guud ahaan Qaaradda Afrika. Source: goobjoog.com
-
KSrelief has enabled people to donate their 2025 Zakat Al-Fitr through the âSahemâ platform, ensuring timely and easy delivery to beneficiaries in Yemen and Somalia. (SPA/File) Source: Hiiraan Online