Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ku qabsoomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada. Guddiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqaale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Al-shabaab iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, isaga oo faray mas’ulliyinta ku mideysan guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Khawaarijta iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda. Source: goobjoog.com
  2. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii sheegay in suurta-galnimada iska hor imaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo NATO ay tahay “mid laga walaaco”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Hadallada Erdogan ayaa yimid iyadoo hogaamiyayaasha NATO ay isku urursadeen Washington, islamarkaana afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Ruushka uu qorsheynayo “tallaabooyin jawaab celin ah,” si loo xakameeyo “khatarta aadka u daran” ee isbahaysigan. “Suurta-galnimada in isku dhac toos ah uu dhexmaro NATO iyo Ruushka shaki la’aan waa mid walaac ah,” ayuu yiri Erdogan oo Washington u jooga shir madaxeedka NATO. “Tallaabooyin kasta oo keeni kara natiijadan waa in si miyir leh looga fogaado.” Erdogan ayaa hadlay maalin ka dib markii xulafada NATO ay ku dhawaaqeen inay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine iyagoo sare u qaadaya ballanqaadyada loo sameynayo Kyiv ee ku saabsan ka mid noqoshada isbahaysiga. Ka hor shir-madaxeedka, Ruushku ayaa gantaallo badan ku garaacay Ukraine, halkaas oo ay ku dhinteen daraasiin qof, oo ay ku jirto Kyiv halkaas oo isbitaalka carruurta uu si weyn u burburay. Peskov, ayaa hadallo ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Ruushka, sidoo kale sheegay in isbahaysiga milatari ee reer galbeedka, oo shir ku leh Washington toddobaadkan, ay hadda “si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka Ukraine”. Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayay inuu isku dheelitiro xiriirka kala dhexeeya labada dal ee ay deriska ka yihiin Badda Madow ee Ruushka iyo Ukraine tan iyo markii Moscow ay si buuxda ugu duushay Kyiv. Ankara ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ukraine, iyadoo dhinaca kale ka fogaanaysa cunaqabataynta ay reer galbeedku ku hayaan Moscow. VOA The post Madaxweynaha Turkiga oo soo saaray digniin dagaal oo culus appeared first on Caasimada Online.
  3. Jabuuti (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa dowladda Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaa mareysa meel xasaasi ah. Labada dhinac ayaa isla socon tan iyo markii ay Somaliland aqbashay qorshe ay isla wadeen Imaaraadka iyo Itoobiya oo ka dhan ahaa Jabuuti, kaasi oo la rabo in lagu curyaamiyo dekeddaha waddanka Jabuuti. Wixii ka dambeeyay 1-dii Janaayo ee sanadkaan markii Muuse Biixi magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiiska badda oo aragtidiisa la sheego inay Imaaraadka leeyihiin, balse nacfigiisa ay waddaagayaan Itoobiya iyo Imaaraadka, laguna jabinayo Jabuuti, xiriirka u dhaxeeya Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicneyn. Dhawaan waxaa waddanka Jabuuti tegay xubno sheegta ama u ololeeya in gobolka Awdal uu ka go’o Somaliland. Dadka gobolkaasi dega qeyb kamid ah ayaa reer ahaan kasoo jeeda waddanka Jabuuti. Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga carooday tallaabada ay xubnaha mucaaradka ah ee Somaliland ku tageen waddanka Jabuuti, kuna heleen soo dhaweyn. Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilligaasi farriin hanjabaad ah u diray dowladda Jabuuti, halka ay Jabuuti beenisay inay marti-gelisay xubno mucaarad ku ah Somaliland. Wax walba ayaase hadda faraha ka baxay. Jabuuti oo malaha ka jawaabeysa hanjabaaddii Muuse Biixi ayaa casuumad u dirtay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye, kaas oo siyaasad ahaan ku dhashay dagaalkii Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay Firdhiye, waana farriin culus oo loo diray Somaliland. Hadda Muuse Biixi oo siyaasad ahaan kal hore gacmaha u dhiibtay dowladda Itoobiya ayaa xaalka ku adag yahay. Waxaa la eegayaa waxa ay noqoto fal-celintiisu. Jabuuti waxaa haysta oo ka taliya Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo xukunka ku fadhiya tan iyo 1999-kii, wuxuu dalka ka suuliyay mucaaradkii, waxaana lagu eedeeya Geelle inuu dowladnimaddii Jabuuti u beddelay mid qoys. Dadka diidan xukunkiisa 25 sano jirka ah waxay sheegayaan inuu mucaaradka Jabuuti wax goyn lahaa haddii ay heli lahaayeen meel kale oo saldhig ka dhigtaan. Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa hadda isweydiinaya Muuse Biixi fursad iyo saldhig ma siin doona mucaaradka dibad-wareega ah ee Jabuuti oo ma ka jawaabi doona gogosha loo fidiyay Firdhiye iyo mucaaradka kasoo jeeda Awdal. Marka la isbar-bar dhigo xagga faa’iidada, Somaliland ayaa hadda faa’iido badan ku qabta Jabuuti haddii ay tahay marin, baasabooro iyo maqaamka cilaaqaadka. Laakiin marka laga hadlo qof walba iyo waxa laga haleyn karo, waxaa la aaminsan yahay in Somaliland laftigeedu ay Ismaaciil Cumar Geelle wax badan ka haleyn karto, maadaama Somaliland ay xad la leedahay Jabuuti. Waxay u muuqata in xaalad cusub la galay. Itoobiya arrintaan waa ugu badisaa, waxayna heli doontaa in Somaliland ay 100% siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaanba usoo dhacdo dhinacooda. The post Geelle oo ficil uga jawaabay hanjabaaddii Biixi – Maxaa hadda u furan Somaliland? appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kala diray golahiisa wasiirada, marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua iyo Musalia Mudavadi oo ahaa madaxii wasiirada. Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024-ka. Waxaa uu ku eedeyay howlqabad la’aan, kaddib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya. Waxaa kalo uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyaha Guud. “Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri Ruto. khasaare xooggan ayaa ka dhashay banaanbaxyo maalmo ka socday dalka Kenya kuwaasoo looga horjeeday sharciga Maaliyadda. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo jeedin yaab leh sameeyay. Cabdisaciid ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali. La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed. “Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC. Arrinta la-yaabka leh ayaa ah in ninka sidaan u hadlaya uu mas’uul sare ka ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo ayadu lagu eedeeyo in aysan wax dagaal ah la gelin Al-Shabaab intii ay tallada haysay, middaasi oo siisay fursad ay ku naaxdo kooxda. Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan. The post La-taliyihii Farmaajo oo jeediyay in Al-Shabab loo baneeyo xilka si ay iskaga dhiciso Abiy appeared first on Caasimada Online.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goordhoweyd kala diray golihiisa wasiirada, marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda. Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya. Ruto ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka iyo weliba qiimeeyntii golaha wasiiraddiisa. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin. Kenya ayaa la daala dhaceysa natiijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qar-qiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday. Dibad-baxyada Kenya oo dhallinyarada ay hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo. Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay dibad-baxyada oo rabshado watay oo dhismaha baarlamanka Kenya muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay. The post Madaxweyne RUTO oo kala diray golaha wasiirrada Kenya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. 450491082_1745511406277116_8007135924804183950_n (1) Qaran News
  8. Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Musalia Mudavadi , sababo la xiriira inuu ku eedeyay wax qabad la’aan. Go’aanka ayaa soo baxay kadib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya waxaana sidoo kale uu madaxweyne Ruto uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyihiu guud. Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka, iyo qiimeeyntii golaha wasiirada. “Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.” ayuu yiri Ruto. PUNTLAND POST The post Madaxweyne William Ruto oo waxqabad la’aan darteed u kala diray golihii wasiirada dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeisa (HOL) - Somaliland government sent the largest number of army recruits to Ethiopia on Thursday for training to strengthen its armed forces. Source: Hiiraan Online
  10. Kenyan President William Ruto on Thursday dismissed all of his Cabinet ministers and promised to form a new government that will be lean and efficient following weeks of protests over high taxes and poor governance. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan xarunta baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa waxa uu banaanka keenay in nadaafad darro iyo dayac wayn uu ka jiro musqulaha ay isticmaalaan xildhibaannada, ee ku yaalla xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jirto lacag bil walba laga jaro xildhibaannada, taas oo gaareyso kumaanaan doollar, haddana aan waxba lagu qaban. Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in arrintan lagula xisaabtamo guddoonka sare ee golaha, isaga oo ku dooday in lacagtan ay wax badan u tari lahayd ciidamada Soomaaliyeed. “Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii . Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay”. Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xittaa aanay shaqeyneynin tubooyinka ku jira musqulaha xarunta baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid nadiifsa ama ka shaqeysa suuliyada ay isticmaalayaan xildhibaannada iyo shaqaalaha baarlamaanka. Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa guddoonla sare ku eedeeyay dayac badan, wuxuuna farriin u diray xafiiska hantidhowrka guud oo uu ka dalbaday inuu arrrintan soo farogeliyo, si loo ogaado halka ay ku baxaan lacagaasi. “Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo. Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!,” ayuu mar kale yiri Macallimuu. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan uu furmay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku bilowday dood xoogan iyo xildhibaanno ku dhawaaqay mucaarad cusub iyo inay la xisaabtamayaan guddoonka iyo xukuumadda. The post Macallimuu oo soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
  12. Xisbiga ugu balaadhan asxaabta Somaliland Somaliland iyo ururka ugu awooda badan ururada siyaasadda ee Somaliland ayaa gaadhay heshiis hordhac ah iyada oo gudi loo saaray arimahaasi. Qaran News
  13. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi wada-shaqeyn iyo mataaneyn ah warbaahinnada qaranka ee labada dal. Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo boostada ee Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan iskaashi. Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada wasiir, iyadoo ugu horeyn wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo warbaahinta qaranka labada dowladood. Warbaahinta labada dowladood ayaa hadda kadib si rasmi ah iskaashi wada shaqeyneed u yeelan doona, ayada oo wasiirka warfaafinta Jabuuti uu soo dhaweeyay tallaabadan, isaggoo sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wada-shaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo wasiirka warfaafinta Soomaaliya uga mahad-celiyey wada shaqeyntiisa. Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti warbaahinnada qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti u saxiixay agaasimaha guud ee raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Rashiid. Dhinaca kale, wqsiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta raadiyaha iyo telefishinka Jabuuti ee RTD, halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan. The post Somalia iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
  14. Hargeisa (PP News Desk) — The Somaliland Administration TV posted in its Facebook page photos of new recruits being sent to Ethiopia for military training despite a defence pact signed between Ethiopia and Somalia in December 2023 in place. Ethiopia appears to be pursuing destabilising action after Somalia designated secession as a national security threat. In January 2024, Ethiopia and Somaliland Administration signed an illegal maritime Memorandum of Understanding in violation of Somalia’s sovereignty. Somaliland Administration TV Facebook page breaking the news recruits to be trained in Ethiopia. Political analysts in Hargeisa warn that Somaliland plans to deploy trained militias to Lughaya and Bullahaar, suggesting Ethiopia could build a port under the guise of a naval base, violating international law. “This could lead to Somaliland being blacklisted under Chapter 7 of the UN Charter, meant to address global security threats from terrorist groups in Somalia” said an analyst in Hargeisa. Somaliland’s President Muse Bihi recently threatened retaliation against Djibouti, accusing it of supporting opposition politicians from Awdal. The region is on the brink of further conflict as international eyes remain focused on Ukraine. © Puntland Post, 2024 The post Ethiopia to train soldiers for Somaliland administration appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta lagu ansixiyey sharciyo muhiim ah. Golaha wasiirada ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka sharciga canshuuraha dakhliga iyo xeer-nidaamiyaha maareynta maaliyadda guud, siyaasadda deymaha iyo hanaanka amaahashada iyo soo saarista damaanadaha. Golaha ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha shaqaalaha dalka ka dhageystay wasaaradda howlaha guud oo soo bandhigtay waddooyin laga dhisayo Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay waddooyin qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina wuxuu warbixin ka dhageystay wasaaradaha amniga gudaha iyo difaaca howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Waxa uuna goluhu bogaadiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, oo ay kamid yihiin Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo saaka laga qabsaday kooxda. Wejiga labaad ee dagaalka oo dhawaan bilaaban doona ayaa la filayaa in looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Golaha wasiirada oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Beledweyne (HOL) — he Somali government and local forces have recaptured key territories in the Hiiraan region from the Al-Shabaab militant group, officials said. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) — The Council of Ministers of Somalia, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre, has approved new legislative drafts aimed at economic reform and fiscal transparency. The drafts include the Income Tax Law, the General Financial Management Regulatory Framework, the Debt Policy, and the Borrowing and Guarantee Issuance System. Source: Hiiraan Online
  18. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga appeared first on Puntland Post.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya ayaa mar kale maanta labada dhinac waxa ay qaadeen tallaabo kale oo xasaasi ah, kuna soo aaday, ayada oo kasii dareyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda. Somaliland ayaa maanta ciidamadii ugu badnaa u dirtay dalka Itoobiya, si loogu soo tababaro, waxaana maanta ciidamadaas ay ka baxeen magaalada Hargeysa, ayaga oo kusii jeedo magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Taliyaha guud ee ciidamada milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sagootiyay ciidamadan oo Itoobiya ay Somaliland u soo tababarayso, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaasi. Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ciidamada kula hadlay magaalada xuduuuda ku taalla ee Wajaale, halkaas oo basas looga qaaday, wuxuuna u mahadceliyay dowladda Itoobiya. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tani ay sii xoojineyso iskaashiga labada dhinac oo uu sheegay inay wadaagaan dano badan oo isku xiran, maadaama ay daris yihiin, ayna ka wada faa’iideysanayaan fursadaha dhexdooda ah. Waa tallaabo kale oo ay qaadeen Addis Ababa iyo Hargeysa oo maalmihii lasoo dhaafay aad isugu soo dhawaanayay, kadib markii ay wad galeen heshiiskii isgarad ee badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya. Arrinta heshiiska ayaa weli halkeedii ah, waxaana labada dhinac ay ku adkeysanayaan dhaqangelintiisa, halka dowladda Soomaaliya ay weli ka biyo diidan tahay heshiiskaas, waxaana dhowaan fashilmay wada-hadallo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay dalka Turkiga. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase xaalka sii xumeynaya tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay sii qaadayaan Somaliland iyo Itoobiya. The post Itoobiya iyo Somaliland oo tallaabo kale qaaday + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) — The International Chamber of Commerce's (ICC) International Maritime Bureau (IMB) has called for sustained vigilance to protect seafarers amid increasing violence, despite an overall drop in the number of piracy and armed robbery incidents reported in IMB's mid-year report for 2024, released on Thursday, July 11. Source: Hiiraan Online
  21. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda saxiixa Iskaashiga, wadashaqeynta iyo mataaneynta Warbaahinnada Qaranka ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan . Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa. Iskaashigan shaqo ee ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti Warbaahinnada Qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid. Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan. Source: goobjoog.com
  22. Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha. Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha. Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah laga saaray Al-shabaab Source: goobjoog.com
  23. Jalalaqsi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaloya oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka Soomaaliya. Ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay aagga degmada Jalalaqsi ayaa gudaha u galay deegaanada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) oo ka mid ah mas’uuliyiinta howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay haatan ku sugan yihiin labadaas deegaan, isla markaana ay ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah. Nuur dheere oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, uuna ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo dhulkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka inay garab istaagaan ciidamada, isla markaana ay ka qayb qaataan xoreynta gobolka Hiiraan. Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana fariisimo cusub ka sameystay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee gaaray halkaasi. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waana halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kaas oo weli ka socda gobollo badan oo kamid ah dalka. The post Ciidanka DF oo la wareegay laba deegaan oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  24. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ,Hiddaha, iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. Xubnahan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa wasiirka la wadaagay tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, ayaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta iyo baahinta waxbarashada dalka. Kulanka Wasiirka iyo Midowga Digsiyada Gobolka Banaadir waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar, waxayna uga mahadceliyeen Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir kaalinta mugga leh ee ay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Dalka. Source: goobjoog.com