-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta howlgallo culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ayaa ka hortegay weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa howlgalladan waxay ay si gaar ah ugu fuliyeen inta u dhexeysa degaanada Mesagawaa iyo Baraak Sheikh Caamir, halkaas oo ay miinooyin ku aaseen Al-Shabaab. Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in waddadaas ay kasoo saaree miinooyin ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyay miinooyinka ay kasoo saareen waddada xiriirisa labadaas magaallo oo ay haatan ka howlgalaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka. Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in dhulkaasi ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro kusoo qaada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay sii wadaan howlgalladooda, si ay uga hortegaan duulaan mar kale uga yimaada Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo ah u dhiga kolonyada ciidamada dowladda ee isaga kala kooshaya deegaanadaas, waxaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan. The post Sawirro: Ciidanka DF oo ka hortegay weeraro qaraxyo ah appeared first on Caasimada Online.
-
In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn culus oo ay ciidamada Isra’il shalay ku bartilmaameedsadeen teendhooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku yaalla degaanka Al-Mawasi ee koofurta Gaza. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in goobta la weeraray ay aheyd meelahi ay horay Isra’il ugu asteysay in ay ammaan yihiin oo ay u ku nabad gali karaan dadka laga soo daad gureeyay deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koofurta Marinka Gaza. Millatariga Isra’il ayaa weerarka ku sheegay mid ay ku beegsadeen taliyaha milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo abaanduulaha labaad ee Xamaas Rafa Salama. Hase yeeshee goor danbe oo shalay ah ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu sheegay in aysan wali hubin in weerarka ay ku dileen Maxammed Deyf iyo Rafa Salama. Xamaas ayaa diiday sheegashada Isra’il ee ah in goobta la duqeeyay uu joogay Deyf, iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay sheeko been abuur ah oo la rabo in kaliya lagu qariyo baaxadda xasuuqii foosha xumaa, sida ay hadalka u dhigeen. Weerar kale oo cirka ah oo ay Isra’il Sabtidi ka fulisay xero qaxooti oo ku taalla galbeedka Gaza, ayaa waxay ku dishay ugu yaraan 20 qof, kaddib marki madaafiic lagu garaacay hool lagu dukanayay galbeedka maagaalada Gaza. PUNTLAND POST The post In ka badan 90 Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqayn Israa’iil ka fulisay Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, kaasi oo soo jeediyay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab haddii aan la iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ka jawaabay soo jeedinta Cabdisaciid Muuse Cali, isaggoo nasiib darro ku tilmaamay in hadal noocaan uu kasoo yeero masuul hore. “Waxaan la socdaa hadal uu dhawaan wasiir hore Cabdisaciid ku sheegay waraysi uu siiyey BBC Somali,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Waxa uu intaas kusii daray “Anigoo ixtiraamaya xoriyatul qawlka, hadallada soo jeedinaya tanaasulka qaranimada Soomaaliya ama caadi ka dhigista fikradda ah in Al-Shabaab la aamini karo waa dhibaato qoto dheer oo aan la aqbali karin.” Cabdisaciid oo sidoo kale soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee Abiy Axmed ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay. “Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali. La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed. “Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC. Sidoo kale wuxuu wareysiga ku yiri “Aniga marnaba ma dhiiro gelinaya Al-Shabaab ee waxaan dhiirro-gelinayaa in xukuumadda hadda joogta aysan iska celin karin mayal adagnimada ka socota Addis Ababa, nika hadda ra’iisul wasaaraha ka ah waxa uu ka tirsan yahay koox diineed oo xagjir ah marka waa xagjir.” Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan. The post DF oo ka jawaabtay soo jeedinta La-taliyihii Farmaajo ee Al-Shabaab la xiriirtay appeared first on Caasimada Online.
-
Butler (Caasimada Online) – Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.” Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”. “Waxaan isla markiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaqa xabbado, isla markiiba waxaan dareemay xabbaddu jartay maqaarka,” Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin. “Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena.” Dhinaca kale, ilaalada Secret Service ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trumo ka hadlayey.” Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trumo uu ku dhintay, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada. Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa. Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Trump ayaa la arkayey isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig. Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen. Dadweynaha ayaa farxad la qeyliyey markii uu dhulka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya. Waxaa kadib goobta loogala cararay baabuur. Booliska ayaa kadib billaabay in ay goobta ka daad-gureeyaan dadka kadib markii Trump uu ka tegay. VOA The post Wararkii ugu dambeeyey Trump oo lagu dhaawacay toogasho kadib isku day dil appeared first on Caasimada Online.
-
Butler (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib rasaas la furay. Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa rasaasta, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta. Waxaa sidoo kale la arkayey Trump oo ka dhiig-baxaya dhegta ama qeybta midi gee wejiga, islamarkaana uu gacanta ku hayo daanka. Wax yar kadib markii ciidamada ay dhulka dhigeen oo ay isku dabooleen, Trump ayaa so istaagay ayada oo dhiiga uu soo gaaray wejigiisa, waxaana kadib lagula cararay baabuurta. Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah. Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan. Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Trump “uu badqabo” ka dib “shil ka dhacay” isu soo bax uu ku qabtay Pennsylvania. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer. Xeer-ilaaliyaha Butler, Richard Goldinmger ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in la dilay nin dabley ahaa, sidoo kalena uu dhintay mid ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey isu soo baxa. Ololaha Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “badqabo” madaxweynihii hore. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” The post Faah-faahin: Trump oo ka bad-baaday isku day dil appeared first on Caasimada Online.
-
Muuse,Saylaci, Samatar Darawal maalmihii la soo dhiiri galinaayay Darawal iyo Samatar in ay ururo furtaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in caawa lasoo xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan). Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isna la xiray Catoosh Yare oo caan ka ah baraha bulshada, inkastoo booliska Soomaaliya aysan shaacin xarigiisa. Booliska Soomaaliya ayaa horay u xiray dhalinyaro badan oo ku eedeysan inay baraha bulshada ku soo gudbinayeen muuqaalo anshax darro ah, kuwaas oo maxkamadeyntoodu socoto. Muqdisho waxay boolisku ku beegsanayaan dadka baraha bulshada ku faafiya anshax xumada, aflagaadada iyo kicinta colaadaha, waana tallaabo aad loo mahadiyey oo qeyb ka qaadaneysa xasiloonida bulshada iyo yareynta fasahaadka. Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa isku garab wada sugidda amniga iyo la dagaalanka anshax xumada, waxaana qofkii lagu arko loo taxaabayaa xabsiga. Qiyaastii 40 dhalinyaro ah ayaa muddo ku dhow 3 bilood xabsiga ku jira, kuwaas oo toddobaadkii hore lasoo taagay maxkamadda gobolka Banaadir, dhamaatood dadkaasi waxay caan ka ahaayeen oo dembiyada loo heysto ay ku galeen aalada TikTok. Markii laga reebo in lasoo xiray inta badan dadkii caanka ku ahaa faafinta anshax xumada, hadda waxaa joogsatay oo lagu guuleystay in meesha laga saaro dhaqankii dhalinyarada qaar oo soo bandhigi jiray muuqaalo anshax darro ah. The post Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabar kale oo caan ah – Maxaa loo heystaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo ka daahfuray madasha hoggaaminta wax ku-oolka ah ee bahda cadaaladda Dalka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la kobciyo tayada hay’adaha cadaalada, maadaama ay yihiin saldhigga ugu muhiimsan ee dowladnimada, loona baahan yahay in heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS ay si siman u noqdaan kuwo leh awoodahooda gaarka ah, gaari karana go’aano wax ku ool ah oo ku dhisan sharciga dalka. Madaxweynaha ayaa xusay in dacwadaha ka jira dadka dhexdiisa ay go’aan ka gaari karaan hay’ado garsoor oo madax-banaan, isla markana aan qabin baahiyo saamayn kara go’aamada ay gaarayaan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka xukunka iyo cadaalada u baahan ay marar qaar isku dayaan in la dadajiyo kiisaskooda, taas oo sababi karta in musuq ay ku dhacaan hay’adaha cadaalada, si gaar ahna maxkamadaha, si taas looga fogaadana loo baahan yahay in maxkamadaha dalka ay si weyn u darsaan kiisaska ay go’aanka ka gaarayaan. Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in madashan ay shacabka Soomaaliyeed ka filayaan inay kasoo baxaan go’aano wax tar leh oo wax weyn ka bedelaya hay’adaha cadaalada dalka shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed. Madasha oo socon doonta mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qeygalaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Dastuurka, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo wasiirrada cadaalada ee dowladaha xubnaha ka ah DFS. Gudoomiyayaasha maxkamaddaha Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, xeer ilaaliyayaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, Taliyahaasha Ciidamada Asluubta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ka soo qeyb galay shirka uu maanta Kismaayo ka furay madaxweyne Axmed Madoobe. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo DF iyo dowlad goboleedyada shir muhiim ah uga furay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, isagoo dalbaday in Taliska Asluubta Soomaaliyeed uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaladkii dhacay. Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa dalbaday i la sameeyo baaritaan deg deg oo la keeno warbixin dhameystiran, “waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe, mana aheyn arrin la filayey,” ayuu yiri Dr. Suleymaan. Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxda xabsiga iyo taliyaha waxaan farayaa in si deg deg ah ay arrintaas warbixin uga keenaan, waxaan looma dul qaada karo, waana la xisaabtami doonaa cidii qaladkaasi ka dhacay.” Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyey in qalalaase noocaas ah aan mar dambe loo dulqaada karin inuu ka dhaco xabsiga dhexe oo maxaabiis badan ay ku xiran yihiin, kuwaas oo xaq u leh in ammaankooda la sugo. “Cidii masuulka ka aheyd goobta uu falkaasi ka dhacay waa la xisaabtami doonaa, hey’adaheenu waa inay ka baxaam jileeca, jileec dowladeed ayaa jira, laakiin waxaan oo kale lama aqbali karo, waana in jawaab cad laga bixiyaa,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka. 5 maxbuus oo loo heystay Shabaabnimo, laguna xukumay dil toogasho ah ayaa geystay weerarkaas, kuwaas oo la toogtay daqiiqado badan kadib markii ay weerarka bilaabeen, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf. Sidoo kale 3 askari ayaa ku dhimatay howlgalkii lagu soo afjaray kooxdaas, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeen Cabdiqani. Maxaabiistii kale ee xabsiga qeybihiisa kale ku jirtay ayuu sidoo kale khasaare gaaray, waxaana dhaawac soo gaaray 18 maxbuus oo dembiyo kala duwan u xiraa, sida lagu xaqiijiyey warbixinta afhayeenka. Waa markii labaad oo xabsiga dhexe ay maxaabiis ka dhex dagaalantay, 2020-kii ayuu dhacay fal noocaan oo kale ah, xiligaas waxaa baxsaday rag ka tirsanaa argagixsada Al-Shabaab, balse maanta waxaa la xaqiijiyey in wax maxaabiis ah aysan baxsan. Hoos ka daawo The post Daawo: Xeer ilaaliyaha guud oo amar culus ka soo saaray weerarkii Xabsiga Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Dhalinyaro tiro badan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa lagu wadaa in ay ku soo biiraan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, dhalinyaradani iyo xubno ka mid ah madaxda xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodijeex ayaa wada hadalo hoose lanleh xisbiga Waddani. Maanta ayaa xisbiga Kulmiye gabi ahaanba iska casilay xoghayihiin garabka dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodijeex Mustafe Shirwac ma cada ilaa hada in uu Mustafe qayb la yahay dhalinyaro badan oo ka tirsanaa xisbiga Kulmiye oo gali doona ama ku biiri doona xisbiga Waddani oo hada ah xisbiga la filaayo in uu doorashada soo socta uu la wareegi doono hogaanka dalka. Warar kale ayaa sheegaayabin dhawaan ay iyana xisbiga Waddani ku soo biiri doonaan aqoonyahano,waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kuwaasi oo ay wararku xaqiijinayaan in ay wada hadal kula jiraan xisbiga Waddani Qaran News
-
Waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmay masuuliyiin ka kala socata Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, Guddiyadda heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee Shaqaalaha Rayidka. Shirkaan oo muhiim ah ayaa diirada lagu saari doonaa dib – u- habeynta maamulka Shaqaalaha Dowladda iyo horumarinta hannaanka shaqada iyo shaqaalaha dowladda labadeeda heer, waxaana sidoo kale lagu gorfeyn doono horumarinta sharuucda iyo casriyeynta siyaasadda jaangoynta darajooyinka mushaaraadka shaqaalaha dowladda. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay dhisada iyo horumarinta xirfada iyo dib u habaynta Shaqaalaha Dowladda Labadooda heer. Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelinayay mashruuca SERP ee xoogga saara Xoojinta Nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay sida muhiim u tahay wadashaqeynta iyo isku xirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada labada heer ee Dowladda iyo Guddiga Shaqaalaha Qaranka ee Rayidka ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba. Shirkaan ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalaya Wasiirada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee labada heer ee Dowladda. Shirkaan oo labo maalin ah ayaa la soo gabagabeyn doonaa maalinta berri ah iyadoo laga sooo saari doono War-murtiyeedka wada jir ah. Source: goobjoog.com
-
Detroit (Caasimada Online) – Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden magaalada Detroit ee gobolka Michigan ku qabtay isu soo bax dadweyne oo naadir ah. Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn. Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siyaasadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed iyo jireed ee hogaaminta Mareykanka, haddii mar kale lasoo doorto. Shakiga da’diisa ee taageerayaasha xisbigiisa dimoqraadiga ayaa soo baxay, kaddib dooddii uu 27-ki June la yeeshay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, oo uu Biden ku soo bandhay wax lagu tilmaamay bandhig aad uga liitay kan Trump. Khudbaddii uu shalay u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada Detroit ayuuse Biden ku yiri “Waan tartamayaa waana ku guuleysan doonnaa. Wuxuu intaasi ku daray inuu yahay murashaxa isla markaana uusan meelna u socon oo uu tartami doono. Biden wuxuu kaloo shalay soo bandhigay qorshihiisa 100-ka maalin ee ugu horreeyo haddii mar kale lasoo doorto. Kuwaas oo ay ku jiraan dib u habeynta xuquuqda ilmo soo rididda, saxiixida Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee John Lewis, joojinta deynta caafimaadka, kordhinta mushaharka iyo mamnuucida hubka wax lagu weeraro. Hase yeeshee, xeerarkaasi ayaa meelmarintooda u baahnaan doono in aqlabiyadda Koongareeska ay helaan mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga. The post Madaxweyne Biden oo shaaciyey go’aankiisa hanka dib u doorashada appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, ahna magaala madaxda ku meel gaarka ah ee dowladda Jubbaland ka socda shirweyne kulmiyay wasiirrada caddaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ay Khaatumo ku jirto, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka. Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laba heer ee hay’adaha garsoorka dalka, sidoo kale waxaa la filayaa in qodobo kale oo wax ku ool ihi ay ka soo bixi doonaan markii uu soo gabangaboobo. Wasiirka caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in loo baahanyahay in kulanka ay natiijo wax ku ool ah oo wada shaqeynta laamaha garsoorka lagu xoojinayaahi ay ka soo baxdo, islamarkaana masuuliyiin ay maalmaha soo socda waxyaabo badan ka wada hadli doonaan. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa asna sheegay in aan hannaanka caddaaladda dalka la siyaasadayn karin, islamarkaana dowladda Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyadu ay wada shaqayn doonaan. Garsoorka Soomaaliya ayaa ku jira hannaan dib u kabasho ah, ayadoo kalsoonida dadweynaha ee misaska caddaaladda dowliga ihi ay sii xoogaysanayso, balse waxaa lagama maarmaan ah in la mideeyo adeegga garsoorka dalka. Source: goobjoog.com
-
Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi. Ciidamada oo ka war helay kooxdaas ayaa weerar culus ku qaaday, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. War kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus. “Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday Khawaarij si dhuumaaleysi ah ku soo gashay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Ugu yaraan 10 dhagarqabe ayaa Khawaarijta looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay Beerayabaal, waxaana lasoo werinayaa in khasaaraha gaaray argagixisada uu intaas ka sii badan yahay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sisoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in deegaankaas ay ka saareen Al-Shanaabkii ka soo gudubay Wabiga, kadib markii dadka deegaanka oo helay xogta xubnahan oo ka yimid galbeedka Wabiga ay lasoo xiriireen Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, kuna dagaalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. Faahfaahinta howlgalkaas oo dhameystiran kala soco Warbaahinta Qaranka. @Ali Ahmed The post Jab culus oo la gaarsiiyay Al-Shabaab kasoo gudbay wabiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay warbaahinta afka ciidanka ku hadashaahi. Ugu yaraan 10 dagaalame oo Alshabaab ah ayaa lagu diley dagaalkii ka dhacay Beerayabaal, waxaana lasoo werinayaa in khasaaraha gaaray xubnaha Alshabaab gaaray uu intaas ka sii badan karo. Taliyaha Qaybta 27aad CXDS ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyey in deegaankaas ay kala wareegeen kooxda Alshabaab oo ka soo gudubay Wabiga, kadib markii ay xogtooda heleen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta saldhigga Booliska ee degmadaas ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in General Saneey Cabdulle Gaab oo kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka uu xoog ku qabsaday saldhigga Gubadley. Guddoomiyaha degmada ayaa beeniyay warkaasi, wuxuuna sheegay in saldhigga aysan la wareegin wax ciidan milatari ah, isla markaana ay shaqadiisa usocoto si wanaagsan. “Taliye Saneey ayaa saldhigga la wareegay ciidan la yimiday qoraalkii ayaa saldhigga laga tiray oo Wariye aan wax hubsan waxa jirana aan ka warqabin uu ka warbixiyay waxa la sheegaayana waa waxba kama jiraan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Gubadley. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Degmada anaa xukumo ma jiro wax ciidan ah ama dhibaataa oo ka dhacay habayaraatee malaha”. Waxaa sidoo kale arrintan ku baxay taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo goobta tegay, waxaana uu soo qiimeeyay xaaladda, isaga oo la kulmay General Saneey, taliyaha cusub ee loo magacaabay saldhigga Gubadley, wuuna xog wareysto. “Saldhigga waa kanaa waxaa wada jooga ciidanka Booliska iyo maamulka degmada waxa la sheegayana waa waxba kama jiraan, waxaana la jooga taliyihii qaybta gobolka Banaadir iyo taliyihii cusbaa ee lasoo magacaabay iyo saraakiishii ammaanka” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha maamulka degmada Gubadley. Degmadan ayaa kamid ahayd saddexdii degmo ee dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo 20 degmo ka dhigay gobolka Banaadir. Si kastaba, Saneey Cabdulle ayaa ciidamadiisa muddo dheer waxa ay gacanta ku hayeen amniga degmada Gubadley, welina waxa ay joogaan qaybo kamid ah degmadaasi. The post Maxaa ka jira in Saneey Cabdulle uu qabsaday saldhigga Gubadley? appeared first on Caasimada Online.
-
African money transfer company Dahabshiil, has announced a strategic partnership with Safaricom’s M-Pesa Ethiopia, to facilitate direct money transfers for Ethiopians in the diaspora, to send money directly to their M-Pesa wallets. The partnership which was signed in Addis Ababa, aims to simplify the remittance process, by providing a convenient and reliable option for sending money instantly. During the signing of the deal, Musse Mohamed, Ethiopia’s country representative in Dahabshiil said in a statement, “We are delighted we have partnered with Safaricom’s M-Pesa Ethiopia, giving our diaspora customers another channel to send money there, further enabling them to support their loved ones”. Also speaking on the partnership, M-Pesa’s acting Chief Digital Finance Officer, Anthony Kang’ethe said, “We are delighted to partner with Dahabshiil, a leading player in international money transfers. Together, we share a vision of financial inclusion and driving economic development”. Dahabshiil, a Somali funds transfer company, is one of the largest money-transfer businesses in Africa, which has enabled money transfer across borders for almost five decades, consolidating its presence in more than 100 countries around the world. The firm operates from over 24,000 outlets and employs more than 2,000 people across 126 countries. Also, it provides financial services to international organizations, as well as to both large and small businesses and private individuals Remittance transfer remains Dahabshiil’s core business, but the company has diversified to offer financial services to international organizations, businesses, and private individuals. On the other hand, M-Pesa, a mobile money service launched in Kenya in 2007, has revolutionized the way people in developing countries handle financial transactions. This innovative platform, developed by Safaricom, has transformed the lives of millions by providing them with a simple, secure, and convenient way to send, receive, and store money using their mobile phones. By facilitating quick and secure transactions, M-Pesa has enabled small businesses to thrive in a cashless economy. The payment platform started to offer its services in Ethiopia on August 15, 2023, after Safaricom received the Payment Instrument Issuer License from the National Bank of Ethiopia (NBE). Since its inception in the East African country, it has raked in more than 3 million subscribers, as well as landmark deals with money transfer giants. M-Pesa is betting that Ethiopia, which has around 120 million people and one of Africa’s youngest populations, will power growth for years to come. By leveraging Dahabshiil’s extensive remittance network and M-Pesa’s robust mobile money platform, users can now enjoy a more convenient and secure method of transferring funds across borders. This collaboration is expected to enhance financial inclusion and connectivity between the Ethiopian diaspora their recipients, ensuring faster and more reliable money transfers. Tekedia Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta qaabilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Saciid Deni iyo Jamees Swan ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan siyaasada, amniga, mashaariicda, bini’aadanimada iyo daadejinta adeegyada dowladda. Madaxweyne Saciid Deni oo kulanka ka hadlay ayaa faah-faahiyey qodobada ay ka wada-hadleen isaga iyo wadiga QM, wuxuuna uga mahadceliyey Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Booqashadiisa Magaalada Garoowe iyo taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Deni ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay ka wada-hadleen amniga, siyaasadda iyo arrimaha bani’aadanimada ee dalka. “Waxaan is weydaarsanay wada-hadal dhinacyo badan taabanayay sida amniga, siyaasadda iyo dhinacada bani’aadanimada” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu la wadaagay aragtidiisa ku aadan xaaladaha ka taagan ee dalka, si looga gudbo caqabadaha waa wayn ee jira. “Waxaan la wadaagnay dareenkeenna iyo aragtideenna ku aadan xaaladda dalka, waxaana rajeynayaa inay ka qayb qaadan doonto sidii uu xal ugu heli lahaa arrimaha murugsan ee Soomaaliya” ayuu sii raaciyay. Kulankan waxaa madaxweyne Saciid Dei ku wehlinayey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaar kamid golihiisa wasiirada, halka Swan ay garab taagnaayeen xubno kamid ah xafiiska kaalmeynta UNSOS ee Qaramada Midooay. Maalmihii u dambeeyay James Swan oo mar kale loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa waday kulamo wada tashi ah oo uu la qaadanay madaxda Soomaaliyeed, si hore loogu wada shaqeynta dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Qaramada Midoobay. The post Daawo: Saciid Deni oo arrin xasaasi ah la wadaagay QM appeared first on Caasimada Online.
-
Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe waxaa ugu horeyn Xildhibaanada loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed Iyo Hindise-sharciyeedka Shaqada Soomaaliya. Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dood wakhti badan qaadatay ka yeeshay dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn, waxaana Mudanayaasha Golaha Shacabka ay badankood sheegeen in marka hore dib u eegis lagu sameeyo hay’adihii hore u dhisnaa dibna Golaha loogu soo celiyo si loo kala saaro hay’adaha sharciga ku dhisan Iyo kuwa aan sharciga ku dhisneyn. Maadaamaa Xildhibaano tiro badan ay is qoreen si ay fikirkooda uga dhiibtaan ka doodista dhismaha hay’adaha madaxa bamaan ee aan miisaaniyada lahayn, waxaa haray oo aan weli fikirkooda dhiiban ilaa sideed Xildhibaan,iyadoo dooda ajendahan la xiriirta la dhameystiri doono kulanka kan xiga oo dhici doona maalinta isniinta ah sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii xabsiga dhexe ee xamar, ayagoo toogtay dhammaan dablaydii gudaha ka dagaalamaysay oo ka tirsanaa Maxaabiista Sida uu warbaahinta u faahfaahiyay Afhayeenka Ciidanka Asluubta G/Sare Cabdiqani Qalaf Afhayeenka Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay gudaha Xabsiga dhaxe ee Xamar ay ku dhinteen 5 maxbuus halka 18 kalane ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale taliska ayaa sheegay in askarta dhimashada iyo dhaawacoodu uu gaarayo ilaa 6 askari. Falkaan waxaa geystay Maxaabiis horay uga tirsanaa Shabaab oo dil toogasho ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida. Ciidanka Miino baarista ayaa baaris ka wada gudaha xabsiga. taliska Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in lala xisaabtami doono cidii dambeysay in Maxaabiista ay helaab hub. Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Musharraxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani oo kulan la qaatay Dhalinyarada Gobolka Awdal. Amb. Maxamed Cali Aw- Cabdi Musharraxa Madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga Waddani ayaa kulan balaadhan la yeeshay dhalinyarada Gobolka Awdal. Kulanka ayaa lagu gorfeeyey Barnaamij Siyaasadeedka lagu dooranayo Xisbiga Waddani, iyagoo oo halkaasina dhalinyaradu su’aalo kale duwan ku waydiiyey Musharaxa. Waxa Kulanka ku wehelinayey Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Waddani, Afhayeenka Xisbigaasi, Xoghayaal iyo Masuuliyiinta Xisbigaasi ee Gobolka Awdal. Qaran News