Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 20 kii bisha May 2019 ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Jirdeh, Waddani, warbaahinta la wadaagay sidii wadahadaladii xisbiyada ee arrimaha doorshooyinku u dhaceen iyo mowqifyadaii xisbiyadu kala qaateen. Sida uu Md Jirdeh sheegay, runtii waxa dhexmaray xisbiyada arrin bogaadin mudan oo tafaawud iyo is-gorgorin farsamaysan ahaa. Hambalyo, inkastoo aanay noqon mid midho dhasha. Aniga waxay ii ahayd indho-fur. Guddoomiye Jirdeh, oo ah shakhsiyad mujtamaca Soomaaliyeed meel uu joogaba uu tixgelin weyn u hayo, wuxu ina siiyey faahfaahin aan hore loo hayn, oo ay ka mid yihiin mowqifyadii dhinacyadu kala qaateen (sidaan u fahamy): 1. Waddani, si xatabadda commissionka looga tallaabsado, wuxu soo jeediyey intirada commission-ka doorashooyinku ahaato toddabadeedii xubnood, sida ay imika tahay, laakiin xisbi kastaa ku yeesho labo xubnood (6 xubnood) iyo hal xubin oo madaxweynaha lagu maamuuso. Macnihii, xisbi-xaakimku wuxu helayaa 3 xunbood. Laakiin waxa arrinkaa ganafka ku dhuftay Kulmiye oo yidhi, xubinta guurtida madaxweynahu qaadam maayo. Xaasha! 2.Kulmiye wuxu soo jeediyey in hadda la magaacabo 7 xubnood oo cusub oo saamigii hore lagu kala qaato, la sii shaqaysa guddida hadda jirta, shaqadana la wareegta marka commissionka hadda jira kalkiisu dhamaado. Ogow, waxay soo jeediyeen labo commission oo is-dulsaaran, “Jini-jini dulsaaran”, sida Jirdeh u sawiray. Waddani way aqbaleen iyagoo aan garan karin sida taasi ay sharciyadda u waafiqi karto, waxay se shardi uga dhigeen in UCID iyo Waddani 4 xubnood ku yeeshaan; laakiin Kulmiye diiddan buu ka hor-keenay. 3. Kulmiye iyo Ucid waxay soo jeediyeen in tirada commissionka laga dhigo 9 xubnood, saddex xubnood xisbi kasta, kaas oo dhaqan gelaya doorashada dambe ee tan December 2019 dhacaysa ku xigi doonta. Waddani wuxu isla soo taagay taasi waa ar-dambe iyo calalaheedee; ee imika inoogu dhawaaqa warkaa wacan. Kulmiyee diiddan buu isla soo taagay mar kale. Maxaa kaaga baxay halkaa? Aniga waxa iiga baxay is-gorgorin wacan baa dhacday. Waddani wuu ka tanaasulay kala dirkii commissionka, waxase uu fahmay isleegta xisaabta gorgorinta siyaasadda, taasoo ka dhigan tirada xubnaha iyo muddada la hirgelinayo ayuu marba mid dalbanayey. Marka aad daalacato mowqifyadaa la kala qaatay, waxa kuu soo baxaysa in xisbiga Kulmiye tanaasulkiisu yahay doorashada dambe, tan hadda maya. Xisbiga Waddani tanaasulkiisu wuxu ahaa: oggoli in commissionkani dhammaysto muddadiisa, laakiin kordhintaa xunbaha xisbiyada mucaaridka ah, hadda inoogu dhawaaqa. Wacnaan lahaydaa madaxweynaha oo muujiya in yar oo debecsanaan ah: qaata qodobka 1aad, oo ah ka ugu fudud, uguna hawsha yar. Xilka madaxweynuhu waa in uu ka kor-maro, intii karaankiisa ah, xafiiltanka xisbiyada. Ilaahoow noo soo hadee madaxda. Isku soo wada duuboo waxay 3da xisbi ku heshiiyeen inay sharciga jebiyaan, iyagoo kaskooda iyo miyirkooda qaba, unkaana xaajo ugub ah: labo commission oo is-dulsaaran oo aan lahayn sharciyad ay ku qotomaan. Waxay se kula kaceen waa waqtiga keliya. Dabeetana waxa inoogu xigtay Nairobi ayaanu u dacwo tegaynaa, dawlad-na waa la sheeganayaa. Ka warran masuuliyiin sidaa u dhaqmaysa? Subxanallah. Wa bilaho towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK maxamuudaxmed@live.com Source
  2. Doodda ku aaddan in laga waysaysanayo cunista hilibka geelu waa dood muddo soo taagnayd, se lagu kala xoog badan yahay. Ugu horrayn in la is waydiiyo su’aashan waxa keenay xadiiska Jaabir Bin Samra ee Muslin soo saaray ee nebiga la waydiiyey in laga waysaysto hilibka adhiga, deeto uu ku jawaabay haddaad doonto, haddana la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka lo’da, iyana uu sidii oo kale ku jawaabay, ugu dambayna la waydiiyey in laga waysaysanayo hilibka geela dabadeed uu sheegay in laga waysaysanayo. Waysadaa xadiiska lafteeda culimo badan ayaa ka soo saaray fahan ah; in laga luqluqanayo gacmahana la maydhayo oo aan loo jeedin waysadii caadiga ahayd. Arrinku haddii uu sidaa ku joogi lahaa iswaydiinba may timaaddeen ee waxa waajib noqon lahaa dhaqangelinta xadiiska nebiga NNKH. Se waxa iswaydiinta keenay ayaa ah in uu jiro xadiis kale oo xadiiskan ka dambeeyey sida laga dhadhansanayo saxaabiga xadiiska warinaya iyo fahanka badi saxaabada, taabiciinta iyo madaahibta fiqiga badidooda. Xadiiska uu wariyey saxaabiga Jaabir Bin Cabdillaahi waxa uu si cad u sheegayaa in aan laga waysaysanayn hilib dab galay, waana xadiiska ay dhaqanqaliyeen saxaabadu, “Amarkii ugu dambeeyey Nebigu wuxu ahaa in aan laga waysaysan wax dab galay.” Xadiiskaa waxa soosaaray Abu Daa’uud iyo Nisaa’i, waana xadiis sugan. Xadiiskani in uu xadiiskaa hore ka dambeeyey oo uu nasakhayo waxa caddayn ugu filan in saxaabigani sidaa cad u odhanayo amarkii ugu dambeeyey nabigu waa in aan laga waysaysan, ileen haddaan amar hore jirin amarkan muu caddeeyeene. Mar kale Jaabir wuxu ka sheekaynayaa dhacdo tan la jaal ah, “Waxa aannu ahayn wakhtigii nebiga kuwa aan helin cuntadan (cunto kolkaa ag taallay) oo kale inyar mooyaanee, marka aannu helno na maanu haysan afmaris aan ahayn baabacooyinkayaga, dhudhumahayaga iyo lugahayaga, ka dib waa aanu tukun jirnay annaga oo aan ka waysaysan.” Xadiiskan waxa soosaaray Bukhaari. Xadiiskani wuxu xoojinaya cuskasho ahaan xadiiskaa sheegaya in aan laga waysaysanayn wax dab galay. Fahanka ay dhaqangaliyeen badi saxaabadu wuxu noqday in aan laga waysaysan hilibka geela, waxa ka mid ah saxaabada arrinkaa aaminsan Ibnu Mascuud, Ibnu Kacab, Dalxa, Abi Dardaa, Ibnu Cabbaas iyo saxaabo badan. Sida oo kale badi Taabiciintu waxa ay ku tagsan yihiin in aanu jabin waysada hilibka geelu. Ibnu Abi Shayba musanafkiisa wuxu ku soo guuriyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas in uu yidhi, “Waysada waxa keena wixii calooshaada ka soo baxa ee ma keeno wixi calooshaada gala.” Sunanu Bayhaqi waxa ku yaal hadal kan u dhow in Cali Bin Abi Daalib laga hayo. Cabdarasaaq iyo Ibnu Jacd waxa ay musanafyadooda ku soo saareen in Yaxye Bin Wathaab uu waydiyey Cabdillaahi Ibnu Cumar in laga waysaysanayo hilibka geela, deeto uu ku jawaabay Cabdillaahi, “Waysada waxa keena wixii kaa soo baxa ee ma keenaan wixii calooshaada galaa. Wax kasta oo caloosha galaa waa wax wanaagsan, wax kasta oo ka soo baxaana waa wax xun.” Nawawi Majmuciisa waxa uu ku soo guuriyaa in afartii khulafo ay aaminsanayeen in aan laga waysaysan hilibka geela. Nawawi waa ragga aaminsan in laga waysaysanayo haddana waxa uu aaminsanaa in khulafadu ka aragti duwanayeen. Ibnu Taymiya isagu wuxu ku duraa Nawawi in cuskashadani aanay sanad lahayn. Hilibka geela in aan laga waysaysanayn waxa aaminsan madaahiibta Shaaficiyada, Maalikiyada iyo Xanafiyada. Qarnigan culimada waaweyn ee xagga fiqiga ku horreeya ee aan xataa qaarkood lagu tirin in ay mad’hab u janjeedhaan sida Sayd Saabiq, Qaradaawi iyo Dedow waxa ay saxnimadeeda sugaan in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Xaafid Ibnu Xajar isagu wuxu ku tagsan yahay xadiiska in laga waysanayo sheegaya uu nasakhay xadiiska sheegaya wixii dab galay in aan laga waysaysanayn. Mad’habta Xanaabilada oo ah ta ugu urursan xagga fidnaanta madaahiibta ayaa iyadu qabta in laga waysaysanayo hilibka geela. Waxa ay ku tagsan yihiin in xadiiska sheegaya in laga waysaysanayo hilibka geelu aanu nasakhayn xadiiska odhanay wax kasta oo dab galay laga waysaysan maayo, waxa ay ku doodayaan in xadiiskan dambe caam yahay kaa horena arrin gaar ah uu ka hadlayo. Sidaa waxa qaba badi culimada Xanaabilada horrayso iyo dambaysaba. Tiro yar oo Shaaficiyada ka mid ah oo Nawawi ka mid yahay ayaa Xanaabilada la aaminsan in laga waysaysanayo hilibka geela. Ibnu Mundir, Bayhaqi, Ibnu Xasmi, Ibnu Taymiya, Albaani iyo Ibnu Baas ayaa iyaguna in laga waysaysanayo aaminsan, laakiin xujada cad ee xadiiska dambe, fahanka badi saxaabada, taabiciinta, jumhuurta fuqahada madaahiibta iyo badi fahanka culimada casriga ahba waxa ay ku tagsan yihiin in aan laga waysaysanayn hilibka geela. Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com Tell: 063 440 85 03. 97 08 515 SheekhRakuub.wordpress.com Source
  3. Asc. dhamaan akhristayaasha karaamadaleh ramadaan Kariim, waxaa muuqdaoo sida cedceeda ucad shilalka gaadiidka iyo dadka ku dhimanaya oo intii ka hore ka badan somaliland . Waxaa xasuustayda ku soo noqnoqda daka inanagaga baxay dariiqyadaa burburay iyo daasdaha guuxa ee aan loo meel daynin, qadarka alle Ka sakow inaka ayaa gabnay In ay wax isbadal ahi yimaadaan oo dhanka wadooyinka iyo wadayaashaba ah kaagagsii daran waxaa iyana ina gumaaday gaadhiga guran ee dalka sida Daadka usoo galaya. Sanad walba waxaa sii kordha dadka shilalka gaadiidak ku dhinta wadankeena bishaa ramadaan waxaa la sheegayaa tirada dhimashadagaadiidaka inay kor udhaaftay 30 qofwaa muda 7cisho ah. Waxatan garab taala xili roobaadka dooxyada udhexeeyagobolada dalka oo dhibaatoxoogani ka taagantay, waxaa ka sii daran qorsha laanta dad iyo dawladba inaga haysta dhibataadan macmiilka noqtay ee wadooyinka iyo gadiidka iyo dooxyadaba ah . Waxaan maqlaa plans ay sheegto dawladu oo malaayiin doolar Lagu sheego in lagu korsheeyo hawlahan oo kale sida SDF oo kale , Hadana waxa laga qabtaa maaha 10%. Dhamaan mashaariica ah dalka eewadooyinku malaha tayadii, qaabkii iyo dhismihii wado ee ay ku noqon lahay mid Quality leh malaha Drainage system ama hab ay biyo kaga dagaan wadada waay waxaad arkaysaa waddo farta laga qaaday oo hadana dhulka caadiga ah ka hoosaysa biyuhuna rogmanayaan . Hadaba maxaa qaldan ma engineers-ka, ma plan-ka mise inaga ayaan awoodin in aynu 30 sano oo ayn gaar utaaganay waddo quality leh helno aan u bislayn , doodaydu maaha maxaa wadooyinka oo dhan loo hagaajin waayay waayo dhaqaale ahaan ayaynaan awoodinee waxa weeye waar maxaa inoo diiday haba yaraatee 20KM noqotee in yar oo leh tayo-fiican( road quality). Dawladihii kaladambeeyay eekulmiye wax wayn baan ka saarayaa arintaa.!! Gaba-gabadii waxaa ugu horayn looga baahanyaydawlada in ay wadooyinka dalka usamayso qorshe ka sareeye kan hada lagu wado ee kacaa kufka ah ee dawladaha hoose iyo mashaariica ah dhiciska ah, waxaan kaloo soo jeedin lahaa in wadooyinka loo sameeyo hay-ad ka tayo roon tan ahaatan faraha kula jirta ee warba ka ahyinin. Waxaa iyana loo baahan yay in lagu soo jeedyo indhaha caalamka, deeq bixiyayaasha , ururada bulshada iyo dhamaan daneeyeyaasha halka ay reero la rafanayaan wadooyin raf ah oo aan tayo lahayn. Hadii kale sideenii awlba aynu ahayn aynu tacsida la boobno kolba qofka haldoorka ah ee dariiqan iyo daasadan inagaga baxa oo aynu nidhaahno shilbuu ku dhintay iydoo aan qadanka labaajinayn. Ilaahay waxaa kabaryay inuu quluubteena tuso tamarteena rasmiga ah ee aynu qaban karno. W/Q: Abdrashiid Awmuse Aadan rashaad055@hotmail.c Source
  4. (SLT-London) Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa ku dhawaaqday maanta inay xilka xafiiska ka degi doonto 7-bisha May . Hoos ka DAAWO Source
  5. (SLT-Washington)Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo afhayeenka Aqalka Wakiillada ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa is dhaafsaday hadallo aflagaado ah iyadoo midkastaa uu su’aal geliyay caafimaadka maskaxeed ee midka kale. Haweeneyda ugu sareysa dimuquraadiga ayaa qoyska Trump iyo kaaliyayaashiisa ka codsatay inay soo farageliyaan arrimaha madaxweynaha “iyagoo u daneynaya dalka”. Donald Trump ayaa ka soo jawaabay, wuxuuna yiri Mrs Pelosi way “waalan tahay”, Haddana markale ayuu haweeneydan laga soo doortay California in ay tahay “qof aan nidaamsanayn”. Khilaafkan wuxuu muujinayaa inuu markale soo cusboonaaday xiriirka xun ee u dhexeeya Aqalka Cad iyo xisbiga Dimuquraadiga. Is dhaafsiga hadalladan adag ayaa ka dhashay markii Trump uu si degdeg ah ku soo afjaray kullan uu la lahaa Mrs Pelosi iyo dhigeeda aqalka Sare, Chuck Schumer oo isna ka tirsan Dimuquraadiga. Kullanka fashilmay oo Trump uu isaga baxay dhowr dhaqiiqo ka dib waxay ahayd inuu sii socdo illaa maalintaas oo dhan. Iyadoo jawaab ka bixineysay arrintaas Khamiistii, Pelosi waxay sheegtay inay aad uga walwalsan tahay caafimaadka madaxweynaha iyo “guud ahaan wanaagga dalka Mareykanka”. Afhayeenka ayaa Mr Trump ku eedeysay in uu qabo “inuu xanaaqa ka tambadiyo”. “”Waan u duceynayaa Mareykanka,” ayay tiri Pelosi. “Waxaan filayaa in qoyskiisa iyo maamulkiisa ama shaqaalihiisa ay arrintan soo faragelin doonaan iyagoo dalka u daneynaya.” “Waxaa suuragal ah inuu u baahan yahay fasax uu ku soo nasto,” ayay hadalkeeda ku sii dartay. Waxay sidoo kale ku kaftantay wax ka bedelka dastuurka ee 25-aad, kaas oo ogol in madaxweynaha xilka laga qaado. Markii weriye uu sidaas u sheegay ayay ku tiri “waa fikrad fiican.” Mrs Pelosi ayaa hab dhaqanka Trump ku tilmaamtay “shakilow”, iyadoo muujineysay sida uu ugu dheggan yahay faylashada maxkamadda una hortaagan yahay inuu marqaati noqdo lataliyihiisii hore. Donald J. Trump @realDonaldTrump In a letter to her House colleagues, Nancy Pelosi said: “President Trump had a temper tantrum for us all to see.” This is not true. I was purposely very polite and calm, much as I was minutes later with the press in the Rose Garden. Can be easily proven. It is all such a lie! Markaa ka dib, Madaxweyne Trump ayaa sheegay, in hadalka Pelosi ee in ah in lala tacaalo xaaladdiisa, uu yahay “hadalka nacasnimada”. “Nancy-da aan fiyoobeen,” ayuu yiri. “Waxaan kuu sheegayaa, muddo dheer ayaan daawanayay, qofkii aan ogaa ma ahan, way lunsan tahay.” Wuxuu sidoo kale sheegay “Waxay ku baabe’eysaa indhaheena hortooda”. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale beeniyay in uu “qeyliyay oo uu buuqay” intuu socday kullankii Arbacada ee uu la yeeshay hoggaanka Dimuquraadiga, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa “qof aad u deggan”. Trump, Pelosi iyo Schumer waxay u kulmeen in ay ka wada hadlaan qarashka ku baxaya horumarinta Mareykanka, taas oo ah meel ay adagtahay in lagala hshiiyo Aqalka Cad. Madaxweyne Trump ayaa shirka ka baxay seddax daqiiqo ka dib. Pelosi ayaa sheegtay in Trump uu miiska garaacay ka hor intuusan dibadda ugu bixin sida dabeysha. Isla markiiba wuxuu ka soo muuqday masraxa Rose Garden, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka baxayo dhammaan heshiisyada wada shaqeynta uu dimuquraadiga la leeyahay illaa ay ka joojinayaan “baaritaanka ay telefoonkiisa ku hayaan”. Laakiin Khamiistii, xildhibaannada Jamhuuriga ayaa waxa ay sheegeen in Trump uu saxiixay dhaqaale lagu bixinayo arrimaha gurmadka oo gaaraya $19.1 oo Bilyan oo dollar, oo hal milyan oo ka mid ah lagu bixin doono Puerto Rico. Khilaafyada adag ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dhinac waxa qeyb ka ah maalgelinta derbiga uu Trump doonayo inuu ka dhiso xuduudda Mexico. Source
  6. (SLT-Khartoum) Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wadahadal la yeeshay jeneraal Maxamed Hamdan Dagalo oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha guddiga milatariga ah ee maamula Suudaan. Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalada Jeddah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga SPA. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray “iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhexeeya labadaas dal ee walaalaha ah”. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ballan qaaday saddex bilyan oo doolar oo gargaar lagu gaarsiinayo Suudaan, arrintaas oo wax wayn uga dhigan ciidammada xukunka ka maroorsaday madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 11 bishii Abriil. Source
  7. (SLT-Washington) Shirkadda Facebook ayaa aad looga hadal hayaa Africa iyada oo lagu eedaynayo in ay wax u dhimayso dimuqraadiyadda, dadka ka soo horjeeda ayaana sheegaya in bartan ay bulshadu ku xiriirto ee wayn ay ogolaatay in hub laga dhigto oo laga fuliyo ol’ole abaabulan oo dadka lagu marinhabaabinayo. Wararka been abuurka ah ayaa aad loo faafiyay intii ay socdeen siddeedii doorasho ee sannadkan ka dhacay qaaradda Afrika, Toddobaadkii horana Facebook ayaa sheegay in shirkadd Israa’iil laga leeyahay oo arrimaha siyaasadda ka talo bixisa ay door wayn ku lahayd arrimahaas. Shirkadda Facebook ayaa mamnuucday shirkadda Archimedes Group, taas oo ay sheegtay in ay ka dambaysay dadkii iska dhigayay in ay Afrikaan yihiin. Shirkadda Facebook ayaa tirtay 265 ciwaan oo dadkaasi ay kul lahaayeen Facebook iyo Istagram, kuwaas oo lagu arkay “dabeecado been abuur ah”, ciwaannadaas ayaa inta badan bartilmaameedsanayay Nigeria, Senegal, Togo, Angola, Niger iyo Tunisia. Nanjira Sambuli oo ka tirsan World Wide Web Foundation ayaa sheegtay in Facebook ay wakhti dheer ku qaadatay in uu u soo jeedsado wax ka qabashada dhibaatada dalalka soo koraya. “Dimuqraadiyadda qaaraddu halis ayay ku jirtaa, nasiib darrana baraha ay bulshadu ku xiriiraan ayaa uga sii daraya,” ayay tiri Nanjira oo la hadashay Radio lugo badan Source
  8. (SLT-Nairobi) Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sidoo kalena Ah Afhayeenka Waftiga Xukuumadda Somaliland ee Nairobi ku sugan Faysal Cali Waraabe ayaa qiray Shri qarsoodi aha oo ay Nairobi kula Shireen siyaasiyiin Soomaaliyada Muqdisho Ka tirsan. Wuxuuna Sheegay inay cid kasta la kulmi doonaan oo Soomaliya Ka socota. Hoos ka DAAWO Source
  9. (SLT-Jiddah) Xoghayaha xidhiidhka carabaha ee Xisbiga WADDANI Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) ayaa shir Somaliland mihiimad u laha oo uu ku sharxay qadiyada Somaliland wuxuu kaga qayb galay Dalka Sacuudiga. Qoraal uu arrimahaas kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan . Amiir Cabdulcasiis Bin Cabdulmajiid Bin Cabdulcasiis Aala Sucuud, qaar ka mid ah diblomaasiyiin, Wasiiro hore, janaraalo, Dhakhaatiir, qaar kamida tujaarta waaweyn ee Sucuudiga, Sheekha ama Suldaanka guud ee Beelaha maxamad Bal-Axmar iyo saxafiyiin ruugcadaa ah ayaa ka soo qeyb galay kulan casho sharfeed ahaa oo uu noo sameeyay mid ka mid ah ragga ilaahay wax siiyey ee ganacsatada waawayn ee Jeddah iyo Sucuurigaba ah. Amiirka oo midigtayda fadhiya ayaa ahaa mas’uul sharafeedka xaflada waxa aan muddo xoogaa ah gaar uga sheekaysanay dalkayga Somaliland iyo xaalkiisa guud, wanaagiisa, amnigiisa, fursadaha ganacsi ee baaxada leh ee yaalla, kheyraadka ku duugan iyo maalgashiyada balaadhan ee ka bannaan, walaalayaal sida aan hore idiinku sheegay goob-waliba hadal ku haboon ayay leedahay, anigu sida ragga qaar ma taraaro mawjadana kama baxo. _Dadkaygoow_Raxmaan_Babaynu_leenahay Ahmed Safiina Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah madaxda caalamka. Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u kuur gelaya xaaladda Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika iyo caqabadaha ku gedaaman ganacsiga ballaaran ee muwaadiniinteennu ay ku leeyihiin dalkaas. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. The Security forces in Guriel town of Galgaduud region have arrested two suspects in connection with a thwarted bomb explosion. A suspected Al-Shabaab suicide bomber was on Thursday dramatically intercepted by security forces in Guri-El town where leaders were paying tributes to fighters who have fallen while fighting al-Shabaab fighters in central Somalia.` The man who was strapped with suicide vests was masquerading as a poet. The local authorities have said the security officials detained would-be suicide bomber wearing a suicide vest and another man suspected to have been collaborating with the suicide bomber to explode himself. According to witnesses in Guriel town of central Somalia, the authorities displayed the two men. Speaking the media, Ahmed Hussein Diriye, a soldier who succeeded to thwart the suicide bombing in Guri-El town said the suspect was trying to force his way to stage where leaders of Ahlu-Sunna were addressing the public. View the full article
  12. In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted one airstrike near Baled Amin, in the Lower Shabelle region, Somalia, against al-Shabaab militants on May 22, 2019. “We continue to work closely with the Somali government and security forces to target terrorists whose tactics place innocent people at risk,” said RDML Heidi K. Berg, director of intelligence, U.S. Africa Command. Precision airstrikes such as these support Somali security forces efforts to protect the Somali people from terrorism while creating opportunities for increased governance to take hold. Al-Shabaab has previously used the rural areas surrounding Baled Amin as a staging area for attacks against Somali security forces and innocent Somali civilians. At this time, it is assessed the airstrike killed two (2) militants. A detailed post-strike analysis continues and more details may be released as appropriate. Currently, we assess no civilians were injured or killed as a result of this airstrike. Our process and procedures allow for additional information to inform the post-strike analysis. U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces. Source: AFRICOM Statement. View the full article
  13. Al-Shabaab militants are increasingly losing Marehan clan support following constant disputes. Source: Hiiraan Online
  14. Raadraaca Sooyaalka 18-ka May Qaybtii 3aad Xafiiska lagu kaydiyo xogta iyo qoraallada taariikhda ee ku yaalla magaalada London ee loo yaqaan “Public Records Office” ayaa sannad kasta waxa lagu soo bandhigaa qoraalladii sirta ahaa ee la kaydiyey ee ka qarsoonaa ama ka dednaa indhaha bulshada muddo 30 sannadood ah. Bisha January ee sannad kasta waxa xafiiskaasi u tartama aqoonyahannada taariikhda raadraaca iyo weriyayaasha warbaahinta si ay u milicsadaan sirta cusub ee la soo bandhigay. Bishii January ee sannadkii 1991 ayaa haddaba la soo bandhigay sirihii 30-ka sannadood huursanaa ee qarsoonaa. Waxa siraha sannadkaas la soo bandhigay ka mid ahaa galalkii ay ku jireen dhacdooyinkii siyaasadeed ee muhiimka ahaa ee Somaliland ka ilmo-roganayey sannadkii 1960. Saddex gal-qoraaleed ka kooban ayaa xogtii la soo bandhigay ka mid ahaa. Waxa galalkaas lagu suntay magaca “Union of Somaliland and Somalia” oo aynu af Soomaali ugu turjumi karno “Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya” Waxa kale oo sirtaasi la soo bandhigay ka mid ahaa kayd-galeed weyn oo lagu magacaabay “Minutes of Legistative Council of 1960”, kaas oo ku saabsanaa daqiiqadihii la qaaday iyo wixii ay xildhibaannadu kaga wada hadleen fadhigoodii Golihii Sharci-dejinta Somaliland ee 1960. Waxa qoraalladu ka tibaax bixinayaan in mudanayaashii Golahaas Sharci-dejinta ee la soo doortay 17/02/1960 in ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen 05/04/1960. Waxa shirkoodu ku qabsoomay halka hadeerto loo yaqaan Goodirka ee badhtamaha Hargeysa. Waxa kulanka ka qayb galay xildhibaannadii ku guulaystey doorashadii Febraury 1960 ee ka kala socday saddexdii xisbi ee tartanku dhex maray ee SNL, USP iyo NUF. Waxa kale oo goob-joog ka ahaa badhisaabkii Ingiriiska ee Somaliland xukumi jirey Sir Douglas Hall iyo Xoghayihii Guud ee Phillip Carrel. Xildhibaannadii shirkaas ku wada doodayey oo ay ku jiraan golihii wasiirrada ee cusbaa, waxa uu uu qoraalku hoosta ka xarriiqay in ay isku wada raacsanaayeen in arrinta madaxbannaanida Somaliland iyo midnimada Soomaalidu ay tahay qodob isku sidkan oo aan laba laga dhigi karin, loogana doodo sidii hal qodob oo keliya. Waxa ay xildhibaannada ula muuqatay in labadaa la isla helo mar qudha ama la wada waayo. Wax se xiiso badan leh in qoraalku muujinayo in xubnihii Ingiriiska ahaa ee kulanka fadhiyey uga dareen bixiyeen xildhibaannada khatarta ay yeelan kareysey midnimo deg deg ahi. Waxa ay u arkayeen oo kale in midnimadaasi deg degga ahi ay sii fogayn karto dhulka Hawd and Reserve Area oo markaas carcaraha dooddiisu taagnayd, dawladda Ingiriisna ay weli ilaalin jirtey xuquuqda dadka dhulkaas ka soo jeeda oo ay kharash badan ku bixin jirtey. Phillip Carrel, Xoghayihii guud, oo la hadlayey xildhibaannadii Somaliland, ayaa isku barkiyey oo isa saaray midnimada deg degga ah iyo dhulka Hawd and Reserve Area, waxa na ereyadiisii ka mid ahaa “tuhun iyo shaki igaga ma jiraan in dadka Somaliland ku nooli doonayaan in ay Soomaaliya la midoobaan, waxa aanan hubaa in dawladda Ingiriiskuna himiladaas ku taageeri doonto”. “Hase yeeshee, buu yidhi Phillip Carrel, bishii u dambeysey ayay dadka gashay qiiro iyo jibbo weyn oo ay ku doonayaan in ay la midoobaan Soomaaliya 1-da Julay oo ah isla maalinta dalkaasi xornimadiisa qaadanayo. Ilaa iyo haddana wax wada hadal ah oo arrintaasi ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada yeesheen ma jirto. Waxana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor. Ugu horreyn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhexeeya. Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wada gelaya oo idil waa in arrintani laga gaadhaa heshiis ka hor inta aan la is-raacin”, ayuu Phillip xildhibaannada ugu nuuxnuuxsaday. Sidoo kale waa in laga heshiiyaa ayuu yidhi “sharciyada doorashada, qaabka dawladdu sida uu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha loo qaado, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dawladda iwm”. Waxaasi oo idili waxa ay u baahan yihiin ayuu tilmaamay in dad khubaro ah loo xilsaaro, si ay u daraaseeyaan, ugana soo talo bixiyaan, si dawladda midnimadaasi ka dhalataa u noqoto mid ku taagan dhidibbo adag. Phillip Carrel oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu intaas raaciyey oo yidhi “arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashadaa waxa ay tahay arrinta Hawd and Reserve Area. “Maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadaasina dhacdo waxa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarnaa Maxmiyadda Somaliland. Haatanna dawladda Ingiriiska ayaa bixisa Kharashka ku baxaya Hawd and Reserve Area. Haddii aan heshiis cusub laga gaadhin hawlaha halkaasi ka socda oo dhan ayaa joogsanaya. Taasoo ah in heshiiskii Itoobiya lala galay 1954 uu noqonayo mid dhammaaday”. “In kastoo heshiiskaasi aan ogahay, buu yidhi, in aydaan jeclayn, haddana dadka reer Somaliland ayuu u suurtogeliyey maamul xuquuqdooda ilaaliyaa in uu halkaasi joogo marka ay u tallaabaan dhinaca Hawdka”. “Haddii aan heshiis cusub la la gelin Itoobiya waxa meesha ka baxaya, buu yidhi, maamulkii ilaalinayey xuquuqda dadkaasi. Ilaalada halkaasi joogta oo idil ayaa loo soo rari doonaa dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala ilaalisa beelaha diriri ka dhex aloosmi karto. Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona” ayuu hadalkiis ku soo ururiyey Phillip Carrel. Dhinaca kale waxa isna halkaas xildhibaannada kula dardaarmay oo kala hadlay 06/04/1960 Douglas Hall oo ahaa badhasaabkii Ingiriiska ee Somaliland ka talinayey xilligaas. Waxa uu isna yidhi “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbinayaa sida dadka Somaliland ku nooli u doonayaan madaxbannaani iyo midnimo, hase yeeshee waxa idin saaran xil weyn oo ah in aad ka soo baxdaan waajibka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay, si aad uga ilaalisaan dhibaato ay ku keeni karto midnimo aan loo gogol xaadhin oo aan loo dhammaystirin hawlihii laga ma maarmaanka u ahaa, si iska fudud iyo degdegna lagu galay”! Sir Douglas Hall waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey gunaanadkan dardaaranka ahaa: “Khatar ha gelinnina aayatiinka mustaqbal ee dadka iyo dalka Somaliland”! Hadalladaas ay Phillip Carrel iyo Sir Douglas Hall u naqayeen xildhibaannadii Somaliland maalintaas waxa uu inta badan ugu muuqday hadal hawadu sidato oo aan macne badan ku fadhiyin, maalmo yar ka dib se macne badan ayuu dad badan u samayn lahaa haddii ba ay cidi xasuusan lahayd, maantadan qoyan buu se weligii ugu macne samayn badan yahay marka si fiican looga bogto, loona gorfeeyo ee lagu dhereriyo geeddi-socodka galaha taariikheed iyo wacaalaha xaaladihii la soo maray iyo wixii laga mutay midnimadaas iyo joogtada maantadaa qoyan ee xaqiiqooyinka jira ee faraqa inoo sudhan. Si kastaba ha ahaato’e, 26-kii June 1960 faagaaraha uu hadda ka dhisan yahay masaajidka Ibraahin Dheere iyo inta u dhaxaysa beerta Xorriyadda ee u dhaxaysa, fagaarahaas ilaa Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan-saarkii ka dhacay. Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya: – “In sidayda tihiin iyo – In kalaanan saxayne – Soomaaloo calan taagta – Saakaynoogu horrayso’e – Saaxirkii kala guurnaye – Sarreeyow ma nusqaamow – Aan siduu yahay eego’e – Kaana siib kanna saar”! Jaraa’idkii caalamka ka soo baxay, gaar ahaan Ingiriiska, waxa 26-kii Juun 1960 uu bogagga hore ku wadheen faallooyin aan faraxadi ka muuqan oo ay ka mid ahaayeen “Dadkii dawladnimadooda tuuray ama diiday iwm!” Si kasta ba ha iska ahaato’e, himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn. In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed. Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, Somaliland, NFD iyo Soomaalida Itoobiya. 1-dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah oo deg deg ah, waxana daba ka riixayey midowgaas Somaliland oo naanaysta “Qaldaan” dadkeedu kula baxeen. La soco qaybta 4-aad oo ku saabsan midowgii labada gobol iyo dareennadii tabnaa ee markiiba soo if baxay. Qaran News
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna. Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay South Afrika appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo kamid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Somaliland oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha ay ka wada-hadleen. Faysal ayaa sheegay inay la kulmayaan cid-kasta oo ay ka dhex arkaan danta Somaliland oo weliba qadiyadooda fahamsan. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Guddoomiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur iyo xisbiyada kale ee Soomaaliya ay ku marti-qaadi doonan magaalada Hargeysa. Guddoomiye Faysal oo ka waramaya waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankii ay la qaaten Gudoomiyaha xisbiga Wadajir, ayaa waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna yiri “Hogaamiyaha mucaaridka ah ee xisbiga Wadajir iyo kuwa kaleba waa la kulmeyna, anaga waxa weeyi qofkii danta Somaliland ay nagaga xirantahay weliba qadiyadayada fahamsan waanu la kulmeyna”. Wuxuuna intaas kusii daray “Anagu waxaanu jecelnahay xisbi ahaan in aanu ku casuumno gedigoodaba Hargeysa oo aanu tobabarna aanu siino, Siminaro siino, arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland aanu ka wada sheekeysano sidii loo kala dhameystiri lahaa, markaa waanu soo dhoweynaynaa”. Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in dowlada Somaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay gaabis badan ka muujisay wada-hadaladaasi, isagoona ka dhawaajiyey inay weli u tahli laadahay hagaajinta dalkeeda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula jooga Ciidamada qalabka sida ee ku sugan furimaha hore ayaa saaka khudbad [...] Source
  18. Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa jimcaha maanta shaacisay in ay si rasmi ah xilka isaga casilayso 7-da bisha June ee soo socota si loo doorto ra’iisul wasaare cusub. Mrs May oo u hadlaysay si caadifad ka muuqato ayaa sheegtay in ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay ka bixitaanka boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub balse dadaalkaasi mira-dhali waayay. Waxay sheegtay in ay ka qoomayneyso in iyadoo dadaalka intaasi le’eg ku bixisay ay haddana fulin wayday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dalka Uk. Mrs May ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay xubnaha xisbigeeda muxaafidka ah oo ka horjeestay tallaabooyinkeedii u dambeeyay ee la xiriiray fulinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee boqortooyada Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Theresa May oo shaacisay wakhtiga ay is casilayso appeared first on Puntland Post.
  19. Jawaabta ay ka bixisay dowladda Soomaaliya ficilladii xumaa ee Kenya ku kacday waxay Soomaalidu kala hortagtay falcelin taban. Ilaa shalay qaar badan oo asxaabtayda ka mid ah waxay go’aanki dowladda ku tilmaamayeen mid ihaano iyo dulli Soomaali ku riday. Anigu taas lidkeeda ayaan qabaa. Waxaan aamminsanahay in go’aan fiican oo caqli, aqoon iyo ilbaxnimo ku dhisan ay dowladdu qaadatay. Waayo muhiimmaddu waa inaad yoolkaada gaarto jidkaad doonta u mare. Diblomaasiyadda tan ugu wacanna waa inaad taqaan tabartaada. Will Rogers ayaa laga hayaa “diblomaasiyaddu waa inaad eyga si dabacsan ula cayaarto inta aad ka helayso dhagax aad ku dhufato”. Hadalka Will Rogers waxaa ficil ahaan horay ugu sameeyay guul weyna ku gaaray hoggaamiyihii caanka ahaa ee Khaalid Fiqi Xasan Allaha u raxmadee. Muddo haatan laga joogo qiyaasti 250-300 oo sano ayaa gobalka Gedo waxaa yimid qoysas beeshaMareexaan ka dhashay oo deegaan doon ah. Dadki ay u yimaadeen soo dhaweyn kalama kulmin. Waxay wajaheen xaalad adag xag amni iyo mid nololeedba. Dil iyo dhac ayaa joogta looga dhigay. Ihaano, dhago hadal iyo dharbaaxo ayaa loo joogteeyay. Wuxuu xaal sidaa ahaadaba wuxuu dhibki soo gaaray odaygii beesha oo la oran jiray Khaalid Fiqi Xasan kaasoo willkiisi barqo cad ableey beerka lagu jaray. Shir dag dag ah ayaa la isugu yimid si looga arrinsado dhibka cusub. Intii badnayd dadki geedka yimid waxaa haysay xamaasad iyo caro. Waxay si aan kala har lahayn isugu raaceen inaan sidatan lagu sii jiri karin sidaas darteed dagaal aargoosi ah la qaado. In nala wada dilo ama aan dib ugu qaxno halkii aan nimid ayaa dhaanto waxa aan ku noolyahay ayay ku celceliyeen. Allaha u Raxmadee Khaalid oo ahaa diblomaasi caaqil aragti fog leh ayaa warki ugu danbayn qaatay. Wuxuu yiri “ninki wiilkiisa la dilay soo aniga maaha” haa ayaa loogu jawaabay. Inaad ii aartaan soo ma rabtaan? Haa ayaa hal cod lagu yiri. Xoolo aan kuwii wiilkayka dilay u geeyo i siiya ayuu yiri. Maxaa kuugu wacan dullinimadaan aad qaayibayso ayaa lagu yiri? Wuxuu yiri “Inti wiil maanta dhashay hal naas geed ii gaarayo mid iga maqanna ii imaanayo ayaan la sugayaa”. Sidaas ayaa mag loogu geeyay raggii dhagarta qabay ee filayay duullaan aargoosi ah inuu kusoo socdo. Markuu u yimid Khaalid wuxuu ku yiri wiilkaygi ayaa disheen xoolahaanna waxaan idinkugu keenay inaad dhiiggiisi idin gaaray aad isaga mayrtaan iskana kaaya daysaan. Iyagoo ka yaabban fulaynimada (sideey iyaga la ahayd) Khaalid iyo raggiisi ayay ku heeseen Ayadoon la is daarin hadduu diyo keenay marki la is daaro dad nool buu keeni. Riyadii Khaalid waxay rumowday qiyaasti 150 sano ka dib. Iyadoo wali dhib iyo colaad joogta ah lagu noolyahay laakiin sidii hore laga xoog badan yahay ayaa waxaa dhacay jabkii daraawiisheed. Marki ciidanki Sayidku kala qaxay oo qolaba meel afka saartay ciidan xooggan oo daraawiish ka tirsanaa kana soo jeeday beesha Marreexaan ayaa Gedo usoo jihaystay. Ciidankaan oo watay hub casri ah markuu Gedo soo gaaray waxaa is rogtay kafaddii dagaalka. Haddii awal hubku ahaa waran, billaawe iyo qaanso iyo leeb ciidankaan wuxuu la yimid Maadhiin iyo kow-iyo-tobanle 20 mitir ka fog wax ka dilo. Waqti yar gudahiis dhulkii wuxuu isu baddalay sidii uu rabay Khaalid Fiqi xasan. Waxaa xaqiiq ah haddii ficil aargoosi ah maalinti wiilka la dilay la qaadi lahaa in aanan marnaba si buuxdo Gedo dhul Mareexaan u noqoteen haddanba laga tirtirin. Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo labada qaddiyadood isma laha. Mid waa dad yar oo dhul aysan lahayn doonayay midna waa dhul lagu soo duulay oo dal dhan ka dhaxeeyo. Marki aad eegto xaaladda dadlkeenu maanta ku jiro iyo sida uu dadkeennu yahay labada xaaladood waa isku jaad. Kow, muran kama jiro inay Kenya maanta naga xoog badan tahay xag ciidan iyo xaag maaliyadeedba. Dhulka la isku hayo maraakiibteeda ayaa hoganayso innaguna ma lihin maraakiib weerarto. Labo, ciidankeedu wuxuu joogaa dalkeenna isaga ayaana ah midka ilaalinayo xudeedka aan isku hayno oo hadda ciidan aan keeda ahayn iyo ku iyada u shaqeeyo mooyee mid kale ma joogo xuduudka. saddex, maanta inta badan madaxda iyo ganacsatada soomaaliyeed Kenya oo burbur gaaro ayaa ooga daran Soomaaliya oo dhul badeed lumisa. Dhammaan shirkadaha soomaalida maal badan ayaa Kenya ooga jiro ilaa haatanna maalgalin ayay ku wadaan. Sidaa darteed ma aqbali karaan dagaal ay u arkayaan inuu maalkooda waxgaarsiin doono marki dhabta loo tago. Afar dhulka iyo biyaha la isku hayo waxaa hadda ku magacaaban maamul Kenya ay dhistay oo danaheeda ka shaqeeyo. Hadalkii maanta kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan waa mid si cad noo tusayo safka uu maamulka Jubaland gali lahaa hadduu dagaal qarxo. Dhabti hadalki Maxamud Sayid waa mid tusaale u ah in qaar badan oo ka mid ah madaxda Soomaalidu aysanba ka warqabin dhulkooda la qaatay. Dadka noocaas waligood waa jireen. Maalinta aan kasoo sheekaynay ee geedka loo fadhiyay wixii laga yeeli lahaa Booran iyo dilkii wiilka Khaalid, waxaa jiray nin geedka fadhiyay oo aamusnaa intuu hadalku socday oo dhan. Marki uu Khaalid hadalki gooyay ee la yiri ha la dareero ayuu gacanta taagtay oo yiri hadal ayaan qabaa. Waxaa la is yiri amuu talo cusub keenaa. Wuxuu yiri “tolow wiilkaan ina Muxumed Garweyne ah iga qabta. Habayn walba saar aan xirtay ayuu iga dhabqiyaa. Haddii aad iga qaban waydaan labo gudub ayaan ka dhigi”. Waxa tolkiis dhib u yaal oo xaalku marayo ma qaxnaa mise waa dhimannaa isagu waxay u joogtaa saar ayaa la iga bannaday. Maxamuud Sayid iyo kuwa la jaalka ah maanta halkaas ayay u joogtaa. Tusaale kale oo qiimo badan waxaa noo ah sida shiinuhu ka yeelay badda loo yaqaan South-China Sea. In badan dhulbadeedkaan waxaa Shiine ka qabsaday dowlado yar yar oo ree Galbeed gacan ka helayay. Shiine markii uu soo xoogaystay, maxadiisu waxaa caqabad u noqotay sidii ay ka yeeli lahaayeen baddaan. Haddii ay ku duulaan waxay ogaayeen in dagaalka ay soo gali doonaan Maraykan iyo xulufadiisa taaso aysan markaas u birdhigi karin. Waxay doorbideen inay iska indha-tiraan. Madexweyne walba oo yimaado shacabka Shiinaha ayaa waydiin jiray goorma ayaa la soo dhicin doonaa badda naga maqan iyaguna waxay ku jawaabi jireen wali waxaan dhalan fici soo dhicin lahaa. konton sano ayaa sidaas ku dhammaatay. Maanta ayay Shiine u muuqatay inuu leeyahay awood uu ku soo ceshan karo dhulka ka maqan wuxuuna habayn modow ciidan keenay meelihii la isku hayay. Sidaas darteed dowladda oo og inta aan soo sheegnay uma furna booto, hanjabaad iyo abuurid xaalad keento xariir xumaado oo u baahdo dhexdhexaadin iyo gacan saddexaad taaso ah midda Kenya u ordayso. Sida saxda aniga ila ah waa in af wanaagsan lagu hadlaa, la is dabciyaa la isuna muujiyaa in aynu nabad doonayno ilaa aan ka gaarno maalin aan awood nagu filan leenahay ama xukunka ICJ uu dhaco ama laga fursan waayo isdifaacid hubaysan. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: Humbaale.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka [...] Source
  21. Theresa May has said she will quit as Conservative leader on 7 June, paving the way for a contest to decide a new prime minister. Source: Hiiraan Online
  22. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe. Dikreetada ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur. Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan. Agaasimaha cusub ee isbitaalka iyo xubnaha kale ee la magacaabay ayaa sida qorshaysan xilka la wareegi doona maalinta berriya oo Sabtiya. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay appeared first on Puntland Post.
  23. By Liban Obsiye *The writer is the Chief Policy Coordinator of the Ministry of Finance of Somalia and a former senior adviser at the Ministry of Foreign Affairs. MOGADISHU Ever since President Recep Tayyip Erdogan’s first visit to Somalia in 2011, when he was Turkey’s prime minister, the relations between Somalia and Turkey has blossomed and strengthened. The two countries started regular high-level discussions, exchange of delegations and cooperation in international forums, including the United Nations. Turkey, no doubt, was the pioneer that first saw a promise in Somalia’s desperate plight, and today a strong bond of diplomatic and economic friendship that also addresses security issues exists between them. While all this was predictable from the sustained positive engagement at the highest levels of both the Somali and Turkish governments and private sectors, what surprises many observers is the strong people-to-people relations, which have also developed. Many observers saw the rapid development of the strong relationship between Somalia and Turkey as an infatuation that would end as quickly as it began, during which both sides would become consumed by their own internal struggles. Yet, despite both nations facing their own unique sets of challenges, cooperation remains strong, with people-to-people relations leading the way. Today, Turkish businessmen and aid workers drive around freely in Mogadishu with its main hospital, ports and humanitarian agencies all staffed by Turks, living among the Somali people. Moreover, Turkish goods, foods and service providers are sought after in Somalia and many traders are responding to this positively through cross- border investments, and in some cases through small joint ventures. Where once Somalis only focused on importing from China and Middle Eastern countries, today the focus is on buying Turkish for quality and design. Many shops in Mogadishu openly advertise that their goods are real Turkish goods and even name their shops after Turkish cities as if authenticating their products. The Somali diaspora and other diasporas with whom Turkey has strong relations are also buying Turkish products, including home furniture, food and clothes, more in their host countries, which contributes to the success of Turkish businesses’ successful entry into and survival in many European markets. Turkish companies are starting to become household names with Somali consumers everywhere. Somalis are global entrepreneurs and Turkey has many world-leading developed product markets such as textile, food and clothing. This creates a perfect business opportunity for both sides. While trade data is unreliable at best for now, the increase in Turkish products in Somali shops, homes and offices indicates that Turkish soft power is clearly working in Somalia. Furthermore, many Somalis, both diaspora and otherwise, have relocated to Turkey to live, work and establish businesses. While most are concentrated in Istanbul, the commercial hub, many others have settled in Ankara and other smaller cities. An increasing number of Somalis are now buying property in Turkey and have invested in businesses there too. Today, Istanbul has five Somali restaurants and this is a sign of not just investment, but an intention to settle and integrate from the Somali people, who are traditionally nomadic. Even for those that have not relocated to Turkey, it remains a popular tourist and health and well-being destination, which means even more cultural exchange and trade for Turkish businesses. What attracts most of these newcomers to Turkey is the opening up of the economy, the availability of visas from Somalia, the opportunity to invest and the ease with which they can purchase affordable homes while having European-standard services like education and health readily available. Moreover, the Somali people’s feelings of respect and gratitude towards Turkey make their relocation easier and rewarding. To illustrate this, the Global Somali Diaspora’s 3rd International Conference will take place in Istanbul in a short while, and this is the second time Turkey will be hosting the event. Somalis are now starting to learn Turkish and it is slowly but surely becoming a second language of choice in Somalia alongside Arabic and English. The Turkish schools in the country are seen as the best for education and opportunities, and the reliable annual Turkish academic scholarships are encouraging students to focus more on the Turkish language to increase their chances of success. There are currently over 2,000 Somali students pursuing university-level education in various Turkish academic institutions. As trade ties deepen between Somalia and Turkey, the Turkish language will no doubt take on further significance. Turkey took a chance on Somalia when many in the world had turned their backs on what was then considered as a failed state. Today, through the popularity of Turkish soap operas, food, goods and services, including higher education, Turkey’s reward for its vision and patience is clear. In Somalia, like many places across Africa and the developing world, Turkish soft power is working and producing tangible results for both sides. * Opinions expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect the editorial policy of Anadolu Agency. Source: Anadolu