-
Content Count
214,287 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug. Diyaaradda siday wafdiga ayaa si nabad uga degtay garoonka, iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Xaaf ay gaadiidka dagaalka la galeen garoonka, si aanay garoonka diyaarad uga soo degin, hase ahaatee warkaas ayaa waxba kama jiraan noqday. Wasiirka ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ahlusuna, rag ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia. Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna. Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Dhuusamareeb ayaa xaqiijinayo inuu Madaxweyne Xaaf galay go’doon siyaasadeed kadib markii ay Ahlu Sunna ku adkaysatay in ay dhageesaneyso qorshaha ay Dowladda wadato. Xaaf oo qorsheenayey inuu Galabta isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay Ahlu Sunna u wareegtay dhanka Dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inuusan ka bixi karin Magaalada. Xaaf ayaa Galabta kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayey inuu safarkiisa noqdo mid dhanka dhulka ah balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Ahlu Sunna oo ka codsaday inuu sii joogo. Wararka kale ee ugu dambeeyo wada hadalka Dowladda iyo Ahlu Sunna u dhaxeeyo diiradda lagu saarayo sidii Ahlu-Sunna u aqbali lahayd doorasho dhacdo taasi oo meesha ka saareysa Xaaf. Wararka ayaa sheegaya inay Dowladda halkaas geysay lacag u dhaxeyso 1.5 Malyan illaa 2 Malyan taasin ay diideyn Ahlu Sunna Wal Jameeca oo sheegay inaysan lacagtaas ku filneyn agoontii ay ka dhinteyn ciidamadii u dagaalamay Ahlu Sunna. Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna Wajmacaada ee Gobalada Dhaxe Sheekh Macalin Maxamuud Xasan ayaa heshiis qarsoodi ah la saxiixday Dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha Galmudug, waxaana muuqato inay Dowladda xataa ka baxday is afgaradkii hore ay la gaartay Macalin Maxamuud iyo lacagtii la isku afgartay. Macalin Maxamuud ayaa la ogaaday inuu Dowladda Soomaaliya la galay is afgrad ku aadan in Galmudug ay ka dhacdo doorasho si loo soo dhameeyo xiisadda u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo Maamulkaas. Sida illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimada Online, Macalin Maxamuud ayaa Dowladda Soomaaliya la afgartay inay bixiso 4 Malyan oo Dollar si uu Maamulka Ahlu Sunna uga dhaadhacsiiyo inay aqbalaan doorasho ka dhacdo Galmudug balse waxaa hadda soo baxayo inay Dowladda halkaas geysay lacag intaas ka yar. Sidoo kale Macalin Maxamuud ayaa Dowladda kula heshiiyey in wiilka uu dhalay ee Cabdisamad Macalin Maxamuud la siiyo xil warsiirka arrimaha gudaha ah. Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale Dowladda kula heshiiyey in Gabar uu dhalay loo magacaabo Safiir inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno wadanka Safiirka looga dhigi doono. Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka socdo wadahadlo xasaasi ah, waxaana la filayaa in illaa berri la heshiiyo ama lagu kala tago, sidoo kalana warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo inuu Xaaf Berri isaga tagi doono Magaaladaas isagoo saldhigan doono Magaalada Gaalkacyo. Xaalada siyaasadeed ee ka jirta Galmudug ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogeysatay, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Dozens of European citizens of Somali origin who joined the Islamic State terror group in Syria and Iraq want to go to Somalia due to European countries' reluctance to take them back. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Hassan has been described as one of the freedom fighters of Kenya who funded the nationalist movement Kenya African Union (KAU) and the Mau Mau, a major nationalist revolutionary movement that originally sought to reclaim land that the British settlers had taken away from them in the 1950s. Source: Hiiraan Online
-
Khilaaf dhinaca awoodaha sharci ansixinta ah oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhex taagnaa labada gole ee baarlamaanka Somaliland ayaa markan ku fiday golaha xukuumadda, oo isaguna dhankiisa qayb ka noqday weerarka iyo weerar celiska labada gole hore ugu socday. Sida ay dhigayaan shuruucda dalku xeerarka uu ansixiyo golaha wakiilada Somaliland waxa ay maraan golaha Guurtida oo mar labaad ansixiya, laakiin waxaa jira xeerar, aan marin oo sida uu golaha wakiilladu ku doodayo ah dhammaan xeerarka khuseeya arrimaha maaliyadda. Xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo daba socda eedo hore uga yimi golaha guurtida oo ah in wakiilladu ay xeerar aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha, ayaa golaha Guurtida ku eedeeyey in ay faragelin ku samaynayaan xeerar aanu sharcigu u fasaxayn oo uu golaha wakiillada meel mariyey, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin xeerka maaliyadda. Laakiin isla saacad gudaheed ayaa uu arrintan ka jawaabay xoghayaha guud ee golaha Guurtida Somaliland mudane Cabdirisaaq Aadan beegsi, isaga oo golaha wakiilada ku eedeeyey in ay madaxweynaha hadda iyo kuwii ka horreeyeyba u gudbiyeen xeerar aad u badan oo sidii sharcigu dhigayey aan la marin golaha Guurtida. Waxa se uu madaxweynaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu xeerarkaas qaar ka mid ah soo celiyey kaddib markii uu golaha Guurtidu u diray warqad uu ku wargeliyey in sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu gudbiyey. Xeerarka uu Xoghaye guud ee Guurtidu sheegay in loo tahriibiyey madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xukuumaddu dhaqangelisay iyada oo aan ku soo celin, waxaa ka mid ah; xeerka Hantidhawrka guud, xeerka kufsiga, xeerka maamuuska madaxweyeyaashii iyo madaxweyneyaal ku xigeennadii hore iyo xeerka qandaraasyada qaranka. Waxa aanu sheegay in uu dastuurku dhigayo in aanu xeerna sharci noqonayn illaa uu golaha guurtidu ansixiyo. Mar labaad ayaa ay xildhibaanno ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland, warbaahinta la hadleen waxa aanay marka garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in uu qariyey xeerar golaha wakiilladu ansixiyeen, kaddibna iyaga oo aan Guurtida marin u gudbiyeen madaxweynaha oo sidaas ku saxeexay. iyaga oo si gaar ah u magacaabay xeerka xawaaladaha. Garyaqaanka Guud ee qaranka mudane Cabdisamad Cumar Maal ayaa isla shalay hadlay oo isaguna iska fogeeyey eedahaas uga yimi xildhibaannada Guurtida. Garyaqaanka guud ee qaranku waxa uu sheegay in aanay jirin cabasho uga timi golaha guurtida oo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo xeerkaasi xawaaladaha. Mudane Maal waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska garyaqaanka guud ku sugnaa ay dhaceen in labada xeer oo aan soo marin golaha guurtida loo soo gudbiyey madaxwaynaha, balse eegis kadib ay dib ugu celiyeen golaha guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Dhinaca kale Garyaqaanka guud ee Somaliland waxa uu ka hadlay khilaafka sharaci ee ka dhex qarxay labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in xeerka Maaliyadda uu ansixintiisa iyo wax ka badalkiisu gooni u yahay golaha wakiilada, balse hadii ay arrinkaasi isku fahmi waayaan shirgudoonka labada gole, ay waajib ku tahay inay u gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. Haddaba, muranka ka dhextaagan labada gole ee baarlamaanka oo ah kuwa ka masuulka ah sharci dejitna iyo sida oo kale murankan cusub ee ka dhex aloosmay golaha Guurtida iyo xukuumadda oo dhaqangelisay xeerar aan marin Guurida, ayaa u muuqda in aanay ka maarmayn in la helo habkii uu murankoodu ku gaadhi lahaa maxkamadda sare ee dastuuriga ah oo ay tahay in ay fasirto, xalna ka gaadho muranka awoodaha sharci ee labada gole. Xukuumadda Somaliland ayaa ah hay’adda uu saamaynta ku yeelanayo muranka labada gole, maadaama oo uu madow badani gelayo xeerar madaxweynuhu saxeexay oo dalka lagu dhaqo ama hay’ado qaran ku dhisan yihiin, sidaa awgeed haddii ay labada shir guddoon ee labada gole baarlamaan oo aan weli arrintan ka hadlin ku guuldarraysteen in ay xal sharci ah gaadhaan, waxaa la sugayaa doorka ay xukuumaddu ku yeelanayso arrintan iyo sida ay uga shaqayso soo afmeerista murankan sii socoshadiisu shuruucda dalka khatarta ku tahay. In arrintan xaal mastuur lagu dhammeeyaana waxa ay keenaysaa mugdi gala guud ahaan sharciga, mustaqbalkana keeni kara muran la xidhiidha ansaxnimada shuruuc arrimo muhiim ahi ku dhisan yihiin ama muwaadiniinta saamayn toos ah ku yeelanaya. Geeska Qaran News
-
(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa la kulmay Safiirka Dalka Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr. Ralf Heckner, kaas oo fadhigiisu yahay Nairobi. Danjire Baashe Cawil ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in ay Safiirka Switzerland kala hadleen sidii dawladaha Somaliland iyo Switzerland u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadkooda gaar ahaan dhinaca horumarinta. Baashe Cawil waxa kaloo uu intaas ku daray inay Danjiraha Switzerland ay sidoo kale isla soo qaadeen wada hadalkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
(SLT-Boorama)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha. Wasiirka Beeraha oo Maanta La hadlay Telefiishanka HCTV isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ka dillaacay Bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay.” Wasiir Seed wuxuu sheegay inay qaylo-dhaan u direen hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha “Xalay markaanu arka helnay waxaanu si deg-deg ah Emaillo ugu kala dirnay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa oo fadhigeedu yahay Itoobiya, jawaab deg-deg ahna waan ka sugayaa, si ay inooga caawiyaan Aafadaa Dalka ku habsatay.”ayuu yidhi Source
-
(SLT-Baqdaad)-Dhowr qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay masaajid ay leedahay shiicada oo ku yaalla magaalada caasimada ah ee Baqdaad sida ay booliska Xaqiijiyeen. Qaraxaan ayaa salaadii jimcaha ee maanta ka dhacay masaajidka Imam Mahdi al-Muntadhar ee ku yaalla xaafada Baladiyat ee ka tirsan degmada Sadr. Taliye ka tirsan ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Ahmed Khalaf ayaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu in nin watay jaakada uu isku qarxiyay Masaajidka. Captain Axmed ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen 10 qof oo ku sugnaa gudaha masaajidka, inkastoo wararka kale ay sheegayaan in dhimashada ay intaa ka badan tahay. Ma jirto ilaa iyo hada cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada Weerarkaan. Dalka Ciraaq ayaa mudo sanado ah la daala dhacay amni-darro baahsan iyo weeraro ku saleysan dhanka diimaha oo lagu dilay kumanaan qof. Dowlada Baqdaad ayaa sanadkii 2017 sheegatay inay ka adkaatay kooxda la magac baxday dowlada Islaamka, walow taasi ayna baajin weerarada lagu qaadayo goobaha ay dadweyanaha iskugu Yimaadaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa waraysi lala yeeshay waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin ay bulshadii kala qaybiyeen, waxa kale oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay heshiiskii kaga baxday Khaatumo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Soomaalida ee Ethiopia lagu aasay abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo bilowgii todobaadkan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa. Abwaanka ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, waxa uu ka tagay 23 carruur ah iyo laba xaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey guddi u saartay in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho, hase yeeshee arrintaas ma dhicin waxaana dad badan layaab ku noqotay in abwaanka lagu aaso magaalada Jigjiga. Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegaya in sababta abwaanka loogu aasay Jigjiga ay tahay codsi ka yimid qoyskiisa. Waxa uu sheegay in dowladda ay isku dayday abwaanka aas qaran loogu sameeyo Muqdisho, hase yeeshee qoyskiisa ay aad ugu adkeysteen in abwaanka lagu aaso Jigjiga, lana aqbalay. Hoos ka dhageyso codka Maareeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Wasiir-Maareeye.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Reports, Turkey Will Allow Entry To Somaliland Passports There are unconfirmed reports that the Turkish government has decided to accept the Somaliland passport as a means of entry into to their country with a visa. These reports suggest that the Turkish government, who had previously refused to honor the Somaliland passport have had a change of mind. Presumably, their desire to facilitate any future talks between Somaliland and Somalia, as well as, the economic viability of doing business in Somaliland, may have had something to do with this new direction. If these reports are accurate, Turkey will join, Ethiopia, Djibouti, Kenya, South Sudan, United Arab Emirates, South Africa, Belgium, France and the United Kingdom as the other nations in the world who permit the use of Somaliland passport ( with a Visa) to entry their territories. There has so far been no comment from the Somaliland Foreign Ministry. Qarannews.com Qaran News
-
New York Times “Trump Orders Strike On Iran, Then Flip-flops” According the New York Times, President Donald Trump ordered a retaliation attack on Iran, after a US Drone was allegedly shot down over the Straits of Homuz by Iran. However, according the newspaper, the President changed his mind when US fighter jets entered Iranian airspace. There was has been no official comment from the United States government, however, recent noises coming from the White House and the Trump administration have been quite belligerent towards Iran. After the US Drone was shot down over the Straits of Hormuz, President Trump met with his State Secretary, Mike Pompeo and National Security Advisor, John Botlon, to formulate a response to the alleged downing of the $130 million intelligence gathering Drone. The Speaker of the House of Representative, Nancy Pelosi, has stated that the United States of America should not rush into a conflict with Iran, and the Trump administration should explore all diplomatic channels to try and defuse the situation. The Straits of Hormuz and the Arabian Sea have recently seen a spate of attacks on merchant ships by unknown protagonist, with all sides accusing each other of these attacks. Qarannews.com Qaran News
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wasiirka iyo wafiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana u jeedka socdaalkooda ay la xiriirtaa sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo ay kala hadlayaan hanaanka ku saabsan doorashada Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in doorashada Galmudug ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isla markaana la qabto shirweyne dib u heshiisiineed, maadaama muddada xilheynta dastuuriga ee Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July ee sanadkan. Dowled gobaleedka Galmudug Ayaana ka soo horjeestay warqad dhawaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaga iyo federaalka dalka, ayadoo aan la ogeeyn waxa uu soo kordhin doono socdaalka wasiirka uu ku gaaray Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug, inkasta oo uu diidanaa madaxweynaha maamulka Galmudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Diyaaradda wafdiga siday ayaa garoonka ka degtay kadib markii laga saaray ciidamada uu soo diray madaxweyne Xaaf oo doonayey inay ka hortagaan imaanshaha wafdiga. Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna. Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sida la sheegay diiday amarka madaxweyne Geelle isaga oo ka codsaday in lala hadlo wafdiga xukuumadda Soomaaliya ee maanta tegey Dhuusamareeb, kaddibna wixii uu la yimaado laga qaato go’aan mideysan. Illaalo katirsan kuwa madaxweynaha Galmudug oo tegey Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa si ay u fuliyaan amarka madaxweyne Xaaf ayaa dib looga celiyey garoonkas diyaaradaha ee Dhuusamareeb. Madaxda Galmudug ee ka soo gashay dhinaca Ahlu-Sunna ayaa dalbaday in Wafdiga xukuumadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha laga dhegeysto ujeedkooda kaddibna Ra’iisal wasaare Kheyre oo la filayo in uu tago Dhuusamareeb lala hadlo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (SMN) – Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya. Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa ay ka qeybgaleen aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addis Abba. Maanta ayaa Abwaanka lagu aasay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isag oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka. Alla ha u naxriistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahu Ciise(Singub) ayaa taariikh fcaweyn ku leh Soomaaliya,gaar ahaan wacyigelinta bulshada,iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka. View the full article
-
Dhuusomareeb (SMN) – Iyadoo War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Galmdugu Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) lagu mamnuucay in diyaarado sida wafdi la socda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka soo dagaan Galmudug ayaa waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in markii hore gaadiid dagaal oo taabacsan madaxweyne Xaaf ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan dhaq dhaqaqaaqa garoonka diyaaradaha magaaladaasi, si ay u hor istaagaan wafdiga wasiirka, hayeeshee waxaa arrintaasi ka soo horjeestay Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan halkaasi. Sidaas daraadeed waxaa meesha laga qaaday Ciidamadii Xaaf, iyadoona si nabad ah Wasiir Sabriye uu ku galay gudaha magaalada Dhuusomareeb. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan wasaaradaha arrimaha gudaha ay war ka soo saartay doorashada uu khilaafka ka jiro ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
