Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ayaa maanta la horkeenaya Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” oo loo haysto in uu ku labistay dhar calanka Soomaaliya ka samaysan. Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay 7 maalmood oo Rumaan ah ( xabsi ku sii hayn) u jartay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar, oo ciidamada Boolisku Hargeysa ku xidheen isagoo gashan dhar Calanka Soomaaliya ka samaysan. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa baraha Bulshada ayaa si wayn loogu hadal hayay xadhigga nin dhallinyaro ah oo lagu xidhay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xidhay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya ee buluugga ah. Source
  2. (SLT-Nairobi)-Madaxa golaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka magaalada Garissa Mr Aden Bare Ducaale ayaa sheegay in xilka aan laga qaadi doonin wasiirka Amniga Kenya. Mr Ducaale oo warbaahinta kula hadlay xafiiska uu ku leeyahay magaalada Nairobi Khamiista maanta, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in xildhibaano ka tirsan xisbiga Jubulle ay qorsheynayaan xil ka xayuubinta Fred Matiangi. Wasiirka amniga ayaa maalmihii la soo dhaafay warbaahinta gudaha Kenya ay hadal heysay in uu ka mid yahay mas’uuliyiin Imaaraadka uu ku eedeynayo in ay qeyb ka ahaayeen lacago dahab been abuur ah looga qaatay ganacsato u dhashay Carabta. Xildhibaanka Garissa ayaa meesha ka saaray arintaan waxaana uu sheegay in aysan jirin mooshin ka dhan ah Matiangi hadii uu soo baxana uu noqon doono shaqsiga ugu horeeya ee difaaci Doona. Maalintii isniinta ee todobaadkaan ayey aheyd markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo wasiirka amniga Fred Matiangi lagu eedeyay in imaaraadka ay u iibgeeyeen dahab aan sax Aheyn. Aden Bare Ducaale ayaa ah afhayeenka xisbiga haya talada Kenya ee Jubulle gaar ahaan garabka madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto. Source
  3. Guriceel (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Degmada Guraceel ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka maamulkaas ay qabteen Nin doonayay in uu is qarxiyo. Ciidamada Galmudug ayaa munaasibad lagu xusayay Askarta Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalka Al-shabaab ku qabanayay magaalada xilliga Ninkaas la qabanayay. Waxaa kulanka ku sugnaa Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari). Ninkan ayaa la sheegay inuu ka soo gudbay baaritaanka, waxaana ninkan oo soo galay hoolkii ay fadhiyeen Madaxda uu isku dayay inuu isku qarxiyo, balse ay u qarxi weyday, waxaana isagoo jaakadii qaraxa u xirneyd la xarbinayay ka hortagay Ilaalada Ahlusuna oo isku duubay, garba duubna u xiray. “Nin ordayey oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa laga qabtay mar uu ku dhawaaday goob madaxda gaariga ka raacayeen kadib markii Munaasabadda Shuhadda ay soo idlaatay,basle askari naftiisa huray ayaa ku booday ninka doonayay in uu is qarxiyo ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusuna ay ninkan ka fureen jaakadii qaraxa uu xirnaa, isagoo laga saaray goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Ahlusuna oo ninkan ku hareereysan, isla markaana gacmaha iyo lugaha ka hayay. Ahlusuna ayaa sanad walba 17-ka Ramadaan waxay qabtaan Munaasabad ay ugu magac dareen Maalinta Shuhadada oo ay ku xusaan dagaalyahanadii uga geeriyootay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab 10 sano ka hor.
  4. Ciidanka Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa sida la sheegay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qabtay nin doonayey in uu isku qarxiyo goob ay ka socotay munaasabad ay dhiganayeen Ahlusunna. Ninka ismiidaaminta doonayey oo ka soo gudbay baaritaannada ayaa gudaha u galay hoolkii munaasabaddu ka socotay oo ay fadhiyeen madaxda u sarraysa Ahlusunna balse waxaa sida la sheegayo u qarxi wayday jaakaddii uu isku miidaamin laha waxana markiiba qabtay ciidanka ilaalinayey amniga goobta. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay kala furan qaraxyadii ku rakibnaa ninkaasi doonayey in uu isku miidaamiyo hoolka munaasabadda. Munaasabadda maalinta Shuhadada ay u bixiyeen Ahlusunna ayey ku xusaan dagaal-yahanno kaga geeriyooday dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen gobollada dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Nin isku qarxin lahaa madaxda Ahlusunna oo la qabtay appeared first on Puntland Post.
  5. Shaqada goolhaya ma ahan mid fudud waxa ay ka mid tahay tan ugu adag ay qabtaan dadka bartay xirfadan qubarada ciyaaraha waxa ku sheegaan in goohayaha uu kaalin weyn ay ku lee yihiin ciyaaraha kubbadda cagta. Macalimiinta farsamada u qaabilsan goolhayaasha Xiriirka kubbadda cagta ayaa da’daal badan ku bixinaya horomarinta goolhayaasha dalka,iyagoo tababaro kala duwan siiya dhallinyarada shabaqa u ilaalisa kooxaha kubbadda cagta iyo heerar kala duwan ee xulka Qaranka Soomaaliya. Xasan Faarax Axmed waxa uu ka tirsanyahay macalimiinta inta uga badan tababarka siiya goolhayaasha kubbadda cagta Soomaaliya waxa uu Goobjoog u sheegay in goolhayaasha uu saaranyahay waajib adag maadaam ay kaalin weyn ku lee yihiin isku xirka kooxda oo dhan. Goolhayaasha kooxaha kubbadda cagta oo tababar adag ku sameeya garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan ayaa inoo sheegay in xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya uu da’daal badan ku bixiyo aqoonta iyo kor u qaadida goolhayaasha si ay ula jaanqaadan dhigooda qaarada Afrika iyo kuwa caalamka. Cabdi Wali ColaadQanyare (Gaatamow) oo horay ugu soo ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Muqdisho City Club ayaa qeexay in goolhayaasha kubbadda cagta ay waqti kasta la baro wixii ku soo kordhay caalamka iyagana laga rabo wixii lagu tababaray in ay ku dabaqaan tartamada ay ka qeybgalayaan gudaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Goolhayaasha Kooxaha Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dil Shalay Ka Dhacay Deegaanka Ceelafweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceysay gantaal la sheegay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay u rideen dhanka magaalada Makka Al Mukarama. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Allah ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda” Kooxda Xuutiyiinta ayaa beenisay eedeumaha Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah. “Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook. Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya
  8. (SLT-Hargeysa)-Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa qormo xasaasi ah wuxuu ka qoray beel lagu eedeeyo Soomaaliya iyo cidda ku eedaysa. Muniir Axmed Cigaal oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga wuxuu u dhignaa sidan: “Ilaa markaan gaashaan qaaday horaanti Sagashamaadki waxan ku kacaamay West Burco Clan waa Soomaliwayn…. Marar badan waxaan is waydiiyay siday Soomaliwayn ku yihiin ma qaybo beeshaas ah ayaa Jubbooyinka la haysta amma degan. Ololihii Doorashadii 2017-kii Kalmadii ugu waynayd ee Murashaxii KULMIYE xanbaartay waxay ahayd “West Burco Clan lagu aamini maayo Jamhuuriyadda Somaliland “ Oo waayo inta yadii tidhina dheg jalaq looma siin, Somaliland ta kale ma lahayn ee Isaaq uunbay ahayeen wixii laha . December 2016-kii ayaanu annagoo ah Waftiga Xisbiga WADDANI waxaanu safar shaqo ku tagnay Caasimadda Dalka KENYA ee Nairobi, Wafti ballaadhan oo Somaliland oo dhan ka kooban ayaanu ahayn sidaad Sawirka ka aragtaan, markiiba waxa la yidhi Siyaasiyiin Soomaliwayn ah ayay Waftigii WADDANI Nairobi kula kulmeen. Dadka suuqu iskamay odhane Murashaxii KULMIYE Muuse Biixi oo hadda Madaxweyne ah ayaa yidhi “Waa In labada Gole Deg Deg isugu yimaadaan khiyaamo Qaran ayaa dhacday waayo Madaxdii WADDANI ayaa Nairobi xubno Soomaaliya ah ku arkay oo kula shiray“. Alle waa ogaa IGAD iyo Midawga Yurub iyo Midawga Afrika iyo Beesha Caalamka Safiiradooda oo Maraykanku ku jiro ayaanu la kulanay. Markii aanu ka hadalnay gaar ahaan aniga Iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa la yidhi “idnka Huteelka ayaa laydinka tagay oo Dr. Maxamed Fadal, Guddoomiye Cirro iyo Siyaasi Ismaciil Buubaa ayaa shirka galay .. Waa saddex xubnood oo Waftiga ka mid aha oo isku beel ah. Haddii hadaba maanta Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu si kasta ula kulmaam Farmaajo iyo siyaasiyiinta Soomaliwayn Sharci ka yaala iyo cid ku shaanbadaynaysa ma jirto, bal iska daaye waxa la odhanaya “Qaranka ayay u shaqaynayaan waa Mujaahidiin oo loo war wari maayo”. Guddoomiye Cirro-na markii Soomaliya ay dhaaftay Qatar buu la kulmay ayaa bahalo galin laynooga dhigay . Haddaba Mar haddii waxa waxan isku samaynayaa Isaaq dhexdiisa tahay, siyaasad maha ka sii gundheer xeeshu, Ninka Walalkaa ah ee aad mar hore gacani kaga dhacday arrinkaas ee laga heshiiyay ee Dastuurka aad u wada codayseen ee Halgankii kula halgamay ee hadduu doono ka dhimashada badnaa ee hadana aad Doorasho isagoo kula galayaa tidhi meel aad wada leedihiin ku aamini maayo ee ay ku shaqaysay ee ku dhacay, ee aanad ka raali galin markaad soo baxday ee kursigii timi ee hadana isagoo dhacay oo aad ku fogaysay Calankale & Dalkale ayuu la haysta wali aad ku sii wado ee Xanteena waxba inooma kala qarsoone wali aad leedahay waa Soomaliwayn, ee aadigu aad maalin walba la kulmayso kuwaad isaga ku nabayso waa laba mid uun. In kuwa Soomaliwayn lagu eedaynaayo inay yihiin (Beesha West Burco Clan ) ay iyagu waalan yihiin ileen haddii kale garbay u dhigan la hayeen oo amma waa lagu cadayn laha amma Edab darrada mar danbe loo lama yimadeene iyo in Isaaqa kale waalan yahay oo garan la yahay waar Nimankan ka hadha aad walaalaha tihiin waa labada mid uun, qodob saddexaad ma jiro. . Haddaba amma West Burco Clan ayaa miyirsan oo Gole madalwayn oo Somaliland joogto u dhigan Isaaq, amma Isaaqa kale ayaa miyirsan oo dib isugu noqon labadaa mid ayay noqon doonta, haddii kale waligeen waxaynu ku jirin WADDANI waa qaran dumis iyo Waa Halkii Madaxweyne Muuse Biixi WADDANI iyo tageerayaashiisu ha ku qancaan 18 May iyo wax la mid ah oo Somaliland aanay ku sii jiri karin.. . Ramadaan Kariim Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  9. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay gantaalo lagu riday magaalada Makka appeared first on Puntland Post.
  10. Ciidamada Ahlusuna ayaa maanta gacanta ku dhigtay nin doonayo inuu isku qarxiyo munaasabad lagu xusayay markii kooxda Alshabab laga saaray gobolada Ahlusuna ay ka arrimo [...] Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya. Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo. Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira. Sanadka soo socda ayay sheegtay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay,isla markaana lagu kala ogaan karo in marka la gaadho sanadka 2020/2021 ay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen. Si kastaba hadalkaan kasoo yeedhay dowladda Uk ayaa kusoo aadaya xilli mudo laga joogo in ka badan 5 Bilood ayna Soomaaliya wax Wakiil ah u joogin Qaramada Midoobay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ceydhisay Wakiilkii xiligaas ee Danjire Nicholas Haysom. Source
  12. Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan.” Sidaas waxa yidhi suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex ka taagan Xisbiyada Qaranka ee salka ku haya qabsoomida Doorashooda iyo Komishanka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Somaliya “Nin Siyaasi Koonfur ahaa oo la odhan jiray Oday Laangadhe, ayaa maalin yidhi “Reer Waqooyi haddii aad tihin, dawladnimadii baad noo keenteen, idinka oo wax shuruud ah ku xidhin, Caasimaddii Muqdisho ayey noqotay, Madaxweynihii Muqdisho ayuu noqday, xilalkii cuslaa reer Koonfureed baa qaatay, idinkuna waxba kamaad soo qaadin, oo waad ka doodi weydeen, waxaas oo dhan oo aad noo keenteen, waxaanu idinku bedelnay aargoosi”, markaas waxaa dhab noqday hadalka uu ninkaasi siyaasiga ahi hore u sheegay, dawladnimadii aynu Xamar geynay, aargoosi, xasuuq iyo cadaawad baynu ka dhaxalnay,inaynu dib ula soo noqono xoriyadeenana bilaash kumay iman, ee dhiig baa u daatay, halgan baynu u soo marnay, haddii aynu awal si qasab iyo juujuub ah aynu ugu dabaal degi jirnay oktoobar, oo wax inaga galay aanay jirin, maanta inaga oo xor ah ayeynu u dabaal degaynaa 18 may, oo ah maalin inoo suntan, waxaana leeyahay halkan lagama rabo cid Somaliya doonaysa, ee Somaliland cid doonaysa ayaa laga rabaa, Hargeysa oo mar dambe Xamar looga talinayo Shacabka reer Somaliland dhimasho ayey ka xigaan, ee Maamulka Xamar ka taliya waxaan leeyahay cago dhigta,hore ayaanu idiin baranay, aargoosi dambe iyo cadaawad dambe uma taag hayno, ee sidaas aynu ku ahaano laba dal oo jaar ah”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Ilaa hadda Xisbiyadu wey is hayaan, inta ay is hayaana waxba inoo hagaagi mayaan, Doorashana inoo dhici mayso, ee Xisbiyadu waa inay heshiis ka gaadhan waxay isku hayaan, markii hore nidaamka loo sameeyey Komishanku wuxuu ahaa nidaam cadaalad daro ka muuqato, maxaa yeelay marka uu Madaxweynuhu laba xubnood magacaabo, Golaha Guurtiduna laba xubnood magacaabo,Xisbiga hadba Muxaafidka ahina uu hal xubin magacaabo, Xisbiyada Mucaaradku min hal xubin magacaaban, waa cadaalad daro, waxaana loo baahna inay Xisbiyadu si siman u qaybsadaan xubnaha Komishanka, sidaas oo ay yahay imikana waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo, oo xal umadda dan u ah la wada gaadho” Qaran News
  13. (SLT- Mississippi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in isaga oo sakhraansan uu tacaddi u gaystay xaaskiisa, isaga oo qoonsaday in ay wakhti dheer ku qaadatay in ay dharka iska bixiso markii uu damcay in uu u galmoodo. Doug McLeod oo 58 jir ah ayaa la xidhay habeenkii Sabtidii, isaga oo loo haysto in uu ku xadgudbay xaaskiisa. Xubnaha ay xisbiga Jamhuuriga ka wada tirsan yihiin ee gobolka ayaa ku baaqay in McLeod uu si degdeg ah isu casilo haddii eedaymaha loo soo jeedinayo ay run yihiin. McLeod oo ah aabo saddex carruur ah dhalay ayaa diiday in uu durba u jawaabo, ka dib markii ay BBC-du la xidhiidhay. Booliisku markii ay tageen gurigiisa oo ku yaalla Lucedale oo 240km u jira caasimadda gobolka ee Jackson, waxay arkeen in McLeod uu sakhraansan yahay, dhalo khamri ahna gacanta ku haysto, sida ku cad warbixinta rasmi ah ee masuuliyiinta, sida uu soo xigtay wargeyska Sun Herald. Waxaa la sheegay in marka McLeod la kaxaynayay uu hadalka kari la’aa “tallaabadana uusan si fiican u qaadi la’aa”. Markay booliisku u sheegeen in loogu yeeray tacaddi uu gaystay waxaa la sheegay in uu yiri “Miyaad igu ciyaaraysaan”. Wargayska Clarion Ledger ayaa sheegay in marka ay askartu tagtay guri xildhibaanka ay ugu tageen xaaska McLeod iyo haweenay kale oo guriga ku dhex jira cabsina ay ka muuqato. Haweenayda kale ayaa booliiska u sheegtay in ay qolka ugu soo gashay xaaska McLeod oo wajiga ka dhiigaysa. Qolkii ayay hoosta ka xidheen wuxuuna billaabay in uu ku garaaco albaabka, isaga oo ku hanjabay in uu nafta ka qaadi doono haddii ayna albaabka ka furin. Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu gabadha sanka ka feedhay, uuna qoonsaday in ay durba dharka iska bixinwayday markii uu damaaciyay. Warbixinta booliiska ayaa sheegaysa in dhiig lagu arkay sariirta iyo qolka jiifka ee qoyskaas. Xaaska ayaa sheegtay in ayna u baahnayn gawaadhida gurmadka degdegga ah, gabadheeduna ay cisbitaal gayn karto si ay dhakhtar u aragto. McLeod ayaa lagu sii daayay damaanad 1,000 doolar ah. Source
  14. The fight for resources by Somali leaders has put Kenya’s interests at risk, with the Somali Parliament pushing for the withdrawal of the Kenya Defence Forces. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Nairobi)-Iyada oo uu jiro Khilaaf dhinaca Diblumaasiyadda ah oo ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlaayo inuu socdo qorshe la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya, laguna bedelo kuwa Itoobiyaan ah. Warbixinta Wargeyska uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay qorshaha la doonaayo in Ciidamada Kenya lagaga saaro Soomaaliya inuu wado Agaasime Ku xigeenka Nabad Suggida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haysta Baasaboorka dalka Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in la doonaayo Ciidamo Itoobiyaan aanan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom in lagu wareejiyo Dakadda iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, islamarkaana laga saaro Ciidamada Kenyatigga ee hadda ku sugan. Sidoo kale Wargeyska ayaa sheegay madaxda dowladda inay doonayaan shaqsi ay wataan inay geeyaan Maamulka Jubbaland oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Doorashada Maamulkaasi. Maqaalka ayaa intaas ku daray in haddii sida Fahad iyo Farmaajo wax u wadaan ay u dhacdo meeshana laga saaro Axmed Madoobe ay danaha Kenya ee Soomaaliya halis galayaan. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ugu sarreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ay doonayaan in Ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya isaga baxaan Amisom, islamarkaana Maamulka Jubbaland loo dhiibo qof aan ahayn Axmed Madoobe oo xulafo dhow la ah Kenya. Source
  16. (SLT-Moscow)-Xukuumadda Moscow ayaa cadho ka muujisay wakhti la sheegay in Mareykanka uu u qabtay Turkiga, si uu uga laabto heshiis uu ku iibsanayo habka difaaca gantaallaha Ruushka ee S-400, taa beddelkeedna uu iibsado midka Mareykanka ee Patriot. Ruushka ayaa tallaabada ku tilmaamay waxaan la aqbali karin,iyaga oo marka ka jawaabay warbixin uu baahiyey taleefishinka CNBC oo sheegtay in Washington ay Turkiga siisay kaliya laba toddobaad si ay heshiiska Ruushka uga laabto, mid cusubna ula gasho Mareykanka, ama ay wajihi doonto ganaax culus. Turkiga iyo Mareykanka ayaa muddo isku hayey arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto go’aanka Ankara ay ku iibsaneyso habka S-400, kuwaas oo aan la shaqeyn karin nidaamka NATO. Washington ayaa sheegtay in haddii heshiiska Ruushka uu dhaqan-galo ay waxyeeleyn doonto kaalinta Turkiga ee dhismaha diyaaradaha F-35, oo ay sameeneyso shirkadda Mareykanka ee Lockheed Martin. “Tani waxaan u aragnaa arrin aad u xun, waqtiga la qabtay waa mid aan la aqbali karin, waxaana ku raacsanahay mowqifka Turkiga, gaar ahaan madaxweyne Erdogan ee ah in heshiiska S-400 mar hore lasoo geba gebeeyey, lana fulin doono”. sida waxaa yidhi afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, Dmitry Peskov. Wasiirka difaaca Turkey ayaa Arbacadii sheegay in Ankara ay isku diyaarineyso cuna-qabateyn kaga imanaysa Mareykanka, sababo la xiriira iibsashadeeda habka S-400. Source
  17. History was made this past weekend when, for the first time, Metro Transit police had a shift made up entirely of Somali-American officers. Source: Hiiraan Online
  18. (SLT-Nairobi)-Guddiga musuqmaasuq la dagaalanka Kenya ayaa baadhitaan ku sameeyay hantida Ferdinand Waititu oo ah badhasaabka deegaanka Kiambu, arrintaas ayaana loo arkaa mid ahmiyad leh. Waititu ayaa lagu yaqaannaa handadaad iyo dabeecado qalafsan – balse wuxuu xulafo xoog badan la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaas oo isaguna ku tiirsan taageerada siyaasadeed ee uu gobolkaas uga keeno. Warbaahinta gudaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wax ka qorayay hantida Waititu oo ay ka mid yihiin hanti maguurto ah oo uu ku leeyahay magaalooyinka Kiambu iyo Nairobi. Waititu ayaa iska difaacay eedaymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in hantidiisa aysan ku soo galin si sharci darro ah, isla markaasna uu sheegi karo raadkeeda. Madaxweyne Kenyatta ayuu cadaadis isa soo taraya haystaa isaga oo loogu baaqayo in uu hadalka ka gudbo, waxna ka qabto musuqmaasuqa baaxadda wayn ee ay ku kacaan masuuliyiinta dawladda. Hadda guddiga musuqmaasuq la dagaalanka ee magaciisa loo soo gaabiyo EACC ayaau jihaystay mid ka mid ah xulafadiisa, balse waxaa la arki doonaa in arrintaasi ay horseeddo in dacwado lagu soo oogo. Source
  19. Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xiisadda ka taagan gobolka Sanaag iyo dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaasi, iyadoo lagu waramayo in ciidamo maleeshiyaad ah ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Sanaag. Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa kulan deg deg ah ka leh xiisadda kasoo cusboonaatay deegaanada gobolka Sanaag, iyaga oo kulankooda kadib soo saari doono waxyaabaha kasoo baxa. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Maleeshiyaadka ah ay la wareegeen deegaanka Badhan iyo deegaano kale oo hoostaga, waxaana ciidamadaasi la sheegay inay ka amar qaadanayaan Puntland. Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dhawaan tegay deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,hayeeshee waxaa dagaal kala hortegay Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,taas oo keentay in maleeshiyaad hubeysan ay deegaankaas tagaan. Kulanka golaha wasiirada ayaa waxaa warbixin looga dhegaysan doonaa xubno uu kamid yahay wasiirka waxbarasahda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo xilli uu kormeer kujirey ay ciidanka Somaliland isku ku dagaalameen deegaamo kuyaal duleedka Ceerigaabo. Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag waxaa isku heysta Maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana marar qaarkood ka dhac dagaalo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan labada dhinac oo isku haysta cida maamulaysa. Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  20. Militant group Al Shabab exploded a suicide car bomb and killed at least nine people, including Somalia’s former foreign minister, near the presidential palace in the capital on Wednesday, police said. Former foreign minister Hussein Elabe Fahiye, who was an advisor to the current president, was among those killed in the blast. Another 13 people were wounded and most of the casualties were soldiers. Al Shabab said in a statement it had targeted a convoy escorting officials and lawmakers heading to the presidential palace. “A car bomb blast struck at a checkpoint near Daljirka; there are some casualties including members of the security forces,” said security official Abdukadir Ahmed after the attack in the south of the city. “I saw the bodies of three people among them a military woman,” said witness Mohamed Saney. “Several vehicles were destroyed in the blast and ambulances rushed to the scene to collect wounded people.” “In the past, I was wounded in this area, and again today my daughter has been killed in this attack which also destroyed my home. This is terrible,” witness Madey Ahmed said. Amid the crumpled vehicles and tangled metal roofing, a small corps of yellow-vested workers carried bodies and began sweeping the dusty street. Al Shabab militants have been fighting for more than a decade to topple the government. They fled positions they once held in Mogadishu in 2011, and have since lost many of their strongholds. But they retain control of large rural swathes of the country and continue to wage a guerrilla war against the authorities. View the full article
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay sharciga Baatroolka ee dhowaan ay ansixiyeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona sheegtay in sharcigaasi uusan sinaba u quseyn maamulkeeda. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal oo ka hadlayey arrintaasi, ayaa waxa uu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid lagu cunaqabateynayo Somaliland oo ay u arkaan dagaal dhaqaale. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ay markasta caqab ku tahay horumarka Somaliland, isagoona sheegay in sharcigaasi uusan wax saameyn ah ku yeelaneyn shirkadaha batroolka ee maamulkoodu la galay heshiisyada. “Wixii Soomaaliya ay qabsaneyso ee shacabkeeda ugu daneynayso oo ay isku raacsanyihiin, anagu waxba kama qabnee waanu ku hambalyeeynayna, laakiin waa Soomaaliya, wad ogtihiin oo caalamkuna wuu ogyahay Somaliland xoriyadeedii 1991-kii ayey lasoo noqotay, Somaliland Federaalka Soomaaliya kuma jirto, markaa sharciyan iyo siyaasiyan labadaba Somaliland kuma jirto” ayuu yiri Wasiir Jaamac Cigaal. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waa kayaan jira oo heshiisyo la gala Caalamka, wey isku dayeen inay bur-buriyaan ama la dagaalaman heshiisyada caalamka ee hore loo galay, Dowladan daala-dhaceysa ee Farmaajo wey isku deyday inay la dagaalanto horumarka u soo kordhaya Somaliland iyo heshiisyada ay gashayba, iyadoo malaha isleh cunaha goo ha baqtiyaane, laakiin wey u socon weyday”. Wasiirka ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay in Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee lagu dhisayo Xeerkaasi, aysan Somaliland waxba uga jirin, isagoona ka dhawaajiyey in marka hore Koonfurta Soomaaliya ay sameysato wax ay iyagu u dhanyihiin. Sharciga Batroolka ee Somaliland ay iska fogeysay ayaa waxa hore muran badan ka keenay maamuul goboleedyada dalka, kuwaasi oo si cad uga horyimid. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Warsaxaafadeed Villa Somalia kasoo baxay Xukuumadda Villa a Soomaaliya waxa ay si kulul u dhaleeceyneysaa gantaal loo genay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxa ayna [...] Source
  23. Puntland and Galmudug states of Somalia have jointly agreed to cooperate on security following a high-level meeting in Galkayo on Wednesday. The leaders of the Puntland and Galmudug state, Said Abdullahi Dani and Ahmed Duale Gelle have held talks in northern part Galkayo town. According to the communique issued late Wednesday, the leaders discussed wide ranges issues affecting both states. Among the issues discussed is security, means to resolve recently clashes in villages on the border of the states and politics. The two leaders agreed to work on enhancing both states and collaborate against challenges facing the states. Both sides accepted the completion and implementation of security agreements which previously inked by the states. The communique called for immediate mediation of rival clans in the villages on the border. A joint ministerial committee from both sides to work on security and political issues will be formed, according to the communique. Galkayo is divided into two zones, where the northern portion forms part of Puntland state, while its southern part is governed by the Galmudug administration. View the full article
  24. Ciidamada didaaca Puntland ayaa heegan buuxa uga jira iskuday kasta oo kaga yimaada argigixisada Alshabab ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmadow. Ciidamada ayaa hadda howlgallo ka [...] Source