-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawladda Kenya ayaa xidhay Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya. Xidhitaanka Xuduudda Kenya ay Soomaaliya kala wadaagto dhinaca deegaanka Lamu ayaa Boolisku sheegay inay tahay sababo amni dartood iyo in lagaga hor-tagayo hawl-gallada Kooxda Al-shabaab ee dhanka Soomaaliya ka soo weerarra Kenya. Taliyaha Booliska deegaanka Lamu Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in xuduudka aanay ka gudbi karin Dadku, marka laga reebo Ciidammada Amniga. Sidoo kale, waxa la mabnuucay in Dadka deggan Tuulooyinka ku teedsan Xuduudka ay iswaydaarsadaan wax Ganacsi ah, waxaanu Taliyaha Booliska Lamu sheegay in Ciddii jebisa Amarradaasi ay Ganacsigooda waayi doonaan oo lala wareegi doono, sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation. Masuuliyiinta Kenya waxay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Kenya Alaabooyin Sharci-darro ah, kuwaasi oo ay qaarkood yihiin kuwo la been abuuray (Fake). Waxa kale oo ay sheegeen Masuuliyiinta Kenya ee Wargeysku soo xigtay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Dad iyo Maandooriyeyaal la Tahriibinayo, kuwaasina ka mid yihiin sababaha loo xidhay xuduudka. Qaska xuduudka Soomaaliya iyo Lamu-Kenya wadaagaan ayaa bilaabmay sannadkii 2011-kii oo Dagaalyahanno Al-shabaab ah oo ka soo tallaabay dhanka Soomaaliya ay afduubeen Dalxiisayaal iyo Kalluumaysto ku sugnaa Lamu. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shirka uu ku baaqay Boqor Buuramdow ee labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, waxaanu sheegay in haddii labada Beelood isfahan ka gaadhaan qabsoomida Shirka in aanay jirin cid hor istaagi kartaa, xilli la sheegay in Xukuumadda Somaliland raali aanay ka ahayn qabashada Shirkan. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Beel kastaaba wey shirtaa, oo danaheeda iyo arimaheeda ayey ka shirtaa, Beel iyo laba Beelood iyo in ka badana dantooda iyo arimahooda wey ka shiri karaan, dambina maaha inay Beeluhu arimahooda iyo danahooda ka shiraan, Shirkan Boqor Buurmadaw iclaamiyeyna maaha dambi, cidina ma joojin karto, haddii labada Beelood isku af gartaan oo ay ka heshiiyaana wuu qabsoomaya”. Source
-
Muqdisho, Juun 11, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka. Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika. “Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.” Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda. DHAMMAAD View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta tababar uga furtay Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka ka jira. Tababarkan oo lagu baranayo farsamada iyo maamulka astaanta Qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay kasoo qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka. Sidoo kale Tababarkan ayaa qayb ka ah qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka farsamo ee Astaanta dotSO. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DF, Cabdi Canshuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda, himilada iyo hiigsiga shirkan uu yahay in la helo isgaarsiin leh hal-beeg caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka. ’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan,’’ ayuu yiri wasiirka oo la dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta. Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay la soo wareegtay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda gacan ku haynta astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo iyo maamul kuwaas oo suurto-geliyay in si fudud loogu istimcaalo astaanta gudaha dalka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Isgaarsiinta DF oo Tababar u furtay shaqaale ka socay Dowlad…. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii Hab maamuuska Madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) ayaa u baxsaday dalka Turkiga, Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Saciid Kampala, oo dhanka hooyada ay ehel ka yihiin madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in ka hor inta uusan baxsan maxkamad looga yeeray, kadib markii uu ku lug yeeshay muran ku saabsan guri ku yaalla degmada Xamar Weyne oo la isku qabsaday, isaga oo garab siinayey dad ay isku beel yihiin. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markii gurigan la isku qabsaday waxay u xukmisay dad aan ahayn kuwii uu Kampala garabska siinayey ee ku beesha ahaa, hase yeeshee Kamapla ayaan ku qancin xukunkaas, wuxuuna billaabay inuu awood adeegsado. Sida aan xogta ku helnay, Saciid Kamapla ayaa wixii markaas ka dambeeyay adeegsaday awoodda Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, kadibna weeraray guriga Maxkamadda ay u xukuntay dadkii lahaa. Tallaabada uu qaaday Saciid Kampala ayaa waxaa ka dhashay isku dhac dhex-maray ciidamo Boolis ah oo farageliyay arrintaas, kana jawaabayay go’aankii Maxkamadda iyo Ciidamadii uu watay Saciid Kampala. Ciidamada Booliska oo ahaa illaa 18 askaro, lagana awood roonaaday ayaa goobta hubka looga dhigay, loona gudbiyay Xabsiga Madaxtooyada. Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa aad uga carrooday falka Saciid Kampala waxayna Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida geeyeen dacwad ka dhan ah. Sida ay wararku sheegayaan, Xeer Ilaalinta ayaa markaas kadib warqad u qortay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay in dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegan. Si kastaba, Saciid Kampala oo sida la sheegay dareemay kiiskan inuu aad u wyen yahay iyo qaladkii uu galay, ayaa dalka ka baxsaday, wuxuuna maalin ka hor ka dhoofay magaalada Muqdisho, isaga oo aaday Turkiga. Madaxtooyada ayaa la sheegay inay nasakhday kaarkiisa aqoonsiga madaxtooyada, islamarkaana amartay in lasoo celiyo gaadiid uu haystay oo laga lahaa madaxtooyada. Si kastaba, madaxtooyada kama codsan dowladda Turkiga in Saciid Kampala loo soo gacan geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimda@live.com
-
Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay soo bandhigtay sababta uu u xiran yahay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, kaas oo ku dhawaad abo bilood ku xiran magaalada Hargeysa. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta soomaliland ayaa lagu sheegay in kiisaska logu heysto Wariye codloon ay ka mid yihiin in uu ku xadgudbay jiritaanka iyo waliba qaranimda Soomaaliland, isla markaana xukuumadda Soomaaliland uu ku tilmaamay mid ku socota wadadii Madaxweynihii dowlad deegaanka ee Cabdi Maxamuud Cumar. Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa lagu eedeeyay in uu sheegay in dugsiga Abaarso oo ka mid Isksuullada ku yaalla Magalada Hargeysa lagu dhigo Casharo la xiriira Galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo kuwa ka baxsan diinta Islaamka. Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa Maxkamada Sare ka codsatay inay muudeeyaan xilliga rasmiga ah ee la qaadayo eedaha loo hesyto Cabdi Maalik Muuse Coldoon Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay HirShabelle ayaa lagu amray si deg deg ah loo soo xiro guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Warqada lagu soo xirayo mas’uulkan ayaa ka soo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal. Dabageed ayaa lagu eedeeyay dambiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xadgudub awoodeed, oogida dagaal sokeeye iyo kuwa kale. Go’aankan lagu soo xirayo guddoomiye Dabageed ayaa ku soo aadaya xilli maanta ciidamo taabacsan isaga iyo kuwa Hirshabelle ay ku dagaalameyn duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xiisada dagaalkan oo weli ka taagan deegaanka Kala-bayr ayaa waxaa ku dhintay taliyihii qeybta Booliska gobolkaaasi Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saraakiil iyo askar kale oo ka tirsanaa labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is horfadhiya dhinacyada dagaalamay oo kala ah Boolis iyo Nabad Sugid. Halkaan hoose ka akhriso amarka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ee Hirshabelle Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”. Dabageed ayaa amar-diido ka keenay xil ka qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare, oo jimcihii xilka ka qaaday. Akhriso: Qoraalka Source: goobjoog.com
-
S/Gaas daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in uu dar dar ku socdo howlgalka Dalka looga saarayo malayshiyaadka Al-shabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; Indhaqarshe ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka in ay yihiin kuwa Dalka ka saari kara Kooxda Al-shabaab. Dhallinyarada ay qaldeen malayshiyaadka Al-shabaab ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay kasoo laabtaan Fikirka qaldan ee kooxdaasi. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas ; Daahir Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in ka badan 30 Malleeyshiyaadka Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay Cadawga ku dhuumaaleysanayaan. S/gaas; Daahir Aadan, ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay isu soo dhiibeen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka M/Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Ciidamo taabacsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo kuwa maamulka HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyay dagaalka. Dagaalkani ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii la’isku qabtay cida qaadeyso canshuurta kastam ku yaalla deegaanka Kala-bayr ee gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalkaasi taliyihii Booliska gobolka Hiiraan G/Dhexe Maxamed Mocow, sidoo kalena lagu dhaawacay 2 ka tirsanaa ilaaladiisa. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli kacan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi. View the full article
-
Duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa maanta waxa uu xariga ka jaray suuq cusub oo si casri ah loo dhisay,kaas oo loogu talagaay barakacayaasha [...] Source
-
The Government of Kenya ordered the closure of its border with Somalia in Lamu indefinitely on Tuesday. Reports maintained that the border was closed because of security operations aimed at flushing out Al Shabaab militants suspected to be operating in the area. Lamu County Police Commander (CPC), Muchangi Kioi, declared that the border would henceforth be accessed by security personnel only. Any form of cross-border trade was also banned with Kioi reiterating that no one was exempted from the new directive. “Those who contravene the new orders will lose their business permits as well as face arrest,” the police boss affirmed. He further declared that any goods confiscated on their way to or from Somalia would be destroyed on the spot. “Those smuggling contraband items from Kenya into Somalia and vice versa will have themselves to blame. We will destroy those items and close your shop. We will also arrest and prosecute you,” he declared. Kenya’s simmering tension with its eastern neighbour has been escalating gradually, with the latest move coming a few weeks after Kenya threatened to use force if Somali citizens continued to obstruct or destroy the fence Kenya was building along the two countries’ border. In the letter, Kenya blatantly accused Somalia of obstructing the construction of the fence and using women and children to harm security personnel and construction teams. The tiff between the two nations is hinged on a narrow triangle, off the coast of Africa, in the Indian Ocean, about 100,000 square kilometres. Both countries have staked claim to the area because it supposedly has large oil & gas deposits. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faafaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo goor dhow ka qarxay deegaanka Kala-Bayrka ee gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa lagu soo warramaya in uu dhexeeyo Ciidamo taabacsan guddoomiyaha xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo kuwa maamulka HirShabelle. Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa dhashay, kadib markii la’isku qabtay cida qaadeyso canshuurta kastam ku yaalla deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsanayo hubka nuucyadiiska kala duwan. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah ay ku sii qul qulayaan goobta uu ka socdo iska hor imaadka. Wararka ayaa sheegaya in taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow uu ku dhintey dagaalka ka duleedka magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay ciidamada Booliska gobolka Hiiraan iyo ciidamo nabadsugid ah. Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dagaalkan ay sidoo kale ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska. Saraakiil ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in dilka Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Hiiraan uu ka dambeeyo taliye ku xigeenka Nabadsugida qaranka Fahad Yaasiin oo amray in ciidamada Nabadsugida ay la shaqeeyeen Maamulkii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in weli deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwa daacad u ah yuusuf Dabageed. Xaalada Magalada Baladweyne aya xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo dagaala ka socda duleedka degmadaas. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Taliyihii booliska qeybta Gobolka Hiiraan, Col. Maxamed Macoow ayaa goordhow lagu dilay goob canshuurta lagu qaado oo ku taalla deegaaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyn. Dhacdadan ayaa timid kadib markii ay canshuur isku qabsadeen ciidamo taabacnsan guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo ciidamada ka amar qaata guddoomiyaha cusub Caraale. Arrinta gobolka Hiiraan ayaa cakirneyd kadib markii uu Yuusuf Dabageed iska diiday xil ka qaadis uu sameeyey madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare. Sida uu sheegayo, weriyaha Goobjoog News ee deegaanka, waxaa fashilmay wada hadallo ay galeen odoyaasha, iyada oo Yuusuf diiday inuu aqoonsanyahay maamulka Hirshabeelle, waxaa kale oo ciidamadiisa ay la wareegeen goobo badan oo canshuurta lagu qaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xirtay xadka ay la wadaagto wadanka Soomaaliya xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidamada dalkaasi ay ka fulinayaan gobolka waqooyi bari. Mudo aan la cayimin ayuu xirnaan doonaa xadka, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Kenya, iyadoo intaasi ku dartay inay u furnaan doonto oo kaliya ciidamada howlgalka wada. Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu, ee dalka Kenya Muchangi Kioi ayaa xusay in qofkii jebiya amarkan uu lumin doono ruqsadiisa ganacsi sidoo kalena uu muteysan doono xarig. Xeritaankan xadka ayaa yimid todobaad kadib markii dowladda Kenya ay joojisay howlihii kalluumeysiga ee xeebaha ku dhaw Soomaaliya, sababo la xiriira dhinac amaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Kenya wadaan howlgallo roondo ah oo ay ku xaqiijinayaan inuu dhaqan galay amarka lagu xiray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Booliska ayaa uga digay ganacsatada inay ku xad-gudbaan go’aanka lagau xiray xadka, iyo inay kala gudbiyaan alaabaha ganacsiga ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka dhaca labada dhinaca ee xadka. Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro tan iyo markii ciidamadeeda u soo tallaabeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii. View the full article
-
Luanda (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola uga qayb galaya shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay. Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola, H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç, ayaa furay shirkaan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka socota garsoorka wadamada qaaradda Afrika. Shirka oo shalay furmay maantana soo xirmaya ayaa looga hadlay dhawrista dastuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee Aadamaha iyo kaalinta Garsoorka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
kooxda ciidan xooga dalka ee Horseed ayaa guul muhiim ka gaartay dhigeeda Muqdisho City Club,iyagoo labada dhinac ay wada ciyaareen kulamadoodii 12-aad horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. Qeybta 1aad labada koox ayaa taageerayaashooda u soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis waxaana nasiida laga kala maray barbaro goolal la’aan ah ama (0-0). “Allah ayaa mahad iska leh kulankan waxa uu inoo ahaa mid muhiim ah waayo waxaan ku dhawaanaynay kaalinta 2aad iyo in yareeno farqiga xaga dhibcaha” waxaa Goobjoog Sports ugu swaramay Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon). Markii laysku soo laabtay dheesha labada koox ayaa sameeyay fursado badan,basle daqiiqadii u danbeesay ciyaarta kooxda Horseed ayaa dhalisay gool cajiib ah oo madax ah waxaana u dhaliyay laacib Farxaan Maxamed Axmed (Farxaan Duqow),isagoo kulanka badal ku soo galay. “Waxaan soo bandhigay ciyaar cajiib ah,balse guusha waxa ay raacday dhigeena Horseed waan u hambalyaynaa waxaanse usoo diyaar garoobaynaa kulamada kale ee horyaalka”Waxaa Goobjoog Sports u sheegy tababaraha kooxda kubbadda cagta dowladda hoose ee Muqdisho City Club Xuseen Balangu. Kulanka waxaa dhex dhexaadiye ka ahaa Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari),Calanhayaha 1aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2aad waxa uu ahaa garsoore Nuur Cabdi Maxamed,halka garsooraha keydka uu ahaa Najiib Cawil Ismaaciil,waxaase xer ilaaliyaha ciyaarta kulanka uu ahaa Guddoomiyaha garsoorka xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Halkan Ka Daawo Warbixin ku saabsan kulankii dhaxmaray kooxaha Horseed & Muqdisho City Club Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidamada Xoogda Soomaaliya Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa sheegay in ay isa soo tarayaan tirada xubnaha ka soo goosanaya Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Indho Qarshe ayaa xusay in ay gobolo kala duwan ay ku soo dhaweeyeen Rag ka tirsanaa Al Shabaab oo is iskood ah ugu soo biiray dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa uu sheegay Taliyuhu in Ciidamada milatariga Soomaaliya ay guulo ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee la fuliyay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo kordhiyay howlgalladooda ayaa la wareeegay deegaano ka tirsan gobollada Gedo iyo Sh/Hoose. View the full article