Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ka hadlay in ciidan uu leeyahay Booqor Buurmadow oo tikniko leh ay u dhaqaaqeen dhanka maamul gobaleedka Puntand, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Thomas D. Waldhauser oo ah taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa la sheegayaa in talaadadii ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyaga oo kala hadlay sida Mareykanka diyaar ugu yahay iney Soomaaliya ka taageeraan soo-celinta amniga iyo xasiloonida. Wadahadalka labad dhinac oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madax badan oo ciidamada xoogga ka tirsan waxaa la sheegayaa in lagu soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab. “Caawinta Mareykanka waxaa qeyb muhiim ah ka ah in aanu la shaqeyneyno dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo xasilooni”. “Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaa ay micnaheedu tahay in gobolka oo dhan uu helo xasilooni. Waxaa ay micnaheedu tahay in dadka Soomaaliyeed ay awoodaan iney xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarka” ayuu intaasi raaciyey. Mareykanka ayaa xarun ku leh Shabeellada hoose, waxaa ay si joogta ah u duuqeeyaan Al-shabaab, waxaa kale oo ay tababar siiyaan Danab oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DAHAB ayaa waxa ay howlgallo qorshaysan ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka [...] Source
  4. Somalia is set to get continued support from the United States Government, as they seek to restore stability after decades of anarchy. U.S. Marine Corps Gen. Thomas D. Waldhauser, commander, U.S. Africa Command and U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto made this commitment during a visit to Mogadishu on Tuesday. During the visit, Waldhauser and Yamamoto met with Prime Minister Hassan Ali Khaire and key Somali defense officials. Their talks revolved towards destabilizing Al-Shabaab terror group, which is responsible for thousands of killings within and the region, Kenya being the worst hit. “U.S. security assistance to Somalia is an important part of our efforts to work with the people and government of Somalia for peace and stability,” said Yamamoto. “Peace and stability for Somalia means more stability in the entire region. It also means that the people of Somalia will be able to better focus on building a prosperous future.” Kenya Defence Forces are among a more than 10, 000 strong AMISOM forces fighting the militants. To complement their efforts, the US Forces have launched tens of air strikes, killing the terrorists right from their hideouts. Somali National Security Forces and their AMISOM partners continue to make advancements into the territory previously beset by terrorists. In a statement, the US Africa Command says, ” these Somali-led operations are necessary to advance Federal Government of Somalia objectives, spur economic activity and development, and release Somali citizens from the oppression and coercion of al-Shabaab.” Somali forces recently cleared the south of the Shabelle River near the village of Bariire and established a security presence in the area. The mission was the latest in a series of operations designed to force al-Shabaab out of strongholds in Lower Shabelle. “Operations such as this enable the Somali government to restore critical infrastructure in places like Bariire, leading to increased economic activity,” reads the statement. On his part, Gen. Waldhauser said, “Employing an integrated interagency defense, diplomacy, and development approach, our efforts in Somalia help contain a potentially broader regional security threat.” “The assistance provided in Somalia is truly an international effort and there are encouraging signs of change, progress, and emerging options for Somalis.” While Al-Shabaab has extensively been weakened, they still launch pockets of attacks within Somalia and the region. On January 15 to 16, the militants launched an attack on the DusitD2 complex, a luxurious facility located within the leafy suburbs of Riverside drive, often frequented by foreigners. At least some 21 people were killed, and tens others injured, with more than a 1,000 saved from the ugly face of terror. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Qoys Laba Maalmood Goob Bannaan Ah U Hoyday Ka Markii Gurigoodii Gubtay + Codsi Dareen Leh Oo Ay U Direen Bulshada Muslinka Ah Xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Twitterka ku faafiyay farriin ku socota madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuxurkeedu yahay in uu fuliyo heshiiskii dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo. Farriinta Cirro ayaa u dhigan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka.” Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo la galay heshiis nuxurkiisu yahay sidii loo dhammayn lahaa tabashada bulshada gobolka Sool ka qabto Somaliland, waxaana la filayay in madaxweyne Biixi fuliyo arrimahaasi laakiin, marar badan ayuu niyad jab ka muujiyay Cali Khaliif fulin la’aanta heshiiska. Ma cadda waxa xilligan keenay baaqa Cirro laakiin, waxa jira hadal hayn ku saabsan in xilligan oo madaxweyne Biixi la daala-dhacayo fashilaadda kaga timid Bariga Sanaag oo ay kaga xoog badatay Puntland uu Cali Khaliif ku laaban doono degaankiisa gobolka Sool una sheegi doono in uu quus ka taaggan yahay heshiiskii sidaas awgeedna ay aayahooda ka tashadaan. Haddii Cali Khaliif talada ku celiyo gobolkiisa waxa la filan kara saamayn ka weyn tan gobolka Sanaag Bari in ay xukuumadda madaxweyne Biixi ku yeelan doonto guuxa ka aloosma arrintaasi. Madaxweyne Biixi ayaa loo arkaa in aanu haysan wasiirro iyo masuuliyiin culus oo saamayn ku leh degaannadooda, islamarkaana u noqon kara baalal uu ku duulo si uu degaannada kala duwan ugu yeesho saamayn hoggaamineed. Source
  7. Burco(SL-T)”Boqor Buurmadow Waxan Leeyahay Cago Dhigo ” Beeldaaje Xandule Oo Si Adag Ugu Jawaabay Boqor Buurmadow Source
  8. (SLT- Stockholm)-Dowladda Sweden ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay oo ku aadan inay dowladda Sweden u diiday madaxweyne Biixi inuu safar ku tago magaalada Stockholm. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Caasimada Sweden ay la xidhiidhay ka qeyb galka dood ku saabsaneyd sida Somaliland ay ku heshay nabadda iyada oo ku taalla gobol colaado badan ay ka jiraan. Sida wararka aan ku heleyno warqad loo soo diray Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas. Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay la xidhiidhay Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Labada dhinac ayaa hadda beeniyay inay ka warhayeen socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Stockholm, waxaana hadda baaqday safarka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladaasi. Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi waxaa abaabulayay dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliland iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas ay dalbatay dowladda Federaalka Soomaaliya. Source
  9. Gen. Thomas D. Waldhauser oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa la sheegayaa in talaadadii ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyaga oo kala hadlay sida Mareykanka diyaar ugu yahay iney Soomaaliya ka taageeraan soo-celinta amniga iyo xasiloonida. Wadahadalka labad dhinac oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen madax badan oo ciidamada xoogga ka tirsan waxaa la sheegayaa in lagu soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab. “Caawinta Mareykanka waxaa qeyb muhiim ah ka ah in aanu la shaqeyneyno dadka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo xasilooni”. “Nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaa ay micnaheedu tahay in gobolka oo dhan uu helo xasilooni. Waxaa ay micnaheedu tahay in dadka Soomaaliyeed ay awoodaan iney xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarka” ayuu intaasi raaciyey. Mareykanka ayaa xarun ku leh Shabeellada hoose, waxaa ay si joogta ah u duuqeeyaan Al-shabaab, waxaa kale oo ay tababar siiyaan Danab oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Qaahira)-Hal sano ka dib markii dawlada Masar ay aag badalatay ‘Maalgashiga aduunkuna uu dhamaaday’ dadka arimaha maaliyada iyo dhaqaalaha ka faalooda ayaa ku tilmaamay in meesha suuqeedu uu kulul yahay isla markaana uu hoos u socdo dhaqaalaha dalkaasi. Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi meets with Managing Director of the International Monetary Fund Christine Lagarde during their meeting as part of the G20 Leaders’ Summit in Hangzhou, China, on Sept. 3, 2016. Egyptian Presidency Press Office/Anadolu Agency/Getty Images Inkastoo ay jireen maalgashadayaal ku soo qulqulayey dalkaasi mudooyinkii u dambeeyey, isla markaana doonayey inay ku nasiibiyaan iyagoo rajaynaya inay wax ka samayntaan suuqa lacagta ee dalka Masar. Balse bishii December 2018-kii waxa uu hoos u dhucu noqday 20% marka loo eego sanadkii hore, waxaana sanadii dambe ee xigay 2019-ku uu ku sii socday isla jidkaasi. Mid ka mid ah bangiyada maalgashiga aduunka ayaa ku tilmaamay Masar inuu ka soo kaban doono isla markaana ay tahay meesha ka soo kabashada iyo isbadalka leh marka loo eego Bariga Dhexe, Afrika iyo Bariga Yurub. Hadaba si loo fahmo dhamaan caqabada xaqiiqada hubaal la’aanta dhaqaalaha dalkaasi ku keentay. Ayaa waxa jiray Warbixin uu daabacay Bangiga Aduunku bishii April 2019-kii, taas oo lagu xisaabiyey in “boqolkiiba 60% shacabka dalka Masar ay yihiin Sabool ama kuwo daciif ah dhaqaale ahaan.” Marka loo eegayo xaaladaha nolosha. Sidoo kale waxa dhaqaalahan aan kobcayn ee dalka Masar loo sibir saarayaa dhibaato maamul xumo ah oo dhinaca dawlada ah iyo dayac jira inuu sabab u yahay taas oo keentay in qiimo dhac farabadan uu ku yimaado lacagta dalkaasi. Waxaanay dawladdu ay wakhti xaadirkan u qoondaysay 38% miisaaniyada in ay ku bixiso sidii looga soo kaban lahaa hoos u dhaca, iyo daymo farabadan oo ay ka raadinayso hay’adda lacagta aduunka ee IMF-ta. Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Ballanqaadkaasi ayaa lagu muujiyey Hadal-qoraal oo si wadajir ah looga soo saaray Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen Saraakiil ka tirsan Soomaaliya, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto. Taliyaha AFRICOM iyo Danjiraha Maraykanka waxay ballan qaadeen inay xoojin doonaan Hawlgallada Ammaanka ee lagu taageerayo Deganaanshaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Donald Yamamoto waxa uu tilmaamay in Taageeradda ay ka geysanayaan Ammaanka Somalai inay qeyb muhiim ah ka tahay dadaalka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya lagala shaqeynayo Ammaanka iyo Nabadda dalkooda. Waxa uu intaasi ku daray in Deganaashaha iyo Nabadda Somalia micnaheedu tahay Deganaanshaha dheeriga ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha Mustaqbal Barwaaqo ah, waasida uu hadalka u dhigay. Boqolaal Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigyo ku yaalla gudaha Somalia, waxayna fuliyaan Hawlgallo ay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kaga taageeraan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, kaasi oo bilowday sannadkii 2007-dii. Source
  12. (SLT-Kampala)-Dowlada Uganda ayaa xaqiijisay in dalkeeda uu soo gaadhay cudurka halista ah ee Ebola oo ka dilaacay dalka ay jaarka yihiin ee Dr. Congo. Cudurkan ayaa la sheegay in laga helay cunug 5 sanno jir ah oo kamid ah qaxootiga ka yimid dalka DRC oo Axadii lasoo dhaafay tagay wadanka Uganda, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in wiilkan yar hada lagu hayo goob gaar oo lagu dabiibayo. Dalka Uganda ayaa heegan sare ku jiray tan iyo sanadkii tagay kadib markii cudurkan uu ka dilaacay wadanka DRC. Hay’ada caafimaadka WHO ayaa sidoo kale sheegtay inay dalkaasi u dirtay dhakhaatiir khaas ah si ay ulla dagaalamaan cudurkan. Wadanka Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, sanadkii 2014 ayey dowlada Sierra Leone oo ay ciidamadeeda kamid ahaayeen AMISOM askarteeda kala baxday Soomaaliya kadib markii uu cudurka Ebola dalkaasi ku faafay. Source
  13. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay ka sameeyeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada DANAB ayaa howlgalka waxay ka sameeyeen deegaan ay ku sugnaayeen ururka Al Shabaab, sida saraakiisha ay sheegeen, waana saldhig ku yaala duleedka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha ciidamada DANAB ayaa sheegay inay howlgalkaasi fuliyeen, kadib markii ay heleen xog dhanka amaanka ah, iyaga oo ka hortagaya weeraro Al Shabaab ka geystaan deegaanada Jubbooyinka. Taliyaha qeybta Ururka labaad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal, ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas, isla markaan ay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah geysan. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan uu ku xigo doono kuwo kale oo laga fulayo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin. Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  14. (SLT-Khartoum)-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Sudan ayaa soo afjaray ololihii shaqo joojinta ah oo ujeedkiisu ahaa in cadaadis lagu saaro Militariga dalkaasi si ay xukunka ugu wareejiyaan maamul rayad ah. Ergayga garaka ah ee dalka Itoobiya u qaabilsan dalka Suudaan oo dhex dhexaadinayay labada dhinaca ayaa sheegay in wadahadalada lagu dhisayo dowladda cusub ay si dhaqso ah dib ugu bilaaban doonaan . Mahmoud Derir ayaa sidoo kale sheegay in golaha Militariga ay ogalaadeen in xabsiyada laga siidaayo dadka u xir arrimah siyaasadda Ma jirto waqti cayiman oo loo qabtay in ay wadahadalada dib u soo cusboonaadaan ,balse waxay u muuqataa in go’aanka lagu dhawaaqay ilaa iyo hadda uu yahay mid ku filan in labada dhinac ay dib u bilaabaan wadaxaajoodka. Mucaaradka ayaa horey ugu baaqayay dadka reer Sudan in ay ka qayb qaataan ololaha shaqa joojinta ilaa militariga ay xukunka ku wareejinayaan dowlad rayid ah. Saddex maalin ka dib arrintaasi ma aysan hirgalin, balse mucaaradka ayaa imika shaqa ka fariisigaasi soo afjaray. Qayb ahaan waxaa soo afjaridda arrintani sabab u ahaa in dad badan ay shaqooyinkooda sii wateen gaar ahaan milkiilayaasha ganacsiyada yaryar iyo dadka ku tiirsan shaqooyiinka maalin laha ah ee ay quutu daruuriga ku helaan. Go’aankii ay militariga xabsiga uga siidaayeen maxaabiista dhanka siyaasadda ayaa hogaamiyayaasha dibadbaxyada siiyay rajo ay wadaxaajoodka dib ugu laaban karaan. Balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa waxay ka soo horjeedsadeen in shaqa joojinta la soo afjaro. Hogaamiyaha mucaaradka Sudan Yasir Arman oo isagu horey loogu tarxiilay magaalada Juba ayaa BBC u sheegay in uusan ka warqabin wax heshiis ah ooo ku saabsan in wadaxaajoodka dib loogu noqdo. Shuruudda ugu wayn ee mucaaradka ku xireen in wadaxaajoodyada ay dib u soo cusboonaadaan ayaa ahayd in baaritaan caalami ah oo madaxbanaan lagu sameeyo dilkii 100 qof oo rayid ah toddobaadkii aanu soo dhaafnay la dilay,Balse arrintaas imika laguma heshiin. Source
  15. (SLT-Tell Aviva)-Wargeyska Macaarif ee laga leeyahay Israa’iil ayaa qoray inuu jiro xidhiidh gaar ah oo in ka badan 20 sanno si qarsoodi ah ugu dhaxeeyey Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Israa’iil. Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay inuu jiro iskaashi dhanka Sirdoonka iyo Amniga oo qoto dheer kaasoo ka dhaxeeyo Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta. Falanaqeeyaha wargeyskaan u qaabilsan dhanka Sirdoonka Yossi Maiman ayaa sheegay in sababta xidhiidhkooda ay tahay kadib markii uu batay danaha siyaasadeed ee labada dhinac iskaga xidhan. Yossi Maiman ayaa warbixintaan oo la daabacay sabtidii ku sheegay in Abu Dubai ay hormarisay xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil, isagoo sheegay inay ula macaamisho sida wadan dhammeystiran. Wuxuu intaas kusii daray in Imaaraadka ay Israa’iil ka caawiso arrimaha Sirdoonka halka Tel Aviv ay iyadana howlo sirdoon ka sameyso gudaha Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay iska kaashadeyn sameynta isbaheysi ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar kaasoo loogu tallagalay in lagu tirtiro Ururka Ikhwaanul Muslimiin. Wargeyska ayaa fashiliyay in Si ay imaaraadka u gaadho danaheeda gaarka ah ay Israa’iil laba qarni bixineysay lacagaha lagu iibinayey Hub farabadan iyo Qalabka difaaca taaso qiimaheeda lagu sheegay Boqolaal Milyaar oo dollarka taasoo laga soo iibinayey dalka Mareykanka, waxayna arrintaas keentay inay Israa’iil xidhiidh wanaagsan la yeelato Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa kala shaqeysay Madaxweynaha Mareykanka Trump in Israa’iil laga caawiyo Farsamada casriga ah ee sameynta hubka si ay ugu isticmaasho dagaalka ay kula jirto Falastiin. Shirkadda NSO ee laga leeyahay Israa’iil ayaa dhankeeda Abu Dubai ka caawisay in la siiyo Barnaamijka Pegasus oo sirdoonka Imaaraadka ka caawinayo inay ku dhageysato taleefoonada dadka ay u aragto inay mucaarad ku yihihiin Maamulkooda. Fadeexadaan cusub ee uu faafiyey wargeyskaan laga leeyahay Israa’iil ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Dowladaha Carabta si toos ah ula safteen Mareykanka iyo Israa’iil. Source
  16. Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in deegaan duleedka ka ah degmadaasi lagu dilay Afar qof oo shacab ah. Sidey sheegeen dad ku sugan deegaanka Dhiin-waris oo ku dhow Dhuusamareeb, dadkan ayaa ahaa kuwo ka shaqeeya goob shinnida lagu hayo, waxaana dilay rag hubeysan. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka dadkan, waxaana meydkooda loo qaaday dhanka degmada Dhuusamareeb. Maamulka Galmudug kama aanu hadal falkan ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb, waxayna arrintan tahay mid aad loo hadalhayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Liibiya)-Hay’adda Dowladda Liibiya ugu qaabilsan Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ayaa shaacisay inay ku guulleysatay inay dib u midoobaan qoys Soomaali ah oo si sharci-darro ah ku joogay dalkaasi. Hadal-qoraal oo ay maanta soo saartay Hay’addaasi ayaa lagu sheegay in in Aabaha qoyskaasi oo deganaa Degmadda Garji ee magaalladda Tripoli ay xaaskiisa iyo Wiilkiisa ku kala lumen xaallado aan kala caddayn. Qoyskaasi ayaa la sheegay inay ka diiwaan gashanaayeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, isla markaana ay u kireysay guri, ilaa ay u ambabaxayaan dal kale. Hay’adda waxay sheegtay in la xaqiijiyey Dukumentiyadda laga rabay xaaska iyo wiilka ambadka ahaa oo la dhigay Faraca Waaxda Socdaalka ee ku taalla degmo ka tirsan Tripoli. Qoyska Soomaalida ee dib u midoobay lama shaacinin magacyadooda, balse, waxaa la soo bandhigay Sawiradooda oo keliya, sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka Alwasat ee dalka Liibiya. Source
  18. War qoraal ah oo ka soo baxay kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen saraakiil ka tirsan DFS, Taliyaha Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika [...] Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Sweden ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay oo ku aadan inay dowladda Sweden u diiday madaxweyne Biixi inuu safar ku tago magaalada Stockholm. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Caasimada Sweden ay la xiriirtay ka qeyb galka dood ku saabsaneyd sida Somaliland ay ku heshay nabadda iyada oo ku taala gobol colaado badan ay ka jiraan. Sida wararka aan ku heleyno warqad loo soo diray Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas. Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay la xiriirtay Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas. Labada dhinac ayaa hadda beeniyay inay ka warhayeen socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Stockholm, waxaana hadda baaqday safarka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladaasi. Socdaalka Muuse waxaa abaabulayay Dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliya iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas dalbatay dowladda Federaalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay. Dagaalkan waxaa ku dhintay taliyahii qeybta Booliiska ee gobolka Hiiraan, Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow Xalane. C/naasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay iney ka xun yihiin geerida taliyaha, sidoo kalena ay guddi u saareen arrinta dagaalka. Wuxuu tilmaamay wasiir ku xigeenka in sidoo kale loo baahan yahay dejinta xaaladda oo aan xaalado kale oo dadka dhib u keeni kara la abuurin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/cod1-wasarada-amniga-.mp3 Source: goobjoog.com
  21. Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi. Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo. Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaallamayaashooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido islamarkaana xiran ookiyaalaha habeenkii wax lagu arko ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaaray. Dhinaca kale taliska ciidamada Somaliland ayaan weli dhinacooda ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay oo dadka degaanka ay ku tilmaameen midkii ugu cuslaa ee dhexmara jabadda Khaatumo iyo ciidamada Somaliland marka loo eego hubka culus ee halkaasi ka dhacayey habeenkii xalay. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo xalay ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  22. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in dad shacab ah oo kasoo jeeda Koofur Galbeed lagu dilay duleedka magaalada. Ku dhawaad Shan ruux aya lagu dilay deegaanka Bulacle oo dhinaca Koofureed kaga beegan magaalada Dhuusomareeb, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Wariyaasha ku sugan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dadka la dilay oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed inay ku dhinteen falal la xiriira aanooyin qabiil oo maalmihii ugu dambeeyay ka jiray deegaanada Galgaduud. Meydadka dadka Shacabka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa la sheegayaa in loo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in dadka rayidka ah ee la dilay aysan kamid aheyn labada beeleed ee maalmahaan ku dagaalamay deegaanka Bulacle. Xiisad u dhaxeysa labo beelood oo halkaasi wada daga ayaa ka taagneyd maalmihii ugu dambeeyay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana dadkaan la sheegay inay saameysay xiisadda. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan xiisadda kataagan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee u dhaxeysa beelaha halkaasi wada daga. Arinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalin ka hor dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed looga yeeray xarunta Dhuusomareeb, islamarkaana laga dalbaday inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  23. Maamulka deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee deegaankaasi, halkaasi oo shalay ay dib ula wareegeen ciidamada Puntland. Maxamed Geeddi Saalax, guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid deggan, islamarkaana ciidanku ay howlgallo wadaan. Wuxuu guddoomiyaha tilmaamay in markii ciidanku ay shalay la wareegeen deegaankaasi ay isku gadaameen guud ahaan xaafadaha Af-urur, islamarkaana amniga ay xaqiijiyeen. “Xaaladdu wey deggan tahay, ammaankuna waa uu sugan yahay, ciidamadu sababo ciidan bay u baxeen, hadane waa ay kusoo laabteen deegaankooda” ayuu yiri guddoomiyaha. Al-shabaab ayaa la wareegay markii ciidanka Puntland isaga baxeen deegaanka Af-urur, hase ahaatee shalay ayeey dagaal la’aan isaga baxeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Afhaayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in la shaqeynta shacabka hay’adaha amniga ay fududeyn karto in la helo nabad galyo iyo xasilooni waarta. Nabadoonka ayaa ka codsaday in dowlad iyo shacab la’iska kaashado xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in la helo Maqaamka Siyaadadeed ee magaalada Muqdisho, maadaama shacabka ku dhaqanka Caasimadda tiro ahaan ay ka badan yihiin saddex Milyan. Muqdisho ayaa hadda wax matalaad ah aan ku laheyn nidaamka federaalka dalka, hayeeshii waxaa socdo qorshe lagu doonayo in lagu helo maqaamka Caasimadda. View the full article